Wasiirka Caafimaadka Dowlada Federalka ah ee Somalia ayaa sheegtey in ay Somalia markii ugu horeysay u codeysay madaxa W.H.O muddo dheer ka dib
from VOA http://ift.tt/2qIpfrU
via IFTTT
Wednesday, May 31, 2017
Dr. Fawsiya Abiikar Nuur oo Ka mid noqotey Shir Gudoonka W.H.O
Qarax 90 Ruux ay Ku Dhinteen oo Kabul Ka Dhacay
Ugu yaraan sagaashan qof ayaa ku dhimatay tiro seddex boqol ka bandanna way ku dhaawacmeen, ka dib markii qarax xooggan oo loo adeegsadya gaari xamuul ah oo wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qaaday subixii Arbacada xarrun diblumaasiyadeed oo ku taalla caasimadda dalka Afghanistan.
from VOA http://ift.tt/2qHOdb4
via IFTTT
Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Madaxtooyada Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2rphJ9z
via IFTTT
Sarkaal Milatari oo Lagu Dilay Muqdisho
Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa fiidkii toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan qaybta caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2rkTszd
via IFTTT
Xaalad Deg Deg ah oo Lagu soo Rogay Magaalada Burco
Kulan degdeg ah oo ay maanta yeesheen golaha deegaanka ee magaalada Burco ayey kaaga dhawaaqeen in magaalada Burco la geliyey xaalad deg deg ah.
from VOA http://ift.tt/2rkN7Ea
via IFTTT
Sarkaal Shabaab ah oo Isku Dhiibay Dowladda
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda ee gobolka Hiiraan.
from VOA http://ift.tt/2qACxMb
via IFTTT
Beyle: Dakhliga Gudaha Ayaa Nagu Filan
Wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in kharashaadka kasoo xarooda gudaha ay ku filan yihiin bixinta mushaharaadka iyo kharashka kale ee dawladda. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmana Ducaale Beyle oo maanta ku qabtay shir jaraa'id magaalada Muqdishu ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaale dawladda iyo qodobo kale. Warbixintan waxaa noo soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
from VOA http://ift.tt/2rkkQgV
via IFTTT
90 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kabul
Gaari xmauul oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa saaka ku qarxay qeybta diblomaasiyiinta ee magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 90 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
from VOA http://ift.tt/2rkkNBL
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Gobolka Lamu ee Dalka Kenya
Qarax ayaa maanta ka dhacay gobolka xeebta ee dalka Kenya ee Lamu, kaasi oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2qAH9la
via IFTTT
Laba Qof iyo Walxaha Qarxa oo lagu Qabtay Boosaaso
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay qabteen laba qof iyo walxaha qarxa oo badan oo lagu soo qariyey baabuur waday khudaar.
from VOA http://ift.tt/2rkvN29
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 373
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 373-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2qAMHw7
via IFTTT
Gal-gala: Haweeney iyo Seygeeda oo Qarax Ku Dhintay
Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku dhintay togga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala ee gobolka Bari, shalay gelinkii dambe, kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.
from VOA http://ift.tt/2rk2vAl
via IFTTT
Farmaajo oo Sheegay in Sacuudigu Lacag ugu Deeqay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2rkkPtf
via IFTTT
Waqooyi Bari Kenya: Carro ka Dhalatay Geel la Laayey
Gobolka Somalida ee Waqooyi Bari Kenya waxaa weli ka taagan carada ay dadku ka qaadeen in kabadan 120 neef oo geel ah oo la laayey.
from VOA http://ift.tt/2qANT2w
via IFTTT
Diyaarad ku Dhacday Garoonka Aadan Cadde
Diyaarad yar oo ay la socdeen afar qof ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho maanta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
from VOA http://ift.tt/2rkdnhG
via IFTTT
Togdheer: Dad Hor Leh oo u Dhintay Shuban Biyoodka
Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in uu sare u kacay dadka uu soo ridanayo xanuunka shuban-biyoodka.
from VOA http://ift.tt/2qAvWkI
via IFTTT
Heshiis Dhex Maray Galmudug iyo Puntland
Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay is-afgarad kala gaadheen maamul goboleedka kale ee Puntland sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin dhinaca amniga ah oo ku saabsan dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafadyada.
from VOA http://ift.tt/2rkqn75
via IFTTT
Qaraxyo ka Dhacay Baghdad oo lagu Dilay 27 Qof
Laba qarax oo kala duwan oo ka dhacay waddooyin aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq ayaa dilay ugu yaraan 27 qof, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale.
from VOA http://ift.tt/2rk5vwM
via IFTTT
Soomaalida USA oo Ka Walaacsan Islaam Naceybka
Soomaalida iyo muslimiinta kale ee ku nool Mareykanka ayaa ka walaacsan naceybka sii kordhaya ee ka dhanka ah diintooda ama isirkooda ee ay kala kulmayaan dadka qaar.
from VOA http://ift.tt/2qASW2X
via IFTTT
Somalia: Mashruuc Indhaha Loogu Fiiqayo Kun Qof
Mashruuc loogu magac daray Hadiyada Araga oo qaliin indho fiiqis lacag la'aan ah loogu sameynayey dad gaaraya kun qof oo isugu jira barakacayaal ku kala sugan Muqdisho iyo Kismaayo ayaa wajigiisii hore lagu soo gaba gabeeyey magaalada muqdisho
from VOA http://ift.tt/2rkeGgJ
via IFTTT
Trump Oo Difaacay Kushner
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay wiilka uu soddoga u yahay isla markaana u ah lataliye sare, Jared Kushner, kaasoo lagu eedeeyey inuu isku dayay inuu sameeyo wadiiqo qarsoodi ah oo ay ku wada hadlaan Russia iyo saraakiisha Ololihii Trump.
from VOA http://ift.tt/2qABZWD
via IFTTT
Farmaajo: Dib u Heshiisiin ayaa looga Gudbi Karaa Dagaallada
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in colaadda iyo dagaallada Soomaaliya looga gudbi karo dib u heshiisiin.
from VOA http://ift.tt/2qAGwbi
via IFTTT
Cudurka Shubanka oo ka Dilaacay Xabsiga Burco
Saddex maxbuus ayaa geeriyooday, 52 kale oo ay ku jiraan ciidanka ilaalada xabsigana waxa loola cararay cisbitalka ka dib markii cudurka shubanku uu ka dillaacay Xabsiga dhexe ee magaalada Burco.
from VOA http://ift.tt/2rkcDJF
via IFTTT
Madaxweyne Xaaf oo la Caleemo Saaray
Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta lagu caleemo saaray munaasabad ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas.
from VOA http://ift.tt/2qAoTbR
via IFTTT
Soomaaliya: 6 Milyan oo Gargaar u Baahan
Abaaro ba'an ayaa illaa iyo lix milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ka dhig kuwa u baahdaan gargaar cunto iyo caafimaad deg deg ah. Hey'adaha Gargaarka ka digaya in caruurtu ay yihiin kuwa halista ugu weyn ku jira. Wariyaha VOA-da Maxamed Yuusuf ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Baydhaba, wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa inoo soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2rkespT
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 373
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 373-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2smwszb
via IFTTT
Beyle: Dakhliga Gudaha Ayaa Nagu Filan
Wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in kharashaadka kasoo xarooda gudaha ay ku filan yihiin bixinta mushaharaadka iyo kharashka kale ee dawladda. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmana Ducaale Beyle oo maanta ku qabtay shir jaraa'id magaalada Muqdishu ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaale dawladda iyo qodobo kale. Warbixintan waxaa noo soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
from VOA http://ift.tt/2ro1Yj9
via IFTTT
Sarkaal Shabaab ah oo Isku Dhiibay Dowladda
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda ee gobolka Hiiraan.
from VOA http://ift.tt/2rEFRWD
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Gobolka Lamu ee Dalka Kenya
Qarax ayaa maanta ka dhacay gobolka xeebta ee dalka Kenya ee Lamu, kaasi oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2qFoIXI
via IFTTT
Laba Qof iyo Walxaha Qarxa oo lagu Qabtay Boosaaso
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay qabteen laba qof iyo walxaha qarxa oo badan oo lagu soo qariyey baabuur waday khudaar.
from VOA http://ift.tt/2slI3yC
via IFTTT
80 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kabul
Gaari xmauul oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa saaka ku qarxay qeybta diblomaasiyiinta ee magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, in ka badan 350 kalena ay ku dhaawacmeen.
from VOA http://ift.tt/2rjkl6T
via IFTTT
Tuesday, May 30, 2017
Gal-gala: Haweeney Uur Laheyd iyo Seygeed oo Qarax Ku Dhintay
Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku dhintay toga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala ee gobolka Bari, shalay gelinkii dambe, kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.
from VOA http://ift.tt/2rhMqvk
via IFTTT
Farmaajo oo Sheegay in Sacuudigu Lacag ugu Deeqay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2siiU7U
via IFTTT
Waqooyi Bari Kenya: Carro ka Dhalatay Geel la Laayey
Gobolka Somalida ee Waqooyi Bari Kenya waxaa weli ka taagan carada ay dadku ka qaadeen in kabadan 120 neef oo geel ah oo la laayey.
from VOA http://ift.tt/2saMTPJ
via IFTTT
Togdheer: Dad Hor Leh oo u Dhintay Shuban Biyoodka
Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in uu sare u kacay dadka uu soo ridanayo xanuunka shuban-biyoodka.
from VOA http://ift.tt/2rfzdmD
via IFTTT
Heshiis Dhex Maray Galmudug iyo Puntland
Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay is-afgarad kala gaadheen maamul goboleedka kale ee Puntland sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin dhinaca amniga ah oo ku saabsan dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafadyada.
from VOA http://ift.tt/2qvO8ft
via IFTTT
Diyaarad ku Dhacday Garoonka Aadan Cadde
Diyaarad yar oo ay la socdeen afar qof ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho maanta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
from VOA http://ift.tt/2rA2Y4u
via IFTTT
Qaraxyo ka Dhacay Baghdad oo lagu Dilay 24 Qof
Laba qarax oo kala duwan oo ka dhacay waddooyin aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq ayaa dilay ugu yaraan 24 qof, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale.
from VOA http://ift.tt/2sh1nwJ
via IFTTT
Monday, May 29, 2017
Soomaalida Mareykanka oo Ka Walaacsan Islaam Naceybka
Soomaalida iyo muslimiinta kale ee ku nool Mareykanka ayaa ka walaacsan naceybka sii kordhaya ee ka dhanka ah diintooda ama isirkooda ee ay kala kulmayaan dadka qaar.
from VOA http://ift.tt/2s8AWdn
via IFTTT
Mashquuc Indhaha Loogu Fiiqayo Kun Qofood Muqidhso Iyo Kismaayo
Mashruuc loogu magac daray Hadiyada Araga oo qaliin indho fiiqis lacag la'aan ah loogu sameynayey dad gaaraya kun qof oo isugu jira barakacayaal ku kala sugan Muqdisho iyo Kismaayo ayaa wajigiisii hore lagu soo gaba gabeeyey magaalada muqdisho
from VOA http://ift.tt/2rzelcR
via IFTTT
Trump Oo Difaacay Kushner
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay wiilka uu soddoga u yahay isla markaana u ah lataliye sare, Jared Kushner, kaasoo lagu eedeeyey inuu isku dayay inuu sameeyo wadiiqo qarsoodi ah oo ay ku wada hadlaan Russia iyo saraakiisha Ololihii Trump.
from VOA http://ift.tt/2rhq0fx
via IFTTT
Farmaajo: Dib u Heshiisiin ayaa looga Gudbi Karaa Dagaallada
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in colaadda iyo dagaallada Soomaaliya looga gudbi karo dib u heshiisiin.
from VOA http://ift.tt/2se50DR
via IFTTT
Soomaaliya: 6 Milyan oo Gargaar u Baahan
Abaaro ba'an ayaa illaa iyo lix milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ka dhig kuwa u baahdaan gargaar cunto iyo caafimaad deg deg ah. Hey'adaha Gargaarka ka digaya in caruurtu ay yihiin kuwa halista ugu weyn ku jira. Wariyaha VOA-da Maxamed Yuusuf ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Baydhaba, wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa inoo soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2qsdGtE
via IFTTT
Cudurka Shubanka oo ka Dilaacay Xabsiga Burco
Saddex maxbuus ayaa geeriyooday, 52 kale oo ay ku jiraan ciidanka ilaalada xabsigana waxa loola cararay cisbitalka ka dib markii cudurka shubanku uu ka dillaacay Xabsiga dhexe ee magaalada Burco.
from VOA http://ift.tt/2r44x9h
via IFTTT
Madaxweyne Xaaf oo la Caleemo Saaray
Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta lagu caleemo saaray munaasabad ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas.
from VOA http://ift.tt/2qz33QZ
via IFTTT
Dad Hor leh oo loo Xiray Weerarkii Manchester
Booliiska Britain ayaa maanta sheegay inay xireen nin 23 jir ah oo lala xiriirinayo qaraxyadii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Manchester, taasi oo dadka qaraxyadaas u xiran illaa hadda ka dhigeysa 14 qof.
from VOA http://ift.tt/2rwUQSh
via IFTTT
Sunday, May 28, 2017
Al-shabab oo Nin ku Dilay G. Bay
Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay nin dhagax ku dileen magaalada Raamacaddey ee Gobolka Bay maanta. Ninkan ayaa mintidiinta Al-Shabab ay ku eedeeyeen inuu ku kacay sino isagoo leh laba xaas, sida ay Al-Shabab sheegeen
from VOA http://ift.tt/2qppk8G
via IFTTT
Geel Lagu Laayey W. Bari, Kenya
Wararka ka imanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in geel badan oo ay lahaayeen dad Soomaali ah la laayey, guryana la gubay kadib markii dad budhcad ah ay soo weerareen xoolo dhaqatada oo ku nool meel u dhow xadka Gobolka Soomaalida Kenya uu la leeyahay Gobollada Kitui iyo Tana River.
from VOA http://ift.tt/2ra2sas
via IFTTT
Wicitaanka: Prof. Cismaan Abokor Maxamed
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Cismaan Abokor Maxamed (Maangalool) oo siyaadadda ka dhiga Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa. Barnaamijku waxa uu ka hadlayaa danaha is-khilaafsan ee ganacsiga
from VOA http://ift.tt/2sa6a2X
via IFTTT
Britain: Shirkadaha Internetka ayaan la Shaqeynaynaa
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Britain ayaa sheegtay in shirkadaha internetka ay bilaabayaan inay noqdaan kuwo gacan wayn ka geysta dagaaka lagaga soo horjeedo argagixisada, ka dib weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Manchester.
from VOA http://ift.tt/2s3BFwp
via IFTTT
Galguduud: Nin Dilay Saddex Qof
Ugu yaraan 3 qof ayaa dhimatay 10 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dad sugayay in cuno loo qaybiyo oo ku sugnaa degmada Cabdudwaaq ee gobolka galgaduud
from VOA http://ift.tt/2r1B8N9
via IFTTT
Saturday, May 27, 2017
Abaalmarin Caalami ah oo la Siiyay Dr.Xaawa Cabdi
Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe iyo labadeeda gabdhood oo Tobonaan sano kasoo shaqeeyey gargaarka Somalia, ayaa ka heshey shahaado Sharafeed mid ka mid ah jaamacadaha ugu sareeyo Caalamka ee ku taalo Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2raM4Zh
via IFTTT
Ramadanta iyo Xilliga Adag ee Muslimiinta
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fariin qoraal ah oo ku aadan Ramadanta xoogga ku saaray argagixisada
from VOA http://ift.tt/2qqzJNx
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Kusoo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington. Waxaa soo jeedineysa Sahra Ciidle Nur.
from VOA http://ift.tt/2s8aSOC
via IFTTT
Barnaamijka Martida Iyo Makarafoonka
Saaxibayaal, kusoo dhawaada barnaamijka Martida iyo Makarafoonka. Waxaa London kusoo diyaariyey soona jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
from VOA http://ift.tt/2r9m6W0
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha
Ku soo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan. Waxa la diyaar ah Ibrahim Xassan Dandureey iyo Caasho Ibraahim Aaden.
from VOA http://ift.tt/2qugbXH
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2r9fy9V
via IFTTT
Puntland: Maxkamad kuxunno dil iyo xabsi isugu jira ku riddey dad ku eedeysnaa argagixisomino.
Shan ruux ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii ay maxkamaddu sheegtay in ay ku qanacday danbiga lagu soo eedeeyey ee ahaa in ay maleegayeen qorshe ballaaran oo ay ku doonayeen in ay qaraxyo kufuzliyaan imago lala soo qabtay qalabki loogu talagaley qaraxyadaas.
from VOA http://ift.tt/2qpSJLP
via IFTTT
Jared Kushner, oo FBI-du ay baaris ku heyso.
Jared Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayuu xafiiska dambi-baarista Mareykanku ku hayaa baritaanno ku aaddan xiriirro ay dhici karto inuu arrimaha doorashadii Madaxweyne Trump kala yeeshay, madaxda Ruushka Washington u joogta.
from VOA http://ift.tt/2rJeTwD
via IFTTT
Friday, May 26, 2017
Faaqidaadda: Imtixaanka Shahaadiga ee Soomaaliya
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan ee wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya ay ka qaadeyso 23,000 oo arday dugsiyada sare ka baxeysa ah iyo haddii xilligan uu yahay waqtigii ku haboonaa ee tallaabadan la qaado. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Jacfar Kuukaay.
from VOA http://ift.tt/2qjMNbv
via IFTTT
Booliska Soomaaliya oo la Siiyey Diyaarado Drone ah
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in booliiska Soomaaliya ay heleen diyaaradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada. Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka, oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa la sheegay in diyaaradahan oo shan ah uu ugu deeqay booliska Soomaaliyeed. Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada iyo ka hortagistooda. Warbxintan wakaaladda Reuters waxaa inoo haya oo soo akhriyey Jaamac Buulle Jaamac.
from VOA http://ift.tt/2r45JrU
via IFTTT
Soomaali Laga Celiyey Mareykanka oo la Geeyey Muqdisho
Dawladda Maraykanka ayaa dad kale oo hor leh oo laga tarxiilay Mareykanka ku celisay magaalada Muqdishe ee caasimadda Soomaaliya. Dadkaan ayaa la sheegay inay tiradoodu ka badan tahay 50 qof. Dadka ay ilaa sannadkan dawladda Maraykanka soo taxriishay ayaa noqonaya ilaa 270 qof. Falastiin Axmed Iimaan ayaa goor dhowayd waraysatay qaar ka mid ah dadka maanta lasoo celiyey oo kala ah Samiir Cabdiraxmaan Carab iyo Salmaan Maxamed Ducaale, waxaa ku horraynaya Samiir.
from VOA http://ift.tt/2r50vOB
via IFTTT
Maxkamadda Sare ee Somalia oo Laashay Sideed Kursi
Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay sideed ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda.
from VOA http://ift.tt/2qqPV04
via IFTTT
Wiil yo Aabihiis oo Imtixaan u Wada Fariistay
Imtixaanadkii dugsiyada sare ee ay dowladda Soomaaliya toddbaadkan qaadday, ayaa waxa dadkii ka baxay dugsiga sare ku jira aabbe iyo wiil uu dhalay, kuwaas oo safarka waxbarasho ku soo wada jirey muddo sanado ah. Faarax Ismaaciil Dabcasar oo 43 jir ah iyo wiilkiisa Shaafici Faarax Ismaaciil oo 18 jir ah, ayaa u fadhiistay imtixaanadka dugsiga sare ee Iskuulka sare Shire Jaamac ee magaalada Caabudwaaq. Waxay labadooduba qorsheynayaan in ay sidoo kale waxbarashada Jaamacadeed ay isla billaabaan. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa wareystay labadoodaba.
from VOA http://ift.tt/2rXrqKc
via IFTTT
Trump: Dhibaatada Korea-da Waqooyi waa la Xalin Doonaa
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Korea-da Waqooyi ay tahay "Dhibaato weyn", hase yeeshee waxa uu ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe u xaqiijiyey in arrimaha ku saabsan dalkaas la xalin doono.
from VOA http://ift.tt/2qVxCDL
via IFTTT
Thursday, May 25, 2017
Maxkamad Diiday Dhaqangalka Go,aanki Trump
Maxkamadda sagaalaad ee Racfaanka ee Federaaliga ah ee Mareykanka ee ku taalla magaalaa Richmond ee xarunta gobolka Virginia, ayaa diiday inay xayiraadda ka qaaddo amarkii Madaxweyne Trump ee ka dhanka ahaa dadka ka soo jeeda lix wadan oo Muslim ah in ay soo galaan Mareykanka muddo sadex bilood ah.
from VOA http://ift.tt/2qhTACl
via IFTTT
Trump oo Ka Walaacsan Xog La Dusiyey
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xog loo dusiyey warbaahinta Mareykanka oo ku saabsaneyd baaritaanka weerarki lagu qaaday magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.
from VOA http://ift.tt/2r1zucL
via IFTTT
FBI-da Oo Baareysa Kushner
Waregsyka Washington Post iyo Telefishan-ka NBC News ayaa Khamiistii ku warramay in Hey'adda Danbi-baabirsta Mareykanka ee IFB-da ay baareyso suurtagalnimada xiriir dhexmaray wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner iyo Dowladda Ruushka.
from VOA http://ift.tt/2qi9Mng
via IFTTT
Tirada Dhimashada Weerarkii Muqdisho oo Korortay
Waxaa korortay tirada dadkii ku dhintay qarax shalay ka dhacay meel u dhow dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2rZfczP
via IFTTT
Somaliland oo Diiday Lacagta Guddiga Abaaraha
Somaliland ayaa sheegtay inaanay aqbalayn lacag caawimo ah oo guddida abaaraha ee Soomaaliya ay sheegtay inay Somaliland siinayso. Lacagtaas oo dhan 200,000 oo Doollar, ayaa wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo shir-jaraa'id ku qabtay Hargeysa uu sheegay inaanay diyaar u ahayn. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo shirka jaraa'id ka dib waraystay Wasiirka, ayaa ugu horrayn waydiiyay qaraaro ka soo baxay shirkii golaha Wasiirada iyo wuxuu ku saabsanaa.
from VOA http://ift.tt/2r17zMf
via IFTTT
Somaliland oo Faahfaahisay Heshiiska Saldhiga Berbera
Xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shalay la hadlay VOA ayaa ka digay saldhiga milateri ee Somaliland ay siisay dalka Imaaraadka Carabta iyaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid halis ku ah midnimada Soomaaliya. Haddaba masuuliyiinta Somaliland oo la hadlay warbaahin kala duwan ayaa faahfaahin ka bixiyey saldhiga milateri ee ay heshiiska kula galeen Imaaraadka. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arrimahan ka waraystay Axmed Xasan Carwo oo ah lataliyaha Dhaqaalaha iyo maalgashiga ee Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2qjJ8pW
via IFTTT
Siilaanyo oo Cafis u Fidiyey Weriye Coldoon
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa cafis ku sii daayay weriye Cabdimaalik Muuse Cooldoon oo Somaliland ay xirtay 15-kii bishii February ee sannadkan 2017, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2rD6nzn
via IFTTT
Askari ka Tirsanaa NISA oo Dil Toogasho Lagu Fuliyey
Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa maanta dil-toogasho ah ku fulisay Yuusuf Xasan Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2qjl8U1
via IFTTT
Askar Kenyan ah oo Qarax Lagu Dilay
Laba askari oo ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino loo dhigay.
from VOA http://ift.tt/2r06qo9
via IFTTT
Dhakhaatiirta Soomaalida ee Minnesota oo Kulan Qabtay
Dhakhaatiirta Soomaalida ee ka hawlgala gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa xalay qabtay kulan ay dadka kaga wacyi galinayeen cudurka Jadeecada oo dhawaan lagu arkay gobolkaas, kaas oo caruur Soomaali u badan laga helay.
from VOA http://ift.tt/2rkkbij
via IFTTT
Ciidamada Philippine oo Galay Magaalo ay Haystaan Abu Sayyaf
Ciidamada Philippine ayaa maanta galay magaalo la haysto oo ku taalla jasiiradda koonfureed ee Mindanao, si ay halkaas uga nadiifiyaan dagaalyahano Islaami ah oo qabsaday horraantii toddobaadkan.
from VOA http://ift.tt/2qfaEcj
via IFTTT
Wednesday, May 24, 2017
Warbixin: Qaraxyada Bariga Africa
Qaraxyo is daba joogay ayaa dhowrkii dodobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay meelo kala duwan oo Somalia iyo Kenya ah, kuwooda ugu badan waxa ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, iyaga oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba leh.
from VOA http://ift.tt/2qYmnZS
via IFTTT
Baarlamaanka Somaliya oo Dalbaday Faahfaahinta Heshiiska Berbera
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ay u gudbiyeen xukuumadda iyo madaxweynaha Soomaaliya qoraal ay kaga dalbanayaan inay soo caddeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin heshiiska Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
from VOA http://ift.tt/2qWJFix
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Agagaarka Dekedda Muqdisho
Qarax ayaa laga soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay magaalada agagaaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2qceHpF
via IFTTT
Fallanqeyn: Isbeddelada Maamul ee Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi ayaa xalay xilka ka qaaday 15 ka mid ah guddoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo magacaabay 15 guddoomiye degmo cusub. Xukumadda Ra'isul Wasaare Khayrre ayaa horey u ballan qaaday inay sameeneyso isbeddel dhinaca siyaasadda ah. Hadaba magacaabista guddoomiyeyaasha cusub maxey uga dhigan tahay siyaasadda Somalia, iyo nabadgelyada magaalada. Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa su'aalahaasi weydiiyay Professor Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2qOTYXA
via IFTTT
Khayrre oo Maanta Tagey Garoonka Bali-doogle
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Xubno ka tirsan Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray garoonka Bali-doogle ee gobalka Shabeellaha Hoose.
from VOA http://ift.tt/2qjICr3
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 372
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 372-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2qP0VIm
via IFTTT
Kenya: Saddex Askari oo Qarax lagu Dilay
Koox la aminsan yahay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-Shabaab ayaa gaari ay ciidamada Kenya leeyiin qarax ku weeraray inta u dhaxaysa dagmada Liboy iyo tuulada kulan ee xadka Soomaaliya iyo Kenya.
from VOA http://ift.tt/2qg855q
via IFTTT
Philippines: Xagjiriin Dad ku Dhex Qafaashay Kaniisad
Xagjiriin muslimiin ah oo ku sugan dalka Philippines ayaa afduubtay baadari iyo dhowr qof oo kale oo ku sugnaa kaniisad ku taalla magaalada Koonfureed ee Marawi.
from VOA http://ift.tt/2qVrjyF
via IFTTT
WHO oo Dooratay Hoggaamiye African ah
Shir ay yeesheen 185 dal ee xubnaha ka ah laanta Caafimaadka Dunida ee WHO oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa lagu doortay agaasimaha hay'addaas hoggaaminaya.
from VOA http://ift.tt/2qb1Kwm
via IFTTT
Tuesday, May 23, 2017
5 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Boosaaso
Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay bar kontorool oo ciidamada Puntland ay gaadiidka ku baadhayeen.
from VOA http://ift.tt/2qgEiJp
via IFTTT
Ninkii Fuliyey Weerarka Manchester oo la Aqoonsaday
Ninkii isku miidaamiyey xarunta Manchester Arena ee magaalada Manchester ee dalka England ayaa la aqoonsaday inuu yahay Salman Abedi, sida ay booliska sheegeen.
from VOA http://ift.tt/2qgrJO2
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho ku Tagey Jabuuti
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Jabuuti, waxaana madaxweynuhu uu la kulmay madaxweynaha waddankaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Sida booqashadan u dhacayso ayaa Ibraahim Xasan Daandurey uu ka waraystay weriyahayaga Ramadaan Muuse.
from VOA http://ift.tt/2qKVNoE
via IFTTT
Al-Shabaab oo 25 qof ka Qafaashay Number 50
Wararka ka imanaya deegaanka Number 50 ayaa sheegaya in maleehsiyada Al-Shabaab ay dileen hal qof isla markaanba ay qafaasheen ilaa 25 qof kadib weerar ay xalay kusoo qaadeen deegaanka oo u dhexeeya Afgooye iyo Marka.
from VOA http://ift.tt/2rORmXk
via IFTTT
Fallanqeyn: Saameynta Weerarkii Manchester
Weerarka ayaa walaac badan ka dhaliyay dalka Britain, iyada oo lagu tilmaamay mid ka mid ah weerardii ugu weynaa ee dhawaanahan ka dhaca dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2qQz0YP
via IFTTT
Senegal: Kulanka Qalinleyda Africa, Asia iyo Latin America
Dalka Senegal waxaa ka furmay kulan ay ka qaybgelayaan ururada ay ku midaysan yihiin Qorayaasha oo ka kala socda illaa saddex qaaradood, waxaana kulankan looga hadlayaa sidii Qorayaashu ay door uga qaadan lahaayeen nabad-dhisidda iyo ka hortagga falalka ku dhisan gacan ka hadalka.
from VOA http://ift.tt/2qRt2VA
via IFTTT
Trump oo Wacad ku Maray inuu Nabad Ka Dhaliyo Bariga Dhexe
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta wacad ku maray inuu sameyn doono wax kasta oo uu awoodo, si uu nabad uga dhaliyo Bariga Dhexe.
from VOA http://ift.tt/2qQg8cz
via IFTTT
Monday, May 22, 2017
Qarax Ka Dhacay Magaalada Manchester
Ugu yaraan 19 ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 60 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki uu qarax weyn ka dhacay xalay goob ay ruwaayad ka socotay oo ku taalla magaalada Manchester, ee dalka Ingiriiska.
from VOA http://ift.tt/2qevwv9
via IFTTT
Ciyaartooy Lagu Weeraray Duleedka Xamar
Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii rasaas ooda uga qaaday baabuur ay la socdeen ciyaartooy iyo tababareyaal inta u dhaxeeya degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.
from VOA http://ift.tt/2qJwsLS
via IFTTT
Wareysi: Taliye ku Xigeen ka Tirsanaa NISA oo Is-Casilay
Taliye ku xigeenkii hay'adda sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ee dhanka howlgallada Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa waraysi gaar ah oo uu VOA-da siiyay ku sheegay in uu iska casilay xilkaasi.
from VOA http://ift.tt/2qPhIte
via IFTTT
Hooyo Caruurteeda ku Weysay Abaarta iyo Tahriibka
Magaalada Boosaaso waxa ku sugan dad badan oo ay soo bara-kicisay abaartii mudada dheer ka jirtay gobollo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya. Dadkaasi waxaa ka mid ah Hooyo Caasho Cumar oo VOA-da la wadaagtay dhibaato xanuun badan oo ka soo gaartay tahriibka iyo abaarta, oo ay ku weysay laba ka mid ah sadexdii wiil ee ay dhashay, mid kalena uu xabsi ugu jiro Libya. Wariyaha VOA da Yuusuf Maxamed Yuusuf ayay u warantay.
from VOA http://ift.tt/2qbNZJ0
via IFTTT
Wareysi: Cali Khaliif oo ku Sugan Hargeysa
Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galleydh, ayaa kulan la yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne Siilaanyo.
from VOA http://ift.tt/2r9dXlq
via IFTTT
Howlgal Amni oo ka Billowday Muqdisho
Howlgal gaar ah oo loogu talagalay in lagu sugo ammaanka gobolka Banaadir ayaa xalay si rasmi ah uga billowday magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2rI0jm7
via IFTTT
Madaxweyne Trump oo Tagey Tel Aviv
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta tagey Israel, halkaasi oo uu ku bixinayo booqashadiisa ugu horeysay isaga oo madaxweyne ah, wuxuuna doonayaa inuu dib usoo nooleeyo dadaallada heshiiska nabadeed ee muddo loo raadinayo Israel iyo Falastiin.
from VOA http://ift.tt/2qGM8zm
via IFTTT
Erdogan oo Kordhiyey Xaaladda Deg Degga ee Turkiga
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sii kordhiyey waqtiga xaaladda deg degga ah ee dalkaas lagu soo rogay kadib afgambigii dhicisoobay ee bishii July ee 2016 ka dhacay dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2rK2PaC
via IFTTT
Sunday, May 21, 2017
Trump oo Ka Hadlay Kulanka Riyadh
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddan ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish. isagoo ka hadlayay magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga
from VOA http://ift.tt/2pZ36du
via IFTTT
Trump oo la Hadlaya Madaxda Dalalka Islaamka
Waxaa goor dhowayd bilaabanaysa khudbad uu shirka Carabta iyo Islamaka iyo Maraykanka u jeedinayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo booqashadiisii ugu horraysay ku jooga dalka Sucuudiga.
from VOA http://ift.tt/2q9bHW6
via IFTTT
Wicitaanka: Xasan Aadan Hoosow
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xasan Aadan Hoosow oo ah dhaqaale-yahan, waxaana uu ka hadlayaa musuqmaasuqa
from VOA http://ift.tt/2qEmOKr
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo Riyad Gaaray
Madaxweynaha Somalia ayaa qeyb ka ah tiro madaxda Islaamka ah oo uu magaalada Riyad kula hadli doono madaxweynaha Maraykanka Doland Trump, kaas oo booqasho labo maalmood ah magaalada Riyad ku jooga.
from VOA http://ift.tt/2pYPS0q
via IFTTT
Dhageysooo: Shactar Qalab iyo Baabuur u Wadey Hobyo oo Dagey
Shactar qalab iyo gadiid u wadey Hobyo ayaa ku dagey meel 10 KM u jirta xeebta degmadaasi.
from VOA http://ift.tt/2qKLQWC
via IFTTT
Saturday, May 20, 2017
Dhageyso Barnaamijka Martida Makarafoonka
Dhageystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Martida Makrafoonka, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, ayaa la diyaar ah.
from VOA http://ift.tt/2rCBSX8
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington, Sahra Ciidle Nuur, ayaa la diyaar ah.
from VOA http://ift.tt/2r3w38c
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa la diyaar ah.
from VOA http://ift.tt/2qIvu0o
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iso Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iso Heesaha ee Todobadkan waxaa inoo haya Caasho Ibraahim Aadan (Caasho Cuud) iyo Ibraahim Xasan Garabey (Daardurey), waxaadna ku maqli doontaan dhambaalladii aad noo soo dirteen iyo heeso xul ah.
from VOA http://ift.tt/2r360xR
via IFTTT
Iiraan: Xasan Ruuxaani oo xilka mar kale loo doortay
In kabadan 20 Milyan oo kamid ah shacabka Iiraan ayaa maanta Xasan Ruuxaani Madaxweyne u doortay.
from VOA http://ift.tt/2qI6PsR
via IFTTT
Madaxweyne Trump oo Sacuudiga booqanaya.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad
from VOA http://ift.tt/2pVPgJ0
via IFTTT
Friday, May 19, 2017
Al-Bashir oo Trump Dartiis uga Baaqday Shirka Riyadh
Dowladda Sudan ayaa sheegtay in madaxweyne Omar al-Bashir uu doortay inuusan ka qeyb galin shir madaxeed ka dhacaya magaalada Riyadh, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qeyb galayo.
from VOA http://ift.tt/2qzom8f
via IFTTT
Xaaladda Soomaalida Yemen oo sii Xumaaneysa
Colaadda ka taagan dalka Yaman ayaa faraha ka sii baxaysa, iyadoo ay sii xumaanayaan xaaladaha baahi iyo baylahsanaan ee haysta qaxootiga ku sugan dalkaasi oo tiradoodu ay gareeyso 280,000.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3861768.html
via IFTTT
Faaqidaadda: 100-ka Maalmood ee Madaxweyne Farmaajo
Toddobaadkan ayaa waxaa boqol maalmood ay kasoo wareegtay markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu talada dalka qabtay. Waxaa isla toddobaadkan soo shaac baxay xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo ku dhwaaqay isbaheysi loogu magac daray Horusocod. Isbaheysigan ayaa dad badan u arkeen mid dowladda looga soo horjeedo, hase yeeshee waxay xildhibaanada ku jira sheegeen inaysan sidaas ahayn arrinta. Arrimhaas ayaan ku eegeynaa barnaamijka faaqidaadda, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3861780.html
via IFTTT
Dad ku Dhintay Roobab ka Da'ay Muqdisho
Roobab culus ayaa lagu soo warramaya inay shalay iyo xalay ka da'een gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah, khasaarena ay ka dhasheen.
from VOA http://ift.tt/2q0CowV
via IFTTT
Sweden oo Joojisay Baaritaankii Kufsi ee Assange
Dacwad oogayaasha dalka Sweden ayaa sheegay inay joojiyeen baaritaan kufsi oo muddo toddoba sano socday, kaasi oo ka dhan ahaa aasaasaha kooxda sirta faafisa ee WikiLeaks.
from VOA http://ift.tt/2q32e2P
via IFTTT
Thursday, May 18, 2017
Baabuur Dad ku Jiiray New York
Dad goobjoogeyaal ah oo ku sugan magaalada New York ayaa sheegay in baabuur uu dad badan ku jiiray fagaaraha Times Square, halkaasi oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay.
from VOA http://ift.tt/2qxxXwS
via IFTTT
Xiddig: Ma Jiraan Xildhibaano Mucaarad ah
Guddoomiyaha Madasha Horusocod C/rashiid Maxamed Xidig oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inaysan aheyn madal si gaar ah dowladda mucaarad ugu ah.
from VOA http://ift.tt/2qvbzE0
via IFTTT
Warbixin Gaar ah: Xukunada Dilka ee Soomaaliya
Somalia oo ah wadan muddo badan ay ka jireen rabshado horseeda dhimasho ayaa hadda waxaa ku soo kordhaya xukunada dilka ah oo ay fulinayaan maxkamado militari iyo Al-Shabaab. Maxkamadaha militari ee dowladda federaalka ee Somalia iyo maamul Goboleedyada iyo maxkamadaha Al-Shabaab ayaa isu geyn xukunno dil ah ku fuliyay dad 20 qof ka badan sanadkan 2017-ka oo kaliya. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa warbixintan gaarka ah nooga diyaariyay.
from VOA http://ift.tt/2pZMOfG
via IFTTT
Siilaanyo oo ka Hadlay Munaasabadda 18-ka May
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo jeediyay Khudbad uu ku soo beegay maalinta 18-ka May oo asteysa maalintii ay sheegtay Somaliland inay ka go'day Somalia inteeda kale, ayaa sheegay in qarashaadkii lagu bixin jiray xafladaha munaasabadan ay u weeciyeen sanadkan dhinaca gurmaka abaaraha. Dhinaca kale, madaxweyne Siilaanyo ayaa ka digay in QM ay cuno-qabaynta hubka ee saaran Soomaaliya ka qaado. Wariyehenna Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa Khudbadda Siilaanyo oo uu arrimo kalena kaga hadlay warbixintan inooga soo diray.
from VOA http://ift.tt/2qv4iDT
via IFTTT
Iran oo Cunaqabateyn Saartay Shaqsiyaad iyo Shirkado Mareykan Ah
Iran ayaa maanta ku dhawaaqday qorshe ay cunaqabateyn ku saartay sagaal shirkado iyo shaqsiyaad Mareykan ah, taasi oo ay uga jawaabeyso wax ay ugu yeertay go'aan "Sharci darro ah oo aan la aqbali karin" oo Mareykanka uu cunaqabateyn ku saaray Iran.
from VOA http://ift.tt/2pWM8s4
via IFTTT
Wednesday, May 17, 2017
Ilhan Cumar oo Ka Walaacsan Jadeecada Weerarka Ku Heysa Carruurta Minnesota
Kulan wacyigelin ahaa oo xoogga lagu saaray ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka Jadeecada oo maalmahan farba,an ku haysa carruurta Soomaalida gobolka Minesota ayaa xalay ka dhacay magaalada Minneapolis.
from VOA http://ift.tt/2qtXGpp
via IFTTT
Mareykanka oo Ka Walaacsan Rabshado Ka Dhacay Washington
Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Khamiistii sheegtay in ay aad uga walaacsantahay iskudhacyo Talaadadi ka dhacay magaalada Washington oo ay ku lug lahaayeen taageerayaasha madaxweynaha Turkiga Racep Tayep Erdogan.
from VOA http://ift.tt/2pYL0Dy
via IFTTT
Fallanqeyn: Xiisadda Siyaasadeed ee Mareykanka
Agaaismihii hore ee hay'adda FBI-da James Comey ayaa xusuus qof uu qoray ku sheegay in madaxweyne Trump uu ka codasaday inuu joojiyo baaritaanka lagu hayo la-taliyihisii hore ee dhinaca amniga Michael Flynn.
from VOA http://ift.tt/2qsIxVW
via IFTTT
Qof ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kenya
Mid ka mid ah shaqaalaha waddooyinka ee dalka Kenya ayaa ku dhintay qarax lala beegsaday baabuurkii uu la socday meel u dhow tuulada Dhaba City oo hoos timaada magaalada Ceel Waaq maanta.
from VOA http://ift.tt/2qwCD3Z
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 371
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 371-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2pWAhtm
via IFTTT
Japan oo Maalgelin ku Sameynaya Jabuuti
Dalka Djbouti ayaa waxa uu ka faa'ideysanayaa tartan maalgashi oo u dhaxeeya dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Japan. Dalka Japan ayaa hadda ka billaabaya Djibouti dhismaha Warashado waxa ay soo saaraan loo suuq geeyo meelo kale oo dunida ka mid ah. Wariyeheenna Ramadan Muuse ayaa warbixintan inoo soo diray.
from VOA http://ift.tt/2rqKpMT
via IFTTT
Shir ku Saabsan Kallumeysiga oo ka Dhacay Jabuuti
Waxa shalay magaaladda Djibouti lagu soo gaba gabeeyey shir lagaga hadlayey sidi iskaashi looga sameysan lahaa arrimaha la dagaalanka kalluumeysiga sharci darada ah. Shirkan waxa soo qaban qaabiyey urur goboleedka IGAD iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dalalka IGAD, gaar ahaan kuwa leh xeebaha oo kala ah Djibouti, Kenya, Sudan iyadoo Somalia ay ka jooggeen wakiillo ka socda dowladda federaalka, Somaliland iyo Puntland. Agaasimaha kaluumeysiga ee wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Djibouti Axmad Dharaar Jibriil ayaa marka hore wariyahaa VOA Ramada Muuse uga waramay Jabuuti oo gacanta ku dhigtay Maraakiib Shiinaha laga leeyahay oo xeebaha dalkaasi si sharci darro ah uga kalluumeysanayay, waxana xigi doona wakiillada ka socda Soomaaliya oo shirkaasi ka qeyb galay.
from VOA http://ift.tt/2qRnM7h
via IFTTT
3 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qarax gaari oo maanta ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2pVXQ5A
via IFTTT
Trump iyo Erdogan oo Ammaanay Xiriirkooda
Kadib markii ay talaadadii ku kulmeen Aqalka Cad, ayaa madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Donald Trump iyo Recep Tayyip Erdogan waxa ay ammaaneen xiriirka xooggan ee labada dal, ayaga oo aan soo hadal qaadin farqigooda ku aadan habka loola dagaalamayo kooxda Daacish.
from VOA http://ift.tt/2requ6H
via IFTTT
Tuesday, May 16, 2017
Dhageyso: James Comey oo Qoraal Hadal-hayn Dhaliyey Xafiiskiisa ku Dhaafey
Wararka ku saabsan sababtii shaqada looga eryey madaxi hore ee hay'adda danbi baarista Mareykanka ee FBI-da, James Comey ayaa cirka isku sii shareerayso, ka dib markii warbaahinta qaar ka mid ah ay heleen wargelin uu qorey James Comey intii uu xilka hayey.
from VOA http://ift.tt/2pSu81V
via IFTTT
Trump oo Difaacay 'Xogtii' uu la Wadaagay Ruushka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta difaacay "Xuquuqda uu u leeyahay" inuu akhbaaraad la wadaago saraakiishii Ruushka ee Aqalka Cad soo booqday toddobaadkii tagey.
from VOA http://ift.tt/2pRosVZ
via IFTTT
Kenya: Afar Qof oo ku Dhintay Qarax Miino
Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay degmada Liboi ee Kenya kadib markii baabuur ay la socdeen dad rayid ah ay ku qaraxday miino la dhigay waddada.
from VOA http://ift.tt/2qNnVIQ
via IFTTT
Somaliland: Duq Magaalo oo ku Dhintay Daad Qaaday
Mid ka mid ah mas'uuliyiinta Somaliland ayaa ku dhintay daad qaaday baabuur ay la socdeen shalay. Dhacdadaas, waxaa ku dhintay Abuubakar Xasan Guuleed oo ahaa gudoomiyaha degmada Xariirad ee gobolka Salal, waxaase ka badbaaday Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland C/rasaaq Waabari Rooble. Wasiirka ayaa weriyahaya VOA Haashim Sheekh Cumar Good uga waramay sida daadku u qaaday iyo goobta roobku ku helay.
from VOA http://ift.tt/2qnQuvr
via IFTTT
Al-Shabaab oo Weerar ka Fulisay Mandhera
Dawladda Kenya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Mandhera lagu dilay weerar ay xalay Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Cumar Jilacow oo u dhow magaalada Mandhera.
from VOA http://ift.tt/2qnwuZj
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Qansaxdheere oo Dhaawacay 7 Qof
Wararka ka imanaya magaalada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax uu maanta ka dhacay halkaasi, islamarkaana uu dhaliyey dhaawaca dhowr qof.
from VOA http://ift.tt/2pSuBAB
via IFTTT
USA oo Israel u Sheegtay in Darbiga Galbeed Uusan Ahayn Dhulkooda
Saraakiisha Israel ayaa lagu warramay inay ka naxeen oo ay "layaabeen" markii sarkaal Mareykan ah uu u sheegay in Derbiga Galbeed – Goobta ugu barakeysan diinta Yahuuda – uu ku yaallo Daanta Galbeed, oo aanu ka tirsaneyn "Dhulkooda".
from VOA http://ift.tt/2qn0Qf6
via IFTTT
Monday, May 15, 2017
Horta Internetka Yaa Leh
Adeegyada dunidan ayaa waxaa inta badan kala wada aaladda Internetka taasoo laf dhabar u noqotay xitaa nolosha aasaasiga ah ee inta badan dadka ku nool dunidan sida telefoonada iyo combuyuutada.
from VOA http://ift.tt/2rkptGz
via IFTTT
Aqalka Cad oo Beeniyey In Trump Uu Bixiyey Sir Xasaasi Ah
Lataliyaha Amaanka Qaramada Mareykanka H.R. McMaster iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump ayaa beeniyey waxa ka jira war ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayey in madaxweyne Trump uu siiyey xog sir ah oo muhiim ah saraakiil Ruush oo kusoo booqatay Aqalka Cad.
from VOA http://ift.tt/2qmeUVY
via IFTTT
Suuriya oo Lagu Eedeeyey Dilal Wadareed Maalinle Ah
Mareykanka ayaa ku eedeeyey Dowlada Suuriya dilal wadareed ay maalin walba u geysato maxaabiista ku jirto xabsiyada ay maamusho dowlada.
from VOA http://ift.tt/2rkycZ5
via IFTTT
Francisco Madeira: AMISOM Ma Ayna Guuldarreysan
Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa ka hor yimid in howlgalka Amisom uu yahay mid guuldareystay
from VOA http://ift.tt/2r8Tflf
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Muqdhiso
Hya'adaha amniga ayaa sheegay in gaariga ay ka warhayeen ayna ku daba joogeen ka hor inta uusan qarxinna ay gacanta ku dhigeen gaariga.
from VOA http://ift.tt/2rir6p0
via IFTTT
15ka May oo Muqdisho Laga Xusay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo socod lugta ah ku tegay taalada SYL ayaa sheegay in ay tahay maalin ahmiyed weyn u leh dhalinyarada Soomaaliyeed
from VOA http://ift.tt/2qJqwDw
via IFTTT
Yemen: Cudurka Daacuunka oo ka Dilaacay Sanca
Xaalad bani'aadnimo oo deg deg ah ayaa lagaga dhawaaqay caasimadda dalka Yemen ee Sanca, ka dib markii halkaasi uu ka dilaacay xanuunka daacuun caloolaha ay u dhinteen tobanaan qof.
from VOA http://ift.tt/2riktDd
via IFTTT
Kenya: Walaaca Kaararka Codbixinta
Gudiga doorashada ee dalka kenya ayaa walaac ka muujinaya tirada dadka u soo baxay in ay dib u eegaan sugnaashaha kararka cod bixinta oo guud ahaan dalka kenya ka socota.
from VOA http://ift.tt/2qJaucN
via IFTTT
Duullaanka Madaxfurashada ee Internetka
Laanta Booliska Yurub ayaa sheegtay in weerarka Internetku uu saameeyey ugu yaraan 100,000 oo hay'adood oo ku kala yaalla 150 waddan, waxaana dhacaysa in marka kooxdani Computerka jabsato inay qafilanayaan macluumaadka iyo xogta kuugu jirta illaa laga siinayo madaxfurasho.
from VOA http://ift.tt/2pN0viR
via IFTTT
Golaha Ammaanka oo Kulan ka Yeelanaya K. Woqooyi
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu maalinta Salaasada uu qabto kulan degdeg ah oo looga hadlayo tallaabada ugu dambaysay ee Kuuriyada Woqooyi ay ku tijaabisay gantaalka.
from VOA http://ift.tt/2qn0ZNp
via IFTTT
Sunday, May 14, 2017
Puntland: 5 ku Dhimatay Roobab Da'ay
Roobab xooggan ayaa ka da'ay deegaannada Puntland, waxaana roobabkaasi ay sababeen dhimashada illaa shan qof, sidoo kalena daadadka ka dhashay roobabku waxay hakad geliyeen isu-socodka gaadiidka.
from VOA http://ift.tt/2r6csnl
via IFTTT
Wicitaanka: Dr. Mahad Cabdullaahi Ururshe
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Dr. Mahad Cabdullaahi Ururshe oo ka tukhasusay canuuno caruurta, waxana uu ka hadlayaa ururka Jadeecada oo dhowaan lagu argay gobolka MN ee Maraykanka
from VOA http://ift.tt/2pKGzNd
via IFTTT
France: Macron oo la Caleemo-saaray
Madaxweynaha cusub ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay inuu wax kaga qabanayo dhaqaalaha waddankaasi, waxaa kale oo uu sheegay in dib loo dardan gelin doono Midowga Yurub.
from VOA http://ift.tt/2r62Id5
via IFTTT
Kuuriyada Waqooyi oo Ridday Gantaal Kale
Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah tijaabisay gantaal kuwa riddada dheer ah oo gaari kayara ilaa 4,500 kiilo-mitir.
from VOA http://ift.tt/2pL5hwh
via IFTTT
Saturday, May 13, 2017
Prof. Looxoow Oo Geeriyooday
Allah u naxariistee waxaa xalay gurigiisa oo ku yaalla degdmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Professor Abuukar Cusmaan Abikar oo loo yaqaan Proffesor Looxoow.
from VOA http://ift.tt/2rbZdOk
via IFTTT
Somaliland oo Faah-faahisay Saamiga Itoobiya Laga Siiyey Dekedda Berbera
Somaliland ayaa faah-faahisay sida loo kala qeybsaday faa'iidada kasoo baxeysa dekedda magaalada Berbera.
from VOA http://ift.tt/2qdqL92
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka
Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka, oo aad dhageysataan xilliyadan oo kale. Waxa soo diyaariyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
from VOA http://ift.tt/2pvKVMd
via IFTTT
Dhageyso Caweyska Washington
Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington, oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh, waxana idin la socodsiinaya Sahra Ciidle Nuur.
from VOA http://ift.tt/2qg5QA7
via IFTTT
Faah-faahinta Weerar Dhinaca Internet-ka ah oo Lagu Qaaday Dalal Dhowr Ah
Jimcihii shalay waxaa ilaa sagaashan dal oo dunida ku yaala saameeyay weeraro balaaran oo dhinaca internetka ah oo sida la sheegay loo maray barnaamij ama software horey looga xaday heyadda amaanka Qaranka Mareykanka ee NSA.
from VOA http://ift.tt/2pIMrWK
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, waxa la diyaar ah Jamaal Axmed Cismaan.
from VOA http://ift.tt/2qD17vg
via IFTTT
Dagaal Beeleed Ka Dhacay Dhuusamareeb
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay inta la ogyahay sagaal kalena wey ku dhaawacmeen dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaan ku dhow degamada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.
from VOA http://ift.tt/2rcZ1Q2
via IFTTT
Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan. Waxa la diyaar ah Nuur Xasan Nuur Bukhaari iyo Caasho Ibraahim Aaden.
from VOA http://ift.tt/2qDezPT
via IFTTT
Friday, May 12, 2017
Kulanka Jaaliyadaha Somalida Maraykanka
Magaaladan Washington waxaa shalay ka qabsoomay kulan ay ka qaybgaleen wakiillo ka kala socday Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool illaa 12 gobol oo Maraykanka ku yaalla, kaas oo looga hadlayey sidii wax la isaga weydiin lahaa arrimaha abaaraha.
