Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas,uuliyadda laba qarax Isniintii shalay lagu dilay ugu yaraan 26 ruux oo ay ku jireen sagaal saxafi gudaha magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganstan.
from VOA https://ift.tt/2rbQEWe
via IFTTT
Monday, April 30, 2018
Daacish oo Sheegatay Qarraxyadi Kabul
Maxay yihiin caqabadaha horyaalla Maxamed Mursal?
Xildhiban Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya. Maxamed Mursal, ayaa wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow. Haddaba maxay yihiin caqabadaha ugu waa weyn ee xilligan hortaagan hoggaanka baarlamaanka? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaa Cabdixakiim Maxamuud Shirwaac uu hordhigay Cabdulqaadir Maxamuud Dhaqane oo hore u ahaa xildhibaan haatana daraasado ka diyaariya arrimaha Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
from VOA https://ift.tt/2jjaquN
via IFTTT
Maxamed Mursal oo loo doortay afhayeenka baarlamanka
Xildhiban Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2I4Afga
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya Beledweyne
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Safarka madaxweynaha ayaa waxa uu la xiriiraa inuu u kuurgalo degaannada ay saameeyeen daadadka iyo roobabku. Inta badan dadweynihii magaalada Beledweyne ayaa halkaais ka qaxay. Fatahaaddan ayaa saameysay boqolaal kun oo of oo ku nool gobollada uu maro webiga Shabelle sida Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
from VOA https://ift.tt/2rabTXQ
via IFTTT
Fallanqeyn: Wada hadallada labada Korea
Yididdiillo taxaddar ku jiro ayaa laga muujinayaa wadahadallada ay dhowaan yeesheen madaxweynayaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed Kim Jong Un iyo Moon Jae-in. Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu isna la kulmo Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi bisha dambe goob ana weli la cayimin. Haddaba intee ayey le'eg tahay rajada diblomaasiyaddan u eg inay beddelayso colaaddii iyo is horfadhigii ka taagnaa gacanka Kuuriya? Jaamac Buulle Jaamac ayaa arrimahan ka waraystay Cabdifataax Maxamed Muuse oo shahaadada PhD ku diyaarainaya Malaysia.
from VOA https://ift.tt/2HBiINb
via IFTTT
Maxaa xal u ah dilalka Soomaalida Ohio?
Laba wiil oo Soomaali ah ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gobolka Ohio ee dalka Mareykanka. Dilalkan ayaa ah kuwo ku soo noqnoqdey Soomaalida gobolka degen. Hadaba maxay bulshadu xalka u aragtaa? Sideese wax looga qaban karaa dilalkaas. Falastiin Axmed Iiman ayaa su'aalahaas weydiisey Xasan Cumar oo madax u ah hay'ad ka shaqeysa arrimaha Soomaalida oo deggan gobolka Ohio.
from VOA https://ift.tt/2HCeoNB
via IFTTT
Hargeysa: Barnaamij lagu dhiiri gelinayo ganacsiga
Soomaalida waxa lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin dadka ugu wanaagsan dhinaca hal-abuurrada ganacsiga, hase ahaatee, waxa inta badan soo foodsaara caqabado ay ka mid yihiin aqoon la'aan ganacsiga la xidhiidha iyo dhaqaale la'aan. Magaalada Hargeysa waxa sheley si rasmi ah looga furay barnaamijyo shaqo-abuur oo taageero dhaqaale loogu fidinayo ganacsiyada, kuwaas oo ciddii ku guulaysata lagu maalgelinayo lacag ka badan 30-kun oo dollar. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa fursadahan ka waraystay Cabdalla Maxamed Axmed oo ah maamulaha guud ee Barnaamijyada iyo hawlgallada Hay'adda Innovate Ventures oo ka mid ah kuwa soo qabanqaabiyay, ugu horrayna wuxuu waydiiyay ujeeddada barnaamijkan:
from VOA https://ift.tt/2rbZouV
via IFTTT
Wareeggi 1-aad ee doorashada guddoomiyaha baarlamanka oo soo dhammaaday
Waxaa soo dhammaaday wareeggii koowaad ee codbixinta baarlamaanka, waxaana muuqata inay codadka ugu badan heleen afar xildhibaan oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla.
from VOA https://ift.tt/2w0OwFT
via IFTTT
Pochettino oo mugdi geliyey mustaqbalkiisa Tottenham
Mauricio Pochettino ayaa sheegay in mustaqbalkiisa muddada fog ee kooxda Tottenham uusan gacantiisa ku jirin, islamarkaana ay quseyo gudodomiyaha kooxda Daniel Levy inuu saxiixo qandaraas cusub iyo in kale. Macallinka Spurs ayaa shaki geliyey msutaqbalkiisa kooxda toddobaadkii tagey markii ay Manchester United kaga adkaatay cayaartii afar dhammaadka koobka FA CUP-ka, markaasi oo uu yiri "Spurs waxay u baahan tahay waqti si ay guul u gaarto, haddii aan aniga macallin u ah iyo macallin kaleba" Pochettino ayaa waxaa saddex sano ugu haray qandaraaska uu kula jiro Tottenham, hase yeeshee wuu ka gaabsaday markii la weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu saxiixo qandaraas waqti dheer iyo in kale. "Ma saxiixi doonaa qandaraas cusub? Waa su'aal u taal Daniel Levy. Ma ahi Arsene Wenger ama Sir Alex Ferguson oo ah kuwa ayaga go'aan ka gaara mustaqbalkooda. Waxaan go'aan ka gaaraa kaliya 11-ka cayaartoy ee garoonka kusoo billowda" ayuu yiri Pochettino.
from VOA https://ift.tt/2I40KSI
via IFTTT
Mourinho oo rajayanaya inuu mar kale ka hortago Wenger
Jose Mourinho ayaa sheegay inuu rajeynayo in kulankii axaddii ay Manchester United 2-1 kaga adkaatay Arsenal uusan noqon kii ugu dambeeyey ee uu ka hortaggo Arsene Wenger. Kulankii ugu damabeeyey ee Arsene Wenger uu booqdo Old Trafford isaga oo ah macallinka Arsenal, ayaa ku billowday soo dhoweyn wanaagsan oo Sir Alex Ferguson uu u sameeyey, kaasi oo siiyey haddiyd. Mourinho ayaa sheegtay in isaga uu ka dambeeyey soo dhaweyntii Ferguson uu u sameeyey Wenger, sababtuna ay ahayd in xifaaltanka Ferguson iyo Wenger uu ka weyn yahay kan isaga iyo Wenger. "Waxaan rajeynayaa inaan cayaartii ugu dambeysay ka hortagin Wenger, waxaan rajeynayaa in mar kale ay dhacdo" ayuu yiri Mourinho. "Haddii aysan ahayn Premier League, yaa og, waxaa weli dhici kara cayaaro kale oo waa weyn". Ayuu yiri Mourinho.
from VOA https://ift.tt/2vYcaCD
via IFTTT
Qaraxyo lagu dilay suxufiyiin badan oo ka dhacay Kabul
Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa maanta dilay ugu yaraan 26 qof, oo ay ku jiraan suxufiyiin badan.
from VOA https://ift.tt/2KpNaHY
via IFTTT
Sunday, April 29, 2018
Soomaaliya oo Ku Guuldareysatay Finalka Tartanka BBA
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da,doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku guuldarreystay inuu qaado koobka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee loo soo gaabiyo CECAFA, kadib marki ciyaarti kama danbeysta aheyd ay 2-0 ku khasaareen dhigooda Tanzania.
from VOA https://ift.tt/2KmVFmZ
via IFTTT
Kim Jong Un: Waa la Xirayaa Xarumaha Nukliyeerka
Hoggaamiyaha Kuuriyda Woqooyi Kim Jon Un ayaa wacad ku maray inuu xirayo xarunta hubka nukliyerka ee dalkiisa bisha May oo uuna hanaankaasi u furan yahay khubarada iyo wariyayaasha kuuriyda Koofureed iyo Maraykanka
from VOA https://ift.tt/2r8U0sn
via IFTTT
Saturday, April 28, 2018
Minneapolis: Soomaali Hir-gelisay Dusgi Lagu Barto Tiknolojidda iyo Seyniska
Magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxa fiidkii Sabtida lagu daah rogey dugsi hoose oo caruurta lagu baro waxyaabo ay ka mid yihiin tegnloojiyadda, seyniska iyo xisaabta.
from VOA https://ift.tt/2vV2GIv
via IFTTT
Finalka Tartanka BBA: Somalia v Tanzania
Xulka kubada cakta Soomaaliya ee ay da,diisu ka hooseyso 17-ka sano ayaa lagu wadaa in maalinta birrito ah ay ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa la ciyaaraan dhigooda Tanzania.
from VOA https://ift.tt/2HvWJHg
via IFTTT
Ganacsade Raba Inuu Gato Wembley
Xiriirka kubadda cakta Ingiriiska ayaa billaabay wadahadallo uu kaga iibinayo garoonka Wembley Stadium, Shahid Khan oo ah maalqabeynka leh kooxda Jacksonville Jaguars ee dalkan Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2r6LXfA
via IFTTT
Ra'isulwasaaraha Ethiopia oo Booqanaya Jabuti
Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la magacaabay maanta booqasho ku tagay dalka Jabuuti.
from VOA https://ift.tt/2Kojef5
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Jacfar Maxamed Kuukaay.
from VOA https://ift.tt/2Fox6Co
via IFTTT
Bar. Martita Iyo Makarafoonka: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
Barnaamijka Martiga Makarafoonka, waxaa soo diyaariyay wariyaheena London, Ridwan Xaaji Cabdiwali, waxaa marti ku ah Prof. Cabdi Ismaciil Samatar.
from VOA https://ift.tt/2Kn7ARV
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa soo jeedinaya Ibrahim Daandureey iyo Caasha Cuud.
from VOA https://ift.tt/2HZQj2w
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Jamal Axmed Cusman.
from VOA https://ift.tt/2vXnhvM
via IFTTT
Saraakil ku Dhimatay Qaraxa Gaalkacyo
Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay 6 qof oo ay ku jiraan 3 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2KmZHf8
via IFTTT
Friday, April 27, 2018
Dowlada Kanada oo 18 Milyan ugu Deeqday Soomaaliya
Dawladda Kanada ayaa ugu deeqdey Soomaaliya lacag gargaar ah oo wadarteedu dhantahay 18 Million oo dollar, oo loogu talogalay dadka Abaarta iyo roobabku saameeyeen ee danyar ta ah.
from VOA https://ift.tt/2jgCYEZ
via IFTTT
Faaqidaadda: Dilalka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurbaha
Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan maanta diiradda ku saari doonno dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan Waqooyig Ameerika.
from VOA https://ift.tt/2I7asBC
via IFTTT
Hoggaamiyayaasha Labada Kuuriya oo Kulmay
Hoggaamiyaasha Labada Kuuriya ayaa ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan sidii hubka niyukleerka looga baabi'in lahaa dhulka Kuuriya, kadib kulan taariikhi ah oo ay ku yeesheen dalka Kuuriyada Koofureed.
