Saturday, September 30, 2017

Tillerson: Kuuriyada Waqooyi Wadahadal Ayaan La Yeelanay

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay si toos ah wadahadal ula yeelatay dawladda Kuuriyada Waqooyi, wadahadalkan ayaa ku saabsanaa arrimaha nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, hase ahaatee dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato mid aan dank a lahayn wadahadalka.

from VOA http://ift.tt/2wrfXUP
via IFTTT

Martida: Xildh. Cabdullaahi Y. Xasan (Alankey)

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey) oo ka mid xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Gedo, waxaana uu ka jawaabayaa duqeymaha dhibta geysta ee ka dhaca deegaanadaas.

from VOA http://ift.tt/2yeZGqM
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad kaga boganeysaan sheekooyin xiiso leh iyo heeso aad u macaan.

from VOA http://ift.tt/2yPz7oW
via IFTTT

Doodda Maalgashiga Imaaraadka ee Dekedaha Somalia

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa walaac ka muujiyey qorshaha maalgelinta dekedaha Soomaaliya ee Imaaraadku horkacayo, iyada oo qaarkood ay saxeexeen mooshin arrintaas ka dhan ah.

from VOA http://ift.tt/2yA9gRa
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa idinla socodsiinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daaduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA http://ift.tt/2k9nztD
via IFTTT

Muqdisho: Turkiga oo Furay Saldhig Ciidan

Saldhiggan oo ku fadhiya dhul baaxadiisu dhantahay afar KM oo isku wareeg ah, waa ka ugu weyn ee Turkiga dibaddiisa ku yaala, waxaana ku dhex yaalla sadex dhismo oo ay ciidamadu deggan yihiin iyo xarumo tababar.

from VOA http://ift.tt/2x46Deb
via IFTTT

Friday, September 29, 2017

Spain: Catalonia Kama Jiri Doonto Afti.

Dowlada Spain ayaa sheegtay inaysan jiri doonin wax afti madaxbanaani ah oo ka dhaceysa gobolka Catalonia Axada, xilli maamula gobolkaasi uu sii wado diyaar-garoowga loogu jiro codbixinta aftida.

from VOA http://ift.tt/2hCjE7K
via IFTTT

Chelsea-Man City Yaa Badin Doona?

Galabnimada Sabtida iyo habeenkeedaba waxaa dhici doona kulamo xiisa leh oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Ciyaarta isha lagu hayo ayaa ah tan fiidkii dhex mari doonta kooxaha Chelsea iyo Manchester City.

from VOA http://ift.tt/2xMBxGC
via IFTTT

Shevchenko oo Ka Hadlay Kulanka Milan-Roma

Halyeeygii hore ee kooxda AC Milan Andriy Shevchenko ayaa sheegay in kulanka adag ee Axada dhexmari doona kooxaha Milan iyo Roma uu yahay kulan ka muuhimsan saddexda dhibcood ee loo tartamayo.

from VOA http://ift.tt/2xINYkU
via IFTTT

Montpellier oo taakeeysay Monaco

Kooxda Montpellier ayaa u diiday kooxda Monaco fursad ay ku qaban laheyd hogaanka horyaalka dalka France ee Leage 1, kadib marki ay ku celisay bareejo 1-1 ah.

from VOA http://ift.tt/2x3j8lo
via IFTTT

Mourinho: Pogba Muddo Dheer Ayuu Maqnaanaya

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegey in Paul Pogba  uu muddo dheer ciyaaraha ka maqnaan doona, sababtoo ah dhaawaca soo gaarey darteed.

from VOA http://ift.tt/2wnPuaR
via IFTTT

Taabid: AMISOM raaligelin ayey Bixiyeen

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay raaligelin ka bixiyeen, dhacdo baraha bushada maalmihii la soo dhaafay si weyn u qabsatay oo muujineysa gaari ka mid ah kuwa qafilan ee ciidamada Amisom oo jiiraya gaari qof rayid ah uu watay.

from VOA http://ift.tt/2xGrSQ5
via IFTTT

Taliyaha Ciidamada Turkiga oo Muqdisho Tagey

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2xLmihj
via IFTTT

Faaqidaadda: Federaal ma ka Habboon yahay Soomaaliya?

Barnaamijka faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay arrimaha federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya. Waxaan si gaar ah ugu faaqideynaa su'aasha ah, federaalka ma ku habboon yahay Soomaaliya waqtigan? Waxaa soo jeedinaya Jacfar Kuukaay.  

from VOA http://ift.tt/2fy8WLa
via IFTTT

Thursday, September 28, 2017

Mendy oo Dhaawacmay 

Laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Manchester City Benjamin Mendy ayaa la sheegay inuu ka dhaawacmay kala-goyska jilibka midig.

from VOA http://ift.tt/2x0hvcI
via IFTTT

Al-Shabaab oo Weeraray Barriirre

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellasda Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Bariirre.

from VOA http://ift.tt/2hBr6Qt
via IFTTT

Erdogan Iyo Putin oo Heshiis Ka Gaaray Colaada Suuriya

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku heshiiyay in la riixo abuuritaanka zoon ka caagan xasaradaha oo laga hirgelinayo gobolka muhiimka ah ee Idlib ee waqooyiga Suuriya.

from VOA http://ift.tt/2yx454D
via IFTTT

Faah-faahinta Kulamadi Xalaly ee Europa League

Waxaa xalay dhacay kulamo ka tirsan koobka Europa League ee Qaarada Yurub. Kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska oo 20 sano kadib sanadkaan ka qeybgaleysa tartanka labaad ee Yurub ayaa xalay mar kale guul ka keentay koobkan, kadib marki ay 4-2 ku garaacday kooxda Bate Borisov ee dalka Belarusia.

from VOA http://ift.tt/2x1rZ72
via IFTTT

Bayern Munich oo Ceyrisay Carlo Ancelotti

Kooxda horyaalka Jarmalka difaacaneysa ee Bayern Munich , ayaa ceyrisay tababarahoodii, Carlo Ancelotti, Khamiista, maalin uun ka dib markii ay guul darro 3-0 ay kala kulmeen kooxda Paris St Germain, kulan ka tirsanaa Champions League.

from VOA http://ift.tt/2fC6Cqi
via IFTTT

7 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan todoba qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 10 kalena wey ku dhaawacmeen qarax gabal dhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2xIZazS
via IFTTT

Dadaallo laga dhex-waday Galmudug oo guul darreystay

Xidlhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamanka ee Soomaaliya oo dadaal dhex dhexaadin ah ka dhex waday madaxda maamulka Galmudug ee khilaafku ka dhex ooganyahay ayaa sheegay in dadaalkoodu uu guul dareystay.

from VOA http://ift.tt/2fCgQXu
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Ku soo dhawaada dhageystayaal kuna soo dhawaada Xubinta Ciyaaraha. Jamaal Axmed Cismaan ayaa la diyaar ah.

from VOA http://ift.tt/2fBWA8L
via IFTTT

Horumar laga sameeyey xuquuqda aadanaha Soomaaliya

Warbixin loo gudbiyay Golaha Xuquuql Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in horumar muuqda laga sameeyay xaaladda Xuquuqul Aadanaha ee Soomaaliya. Si kastaba, waxey warbixintu dhinaca kale xustay inay weli jiraan caqabado waa weeyn oo horyaalla in horumarkaasi uu horey u sii socdo. Gaar ahaan colaado, abaaro, iyo saboolnimo isbiirsaday. Wariyaha VOA-da Lisa Schlein ayaa warbixintan ka soo dirtay Magaalada Geneva, waxaa soo jeedinaya Ismaaciil Xuseen Farjar.  

from VOA http://ift.tt/2yvoA1o
via IFTTT

Dad waday falal amni darro oo Muqdisho lagu qabtay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo bandhigay rag ciidamada Booliska ay soo qabteen, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen warqado cabsi gelin ah oo Muqdisho lagu daadiyay, iyo madbacado ka caawiya Al-Shabaab daabicsta fariimaha iyo dukumintiyada been abuurka ah. Wariyeheenna Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan goor dhow inoo soo dirtay.    

from VOA http://ift.tt/2fTU0Yp
via IFTTT

Jaalle: Dowladda kaliya ayaa joojin karta duulimaad

Hay'adda duulista hawada ee dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaliya ay awood u leedahay go'aan ka gaarista arrimaha duulimaad dalka.

from VOA http://ift.tt/2xIquy7
via IFTTT

Xaaf oo joojiyey duulimaadyadii Galmudug

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa laga bilaabo maanta illaa amar dambe lagu joojiyay duulimaadyadii Galmudug.

from VOA http://ift.tt/2xIcogl
via IFTTT

Trump oo ammaanay qorshaha isbeddelka canshuurta Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qorshaha isbeddelka loogu sameynayo canshuurta Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga ay soo bandhigeen uu yahay naxariis u timid dadka dabaqadda dhexe.

from VOA http://ift.tt/2wlxI8b
via IFTTT

Wednesday, September 27, 2017

Dowladda oo Ka Hadashay Khilaafka Kala Dhaxeeya Maamul Goboleedyada

Dowladda Somalia ayaa ka hadashay xiisadda kala dhaxeysa maamul-goboleedyada Somaliya ee ka dhalatay arrimaha khaliijka.

from VOA http://ift.tt/2xBOJw9
via IFTTT

QM oo Wafdi u Direysa Myanmar

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Khamiista maanta ah ay wafdi heer sare ah u direyso gobolka Rakhine ee dalka Myanmar si gargaar bani,aadannimo loo gaarsiiyo dadka ay colaaduhu saameeyeen ee ku harsan gobolka.

from VOA http://ift.tt/2yaLLlF
via IFTTT

O.J. Simpson oo Lasoo deynayo

O.J. Simpson oo ahaan jiray ciyaartooy kubadda cakta Mareykanka iyo jilaa caan ah ayaa xabsiga laga soo deyn doonaa todobaadka soo socda kadib muddo sagaal sana ah oo uu xirnaa.

