Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xarbi Cilmi Faarax oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Labourka ee dalka Britain
from VOA https://ift.tt/2y28m1j
via IFTTT
Sunday, September 30, 2018
Barn. Martida Mikrofoonka
Khudbaddii Somalia ee Q. Midoobay
Wasiirka Arimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo shalay khudbadda Soomaaliya ka jeedinayey kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in cunaqabataynta oo la qaado ay Soomaaliya awood u siinayso inay mas'uuliyadda dhinaca amniga kala wareegto AMISOM.
from VOA https://ift.tt/2DHHUQA
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Hodan Aadan Maxamed, Guddoomiyaha ururka Our Helpers oo ah urur u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhalinyarada, kana dhisan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka
from VOA https://ift.tt/2OtwzaK
via IFTTT
Wariye Lagu Xiray Dhuusamareeb
Mid ka mid ah suxufiyiinta u shaqeeya saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaaliya aya amaanta lagu xukumay lix bilood oo xarig ah magaalada Dhuusamareeb ee badhtamaha Soomaaliya. Dhinaca kalena mid ka mid ah suxfiyiinta ku sugan Muqdishu ayaa isna sheegay inay soo gaadheen hanjabaado.
from VOA https://ift.tt/2DEXTPq
via IFTTT
Saturday, September 29, 2018
Balcad: Dad Loo Tababaray Xallinta Khilaafaadka
Tababar lagu baranayo sida loo xalliyo qilaafyada gacan ka hadalka iyo sida dib u heshiisiin loogu sameeyo dadyoowga ay colaaduhu u dhaxeeyaan ayaa loo qabtay qeybo ka mid ah bulshada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
from VOA https://ift.tt/2RccTHd
via IFTTT
Dhageyso Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo uu inoo soo jeedinaayo Jamaal Axmed Cismaan. Waxaan si gaar ahaaneed barnaamijka diiradda ugu saari doonnaa deeqaha tooska ah ee Bankiga Adduunka iyo Midoga Yurub ay toddbaadkan sheegeen inay siin doonaan Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2DHGjdr
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2y1hOBR
via IFTTT
Madaxweyne Erdogan oo Karmalka ka Furay Masaajid Weyn
Madaxweynaha Turkiga Rayyip Erdoganayaa maanta magaalada Cologne ee dalka Jarmalka ka furay mid ka mid ah masaajidada ugu weyn qaaradda yurub.
from VOA https://ift.tt/2R4E7PX
via IFTTT
Mareykanka oo Xiraya Qunsuliyadda Basra
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in in si kumeel gaar ah dib-u-dajin loogu sameeyo diblamaasiyiinta Mareykanka ee ka howlgala dalka Ciraq sababo dhinaca amniga ah.
from VOA https://ift.tt/2DHb7uL
via IFTTT
Waraysi: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia
Wasiirka arrimaha Dibedda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uu ka codsaday Maraykanku inuu xayiraadda dhinaca socdaalka ka qaado Soomaalida Maraykanka imanaysa, isla markaana uu aqoonsado baasaboorka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2OYetuK
via IFTTT
Hambalyada iyo Heesaha
Dhegayso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
from VOA https://ift.tt/2P5q0bq
via IFTTT
Indonesia: Boqolaal ku Dhintay Dhulgariir iyo Sunaami
Dalka Indonesia ku dhawaad 400 oo qof ayaa dihntay, in kabada 550 kalena way ku dhaawacmeen dhul-gariir xoogan iyo Tsunami ka dhalatay oo ku dhuftay bartamaha dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2Qd3vlg
via IFTTT
Friday, September 28, 2018
UK oo ku baaqday in la taageero Amisom
Dowladda Britian ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha caalamiga ah inay kordhiyaan taageerada ay ku bixiyaan Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM, si looga caawiyo Soomaaliya gaarista xasilooni baahsan.
from VOA https://ift.tt/2OmkTqi
via IFTTT
Faaqidaadda: Xaaladda Amni ee Muqdisho
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa sii xumaaneysay.
from VOA https://ift.tt/2OW882U
via IFTTT
Ciyaarihi Xalay ee Horyaalka Talyaaniga
Kooxda AC Milan ayaa ku guuldarreysatay in ay kulankeedi saddexaad oo xiriir ah ay badiso horyaalka Serie A-da Talyaaniga, kadib marki ay xalay bar-barro 1- 1 ah la dhaafi weyday Empoli.
from VOA https://ift.tt/2Oe2Na7
via IFTTT
Netanyahu: Iran waxay qarineysaa hub nukliyeer
Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Iran ku eedeeyey inay haysato xarun hubka nukliyeerka lagu keediyo oo ku taalla magaalada Tehran.
from VOA https://ift.tt/2DzbLKO
via IFTTT
Thursday, September 27, 2018
Cavanaugh iyo Ford oo Markhaati Furay
Guddi Hoosaadka Caddaaladda ee Aqalka Senateka ee Congresska Maraykanka ayaa shalay dhageystay dacwad la xiriirta fara xumeyn la sheegay in garsoore lagu magacaabo Brett Canavanaugh uu u geystay Christine Blasey Fore oo prof. ka ah jaamaca ku taalla gobolka California.
from VOA https://ift.tt/2xHjWj4
via IFTTT
Dagaal ka dhacay xabsiga Boosaaso
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in laba qof oo rayid ahi ku dhinteen, laba askarina ay ku dhaawacmeen kadib markii maanta galinkii dambe dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidamada ilaalada xabsiga Boosaaso.
from VOA https://ift.tt/2QbWqRS
via IFTTT
J/Dhexe: Shabaab oo "Rayid guryahooda kala baxay"
Gobolka Jubbada Dhexe waa gobolka kaliya ee si buuxda ugu jira gacanta ururka Al-Shabaab. Maadaama uu gobolka gacanta ugu jiro al-shabab, waxaa yaraa xogta laga heli karo, xaaladda nololeed ee ka jirta. Maalmihii u dambeeyayna waxaa soo kordhayay wararka la xiriira maleeshiyada Al-Shabaab oo dad shacab ah guryahooda kala baxayey, iyagoo ku eedeynaya inay dowladda la shaqeeyaan. Sheekh Nuur Jaamac Nuur, waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka dhawaan uga cararay gobolka hanjabaad uga timid Al-Shabaab. Jaamac Buule Jaamac ayaa weydiiyay, inuu sawir ka bixiyo xaaladda ay ku nool yihiin dadka gobolka.
from VOA https://ift.tt/2DBp79m
via IFTTT
Dowladda oo sheegatay dilka sarkaal ajnabi ah
Saraakiisha dowladda waxay sheegeen in ay dileen sarkaal ajnabi ah oo magaciisa ay ku sheegeen Naasir Aljaabiri oo ay sheegeen inuu ka soo jeedo Afghanistan.
from VOA https://ift.tt/2R39sSU
via IFTTT
Dad ku dhintay qarax ka dhacay Ceelwaaq
Wararka ka imanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi qarax ka dhacay.
from VOA https://ift.tt/2xPHP78
via IFTTT
Kavanaugh iyo gabadha eedeysay oo hortagaya senate-ka
Garsoore Brett Kavanaugh oo madaxweyne Trump u magacaabay Maxkamdda Sare iyo haweeneey ku eedeeyay inuu hadda ka hor isku dayey inuu kufasado ayaa maanta lagu wadaa in ay hor-yimaadaan guddi hoosadka cadaaladda ee Golaha Senate-ka.
from VOA https://ift.tt/2DyIeRn
via IFTTT
Shiinaha oo beeniyey eedeynta Trump
Shiinaha ayaa beeniyey eedeymo ka yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ahaa in Beijing ay faro-gelin ku hayso doorashooyinka Mareykanka ee dhacaya bisha November ee sanadkan.
from VOA https://ift.tt/2xUt9DT
via IFTTT
Wednesday, September 26, 2018
Isbeddelada Gobolka Soomaalida
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, ayaa bartiisa Facebook-ga ku qoray in Ilaa iyo hadda dhul iyo hanti badan oo ay boobeen dad aan Soomaali ahayn oo u badan saraakiil ciidan ay xogtooda oo dhamaystiran gacanta ku haynaan.
from VOA https://ift.tt/2xVNXKX
via IFTTT
Trump iyo Kim oo Kulan kale Qorsheynaya
Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Arbacadii shalay sheegay in maamulku uu qorsheynayo wareego labaad oo shir heer madaxweyne ah oo uu la qaato hogaamiyaha K. Woqooyi Kim Jong Un, kaas oo xilli dhow shaaca laga qaadi doono.
from VOA https://ift.tt/2Ohiw8m
via IFTTT
Boosaaso: Dad loo xukumay falal argagixiso
Maxkamadda ciidamada Puntland ee darajada Koowaad ayaa maanta 6 nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururada Daacish iyo Al-Shabaab ku riday xukunno isugu jira dil iyo xarig.
from VOA https://ift.tt/2Q9DSBD
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 438-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 438-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2NKy98T
via IFTTT
Cawad oo ka warbixiyey shirka QM
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Madaxweynaha Soomaaliya ku matalaya shirka Gollaha loo wada dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayaa sheegay in uu kulamo la yeeshay dalal badan oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2R0ecJ1
via IFTTT
Mareykanka oo dhimaya qaxootiga Afrika iyo B/Dhexe
Wasaaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa soo jeedineysa in ay Mareykanku qaabilaan tiro ka yar qaxootigii la qorsheeyey sanadkii hore in ay ka yimaadaan wadamada Africa iyo Bariga Dhexe.
from VOA https://ift.tt/2zurIht
via IFTTT
Pompeo oo dhaliilay heshiiska lagu caawinayo Iran
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa cambaareeyey qorshaha Midowga Yurub ay shirkadaha Yurub uga caawinayaan inay ganacsi la sameeyaan Iran, xilli ay wajahayaan suurta-galnimada cunaqabateynta Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2QaOeS1
via IFTTT
Tuesday, September 25, 2018
Khudbaddii Madaxweyne Trump ee QM
Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa khudbaddii uu Talaadadii shalay ka jeediyey Golaha Guud ee QM ee magaalada New York waxa uu si adag ugaga hadlay arrinta Iran.
from VOA https://ift.tt/2OOBKiv
via IFTTT
Galka Baarista: Musuq-maasuq ka dhacay W/Bani'aadannimada
Barnaamijkii Galka Baarista waxaan toddobaadkan ku eegeynaa, kiis musuq maasuq la xiriira oo ka dhacay bani'aadannimada ee dowladda Federalka Soomaaliya oo ay shaqsiyaad u xir xiran yihiin. Harun Macruuf ayaa inoo soo diryaariyay halkanna ka soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2xFrvGI
via IFTTT
Galka Baarista: Musuq-maasuq ka dhacay W/Maaliyadda
Barnaamijkii Galka Baarista waxaan toddobaadkan ku eegeynaa, kiis musuq maasuq la xiriira oo ka dhacay Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya oo ay shaqsiyaad u xir xiran yihiin. Harun Macruuf ayaa inoo soo diryaariyay halkanna ka soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2O79avT
via IFTTT
Shaqaale shirkadeed oo lagu dilay Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa weli ka sii socda dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dadka rayidka ah. Waxaa ugu dambeeyay mid ka mid shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Somtel oo maanta rag hubeysan ay ku toogteen suuqa Bakaaraha.
from VOA https://ift.tt/2xBzZPi
via IFTTT
1200 oo qof oo loo xiray rabshadaha Ethiopia
Mas'uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa xiray in ka badan 1,200 qof kadib markii bishan ay rabshado ka qarxeen gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee AddisAbaba, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska, taasi oo saddex mar ka badan tirada markii hore la qiyaasayey.
from VOA https://ift.tt/2N29maT
via IFTTT
Dalalka ku haray heshiiska Nukilyeerka Iran oo heshiis gaaray
Shanta dal ee ku haray heshiiska Nuclera-ka Iran ayaa isku raacay inay sameeyaan hab lacagta lagu bixiyo oo gaar ah, kaasi oo shirkadaha u ogolaanaya inay sii wadaan ganacsiga ay la sameynayaan maamulka dalkaas, ayaga oo dhinac maraya cunaqabateynta Mareykanka uu saaray.
from VOA https://ift.tt/2Q5hIjV
via IFTTT
Monday, September 24, 2018
Soomaali Dhul ku Iibsatey $6,500,000
Qaar ka mid ah Soomaalida degan magaalada Edmonton ee dalka Kanada ayaa ku guuleystey in ay iibsadaan dhul ay ku tilmaameen kii ugu weynaa ee ilaa iyo hada ay iibsadaan Soomaalida ku nool waqooyiga Mareykanka, Kanada iyo Mareykan.
from VOA https://ift.tt/2xOmsmK
via IFTTT
Erdogan oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya
Madaweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xalay magaalada New York kula kulmay xubno ka socday muslimiinta Mareykanka, wuxuuna ka hadlay xaaladda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2xBhkCZ
via IFTTT
ICG: Al-Shabaab waxay u guureysaa Tanzania
Shan sanadood kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen suuqqa laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen 67 qof, ayaa dadka wax odorosa ay sheegayaan in weli ay halis ku heysto dalalka gobolka, oo xitaa ay saameyntoodu gaartay ilaa iyo dalka Mozambique koonfurta qaaradda. Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda ka faaloota xasaradaha caalamiga ah ee ICG ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab oo xeebaha Kenya, ku sugneyd in hadda ay u wareegeen dhinaca Tanzania. Warbixintan waxaa inoo soo koobaya wariyeheenna Xuseen Barre Aaden.
from VOA https://ift.tt/2PZ0JA4
via IFTTT
Al-Shabaab oo weeraray degmada Qoryooley
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay uu dagaal xooggan ka dhacay degmada Qoryooley, kasoo dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2zr019m
via IFTTT
Mareykanka iyo Shinaha oo canshuuro isugu jawaabay
Canshuur kordhin cusub oo kale oo ay isugu jawaabeen dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa dhaqan-galay maanta oo Isniin ah.
from VOA https://ift.tt/2NCpkO6
via IFTTT
Haweeney labaad oo eedeysay Kavanaugh
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey eedeymo cusub oo la xiriira anshax-darro, oo haweeney ay usoo jeedisay garsoore Brett Kavanaugh oo madaxweyne Trump uu u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2DnPEqw
via IFTTT
Sunday, September 23, 2018
Wareysi: Jeel Ogaadeen oo la Xiray
Mas'uuliyiinta Gobolka Soomaalida ayaa shalay xiray xabsigii magaalada Jigjiga ee lagu magacaabi jiray Jeel Ogaadeen, waxaana mas'uuliyiintu sheegeen in loo beddeli doono Miyuusiyam ama matxaf loo daawasho tago.
from VOA https://ift.tt/2NyLMrx
via IFTTT
Shir Lagaga Hadlay Dilalka ka Dhaca Muqdisho
Kulan ay soo agaasintay Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) ayaa walaac looga muujiyay dilal maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2Dna6bh
via IFTTT
Barn. Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, waxana uu ka jawaabayaa sidii wax looga qaban lahaa dilal dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho
from VOA https://ift.tt/2NwVOtp
via IFTTT
Saturday, September 22, 2018
Barnaamijka Martida: Ibrahim Tata
Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa London kusoo diyaariyay Ridwan Xaji Cabdiwali.
from VOA https://ift.tt/2zoq2FY
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaa soo jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2OGJumQ
via IFTTT
Warbixin: Dilalkii u Dambeeyey ee Muqdisho
Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska Dawladda Federaalka ayaa sheegay in la soo qabtay qaar ka mid ah dadkii gaystay iyo kuwa looga shaki qabo inay ku lug lahaayeen dilkii Jaamacadda Somalia.
from VOA https://ift.tt/2OISvvB
via IFTTT
Trump iyo Farriintiisa Q. Midoobay
Waxaa weli dad badani ay xusuusan yihiin hadalkii uu ka jeediyay sanadkii hore Golahan kaasoo uu ugu hanjabay dalka Kuuriyada Waqooyi inuu burburin doono, haddana waxaa walaac laga qabaa waxa ay noqon doonto fariinta uu sanadkan shirka la tagi doono.
from VOA https://ift.tt/2xIunlz
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku maqli doontaan qoddobo ay ka mid yihiin dilalka soo noqnoqda ee magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay tii gabar arday ah lagu dhex dilay Jaamacadda Somalia.
from VOA https://ift.tt/2xCtAlS
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2QPsBb1
via IFTTT
Friday, September 21, 2018
Faaqidaadda: Xiriirka dowladda iyo maamul goboleedyada
Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya oo meel hoose gaaray, islamarkaana khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay. Waxaa soo jeedinaya Jacfar Kuukaay.
from VOA https://ift.tt/2PXzC8v
via IFTTT
Suldaan lagu dilay magaalada Baran
Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ah isimada dhaqanka ayaa maanta dablay hubeysani toogasho ku dilen, meel u dhow magaaladda Bara nee gobolka Sanaag. Marxuumka ayaa kusii jeeday goob ku taal gudaha magaaladda Baran, oo uu qado sharaf ugu sameeyay madaxweynaha Puntland iyo waftiga la socday. Wariyaha VOA-da Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa dilka suldaaanka ka wareysaty afhayeenka nabaddoonada gobolka Sanaag, nabaddoon Cabdiqani Maxamuud Faarax, oo ku sugan magaaladda Baran.
from VOA https://ift.tt/2NXBHE0
via IFTTT
Gabar arday ahayd oo lagu dilay Muqdisho
Gabar arday ah ayaa maanta lagu dhex diley iyadoo fadhisa gudaha fasalkii ay wax ku baraneysey ee jaamacada ku taalla magaalda Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2QM2Xnn
via IFTTT
Aguero oo saxiixay qandaraas cusub
Kooxda Manchester City iyo weeraryahan Sergio Aguero ayaa ku heshiiyay in laacibkan reer Argentina uu kusii nagaado naadiga ilaa sannadka 2021-ka, kaddib marki uu saxiixay qandaraas cusub.
from VOA https://ift.tt/2pr4T8p
via IFTTT
Faah-faahinta ciyaarihi xalay ee Europa League
Waxaa xalay si rasmi ah u furmay wareega koowaad ee koobka Europa League oo ah tartanka labaad ee ugu xiisaha badan Yurub.
from VOA https://ift.tt/2MR5RnJ
via IFTTT
Gaarisa: Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo la shaaciyey
Siyaasiinta laga soo doortay degaanada Koonfurta Gaarisa ayaa billaabay olole ay dhalinyarada degaankaasi ku abaabulayaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen kooxda la aamisan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin gudaha Keynta Boni. Al-Shabab ayaa dhinaca kale weerarro u badan qaraxyo la dhigay waddada dhinaceeda la beegsatay askarta iyo gaadiidka ciidamada amniga. Dadka fallanqeeya siyaasadda Kenya ayaa sababo kala duwan ku macneeya waxyaabaha Al-Shabaab u suurtogeliya inay si dhib yar weerarro uga gaystaan dalkaasi. Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixinta Maxamed Faarax Shire.
from VOA https://ift.tt/2O554UK
via IFTTT
Tanzania: 79 oo ku dhimatay doon quustay
Ugu yaraan 79 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib marki dooni ay la socdeen ay ku quustay harada Victoria ee dalka Tanzania, gelinki danbe ee Khamiisti shalay.
from VOA https://ift.tt/2xFaqvU
via IFTTT
Madaxweynihii Vietnam oo geeriyooday
Madaxweynehii dalka Vietnam, Tran Dai Quang ayaa maanta geeriyooday isaga oo ay da'diisu aheyd 91 sano, kadib xanuun uu muddo la jiifay.
from VOA https://ift.tt/2QOStUs
via IFTTT
Thursday, September 20, 2018
Tobannaan ku Dhintay Doon ku Degtay Lake Victoria
Tobannaan qof ayaa ku dhimatay kadib markii doon kuwa rakaabka ah ay ku degtay harada Lake Victoria gaar ahaan dhinaca xuduudda ay kala leedahay dalka Tanzania ee Bariga Afrika
from VOA https://ift.tt/2PSkBEC
via IFTTT
La dagaalanka Shabaabka oo lagaga Dhawaaqay W/B Kenya
Mas'uuliyiinta Soomaalida ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ugu baaqay dadka inay ka hortagaan ururka Al-Shabab
from VOA https://ift.tt/2xoPj1u
via IFTTT
Gaas oo booqasho ku tagey Sanaag
Maadaxweeynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu booqasho ku maray degmooyin iyo gobolo ka mid ah gobolka Sanaag, waxaana safarkiisa ku weheliya xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2pnjBgI
via IFTTT
Qiimo dhac ku yimid lacagaha Turkey iyo Iran
Toddobaadyadii tagey dhowr dal oo dunida ku yaalla ayaa madaxa la galay dhibaatooyin dhaqaale, kadib qiimo dhac weyn oo ku yimid lacagtooda. Dalalkaas waxaa ka mid ah Turkiga, Iran, Venezuela iyo Argentina. Axmed Cali Sheikh ayaa warbixintan si gaar ah ugu eegaya qiima dhaca ku yimid lacagaha Turkiga iyo Iran iyo waxa sababay.
from VOA https://ift.tt/2NrWwrP
via IFTTT
Heshiiska dowladda iyo Waare oo lasoo dhoweeyey
Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magalaada Muqdisho ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo dowldda fedeeralka Soomaaliya. Waare ayaa intaas ku daray in HirShasbelle ay ka tanaasushay go'aankii ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ku gaareen magaalada Kismaayo ee ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda. Qaar ka mid ah waxgaradka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay, in Waare iyo dowladda khilaafkoodii wada hadal lagu dhameeyay. Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan ka soo dirtay Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2ppZjmG
via IFTTT
Galgaduud: 8 qof oo ku dhintay dagaal
Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay dagaal maanta laba maleeshiye beeleed ku dhex maray deegaanka Dacdheer ee gobalka Galgaduud, gaar ahaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo isku dhac xalay dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlad goboleedka Galmudug. Wariyaha VOA-da Cabdi Waaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan nooga soo diray Galdogob.
from VOA https://ift.tt/2MO9cE0
via IFTTT
Natiijooyinka Tartanka Champions League
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada Yurub ee Real Madrid ayaa xalay guul ku bilowday kulankeedi ugu horreeyay ee koobka horyaalada Yurub ee sannadkaan, kadib marki ay 3-0 ku dardartay kooxda Roma.
from VOA https://ift.tt/2NrKTkF
via IFTTT
Shinzo Abe oo dib loo doortay
Ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa mar kale loo doortay inuu sii ahaado hogaamiyaha xisbiga talada haya ee dalkaas, kadib marki uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorasho ka dhex-dhacday xisbiga Liberal Democratic.
from VOA https://ift.tt/2MOULzJ
via IFTTT
Somalia oo diyaar u ah inay ciidamo u dirto K/Sudan
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas.
from VOA https://ift.tt/2pkLWnY
via IFTTT
Wednesday, September 19, 2018
Talaalka Dabeysha oo Caqabado lagala Kulmayo
Ololaha tallaalka cudurka Dabeysha ayaa toddobaadkan ka socda guud ahaan dalalka ku bahooway IGAD Kadib markii toddobaadkii aynu soo dhaafnay wasiirrada cafimaadka dalalkaasi ay si wada jir ah magaalada Garissa ee WB Kenya, xariga uga jareen ladagaalanka cudurkan
from VOA https://ift.tt/2xvDoOG
via IFTTT
Galmudug: Is-rasaaseyn Dhimasho Keentay
Ciidamo ka wada ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa habeenkii xalay ahaa isku rasaaseeyey duleedka magaalada Cadaado, arrintaas oo keentay dhimashada hal askari, iyo dhaawaca labo kale.
from VOA https://ift.tt/2PRrcPP
via IFTTT
ONLF oo ka hadashay wada-hadalka Ethiopia
Dowladda Ethiopia ayaa wada-hadallo la yeelatay ururka ONLF, wada-hadaladan ayaa ka dhacay magaalada Asmara. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo ka mid ahaa xubnihii shirka ka qaybgalay ayaa VOA-da u sheegay in in labada dhinac uu isfaham guud dhexmaray iyaga oo dib isugu laaban doonaa todobaadyada soo socda. Caddaani Hirmooge oo haattan ku laabtay magaalada Addis Ababa ayaa u warramay Xuseen Barre
from VOA https://ift.tt/2xmKaXI
via IFTTT
Weriye lagu dilay magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo waxa lagu dilay weriye u shaqaynayey idaacadda Codka Nabadda oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Saciid Cusmaan, waxaan wararku sheegayaan in weriyahan la toorriyeeyey xalay. Cabdulwaaxid Macallin Cusmaan ayaa warbixintan nooga soo diray Gaalkacyo.
from VOA https://ift.tt/2Db7EV0
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 437-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 437-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2xnHBoc
via IFTTT
Waare oo la heshiiyey dowladda dhexe
Madaxwyenaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu heshiis la gaaray dawladda federaalka, kaasi oo ku saabsan khilaafkii ka dhexeeyey.
from VOA https://ift.tt/2NnbCii
via IFTTT
Gabar 9 jir ahayd oo Muqdisho lagu dilay
Toogasho ka dhacday magaalada Muqdisho shalay waxaa ku dhintay gabar 9 jir oo ardayad ahayd, laguna magacaabay Deeqo Daahir, waxaana ku dhaawacmay arday kale.
from VOA https://ift.tt/2DdDaSy
via IFTTT
Haweeneyda eedeysay Kavanaugh oo baaritaan dalbatay
Qareenada haweeney isku day kufsi ku eedeyneysa Brett Kavanaugh, oo ah garsoore uu madaxweyne Trump u magacaabay maxkamadda sare, ayaa sheegay inay dooneyso in FBI-da Mareykanka ay arrintan baarto, ka hor inta aysan hortagin Sineet-ka Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2xoG3ut
via IFTTT
Tuesday, September 18, 2018
Asmara: ONLF iyo Ethiopia oo Wada Hadlaya
Dawladda Ethiopia iyo ururka ONLF ayaa Talaadadii shalay wadahadal uga bilowday magaalada Asmara ee dalka Eritrea., iyada oo labada dhinaca ay in muddo ahba wadahadallo u socdeen, hase yeeshee, mar walba uu dib u dhac ku imanayey.
from VOA https://ift.tt/2OCLGvu
via IFTTT
USA: Qorshe Lagaga Hortagayo Hubka Bayoliga ah
Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa soo bandhigay qorshe qaran oo cusub oo lagula dagaalamayo haddii cudur dilaaco ama hubka bayolojiga ah ay argagixiso wax ku weerarto.
from VOA https://ift.tt/2xvVL6e
via IFTTT
Maradonna oo guul ku billaabay kulankiisa koowaad
Halyeeygii hore ee kubadda cagta dalka Argentina Diego Maradona ayaa guul ku billaabay kulankiisi ugu horreeyay ee uu leyliyo kooxda Dorados oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Mexico, kadib marki ay xalay 4-1 ku garaaceen naadiga Tapachula.
from VOA https://ift.tt/2D8q6O5
via IFTTT
Gabar la guday oo ku xanuunsan Beledweyne
Isbitaalka magaaalda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay la dhigay gabar 10 jir ah ka dib markii uu dhaawac dhiigbax ah ka soo gaaray gudniin lagu sameeyay.
from VOA https://ift.tt/2NmtMR9
via IFTTT
Sidee Jabuuti looga arkay kulanka Geelle iyo Afwerki?
Markii ugu horeysay muddo 10 sana ah waxaa shalay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ku kulmay madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea. Isias Afwerki iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo is gacan qaadaya ayaa warbaahinta dunida iyo tan carabtuba ay aad u baahinayeen, waxaana la filalayaa inay kullankoodaas uu horu-dhac u yahay heshiis ay laba dowladooda ka gaaraan colaadda mudada ka dhex jirtay. Hadaba kullankaasi sida looga arkay Djibouti, waxaa warbixintan nooga soo diray wariyaha VOA-da Ramadan Muuse.
from VOA https://ift.tt/2NPgqMO
via IFTTT
Baarlamanka oo ka hadlay xiisadda Galmudug
Xubnaha baarlamanka Federaalka Soomaalida ayaa waxaa doodahooda hareeyay walaaca ay ka qabaan xiisadda Galmudug ka oogan.
from VOA https://ift.tt/2D9uJaV
via IFTTT
Trump oo amray in la shaaciyo dokumentiyo sir ah
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Cadaaladda Mareykanka in ay shaaca ka qaaddo dukumintiyo ku saabsan baaritaanka la xiriira faragelinta la sheegay in Russia ay ku sameysay doorashadi Mareykanka ka dhacday 2016-kii.
from VOA https://ift.tt/2Nm5LcT
via IFTTT
Monday, September 17, 2018
Wasiir Oomaar oo u Waramey VOA
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ogolaansho ka haysata dawlada faderaalka ah ee soomaaliya oo kaliya y ka soo dagi karto, isla markaana ka duuli karto garoomada Soomaaliya. Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad, Oomaar oo magaalada Toronto ugu waramay wariyaha VOA-da, Xuseen Nuur Xaaji ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey ujeedada kulan ay magaalada Montreal ee dalka Canada kula yeesheen hay'adda ICAO.
from VOA https://ift.tt/2D8hmrk
via IFTTT
Geelle iyo Afwerki oo Jeddah ku Kulmay
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki kadib kulan ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.
from VOA https://ift.tt/2pdNMXt
via IFTTT
40 sano kadib heshiiskii Masar iyo Israel
40 sano ayaa kasoo wareegtay markii la saxiixay heshiiskii Camp David ee ay gaadheen hoggaamiyayaashii hore ee waddamada Masar iyo Israa'iil, September 17-keedii sannadkii 1978. Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay kala saxiixdaan Isra'iil iyo waddan carab ah oo ay deris yihiin. Camp David waxa loogu magacdaray halka uu ka dhacay oo ah beerta ay ku nastaan madaxweynayaasha Maraykanka ee ku taal duleedka Washington. Haddaba 40 sano kadib heshiiskan maxaa laga dhaxlay? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu weydiiyey Cabdulkadir Cibaar oo ka faallooda arrimaha Carabta kuna sugan Qaahira.
from VOA https://ift.tt/2OxzwDY
via IFTTT
Gabar kale oo gudniin u geeriyootay
Wararka naga soo gaaraya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in gabadh saddexaad ay u dhimatay xanuunka teetanada kadib markii dhowaan lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah.
from VOA https://ift.tt/2MIXQBr
via IFTTT
Madaxweyne Geelle oo tagey Jeddah
Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu maanta tagay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.
from VOA https://ift.tt/2NRqJzC
via IFTTT
Shir dib u heshiisiin oo u furmay Soomaalida iyo Oromada
Magaalada Diri-Dhaba waxaa ka furmay shir dib u heshiisiin ah oo loogu talo-galay Soomaalida iyo Oromada, kuwaasi oo dhawaanahan ay colaadi u dhaxaysay.
from VOA https://ift.tt/2OvNhmQ
via IFTTT
Baarlamanka Somalia oo ka dooday amniga
Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dood kulul ka yeeshay xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan dalka.
from VOA https://ift.tt/2pgagHw
via IFTTT
Dhalinyaro Ku Howlan Furitaanka Isbitaalka Jalalaqsi
Koox dhalinyara ah oo ku nool Waqooyiga Ameerica iyo Yurub isla markaana kasoo jeeda magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in ay dayactir ku sameeyaan isbitaalka guud ee magaalada oo aanan shaqeyn tan iyo burburki dowladdii hore ee Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2OvqpE5
via IFTTT
Ansixinta Kavanaugh oo mugdi uu ku jiro
Christine Blasey Ford, oo bare ka ah jaamacadda Palo Alto ee gobolka California ayaa wargeyska Washington Post u sheegtay in Kavanaugh uu isku dayey inuu kufsado markii ay dhiganayeen dugsiga sare.
from VOA https://ift.tt/2D2Wphk
via IFTTT
Sunday, September 16, 2018
Gabdho walaala ah oo u Geeriyooday Gudniinka Fircooniga
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba gabdhood oo walaala ah ay geeriyoodeen kaddib marki lagu sameeyay gudniinka fircooniga.
from VOA https://ift.tt/2NIxW5h
via IFTTT
Xildhibaan Muqdisho Lagu Dhaawacay
Habeenkii xalay ahaa waxaa si xun ugu dhaawacmay qarax loogu xiray baabuurkiisa Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2OwONVW
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah todobaadkaan, safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abukar Dahir Cusmaan (Abukar Baalle).
from VOA https://ift.tt/2NfCC3c
via IFTTT
Natiijada Doorashadi Sweden oo Lagu Dhawaaqay
Guddiga doorashada Sweden oo maanta ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaaniga ee Sweden ka dhacay sagaalki bishaan September, ayaa sheegay in xisbiga talada haya ee Social Democratic uu ku guuleystay codadka ugu badan ee doorashada.
from VOA https://ift.tt/2OrZ0CW
via IFTTT
Duufaanta Mangkhut oo Garaaceysa Shiinaha
Dabeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo roobab culus oo ay keentay duufaanta loogu magacdaray Mangkhut ayaa hadda garaaceysa jaziiradda Hong Kong iyo xeebaha bari ee dalka Shiinaha.
from VOA https://ift.tt/2D0kFRp
via IFTTT
Saturday, September 15, 2018
USA: Shirkad Magdhow Siisay Shaqaale ay Soomaali Ku Jirto
Mid ka mid ah shirkadaha hilibka ee ugu wayn dalka Maraykanka ayaa ogolaatay heshiis dhexdhexaadin ah oo ku kacaya lacag ka badan hal milyan oo doolar oo magdhow ah.
from VOA https://ift.tt/2D0HK6u
via IFTTT
Doorashada Sweden: 8 Ruux oo Soomaali ah oo Xilal ku Guuleystay
Illaa iyo 7 ruux oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashooyinkii guud ee dhawaantan ka dhacay dalka Sweden. Leyla Cali Cilmi, ayaa ka mid ah dadka doorashada baarlamaan ee dalkaasi ku guuleystay.
from VOA https://ift.tt/2xbdQHe
via IFTTT
Itoobiya oo Sheegtay inay dileen 70 Xubnood oo Al-shabaab ah.
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in duqeyn cirka oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya ay ku dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabab
from VOA https://ift.tt/2OkEoMB
via IFTTT
Muqdisho: Kulamadii Baarlamaanka oo Furmay
Gudoomiyaha baarlamanka ayaa ka hor akhriyay agendayaasha horyaala ka fadhigan oo aan lagu soo darin xalinta khilaafka ka dhex siyaasadeed ee ka dhex oogan dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
from VOA https://ift.tt/2xiksTr
via IFTTT
Galmudug: Jaridda Dhirta oo la Mamnuucay
Agaasimaha Wasaaradda Amniga Gobalka Mudug ee Galmudug C/laahi Jamac Diirshe oo u waramay VOA ayaa sheegay in amar kasoo baxay dhawaan Madaxweynaha Galmudug ee lagu mamnuucayay jristadhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha.
from VOA https://ift.tt/2NgbL74
via IFTTT
Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee tooddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo uu ka mid yahay khilaafka maamulka goboleedkyada iyo Dawladda Federalka Somalia, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2NJEJLX
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2CXBrAo
via IFTTT
Friday, September 14, 2018
Beeraleyda Balcad oo ka Cabsi Qaba Fatahaad
Beeralayda degmada Balcad iyo tuulooyinka hoos taga ayaa ka cabanaya dhibaatada ka dhalatay wabiga oo laga cabsi qabo inuu soo fataho.
from VOA https://ift.tt/2NdR3Vi
via IFTTT
Wiilal Dhalinyaro ah oo Lagu Dilay Boosaaso
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in rag hubeysan ay xalay gudaha magaalada ku dileen laba wiil oo dhalinyara ah.
from VOA https://ift.tt/2MwisMU
via IFTTT
Duufaanta Florence oo Garaaceysa North Carolina
Dabeylo iyo roobab xoogan oo ka dhashay duufaanta loogu magac-daray Florence ayaa wali garaacaya qeybo ka mid ah gobollada North Carolina iyo South Carolina ee dalkan Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2NbUQCo
via IFTTT
Maamulka Trump oo soo saaray warbixin muran dhalisay
Koox saraakiil hore oo dhinaca amniga Qaranka Mareykanka ah ayaa ku booriyay Maamulka madaxweyne Trump inuu dib u eegis ku sameeyo warbixin muran badan dhalisay oo argagixisanimada ku xiriirineysa socdaalka. Kooxdan ayaa sheegtay in warbixintan ay ka been sheegeyso xaqiiqda, iyadoo bixineysa fasiraad ah in dadka soo galootiga ah ee Mareykanka ay masuul ka yihiin inta badan weerarada argagixiso ee ka dhaca Mareykanka. Saraakiishan oo uu ku jiro agaasimihii hore Sirdoonka Qaranka James Clapper iyo la taliyihii hore ee Aqalka Cad ee dhinaca argagixisada Richard Clarke ayaa hadalkan ku sheegay warqad qoraal ah oo ay Qamiistii shalay aheyd u direen Xeer Ilaaliyaha Guud Mareynaka, Jeff Sessions iyo Wasiirka Amniga Gudaha Kirstjen Nielsen. Qoraalka ayey ku yirahdeen "Warbixintan ayaa guud ahaan u muuqata mid loogu talagalay in lagu marin habaabiyo xaqiiqda soo galowga – waxey bixineysaa fasiraad ah in dadka muhaajiriinta ah ee soo gala Mareykanka iyo eheladooda muwaadiniinta ah ay masuul ka yihiin badankood weerarada argagixiso ee dalkan ka dhaca- halka daraasaduhu ay waaya aragnimadeenu ay na tusayaan – in aanu jirin xiriir muuqda oo ka dhaxeeya shisheeyenimada iyo argagixisada" Warqadan ayaa waxaa wadajir u qoray 18 sarkaal oo horey ula soo shaqeeyay xukumado ay majaraha u hayeen labadaba xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga. Warbnixinta ay naqdinayaan ayaa soo baxday bishii Janaayo ee sanadkan – waxaana si wada jir ah u sii daayay Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha, iyagoo sheegay in tan iyo 11kii bishii September weeraraddii ka dhacay Mareykanka afartii qof ee lagu helay argagixiso caalami ah – sadex ka mid ah ay ajnabi ahaayeen.
from VOA https://ift.tt/2QsH3Wd
via IFTTT
Faaqidaadda: Xiisadda siyaasadeed ee Galmudug
Xiisadda Galmudug ayaa soo shaac baxday kadib markii guddoomiyaha baarlamanka iyo madaxweyne ku xigeenka diideen go'aanadii shirka Kismaayo ee uu wax kasoo saxiixay madaxweyne Xaaf.
from VOA https://ift.tt/2CWgeae
via IFTTT
Qaar ka mid ah dadka gobolka Bari oo cabanaya
Deegaano ku yaal dhulka ka durugsan jidka laamiga ah ee loo yaqaan Gaari-waaga ee gobolka Bari ayaa waxay ka cabanayaan in aysan wax badan ka helin horumarka ay dowladda ku bixiso kaabayaasha nolosha, deeqaha iyo gargaarka caalamiga ah.
from VOA https://ift.tt/2QuQkwL
via IFTTT
Duufaanta Florence oo ku dhufatay Mareykanka
Duufaanta wadata roobab aad u culus ayaa soo gaaray dhulka xeebaha ah ee gobolka North Carolina iyo South Carolina ee dalka Maraykanka. Malaayiin qof ayaa ka qaxay guryahooda, mas'uuliyiintuna waxay ka digeen in heerka biyuhu uu aad kor u kici doono, deegaanno badanna uu biyo-gelin doono. Qiyaastii 10 milyan oo qof ayaa ku nool deegaanada ay saameyn doonto duufaanta. Sahra Cabdi Axmed ay wararkii ugu dambeeyey ka waraystay Sahra Cabdi Shirwac oo madax ka ah Golaha Qurbajoogta Soomaalida kuna nool meel u dhow magaalada Raleigh ee North Carolina.
from VOA https://ift.tt/2NddSsi
via IFTTT
Danjire Keating oo wareysii siiyey VOA
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo xilka uu kasii dhammaanayo ayaa sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida.
from VOA https://ift.tt/2OmwW3U
via IFTTT
Erdogan iyo Putin oo ka shiraya arrinta Idlib
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa Russia Vladimir Putin kula kulmi doona Isniinta magaalada Sochi ee dalka Ruushka, sida ay sheegeen saraakiil sare oo Turkish ah.
from VOA https://ift.tt/2xfZV1R
via IFTTT
Thursday, September 13, 2018
Waraysi: Ergayga Q.M. Michael Keating
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in kalsooni-darrada u dhaxaysa hoggaamiyayaasha ay adkaynayso horumarka. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dhinacyadu wada hadlaan.
from VOA https://ift.tt/2Msn8Dy
via IFTTT
Mareykanka oo weerar ka fuliyey Sh/Hoose
Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay ka fuliyeen 11-kii bishan tuulada Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose inay ku dileen laba ka mid ah maleeshiyada argagixisada ah ee ururka al-shabab, mid kalena ay ku dhaawaceen.
from VOA https://ift.tt/2xbnclG
via IFTTT
Wareysi: Somalia iyo shirka IGAD
Wasiirada arrimaha dibadda iyo madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ayaa shaley soo afjarey colaadii dhextaaley dalka Koonfurta Sudan oo muddo soo jiidantey. Waxaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wasiirka Arimaha dibadda. Haddaba, Wasiirka Arimaha dibadda ee Somalia Ahmed Ciise Cawad ayaa khadka telefoonka ugu waramay Harun Macruuf.
from VOA https://ift.tt/2Ndy0KZ
via IFTTT
Galmudug: Guddoomiye Casir oo xilka laga qaaday
Xubnaha Baarlamanka Galmudug ayaa maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen gudoomiyihii baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir.
from VOA https://ift.tt/2QsXCBt
via IFTTT
Haysom oo beddelaya Michael Keating
Xog-hayaha Guud ee Q.M Antonio Guturres ayaa Nicholas Haysom u magacaabay inuu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee arrimaha Somalia. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Somalia uu khilaaf u dhexyaalo. Haddaba magacabista ergaygaan ayaa Sahra Cabdi Axmed ka waraystey Jabril Afyare oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqo arrimaha Somalida, kuna dhaqan gobolka Minnesota.
from VOA https://ift.tt/2xfwg9c
via IFTTT
'Mareykanka waa inuu xoojiyaa xiriirka Ethiopia"
Mareykanka waa inuu xoojiyaa xiriirka kala dhaxeeya dowladda Ethiopia kadib isbeddelo waa weyn oo ka dhacay dalkaas ku yaalla Bariga Afrika, waxaa sidaas sheegay diblomaasi sare oo Mareykan ah.
from VOA https://ift.tt/2xePU4U
via IFTTT
Duufaan maanta ku dhufaneysa bariga Mareykanka
Xawaaraha dabaylaha ay wadato duufaanta Florence ayaa dhinmay, ayada oo kusoo siqeeysay xeebta bari ee Mareykanka, hase yeeshee dadka saadaaliya cimilada ayaa ka digaya in cabirka duufaanta iyo awoodda ay u leedahay ay soo rogi doonaan daadad xooggan oo halis gelinaya nolosha.
from VOA https://ift.tt/2NanCnb
via IFTTT
Wednesday, September 12, 2018
N. Haysom oo Beddelaya Michael Keating
Xog-hayaha Guud ee Q.M Antonio Guturres ayaa Nicholas Haysom u magacaabay inuu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee arrimaha Somalia.
from VOA https://ift.tt/2xaQsc1
via IFTTT
USA: Cunaqabateyn la Saarayo Cidda Faragalisa Doorashada
Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii shalay saxeexay wareegto madaxweyne oo ogolaanaysa cunaqabateyn toos ah oo lagula beegsanayo hay'adaha iyo dadka loo arko inay doorashada Maraykanka faragashadeen, ama ha weeraraan kaabayaasha doorshada dalka ama ha adeegsadeen borobogaando ay wax ku jahwareerinayaan.
from VOA https://ift.tt/2MkAq53
via IFTTT
Oromada Boosaaso oo digniin soo saaray
Qaar ka mid ah jaaliyadda Oromada ee ku nool magaalada Boosaaso, ayaa ugu baaqay ehelada dhalinyarada Oromada ah ee gala safarada halista ah ee Tahriibta inay ka joojiyaan dhalinyaradaasi.
from VOA https://ift.tt/2MoURhb
via IFTTT
Somaliland: Xeerka kufsiga oo laga hadlay
Magaalada Hargeysa waxaa maanta lagu qabtay kulan ay ka qaybgaleen inta badan ururada bulshada iyo wasaaradda diinta iyo Awqaaftu, kaas oo lagu lafagurayay xeerar kala duwan oo dareeno ka soo noqdeen ansixintooda kuwaas oo uu ka mid yahay Xeerka Kufsiga.
from VOA https://ift.tt/2COuAcC
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 436-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 436-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2x59rWi
via IFTTT
Duufaan halis ah oo kusoo siqeysa Mareykanka
Saraakiisha xaaladda deg degga ah ee gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka ayaa dadka uga degaya inay soo geba gebeeyaan diyaargarowgooda duufaanta Florence ka hor inta aysan la iman roobab xooggan iyo dabeylo nolosha halis gelinaya.
from VOA https://ift.tt/2x3i2sA
via IFTTT
Tuesday, September 11, 2018
Dhowr Soomaali ah oo ku Guuleystey Doorashadi ka Dhacdey Sweden
Doorashadii dhawaan ka dhacdey dalka Sweden oo ka koobneyd heerarka kala duwan ee maamullada dowlada ee Federaal, gobol iyo deegaanba ayaa dadki u tartamayey waxa ku jiray Soomaali badan.
from VOA https://ift.tt/2MnsLmh
via IFTTT
Barn. Ammuuraha Maraykanka
Barnaamijka Ammuuraha Maraykanka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay suuqa hilibka iyo badeecada kale ee xalaasha ah oo dalka Maraykanka ku soo badanaya.
from VOA https://ift.tt/2x2K4Vg
via IFTTT
Maine: Soomaali Beerihii u soo Go'een
Soomaalida degan gobolka Maine ee dalka Mareykanka ayaa tobankii sano ee la soo dhaafey waxay ku hawlanayeen tabcashada beeraha, iyaga oo dhul beereedyo iyo suuqba ka helay deegaanada gobolkaasi ku yaalla.
from VOA https://ift.tt/2x6nbiI
via IFTTT
Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Galmudug
Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyey madaxda maamulka Galmudug ayaa maanta cirka isku shareeray kadib markii la sheegay in xildhibananada qaarkood ay mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keeneen guddoomiyaha baarlamanaka Galmudug.
from VOA https://ift.tt/2CLV52t
via IFTTT
EUFA oo Sameynaysa Tartan Cusub
Xiriirka kubadda cagta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa lagu wadaa inuu sameeyo tartan saddexaad oo ay ku loolami doonaan naadiyadda kubadda cagta Yurub.
from VOA https://ift.tt/2Mh4U80
via IFTTT
Natiijooyinka Uefa Nations League
Yurub, waxaa xalay ka dhacay ciyaaro xiisa leh oo ka tirsan tartanka cusub ee loogu magacdaray Horyaalka Qaramada Yurub kaas oo lagu badalay ciyaarihi saaxibtinimo ee ay ciyaari jireen dalalka Yurub. Xulka Portugal ayaa 1-0 uga badiyay xulka kubadda cagta Talyaaniga oo marti u ahaa, taasoo aheyd guuldarradi 1-aad ee tartankaan kasoo gaarto macallinka cusub ee xulka Talyaaniga Roberto Mancini. Mancini ayaa xalay soo safay ciyaartooy cusub oo dhalinyara ah. Wuxuu ka tagay oo uu keydka fariisiyay xidigaha caanka ah ee kooxda Juventus, waxaana ay ahed marki ugu horreysay oo aysan ciyaartooy ka tirsan kooxda Juventus u safan xulka Talyaaniga muddo 20 sana ah. Goolka guusha waxaa Portugal u saxiixay weeraryahanki hore ee AC Milan Andrea Silva daqiiqadii saddexaad ee qeybtii labaad ee ciyaarta. Waa marki ugu horreysay oo uu Portiqiisku ka badiyo Talyaaniga tan iyo sanadi 1957-ki. Dhinaca kalana xulka kubadda cagta Kosovo ayaa xalay loo diiwaangeliyay guushi ugu horreysay abid uu kasoo hooyo ciyaar caalami ah tan iyo marki Kosovo loo aqoonsaday in ay tahay qaran jira. Kosovo waxay 2-0 ku garaacday xulka Faroe Islands 2-0 oo ay ka wada tirsanyihiin qeybta afraad ee tartanka Horyaalka Qaramada Yurub. Goolasha waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahan Zeneli oo ah laacib ka ciyaara horyaalka dalka Holland iyo Nuhiu oo u ciyaara kooxda Sheffield oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska. Ciyaaraha kalana, September 10 FTPortugal 1 - 0 Italy UEFA Nations League - League B:: group 2 September 10 FTSweden 2 - 3 Turkey UEFA Nations League - League C:: group 1 September 10 FTScotland 2 - 0 Albania UEFA Nations League - League C:: group 4 September 10 FTMontenegro 2 - 0 Lithuania FTSerbia 2 - 2 Romania UEFA Nations League - League D:: group 1 September 10 FTAndorra 1 - 1 Kazakhstan UEFA Nations League - League D:: group 3 September 10 FTKosovo 2 - 0 Faroe Islands FTMalta 1 - 1 Azerbaijan
from VOA https://ift.tt/2NBtN30
via IFTTT
Galka Baarista: Mashruuc la musuq-maasuqay
Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa hakiyey mashruuc ku saabsan horumairnta dadka reer guuraaga ah oo uu ka waday Soomaaliya kadib markii ay soo baxday in mashruucaas si xun loo maamulay.
from VOA https://ift.tt/2N5z7w8
via IFTTT
Odayaal u afduubnaa Al-Shabaab oo baxsaday
7 ka mid ah 61 odayaal ah oo laga afduubtey deegaanada Galmudug ayaa ka soo baxsadey, sida la sheegey, gacanta maleeshiyaadkii afduubtey ee Al-Shabaab.
from VOA https://ift.tt/2CJH0m8
via IFTTT
Tubaako dhibaato ku haysa ardayda Soomaaliya
Tubaako la sheegay in laga keenay qaar ka mid ah dalalka Asia oo leh walxo maanka dooriya ayaa adeegsigooda kusoo badanayaa qaar ka mid ah dhalinyarada iskuullada magaalooyin ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Ku simaha guddoomiyaha dallada waxbarashada gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Axmed Cabdi Maxamud ayaa sheegay in tubaakadani ay dhibaato ku heyso qaar ka mid ah ardayda wax ka barta iskuullada magaalada Jowhar. Wuxuu khadka telefoonka ugu warramay wariyaha VOA-da Cabdulqadir Maxamed Mursal.
from VOA https://ift.tt/2NARU1D
via IFTTT
Qarax ka dhacay Afghanistan oo dilay 20 qof
Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay bariga dalka Afghanistan, maanta. Saraakiisha ayaa sheegay in qofka weerarka soo qaaday uu isku dhex-qarxiyey dad dhigayey dibadbax ka dhan ah taliye maleeshiyo oo ku sugan gobolka bari ee Nangarhar. Dibadbaxayaasha ayaa isugu yimid waddo isku xirta magaalada Jalalabad iyo xuduudda Pakistan. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa ku wada xooggan maleeshiyooyinka Taliban iyo Daacish. Ciidmada Mareykanka uu tababaray ee difaaca Afghanistan ayaa wax ka qaban la' Taliban-ka waxaana soo gaaray khasaarooyin xooggan sanadkan. Kooxaha muqaawamada ayaa maamula 50% degmooyinka dalka Afghanistan oo ah 407 degmo. Kooxda Daacish ayaa sidoo kale kordhisay weeraradeeda, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Shiicada dalkaas, taasi oo sii kordhisay caqabadaha ay wajahayaan ciidamada dowladda.
from VOA https://ift.tt/2p0s1dz
via IFTTT
Ethiopia iyo Eritrea oo dib u furay xuduudkooda
Xiriirka sida xowliga ah usoo wanaagsanaanaya ee dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa maanta talalabo kale horey u qaaday kadib markii labada dal ee xifaaltanka uu ka dhaxeyn jiray ay dib u fureen xuduudda ay wadaagaan kadib labaatan sano.
from VOA https://ift.tt/2Ml1mBD
via IFTTT
Shirka Luqadda iyo Dhaqanka Af-Maayga Soomaaliyeed
Khubaradii iyo aqoonyahankii ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee dhowaan ka dhacay magaalada Boras ee dalka Sweden ayaa soo saarsy war-murtiyeed ka kooban toddobo qodob.
from VOA https://ift.tt/2NxPG3e
via IFTTT
Monday, September 10, 2018
Sarkaal Al-shabaab ah oo Muqdisho Boolisku ku Dileen
Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa ururka Al-shabaab, islamarkaana in muddo ah ay ku raad joogeen.
from VOA https://ift.tt/2x68UT6
via IFTTT
Maxaa ka Dhab ah Dhaliilaha Madaxweyne Waare ee Federaalka
Shalley waxa magaalada Muqdisho ka soo degay Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo ka soo laabtey shirki ay maamul gobolleedyada ku lahaayeen magaalada Kismaayo, caasimada ku meelgaarka ah ee Jubbaland.
from VOA https://ift.tt/2MjQhR7
via IFTTT
Farmaajo oo furay kalfadhigga baarlamanka
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay kalfadhigii afraad ee golaha shacabka, oo lagu qabtay dugsiga tababarka booliiska ee Janaraal Kaahiye ama School Polizo.
from VOA https://ift.tt/2O7FH1H
via IFTTT
Nin weerar ka gaystay Paris oo la qabtay
Booliska Faransiiska ayaa xiray nin la sheegay inuu magaalada Paris ku dhaawcay 7 qof oo ay ku jiraan laba ruux oo dalxiisayaal British ah. Weerarka ayaa Axadi ka dhacay meel u dhaw Shaleemo ku taalla daanta kannaalka dhaca waqooyibari ee magaalada Paris. Goob-joogayaal ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu watay toorreey iyo bir. Ninkan ayaa la rumeysanyahay inuu kasoo jeedo dalka Afghanstan. Warbaahinta Faransiiskana waxay ku warrantay in boolisku aysan aaminsaneyn in weerarkan uu yahay mid xiriir la leh argagixiso. Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in afar ka mid ah dadka dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad khatar ah.
from VOA https://ift.tt/2wXUGoc
via IFTTT
Sweden: Xisbiga Midigta oo guul gaaray
Natiiijada kama danbeysta ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee dalka Sweden ayaa la filayaa in ay soo baxdo dhamaadka todobaadkan, hase ahaatee natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in xisbiga midigta fog uu guulo waaweyn kasoo hooyay doorashada. Xisbiga Sweden Democrats oo ah xisbi kasoo horjeeda muhaajiriinta isla markaana raba in Sweden laga saaro Midowga Yurub ayaa u muuqda inuu noqday xisbiga saddexaad ee ugu kuraasta badan baarlamaanka Sweden. Iyadoo inta badan la tiriyay codadki doorashadi Axadi dhacday, ayuu xisbiga talada haya ee garabka bidix ee Social Democrats-ka uu helay 28 boqolkiiba codadki la dhiibtay, xisbiga siyaasaddiisu dhex-dhexaadka tahay ayaa helay 19 boqolkiiba halka xisbiga qowmiiga ah ee Sweden Democrats uu helay ku dhawaad 18 boqolkiiba. Labada xisbi ee Social Democrats iyo kan siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay ayaa sheegay in xisbiga midigta fog ee Sweden Democrats aysan lasoo dhisi doonin dowlad wadaag ah. Xisbiga siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay wuxuu iclaamiyay inay dhisi doonaan dowlad wadaag, balse waxay ugu baaqeen Ra'isulwasaare Stefan Lofven oo ka tirsan xisbal xaakimka Social Democrat inuu iscasilo. Hogaamiyaha xisbiga midigta ee Sweden Democrats Jimmie Akesson ayaa isaga oo la hadlayay taageerayaashiisa shaaciyay in ay soo hooyeen guul weyn, hadda kaddibna ay saameyn ku yeelan doonaan siyaasadda Sweden. Sweden, ayaa ka mid ah dalalka ugu badan Yurub ee ay iska dhiibaan muhaajiriinta kasoo jeeda Bariga Dhexe, Africa iyo Koofurta Asia.
from VOA https://ift.tt/2MiqEQH
via IFTTT
Wicitaanka: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa toddobaadkan marti ku ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.
from VOA https://ift.tt/2oWkxZj
via IFTTT
Muqdisho: Lix qof oo ku dhintay qarax
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootay, 16 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta lala beegsaday xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2CA0yJz
via IFTTT
Saturday, September 8, 2018
Md. Camay: Qodobbada Shirka Kismaayo Waa Lagu Deg-degay
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xaaji (Camey) ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo qodobbada qaar ee ka soo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyada ee Kismaayo
from VOA https://ift.tt/2NXAARl
via IFTTT
Soomaalida Toronto Iyo Booliska oo Kulmay
Qaar ka tirsan Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa kulan la qaatay madaxa booliska ee magaaladaasi.
from VOA https://ift.tt/2QebT4N
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxad ku maqli doontaan sheekooyin xiiso leh oo qeybtii fanaanka iyo hal-abuurka oo uu maanta marti ku yahay fanaan Maxamed Siciid BK, waxaana barnaamijka soo diyaariyey Cabdixakiim M. Shirwac
from VOA https://ift.tt/2Nu3iwd
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaan kaga hadlaynaa isbeddelada dhawaan ka dhacay Ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia, waxaana barnaamijka soo diyaariyey wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali
from VOA https://ift.tt/2NZfEJU
via IFTTT
Warmurtiyeedka Shirkii Kismaayo
Warmurtiyeedkan ayaa astaan u ah xiriirka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya oo hadda maraya meeshii ugu xumayd ee uu abid gaaro
from VOA https://ift.tt/2oShG3E
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan oo ay ku jiraan qubanayaal dhowr ah oo siyaasadda Somalia la xiriira waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2CLaBM7
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2oR51Op
via IFTTT
Muhaajiriinta Danbiyada Ka Geysta Mareykanka oo la Musaafurinayo
Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ansixiyay qodob sharci ah oo dowladda federaalka Mareykanka u fududeynaya in ay masaafuriyaan dadka muhaajiriinta ah ee danbiyada daran ku gala Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2wVvZJ1
via IFTTT
Duufaan Kusoo Wajahan Xeebaha Mareykanka
Khubarrada saadaasha hawada ee Mareykanka ayaa sheegay in duufaan xoog leh oo loogu magacdaray Florence ay maalmaha soo socda kusoo wajahantahay xeebaha Atlaantika Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2NYqyj4
via IFTTT
Hogaamiyihii Dacish ee Khorasan oo La Dilay
Ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyay in howlgal ay bishi hore ka sameeyeen bariga dalkaasi ay ku dileen hogaamiyihii Daacish ee gobolka Khorasan.
from VOA https://ift.tt/2Qc8MdA
via IFTTT
Friday, September 7, 2018
Faaqidaadda: Khilaafka dowladda iyo maamullada
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay shirka toddobaadkan ka dhacay magaalada Kismaayo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, kaasi oo muujiyey mar kale in khilaaf uu ka dhex jiro dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
from VOA https://ift.tt/2wTCewN
via IFTTT
Saraakiil iska fogeysay qoraalka NY Times
Saraakiisha sar sare ee maamulka Trump ayaa iska fogeeyey in ay qoreen maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times kaasoo qofka qorey uu magaciisa qariyey.
from VOA https://ift.tt/2M7GaPl
via IFTTT
Thursday, September 6, 2018
Isbeddellada Diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika
Isbeddello waaweyn oo diblomaasiyadeed ayaa ka socda Geeska Afrika kadib markii wafdi ka kooban saddexda dawladood ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay ka degeen dalka Jabuuti. Jabuuti ayaa sheegtay in bog cusub u furmay xiriirka ay la leedahay Eritrea.
from VOA https://ift.tt/2MQOKHD
via IFTTT
Ciidamo weeraray beerta Aadan Cadde
Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa dowladda Soomaaliya iyo saraakiil shisheeye oo wehliyay ayaa weerar ku qaaday subaxii hore ee arbacadii guri uu lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
from VOA https://ift.tt/2wMOdMy
via IFTTT
Barcelona oo kulan La Liga ah ku cayaareysa Miami
Kooxda Barcelona ayaa qorsheyneysa in kulan ka mid ah ciyaaraha horyaalka La Liga ay sannad walbaa hadda kadib ku dheeli doontaan dalkaan Mareykanka. Qorshahaan ayay Barcelona bilaabi doontaa bisha Jannaayo ee sannadka soo socda. Kulanka ay Barcelona la dheeli doonto 17-ka Janaury sannadka 2019-ka kooxda Girona ayay warbaahinta Spain sheegtay lagu ciyaari doono magaalada Miami ee dalkaan Mareykanka. Arrintaan ayaa ku timid heshiis dhexmaray Barcelona iyo shirkad warbaahin oo laga leeyahay dalkaan Mareykanka. Heshiiskaan ayaa dhigaya in muddo 15 sano ay ay Barcelona sannad walba ciyaar ka mid ah kulanada La Liga ay Mareykanka ku dheesho Xiriirka kubadda cagta Spain, iyo ururka ay ku mideysanyihiin ciyaartooyda kubadda cagta Spain ayaa cambaareeyay heshiiskan. Wargeyska Catalan Sport ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay tikdho bilaash oo ay ku daawadaan ciyaart bisha Janaury ka dhici doonta Miami ay siin doonaan ilaa iyo 1,500 oo taageere.
from VOA https://ift.tt/2M0aTOo
via IFTTT
Berlusconi oo iibsanaya Monza
Ra'isul wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi iyo Adriano Galliani oo u qaabilsanaa maamulka kooxdiisii hore ee AC Milan ayaa qarka u saaran inuu iibsado kooxda Monza oo ka mid ah kooxaha heerka saddexaad ee dalka Talyaaniga. Galliani agaasimihi hore ee Milan ayaa xaqiijiyay in qorshahani uu hadda marayo meel gaba gaba ah. Milkiilaha kooxda Monza Nicolo Colombo ayaa ah wiil uu dhalay milkiilihii hore ee Milan inti u dhaxeysay 1977-ki ilaa 1980-kii. Monza oo ah koox jirto 106 sano ayaanan waligeed ka ciyaarin ciyaaraha heerka 1-aad ee Serie A-da Talyaaniga.
from VOA https://ift.tt/2MVOcjT
via IFTTT
Soomaali ka qeyb galaysa doorashada Sweden
Sidaa aad maalmihii lasoo dhaafayba wararka aad kala socoteen waxaa jira Soomaali badan oo sanadkan u sharaxan kuraasta baarlamanka iyo Golayaasha deegaanka ee dalka Sweden oo maalinta axadda ah ay ka qabsoomayso doorashooyinka guud ee dalkaasi . Axmed Cabdulahi Maxamed "Kaboole" waxaa uu kamid ah yahay dhowr qof oo Soomaali ah oo u sharaxan Golayaasha deegaanka ee dalkaasi, Kaboole oo ka tirsan xisbiga Green Party ayaa u sharaxan mid kamid ah kuraasta Golayaasha Deegaanka ee magaaladda caasimadda ah Stokholom. Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa kula xiriiray khadka taleefanka ee Stokholom.
from VOA https://ift.tt/2wNZv2z
via IFTTT
Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo heshiis kala saxiixday
Madaxda Soomaaliya Ethiopia iyo Eritrea oo shir ku yeeshay Asmara ayaa kala saxiixday Heshiis afar qodob ka kooban.
from VOA https://ift.tt/2Cq2btb
via IFTTT
Jabuuti iyo Eritrea oo la dhex-dhexaadinayo
Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda gobolka Geeska Afrika waxaa ka maqnaa oo aan qeyb aheyn dalka Djibouti oo ay colaadi kala dhaxeyso Eritrea. Madaxdii ku shiray Asmara ee Soomaaliya, Ethiopia iyo Eitrea ayaa isla gartay in wasiiradooda arrimaha Dibadda ay u diraan Djibouti si nabad looga dhex dhaliyo labada dal ee deriska ah. Wariyaha VOA-a Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay Ramadan Muuse oo ku sugan Jabuuti.
from VOA https://ift.tt/2NfLlSb
via IFTTT
Dhul-gariir ku dhuftay dalka Japan
Ugu yaraan 7 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kaddib dhulgariir Khamiista maanta ah garaacay Jaziiradda Hokkaido ee waqooyiga dalka Japan.
from VOA https://ift.tt/2PGGTJo
via IFTTT
Afghanistan: Qarax lagu laayey shacab
Afghanistan ayaa maanta u baroordiiqaysa dhimashada 26 qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan cayaaryahanno, shaaale gargaare iyo suxufiyiin, kuwaasi oo xalay lagu dilay laba qarax oo ka dhacay magaalada Kabul.
from VOA https://ift.tt/2oKjmMn
via IFTTT
Wednesday, September 5, 2018
Boarma: Waa Sidee Adeegga Iskuulka Baahiyaha Gaarka ah?
Maamulka dugsiga indhoolayaasha iyo dhagoolayaasha ee magaalada Borama ayaa sheegay in ay jirto baahi dhinaca taakuleynta iskuulka ah, ka dib markii hay'adda Talyaani ah oo taageeri jirtay ay joojisay kaalmadii.
from VOA https://ift.tt/2Q9h45R
via IFTTT
Maqaal Trump ka Dhan ah oo NY Times lagu Qoray
Madaxweyne D. Trump oo fariin dhinaca twitterka ah oo Arbacadii u diray wargeyska The New York Times ayuu ugu sheegay in qofkaas oo ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad la soo gudbiyo si loo maxkamadeeyo.
from VOA https://ift.tt/2M2KgIK
via IFTTT
Farmaajo oo shir u tegaya Asmara
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed Cbadullahai Farmaajo uu ka qaybgeli doono shir saddex geesood ah oo maalinta berrito ah ka furmaya magaalada Addis Ababa.
from VOA https://ift.tt/2wIE6IM
via IFTTT
Shirka lacagta Online-ka oo ka socda Nairobi
Magaalada Nairobi waxaa ka furmay shir looga hadlayo hormarinta lacagta Online-ka la isugu diro iyo sidii loo gaarsiin lahaa dalalka uusan wali adeegaasi gaarin ee Bariga Africa. Waxaa shirkaan ka qeyb galaya xubno ka kala yimid daafaha caalammka, gaar ahaana shirkadaha lacagaha ku dira Online-ka. Mas'uulyiinta shirkaasi ka qeyb galaya waxaa kamid ah Dr Ismaaciil Ibrahim Axmed oo ah madaxa shirkada Worldremit oo lacago u dirta inka badan 150 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay. Wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayuu u warramay.
from VOA https://ift.tt/2CipLIl
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 435-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 435-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2NkY8m6
via IFTTT
Al-Shabaab oo afduub u haysata 61 oday
Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inay qabqabteen isla markaana afduubteen in ka badan 60 ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2wIZVrS
via IFTTT
Dad Soomaali ah oo lagu xiray Masar
Ciidamada amniga ee dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay ilaa shan qof oo Soomaali ah oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay waddankaasi sharci-darro ku joogeen. Warbixintan waxaa magaalada Qaahira nooga soo diray Xuseen Saxnuuni.
from VOA https://ift.tt/2wIG4rJ
via IFTTT
Pompeo oo wada-hadal u jooga Pakistan
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta tagey dalka Pakistan, halkaasi oo wada-hadallo heer sare ah uu kula yeelan doono hogaamiyayaasha dowladda cusub ee dalkaas, xilli xiriirka labada dal uu marayo meeshii u hooseysay.
from VOA https://ift.tt/2wOhbM8
via IFTTT
Pompeo oo socdaal ku jooga Pakistan
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta tagey dalka Pakistan, halkaasi oo wada-hadallo heer sare ah uu kula yeelan doono hogaamiyayaasha dowladda cusub ee dalkaas, xilli xiriirka labada dal uu marayo meeshii u hooseysay.
from VOA https://ift.tt/2wIcAKE
via IFTTT
Tuesday, September 4, 2018
Argentina: Shirka Caafimaadka Afka iyo Ilkaha
Magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina waxaa maanta ka furmaya shir caalami ah oo ku saabsan caafimaadka ilkaha, kaas oo uu soo qaban qaabiyey ururka FDI, isla markaana socon doona ilaa 8da bishan, iyada oo dhakhtar Soomaali ah ay goobjoog ka tahay.
from VOA https://ift.tt/2wKdHth
via IFTTT
Kavanaugh: Garsooruhu ma aha Sharci-dejiye
Kavanaugh ayaa si dulqaad ku jiro u fadhiyey muddo ku dhow toddobo saacadood, isaga oo dhageysanayey Jamhuuriyiinta iyo Dimoqraadiyiinta oo midna taageersan yahay inuu Maxkamadda Sare ku biiro, halka ka kalena uu ka soo horjeedey.
from VOA https://ift.tt/2wNwox3
via IFTTT
Garsoore Kavanaugh oo hortagey Senate-ka
Waxaa goor dhowayd Aqalka Sanatka ee Marykanka ka bilowday dhagaysiga garsoore Brett Kavanaugh oo xilkaasi uu usoo magacaabay madaxweyne Donald Trump.
from VOA https://ift.tt/2Cjh9Bi
via IFTTT
Tababare Mourinho oo wajahaya xabsi
ababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa wajahaya xakun xabsi hal sana ah kadib marki lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay lacago canshuur ahaa oo lagu yeeshay muddadi uu daganaa dalka Spain. Wargeyska El Mundo ee dalka Spain ayaa sheegay in Mourinho uu ogolaaday in lagu xakumo hal sano xarig ah kadib marki ay sidaasi ku heshiiyeen lwoyarada dowlada iyo kuwa matalaya Mourinho. Mourinho ayaanan xabsiga geli doonin, sababoo ah sharciga dalka Spain ayaa qaba in haddii xakunka uu ka yaryahay laba sano uusaan qofka u geli karin xabsi. Waaxda canshuuraha Spain ayaa sheegtay in Mourinho lagu leeyahay canshuur dhan 3.3 milyan oo euro kadib marki uu qariyay dakhliga soo galay inti u dhaxeysay 2011 and 2012. Xiligaas ayuu Mourinho ka tirsanaa kooxda Real Madrid.
from VOA https://ift.tt/2wHbQ8G
via IFTTT
Maamul goboleedyada oo ku shiraya Kismaayo
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka furmay Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2oEeuZ2
via IFTTT
Dhadhaab: Dhibaato haysata ardayda Soomaalida
Wakiilka hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga adduunka ee UNHCR u qaabilsan arrimaha Soomaalida, Maxamed Cabdi Afeey ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhibaato haysata ardeyda Soomaaliyeed iskuuladda sare ka qalin jabisa. Afeey ayaa sheegay in ardaydaas ay badankood ku adag tahay helitaanka waxbarasho jaamacadeed, taasina ay ardayda ku keentay dhibaato saameyn ku yeelatay nolasha ardeyda. Waxaa uu sheegay in dhibaatadan ay ka jirto xeryaha qaxootiyada ee Dhadhaab ee dalka Kenya, oo kumanaan Soomaali ah ay weli ku nool yihiin. Maxamed Cabdi Afeey ayaa xafiiskiisa ugu warramay wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
from VOA https://ift.tt/2PvXLTc
via IFTTT
Jalaluddin Haqqani oo geeriyooday
Ninkii aas-aasay Shabakadda Haqqani, oo ah mid ka mid ah ciidamada ugu dilalka badan, looguna cabsida badan yahay ee kooxda Taliban, ayaa geeriyooday kadib muddo uu xanuunsanaa.
from VOA https://ift.tt/2Ci2ZjU
via IFTTT
Cayaaryahan Saciido Nuur oo geeriyootey
Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Toronto ee dalka Kanada ku geeriyootay mid ka mid ah ciyaaryahanadii ugu horeeyey ee xulka qaranka kubadda koleyga ee gabdhaha Soomaaliya. Saciido Nuur Abuukar oo lagu naaneysi jirey Wariiri, ayaa shalay u dhimatay xanuun ay la il-darreyd. Maxamed Cabdi Sandhere ayaa geerida marxuumadda ka wareyso qaar ka mid ah asxaabteeda oo ilaa yaraantii ay is yaqaaneen.
from VOA https://ift.tt/2wHYWrG
via IFTTT
Monday, September 3, 2018
Siciido Nuur oo ka Mid ahayd Gabdhihi Kubada Koleyga oo Geeriyootey
Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Toronto ee dalka Kanada ku geeriyootay mid ka mid ah ciyaaryahanadii ugu horeeyey ee xulka qaranka kubadda koleyga ee gabdhaha Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2CeiLfB
via IFTTT
United iyo Arsenal oo guulo gaaray
Kooxda Manchester United ayaa iska meyrtay guuldarrooyinki qaraaaraa ee kooxda ku dhacay bishi tagtay kadib marki ay Axadi shalay 2-0 uga badisay naadiga Burnley. Labada goolba waxaa Manchester u saxiixay Romelu Lukaku qeybtii 1-aad ee ciyaarta, laakin United waxay kusii dari kartay gool saddexaad, haddii rigoore loo dhigay uusan qaldi laheyn Paul Pogba. Guushan ayaa qiimo weyn ugu fadhiday macalinka kooxda Jose Mourinho, kaas oo todobaadki lasoo dhaafay oo dilil warbaahinta ciyaaraha ee Ingiriiska hadal hayeen in shaqada laga ceyrin doono. Taasi waxay ka danbeysay ka gadaal marki laba jeer oo isxiga ay Manchester United guuldarrooyin kala kulantay kooxaha Tottenham Hotspur iyo Brighton & Hove Albion. *Waxaa iyaduna uu culeyska kasii yaraanayaa macallinka cusub ee kooxda Arsenal Unai Emery kadib marki ay Arsenal soo xareysay guusheedii labaad ee xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Ingiriiska. Arsenal labadi kulan ee furitaanka horyaalka waa laga wada badiyay. Laakin ciyaarti shalay waxay 3-2 si dirqi ah uga badiyeen kooxda Cardiff. Goolka guusha waxaa dhamaadki ciyaarta u saxiixay Arsenal laacibka reer France Alexandre Lacazette ka hor inta aysan goolasha hore keenin Shkodran Mustafi iyo Pierre-Emerick Aubameyang. Haddii ay Axadii wada badiyeen kooxaha Manchester United iyo Arsenal waxaa guuldarro lama filaan ah ay ku habsatay kooxda Tottenham oo 2-1 ku khasaartay Watford. Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Watford ee Vicarage Road ayaa waxaa goolka la hormartay Tottenham waxana uu ahaa gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Abdoulaye Doucoure oo ka tirsan Watford daqiiqadii 53-aad, laakin kooxdani Watford oo hadda ka mid ah kooxaha wax ka hogaamiyana horyaalka Ingiriiska ayaa ugu jawaabtay laba gool Troy Deeney iyo Jose Holebas. Waa marki ugu horreysay oo ay Watford ka badiso Tottenham tan iyo sannadki 1987. Sidoo kale waa marki koowaad oo ay Watford wada badiso afarta kulan ee ugu horreysa horyaalka Premier League Ingiriiska abid. Hadda waxaa horyaalka Ingiriiska min 12 dhibcood ku wada hogaaminaya kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Watford.
from VOA https://ift.tt/2NGvdpD
via IFTTT
Barcelona oo 8-2 dirtay Huesca
Kooxda Barcelona ayaa xalay 8-2 ugu awood sheegatay kooxda Huesca oo sannadkaan ku cusub ciyaaraha heerka 1-aad ee Spain ee La Liga. Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Nou Camp ee magaalada Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta waxaa si lama filaan ah ula wareegtay Huesca kadib marki uu gool u dhaliyay laacibka u dhashay dalka Colombia ee Cucho Hernandez, laakin Barcelona ayaa ugu jawaabtay sideed gool, min laba waxaa kala dhaliyay Lionel Messi iyo Luiz Suarez, halka goolasha kale ay kala qeybsadeen Ousmane Dembele, Ivan Rakitic iyo Jordi Alba. Ma ahan marki ugu horreysay ee ay Barca ay goolal intaasi la eg ku xaaqdo naadiga Huesca, sannadki 2014-ki ayay ciyaar ka tirsanayd koobka Spain kooxda Barcelona 8-1 ku qabatay Huesca. Sidoo kale Barcelona ayaa guul tan la mid ah bishii April ee sannadki 2016-ki ka gaartay Deportivo La Coruna kadib marki ay ku garaacday 8-0. Ciyaaraha kale, kooxda Real Betis ayaa soo gaba gabeysay 12 sannadood oo ay sugeysay guul ay ka gaarto kooxda ay isku magaalada yihiin ee Sevilla. Labadaan koox ayaa ka wada dhisan magaalada Ishbiiliya ee koofurta dalka Spain. Ciyaarti xalay ayaa waxaa 1-0 ku badisay kooxda Real Betis, waxaana goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahan Joaquin daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta. Kooxda Valnecia ayaa wali baadi goob ugu jirta guusheedii koowaad ee horyaalka xilli ciyaareedkaan, kadib marki ay Axadi barbarro 2-2 ah la gashay kooxda Lavente. Horyaalka Spain ee La liga waxaa isla hogaaminaya Barcelona iyo Real Madrid oo isla leh min 9 dhibcood.
from VOA https://ift.tt/2PYvZzL
via IFTTT
Cilmi-baaris lagu sameeyey duufaantii Sagar
Cilmi-baadhis rasmi ah oo lagu sameeyay khasaarihii ka dhashay duufaantii Sagar ee ku dhufatay deegaanno ka mid ah Somaliland, ayaa lagu sheegay in tirada dhimashadu ahayd 53 qof, halka inta badan ay baaba'een waxsoosaarkii deegaannadaas iyo xoolihii inta badan. Cilmibaadhistan oo ay samaysay Hay'adda u-diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka, ayaa lagu sheegay in khasaarihii ka dhashay duufaantaasi ay keentay baahida 211 Milyan oo Doollar, si dadkii waxyeelladu gaadhay uga soo kabtaan dhibtaasi. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaasi ka waraystay guddoomiyaha hay'addaas Faysal Cali Sheekh Maxamed, waxaanu ugu horrayn waydiiyay cilmibaadhistan wixii ka soo baxay.
from VOA https://ift.tt/2CkyGc2
via IFTTT
Maxaa laga filayaa shirka Kismaayo?
Waxaa xilligan Kismayao soo gaadhay dhammaan hoggaamiyayaasha maamullada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyadoo Jubbaland marti loo yahay.
from VOA https://ift.tt/2Q0ygdG
via IFTTT
Berbera: Ajaaniib xukun lagu riday
Maxkamadda degmada Berbera ayaa xukun ku ridday afar qof oo ka mid ah lix qof oo u xidhnaa eedo la xidhiidha ugaadhsi sharci-darro ah.
from VOA https://ift.tt/2CffDQG
via IFTTT
Heerka dhimasho ee tahriibayaasha Yurub oo kordhay
Tirade muhaajiriinta imanaya qaaradda Yurub ayaa hoos u dhacday, hase yeeshee heerka dhimashada ayaa si aad ah sare ugu kacay, sida lagu sheegay warbixin ay maanta soo saartay hay'adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.
from VOA https://ift.tt/2Q60XWW
via IFTTT
Maraykanka oo dhimaya ciidankiisa Afrika
Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kumandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika.
from VOA https://ift.tt/2Q1s5GA
via IFTTT
Weriyayaal lagu xukumay Myanmar
Laba wariye oo ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu xakumay min 7 sano oo xarig ah gudaha dalka Myanmar, kaddib marki lagu eedeeyay in ay ku xadgubeen qawaaniinta sirta dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2PzmEh3
via IFTTT
Sunday, September 2, 2018
Maraykanka oo Dhimaya Ciidankiisa Afrika
Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kamandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.
from VOA https://ift.tt/2PuBe9c
via IFTTT
Warbixin: Doorashooyinka Sweden
Doorashadan ayaa ka duwan marka la bar bardhigo doorashooyinkii hore u dhici jiray, iyadoo ay siyaasiyiinta aaminsan fikradaha midigta fog ee ka soo hor jeeda qaxootiga iyo dadka soo-galootiga ah
from VOA https://ift.tt/2Nc7uAv
via IFTTT
Faah-faahin Kasoo Baxday Qaraxi Muqdisho
Faah-faahin ayaa kasoo baxday qarax xoogan oo maanta lagu weeraray xarunta maamulka degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2PWzIxT
via IFTTT
Soomaaliya: Ilaa 1.5 Milyan oo Qof ayaa u Baahan Gargaar
Hay'adda Qaramada u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee loo soo gaabiyo FAO ayaa sheegtay in ay jiraan dad gaaraya 1.5 milliyan oo qof oo u baahan gar gaar bani'aadanimo guud ahaan Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2CmuCIH
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah todobaadkaan, wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan.
from VOA https://ift.tt/2wBq63A
via IFTTT
Mareykanka oo jaraya Kaalmadi uu Sii Jiray Pakistan
Dowladda Mareykanka ayaa jareysa 300 oo milyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay gargaar ahaan u sii jirtay Pakistan, kaddib marki uu maamulka madaxweyne Trump sheegay in Islamabad ay ku guuldarreysatay in ay tallaabo adag ka qaaddo maleeshiyaadka mintidka ah.
from VOA https://ift.tt/2MLkzl6
via IFTTT
Gudoomiyaha Sh/hoose oo Ka Hadlay Weerarki Afgooye
Maamulka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay weerar ay Al Shabaab todobaadki hore ku qaadeen magaalada Afgooye.
from VOA https://ift.tt/2NM6Kz2
via IFTTT
Qarrax Khasaaro Geystay oo Muqdisho ka Dhacay
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib marki uu qof ismiidaamiyay uu gaari walxaha qarxa ay ka buuxeen ku weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2Cm1Tnl
via IFTTT
Saturday, September 1, 2018
Doorashada Sweden iyo Dareenka Soomaalida Dalkaas
Sweden waxaa ka socda doorashooyinkii guud ee dalkaasi, waxaana muslimiinta iyo ajaanibka ku dhaqan dalkaasi ay ka walaacsan yihiin inay soo baxaan xisbiyada garabka midig ee neceb soo galootiga.
from VOA https://ift.tt/2NFieVe
via IFTTT
Barnaamijka Martida: Barni Nur
Dhageyso Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa todobaadkan marti ku ah Barni Nur oo ka mid ah musharraxiinta Soomaalida ah ee u tartamaya doorashada Baarlamaanka Sweden.
from VOA https://ift.tt/2PunHPf
via IFTTT
Liverpool iyo Chelsea oo marki 4-aad Badiyay
Kooxda Liverpool ayaa galabta soo xareysay guusheedii afraad oo xiriir ah oo ay ka gaartay horyaalka Premier League Ingiriiska xilli ciyaareedkan cusub, kadib marki ay 2-1 ugu awood sheegatay Leicester City.
from VOA https://ift.tt/2wxa5vo
via IFTTT
Milan oo Garaacday Roma
Kooxda AC Milan ayaa guusheedi ugu horreysay ka gaartay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Talyaaniga, kadib marki ay xalay 2-1 uga badisay kooxda AS Roma.
from VOA https://ift.tt/2NDMorP
via IFTTT
Shirmadaxeedka Somalia iyo China
Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa ku suggan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo dalkaasi u tagay inay ka qeyb galaan shirka iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo halkaasi ka bilaabmaya sadexda bishan.
from VOA https://ift.tt/2MJHQ6P
via IFTTT
Doorashooyinka ka Socda Sweden
Qaar ka mid ah kuraasta baarlamaanka iyo tan golayaasha deegaanka waxaa dadka u tartamaya ku jira musharrixiin Soomaali ah.
from VOA https://ift.tt/2wxM9r2
via IFTTT
Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa qubanayaan kala duwan oo dhinaca siyaasadda ah, waxaano inoo soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2wCO6Cn
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2PszXQg
via IFTTT