Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay tiradii u dambaysay ee xanuunka Covid-19 ee guud ahaan Soomaaliya. Dawladda ayaa sheegtay in cudurka laga helay 64 qof, kuwaasi oo 33 ay joogaan Gobolka Banaadir, Somaliland 16, Galmudug 8 iyo Koonfur Galbeed oo ah 7. Dawladdu waxay sidoo kale sheegtay in hal qof uu u dhintay xanuunka. Guud ahaan kiisaska cudurka ayaa haatan ah 1,421, halka 152 ay ka bogsadeen, 56 kalena ay u dhinteen.
from VOA https://ift.tt/3dU8i74
via IFTTT
No comments:
Post a Comment