from VOA http://ift.tt/2xGME3H
via IFTTT

Ciyaarihi xalay ee Koobka Kooxaha Yurub

Waxaa xalay dhacay kulamo kale oo xiisa leh oo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub, iyadoo kooxaha waaweyn intooda badani ay guuleesteen.

from VOA http://ift.tt/2frP38B
via IFTTT

Varane oo Qanadaraas Cusub Saxiixay

Laacibka daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa saxiixay qandaraas kordhin cusub oo uu kooxdiisa kula sii jaagayo ilaa sanadka 2022-ka.

from VOA http://ift.tt/2fri5Fr
via IFTTT

Warbixin Ka Hadlaysa Nolosha Magaalada New York

Magaalada New York waa magaalada ugu dadka badan Maraykanka waxa ku nool dad ka badan sideed million iyo badh, waa magalada ganacsiga aduunka oo dhan ku salaysan yahayisla markaana uu ku yaalo suuqa safirka lacagaha aduunku ku xidhan yahay.

from VOA http://ift.tt/2wkukdz
via IFTTT

Madaxda maamul goboleedyada oo eedeeyey dowladda dhexe

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku eedeeyeen in dowladda Soomaaliya inay faragalin ku heyso maamul goboleedyada.

from VOA http://ift.tt/2hy90it
via IFTTT

Spartak Moscow oo La Eedeeyey

Kooxda hor-yaalka dalka Ruushka ku guuleystay ee Spartak Moscow, ayaa lagu soo oogey dambi la xiriira inay tageerayaasheeda ay soo bandhigeen qoraallo ay calaamado ay ku qoran yihiin erayo aan wanaagsaneyn

from VOA http://ift.tt/2hzmE4Z
via IFTTT

FA oo Eedeyey West Ham United iyo Tottenham Hotspu

West Ham United iyo Tottenham Hotspur, ayaa lagu heley eedeymo la xiriira in ay xakameyn waayeen ciyaartooydooda intii ay socotey kulankii derbiga ahaa ee Sabtidii, sida ay maanta oo Arbaco ah shaacisay FA-da.

from VOA http://ift.tt/2wWRGWg
via IFTTT

Faahfaahin ku saabsan duqeyntii deegaanka Taraka

Sidii aad ku maqasheen idaacaddeennii shalay, duqayn ayaa ka dhacday deegaanka Taraka oo galbeedka ka xiga magaalada Baardheere, ee gobolka Gedo. Waxaa duqqayntaais ku dhintay ugu yaraan hal qof afar kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka deegaanka ayaa duqyanta ku eedeeyey diyaaradaha ciidamada Kenya, waxayna dhacday waxyar kadib markii ciidamada Kenya ay ka baxeen deegaanka Taraka. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa xaaladda dadka waxyeelladu soo gaadhay oo la keenay Baardheere ka waraystay Dr. Sharmarke Nuur oo ka hawlgala cisbitaalka Baardheere.    

from VOA http://ift.tt/2hyPmz2
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 390

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 390-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.      

from VOA http://ift.tt/2wk3J0k
via IFTTT

Xoghayihii ururka haweenka oo Muqdisho lagu dilay

Koox hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa toogasho ku dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi  iyo Axmed Xaashi Xirse oo ay dhashay Batuulo Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, sida ay VOA u sheegeen goobjoogayaal.

from VOA http://ift.tt/2k1GA1a
via IFTTT

Xildhibaano xal raadis ah oo tagey Cadaado

Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaareen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, oo isku dayaya inay xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed. Maalintii shalay ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug waxay sheegeen inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaase arrintaais gaashaanka ku dhuftay taageerayaasha madaxweynaha maamulkaasi. Xildhibaannada maanta tagay Cadaado ayaa la kulmay dhinacyada ku kala aragti duwan siyaasadda ee isku haya maamulka Galmudug. Khilaafka maamulka Galmudug ayaa kasoo billowday kadib markii xubnaha maamulka ugu sarreeya iyo xildhibaanada ay isku khilaafeen mowqifka maamulka uu ka qaatay xiisadda dalalka khaliijka.  

from VOA http://ift.tt/2y8p6Gm
via IFTTT

Mattis: Mareykanka kama tanaasuli doono Afghanistan

Booqasho uu maanta ku tagey magaalada Kabul, ayaa xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis wuxuu ka sheegay in Mareykanka uusan gacmaha ka taagan doonin dagaalka Afghanistan.

from VOA http://ift.tt/2wWgHAU
via IFTTT

Tuesday, September 26, 2017

Kulan Dhexmaray Raiisal Wasaaraha iyo Senator Franken

Senetor Al Franken oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka isla markaana laga soo doorto gobolke Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa Washington DC kula kulmay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

from VOA http://ift.tt/2y7gSyb
via IFTTT

Warbixin: Xiisadda Galmudug iyo Jawaabta Xukuumadda

Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee fadhiisinka u ah maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi inay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

from VOA http://ift.tt/2wV7cSC
via IFTTT

Masjid ku yaalla Sweden oo la gubay

Masjid ku yaalla magaalada Orebro ee dalka Sweden ayaa la gubay, iyada oo wax khasaare nafeed ah aan ilaa hadda la soo sheegin.

from VOA http://ift.tt/2xuE20J
via IFTTT

Neymar iyo Di Maria oo Lagu Darey Liiska Ka Hor Tagi Doona Bayern Munich

Neymar ayaa lagu daray ciyaartooyda Paris St Germain ee Arbacada la dheeli doona kulan katirsan Champions League  kooxda Bayern Munich, kadib markii uu ka soo kabtay dhaawac cagta ah, sida uu sheegey tababare Unai Emery, Talaadada maanta.

from VOA http://ift.tt/2fPapxb
via IFTTT

Mourinho: Maqnaashiyaha Ciyaartooyda Nama Saameyn Doonto

Ka maqnaashiyaha ciyaar-yahanno muhiim u ah kooxda Manchester United, ayaanan saameyn ku yeelan doonin kulanka Champions League ee ay naadigaasi la dheeli doonto kooxda CSKA Moscow, sida uu sheegey tababare Jose Mourinho.

from VOA http://ift.tt/2yFznqu
via IFTTT

Puntland: Odayaal ka horyimid heshiiska DP World

Odayaal dhaqameedyo ka badan 70 xubnood oo ay ku jiraan siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay gobolka Bari, ayaa waxey maanta shir jaraa'id ku qabteen Boosaaso iyagoo sheegay in heshiiska ay ka soo horjeedaan, danna aysan ugu jirin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2fMsyvx
via IFTTT

Warbixin: Farogelinta shisheeye ee Soomaaliya

Xubno baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa shalay u gudbiyay guddoonka sare ee baarlamaanka mowshin ka dhan ah Imaaraadka Carabta. Waxay xubnahaasi Imaaraadka ku eedeynayeen iska horkeenidda dawlada federaalka iyo mamaul goboleedyada, inay maamullada la saxiixdeen heshiisyo istiraatiiji ah oo ku xadgubayada midnimada iyo madaxbannaanida waddanka, iyo inay samaysteen islamarkaana hubeeyeen maleeshiyo u gaar ah. Kaliya ma ahan Imaaradka dowladaha faragalinta ku haya Soomaaliya. Wariyaheenna Jamaal Axmed Cismaan, ayaa warbixin arrintaas ku saabsan inoo diyaariyay, halkanna ka soo jeedinaya.  

from VOA http://ift.tt/2xv4fN3
via IFTTT

Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta socdaal ugu baxay dalka boqortooyada Sucuudiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2hwzcWL
via IFTTT

Saddex qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Daanta Galbeed

Qof Falastiini ah oo weerar soo qaaday ayaa maanta xabado ku furay halka la galo deegaan Yahuuda ay ka sameysteen duleedka magaalda Jerusalem, halkaasi oo uu ku dilay saddex nin oo Yahuud ah, islamarkaana si darran ugu dhaawacay qof afaraad, sida ay sheegeen booliiska iyo kooxaha caafimaadka Israel.

from VOA http://ift.tt/2xuuvqw
via IFTTT

Monday, September 25, 2017

RW Kheyre oo La Hadlay Soomaalida Mareykanka

Ra'iuslwasaara Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay gobolka Virginia kula kulmay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2whnq9e
via IFTTT

Aqalka Cad: Dagaal Kuma Nihin K.Waqooyi

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in aysan dagaal kula jirin xukumadda Pyongyang ee Kuuriyada Waqooyi.

from VOA http://ift.tt/2hvF2rB
via IFTTT

Dimoqraadiga oo Riixaya Badbaadaba Carruurta DACA

Mudanayaasha Aqalka Congress-ka Mareykanka u matala xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo xaliyo kiiska 8 boqol oo kun oo ruux oo iyaga carruur ah si sharci darra ah lagu keenay Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2htNHi1
via IFTTT

Faah-faahinta Kulamada Caawa ee Koobka Yurub

Waxaa caawa lagu wadaa in ay dhacaan kulamo ka tirsan wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Uefa Champions League.

from VOA http://ift.tt/2y4Nk4f
via IFTTT

Markel oo Mar Kale Guuleysatay

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa marki afraad loo doortay xafiiska, kadib marki xisbigeeda Christian Democrats uu ku guuleystay doorashadi federaaliga aheyd ee Axadi shalay ka dhacday dalkaasi.

from VOA http://ift.tt/2xH1wzw
via IFTTT

Arsenal oo Garaacday West Brom

Kooxda Arsenal ahyaa heshay guusheedii saddexaad ee ay ku badineyso gurigeeda Alexandre Emirates Stadium xilli ciyaareedkan, kadib marki ay xalay 2-0 ugu awood sheegatay West Brom, their third win in a row at Emirates Stadium.

from VOA http://ift.tt/2wPHsfk
via IFTTT

Maamulaha Juventus oo Sanad La Ganaaxay

Gudoomiyaha kooxda Juventus Andrea Agnelli ayaa guud ahaan ciyaaraha laga joojiyay muddo sanad ah kadib marki lagu eedeeyay inuu tikdhada lagu daawado ciyaaraha ka iibiyay koox ka tirsan taageerayaasha Juventus balse lala xiriiryay inay ka tirsanyihiin burcadda maafiyada.

from VOA http://ift.tt/2xByfG6
via IFTTT

Suso oo Qandaraas Cusub Saxiixay 

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in laacibka weerarka uga ciyaara ee Suso uu saxiixay qandaraas cusub oo uu kooxda kula sii joogi doono ilaa sanadka 2022.

from VOA http://ift.tt/2wSIgej
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Ku soo dhawaada dhageystayaal xubinta Ciyaaraha, waxana ku soo qaadaneynaa kulamadii dhacay ee horyaallada kala gaddisan ee Yurub iyo sidoo kale kulamada Champions League ee beri dhici doona. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo diyaariyay

from VOA http://ift.tt/2yBVnCU
via IFTTT

Mourinho oo Ka Bad-baaday Ganaax

Macallinka kooxda Manchester United Jose Mourinho, ayaa ka bad baaday in uu ganaax kale kala kulmo FA-da Ingriiska, kadib markii dibadda looga saaray ciyaartii ay kooxdiisa gool iyo waxba kaga adkaatay kooxda Southampton Sabtidii.

from VOA http://ift.tt/2wNxLhj
via IFTTT

Arkadiusz Milik oo Afar Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona

Weerar-yahanka kooxda Napoli, Arkadiusz Milik, ayaa muddo afar bilood ah ka maqnaan doona garoomada ciyaaraha, kadib markii qalliin jilibka loogu sameeyay Isniinta maanta.

from VOA http://ift.tt/2yBkvtt
via IFTTT

Xildhibaanno Gudbiyay Mowshin Ka Dhan ah Imaaraadka Carabta

Warar ku dhow guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijinaya inuu soo gaaray mooshin ay saxiixeen qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka oo cambaaraynaya faragelin ay sheegeen in dalka Imaaraadka Carabta uu ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2htGZF9
via IFTTT

Caruur Lagala Soo Qaxay Shabaab oo Baydhabo Tagay

Tobannaan carruur ah ayaa la sheegay inay gaareen magaalada Baydhaba iyaga oo kasoo cararaya ururka Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2htu9KI
via IFTTT

Mac-hadka Barashada Culuumta Badda oo Dib Loo Furayo

Hay'adda cilmi-baarista badaha Soomaaliya ayaa bur burkii dowaldda dhexe ka dib waxa ay dib u daah fureesaa mac-hadkii barashada culuumta badda.

from VOA http://ift.tt/2jYta5I
via IFTTT

Sunday, September 24, 2017

Trump oo Ballaariyay Amarki uu Mareykanka Uga Mamnuucay Dalal ay Soomaaliya Ku Jirto

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan.

from VOA http://ift.tt/2wQiEie
via IFTTT

AC Milan oo Mar Kale Khasaartay

Kooxda sanadkaan kharashka badan la geliyay ee AC Milan ayaa jab kala soo laabatay magaala xeebeedka Genoa kadib marki ay 2-0 ku lumisay kooxda Sampdoria oo ay marti u aheyd, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Talyaaniga.

from VOA http://ift.tt/2xyZNfn
via IFTTT

Imisa Ayuu Neymar Saacaddiiba Qaataa

Website-ka kashifa wararka qarsoon ee dhinaca ciyaaraha kubadda cakta ee Football Leaks ayaa ku warramay in xidiga ugu qaalisan kubadda cakta aduunka xilligaan ee Neymar uu ka mushaar yar yahay Carlos Tevez.

from VOA http://ift.tt/2wQjknN
via IFTTT

Ozil oo Ku Wajahan Manchester United 

Sida ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada dhinaca ciyaaraha ee dalka Ingiriisja, laacibka kooxda Arsenal iyo xulka Jarmalka Mesut Ozil ayaa lagu wadaa inuu isaga tago kooxdani ka dhisan London marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

from VOA http://ift.tt/2xyQ3Bu
via IFTTT

Sarkaal Ciidan Oo Muqdisho Lagu Dilay

Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka lagu dilay degmada Waaberi.

from VOA http://ift.tt/2xCMef0
via IFTTT

Hargeysa: Dab ay ku Dhinteen 4 Caruur ah

Afar caruur ah ayaa geeriyooday, hooyadoodna waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii gurigii ay degganaayeen oo magaalada Hargeysa ku yaalla uu dab qabsaday. Dhibaatadan ayaa la sheegay inay timi ka dib markii uu gubashada gurigooda sababay shoodh ka dhashay korontada guriga ku jirta.

from VOA http://ift.tt/2fptfhl
via IFTTT

Muqdisho: Dhismayaasha Cusub

In kasta oo magaalada Muqdisho ay la kulanto qaraxyo iyo weeraro ka yimaadda kooxaha dawladda ka soo horjeeda, haddana waxaa jira horumar dhinaca dhismayaasha iyo nolosha ah oo magaalada ka socda.

from VOA http://ift.tt/2ymajnE
via IFTTT

Dhulgariir ka Dhacay Kuuriyada Woqooyi

Dhulgariir kooban ayaa ka dhacay dalka Kuuriyada Woqooyi, meel u dhow goob lagu tijaabiyo hubka Nukliyeerka, waxaana loo malaynayaa in arrintani ay tahay mid si dabiici ah isaga dhacday ee aanay la xidhiidhin tijaabo dhinaca hubka Nukliyeerka ah, sida ay sheegeen dalalka la deriska ah.

from VOA http://ift.tt/2xsr41e
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah afar hablood oo ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Somalia, waxayna ka jawaabayaan su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA

from VOA http://ift.tt/2yzyboU
via IFTTT

Saturday, September 23, 2017

Diyaaraha Maraykanka oo Dulmaray meel Dhow K. Waqooyi

Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee Maraykanka ayaa u dhawaaday oo dulmaray meel u dhow xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

from VOA http://ift.tt/2fpaMll
via IFTTT

Falanqeyn: Nuxurka Khudbaddii Kheyre

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shalay khudbad ku dhawaad 18 daqiiqo socotay ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

from VOA http://ift.tt/2yy78tN
via IFTTT

Hub Lagu Qabtay Puntland

Ciidamada Badda Puntland ayaa saaka waabarigii meel magaalada Boosaaso u jirta 9 Km oo lagu magacaabo Mareero ka soo qabtay saxiimad yar oo uu ku raran yahay hub kala duwan.

from VOA http://ift.tt/2wJfD8r
via IFTTT

Somaliland: Dumarka iyo Kaalinta Siyaasadda

Haweenka Somaliland ayaa inta badan ku dooda in ay golayaasha siyaasadda ay ka Maqan yihiin, iyadoo 164-ka mudane ee Baarlamaanka ay gabadh kali ahi ku jirto.

from VOA http://ift.tt/2wO1WQA
via IFTTT

Dadka Naafada ah oo ku Kulmay Ethiopia

Waxaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia lagu soo gaba gabeeyay kulan ay 10-kii sanaba mar isugu yimaadaan naafada dalalka ku jira Midowga Africa.

from VOA http://ift.tt/2wJmaQs
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Adam (Cuud)

from VOA http://ift.tt/2ywStiB
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka ee maanta waxaa ku jira qoddobo ay ka mid yihiin isku dhacyadii dhawaan ka dhacay maamulka goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ee Ethiopia, iyo waliba doorashada Kenya ee uu dib-u-dhacu ku yimid.

from VOA http://ift.tt/2folRTG
via IFTTT

Shiinaha oo Xaddidaya Batroolkii uu u Dhoofin Jirey K.Waqooyi

Shiinaha, ayaa sheegtay Sabtida maanta inay xaddidi doonto batroolka ay u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu hoggaansanto cuna qabateyntii golaha ammaanka ee QM ay ku soo rogeen Kuuriyada Waqooyi.

from VOA http://ift.tt/2hqjNaO
via IFTTT

Friday, September 22, 2017

Ra'isulwasaare Kheyrre oo Ka Khudbeeyay Shirka Golaha Guud ee QM

Ra'isulwasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shalay galab xilliga Mareykanka ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaalada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2xpkl8d
via IFTTT

Fatahaado Ka Bilowday Peurto Rico

Saraakiisha maamulka Puerto Rico ayaa ka bilaabay qeybta galbeed ee jaziirada daad gureyn ay dadka uga daadgureynayaan basas, kadib marki ay khubarada saadaasha hawada ka digeen halis kasoo socota biya xireen weyn oo bilaabay fatahaad.

from VOA http://ift.tt/2fhM96c
via IFTTT

Bayern Munich oo Badinwayday 

Kooxda ugu guulaha badan horyaalka Jarmalka ee Bundesliga Bayern Munich ayaa iyada oo gurigeeda ku ciyaaraysay ka badin wayday naadiga Wolfsburg oo ay ku kala baxeen bareejo 2-2 ah.

from VOA http://ift.tt/2xYR0oq
via IFTTT

Monaco oo Dul Istaagtay PSG

Laba kulan oo ka tirsan horyaalka dalka France ee Ligue 1 ayaa xalay dhacay, iyadoo kooxda difaacanaysa horyaalnimada ee Monaco ay guul weyn soo hooysay.

from VOA http://ift.tt/2wckwT9
via IFTTT

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaan ku eegeynaa, saameynta colaadda calalka Khaliijka iyo ciyaasadda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2wc1w7e
via IFTTT

K.Waqooyi oo Ku Hanjabtay Tijaabinta Gantaal Kale

Kuuriyada Waqooyi ayaa muujisay inay maanta oo Jimcaha ku tijaabin doonto gantaal kale oo hydrogen bom ah badda Basifika.

from VOA http://ift.tt/2yuRVd2
via IFTTT

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Baladweyne Gaaray

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne tan iyo intii xilkaasi loo doortay maalintii Sabtidii.

from VOA http://ift.tt/2yujbs8
via IFTTT

Thursday, September 21, 2017

Madaxweynaha Hirshabelle oo Gaaray Beledweyn

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne tan iyo intii xilkaasi loo doortay maalintii Sabtidii.

from VOA http://ift.tt/2wEanCI
via IFTTT

Gundogan oo Mar Kale Dhaawacmay

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City Ilkay Gundogan ayaa garoomada ka maqnaan doono muddo todobaadya ah kadib marki uu jilibka ka dhaawacmay Arbacadi.

from VOA http://ift.tt/2fE9QX5
via IFTTT

Costa oo Ku Laabanaya Atletico Madrid 

Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Spain Diego Costa ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo aadan dib ugu biiro kooxdiisii hore ee Atletico Madrid kadib marki ay labada koox arrinta laacibkani heshiis ka gaareen.

from VOA http://ift.tt/2wKiskw
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Ku soo dhawaada xubinta ciyaaraha, oo qodobbada aad ku maqli doontaan ay ka mid yihiin kulama xiiso badan oo dhacay xalay illaa shalay gelinkii dambe. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo jeednaya.

from VOA http://ift.tt/2hjNPAs
via IFTTT

Masuuliyiinta Galmudug oo ka Horyimi Go'aankii Madaxweynahooda

Waxaa shir jaraa'id ku qabtay Cadaado, Kusimaha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad, WAXAYNA KU GACAN SAYDHEEN go'aanka uu qaatay Madaxweynaha Galmudug ee uu ku taageeray isbahaysiga Sucuudiga.

from VOA http://ift.tt/2w8nN5F
via IFTTT

Soomaaliya oo Ku Adkaysatay Dhexdhexaadnimada Xiisadda Carabta

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa markale lagu taageeray go'aankii xukuumadda Federaalka ee ahaa, inay door dhexdhexaad ah ka qaadato xiisadda ka dhex aloosan wadamada carabta.

from VOA http://ift.tt/2xhNR2i
via IFTTT

Galmudug oo Taageertay UAE iyo Sucuudiga

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug, ayaa lagu sheegay in maamulkaasi ka mid noqdey maamul goboleedyada kasoo horjeestey dowlada federalka Somalia aragtideeda dhexdhexaadnimo ee xiisada u dhaxaysa dalalka Gacanka Carabta.

from VOA http://ift.tt/2yfewtb
via IFTTT

Kun Qoys oo Soomaali ah oo Loogu Deeqay Min Kun Dollar

Xarunta Q.M shirka uga socda dalalka Caalamka ayaa sanadkan, waxaa jiray shir si gaar ah looga hadlay arimaha bini-aadanimada iyo abaarihii dhowaan ka dhacay dalka Somalia iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

from VOA http://ift.tt/2xjEGff
via IFTTT

Wednesday, September 20, 2017

Duufaanta Maria oo Korontada Ka Jartay Puerto Rico

Duufaanti ugu xooganeyd oo ku dhawaad muddo 90 sana ah ku dhufata Jaziirada Puerto Rico ayaa damisay gabi ahaanba korontada jaziiradaasi oo ay ku noolyihiin 3.4 million oo ruux.

from VOA http://ift.tt/2yqKLXb
via IFTTT

Mexico: Millatariga Ayaa Ku Biiray Gurmadka Dhulgariirka

Kooxaha gurmadka ee dalka Mexico ayaa baaraya burburka guryaha uu soo riday dhul gariir xoog leh oo Salaasadii ka dhacay magaalada Mexico City iyo hareeraheeda, si ay isugu dayaan in ay gaaraan dad ay nafi ku danbeyso.

from VOA http://ift.tt/2wyNdO1
via IFTTT

Real Betis oo 19 Sano Kadib Ka Badisay Real Madrid

Kooxda Real Betis ayaa marki ugu horreysay muddo 19 sana ah uga badisay Real Madrid garoonkeeda Bernabeu kadib marki ay xalay 1-0 ku garaacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Spain ee La Liga.

from VOA http://ift.tt/2hk9AjP
via IFTTT

Napoli oo Hogaanka U Qabatay Horyaalka Talyaaniga

Waxaa caawa la ciyaaray wareega shanaad ee horyaalka Seria A-da dalka Talyaaniga, iyadoo inta badan kooxaha waaweyn ay guulo soo hooyeen.

from VOA http://ift.tt/2fkk0zb
via IFTTT

Chelsea, Man Utd, Man City Iyo Arsenal oo Wada Badiyay

Waxaa caawa dhacay kulamo xiisa leh oo ka tirsan koobka EFL ee dalka Ingiriiska, iyadoo dhamaan kooxaha waaweyn sida Chelsea, Manchester United, Manchester City iyo Arsenal ay guulo soo hooyeen.

from VOA http://ift.tt/2wHMsxF
via IFTTT

Borussia Dortmund oo Taariikh Sameysay

Kooxda Brussia Dortmund ayaa noqotay kooxdi ugu horreysay oo Jarmal ah oo aanan wax gool ah laga dhalin dhamaan shanta kulan ee ugu horreysay ee horyaalka Bundesliga taariikhda.

from VOA http://ift.tt/2xom0wz
via IFTTT

Qubanaha VOA, Sep 21, 2017



from VOA http://ift.tt/2wHKUn3
via IFTTT

Benzema oo Saxiixay Heshiis Cusub

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxdiisa kaddib marki uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo afar sana ah.

from VOA http://ift.tt/2wyKILT
via IFTTT

Madrid oo Martigalinaysa Finalka Champions League

Xiriirka kubadda cakta Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay garoonka lagu qaban doono finalka koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee loo yaqaano Eufa Champions League.  Xiriirka UEFA ayaa u codeeyay in sanadka 2019-ka lagu qabto finalka tartanka Yurub garoonka kooxda Atletico Madridee Wanda Metropolitano stadium. Garoonkan oo qaada 67 kun oo ruux ayaa la furay 17-ki bishan September markaas oo ay kulankeedi ugu horraysay ay Atletico kula ciyaartay kooxda Malaga, kulankaasi waxaa 1-0 ku badisay Atletico. Sidoo kale Uefa ayaa iclaamiyay in finalka koobka Europa League ee sanadka 2019-ka lagu qaban doono garoonka Olympic Stadium ee magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan. Garoonka kooxda Besiktas ee magaalada Istanbul ayaa isna martigelina doona finalka koobka Uefa Super Cup ee sanadka 2019-ka.  

from VOA http://ift.tt/2xiazF3
via IFTTT

Dilalka Haweenka ee Gobolka Banaadir oo Batay

Dilalka haweenka ka shaqeeya gobolka Banadir ayaa ku soo badaneysay waaydan magaalada muqdisho. Dhowr iyo toban haween ah oo xubno ka noqdey maamulka gobolka Banadir ayaa lagu diley meelo kala duwan oo Muqdisho ah.

from VOA http://ift.tt/2xwsOsn
via IFTTT

Trump oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Qaramada Midoobay

Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddii uu ka jeediyay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ku soo bandhigay siyaasadda maamulkiisa cusub.

from VOA http://ift.tt/2wGzeRt
via IFTTT

Ciidamada Kenya oo Ka Baxay Baardheere

Ciidamada milatariga Kenya ee ka hawlgalayey magaalada Baardheere ayaa halkaasi iskaga baxay saaka iyaga oo u dhaqaaqay dhinaca xuduudda. Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaali ah ayaa xilligan ku haray magaalada Baardheere.

from VOA http://ift.tt/2wxGQe3
via IFTTT

Puntland oo Amar ku Soo Rogtay Kalluumaysiga

Puntland ayaa sheegtay in ay maamnuuceen inaan muddo laba sano ah la kalluumaysan karin kalluunka nooca lagu magacaabo Indho Buurka oo uu sheegay in hilibkiisa aan la isticmaalin balse beerka oo keliya ay ganacsatadu iibsato.

from VOA http://ift.tt/2yp1KsV
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Kulanti wanaagsan dhageystayaal ku soo dhawaad Xubinta Ciyaaraha, oo maanta qodobbo xiiso badan ayad ku dhageysan doontaan. Maxamuud Mascadde, ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2wGtUh6
via IFTTT

Booliiska London oo Dad kale u Soo Xirey Qarixii London

Booliska Britain ayaa sheegey in ay soo xireen laba nin oo kale oo lala xiriirinaayo weerarkii bombaano ee toddobaadkii hore ka dhacay xarunta tareenada London, halkaasoo ay ku dhaaawacmeen 30 qof.

from VOA http://ift.tt/2hhQ97A
via IFTTT

Tuesday, September 19, 2017

134 Qof oo ku Dhimatay Mexico

Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof.

from VOA http://ift.tt/2f8XAx0
via IFTTT

Lacagta Xubinimada QM ee Soomaaliya lagu Leeyahay

Danjiraha ayaa sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen. Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.

from VOA http://ift.tt/2yokcSs
via IFTTT

Siyaasiyiin Dhaliilay Taageerda Koonfur Galbeed u Muujisay Sucuudiga

Siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta Baydhabo ku shiray ayaa ka soo horjeestay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo todobaadkan sheegay inuu taageersanyahay go'aankii dowladda Sacuudiga ay xayiraada ku saartay Dowladda Qatar.

from VOA http://ift.tt/2wtKSnG
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Ku soo dhawaada Xubinta Ciyaaraha, o qodobbada aad ku maqli doontaan ay ka mid yihiin: Kulama Xiiso badan oo maanta dhacaya iyo sidey kooxuhu isku arki doonaan horyaallada qaaradda Yurub qaar. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2wDJc6s
via IFTTT

Monday, September 18, 2017

Trump oo Ka Khudbeynaya Shirka QM

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

from VOA http://ift.tt/2w452Am
via IFTTT

Abaalmarin La Siiyay Xamse Warfaa

Gobalka Minnesota waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay Xamse Warfaa oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed u dhaqdhaqaaqa arrimaha Bulshada.

from VOA http://ift.tt/2f7fFeJ
via IFTTT

Koobka EFL oo Maanta Furmaya

Waxaa caawa dhici doona kulamo ka tirsan wareega sadexaad ee koobka EFL ee dalka Ingiriiska.

from VOA http://ift.tt/2xhmjsU
via IFTTT

Milan oo Qandaraaska u Kordhineysa Suso

Laacibka baalka midig ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda AC Milan Suso ayaa ogolaaday heshiis cusub oo ku kordhinayo qandaraaska uu kula joogo naadiga.

from VOA http://ift.tt/2wqYRdN
via IFTTT

Hailemariam Desalegn Oo Ka Hadlay Isku-dhacyada Soomaalida iyo Oromada

Ra'iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay rebshadihii dadka badan ay ku dhinteen ee gudaha dalka Ethiopia ku dhex maray Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

from VOA http://ift.tt/2wpd2jH
via IFTTT

Hooyada Dhashay 5-ta Caruur ee Dabka ku Dilay Kismaayo oo Hadashay

Dab shalay ka kacay guri dad danyar ah oo barakacayaal ahi ay dagan yihiin oo ku yaalla xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo ayaa keenay dhimashada 5 carruur ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.

from VOA http://ift.tt/2xbDdHy
via IFTTT

Koonfur Galbeed oo Ka Hor Timid Go'aankii DS ee Khilaafka Khaliijka

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegey in maamulkaasi uu taageerayo go'aankii xulufada Sacuudiga ay xiriirka ugu jareen dalka Qadar, bishii June.

from VOA http://ift.tt/2hc52f8
via IFTTT

Jawaari oo Magacaabay Xubno ka War Keena Arrintii Qalbi-dhagax

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa maanta guddi soo baara go'aankii ay golaha wasiirada ka soo saareen iyo dhiibistii sarkaalkii ONLF ka tirsanaa C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u gacan gelisay.

from VOA http://ift.tt/2jCtM0N
via IFTTT

Sunday, September 17, 2017

Faah-faahinta Horyaalka Talyaaniga

Kooxaha Juventus, Napoli iyo Inter ayaa wada badiyay todobaadki afraad ee horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedkan.

from VOA http://ift.tt/2jB5QuL
via IFTTT

Chelsea 0-0 Arsenal

Kulanki ugu adkaa xilli ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska ee the Premier Leagueoo galabta dhex maray kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa kusoo dhamaaday bar barro goolal la,aan ah.

from VOA http://ift.tt/2hb7NNW
via IFTTT

Barcelona: Dembele 4 bil ayuu maqnaan doonaa

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday in weeraryahankeeda cusub Ousmane Dembele uu garoomada kubada cakta ka maqnaan doono muddo afar bilood ah kadib marki uu soo gaaray dhaawac culus.

from VOA http://ift.tt/2xJ1gRy
via IFTTT

5 Carruur oo Walaalo ah oo Dab ku Dhintay

Dab maanta ka kacay guri dad danyar ah oo barakacayaal ahi ay dagan yihiin oo ku yaalla xaafadda Farjanno gaar ahaan aagga dalxiiska ee magaalada Kismaayo ayaa keenay dhumashada 5 carruur ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.

from VOA http://ift.tt/2x97zdY
via IFTTT

Nin kale oo loo Qabtay Weerarkii London

Bayaan kasoo baxay booliska Britain ayaa lagu sheegay in ay xireen nin 21 jir ah, kaasoo laga soo qabtay xaafadda Hounslow ee galbeedka magaalada London oo inta badan ay dagaan shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport.

from VOA http://ift.tt/2yhqmUI
via IFTTT

Heshiis Dhexmaray Fatax iyo Xamaas

Arrintan ayaa ka dambeysay kulamo ay sirdoonka masaaridu gar-wadeen ka ahaayeen oo madaxda labada urur ay dhawaanahanba Qaahira ku yeelanayeen.

from VOA http://ift.tt/2yib2ar
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Madaxweynaha cusub ee Sabtidii shalay loo doortay Maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare

from VOA http://ift.tt/2wm9Ntd
via IFTTT

Sarkaal Nabadsugidda ah oo Muqdisho lagu Dilay

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dablay hubaysan oo loo tuhmayo inay ka tirsan yihiin ururka al Shabaab ay toogteen Taliyihii Nabadsugidda ee Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, Maxamuud Quulle Xasan.

from VOA http://ift.tt/2fdHaai
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Cayaraaha

Waxaa shalay iyo xalay dhacay kulamo xiiisa leh oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska iyo Spain, wararkaasi oo dhan waxaa noo haya Maxamuud Mascadde.

from VOA http://ift.tt/2wyuKw8
via IFTTT

Saturday, September 16, 2017

al-Shabaab oo Muddo Kooban Qabsatay Kantaroolka Kalabeyr

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerarray oo muddo kooban qabsaday koontaroolka Kalabeyr oo dhowr iyo labaatan KM waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyn.

from VOA http://ift.tt/2frREQm
via IFTTT

Cabasho ka Dhan ah Maamulka K. Galbeed

Maanta ayaa waxaa magaalada ay isugu yimid magaalada xubno isugu jiray aqoonyahan, xubno ka socday bulshada rayidka, oday dhaqameed iyo siyaasiyiin, waxeyna uga hadlayeen talaabada ay dawlad goboleedku ku mamnuucday isu soo baxyada.

from VOA http://ift.tt/2wks61T
via IFTTT

Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Duulista Hawada ee D. F. Somalia, Maxamed A. Salaad (Oomaar), waxana uu ka jawaabayaa su'aalo ku saabsan soo wareejinta maamulka hawada Somalia

from VOA http://ift.tt/2fbJ2AA
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah fanaanka reer Yurub ee Axmed Zaki, waxaad sidoo kale ku maqli doontaan qoddobo kale oo xiiso badan.

from VOA http://ift.tt/2xq94qt
via IFTTT

Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhawaada barmaajika Hambalyada iyo Heesaha. Waxa toddobaadkan soo jeednaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aadan.

from VOA http://ift.tt/2x4iCYq
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Ku Soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo qodobbadii ugu xiisaha badnaa toddobaadkii tagay aan dhageysatayaasha dib ugu xasuusinno.

from VOA http://ift.tt/2yeALAt
via IFTTT

Shabaab oo Weerartay Ceel-waaq, Gedo

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabab ayaa saaka dagaal kooban ku qabsaday magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay ku bililiqeysteen baqaaro ay lahaayeen hey'ado gar-gaar.

from VOA http://ift.tt/2wkcJ9E
via IFTTT

Ciidamo ku Dagaallamay Muqdisho oo ay Lix Qof Ku Dhimatay

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay, siddeed kalena wey ku dhaawacmeen isku dhac saakay magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2yffqH2
via IFTTT

Jowhar: Waare oo Loo Doortay Madaxweynaha Hir-Shabelle

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Maxaned Cabdi Waare uu ku uguuleystey doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle, kaddib markii uu wareeggii ugu dambeeyay kaga adkaaday musharaxii la tartamayay ee Daahir Cabdulle Cawaale.

from VOA http://ift.tt/2yeOqqY
via IFTTT

Friday, September 15, 2017

Soomaalidii lagu Dilay Ethiopia oo Aas Qaran loo Sameeyey

Magaalada Jigjiga ee xaruunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay 28 ka mid ah dadkii dhawaan lagu dilay deegaanka Hawadaay.

from VOA http://ift.tt/2vZ6bcu
via IFTTT

Faaqidaadda: Baraha Bulshada iyo Siyaasadda Somalia

Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay adeegsiga baraha bulshada iyo siyaasadda iyo saameynta ay arrintaas ay ku yeelatay siyaasadda Soomaaliya. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://ift.tt/2xEdxH0
via IFTTT

Cabsi Soo Wajahday Ethiopian-ka ku Nool Somaliland

Cabsidan ayaa timid kadib markii galbeedka magaalada Hargeysa lagu dilay laba nin oo u dhashay Qowmiyadda Oromada ee Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/2wupyJQ
via IFTTT

London: Qarax ka Dhex Dhacay Tareen

Ciidamada booliska hubeysan ee London ayaa tagey xarunta dhulka hoostiisa ee tareenada laga raaco ee Parsons Green kadib markii qarax uu ka dhex dhacay tareen, xilli dadku shaqo aadayeen.

from VOA http://ift.tt/2ybhSy8
via IFTTT

Baaritaan lagu sameynayo rabshadihii garoonka Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa baaritaan ku sameyn doonta rabshado xalay ka dhacay garoonkeeda ka hor kulankii Cologne, kuwaasi oo sidoo kale shan qof loo xiray. Billowgii cayaarta ayaa waxaa dib loo dhigay muddo hal saac ah kadib markii 17,000 oo taageerayaasha kooxda Jarmalka ee Cologne ay garoonka Emirates yimaadeen ayaga oo aan wadan tikidho. Kooxda Cologne ayaa waxaa la siiyey kaliya saddex kun oo tikit, waxaana taageerayaasha oo isku gadaamay banaanka garoonka ay ka hor istaageen kuwa kooxda Arsenal inay galaan. Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu filayo in UEFA ay baaritaan ku sameyso arrintan. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu la yaabay in cayaartaas la qabtay kadib rabashadihii dhacay, inkasta oo markii dambe ay kooxdiisa ku adkaatay 3-1.

from VOA http://ift.tt/2wg6CU4
via IFTTT

Thursday, September 14, 2017

Caqabado Puntland Ka Heysta La Dagaalanka Shabab

Madaxii hore ee sirdoonka Puntyland ayaa sheegay in Puntland ay caqabado waaweyn ka haystaan la dagalanka Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2x0YAOo
via IFTTT

Sheybaar Lagu Baarayo Kufsiga oo Laga Furay Soomaaliya

Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa bishani si rasmi ah xariga uga jaray sheybaar lagu baari doono kiisaska la xiriira kufsiga.

from VOA http://ift.tt/2x3xFiB
via IFTTT

K.Waqooyi oo Tijaabisay Gantaalki Todobaad

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah tijaabisay gantaal kale oo ay dul marsiisay hawada Japan, maalmo yar kadib marki ay Qaramada Midoobay saartay cunaqabateyn dhaqaale.

from VOA http://ift.tt/2x4sy1C
via IFTTT

Nin Oromo ah oo lagu Dilay Hargaysa

Wararka ayaa sheegaya in galbeedka Hargeisa lagu dilay nin u dhashay Qowmiyadda Oromada ee Ethiopia, maalmood kadib markii Soomaali badan lagu dilay dalka Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/2wZfxJ1
via IFTTT

Dowladda Soomaaliya iyo Hay'adda ICAO oo Heshiis Gaaray

Wasiirka duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya iyo hay'adda ICAO ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sidii maamulka hawadda Soomaaliya loogu gacan-galin lahaa dawladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2x14YT7
via IFTTT

Dhageyso Natiijooyinkii Xalay ee Koobka Horyaallada Yurub

Ku soo dhawaada xubinta Ciyaaraha oo aad ku dhageysan doontaan natiijooyinkii kulamadii horyaalka qaaradda Yurub ee la ciyaaray. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2wrCGQ8
via IFTTT

Pogba oo lix toddobaad garoomada ka maqnaanaya

Qad dhexlaha kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa la filayaa in afar illaa lix toddobaad uu garoomada uga maqnaan doono dhaawac talaadadii kasoo gaaray bowdada. Xiddiga caalamiga ah ee xulka France oo 24 jir ah ayaa waxaa laga qaaday tijaabo caafimaad kadib markii uu ku dhaawacmay cayaartii ay United talaadadii la yeelatay kooxda Basel. Pogba ayaa la rumeysan yahay inuu seegi doono kulanka muhiimka ah ee Manchester United ay 14-ka October la yeelan doonto Liverpool. Tababaraha kooxda Macnhester United Jose Mourinho ayaa la filayaa inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo caafimaadka Pogba, maalinta jimcaha. Laacibkan ayaa seegi doona kualmada ay kooxdiisa la yeelan doonto kooxaha Everton, Southampton iyo Crystal Palace, oo ka tirsan horyaalka Premier League iyo kulanka koobka horyaalada Yurub ee ay 27-ka bishan la yeelan doonaan naadiga CSKA Moscow.    

from VOA http://ift.tt/2y8gUTo
via IFTTT

Klopp: Daafac lasoo iibsado xal nooma keeni karo

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in daafac xumada kooxdiisa aan lagu xalin karin cayaartooy laga soo iibsado suuqa kala iibsiga. Hadalka macallinka u dhashay dalka Jarmalka ayaa yimid kadib markii kooxdiisa ay barbar dhac 2-2 ah la gashay naadiga Seville ee dalka Spain, cayaar ka tirsaneyd koobka horyaalada Yurub. Labada gool ee Liverpool laga dhaliyey ayaa ahaa labada fursad kaliya ee bartilmaameedsanaa, oo kooxda Seville ay heshay, waxayna u muuqdeen kuwa qaladaadka daafac ee Liverpool ku yimid. Si kastaba Klopp ayaa sheegay in cayaartoy lasoo iibiyo aysan xal u ahay mashaqada Liverppol. "Haddii dhiibaatadan uu xalin karo hal cayaaryahan oo aan soo iibsano, waad qiyaasi kartaa dhammaan lacagteena waxaan ku bixin lahayn halkaas cayaaryahan" ayuu yiri Klopp.    

from VOA http://ift.tt/2jrkPaA
via IFTTT

Malaysia: 24 Qof oo ku Dhintay Dab ka Kacay Dugsi Qur'aan

Dab xilli aroor ah ka kacay iskuul diimeed ku yaalla magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, ayaa maanta dilay 24 qof.

from VOA http://ift.tt/2f7xVbx
via IFTTT

Wednesday, September 13, 2017

Erdogan iyo Amir Tamim oo Kulmaya

Madaxweynaha dalka Turkiga Raceb Tayib Erdogan iyo amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa in ay maanta ku kulmaan magaalada Ankara.

from VOA http://ift.tt/2x0z8Gm
via IFTTT

Guterres: Myanmar Waxaa Ka Socda Isir Sifeyn

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay barakacinta lagu hayo bulshada Rohingya ee dalka Myanmar mid isir sifeyn ah.

from VOA http://ift.tt/2h2LE43
via IFTTT

Faah-faahinta kulamadi xalay ee Koobka Champions League

Waxaa xalay dhacay kulamo kale oo ka tirsan Tartanka kooxaha Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League.

from VOA http://ift.tt/2wXPTUY
via IFTTT

Baarlamanka Somalia oo ka Dooday Dhiibitaankii Qalbi-Dhagax

Dood kulul ayaa maanta aqalka baarlamanka Soomaaliya ku dhex martay xubnaha baarlamaanka Aqalka Hoose, waxayna aragtiyo kala duwan ka dhiibteen go'aankii dhowaan ay dawladda Soomaaliya ku wareejisay sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF oo loo gacan geliyey dawladda Itoobiya.

from VOA http://ift.tt/2x1ABxu
via IFTTT

Ancelotti oo doonaya in uu ku laabto Premier League

Tababare Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto Premier League, haddii kooxda Bayern Munich ay adeegsato qodob u ogolaanaya inay ka baxdo heshiiska saddexda sano ah ee ay la gashay. Ancelotti oo sanadii 2016 beddelay Pep Guardiola ayaa Bayern ku hoggaamiyey hanashada horyaalkii shanaad oo xiriir ah. Hase yeeshee wareegga sideed dhammaadka koobka horyaalka Yurub oo ay kusoo hareen xilli cayaareedkii tagey, iyo final-ka koobka DFB oo looga adkaaday ayaa cadaadis xooggan saartay Ancelotti. Warbixino ayaa sheegaya in Bayern ay dooneyso inay macallin u magacowdo 30 jirka layliya kooxda Hoffeinheim, Julian Nagelsmann, oo laga soo xigtay sidoo kale inuu ku riyoonayo inuu noqdo macallinka Bayern. Warar ku dhow Ancelotti ayaa sheegay in haddii Bayern ay shaqada ka ceyriso uu doonayo inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League, oo 58 jirkaasii uu hadda ka hor laylin jiray kooxda Chelsea.    

from VOA http://ift.tt/2jpe6xJ
via IFTTT

32 Qof Soomaali ah oo lagu Dilay Ethiopia

Ugu yaraan 32 qof oo Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/2wpi2Qt
via IFTTT

Mareykanka oo 3 Weerar ka Fuliyey Soomaaliya

War saxaafadeed maanta ka soo baxay hogaanka Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dawladda Somalia, uu ciidanka Africom fuliyey 3 weerar oo dhinaca cirka ah oo bartilmaameedsan. Weeraradaas ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu qaaday ururka Al-Shabab, saacadda Somalia markii ay ahayd qiyaastii 2:15 salaadda subax ka hor, halkaasna lagu dilay 6 argagixiye. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu ka dhacay meel 260 km koonfur ka xigta magaalada caasimadda ah. Warka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tallaabadan u qaaday, isaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanku, bishii March ee sanadkan 2017ka, amarkaas oo ciidanka Maraykanka u ogolaanaya inuu tallaabooyin ad-adag ka qaado ururka Alshabab ee ku sugan goobo gaar ah, iyada oo arrintaas lagu taageerayo ciidamada Somalia. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanku uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Maraykanka, una curyaamiyaan argagixisada, iyada oo arrintaas loo marayo la shaqeynta ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM iyo ciidanka qaranka Somalia si loo wiiqo awoodda argigixisada ee Somalia, gobolka iyo caalamka oo dhan.

from VOA http://ift.tt/2x1kxvI
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 388

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 388-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.    

from VOA http://ift.tt/2x175ba
via IFTTT

Al-Qacida oo "Ciqaab" Adag uga Digtay Myanmar

Mintidiinta Al-Qacida ayaa ku baaqay taageero loo fidiyo muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar, kuwaas oo wajahaya olole amni oo qasbay in 400,000 oo ayaga ka mid ah ay u qaxaan dalka Bangladesh.

from VOA http://ift.tt/2joC7oS
via IFTTT

Tuesday, September 12, 2017

Koobka Horyaalada Yurub oo Xalay Furmay

Waxaa si rasmi ah daaha looga rogay Tartanka Kooxaha Horyaalada Yurub ee xilli ciyaareedkan 201718.

from VOA http://ift.tt/2xYnXNx
via IFTTT

Buug la Qoray 26 Qarni ka Hor oo Af-Somali loo Tarjumay

Shalay waxaa magaalada Hargeisa lagu soo bandhigay, Buug loogu magac-daray Xeeladaha Dagaalka kaas oo ah Tarjumaadda lagu sameeyey buuga the Art of War kaas oo la qoray 26 qarni ka hor, waxaana Qoray Khabiir Milateri oo Shiinaha u dhashay.

from VOA http://ift.tt/2h1Y20N
via IFTTT

Telefoonada ay Soo Saarto Apple oo Toban Jirsaday

Shirkadda Apple ee laga leeyahay dalkan Maraykanka oo toban sano ka hor bilawday soo saarista telefoonada casriga ah, ayaa haatan soo bandhigtay telefoon cusub oo ay ugu talo gashay inay ku xusto toban-guurada ka soo wareegtay markii ay bilawday telefoonada casriga ah.

from VOA http://ift.tt/2wW1Lqv
via IFTTT

Maraykanka: Qaadhaan loo Ururinayo Dadkii Duufaantu ku Dhacday

Qaar ka mida xiddigaha ugu caansan dalkan Maraykanka ayaa xalay qabtay kulan ballaadhan oo ay lacag ugu ururinayeen dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay duufaantii Harvey iyo Irma.

from VOA http://ift.tt/2y4pBhu
via IFTTT

Puntland: Dhiibistii Qalbi-Dhagax Sax bey Aheyd

Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan Dhiibistii muranka baddan uu ka dhashay ee Dowladda Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya Sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF

from VOA http://ift.tt/2vRXYqk
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Kulanti wanaagsan, dhageysataal ku soo dhawaada xubinta Ciyaaraha oo badankeed aynu ku jeex jeexi doonno kulamada koobka horyaallada Yurub ee caawa iyo habeen dambe la ciyaari doona. Jamaal Axmed Cismaan ayaa la diyaar ah.

from VOA http://ift.tt/2wY76em
via IFTTT

Duqeymo Gedo Ka Dhacay

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanno hoos-yimaada degmadda Beled Xaawo.

from VOA http://ift.tt/2wWZgly
via IFTTT

Warbixin: Ragga Farsamada Gacanta ku Shaqeysta

Soomaaliya waxey ka mid tahay dalalka ugu horeeya dunida ee ay shaqo la'aanta ka jirto. Dadkeeda oo boqolkiba 70 in ka badan lagu sheego dhalinyaro ayaa shaqo la'aanta waxey dhaxal-siisay inay tahriibaan, qaarna ay ku biiraan kooxaha xag jirka ah iyo burcad badeedda.

from VOA http://ift.tt/2w4YVzT
via IFTTT

Q.M.: Caruurta 3 Milyan oo Qoys ayaan Helin Waxbarasho

Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in caruurta qoysas qaxooti ah  oo ay tiradoodu ka badantahay 3 milyan iyo bar, da'dooduna ay u dhaxeyso 5 ilaa iyo 17 sano jir aysan helin waxbarasho sanadkii tagay, taasina ay waxyeelo u geysan karto mustaqbalkooda iyo kan baraaraha bulshada.

from VOA http://ift.tt/2wXCLwR
via IFTTT

IOM Iyo UNICEF oo War Ka Soo Saaray Tacaddiga Lagula Kaco Tahriibayaasha

Hey'adda socdaalka caalamiga ee IOM iyo hay'adda Q.M. u qaabilsan caruurta ee UNICEF, ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in caruurta muhaajiriinta iyo qaxootiga ee isku dayaya inay u tahriibaan Yurub ay la kulmaan xag dugub xuquuqda aadanaha oo heerkoodu sareeyo.

from VOA http://ift.tt/2xuFxg4
via IFTTT

Muuse Biixi oo Ka Jawaabay Eedeymaya Mucaaradka

Iyada oo 60 maalmood ay innaga xigto maalinta doorashada Madaxtinimada Somaliland, ayaa maanta Xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu soo bandhigay barnaamij siyaasadeedkiisa ee uu doorashada ku gelayo.

from VOA http://ift.tt/2h1fW3r
via IFTTT

Maxkamad Sare oo Maamulka Trump u Ogolaatay Xayiraaddii Qaxootiga

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u soo saartay amar u ogolaanaya maamulka madaxweyne Trump in uu sii wado siyaasaddiisa xakameyneysa qaxootiga, taas oo meesha ka saartay xukunka maxkamad hoose oo u ogolaan lahaa qaxootiga qaar inay waddanka soo galaan isla maanta oo Talaado ahba.

from VOA http://ift.tt/2wXzcZ5
via IFTTT

Monday, September 11, 2017

Yaa Ku Guuleystay Doorashada Baarlamaaniga Norway ?

Xisbiga talada haya ee garabka midig ee dalka Norway ee ay hogaamiso Ra'isulwasaare Erna Solberg ayaa guul ka sheegtay doorasho baarlamaani ah oo dalkaasi ka dhacday Isniintii.

from VOA http://ift.tt/2f19aOx
via IFTTT

Cunaqabateyn La Saaray Kuuriyada Waqooyi

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn isugu raacay qaraar cunaqabteyn cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah lagu saaray dalka Kuuriyada Waqooyi.

from VOA http://ift.tt/2y1b1Hs
via IFTTT

Maraakiib Loo Diray Florida

Aqalka Cad ee looga arrimio Mareykanka ayaa sheegay in gurmadki ugu ballaarnaa abid uu milatariga Mareykanka sameeyo ay hadda ciidamu ka wadaan meelaha ay saameysay duufaanta Irma ee Gobolka Florida iyo dalalka Caribbean-ka.

from VOA http://ift.tt/2w3vvlw
via IFTTT

Tartanka Horyaalada Yurub oo Caawa Furmaya

Waxaa caawa dib u bilaabanaya koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Uefa Champions League.

from VOA http://ift.tt/2fe58Po
via IFTTT

Ganacsatada Dekadda Berbera oo Shaqo Joojintii Ka Baxay

Ganacsata wax ka dhoofiya  kana  soo dejiya dekada  Berbera ayaa dib ugu laabtay hawlahood kadib markii ay sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan adeegyada  dekadda  iyo lacagaha laga qaado ganacsata oo aad fara badan.

from VOA http://ift.tt/2w2eLuW
via IFTTT

Heshiiska Galmudug iyo Puntland

Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa rajo weyn ka muujiyey inay hirgalaan natiijooyinkii dadaalladii nabadeed ee maalmahan ka dhex socday labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

from VOA http://ift.tt/2gYlbB7
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Dhageystayaal ku soo dhawaada xubinta Ciyaaraha oo aad ku maqli doontaan wararkii ugu dambeeyay horyaallada dalalka Yurub ee la ciyaaray. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo diyaariyay.

from VOA http://ift.tt/2f0b8yk
via IFTTT

Aqalka Sare oo Dib u Dhigay Doodda Qalbi-dhagax

Qodobkan oo ahaa mid kulul ayaa waxa isha ku hayay hay'adaha kale ee dawladda Federalka Somali, kuwaas oo ay ugu horeeso Xukuumaddda Ra'iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

from VOA http://ift.tt/2wUOuvZ
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Muqdisho

War goor dhaweyd VOA ka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama, meel u dhow hoteel Weheliye, iyada oo ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah aan la ogeyn

from VOA http://ift.tt/2xqPo6q
via IFTTT

Askar ku Dhimatay Weeraro uu Qaaday Al-shabab

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerar ay ay maleeshiyada ururka Al-Shabab ku qaadeen magaalada Beled Xaawo, dhinaca kalena ugu yaraan seddex askari oo ciidamada dowlada ka tirsan ayaa lagu dilay Gobalka Shabellaha dhexe

from VOA http://ift.tt/2eQmb9S
via IFTTT

Sunday, September 10, 2017

Lazio oo 4 gool ku aamusisay Milan

Kooxda Lazio ayaa guul weyn ka gaartay ciyaar ay galabta magaalada Roma kula ciyaartay kooxda AC Milan, kadib marki ay dhabarka u saarisay 4-1.

from VOA http://ift.tt/2eY8itH
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdi Warsame oo ka mid Golaha Deegaanka ee Magaalada Minneapolis, waxana uu ka hadlayaa falalka Islaam naceybka ah ee xiliyadan dambe ku soo badanaya Maraykanka

from VOA http://ift.tt/2eNTtq1
via IFTTT

Myanmar: Xabbad-joojin lagu Dhawaaqay

Dagaalyahanada Rohingya ee dalka Myanmar ayaa ku dhawaaqay xabad joojin bil ah oo ay ku hakiyeen dagaalka ay ku jiraan milatariga dalkaasi, si loogu ogolaado hey'adaha gargaarka in ay mucaawino geeyaan gobolka Rakhine.

from VOA http://ift.tt/2xeh2Tf
via IFTTT

Beledweyne: Qarax Dilay 3 Qof

Booliiska ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday aysan gaadhin ujeedadii ay lahaayeen oo ahayd inay khasaare intaasi ka badan ka gaystaan goobta.

from VOA http://ift.tt/2eOFQHe
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Magaalada Beledweyne

Afar qof oo Seddex ka mid ah ay shacab yihiin iyo qofkii Isqarxiyay ayaa ku dhintay, dad tiradoodu 13 ay ka badan tahayna wey ku dhaawacmeen ka dib markii uu qof ismiidaaminaya isku qarxiyay Maqaaxi ku dhow Iridda laga galo Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledweyne.

from VOA http://ift.tt/2wSdSEj
via IFTTT

Saturday, September 9, 2017

Duufaanta Irma oo Iminka Garaacaysa Floria

Duufaanta Irma ayaa billowday in ay garaacdo xeebaha gobolka Florida ee dalkan Mareykanka, taasoo durbaba dhalisay in 75 kun oo ruux ay iska diiwaan geliyaan xarumaha dag daga ah ee ay dowladu diyaarisay.

from VOA http://ift.tt/2vXqdrI
via IFTTT

Liverpool oo Ku Kuftay Etihad Stadium 

Kooxda Liverpool ayaa guuldarro culus kala soo laabatay magaalada Manchester kadib marki ay kooxda Manchester City dhabarka u soo saartay 5 iyo 0 ciyaar ka tirsaneyd todobaadka afraad ee horyaalka Premier League-ga dalka Ingiriiska.

from VOA http://ift.tt/2vWKhe5
via IFTTT

Barcelona oo Badisay Iyo Real oo La Taakeeyay

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn kasoo hoysay kulanki ay xalay la dheeshay naadiga Espanyol, kaasoo ay guushu ku raacday 5-0.

from VOA http://ift.tt/2faCUVF
via IFTTT

Dhageyso, Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan.

from VOA http://ift.tt/2eNkr12
via IFTTT

Dhageyso, Barnaamika Martida Makaroofnka

Barnaamijka martida waxa uu ku saabsan yahay, wareejintii Qalbi-dhagax

from VOA http://ift.tt/2eNVmmq
via IFTTT

Baarlamaanka Somalia iyo C. Qalbi-dhagax

Waxaa baaqday kullan baarlamanka Soomaaliya uu maanta ka yeelan lahaa sarkaalkii ka tirsanaa Jabhadda ONLF ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay dowladda Ethiopia, Cabdikariim Qalbi Dhagax.

from VOA http://ift.tt/2gRIP1V
via IFTTT

IRMA oo la Filayo inay Florida ku Dhufato

Dadkii deganaa magaalada ayaa ka qaxay, balse dadka ku harey ayaa waxaa ka mid ah Dr. Qaali Cabdalla Xuseen oo ah dhaqtar qaliin, kana howlgasha Isbitaalka magaaladasi ee Balake Medical Centre, halkaas oo shaqaalaha heegan buuxa la galiyey.