from VOA https://ift.tt/2FlmYul
via IFTTT
NRC: Fatahaadaha Soomaaliya Waxay Saameeyeen 427,000 oo Qof
Daadad xoog leh ayaa ka dhashay roobab culus oo maalmihii la soo dhaafay ka da'ayay degaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2KilZhS
via IFTTT
Mourinho: Go'aankaygu ma ahayn in la iibiyo Salah
Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan ahayn go'aankiisa in la iibiyo weeraryahan Mohamed Salah, markii uu ahaa macallinka kooxda Chelsea. Salah oo 25 jir ah ayaa ka tagey garoonka Stamford Bridge kuna biiray kooxda Rome sanadii 2016, waxaana uu dhaliyey 43 gool tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda Liverpool xagaagii tagey. Mouirnho oo hadda ah macallinka kooxda Manchester United ayaa sheegay in Chelsea ay go'aansatay inay iibiso Salah, si ay lacag ugu hesho saxiixyo kale. "Dadku waxay yiraahdaan inaan anigu iibiiyey Salah, laakiin xaqiiqda waa taas beddelkeed" ayuu yiri Mourinho. "Waxaan ahaa kan soo iibiyey Salah, waxaan ahaa midka u sheegay Chelsea inay soo iibiyaan Salah" "Markii ay ku adkaatay Salah inuu la qabsado Chelsea, waxaan u diray ammaah, balse go'aankeegu ma ahayn in la iibiyo, go'aankaas waxaa lahaa kooxda Chelsea" ayuu yiri Mourinho.
from VOA https://ift.tt/2r5eKBl
via IFTTT
Thursday, April 26, 2018
Mattis: Ma Jiro Go'aan Looga Baxayo Heshiiskii Iraan
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegey inaysan jirin wax go'aan ah oo uu Mareykanka gaaray oo uu kaga baxayo heshiiskii Nugliyerka Iran ee 2015.
from VOA https://ift.tt/2Ki0TQH
via IFTTT
Shir Amniga Looga Hadlayay oo Muqdisho Ka Dhacay
Magaalada Muqdisho, waxaa maanta ka dhacay kullan looga hadlayay amaanka guud ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra'isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
from VOA https://ift.tt/2r2RZ0W
via IFTTT
Xildhibaan: Ma Jiro Hub Lala Baxsaday oo La Iibinayo
Ilaa iyo shalay, waxaa baraha bulshada heystay war ay qortay wakaaladda wararka Reuters oo sheegayay in hub lagala baxay xeradii Imaaraadku uu ku tababari jiray ciidamada
from VOA https://ift.tt/2JuYIIu
via IFTTT
Qeybtii 2-aad Musharixiinta u Taaganka Gud. Baarlamaanka oo Qudbeeyay
Maanta ayaa mar kale qaar ka mid ah murashixiinta u taagan xilka gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay qudbado ay ku soo bandhigayeen barnaamijkooda siyaasadeed ka jeediyeen golaha shacabka.
from VOA https://ift.tt/2HOmHFk
via IFTTT
Baladweyne: Cabsi Laga Qabo Cudurro Ka Dhasha Fatahaadda
Inta badan dadka ku nool magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ee ku haray guryahooda, ka dib markii sida maamulka gobolka uu sheegey, magaalada uu ku fatahay daad illaa iyo sagaal kun oo qof ay ku barakaceen
from VOA https://ift.tt/2JvLJXd
via IFTTT
Barifa Afrika: Caqabadaha Ardayda ka Heysta Waxbarashada PhD
Waddamo kale ee ku yaala Bariga Afrika oo ay Kenya ka mid tahay waxaa ku yar ardayda ka qalin jebisa jaamacadaha ee heerka shahaaddada sare ee PhD.
from VOA https://ift.tt/2vOlyJ9
via IFTTT
Somaliland: Boqor Buur Madow oo 5 Sano Lagu Xakumay
Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ayaa maanta shan sanno oo xarig ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu magaca dheer Somaliland.
from VOA https://ift.tt/2HVBwWU
via IFTTT
Hargeysa: Haween ka Shirey Ka Qeyb-galka Siyaasadda
Shirweyne ay isugu yimaaddeen haweenka Somaliland ayaa lagu soo gebo gebeeyay magaalada Hargeysa, waxaana laga soo saaray qoddobbo la xidhiidha ka-qayb galka siyaasadda ee haweenka iyo sidoo kale qorshayaal ay sheegeen inay ku wajahayaan.
from VOA https://ift.tt/2vJFXPs
via IFTTT
Real oo aan weli dalab u gudbin Mohamed Salah
Kooxda Real Madrid ayaan wax xiriir ah Liverpool kala sameyn saxiixa xiddiga kooxdaas Mohamed Salah, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow kooxda reer Spain. Khamiistii ayaa qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska waxay weriyeen in Liverpool ay Real Madrid u sheegtay in xitaa 200 milyan oo gini aysan ku filneyn saxiixa Salah. Salah ayaa waxaa weli u haray afar sano oo ah qandaraaska uu kula jiro naadiga Anfield kadib markii xagaagii tagey lagala soo wareegay kooxda Roma, isaga oo ku kacay 34 milyan oo gini. Salah ayaa sanadkan wacadarro ka dhigaya horyaalka Premier League iyo kan horyaalada Yurub, isaga oo Liverpool u dhaliyey 43 gool kadib 47 kulan oo uu saftay. Hab cayaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxo badan oo Real ay ugu horeyso, hase yeeshee Liverpool ayaa la filayaa inaysan iibin laacibka reer Masar.
from VOA https://ift.tt/2KdFfx4
via IFTTT
Wednesday, April 25, 2018
USA: Maxkamadda Sare oo Dhageysatay Doodda Socdaalka
Sagaalka xubnood ee Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa shalay dhageystay dacwadaha qareeno kala raacsanaa in la meel mariyo iyo in kale soo-jeedintii Madaxweyne Trump ee ahayd in dalal Muslimiin u badan dadkooda laga mamnuuco soo galidda Maraykanka.
from VOA https://ift.tt/2Jof2uo
via IFTTT
Haweenka Shaqo Abuurka ah
Barnaamijka haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan waxanu ku eegeynaa haweenka Soomaalida ah ee aasaay goobaha loogu adeego bulshada ee ku yaala dalkan Maraykanka.
from VOA https://ift.tt/2vU6rOz
via IFTTT
Wareysi: Fatxi Baashe oo Ardayda Wacyi-geliya
Kadib markii ay soo geba gaboobeen yoolalka horumarinta qarniga ama Millennium development goals oo soo socday muddo shan iyo toban sano ah, ayay dunidu isla garatay in dib loo bilaabo yoolalka horumarka waara ama Sustainable development goals.
from VOA https://ift.tt/2Jr4jQ2
via IFTTT
CECAFA: Xulka K. Cagta Soomaaliya oo Final u Soo Gudbay
Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay fnalka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika gaareen.
from VOA https://ift.tt/2I3LZx7
via IFTTT
Musharixiinta Xilka Gud. Baarlamaanka oo Qudbado Jeediyay
Qaar ka mid ah murashixiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qudbado ay ku soo bandhigayeen barnaamijkooda siyaasadeed ka jeediyay golaha shacabka.
from VOA https://ift.tt/2FdbQ2t
via IFTTT
Wareysi Dr. Dufle: Halista Duumada
25 bisha April, maanta oo kale, dunida oo dhan waxaa laga xusaa maalinta malaariyada ama duumada.
from VOA https://ift.tt/2HZA0k6
via IFTTT
Dhageyso Barn. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 418-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 418-aad.
from VOA https://ift.tt/2Ff1bUU
via IFTTT
Q.M. oo Ku Baaqday in La Baaro Dadkii Lagu Laayay Yemen
Hey'adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaris lagu sameeyo dilalka tobonnaan qof oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uu isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo duqeyn ku diley gudaha dalka Yemen.
from VOA https://ift.tt/2HpuSIO
via IFTTT
Boorama: Beeralley Tababar loo Furey
Magaalada Boorama waxa tobabar socon doona muddo laba bilood ah loogu qabtay qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya daryeelka dhanka deegaanka, kuwaasi oo baranaya kordhinta wax soo saarka xoolaha. Waxa la filaya marka ay dhamaystaan tababarka in la siiyo qalab dhamaystiran oo ay ku hawlgalaan.
from VOA https://ift.tt/2r2OkjM
via IFTTT
Dad loo xiray weerar ka dhacay kulankii Liverpool iyo Rome
Booliska magaalada Liverpool ayaa xiray laba qof oo la tuhunsan yahay inay isku day dil sameeyeen kadib markii nin 53 jir ah looga tagey xaalad halis ah, ka hor kulankii koobka horyaallada Yurub ee kooxaha Rome iyo Liverpool. Cayaartaas oo ka dhacday garoonka Anfield ayaa waxaa 5-2 ku adkaaday kooxda Liverpool. Ninka la dhaawacay ayaa waxaa si halis ah loogu weeraray meel u dhow garoonka Anfield xalay, intii uu socday isku dhac dhex maray taageerayaasha labada koox, sida ay sheegen booliska. Labada nin oo ka yimid magaalada Rome, da'dooduna tahay 25 jir iyo 26 jir ayaa waxaa loo xiray inay isku day dil ku kaceen, waxaana la geeyey saldhigga booliska magaalada Liverpool, halkaasi oo su'aalo lagu weydiinayo. Madaxa booliska Merseyside Dave Charnock ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay "Inta badan 52,000 taageere ee cayaarta ka qeyb galay waxay u dhaqmeen si wanaagan una daawadeen".
from VOA https://ift.tt/2HHDudl
via IFTTT
Tuesday, April 24, 2018
Beledweyne: Daadad Barakac Dhaliyey
Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'yey gobolka Hiiraan iyo qeybo ka tirsan dalka Ethiopia ayaa barakiciyay ilaa 9 kun qoys oo ku noolaa xaafadaha magalada Baledweyne
from VOA https://ift.tt/2qYEhfz
via IFTTT
Muqdisho: Dowladda oo Soo Bandhigtay Xubin Daacish Ka Tirsan
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa soo bandhigay jin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay oo lagu soo qabtay hawlgal ka dhacay degaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho
from VOA https://ift.tt/2HnFJ62
via IFTTT
Liibiya: Tahriibayaal Soomaali ah oo La Soo Bad-baadiyay
Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Muxuddiin Maxamed Kaalmooy, ayaa sheegay inay jiraan Soomaali habeen hore laga soo bad-baadiyey badda, kadib markii ciidamada Liibiya ay ku arkeen xeebaha dalkasi, xilli ay la socdeen doonyo liita.
from VOA https://ift.tt/2vHFLA7
via IFTTT
Xaaladda Bush oo Ka Soo Reyneysa
Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. ayaa la sheegey in ay xaaladdiisa ka soo reynayso, kadib markii isbitaal loo dhigay infegshenka dhiigga ku dhaca oo noloshiisa halis geliyay, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war ay soo saareen.
from VOA https://ift.tt/2qU9CR8
via IFTTT
Galka Baarista: Heshiiska W.Gaashandhigga iyo Shirkad Shisheeye
Ku soo dhawaada barnaamijkii Galka Baarista oo ku saabsan heshiis ay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya la gashay shirkad gaar ah oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.
from VOA https://ift.tt/2JiL2jy
via IFTTT
Hargeysa: Imtixaanaadka Dugsiyada iyo Dadka Aan Lixaadkoda Dhammeyn
Somaliland waxa ka socda diyaarinta imtixaannaadka dugsiyada waxbarashada. Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee laxaadkoodu uu dhiman yahay, waxay ka mid yihiin ardayda u fadhiisanaya imtixaanaadkan, waana sannadkii ugu horraysay ee ay si rasmi ah u helaan imtixaan u gaar ah iyaga.
from VOA https://ift.tt/2JmPm1q
via IFTTT
Roob ka Da'ay Kenya oo Sababay Geerida Dad Badan
Roob ma hiigaan ah oo ka da'ayay toddobaadyaddii la soo dhaafay dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa inay meelo kala duwan ay ugu dhinteen illaa dad ku dhow boqol qof. Roobka oo daadad soo rogay ayaa kumannaan qof oo kale ay ku barakaceen.
from VOA https://ift.tt/2KbVBGs
via IFTTT
Toronto: NIn Gaari Jiirsiiyay Dad oo Maxkamad La Hor-keenayo
Nin watey gaari oo shalay ku dilay Magaalada Toronto ugu yaraan 10, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaada ah maxkamad uu ka soo hor muuqdo.
from VOA https://ift.tt/2Jl2tjC
via IFTTT
Monday, April 23, 2018
Mareykanka oo Hubinaya Ballanqaadki K.Waqooyi
Aqalka Cad ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in yoolka ugu danbeeya ee wadahadallada madaxweyne Trump la yeelan doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu yahay buburinta hubka niyukleerka.
from VOA https://ift.tt/2qZ7R4C
via IFTTT
Biriq Dad ku Dishay Caabud-waaq
Warar naga soo gaaraya bartahama Soomaaliya ayaa sheegaya in roobabka Gu'aga ee ka daya qaybo kamid ah gobollada dalka ayaa sababeen dhimashada laba ruuux kadib markii ay ku dhacday biriq xilli ay kusugnaayeen hoygooda, sida ay VOA usheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
from VOA https://ift.tt/2vC51Yy
via IFTTT
Yemen: Duqeyn Lala Beegsaday Xaflad Aroos
Saraakiisha caafimaadka Yemen ayaa sheegay ayaa in weerar dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen isbaheysiga uu Sacuudigu horkacay lala beegsaday xaflad aroos oo ka socotay waqooyiga dalka Yemen, halkaasina ay ku dhinteen 20 qof.
from VOA https://ift.tt/2JiCr0w
via IFTTT
Muhaajiriin ku Dhintay Xeebaha Libya
Ugu yaraan 11 muhaajir ayaa dhintay 263 kalena wa la soo bad baadiyay Axaddii, kadib laba howl gal ay ciidamada badda dalka Libya ay ka sameeyeen xeebaha dalkaas Libya, sida ay shaaciyeen ciidamada badda ee Libya.
from VOA https://ift.tt/2qQyiKm
via IFTTT
Pogba "Wax dhibaato ah kuma qabo Mourinho"
Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah ku qabin macallinka kooxdaas Jose Mourinho, islamarkaana aanu maskaxda ku hayn inuu kooxda ka tago. 25 jirkan u dhashay dalka Faransiiska ayaa kursiga keydka looga tagey labadii lug ee cayaartii wareega 16 ee koobka horyaalada Yurub oo kooxda United ay reebtay kooxda reer Spain ee Sevilla. "Mourinho waa macallinka, waxa uu qaataa go'aanno, anigana cayaaryahan ahaan waan aqbalayaa go'anadaas" ayuu Pogba u sheegay taleefishinka Faransiiska ee Canal+. Pogba ayaa United kaga soo biiray kooxda Juventus xilli cayaareedkii tagey, markaas oo uu noqday xidiga ugu qaalisan dunida isaga oo lag soo bixiyey 89 milyan oo geni. Bilihii dhowaa ayaa inta badan kursiga keydka la gelinayey, hase yeeshee Mourinho ayaa bishii Febraayo sheegay in wararka sheegaya in Pogba ka shalaynayo ku biirista United ay yihiin "Been abuur."
from VOA https://ift.tt/2qV4k74
via IFTTT
Ciidamo Isku-rasaaseeyay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas la isku weydaarsaday gudaha xeradii tababarka ee Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2qSjNoo
via IFTTT
Muqdisho: Amniga Suxifiyiinta oo Laga Dooday
Kulamo ku saabsan amniga suxufiyiinta ayaa maalmahan ka socday magaalada Muqdishu
from VOA https://ift.tt/2HiKGwS
via IFTTT
Wareysi: Saameynta Roobki ka Da'ay Hargeysa
Iyadoo lagu jiro xilli roobaadkii isla markaana ay roobabkii gu'gu ay ka da'ayaan deegaanno ka mid ah Somaliland, ayaa qaar ka mid ah magaalooyinka ay dhibaato ku hayaan xadhkaha korontada iyo waliba qashin jidadka ay biyaha roobku u soo saaraan
from VOA https://ift.tt/2qXsNJg
via IFTTT
Wareysi: Nin Shabaab ka Soo Goostay oo La Abaal-mariyay
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan sheegay inay abaalmarin lacageed siiyeen xubin horey uga tirsanaa ururka al-Shabab oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aaden Sandheere.
from VOA https://ift.tt/2HJj17L
via IFTTT
Muqdisho: Turkiga oo Gar-gaar Siiyay Dadka Aan Lixaadkooda Dhammeyn
80 qof oo ka mida dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa maanta helay kuraasta dadka naafada ah oo ay ugu deeqday hay'adda Bisha Cas ee Turkiga.
from VOA https://ift.tt/2HlHCMp
via IFTTT
Brussels: Maxkamad Dambi ku Heshay Rag Ku Eedeysan Argagixisnimo
Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa dambi ku heshay laba nin oo isku dayay inay weerar argagixisnimo ku dilaan ciidamo boolis ah gudaha magaalada Brussels March 2016.
from VOA https://ift.tt/2K8SMGr
via IFTTT
Sunday, April 22, 2018
Shaqaalaha Rayidka ah oo la Tiro-koobayo
Ra'iisulwasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay munaasabdda lagu daah furay tira koobka shaqaalaha rayidka ayaa sheegay in ay tahay mid loo baahanyahay in la ogaado tirada saxda ah ee shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2HE1NbY
via IFTTT
VOA oo Wareysatay Bashiir Makhtal
Bashir Makhtal ayaa ayaa shalay kusoo laabtay dalka Kanada kadib markii sida la sheegay dawladda Kanada ay dadaal ka gashay sii dayntiisa, markaas ka dibna u wariyaha VOA-da ee Kanada Xuseen Nuur Xaaji.
from VOA https://ift.tt/2HgAPYq
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageysaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageysaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ka jawaabaya su'aalaha dhageystayaasha VOA
from VOA https://ift.tt/2qWpv99
via IFTTT
Nin Is-qarxiyay oo 31 Ruux Ku Dilay Afganstan
Nin bam isku xoo xiray ayaa Axadi maanta 31 ruux ku dilay, xarun ku taalla magaalada Kabul oo dad badan loogu qeybinayay kaararka aqoonsiga codbixinta Afghanstan.
from VOA https://ift.tt/2vzy5A7
via IFTTT
Saturday, April 21, 2018
Warbixin: Doorashada Gud. Baarlamaanka, Maka Baaqsan Doontaa Faragelin
Kadib toddobaadyo buuq iyo xiisad siyaasadeed ah keenay inuu xilka ka dego guddoomiyhii hore ee baalamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa waxaa baarlamaanka Soomaaliya shaley ay iska dhex doorteen 15 xubnood oo ah guddiga doorashada ee guddoomiyaha baarlmaanka cusub.
from VOA https://ift.tt/2HA3tmX
via IFTTT
Baarlamaanka oo Guddi Doorasho Dhisay
Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta Kulan ay Muqidho ku yeesheen ku dhisay Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka oo 15 xubnood ka kooban.
from VOA https://ift.tt/2HhN0o7
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somalia, Cabdirashiid Cali Sharmarke
from VOA https://ift.tt/2qOwbH2
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan sheekooyin xiiso leh, waxaana marti ku ah fanaan Shariif Cabdalla
from VOA https://ift.tt/2HjpJhv
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2qPFA0g
via IFTTT
Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dawladda Federalka ee Somalia iyo ta Isu-tagga Imaaraadka Carabta
from VOA https://ift.tt/2Hh7WLY
via IFTTT
G: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka oo la Dhisay
Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta Kullan ay Muqidho ku yeesheen ku dhisay Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka oo 15 xubnood ka kooban.
from VOA https://ift.tt/2HO2PQd
via IFTTT
Somalia oo la Wareegtay Xeraddii Tababarka ee Imaaraadka
Dowladda Federalka Ee Somaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xeraddii General Gordan ee ay Dowladda Imaaraadku qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ku tababari jirtay.
from VOA https://ift.tt/2HiFy7W
via IFTTT
Friday, April 20, 2018
Beyle: Caalamku Ha Xushmeeyo Madaxbannaanideenna
Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in loo baahan yahay in waddamada caalamku ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2K3ldoP
via IFTTT
ONLF oo Sheegtay in Bashiir Makhtal La Sii Daayay
Ururka ONLF ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay xabsiga kasii daysay Bashiir Axmed Makhtal oo dalkaasi ku xirnaa tan iyo sannadkii 2006 loona haystay eedo ah inuu ka tirsan yahay ururka ONLF.
from VOA https://ift.tt/2JcK4pg
via IFTTT
Cecafa: Xulka Soomaaliya oo Semi-final u Gudbay
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 17 ayaa 1-0 kaga badiyey xulka dalka Kenya ciyaar ka dhacday dalka Burundi oo ka tirsaneyd koobka bariga iyo bartamaha Afrika.
from VOA https://ift.tt/2vxZKBi
via IFTTT
Lavrov: Putin waa u Diyaar in uu Washington Booqdo
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo inuu aqbalo casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay ugu kulmaan Washington.
from VOA https://ift.tt/2K0EmrD
via IFTTT
Dhageyso Faaqidaadda Toddobaadka
Ku soo dhawaada Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aanu ku eegi doono waxyaabaha keena in dalalka qaar ee Muslimiinta ah ay u wajahaan dhibaatooyinka la xiriira musuq-maasuqa.
from VOA https://ift.tt/2HhEwt5
via IFTTT
Wareysi: Wasiirka Kalluumeysiga ee Dowladda Soomaaliya
Shir caalami ah oo ay goob joog ah ahaayeen wakiilada dalalka deeq bixiyaasha ee Mareykanka, Britian, Norway, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa si gaar ah loogu qabtey dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay xarunta bangiga Aduunka ee magaaladan Washington D.C.
from VOA https://ift.tt/2JZjjWi
via IFTTT
K.Kuuriya: Wax Shuruud Ah Kuma Xirin Wada Hadalka Trump iyo Kim
Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in ayaa sheegtay in Waqooyiga Kuuriya aysan wax shuruuda ah ku xirin kulanka la filayo in uu dhexmaro madaxweyne Trump iyo madaxweyne Kim Jong-un.
from VOA https://ift.tt/2HLkOXr
via IFTTT
Arsene Wenger oo ka tagaya Arsenal
Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey inuu shaqada ka tagi doono dhammaadka xilli cayaareedkan. Qoraal lasoo dhigay webka Arsenal ayuu Wenger ku yiri "Kadib markii aan si qoto dheer uga fakaray, islamarkaana kala hadlay kooxda, waxaan dareemayaa inay tahay waqtigii saxda inaan shaqada ka tago kadib dhammaadka xilli cayaareedka" "Waxaa ku faraxsanahay sharafta aan u yeeshay inaan kooxdan leyliyo sanado adan" "Waxaan kooxda ugu shaqeeyey si buuxda oo sharaf leh" ayuu yiri Wenger. "Waxaan u mahadnaqayaa shaqaalaha kooxda, cayaartoyda, agaasimayaasha, iyo taageerayaasha ka dhigay kooxdan koox gaaar ah. Jaceylkeyga iyo taageeradeeda waa idinla jiri doonaan weligood"
from VOA https://ift.tt/2qIOf5q
via IFTTT
Thursday, April 19, 2018
RW Itoobiya oo Gole Wasiiro Soo Dhisay
Golaha wasiirada cusub oo ka kooban 16 wasiir ayaa waxaa ku jira wasiiro hore oo xilal kale loo magacaabay, waxana ka mid ah wasiirkii hore ee macdanta, oo hadda laga dhigay wasiirka gaashaandhigga iyo wasiiro kale.
from VOA https://ift.tt/2J4Qdnh
via IFTTT
Midowga Yurub oo Abaal Marin Siiyay Ismaacil C. Geelle
Golaha Midowga Yurub ee dalxiiska iyo ganacsiga ayaa maanta u aqoonsaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelleh, hoggaamiyaha sanadkan ee dalxiiska, iyadoo lagu maamuusay doorka uu dalkiisa ka jiro dalxiiska caalamiga ah.
from VOA https://ift.tt/2HhMoLa
via IFTTT
Miguel Diaz-Canel oo Noqdey Madaxweynaha Cuba
Miguel Diaz-Canel ayaa loo magacaabay madaxweynaha xiga ee Cuba, kaas oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Cuba ay yeelato muddo 60 sano ah, kana baxsan qoysaka reer Castro.
from VOA https://ift.tt/2HA6Fic
via IFTTT
Cirro oo Si Weyn u Dhaliilay Heshiiska Berbera
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in heshiiska dekedda Berbera ay xisbi ahaan u arkaan Qiyaano-qaran.
from VOA https://ift.tt/2EZ5Nyt
via IFTTT
Boosaaso: Dhalin-yaro Ka Ganacsada Kalluunka
Dhalin-yaro ku dhaqan magaalada Boosaaso, ayaa ku shaqeysta jillabaashada iyo iibinta kalluunka, iyadoo magaalado xeebeedkaaasi ay ka mid tahay meelaha sida weyn looga kalluumeysto.
from VOA https://ift.tt/2HN0k0C
via IFTTT
Muqdisho: Golaha Wasiirada oo Mamnuucey Jaridda Dhirta
Xukuumadd Federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixisay sharci mamnuucaya jarista dhirta. Kulan uu Golaha Wasiiradu ku yeeshey Muqdisho, kaas oo arrimo kala duwan looga hadlay ayaa lagu ansixiyay sharcigan.
from VOA https://ift.tt/2EY9Xqn
via IFTTT
London: La Dagaallanka Duumada oo Laga Shirey
Ka dib 16 sanadood oo si weyn uu hoos ugu dhacay cudurka duumada ama malariyada dunida oo dhan, ayaa hadda waxaa mar kale soo muuqanaya in kiisaska cudurkan ay so kordhayaan.
from VOA https://ift.tt/2HNIACs
via IFTTT
Cuba oo Madaxweyne Cusub Yeelaneysa
Nin muddo dheer ku xigeen u ahaa hogaamiyaha Cuba, Raul Castro, ayaa lagu wadaa in maanta uu noqdo madaxweynaha cusub ee Cuba, taasoo ka dhigeysa in Cuba marki ugu horreysay uu xakumi doono nin ka baxsan qoyska reer Castro ku dhawaad 60 sannadood.
from VOA https://ift.tt/2HeLajJ
via IFTTT
Mourinho oo Pogba ka difaacay Scholes
Tababare Jose Mourinho ayaa diiday cambaareynta kulul ee Paul Scholes uu u jeediyey Paul Pogba, isaga oo ku adkeystay in xiddiga reer France uu hab cayaareed wanaagsan soo bandhigay kulankii ay xalay 2-0 kaga adkaadeen Bournemouth. Pogba ayaa baasay goolkii uu dhaliyey Lukaku, xilli United ay 2-0 kaga adkaatay Bournemouth, ayada oo Smalling uu dhaliyey goolka kale. Scholes ayaa sheegay in qaab cayaareedkii Pogba ee cayaartii West Brom ay 1-0 kaga adkaatay United uu ahaa mid xushmad darro ku ah macallin Jose Mourinho. Hase yeeshee Mourinho ayaa diiday dhalleeceynta Scholes isaga oo amaanay Pogba. "Kuma raacsani Scholes, ma ahayn hab cayaareed wanaagsan cayaartii West Brom, hase yeeshee cayaartii caawa, wuxuu soo bandhigay qaab cayaareed buuxa" ayuu yiri Mourinho.
from VOA https://ift.tt/2EZReKS
via IFTTT
Wednesday, April 18, 2018
Kansas: Saddex Nin oo Dambi lagu Helay
Xeer-beegti ku sugan magaalada Garden City, gobolka Kansas ee dalka Maraykanka ayaa Arbacadii shalay dambi ku helay 3 nin oo caddaan ah oo doonayey inay qarxiyaan guri iyo masjid ay leeyihiin dad Soomaali ah oo gobolkaas deggan.
from VOA https://ift.tt/2vqrJCZ
via IFTTT
Faa'iidooyinka Naas-nuujinta
Batnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahaya faa'iidooyinka naasnuujinta
from VOA https://ift.tt/2J2qkV9
via IFTTT
Dhuusamareeb: Shirka Waxbarashada Soomaaliya oo La Soo Xirey
Shir waxbarashada Soomaaliya looga hadlayay ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Gal-Mudug.
from VOA https://ift.tt/2Hb9CpY
via IFTTT
Booliis Sierra Leone ka Socda oo Kismaayo La Geeyay
Ciidamo ah boolis ah oo ka socda dalka Sierra Leone ayaa shalay la geeyay Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2EYqavx
via IFTTT
Dhageyso Bar. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 417-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 417-aad.
from VOA https://ift.tt/2Hw7rgm
via IFTTT
Roob Khasaare Geystay oo Ka Da'ay Dhadhaab
Roobab xoog leh oo maalmahan ka da'ayey dalka Kenya iyo koonfurta Soomaaliya ayaa saameeyey xeryahaha qaxootiga ee Dhadhaab.
from VOA https://ift.tt/2vnEOge
via IFTTT
Balcad: Shabaab oo Weerartay Ciidamo Soomaali ah
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen baabuur ay wateen ciidamada milatariga ee dawladda Soomaaliya tuulo u dhow degmada Balcad oo lagu magacaabo Il-Baq.
from VOA https://ift.tt/2qFjcHy
via IFTTT
Tuesday, April 17, 2018
Barbara Bush oo Geeriyootay
Barbara Bush, haweenaydii hore ee Maryakanka George Bushkii weynaa ayaa habeenkii xalay ahaa geeriyootay, iyada oo 92 jir ah, waxayna ka tagtey odeygeeda oo isaguba aad u xanuunsan, 5 caruur ah oo ay dhaleen, xaasaskooda iyo caruurta ay sii dhaleen.
from VOA https://ift.tt/2qFmRoQ
via IFTTT
Xulka Soomaaliya oo U Dhaw Inuu Taariikh Sameeyo
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'diisu ka yartahay 17-ka sano ayaa rajo weyn ka qaba in marki ugu horreysay uu gaaro semi-finalka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa, kadib marki ay shalay ciyaar ay la dheeleen xulka tartankani martigelinayo ee Burundi ay ku dhamaatay barbarro 0-0 ah.
from VOA https://ift.tt/2qFKm0R
via IFTTT
Trump oo La Hadlaya Kim Jongun
Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramay in agaasimaha Hey'adda Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee CIA Mike Pompeo uu tagay magaalada Pyongyang halkaas oo la sheegay inuu wadahadallo qarsoodi ah kula yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
from VOA https://ift.tt/2Hb52nV
via IFTTT
MN: Askari Booliis ah oo la Dalacsiiyey
Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa loo dalacsiiyey darajada Saajin, iyada oo dalacsiintan ay imanayso xilli dambiyo lagu soo oogay mid ka mida ah saraakiishaas booliiska Soomaalida ah
from VOA https://ift.tt/2qAFR7V
via IFTTT
Wareysi: Nabaad Guurka Dhirta Soomaaliya
Qaramada Midoobay iyo dawladda Soomaaliya waxay ka digeen xaalufinta dhirta Soomaalida iyadoo dhir jarista lagu tilmaamay halista ugu weyn ee bii'ada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2H5M6GT
via IFTTT
Muqdisho: Dhalin-yaro Soo Bandhigay Adeeg Tiknoolajiyadeed oo Cusub
Magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay kulan koox dhalinyaro ahi ay ku soo bandhigeen hal-abuur dhanka tiknoolajiyadda ah oo ay curiyeen.
from VOA https://ift.tt/2EU1UdU
via IFTTT
Jabuuti: Mareykanka oo Qandaraasyo Shaqo u Soo bandhigay Shirkado
Ciidamada Maraykanka ee saldhigga milatari ku leh Lemonnier, dalka Jabuuti, ayaa dhawaan ku so bandhigey xarunta rugta ganacsiga iyo warshaddaha ee Jabuuti noocyada shaqo ee ay uga baahan yihiin shirkadaha Jabuuti iyo guud ahaan qaabka ay u bixiyaan qandaraasyada shaqo.
from VOA https://ift.tt/2qDibjf
via IFTTT
Britain: Dhibaatooyinka Heysta Dhallin-yarada Soomaaliyeed
Qaar kamid ah waaliddiinta Soomaaliyeed oo London kulan ku yeeshay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka haysta dhalin-yarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka Britain.
from VOA https://ift.tt/2HEy401
via IFTTT
Mourinho oo keyd gelin doona cayaartoy badan
Cayaartoyda kooxda Manchester United ee aan si wanaagsan u dheelin cayaartii ay guuldaradda kala kulmeen kooxda West Brom ayaa keydka la gelin doonaa kulanka sabtida ee ay kaga horjeedaan Tottenham, kaasi oo ah afar dhammaadka koobka FA, sida uu sheegay macallin Mourinho. Manchester United ayaa waxaa 1-0 garoonkeeda Old Trafford kaga adkaatay kooxda West Brom, taasi oo horyaalka u gacan gelisay kooxda Manchester City. United ayaa ka hor kulanka Spurs waxay arbacada la dheeli doontaa Bournemouth, cayaar ka tirsan horyaalka Premier League. "Habka aad u cayaarto waa habka kaliya ee aan cayaartoyda ku xulan doono" ayuu yiri Mourinho. Mourinho ayaa sheegay in qaar ka mid ah cayaartoydii kulanka West Brom aysan wax boos ah ku lahayn kulanka Spurs ee ka dhacaya garoonka Wembley.
from VOA https://ift.tt/2H2Ve34
via IFTTT
Monday, April 16, 2018
C/wali Gaas: Kama Maaranno Imaaraadka
Madaxweynaha Puntland Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaasoo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal.
from VOA https://ift.tt/2qDvpeU
via IFTTT
Warbixin: Hagaajinta Garsoorka Soomaaliya
Garsoorka dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe isbeddello ka socdaan iyadoo waddamo ka mid ah dalalka deriska ah iyo kuwo kale iskaashi lagala samaynayo dib usoo noolaynta garsoor adag.
from VOA https://ift.tt/2H6gzVg
via IFTTT
Soomaaliya: Imaaradka Wada-hadal Ayaa Noo Socda
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadal la waddo dawladda Imaaraadka Carabta ku saabsan dhacdadii dhowaan ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee lagula wareegay lacag dhan 9 milyan iyo 600 kun oo ay dalkakeentay diyaarad u kiraysnayd imaaraadka Carabta.
from VOA https://ift.tt/2EQm2xD
via IFTTT
Falanqeyn: Waxa Xiga Kadib Is-casilaaddii Jawaari
Dhawaan waxaa xilka gudoomiyaha golaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya iska casilay gudoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaare. Haddaba, xagee ayuu halkan uga dhaqaaqi doonaa Baarlamaanka Soomaaliya?
from VOA https://ift.tt/2HDa6Cd
via IFTTT
Hargeysa: Qoraa Maxamed Keyse oo Xabsi Lagu Xakumay
Maxkamadda gobolka Maroodijeex, ayaa maanta xukun xarig sannad iyo lix bilood ah ay ku ridday, qoraa Maxamed Keyse Maxamuud oo isna lagu eedeeyay aflagaaddo liddi ku ah Somaliland.
from VOA https://ift.tt/2J1SH5F
via IFTTT
Puntland oo Baaq u Dirtay Imaaradka Carabta
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu ka codsaday dawladda Imaaraadka Carabta in la sii wado kaalmadii ay siin jirtay ciidamada badda ee ay taageeri jirtay.
from VOA https://ift.tt/2IZxAku
via IFTTT
Kooxda PSG oo Hanatay Horyaalka Faransiiska
Kooxda Paris St Germain ayaa shalay ku guuleysatay horyaalka dalka Faransiiska ee Ligue 1 kadib marki ay 7-1 ku xaaqday kooxda kusoo xigta ee Monaco.
from VOA https://ift.tt/2HnTQaR
via IFTTT
Manchester City oo hanatay horyaalka EPL
Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa hanatay horyaalka Premier League ee Ingiriiska kadib markii shalay laga adkaaday kooxdii ugu soo dhaweyd ee Manchester United. Manchester United ayaa waxaa 1-0 garoonkeeda Old Trafford kaga adkaaday naadiga ugu hooseeya horyaalka ee West Bromwich Albion, taasi oo horyaalka u gacan gelisay kooxda macallin Pep Guardiola. Manchester City ayaa haysata 87 dhibcood, waxayna 16 dhibcood ka sareysaa United oo leh 71 dhibcood, ayada oo horyaalka ay hareen kaliya 5 kulan. Horyaalkan ayaa ah kii shanaad ee kooxda Manchester City ay ku guuleysto taariikhdeeda, waxayse aad uga dambeysa kooxda ugu horyaalka badan ee Manchester United oo hanatay 20 horyaal. Manchester ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay ee horyaalka ku qaada 100 dhibcood, haddii ay badiso kulamada u harsan.
from VOA https://ift.tt/2H363SG
via IFTTT
Sunday, April 15, 2018
Wada Hadal u Bilowday Soomaaliya Iyo Imaaraadka
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu jiro wada hadal toos ah oo ka dhex bilowday Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.
from VOA https://ift.tt/2H1sVxP
via IFTTT
UAE: Waan Joojinay Tababarkii Ciidamada Somalia
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo uu shalay soo saaray ku sheegay inuu kala diray barnaamijkii tababarka milatari ee uu u fidin jiray ciidamada Somaliya.
from VOA https://ift.tt/2HzGoOx
via IFTTT
Mareykanka oo Digniin Kulul u Diray Xukumadda Syria
Nikki Haley, Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad Axaddi shalay
from VOA https://ift.tt/2H020CQ
via IFTTT
Waddamada Carabta oo ku Shirsan Sacuudiga
Madaxda waddamada Carabta ayaa ku shirsan magaalada Dahraan ee dalka Sucuudiga. Boqorka Sucuudiga oo la wareegay shir guddoonka ayaa sheegay inuu diddan yahay siyaasadda Madaxwyene Trump uu ka qaatay magaalada Quddus.
from VOA https://ift.tt/2ITmu0v
via IFTTT
Sarkaal lagu Dilay Muqdisho
Warar ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan booliiska, qaybta baarista lagu dilay degmada Yaaqshiid. Sarkaalkan ayaa ka tirsanaa xarunta CID waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geesatay.
from VOA https://ift.tt/2qApFTb
via IFTTT
Muqdisho: Shir Lagaga Hadlay Amniga
Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa shir-guddoomiyey kulan lagaga hadlayey amniga Muqdisho oo ay qeyb ka ahaayeen taliyeyaasha ciidamada iyo guddoomieyaasha degmooyinka Muqdisho
from VOA https://ift.tt/2qwxZo2
via IFTTT
Wicitaanka: Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay xiriirka Somalia iyo Emaaraatka, waxaana marti ku ah Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar oo bare aha Jaamacadda Savanna ee Gobolka Georgia
from VOA https://ift.tt/2EO1Dt1
via IFTTT
Naciima Qorane oo 3 Sano oo Xabsi ah Lagu Xukumay
Abwaan Naciimo Qorane ayaa maanta maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah, kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay danbi ah hadallo cay ah oo ka dhan ah Somaliland.
from VOA https://ift.tt/2IZyPjY
via IFTTT
Saturday, April 14, 2018
Muqdisho: Shirka Caalamiga ah ee Ahlu Sunnah oo Lagu Cambaareyey Xag-jirnimada
Magalaada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay shir caalami ah oo laba maalin socday, shirkan oo ay ka soo qaybgaleen culumaa'uddiinka ahlu Sunnah wal Jamaaca ee qaar dalalka Muslimka ah.
from VOA https://ift.tt/2H0TqI4
via IFTTT
Banaamijka Martida: Waxaa Marti Ku Ah Deq Cumar
Barnaamijka Martida waxuu todobaadkan xoogga saarayaa khilaafkii Baarlamaanka ee uu ku baxay gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusman Jawaari.
from VOA https://ift.tt/2GYsJ6K
via IFTTT
Falcelinta Duqeyntii Xulufada ee Suuriya
Dowladaha Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa xalay duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay u adeegsatay dadkeeda magaalada Duma ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya. Duqeynta ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyey.
from VOA https://ift.tt/2ve9X5R
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee Toddobaadka waxaad ku dhageysan doontaas qoddobo ay ka mid yihiin khilaafkii baarlamaanka Somalia iyo qoddobo kale.
from VOA https://ift.tt/2HjPQb9
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2ELDrr9
via IFTTT
Friday, April 13, 2018
Isku-aadka Semi-finalka Tartamada Yurub oo La Sameeyay
Waxaa maanta magaalada Nyon ee dalka Switzerlan lagu soo gaba gabeeyay isku aadka wareega semi-finalka tartamada Uefa Champions League iyo Europa League oo ah kuwa ugu xiisaha badan dunida kubadda cakta xilligaan.
from VOA https://ift.tt/2JFS2Ii
via IFTTT
Faaqidaadda: Khilaafkii Baarlamaanka iyo Saameyntiisa Dowladnimada
Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan ku eegeyno xiisaddii baarlamaanka Soomaaliya ka dhaxeysay waayadan, iyo waxa uu khilaafkaasi uga dhigan yahay dowladnimada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2GYWNiv
via IFTTT
Hiiraan: Beelo Dagaallamay oo Nabad Loogu Baaqay
Xiisad colaadeed ayaa wali ka jirta degaanno hoostaga degmada Maxaas ee dobalka Hiiraan.
from VOA https://ift.tt/2qvgZ0u
via IFTTT
Koonfur-Galbeed: Shabaab Soo Goostay oo Lacag Lagu Abaal Mariyay
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lacag abaalmarin ah siiyey nin horey uga soo goostay maleeshiyada ururka al-Shabaab bishii Jannaayo ee sannadkan.
from VOA https://ift.tt/2GVgsjt
via IFTTT
Mareykanka oo Duqeyn Ka Geystay Duleedka Kismaayo
Taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay duqayn ka gaysteen waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhow degaanka Jannaay Cabdalle, maalintii Arbacadii.
from VOA https://ift.tt/2JI1qes
via IFTTT
Trump oo Golihiisa Amniga Kala Hadlay Suuriya
Xilli dowlada Russia ay ka digtay dagaal millatari oo Suuriya darteed u dhexmara Mareykanka iyo Ruushka, ayuu madaxweyne Donald Trump isugu yeeray Golihiisa Amniga Qaranka si uu ugala xaajoodo jawaabta uu Mareykanka ka bixi karo hub kiimiko ah oo uu ku eedeeyay in dowlada Suuriya ay u adeegsatay shacabkeeda.
from VOA https://ift.tt/2GSsKJg
via IFTTT
Koobka adduunka 2022 oo la rabo in laga dhigo 48 koox
Madaxweyaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa sheegaya inuu doonayo in koobka aduunka ee 2022 lagu qabanayo Qatar la ballaariyo oo laga dhigo 48 koox. Qorshahan ayaa macnahiisu noqon karaa in qaar ka mid ah kulamada lagu cayaaro dalalka kale ee gacanka. FIFA ayaa bishii Janaayo u codeysay in 48 koox laga dhigo koobka adduunka ee 2026, hase yeeshee xiriirka kubada cagta Latin America ee Conmebol ayaa codsaday in qorshahaas lasoo hormariyo. Wararka ayaa sheegaya in FIFA ay wada-hadallo aan rasmi ahayn la gashay saraakiisha Qatar oo ka walaacsan inaysan awood u lahayn marti-gelinta 16 koox oo dheeri ah. "Arrintan waxay u muuqataa fikrad xiiso leh, waa inaan eegnnaa, haddii ay macquul tahayna waan ku dhaqaaqeynaa" ayuu yiri Infantino.
from VOA https://ift.tt/2qsWaDx
via IFTTT
Thursday, April 12, 2018
Baraawe: Qarax Ka Dhacay Garoon Kubadeed oo Dhimasho Sababay
Wararka ka imaanaya magaalada Barawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan afar dhalinyaro ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta halkaasi ka dhacay.
from VOA https://ift.tt/2qr6sUK
via IFTTT
Jawaari oo Baarlamaanka Ka Hor-sheegey Is-casilaaddiisa
Guddoomiyihii golaha shacabka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa maanta si rasmi ah xubnaha baarlamanka hortooda uga dhawaaqay iscasilaaddiisa.
from VOA https://ift.tt/2HuJ7ZJ
via IFTTT
Wareysiyo: Maalinta Ciidamada Militeriga Soomaaliya
12-kii-April, maanta oo kale sanadkii 1960-kii oo waqtigan laga joogo muddo 58-sanadood ah waxay aheyd maalintii dhidibada loo taagay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2GWpcpy
via IFTTT
Aqalka Cad: Trump Wuxuu ka Jawaabaya Weerarkii Kiimikada
Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo weerar gantaallo ah oo ay milatariga Mareykanka ku qaadaan Suuriya.
from VOA https://ift.tt/2HgSDC8
via IFTTT
Buffon oo weerar afka ah ku qaaday garsoore Oliver
Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa weerar culus ku qaaday garsooraha Ingiriiska ee Michael Oliver oo dhex dhexaadinayey cayaartii xalay ee kooxaha Real Madrid iyo Juventus ee koobka horyaalada Yurub. Buffon ayaa sheegay in bac qashin ah ay dhex taallo wadnaha Oliver, oo rigoore ka dhigay Juventus daqiiqaddii ugu dambeysay ee cayaartii xalay. "Xaqiiqdii waxay ahayd dhacdo aan jirin, iyo qalad aan caddeyn" ayuu Buffon u sheegay taleefishin Talyaani ah. Goolhayaha Juventus ayaa sheegay in Oliver uu ku cayaaray riyadii kooxda Juventus. Juve oo 3-0 looga soo adkaaday garoonkeeda ayaa cayaartii xalay ee garoonka Real Madrid ku hogaamineysay 3-0, hase yeeshee rigoorada laga dhigay oo uu dhaliyey Ronaldo ayaa ka dhigtay cayaarta 3-1, taasi oo ay ku hareen.
from VOA https://ift.tt/2IOAwk9
via IFTTT
Wednesday, April 11, 2018
Shabellaha Dhexe: Ciidamo Saldhig Cusub Degay
Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkan fariisin ka sameystay inta u dhaxeysa Balcad iyo magaalada Jowhar, halkaas oo weeraro joogta ah ay kala kulmi jireen Al-shabaab marka ay ku safrayaan waddada isku xirta labada degmo.
from VOA https://ift.tt/2IMvch3
via IFTTT
Fartuumo Kuusow: Qoraa iyo Macallimad Luuqadda Ingiriiska ah.