from VOA http://ift.tt/2qbP5Z1
via IFTTT
Maraykanka oo ka Hadlay Soomaali la Celiyey
Qoraal ka soo baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu xaqiijiyey celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo laga kala dejiyey Nairobi iyo Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2qbq687
via IFTTT
Faahfaahin ku Saabsan Shirka London ee Arrimaha Soomaaliya
Magaalada London waxaa ka socda shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay shirguddoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisal Wasaaraha Britian Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres.
from VOA http://ift.tt/2racTJP
via IFTTT
Kismaayo: Qarax Lagu Dilay Laba Qof
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax goor dhow ka dhacay fagaaraha Beerta Olombikada ee magaalada ay ku dhinteen saddex qof, oo laba ka mid ah ay ahaayeen rayid.
from VOA http://ift.tt/2r1TxKB
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 370
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 370-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2r9IRXF
via IFTTT
Soomaali Laga Tarxiilay Mareykanka oo Muqdisho la Geeyey
Diyaarad sidda 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sida ay saraakiisha garoonka u sheegeen idaacadda VOA.
from VOA http://ift.tt/2qzWT7C
via IFTTT
Faaqidaadda: Shirkii London ee Soomaaliya
Magaalada London ee dalka Britain waxaa shalay lagu qabtay shirka caalamiga ahaa ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ay martigelisay dowladda Britain. Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah u gudoominaya madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha Britain iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Haddaba muhiim intee la eg ayuu shirkan u leeyahay Soomaaliya. Waa qodobka barnaamijka faaqidaadda toddobaadka. Waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan.
from VOA http://ift.tt/2r9nIfS
via IFTTT
Mareykan ka Tirsanaa Al-Qacida oo Xabsi Laga sii Daynayo
Nin Mareykan ah oo xubin ka ahaa ururka Al-Qaacida, kaasi oo isku bedelay nin sirta usoo gudbiya dowladda ayaa laga sii dayn doonaa xabsi federal ah, kadib markii akhbaaraad muhiim ah uu siiyey mas'uuliyiinta dowladda Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2qzIjxd
via IFTTT
Kenya oo 50 Qof oo ay Qabatay ku Celisay Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa 50 qof oo Soomaali ah dib ugu celisay Soomaaliya waxayna ku wareejisay maamulka deegaanka Dhoobleey ee gobbolka Jubbada Hoose.
from VOA http://ift.tt/2pFcEpL
via IFTTT
Thursday, May 11, 2017
Warbixin: Khudbaddii May ee Shirka London
Magaalada London ee dalka Britain waxaa ka socda shirka caalamiga ahaa ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ay martigelisay dowladda Britain.
from VOA http://ift.tt/2pC0Fsj
via IFTTT
DP World oo La Wareegtay Dekedda Berbera
Shirkadda DP World ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dekedda Berbera, waxaana xafladda loo qabtay wareejinta dekedda Berbera ka qayb galay masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxa DP World
from VOA http://ift.tt/2pBiKH5
via IFTTT
Golaha Wasiirada Somalia oo soo Saaray Go'aano Amni
Golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa maanta go'aanno dhinaca amaanka iyo ilaalada mas'uuliyiinta la xiriira ka soo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2qXNEhh
via IFTTT
Shirka London ee Soomaaliya oo Furmay
Shir caalami ah oo ku saabsan dardar gelinta horumarka amni ee Soomaaliya iyo dhisidda taageero caalami ah oo la siiyo ayaa maanta ka furmay magaalada London ee dalka Britain.
from VOA http://ift.tt/2pABzu1
via IFTTT
Wednesday, May 10, 2017
Minnesota oo Danbi Ka Dhigtay Gudniinka Gabdhaha
Sharci lagu adkeynayo inay dambi tahay in gabdhaha la gudo ayaa cod aqlabiyad leh waxaa ku meel mariyay golaha sharci dejinta ee gobalka Minnesota.
from VOA http://ift.tt/2q58E4I
via IFTTT
Erdogan iyo Trump oo Ku Kulmaya Washington
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu kala hadli doono dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump go,aanka ay dawladda Mareykanka ku qalabeyneyso malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya, marka ay ku kulmaan magaaladan Washington todobaadka soo socda.
from VOA http://ift.tt/2pB8IXf
via IFTTT
Warbixin: Muhiimadda Shirka London ee Soomaalida
Ku dhowaad 40 dawladood iyo ururro caalami ah ayaa isku diyaarinaya inay ka qayn galaan shirka caalamiga ah ee berri ka furmaya London, kaasi oo looga hadlayo Soomaaliya. Shirkan ayaa xil gaar ah qabashadiisa ay iska saartay Britain, waxaana ergada soo gaadhay ilaa hadda ka mid ah madaxda Soomaalida oo uu ugu horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda waddamada Geeska Afrika. Warbixintan gaarka ah oo ku saabsan muhiimadda shirka waxaa noo diyaariyey Haaruun Macruuf.
from VOA http://ift.tt/2pkEXOh
via IFTTT
ICG oo Warbixin Cusub Ka Soo Saartay Soomaaliya
Hay'adda xasaradaha caalamka ka faalloota ee ICG ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda bani'aadannimo ee Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2pksBFO
via IFTTT
Shirar ku Saabsan Somalia oo ka Socda London
Magaalada London waxaa maanta ka dhacaya shirar dhowr ah oo horudhac u ah shirka arrimaha Soomaaliya ee berri halkaasi ka furmaya.
from VOA http://ift.tt/2r1UxeJ
via IFTTT
Nabaddoon Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Nabaddoon Cabdulqaadir Xuseen oo ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqidsho.
from VOA http://ift.tt/2q5BOPz
via IFTTT
Nabad Ilaaliyeyaal lagu Dilay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe
Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa cambaareeyey dilka afar askari oo nabad ilaaliyayaal ahaa loogu gaystay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, kadib weerar lagu qaaday kolonyo baabuur oo ay la socdeen, kaasi oo lagu tuhmayo mintidiinta anti-Balaka.
from VOA http://ift.tt/2q1PFrJ
via IFTTT
Tuesday, May 9, 2017
Warshad Bur Qamadi Laga Sameeyo oo Berbara Laga Furayo
Baahi iyo macluul isdaba joog ah oo ay kalifeen abaarihi soo noqnoqdey dartood, ayaa koox ganacsato ah waxaa ay hindiseen sidaa ay gacan uga geysan lahaayeen hilataanka cunto ku fillan dad iyo duunyaba.
from VOA http://ift.tt/2r04MAp
via IFTTT
Trump oo Shaqada Ka Eryay Agaasimihii FBI-da
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa xalay shaqada ka eryay James Comey, oo ahaa agaasimihii hay'adda dambi baarista Mareykanka ee FBI loo soo gaabiyo.
from VOA http://ift.tt/2q17kj3
via IFTTT
Warbixin Gaar Ah: Dabaqadaha Nolosha ee Muqdisho
Waxaa laga dareemayaa magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, dib u dhis iyo ganacsi sii balaaranaya, waxase ka abuurmay dabaqado ay bulshadu u kala qeybsantay. Gaar ahaan dabaqad sare iyo dabaqad hoose, waxaana meesha ka sii baxaya dabaqadda dhexe oo ah tan dhaqaajisa horumarka dal iyo dhaqaalihiisa. Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha ay dabaqadaha ka abuurmeen Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa warbixintan ku eegaya dabaqadaha Muqdisho ka abuurmay.
from VOA http://ift.tt/2pYqiab
via IFTTT
Baabuurta Amisom oo Habeenkii Laga Mamnuucay Maka Al-Mukarama
Maamulka gobolka Banaadir ayaa gaadiidka ciidamada AMISOM ka mamnuucay in ay isticmaalaan wadada Maka-Almukarama, laga billaabo 6 magribnimo ilaa saq dhexe 12 habeenimo. Waxaa sidoo kale ay maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga isku dhafka ah ee loo magacaabay amniga ay ka mamnuuceen in waddadasi dacalkeeda la dhigto baabuurta gaarka loo leeyahay si looga baaqsado weeraro qaraxyo ah oo gaadiidka loo adeegsado. Waxaa tilaabooyinkan ay imanayaan ayadoo shaley maqaayad lagu cabo Coffee lagu diley 4, 7 kalana lagu dhaawacay kadib qarax ka dhacay. Afhyaeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa VOA u sheegay in tilaabooyiinkan ay qaadeen guddi isku dhaf ah oo ay ku jiraan maamulka gobolka Banaadir oo loo qabtey shaley waxii ka dambeeyey sugida amniga gobolka banaadir. Waxaa xusid muddan in sidoo kale xaley ugu yaraan 2 qof siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada, hase yeeshee maamulka gobolka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay qaadayaan tilaabooyin ka duwan kuwii hore oo amniga lagu xaqiijinayo.
from VOA http://ift.tt/2pvwuUe
via IFTTT
Muxuu Yahay Shirka London ka Furmaya ee Soomaalida?
Magaalada London ee dalka Britain, waxaa ka furmi doonaa khamiista shirwayne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Shirkan oo ah kii 3-aad oo Britain ay marti galiso ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 40 dal iyo hay'ado caalami ah. Waxaa magaalada sidoo kale jooga oo shirka ka qeyb galaya madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya. Wariyaha VOA-da Ridwaan Xaaji ayaa warbixintan ku eegaya shirkaas.
from VOA http://ift.tt/2pv1XpX
via IFTTT
13 Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud
Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimata,y ku dhawaad 15 kalena wey ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay, iyo ciidamo gurmad ahaa oo kuwa maamulka koonfur galbeed ka tirsan oo jidka loo galay.
from VOA http://ift.tt/2q2a8L7
via IFTTT
Somaliland: Shirka London nama Khuseeyo
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida ee la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska, aannu khusaynin, oo aanu ka qeyb gali doonin.
from VOA http://ift.tt/2pvjVZ4
via IFTTT
Barasaabkii Jakarta oo Xabsi lagu Xukumay
Barasaabka Kirishtanka ah ee Jakarta, oo bishii lasoo dhoofay lumiyey doorasho uu doonayey in dib loogu soo doorto, ayaa waxaa maxkamad ku taalla dalka Indonesia ay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah sababo la xiriira inuu diinta Islaamka aflgaadeeyey.
from VOA http://ift.tt/2pZsheO
via IFTTT
Monday, May 8, 2017
Fanaanadda Sahra Mire Wehliye oo Geeriyootay
Allaha u naxariisto waxaa Magaalada Mbarara ee galbeedka dalka Uganda shalay ku geeeriyootay fanaanada Sahro Mire Weheliye oo ka mid ahayd fanaaniintii ciidanka asluubta Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka.
from VOA http://ift.tt/2qLGLzR
via IFTTT
Warfaafinta Soomaaliya oo Gaartay Heshiis Is-fahan Ah
Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada warfaafinta maamul goboleedyada dalka ayaa xalay wada saxiixday heshiis loogu magac daray Is-fahamka wadashaqaynta iyo hagaajinta habsami u socodka hawlaha warfaafinta qaranka.
from VOA http://ift.tt/2q0Ry69
via IFTTT
Obama oo Trump Uga Digay Michael Flynn
Madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa si shakhsi ah uga digay madaxweyne Trump inuu General Michael Flynn u magacaabo Lataliyaha Amniga Qaranka, 48-saacadood wax ka yar marki loo doortay xilka madaxweynaha.
from VOA http://ift.tt/2qLUTZN
via IFTTT
Tillerson oo La Kulmaya Lavrov
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Arbacada soo aadan magaalan Washington kula kulmi doona dhiggiisa dalka Russia Sergei Lavrov, iyaga oo ka wada hadli doona arrimaha Syria, Ukraine iyo xiriirka labada dal.
from VOA http://ift.tt/2q0w0H6
via IFTTT
Qarax Xooggan oo ka Dhacay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax baabuur uu ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Italina Restaurant oo u dhow agagaarka hoteelka Sunrise.
from VOA http://ift.tt/2qi0y9Y
via IFTTT
Caynte oo ka Hadlay Shirka London
Waxaa magaalada London ee dalka Britain ku qulqulaya wuufuudda ka qeyb galeysa shirka Soomaalida iyo beesha caalamka ee halkaasi ka furmaya todobaadkan.
from VOA http://ift.tt/2pqwFAw
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Afgooye
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay degamada Afgoye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
from VOA http://ift.tt/2pr0eSf
via IFTTT
Obama oo Farriin u Diray Xubnaha Congress-ka
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu rajeynayo in xubnaha aqalka congress-ka Mareykanka ay noqdaan kuwa ay ka go'an tahay "inay eegaan xaqiiqda, oo ay ka hadlanan runta, xitaa hadii taasi ay ka horimaneyso mowqifka xisbigooda".
from VOA http://ift.tt/2pVZszY
via IFTTT
Sunday, May 7, 2017
France oo Dooratay Macron
Emmanuel Macron ayaa noqday madaxweynaha dalka Faransiiska, kadib marki uu ka guuleystay musharaxii xisbiga midigta fog Marine La Pen oo ay ku tartameen doorshadi Axadi shalay ka dhacday dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2pWjV5K
via IFTTT
82 Ka Mid ah Gabdhaha Chibok oo La Xoreeyey
Madaxweynaha Nigerian Muhammadu Buhari ayaa la kulmay Axadi 82 gabadhood oo ka mid ahaa gadbho ciyaal iskuul ahaa oo ay saddex sano ka hor kooxda Boko Haram ka afduubtay waqooyibari ee dalka Nigeria.
from VOA http://ift.tt/2pVdoKh
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku maqli doontaan qubanayaal ay ka mid tahay taariikhdii Alle ha naxariistee fanaanka Rashiid Bullo oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa
from VOA http://ift.tt/2pVbGXx
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Maka Al-Mukarrama.
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax lagu xiray baabuur uu goor dhowayd ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama.
from VOA http://ift.tt/2qGrr7u
via IFTTT
Wicitaanka: Cabdi Cali Daakir
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdi Cali Daakir oo ah aqoonyahan bartay dhaqaalaha, waxana uu ka hadlayaa sicir-bararka hadda Somalia ka jira iyo sida lagaga bixi karo.
from VOA http://ift.tt/2qQ7ac0
via IFTTT
France: Codbixintii oo la Dareeray
Labada hoggaamiye ayaa kala wata barnaamijyada in la sii hayo jidka isdhexgalka caalamka (globalization) iyo dhinaca kale oo raba in la qaado jid kaas ka duwan, lagana baxo Midawga Yurub.
from VOA http://ift.tt/2pnsuFj
via IFTTT
DF: Waxaan Dilnay Hogaamiye Al-shabab ah
Dawladda Federaalka ee Somalia ayaa sheegtay in hawlgal ciidan oo shantii bishan May ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose ay ku dishay Macallin Cismaan Cabdi Baadil iyo saddex maleeshiyada kooxda ka mid ah.
from VOA http://ift.tt/2pPux7N
via IFTTT
Saturday, May 6, 2017
Kal-fadhigii 1aad ee Aqalka Sare oo la Xiray
Aqalka Saree ee Baarlamanka Somalia ayaa maanta soo xiray kal fadhigoodii 1aad ee Aqalka oo mudadii uu jiray ku guuleystay inuu sameysto xeer hoosaadyadiisa inkastoo ay weli heystaan caqabado xagga dhaqaalaha ah. Wariyeheena Xassan Kaafi qoyste ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.
from VOA http://ift.tt/2qMzM6C
via IFTTT
Martida: Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo ka mid ah saraakiishii hore ee Somalia, waxaana uu ka hadlayaa shilalka sida aan kula talo galka ahayn ku dhaca ee keena in lagu dhinto.
from VOA http://ift.tt/2pS8sUt
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://ift.tt/2pgCzmG
via IFTTT
Shirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolohiyadda Soomaaliya
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweyne looga hadlayo Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2pkOWz1
via IFTTT
Askar Lagu Gowracay Shabeelaha Dhexe
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in labo askari oo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya lagu gowracay duleedka tuulada Qurac-madoobe ee degmada Mahadaay.
from VOA http://ift.tt/2pkOPU7
via IFTTT
Friday, May 5, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo Aqbalay Xil ka Qaadista Hanti-Dhawrka
Madaxwaynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray xeer Madaxwayne oo uu ku aqbalay xilka qaadistii hanti-dhawrka guud ay xalay ku sameeyeen golaha wasiirada.
from VOA http://ift.tt/2pJ4fnE
via IFTTT
Shiinaha oo Burcad Badeed ku Wareejiyey Puntland
Magaalada Boosaaso waxaa maanta kusoo xidhay saxiimado sida ciidamada dalka Shiinaha waxayna ku wareejiyen mas'uuuliyiinta Puntland saddex nin oo budhcad badeed ah oo lagu qabtay hawlgal dhicisoobay oo 8-deedii bishii hore ay burcad badeedu doonayeen inay ku afdbuubteen Markab sita calanka Lubnaan. Saddexdaasi maxaabiista ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdikariim Saalax Aw Koombe oo la sheegay inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda. Ciidamada Shiinaha ayaa sidoo kale maamulka Puntland ku wareejiyey hubka ay siteen budhcad badeeddaasi ee ay u adeegsadeen weerarkaas. Weriyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasin Jaamac ayaa Nuur Xasan Nuur uga warrantay arrintan.
from VOA http://ift.tt/2pO8KM2
via IFTTT
Ciidamo Mareykan ah oo Howlgal ka Fuliyey Sh/Hoose
Wararka ka imanaya deegaanka Dar As Salam oo u dhexeeya magaaloyinka Bariire iyo Mubarak ee Shabelelda Hoose ayaa sheegaya in ciidamo iskugu jira Maraykanka iyo Soomaali ay xalay weerar ku qaadeen deegaankaasi.
from VOA http://ift.tt/2p4Bhji
via IFTTT
Faaqidaadda: Ururka Al-Saadicuun Bil-Xaq
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan ku eegeynaa ururka cusub ee Soomaaliya kasoo shaac baxay ee Al-Saadicuun Bil-Xaq. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA http://ift.tt/2pNVeIl
via IFTTT
Soomaaliya iyo Ethiopia oo Qodobo Isku Afgartay
Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhowaan sheegay inay isku afgarteeen qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay la dagaalanka Al-Shababa iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2pNQSDl
via IFTTT
Askari Mareykan ah oo Lagu Dilay Soomaaliya
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in askari American ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo 40 KM galbeed ka xiga Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2qHYZiw
via IFTTT
Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dalalka Pakistan iyo Afghanistan
Isku dhacyo xuduudda ku dhex maray ciidamada dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa dhowr qof oo shacab ah ku dilay, islamarkaana tobanaeeyo ku dhaawacay dhul lagu muransan yahay, sida ay sheegeen saraakiil.
from VOA http://ift.tt/2pN7mJO
via IFTTT
Thursday, May 4, 2017
Warbixin: Xil ka Qaadista Dr. Nuur Faarax Iyo Dilka Siraaji
Kullan deg deg ah oo ay xalay ku yeesheen Golaha Wasiirada Somalia magaalada Muqdisho ayay uga hadleen xaaladaha amaanka Muqdisho iyo dilkii loo geystay Allah u naxariistee Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullahi Siraaji. Kullankooda ka dib ayey Golaha wasiiradu shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen, Hanti dhowrka Guud Qaran Dr. Nuur Faarax, oo ilaaladiisa ay gesteen dilka wasiirka, inkastoo uu ku gacan seyray xil ka qaadista. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa warbixintan inooga diyaariyay. Warbixinta halkan house ka dhageyso:
from VOA http://ift.tt/2peUPOl
via IFTTT
Ciidamada Somaliland oo Dad ka Xiray Iskuul
Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyey goob wax lagu barayey hablo ka soo noqday wadamada qurbaha, halkaasna waxay ka soo qabqabteen hablihii ku sugnaa dugsigaas waxbarasho oo ahaa dugsi xanaano ah ama ardaydu seexdaan.
from VOA http://ift.tt/2qJ8QUO
via IFTTT
Wasiirkii Howlaha Guud oo Muqdisho lagu Aasay
Waxaa maanta Muqdisho lagu aasay wasiirkii hore ee howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas Sheekh Cabdullahi Siraaji, oo shalay magaalada Muqdisho lagu dilay.
from VOA http://ift.tt/2pKQNQQ
via IFTTT
Somaliland: Dad u Dhintay Cuduro ka Dhashay Abaaraha
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in dadka cudurka shuban-biyoodku haleelay ee deegaannada uu ka dillaacay ay 4% u dhinteen.
from VOA http://ift.tt/2q2cfl8
via IFTTT
Dilka Wasiir Cabaas Siraaji oo la Baarayo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo gaabiyey booqasho uu ku joogay dalka Ethiopia si uu uga qeybgalo aas loo sameeyey wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho. Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna ka hadlay dhacdadaan ayaa ka tacsiyeeyey geeriyda wasiir Cabaas Cabdulaahi Siraaji. Dhanka kalana, Hanti-Dhowraha Guud ee-dowlada Federalka ee Somalia Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo la sheegay in ciidankiisu ay ka danbeeyeen dilka wasiirkii hore ayaa sheegay inay socdaan baaritaano la xariir dilka wasiirka, iyadoo lasoo xirey raggii falka geystey. Warbixin ku saabsan dilka wasiirkii hore ee howlaha guud iyo dib-udhiska Soomaaliya, waxaa noo diyaarisay Sahra Abdi Axmed.
from VOA http://ift.tt/2p9j3bL
via IFTTT
Yuusuf Xasan oo ku Guuleystay Doorashadii Kamakunji
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ku guuleystay doorashadii is reeb reebka deegaanka Kamakunji ee xisbiga Jubilee, isaga oo ka adkaaday mudanihii hore ee deegaanka Kamakunji, Simon Mbugua.
from VOA http://ift.tt/2pBYDM5
via IFTTT
Mareykanka: Sharci Beddelaya Obamacare oo loo Codeynayo
Xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa la filayaa in maanta ay u codeeyaan sharci baabi'inaya, islamarkaana beddelaya sharciga daryeelka caafimaadka ee loo yaqaan Obamacare.
from VOA http://ift.tt/2pbw2e1
via IFTTT
Wednesday, May 3, 2017
Le Pen Iyo Macron oo Is Weeraray
Musharaxiinta doorashada madaxtinimada dalka Faransiiska ee kala ah Marine Le Pen iyo Emmanuel Macron ayaa xalay isku wajahay dood aad u kululeyd oo socotay laba saacadood oo toos looga daawaday Telefishinka.
from VOA http://ift.tt/2pHF7ft
via IFTTT
Wasiir Caawa Lagu Dilay Magaalda Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdidho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in toogasho lagu duilay wasiirkii hawlaha guud ee dawladda Soomaaliya Cabbaas Siraaj.
from VOA http://ift.tt/2pxBnin
via IFTTT
Fallanqeyn: Booqashada Farmaajo ee Ethiopia
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqashadiisii lixaad ee dibedda ah ku tagay dalka Itoobiya.
from VOA http://ift.tt/2pxkGUg
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 369
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 369-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2qEXdyb
via IFTTT
Warbixin: Xaaladda Suxufiyiinta Soomaaliya
Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee xuriyadda saxaafadda, waxaana ay ku soo beegmeysaa iyadoo sanadkii tagay ee 2016-kii heerka xuriyadda saxaafadda uu gaaray meeshii ugu hooseysay muddo 13 sanadood ah. Hay'adda Freedom House ayaa sheegtay in 10-ka meel ee liiska meelaha ku tacadiya saxaafadda iyo suxufiyiinta xagga sare kaga jira inay yihiin wadamada Azerbaijan, Crimea, Cuba, Equatorial Guinea, Eritrea, Iran, North Korea, Syria, Turkmenistan, and Uzbekistan. Laakiin Somalia ayaa ka mid ah meelaha xuriyadda saxaafadda ay halis gasho. Wariyeheenna Caasha Ibrahim Aaden ayaa warbixintan ku eegeysa xaaladda ay ku shaqeeyaan Suxufiyiinta koonfurta iyo bartamaha Somaliland iyo Somalia.
from VOA http://ift.tt/2pwvrGe
via IFTTT
Howlgalka Midowga Yurub oo ka Hadlay Burcad Badeeda Somalia
Iyadoo maalmahan la hadal hayay soo cusboonaanshaha weerarada burcad badeedda biyaha Somalia ayaa haatan waxaa ka hadlay ciidamada ka socda Midawga Yurub ee qaabilsan ilaalinta badda Soomaaliya ee loo yaqaan hawgalka EU NAVAL Force. Afhayeenka hawlgalkaas Taliye Jacqueline Sherrif, oo sugan dalka Britian ayaa sidoo kale ka hadashay arrimaha la xidhiidha kalluumaysiga sharci-darrada ah ee doorka kaga aaddan hawlgalkooda, iyo doorka ay ka qaataan ilaalinta maraakiibta mucaawanada u sida Soomaaliya. Weriyaha VOA Ismaaciil Xuseen Farjar ayay u warantay.
from VOA http://ift.tt/2oXzooR
via IFTTT
Xaaf oo loo Doortay Madaxweynaha Galmudug
Ganacsade Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug kadib doorasho ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas.
from VOA http://ift.tt/2p4ZnWq
via IFTTT
Clinton oo ka Hadashay Guuldarradii ku Dhacday
Wareysigeedii ugu horeeyey ee ay bixisay tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Mareykanka ee 2016, ayaa Hillary Clinton waxay ku qaadatay mas'uuliyadda guul-darradii ku dhacday.
from VOA http://ift.tt/2oX3JDM
via IFTTT
Tuesday, May 2, 2017
Dowlada Kanada oo Sharuud 2 Sano ah ka Saartey Qoysaska Isku soo Biirayo
Wasaaradda Sinjiyada iyo Socdaalka ee Kanada ayaa sharuud ahayd in lamaanaha isku soo biirey ay wada noolaadaan uguyaraan 2 sano ka saartey qodobada laga doonayo in ay buuxiyaan qoysaska isku soo biirayo.
from VOA http://ift.tt/2pE3lHH
via IFTTT
Madaxweyne Trump oo Ku Hanjabay Kharash Joojin Guud
Donald Trump, oo dhawaan ku guul dareystay in Kongereeska uu ka helo asnixinta miisaaniyadda dowladda ay ku shaqeyn doonto shanta bil ee soo socota, waxaase uu Talaadadii shalay sheegey in dowladdu ay u baahan tahay wax uu ugu yeerey "Kharash Joojin Guud"
from VOA http://ift.tt/2pDIXGD
via IFTTT
ICG: Soomaaliya Waxay Haysataa Fursad weyn
Hay'adda ka faaloota xasaradaha caalamka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo ICG ayaa sheegtay in Somalia ay heysato fursad ay ku sameyn karto isbedel dhinaca amniga iyo siyaasadda ah oo ay muddo u baahneyd.
from VOA http://ift.tt/2oU6ZzW
via IFTTT
Warbixin Cusub oo Laga Soo Saaray Burcad Badeeda Somalia
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda ka shaqaysa amniga badaha ee Oceans Beyond Piracy ayaa sheegaysa in feejignaantii maraakiibta ka gooshaysa badaha Soomaaliya iyo dadaalkii ciidamada caalamiga ah uu hoos u dhacay, taasina ay keentay halis laga qabo in budhcad badeedu dib usoo laabato. Warbixintan oo sannadle ah ayaa looga hadlay khasaaraha naf iyo dhaqaale ee ay dunida ugu kacaan falalka budhcad badeedda ah. Warbixintan waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA http://ift.tt/2pTscdt
via IFTTT
Caruurta Nafqaddarrada Hayso ee Somalia oo Kordhay
Hay'adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in la filayo in 50% ay kor u kacaan carruurta Soomaalida ee ay hayso nafaqaddarada sanandkan.
from VOA http://ift.tt/2qA1fHP
via IFTTT
Sarkaal Al-Shabaab ah oo Isu Dhiibay Jubaland
Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa sheegay in maanta uu maamulkooda isu soo dhiibtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2qomxf0
via IFTTT
Dowladda Somalia oo Faahfaahisay Shirka London
Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendayaasha looga hadli doono shirka toddobaadka dambe ka furmaya magaalada London ee ay yeelanayaan beesha caalamka iyo Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2oTI7IH
via IFTTT
Daacish oo Dib ugu soo Laabatay Qeybo ka Mid ah Mosul
Qarax baabuur oo ka dhacay bariga magaalada Mosul ee dalka Ciraq ayaa xaqiijiyey cabsidii ay taxliiliyayaasha siyaasadeed ka qabeen in howlgalka ka dhanka ah kooxdan uu gaarsiiyey guul-darro milatari balse aanu u geysan dib u dhac siyaasadeed.
from VOA http://ift.tt/2qzq1YL
via IFTTT
Monday, May 1, 2017
Trump oo Raba Inuu La Kulmo Kim Jong Un
Maalmo yar uun kadib marki uu ku celceliyey inuu ka fakarayo tallaabo millatari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay inuu doonayo inuu la kulmo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un.
from VOA http://ift.tt/2pCoeol
via IFTTT
Suuriya oo Lagu Eedeeyey Adeegsiga Weeraro Kiimiko
Hey'ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay Ciidamada Dowlada Syria inay afar jeer adeegsadeen hub kiimika ah dhowrki bilood ee lasoo dhaafay.
from VOA http://ift.tt/2p2Yej2
via IFTTT
Halista Weerarada Ka Dhaca Goobaha Waxbarashada Mareykanka
Hal ruux ayaa dhintay dhowr kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray markii qof middi la ordaaya uu shalay galab weerar ka geystay jaamacad ku taala gobolka Texas.
from VOA http://ift.tt/2oS6XIT
via IFTTT
6 Sano Kadib Dilkii Bin Laden Maxaa Isbedelay?
Caawa oo kale lix sano ka hor waxaa ciidamada Maraykanu ay khaarajiyeen hoggaamiyihii sida weyn loo doonayey ee Al-Qaacida Osama Bin Laden kadib hawlgal ay ka fuliyeen gudaha dalka Pakistan.
from VOA http://ift.tt/2p1p8b5
via IFTTT
Warbixin Gaar ah: Xoriyadda Hadalka Soomaaliya
Dhawaan ayey dowladda Somalia Sheegtay inay diyaar u tahay in xeerka saxaafadda uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan yihiin oo dib u eegis lagu sameynayo. Waxana ay tani imaaneysaa iyadoo, Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ku liita xurriyadda hadalka, meelo kala gaddisan oo waddanka ahna horey dad loogu dilay sababo la xiriira hadalo ay jeediyeen. Waxaa sidoo kale jira suxufiyiin u xiran afkaaro ay muujiyeen. Hay'adaha u dooda xurriyadda hadalka iyo saxaafadda, ayaa ku doodaya in loo baahan yahay wacyi galin bulsheed si dadku ay u fahmaan xurriyadda hadalka. Warbixin arrimahaasi ku saabsan waxa inoo haya Jamaal Axmed Cismaan.
from VOA http://ift.tt/2pP41g0
via IFTTT
Hiiraan: Al-Shabaab oo Xukuno Dil ah Fuliyey
Ururka Al-Shabaab ayaa maanta xukuno dil toogasho iyo dhagax ku dilid ku fuliyay laba dhallinyaro ah oo ku eedeysnaa falal isugu jira dil iyo kufsi.
from VOA http://ift.tt/2pAekUr
via IFTTT
Kheyre oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Germany
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa maanta booqasho ku tagay magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay ra'iisul wasaare Xasan Kheyre
from VOA http://ift.tt/2oY7nbD
via IFTTT
Rabshado Ka Soo Cusboonaaday Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe
Rabashado dib uga soo cusboonaaday dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa xaafado buuxay ka dhigay kuwo maran oo burburay, halka dadna lagu dilay.
from VOA http://ift.tt/2qky0MF
via IFTTT