Monday, June 22, 2020

Xiisadda xuduudda Hiiraan iyo Itoobiya oo laga shiray

Degmada Feerfeer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa kulan ku yeeshay mas'uuluyiin ka kala socda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Maamulka HirShabelle. Dhinacyadan ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dejinta colaado maalmihii dhowaa ka dhacay xuduudda labada dal. Guddoomiyasha Goballada Shabeelle iyo Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Aadan Axmed Sooyaan ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiinta ka qaybgashay kulankan. Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.    

from VOA https://ift.tt/2BwdM9U
via IFTTT

No comments:

Post a Comment