Barnaamijka Haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Fartuumo Maxamed Kuusow oo ah macalimad wax ka dhigta dugsiyada sare ee dowladda ee magaalada Winsor ee gobolka Onterio ee dalka Canada. Fartuun waxa ay 18-kii sano ee la soo dhaafay dhigeysay maadada ingiriiska.
from VOA https://ift.tt/2HtRmW2
via IFTTT
Gorod oo Ka Hadlay Waraaq uu Ku Dalbaday in La Fasaxo Lacagtii UAE
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warqad uu u qoray maalintii Axaddii taasi oo ku socotay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan oo uu ku codsanayey in Imaaraadka in loo oggolaado inay la soo baxaan lacago ay la soo degayeen.
from VOA https://ift.tt/2EDufFg
via IFTTT
USA: Itoobiya Ha Xushmeyso Xaquuqul Insaanka
Aqalka Wakiilada ee dowlada Mareykanka ayaa shalay ansixiyay qaraar ugu baaqaya dowlada Itoobiya in ay kordhiso ixtiraamka xuquuqda aadanaha, nidaamka sharciga ah iyo dumoqraadiyadda.
from VOA https://ift.tt/2v7RQi1
via IFTTT
Duqa Muqdisho oo Ankara Kula Kulmay Dhiggiisa
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Injineer Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow ayaa maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
from VOA https://ift.tt/2HcU8kx
via IFTTT
Heritage oo War Ka soo Saartay Tahriibka Soomaalida
Mac-hadka Heritage ee Cilmibaarista ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray cilmi baaris uu ka sameeyay arrimaha ku xeeran tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed.
from VOA https://ift.tt/2v7RNCR
via IFTTT
Dhageyso Bar. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 416-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
from VOA https://ift.tt/2Hemfjm
via IFTTT
Tuesday, April 10, 2018
Aqalka Cad: Trump Wuu Ceyrin Karaa Mueller
Aqalka Cad ayaa Isniintii shalay sheegay in madaxweyne Donald Trump uu leeyahay awood uu ku eryi karo Guddiga Gaarka ah ee loo xilsaaray baaritaanka suurtagalnimada faragelin la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadi Mareykanka ee 2016-ki.
from VOA https://ift.tt/2EBhevW
via IFTTT
Xulafada Mareykanka oo Weeraraya Suuriya
Dowlada Mareykanka ayaa Talaadadi shalay kala tashatay xulufadeeda diyaargarowga tallaabo milatari oo ay ka qaado Suuriya, kadib weerar loo adeegsaday hub kiimiko ah oo Sabtidi lagu qaaday deegaan ay maamulaan mucaaradka Suuriya.
from VOA https://ift.tt/2JxgqMd
via IFTTT
DS oo Iska-fogeysay Cambaareynta Imaaraadka Carabta
Dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay cambaarayn uga timid dhinaca dalka Imaaraadka Carabta oo la xiriritay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu maalintii Axaddii.
from VOA https://ift.tt/2v5q5Xn
via IFTTT
Jawaari oo ku Dhawaaqay Is-casilaad
Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa maanta markii ugu horeysay si rasmi ah afkiisa uga xaqiijiyay, wararkii shalay la baahiyay ee ahaa inuu iscasilay.
from VOA https://ift.tt/2qkfLWt
via IFTTT
Galka Baarista: Caqabadaha Shaqo ee Soomaalida ee AMISOM
Ku soodhawaada barnaamjkii Galka Baarista oo toddobaadkan aan ku eegeyno caqabaaha muwaaddiniinta Soomaalida ah ka heysta helista shaqooyinka ama qandaraasyada ay bixiso AMISOM.
from VOA https://ift.tt/2GPKbX5
via IFTTT
Qaxooti ku Dhaqan Israel oo Aan Mustaqbalkooda Caddeyn
Qiyaastii 40 kun oo Afrikaan ah oo ku nool Isreal ayaa wajahaya mustaqbal hubaal la'aan ah, iyadoo Israel ay sii wado dadaalo ay ku dooneyso inay dalkaasi ku masaafuriso.
from VOA https://ift.tt/2qkGNgy
via IFTTT
Qarax Baydhabo Ka Dhacay oo Dhimasho Sababay
Hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen, kadib qarax ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Bay, maanta.
from VOA https://ift.tt/2GSDROA
via IFTTT
Minneapolis: Caqabadaha Guryaha oo Laga Hadlay
Dhowrkii sano ee u danbeeyay waxaa jaaliyadda ka soo jeedda Bariga Afrika ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, soo food-saarayay caqabado dhanka guryaha ah, kuwaasi oo salka ku haya qiimaha lagu kireeyo guryaha oo aad sare ugu kacay.
from VOA https://ift.tt/2qk4lSO
via IFTTT
Trump oo Ka Jawaabi Doona Weerarkii Siiriya
Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka fiirsanayo jawaabta uu ka bixinayo weerarka la sheegay in kiimikada loo adeegsaday ee ka dhacay duleedka caasimadda Siiriya.
from VOA https://ift.tt/2GKWWGl
via IFTTT
Cayaaraha koobka horyaalada Yurub oo caawa dhacaya
Kulamo ka tirsan lugta labaad ee sideed dhammaadka koobka horyaalada Yurub ayaa caawa dhici doona. Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad kula kulmi doonta kooxda Liverpool. Lugtii hore ee cayaaratan oo ka dhacday garoonka Anfield ee Liverpool, waxaa 3-0 ku adkaaday Liverpool. City waa inay ku badisaa ugu yaraan 3-0, si ay cayaarto waqti dheeri ah ugu darto, ama 4-0 ku badisaa, si ay usoo gudubtaa. Dhinaca kale kooxda Roma ayaa magaalada Rome ku marti gelin doonta Lionel Messi iyo kooxdiisa Barcelona. Lugtii hore ee cayaartan oo ka dhacday garoonka Barcelona ee Camp Nou, waxaa 4-1 ku adkaaday kooxda Barca, oo ka faa'iideysatay laba gool oo Roma ay iska dhalisay. Roma ayaa u baahan inay ku adkaato 3-0 si ay usoo gudubto.
from VOA https://ift.tt/2EzeNds
via IFTTT
Monday, April 9, 2018
Diblumaasiyad Ahaan Waxay Ka Dhigan tahay Lacagtii Muqdisho Lagu Qabtay
Hay'adaha amniga ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay boorsooyin la sheegay inay ku jirtay lacag gaareysa 9 malyan iyo 600 oo kun oo doollar. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amiga gudaha ayaa lagu lagu xaqiijiyay jirtaanka lacagtaas.
from VOA https://ift.tt/2qjh3ks
via IFTTT
Hiiraan: 7 Qof oo Ku Dhimatay Dagaal Beeleed
Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay in ku dhow 10 kalana wey ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal laba malayshiyo beeleed uu maanta ku dhexmaray degaan hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, sida ay idaacadda VOA u sheegeen dadka degaanka
from VOA https://ift.tt/2qhNDDD
via IFTTT
Guardiola: Waa inaan soo bandhignaa cayaar dhameystiran
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxda ay qasab tahay inay soo bandhigto hab cayaareed dhameystiran si ay usoo guddo saddexda gool ee Liverpool ay kaga adkaatay lugtii hore ee cayaarta sideed dhammaadka koobka horyaallada Yurub. Cayaartan oo ka dhaceysa garoonka Etihad ee City, ayaa kooxda Guardiola waxay wajaheysaa ayada oo laba kulan oo isku xiga ay ka kala adkaadeen Liverpool iyo Manchester United. Guardiola waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in kooxdiisa ay tahay qeyrul caadi. "Habka kaliya ee kubad wanaagsan loo cayaaro waa inaad niyad wanaagsanaataa" ayuu yiri Guardiola. "Si aan usoo baxno waa inaan soo bandhignaa cayaar dhameystiran, abuurno fursado badan, oo aan ogolaano fursado yar" ayuu yiri Guardiola. City waa inay ku badisaa ugu yaraan 3-0, si ay cayaarto waqti dheeri ah ugu darto, ama 4-0 ku badisaa, si ay usoo gudbisaa.
from VOA https://ift.tt/2qh6Chz
via IFTTT
Puntland: Diyaarado Duqeeyay Daacish
Wararka laga helayo deegaamada gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe duqeyn loo geystay fariisan ay ururka Daacish ku lahaayeen meel u dhow tuuladda Dhaadaar ee ka tirsan buuraleyda degmada Qandala.
from VOA https://ift.tt/2ExAKt4
via IFTTT
Galmudug: Kala-aragti Duwanaashiyaha Habka Awood Qeybsiga
Waxaa soo baxaya kala aragti duwanaansho siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ah ee ku saabsan habka awood qaybsiga ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
from VOA https://ift.tt/2qhk3y3
via IFTTT
Guddoomiye Jawaari oo iscasilay
Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta iscasilay kadib saddex toddobaad oo loolan siyaasadeed uu kala dhaxeeyey ra'iisul wasaare Xasan Kheyre.
from VOA https://ift.tt/2HkOMRV
via IFTTT
Sunday, April 8, 2018
Wararkii ugu Dambeeyay Xiisadda Siyaadda Soomaaliya
Magaalada Muqdisho waxaa weli ka oogan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Barlamanka, Maxamed Cusmaan Jawaari.
from VOA https://ift.tt/2H3HJzo
via IFTTT
Warbixin: Lacagta Dowladdu Ku Qabtay Muqdisho
Lacagta Dowladda Soomaaliya ay ku qabtay Muqdisho maxey uga dhigantahay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo muddooyinkanba liitay iyo shuruucda caalamiga ah ee Dimplomaasiyadda.
from VOA https://ift.tt/2qfezDO
via IFTTT
Dowladda Soomaaliya: Lacagtii Aan Qabanay Baaris Ayaan ku Heynaa
Dowladda Soomaalkya oo sheegtay in taakuleynta dhaqaale loo soo marsiiyo habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagah. baarisna ay ku heyso lacag shalay ay ku qabatay Garoonka Muqdisho
from VOA https://ift.tt/2qeuxOm
via IFTTT
Diyaarad Lacag Sidda oo Muqdisho Gaartay
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in hay'adaha amniga Soomaaliya ay qabteen boorsooyin la aamisan yahay inay ku jiraan lacago ay sidday diyaarad ka timid dalka Imaaraadka Carabta.
from VOA https://ift.tt/2EvhIn9
via IFTTT
Maraykanka: 10 Dumar ah oo la Abaal Mariyey
Abaal-marintan oo lagu magacaabo Biladda Haweenka Gesiyaasha ah ee caalamka ayaa waxaa sanad walba bixisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka
from VOA https://ift.tt/2Hi9MZy
via IFTTT
Xildhibaanno Ka Dooday Khilaafka Baarlamaanka
Muranka siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusman Jawaari, ayaa galay toddobaadkiisii afraad iyadoo aysan weli muuqanin ifafaalo muujinaya in xal laga gaadho.
from VOA https://ift.tt/2IE2Sxf
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, waxaa todobaadkan marti ku ah, Xareed Maax oo ah aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha.
from VOA https://ift.tt/2JuMb8X
via IFTTT
Beeraleyda Somaliland oo Helaya Taageero
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa sheegtay inay toddobaadkan bilaabayso taageerada 9 kun oo qoys oo beeralay ah.
from VOA https://ift.tt/2Hi63v2
via IFTTT
Gabar u Tartamaysa Baarlamaanka Sweden
Layla Cali Cilmi ah gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah golaha Deegaanka ee Degmada Engered ee magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden, islamarkaana u sharaxan Golaha baarlamaanka ee dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2uURT0B
via IFTTT
Afghanistan: Maraykanka oo Kordhiyey Weerarka ISIS iyo Taliban
Saraakiil Milatari ayaa xaqiijiyay in Qaari Xikmatullaah oo ahaa hogaamiyaha Daacish ee gobolka Kharasaan, lagu dilay weerar laga fuliyay aagga Darzaab ee hoos taga gobolka Jowzjan, halkaa oo ay maleeshiyada ISIS gacanta ku hayso.
from VOA https://ift.tt/2qeSZPZ
via IFTTT
Saturday, April 7, 2018
Muqdisho: Warkii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Baarlamaanka
Warka ka imaanaya Muqdisho, ayaa sheegaya in xalay kulamo ay dhex mareen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo guddiyo ay iska soo magacaabeen xubnaha muranka uu ka dhex jiro ee baarlamaanka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2HhAsK5
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington oo aad todobaad walba ka dhageysataan VOA, ayaa waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Jacfar Maxamed Kuukaay.
from VOA https://ift.tt/2Hh4RrH
via IFTTT
Golaga Guurtida Somaliland oo Ansixiyay Xeerka Kufsiga
Xeerka Kufsiga oo ay horay u ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ay ansixiyeen Golaha Guurtida, ka dib markii ay wax-ka-beddel ku sameeyeen sidii golaha wakiilladu ku ansixiyeen.
from VOA https://ift.tt/2Erwvj1
via IFTTT
Martida Makarafoonka: Maxamed Cabdi Afeey
Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa maanta marti noogu ah Maxamed Cabdi Afeey. Waxaa soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
from VOA https://ift.tt/2HfKZ8q
via IFTTT
PSG oo seegtay fursad ay Jimcihi ku qaadi laheyd horyaalka France
Kooxda Paris Saint-Garmain ayaa seegtay fursad ay shalay ugu dabaaldagi laheyd hanshada horaalka France kadib marki ay bar bar dhac 1-1 ah la dhaafi weyday kooxda Saint Ethiine.
from VOA https://ift.tt/2Jqormg
via IFTTT
Everton Iyo Liverpool oo Ismari Waayay.
Kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska ayaa goor dhaweyd soo gaba gaboobay. Ciyaartan oo u dhaxeysay kooxaha Liverpool iyo Everton oo ah laba kooxood oo ka wada dhisan hal magaalada Liverpool.
from VOA https://ift.tt/2EpXbjT
via IFTTT
Hay'adda WHO oo 70 Sano Jirsatay
Maanta 7da bisha April waxey ku beegantahay 70 guuraddii ka soo wareegtay aasaaska Hey'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, sidoo kalena waxey ku beegantahay maalinta caafimaadka Aduunka.
from VOA https://ift.tt/2ICk8mF
via IFTTT
Somaliland: Fududeynta Isku-beddelka Lacagaha
Shirkadaha is-gaadhsiinta ee ka howlgala Somaliland ayaa bilaabay adeegyo cusub oo dadweynaha loogu fududaynayo iskubeddelka lacagaha, ka dib markii dhawaan ay dhaqan galeen amarro xukuumadda Somaliland ay soo saartay
from VOA https://ift.tt/2GEmpkE
via IFTTT
Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka waxaa ku jira arrimaha siyaasadda iyo geeridii fanaanaddii Soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac
from VOA https://ift.tt/2uSgWkO
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2GZNSg7
via IFTTT
Ilaa 40 Qof oo ku Dhintay Duqeymaha Ghouta
Ciidamada dalka Suuriya ayaa dhulka iyo hawada ka weeraray magaalada bariga dalkaasi ku taala ee Ghouta oo ah ta ugu danbaysa ee ku hadhsan gacanta kooxda mucaaridka, iyagoo halkaasna ku dilay ugu yaraan 40 qof.
from VOA https://ift.tt/2HhUOmq
via IFTTT
Friday, April 6, 2018
Milatariga Mareykanka oo Al Shabab Ku Duqeeyay Jilib
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ay duqayn cirka ah la beegsadeen maleeshiyada ururka Al-Shabab, meel u dhow magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
from VOA https://ift.tt/2JoXKyh
via IFTTT
Tartanka Orodka Maardoonka oo Muqdisho Lagu Qabtay
Waxaa maanta magaalada lagu qabtay tartanka gaaban oo orodka dheer ah, kaasoo lagu maamuusayay horumarinta ciyaaraha.
from VOA https://ift.tt/2IwW1FM
via IFTTT
Barnaamijka Amuuraha Islaamka: Kiimikada Suuriya
Barnaamijka Amuuraha Islaamka oo uu soo diyaariyay Jacfar Kuukay, waxaan kaga hadli doonaa muranka Sunta Kiimikada ee la sheegay in loo adeegsaday dagaalka Suuriya.
from VOA https://ift.tt/2Jqp13m
via IFTTT
Faaqidaada Todobaadka: Islaam Naceybka Galbeedka
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka, waxaan kusoo qaada doonnaa falalka "Islam Naceybka" ee lagula kaco Muslimiinta ku nool dalalka reer Galbeedka.
from VOA https://ift.tt/2JrQu4O
via IFTTT
Weerar Ismiidaamin Ah oo Ka Dhacay Muqdisho
Weerar adeegsaday gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurkii xilliga Muqdisho maanta ka dhacay meel gaadiidka lagu baaro, oo ah waddo gasha garroonka dayuuradaha ee Aaden Cabdulle Cismaan.
from VOA https://ift.tt/2HbkQrj
via IFTTT
Brazil: Garsoore Ugu Yeerey Lula da Silva In uu Caddaaladda Isku Soo Dhiibo
Garsoore maxkamadeed ayaa amray in madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio "Lula" da Silva inuu caddaalada isu soo dhiibo wixi ka danbeeya galabnimada maanta oo Jimca ah, si uu ugu billowdo xabsi 12 sano ah oo lagu xakumay.
from VOA https://ift.tt/2uNCoYg
via IFTTT
Thomas Tuchel oo noqonaya macallinka PSG
Thomas Tuchel ayaa noqon doona macallinka cusub ee kooxda kubadda cagta PSG, sida uu ku warraamay taleefishinka ESPN. Tuchel, oo ahaa macallinkii hore ee Borussia Dortmund, ayaa ka mid ahaa dhowr macallin oo kooxda PSG ay isha ku haysay, hase yeeshee waxa uu ugu dambeyn ku guuleystay loolanka. Antonio Conte, Massimiliano Allegri, Carlo Ancelotti iyo Luis Enrique ayaa ka mid ah tababarayaasha PSG ay isha ku haysay, islamarkaana ay xiriirka la sameysay si ay u beddelaan tababare Uni Emry oo qandaraaskiisa uu ku eg yahay dhammaadka xilli cayareedka. Agaasimaha PSG Antero Henrique ayaa doonayey in kooxda loo magacaao Paulo Fonseca ama Leonardo Jardim oo ay isku dal yihiin, hase yeeshee amiirka Qatar oo leh kooxda PSG ayaa la sheegay inuu doorbiday Tuchel, oo u dhashay dalk Jarmalka. Kooxda PSG ayaa la filayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo magacaabista Tuchel marka uu dhammaado xilli cayaareedka.
from VOA https://ift.tt/2GDEtHx
via IFTTT
Thursday, April 5, 2018
Warbixin: Muxu Salka Ku Hayaa Khilaafka Madaxda
Khilaafaadka dhex mara hey'adaha dowladda, gaar ahaan madaxda ugu sareysa dalka, sida madaxweynaha, ra'isul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka ma aha wax ku cusub siyaasadda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2GDDv2g
via IFTTT
Mareykanka oo Looga Digey In Ciidankiisa uu Ka Soo Saaro Siiriya
Saraakiisha milatariga Mareykanka iyo qubarada falanqeya arrimaha ciidamada ayaa ka digaya in lagu deg dego in ciidamada Mareykanka ay ka soo baxaan Siiriya, arrintaas oo uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump
from VOA https://ift.tt/2qaywL9
via IFTTT
Wareysi: Abaal-marinta Sanadlaha ah ISA ee London
Toddobo qof ayaa sanadkan hay'adda International Somali Awards ay guddoonsiisey abaalmarinadooda sanadlaha ah ee lagu qabto magaalada London.
from VOA https://ift.tt/2JlUFPx
via IFTTT
Jabuuti oo Tamar ka Dhalineysa Uumiga
Dalka Jabuuti waxa uu ka mid yahay waddamada Afrika ee koronto la'aantu ay dhibaato ku heyso, horumarna ay ka hor taagantahay.
from VOA https://ift.tt/2IruiGo
via IFTTT
Ciidamadii Ilaalada Jawaari oo La Xirey
Magaalada Muqdisho waxaa weli ka oogan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha baarlamanka, Maxamed Cismaan Jawaari.
from VOA https://ift.tt/2HaDOyi
via IFTTT
Wednesday, April 4, 2018
Shiinaha oo Tacriifad Saaraya Badeecada Maraykanka
Fariin dhinaca Twitterka ah oo uu Arbacadii shalay soo diray ayaa Mr Trump uu ku yiri "Annagu dagaal ganacsi kulama jirno Shiinaha, dagaalkaasna sanado ka hor ayaa lagaga guuleystay dadkii nacasyada ahaa ee wax ma tarayaasha ahaa ee Maraykanka soo hogaaminayey."
from VOA https://ift.tt/2GBUwpk
via IFTTT
Qarax caawa ka dhacay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay magaalada caawa fiidkii.
from VOA https://ift.tt/2q7qXFO
via IFTTT
Warbixin: 50 Sano Kadib Geeridii Martin Luther King
Afarta bisha April ee maanta, waxey ku beegantay 50 sanadood ka dib markii la qaarajiyay, halgamaagii xuquuqda madaniga ah ee dadka madow ee Mareykanka, Dr. Martin Luther King Jr.
from VOA https://ift.tt/2GA3gfL
via IFTTT
Xanuunka Fistulaha iyo Saameyntiisa Gabdhaha Da'doodu Yartahay
Ha'yadda caafimaadka addunnka ee WHO ayaa sheegeysa in sannad kasta inta u dhexeysa 50,000 illaa 100 000 oo dumar ah oo ku kala nool dunida daafeheeda uu saameeyo xanuunka Fistulaha inta ay foosha ku jiraan
from VOA https://ift.tt/2ItYMYF
via IFTTT
Sahra Axmed Jaamac oo Geeriyootay
Magaalada Hargaysa waxaa maanta ku geeriyootay fannaanadii Soomaaliyeed ee Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd heesaaga loogu jecel yahay Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2H7txCY
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhaqanka Iyo Hiddaha, Qeybta 415-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 415-aad.
from VOA https://ift.tt/2Jk48Xq
via IFTTT
Xildhibaan Ka Tirsan DDSI oo Eedeeyay Maamulka
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka soogalo magaalada Jigjiga oo VOA la soo xariirey ayaa maamulka deegaanka Soomaalida ku eedeeey caburin siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaq-dhaqaaqba.
from VOA https://ift.tt/2IpL6Ok
via IFTTT
Warbixinno iyo Falan-qeyn ku Saabsan Xiisadda Baarlamaanka
Xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaan weli la xallin iyadoo xildhibaannadu ay tageen baarlamaanka inkastoo aysan dhammaantood wadagelin gudaha.
from VOA https://ift.tt/2JhX6CD
via IFTTT
Buffon oo Ronaldo la meel dhigay Pele iyo Maradona
Gianluigi Buffon ayaa Cristiano Ronaldo la meel dhigay Pele iyo Maradona kadib markii laba gool uu xalay ka dhaliyey, cayaartii dhex martay Juventus iyo Real Madrid. Cayaartas oo ka tirsaneyd wareegga sideed dhammaadka ee koobka horyaallada Yurub, ayaa waxaa 3-0 ku adkaaday Real Madrid, inkasta oo lagu cayaaray garoonka Juventus ee magaalada Turin. "Maanta waxaan mar kale aragnay waxa uu Ronaldo yahay, isaga iyo Messi waa tusaale dhiiri gelin leh, oo ay tahay in qof kasta uu daawado" ayuu yiri Buffon. "Waxa ay gaareen guulaha ugu weyn, waxaana tani macnaheedu yahay in Ronaldo lala barbar dhigi karo Pele iyo Maradona" ayuu yiri.
from VOA https://ift.tt/2EiEMFS
via IFTTT
Warkii Ugu Dambeeyay ee Xaaladda Baarlamaanka
Xaaladda siyaasadeed ee baarlamanaka ayaa kacsan iyadoo haatan ay muuqato inay xildhibaannadu ka dareerayaan dhismaha baarlamaanka.
from VOA https://ift.tt/2Ha7Imn
via IFTTT
Tuesday, April 3, 2018
Muqdisho: Madunayaal ku Jarmaaday X. Baarlamaanka
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taariikhda markii ugu horeysay la arkay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo salaadda Subax ku tukunaya xarunta baarlamaanka
from VOA https://ift.tt/2JiWYCM
via IFTTT
Ururka ONLF oo ka Hadlay Magacaabista Abiy Ahmed
Warsaxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in dadka Soomaalida ah iyo Ethiopia-da kaleba ay ka shaki qabaan talaabada siyaasadeed ee ururka EPRDF uu ku keeni karo isbeddel micno leh
from VOA https://ift.tt/2IqBvqq
via IFTTT
Boqolaal Muhaajiriin ah oo Mareykanka Kusoo Wajahan
Boqolaal Ruux oo cagahaooda maalaya ayaa Mareykanka kaga soo wajahan xadka koofureed ee uu Mareykanka la wadaago Mexico.
from VOA https://ift.tt/2JjOiMI
via IFTTT
Haweeneey Weerartay Xarunta Youtube ee Mareykanka
Booliska gobolka California ayaa xaqiijiyay dhawaaca saddex ruux kadib marki haweeney ku hubeysneyd bistoolad ay rasaas ku furtay dad ku sugnaa Xarunta ugu weyn Website-ka laga daawado muuqaalada ee Yutube ee ku taalla magaalada San Francisco.
from VOA https://ift.tt/2EixSjJ
via IFTTT
Jawaari: Sharci Ayaan Ku Imid, Sharci Ayaanna Ku Baxaya
Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareereysa, kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan, (Jawaari) uu ku eedeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, in uu dhinac la safan yahay.
from VOA https://ift.tt/2uIbn8p
via IFTTT
Asad oo Ka Hadlay Noloshiisa Dhadhaab illaa Jaamacadda Princeton
Asad Xuseen waa wiil dhalinyaro ah oo ku dhashey kuna barbaarey xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Asad wuxuu waxbarashadisii illaa dugsiga sare ku dhameystey xerada Ifo ee Dhadhaab.
from VOA https://ift.tt/2IpWpG3
via IFTTT
Tirada Qaxootigii Mareykanka Imaan Jirey oo Yaraatay
Xarumaha ka shaqeeya dib u dejinta dadka qaxootiga ah ee soo gala dalkan Mareykanka ayaa billaabay inay dhimaan shaqaalahooda, isla markaana soo yareeyay howlihii ay hayeen iyagoo awaamiirta ka qaadnayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka
from VOA https://ift.tt/2JgrKfR
via IFTTT
Wasiir Beyle oo Ka Hadlay Dakhliga ay Soo Xarreeyeen
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, ayaa sheegay in 3-dii bilood ee la soo dhaafay ay so xareeyeen 42 milyan oo doollar taas oo qayb ka ah heshiis ay la galeen hay'adda lacagta adduunka ee IMF.
from VOA https://ift.tt/2EgKLed
via IFTTT
Muslimiinta Britain oo Cabsi La Soo Deristay
Guud ahaan waxaa laga dareemayaa dalka Britain feejignaan ay muujinayaan dadka Muslimiinta ah kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay guryohooda loogu diray muslimiin badan in 3-da April oo maanta ku beegan ay noqoto waxa loogu yeeray "maalin la ciqaabo dadka muslimiint ah."
from VOA https://ift.tt/2EdPPzT
via IFTTT
Trump oo soo jeediyey inuu Aqalka Cad kula kulmo Putin
Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Sarah Huckabee Sanders ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu soo jeediyey in Aqalka Cad uu noqdo halka uu ka dhacayo kulan ay suurta gal tahay inuu la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
from VOA https://ift.tt/2GPp5ek
via IFTTT
Vialli: Conte ma sugi karo inuu ka tago Chelsea
Antonio Conte "ma sugi karo inuu ka tago Chelsea" kadib markii uu noqday macallin aan saameyn ku lahayn siyaasadda soo iibinta cayaartoyda ee kooxda, waxaa sidaas sheegay saaxiibkiis iyo macallinkii hore ee Chelsea Gianluca Vialli. Chelsea iyo Conte ayaa la rumeysan yahay inay kala tagi doonaan dhammaadka xilli cayaareedka, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka dhex ooggan. Xulka kubadda cagta Talyaaniga iyo kooxda PSG ayaa labaduba lagu warramayaa inay doonayaan Conte. Vialli ayaa rumeysan in guuldarradii Chelsea ay axaddii kala kulantay Tottenham, oo looga adkaaday 1-3, ay xaqiijinneyso inuu gebo gebo yahay mustaqbalka Conte ee garoonka Stamford Bridge. "Conte ma sugi karo inuu ka tago Chelsea, uma dulqaadan karo inay soo iibsadaan ama iska iibiyaan cayaartoy, isaga oo aan lala tashan, xaqiiqda ayaa ah in Chelsea ay dooneyso macallin kooxda dhageysta" ayuu yiri Vialli.
from VOA https://ift.tt/2q3MDBV
via IFTTT
Monday, April 2, 2018
Winnie Mandela oo ku Geeriyootay Koonfur Africa
Winnie Mandela oo ahayd xaaskii hore ee madaxweynihii Koonfur Africa Nelson Mandela ayaa maanta geeriyootay.
from VOA https://ift.tt/2GrQQKK
via IFTTT
Al-Shabaab oo laga dilay 53 maleeshiyo
Ugu yaraan 53 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, ayaa lagu dilay weerar shalay ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Buula Mareer.
from VOA https://ift.tt/2ImBcNb
via IFTTT
South Africa: Winnie Mandela oo geeriyootay
Dalka Konfur Africa waxaa laga soo sheegayaa inay maanta ku geeriyootay haweenaydii la dagaalami jirtay midab kala sooca, haweenaydaasi oo horey ugu soo dhaxday hoggaamiyihii madowga Nelson Mandela.
from VOA https://ift.tt/2Ipbgkd
via IFTTT
Maxaabiis laga soo celiyey Iran oo la geeyey Boosaaso
Maxaabiis Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 24 maxbuus oo la kala socday laba markab oo lagu kala magacaabo Yahya iyo Naciim II, ayaa maanta laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso. Maxaabiistan ayaa laga soo celiyey dalka Iran oo ay muddo ku xirnaayeen. Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari ee Puntland, ayaa ku soo dhoweeyey maxaabiistaas garoonka diyaraadaha. Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan inooga soo dirtay Boosaaso.
from VOA https://ift.tt/2q0lbVP
via IFTTT
Abiy Ahmed oo loo dhaariyey ra'iisul wasaaraha Ethiopia
Abiy Ahmed ayaa maanta loo dhaariyey inuu noqdo ra'iisul wasaraaha cusub ee dalka Ethiopia.
from VOA https://ift.tt/2pXBIdH
via IFTTT
Aaden Bataar oo la Guddoonsiiyay Abaarlmarin
Sharci-yaqaano Aden Bataar ayaa toddobaadkan la guddoonsiiyay abaalmarinta New Pioneers American Dreams Awards, oo ah Abaal-gud la siiyo dadka soo galootiga ah ee shaqooyinka muuqda qabata, islamarkaana wax kusoo kordhiya dalka Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2GsEWvX
via IFTTT
Guardiola oo ka walaacsan weerarka Liverpool
Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiloa ayaa walaac ka muujiyey weeraryahanada kooxda Liverpool ka hor kulanka koobka horyaalada Yurub ee labada koox dhexmaraya arbacada. Guardiola ayaa sheegay in qadka weerarka ee kooxda Liverpool uu yahay "mid aan la joojin karin". Labada koox ayaa kulmaya arbacada, waxaana kooxda Liverpool ay tahay kooxda kaliya ee Premier League ee ku dhow City, marka ay noqoto gool dhaliska. Mohamed Salah ayaa xilli cayaareedkan dhaliyey 37 gool, halka Roberto Firmino iyo Sadio Mane ayaa dhaliyeen 38 gool marka la isku daro. "Ma ahan kaliya Salah, ee sidoo kale Firmino iyo Mane. Saddexdooda waa kuwa ay adag tahay in la joojiyo" ayuu yiri Guardiola. Liverpool waa kooxda kaliya ee xilli cayaareedkan ku garaacday City Premier League, ayada 4-3 kaga adkaatay garoonka Anfield, 14-kii Janaayo.
from VOA https://ift.tt/2JcA6oD
via IFTTT
6 qof oo isku qoys ah oo qarax ku dhintay
Ugu yaraan 7 qof, oo 6 ka mid ah ay isku qoys yihiin, ayaa dhintay kadib markii ay la qaraxday miino waddada bartankeeda lagu aasay, degaan qiyaastii 7 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Buuloburte.
from VOA https://ift.tt/2GM8sjJ
via IFTTT
Buuloburte: Qarax Dilay Toddobo Qof
Ugu yaraan 7 qof oo 6 ka mid ah ay isku qoys yihiin ayaa dhintay ka dib markii ay la qaraxday miino waddada bartankeeda lagu aasay deegaan qiyaastii 7 km dhinaca galbeed ka xiga Magaalada Buuloburte.
from VOA https://ift.tt/2GqFoyZ
via IFTTT
Jubbada Hoose: Duqeyn lala beegsaday hal qoys
3 qof ayaa dhimatey, 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii duqeyn lala beegsadey hal qoys ah gurigooda, meel 25 KM koonfur kaga beegan deegaanka Kaamjaroon ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo.
from VOA https://ift.tt/2Gs2tgG
via IFTTT
Sunday, April 1, 2018
Buulo-Mareer: Al Shabaab oo Weerartay Saldhig Amisom
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay in maanta ay weerareen saldhig ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.
from VOA https://ift.tt/2GMlSMP
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa todobaadkan marti ku ah Dr. Saciya Cali Adan. Waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.
from VOA https://ift.tt/2Ikmw1e
via IFTTT
Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Agaasimayaal iyo Gudoomiyayaal Gobol
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay xilal kala duwan oo isugu jira agaasimayaal guud iyo guddoomiyayaal gobol.
from VOA https://ift.tt/2GquWUc
via IFTTT
Puntland oo Lag Codsaday In Ay Sii Deyso Dad U xiran Burcad Badeednimo
Ehelada rag hore loogu qabtay dambiyo la xiriira Budhcad Badeednimo oo la sheegay inay ku xiran yihiin magaalada Garoowe ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta maamulka Puntland inay sii daayaan.
from VOA https://ift.tt/2pYvfOX
via IFTTT
Mareykanka oo Diiday Mooshinki Golaha Amaanka ee Falastiin
Dowlada Mareykanka ayaa is hortaagtay mooshin uu soo diyaariyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku baaqaya in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo rasaas nool oo toos ah oo ay ciidamada milatariga Israel u adeegsadeen kumannaan Falastiiniyiin ah oo ku mudaaharaadayay Marinka Gaza.
from VOA https://ift.tt/2JbjQnF
via IFTTT
Saldhigyo ay AMISOM Leedahay oo La Weeraray
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerarro loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen saldhigyo ay ciidamo AMISOM ku leeyihiin magaalooyinka Buulo Mareer iyo Golweyn.
from VOA https://ift.tt/2IkzhsG
via IFTTT