Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay saxiixay mara madaxweyne oo muddo 60 cisho ah xayiraad kusoo rogaya codsiyada dadka doonaya inay dalbadaan sharciga degenaanshaha Mareykanka ee Green Card-ka loo yaqaan. Trump waxa uu sheegay in amarkan uusan saameyn doonin dadka shaqaalanimada muddada kooban ah kusoo galaya Mareykanka. Waxa kaloo uu sheegay in amarkan uu muhiim u yahay si loo difaaco shaqaalaha Mareykanka oo mar horeba uu saameeyay xanuunka COVID-19, kaasi oo shaqooyin badan ay ku lumeen. Haddaba saameynta uu amarka Madaxweyne Trump ku yeelan karo soo galootiga, ayaa wariyaha VOA-da Falastiin Axmed Imaan waxay ka warreysatay garyaqaan Amiin Haruun oo ka mid ah sharciyaqaanada Soomaalida ee gobolka Minnesota.
from VOA https://ift.tt/2xS9FDQ
via IFTTT
Thursday, April 23, 2020
Saameynta amarka Trump uu ku yeelan karo Soo-galootiga
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment