Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii sabtidii ka dhacay Ex-Kaantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Hadalka Al-Shabaab ayaa yimid saacado un kadib markii hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay madaxda qaranka u gudbisay warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in dal shisheeye uu "qorsheeyey" qaraxa. Hadaba maxay ka dhigan tahay in Al-shabaab ay sheegato weerarkan oo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof ?, muxuuse yahay xidhiidhka ka dhaxayn kara sheegashadooda iyo warkii ay hore NISA u soo saartay? Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arintan ka waraystay Ismaaciil Daahir Cismaan oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka hay'adda NISA, kuna sugan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.
from VOA https://ift.tt/2SIC33c
via IFTTT
Tuesday, December 31, 2019
Maxay ka dhigan tahay sheegashada Shabaab ee qaraxa?
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment