Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar-kale ku celisay in ay hakad ku jiraan dhammaan dhaq dhaqaaqyadii ciyaaro ee Soomaaliya si looga hortago faafidda cudurka COVID-19. Shir jaraa'id oo ay maanta Muqdisho ku qabatay wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in lagama-maarmaan ay tahay in loo hoggaansamo awaamiirta wasaradda. Jamaal Axmed Cismaan ayaa la xiriirey Maxamed Shuuriye Nuur oo ah lataliyaha dhinaca warfaafinta ee wasiirka dhallinyarada iyo ciyaraha, waxna ka weydiiyey go'aanadooda.
from VOA https://ift.tt/3axkIR7
via IFTTT
Thursday, March 26, 2020
Cayaaraha Soomaaliya oo weli hakad ugu jira Coronavirus
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment