Dawladda Kenya ayaa amartay in la xiro goobaha cibaadada ee dadka badan ay iskugu yimaadaan, si loo yareeyo fiditaanka xanuunka Coronavirus. Goobahaas waxaa ku jira kaniisadaha iyo maaajiddada iyo meelaha kale ee dadku iskugu yimaadaan, sida lagu sheegay amarka kasoo baxay dowladda. Kenya ayaa diiwaangelisay 15 xaaladood oo ah cudurka Coronavirus, waxaana laga cabsi qabaa inay kordhaan dad uu ku dhacay xanuunkan. Weriyaha VOA Intisaar Saalax Xuseen ayaa warbixintan nooga soo dirtay Nairobi.
from VOA https://ift.tt/2J5sCoC
via IFTTT
Monday, March 23, 2020
Kenya oo amartay in la xiro goobaha cibaadada
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment