Barnaamijka Galka Baarista waxa uu ku saabsan yahay sidii Islaamka uu kusoo gaaray Geeska Afrika, ama halka iminka loo yaqaan Soomaaliya, waana qeybtii labaad. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA https://ift.tt/2LzSRG3
via IFTTT
Tuesday, July 2, 2019
Galka Baarista: Sidee Islaamku kusoo gaaray Somalia? (Qeybtii 2-aad)
Jeneraal Muuse Maxamed Abtiyoow oo geeriyooday
Allaha u naxariistee Jeneraal Muuse Maxamed Abtiyoow oo horey uga tirsanaa miilatariga Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka. Marxuumku wuxuu ku dhashay Degmada Cabdi-Casiis ee magaalada Muqdisho sanadkii 1945-tii. Marxuumka wuxuu ka noqday u qaybsame arrimaha milatariga Safaaradaha Somaaliya ee Washington iyo Turkiga, Ibrahim Hassan Daandurey ayaa war-bxintan nooga diyaariyay
from VOA https://ift.tt/2xp7oMm
via IFTTT
Taliyihi booliiska Koonfurta Gaalkacyo oo geeriyooday
Taliyihi booliiska ee dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ku geeriyooday magaaladaas, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolka. Gaashaanle Cawil Nur Rooble ayaa shalay dhaawac culus uu kasoo gaaray bam lagu xiray baabuurkiisa oo qarxay xilli uu ku watay baabuurkiisa magaalada Gaalkacyo. Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka taliyahaasi. Ururka Al-Shabaab ayaa bilihii u dambeeyey weeraro ay ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ku dilay saraakiil dhinaca amniga ah iyo weliba shaqaale rayid ah oo u shaqeeya hay'adaha gargaarka.
from VOA https://ift.tt/2KREJIH
via IFTTT
Itoobiyaanka Israel oo dibad-baxyo dhigaya
Israel ayaa wajahaysa dibad-baxyo xooggan oo looga soo horjeedo sarkaal boolis oo isaga oo aan shaqo ku jirin dilay wiil dhallinyaro ah oo ka tirsan bulshada Itoobiyaanka Israel.
from VOA https://ift.tt/2NqyaPu
via IFTTT
Iran oo dilaysa dad u 'jaajuusay' Mareykanka
Dacwad oogayaasha Iran ayaa dil toogasho u raadinaya dhowr qof oo ku jira militariga iyo hay'adaha nukliyeerka kuwaas oo sanadii tagtay loo xiray tuhunno la xiriira inay u jaajuuseen Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
from VOA https://ift.tt/306qSlu
via IFTTT
Monday, July 1, 2019
Shirka la dagaalanka xag-jirnimada oo Jabuuti lagu qabtay
Dalka Jabuuti ayaa waxa shalay ka furmay shir lagu casuumay aqoon-yahannada diimaha Islaamka iyo Kiristanka oo looga hadlayay sidii loola dagaalami lahaa fikaradaha xag jirka.
from VOA https://ift.tt/2Yr2cUl
via IFTTT
Islaamiyiinta Sudan oo Caqabado Wajahaya
Islaamiyiinta Sudan ayaa caqabado kala kulmay xilli kala guurka Sudan. waxayna haatan doonayaan inay qeyb ka noqdaan dadaalka la doonayo in xukumad ku meel gaar ah loogu dhiso Sudan.
from VOA https://ift.tt/30cvxT5
via IFTTT