from VOA http://ift.tt/2xm7feY
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka ee maanta waxaa ku jira qoddobo ay ka mid yihiin shil gaari oo ka dhacay Boorame, dad lagu gowracay Lamu, Kenya iyo sarkaal ururka ONLF ka tirsan oo Somalia ay Ethiopia u dhiibtay

from VOA http://ift.tt/2eNk3zK
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inala socodsiinaya Caasha Ibraahim (Cuud) iyo Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray)

from VOA http://ift.tt/2xcxcgb
via IFTTT

Maraykanka oo Doonaya in K. Woqooyi la sii Cunaqabateeyo

Codsigan oo Jimcihii shalay uu gudbiyey hawlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in dalka K. Wqooyi laga joojiyo saliidda, gaaska dabiiciga ah iyo waxyaabaha kale oo batroolka la xiriira ee dalkaas laga iibiyo.

from VOA http://ift.tt/2faH0gw
via IFTTT

Friday, September 8, 2017

Sharmaarke: Khalad ayay Ahayd in Qalbi-Dhagax Ethiopia loo Dhiibay

Ra'iisul-wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra'iisul-wasaaraha ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

from VOA http://ift.tt/2eTQ9xm
via IFTTT

Deg Deg: Qarax Ka Dhacay Baydhabo oo Dhimasho Sababay

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay maqaayad ku dheggan xafiiska Dahabshiil ee magaalada, gabal dhicii maanta xilliga Baydhabo.

from VOA http://ift.tt/2xRDEGc
via IFTTT

Qodobbo ka soo Baxay Kulankii Galmudug iyo Puntland

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in beelaha ku shirayey magaalada ay ku heshiisyeen qodobo dheeraad ah oo ku saabsan xoojinta nabadda.

from VOA http://ift.tt/2wdYTky
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Cayaaraha

Ku soo dhawaada xubinta Cayaaraha. Qodobbo Xiiso badan ayaad ku maqli doontaan, waxana la diyaar ah Nuur Xasan Nuur (Bukhaari).

from VOA http://ift.tt/2eS72se
via IFTTT

Mareykanka oo Duqeyn ku Dilay Xubin Shabaab ah

War saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2gOpO0y
via IFTTT

Thursday, September 7, 2017

Roobab Dad ku Dillay Gobolka Awdal

Roobab Lixaadleh oo ka da'ay degmooyinka Boorama iyo Baki ee Gobolka Awadal ayaa inta la xaqiijiyay waxa ku dhintay 5 ruux halka ay 4 qofna ku dhaawacmeen.

from VOA http://ift.tt/2j8b5BZ
via IFTTT

Warbixin:Duufaanada Mareykanka ku Soo Noqnoqda

Duufaanta Hurricane Irma oo watada dabeylo xooggan oo saacaddii ku socda xawaare dhan 280 Killomitir iyo roobab mahiigaan ah ayaa ku dhuftay Jasiirado ku yaala Badda Caribbeanka.

from VOA http://ift.tt/2wNvgby
via IFTTT

Trump oo Digniin Kale u Jeediyay Pyongyang

Madaxweyne Donald Trump ayaa digniin ku bixiyay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku buu yiri uu talaabo Milatary oo ka dhan ah xukumadda Pyonyoung uu qaado.

from VOA http://ift.tt/2wMfMWN
via IFTTT

Daraasad: Sababaha Xagjirnimada Dhallinyarada Afrika

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda UNDP ee QM ayaa laug sheegay in  sababaha ugu weyn ee dhalinyarada Africa ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ay ugu wacan tahay saboolnimada,  shaqo la'aanta iyo  fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

from VOA http://ift.tt/2j73944
via IFTTT

Ururka ONLF oo Beeniyey Inay Argagixiso Yihiin

Ururka ONLF ayaa si weyn uga soo horjeestay go'aankii ay dowladda Somalia shalay ku sheegtay in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Somalia ay Ethiopia u dhiibtay uu ahaa argagixiso xiriir la leh ururka al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2gKpOia
via IFTTT

Beesha Caalamka oo Baaq u Dirtay HirShabelle

Beesha caalamka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda maamulka HirShabelle, kadib markii baarlamanka maamulkaasi uu sheegay inuu xilka ka qaaday madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, 14-kii August. Bayaankan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK iyo Mareykanka. Xubnaha beesha caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada HirShabelle inay sii wadaan dadaallada wax looga qabanayo arrimaha muhiimka ah, ayada oo loo marayo dastuurka, lagana reebtoonaado ficil kasta oo wiiqi kara dhismaha hay'adaha dowliga ah. Beesha caalamka ayaa sidoo kale tiri "Ayada oo la eegayo dadaallada maaliyadeed iyo kan siyaasadeed ee la geliyey dhismaha HirShabelle, waxaan ka walacsanahay isku dayada maamul kale looga dhisayo gobolka Hiiraan." Waxa ay sheegeen in tallaabo kasta oo hal dhinac ah, islamarkaana aan sharciga ku saleysneyn, aysan wax ku ool ahayn, islamarkaana sababeyso walaac.

from VOA http://ift.tt/2eOplP4
via IFTTT

Haweeney Uur Lahayd oo lagu Dilay Marka

Kooxo hubeysan ayaa degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose waxaa la sheegay inay ku dileen haweenay uur lahayd oo ka mid ahayd ganacsatada khudaarta keena magaalada Marka. Cabdalla Maamow Cumar oo haweenaydaasi ay walaalo yihiin ayaa VOA u sheegey in kooxdaasi inta aysan dilin haweenaydan ay kufsadeen. Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar Macalin oo isna VOA la hadlay ayaa dilka iyo dhaca gabadhaasi xaqiijyay, wuxuuna sheegay in aysan xaqiijin karin in uu jirey kufsi. Haddaba, sida ay wax u dhaceen ayuu wariyaheenna Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay Cabdalla Maamow iyo guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar, waxana ku horeynaya Maamow.  

from VOA http://ift.tt/2eOoYUG
via IFTTT

Ururka ONLF oo Beenisay Inay Argagixiso Yihiin

Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia ayaa si weyn uga soo horjeestay go'aankii ay dowladda Somalia shalay ku sheegtay in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Somalia ay Ethiopia u dhiibtay uu ahaa argagixiso xiriir la leh ururka al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2j6PXfz
via IFTTT

Dad Soomaali ah oo Muddo ku Xiran Dalka Iran

Dalka Iran waxaa muddo saddex sano ah ku xiran 24 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo Iran ay ka qabatay biyaha u dhaxeeya Imaaraadka iyo Iran.

from VOA http://ift.tt/2eNygAk
via IFTTT

Man City oo sharciga la tiigsaneysa Tebas

Milkiilayaasha kooxda Manchester City ayaa sheegay inay ka fakarayaan inay sharciga la tiigsadaan guddoomiyaha xiriirka La Liga ee dalka Spain Javier Tebas, oo ku eedeeyey inay qiyaanooyin xagga maal-gelinta cayaaraha sameeyaan. Tebas ayaa sheegay in Man City iyo PSG ay qarash gareeyeen lacag ka baxsan tan kasoo gasha cayaaraha, sidaas darteedna ay tahay in tallaabo laga qaado. Labadan koox ayaa waxaa kala leh amiirada Abu Dhabi iyo kuwa dalak Qadar. Waxa uu sheegay in kooxda Girona ee dalka Spain oo ay 44.3% leeyihiiin milkiilayaasha kooxda Man City ay isku dayday inay qariso habka ay lacagta ku hesho. "Hadallada Tebas waa kuwa aan loo meel dayin oo qiyaali ah" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Man City. Waxa ay intaas ku dareen inay ka fakarayaan tallaabooyinka ku habboon arrintan ee dhinaca sharciga oo ay qaadi lahaayeen.

from VOA http://ift.tt/2xcazJf
via IFTTT

Wenger: Aad ayaan ugu dhowaa saxiixa Mbappe

Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Arsenal ay ku dhoweyd saxiixa cayaaryahan Kylian Mbappe sanaddii tagtay. Wenger waxa kale oo uu sheegay inuu sidoo kale isku dayay inuu Mbappe ka dhaadhiciyo inuu xilli cayaareedkan kusoo biiro naadiga Gunners, ka hor inta uusan cayaaryahanka ku biirin kooxda Paris Saint-Germain. Mbappe oo dhaliyey 26 gool xilli cayaareedkii tagey isaga oo ka tirsan naadiga Monaco ayaa sanad amaah ah ugu biiray kooxda PSG, ka hor inta uusan 165 milyan oo gini si rasmi ah ugu wareegin xilli cayaareedka dambe. 18 jirkan ayaa sidoo kale qirtay inuu Arsenal la yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii uu ugu biiri lahaa garoonka Emirates. "Aad ayuu ugu dhowaa inuu nagu soo biiro" ayuu yiri Arsene Wenger. Wenger ayaa amaanay laacibkan oo uu ku sheegay mid leh xirfad naadir ah.    

from VOA http://ift.tt/2j6EsEO
via IFTTT

Muran ka Taagan Gabar Lagu Dilay Gobolka Bakool

Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa ku eedeeyey taliyaha ciidanka ee gobolkaasi dilka gabar dhallinyaro ah oo aheyd hooyada canug yar oo 7 bilood jir ah, taasoo la sheegay in muddo iminka laga joogo afar maalmood lagu toogtay tuulada Mooragaabey ee magaalada Xudur.

from VOA http://ift.tt/2eJQE9p
via IFTTT

Wednesday, September 6, 2017

Xaalka Xulka Argentina oo Cakiran

Xulka kubadda cakta Argentina oo ka mid ah xulalka ugu caansan dhinaca kubada cakta ayaa qalqiil ugu jira inuu seego ka qeybgalka koobka aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Russia.

from VOA http://ift.tt/2f5QtG8
via IFTTT

Duufaanta Irma oo Garaacday Jaziiradda Puerto Rico

Duufaanta Irma ayaa xalay si xawli ah ku dhaaftay waqooyiga jaziiradda uu Mareykanku leeyahay ee Puerto Rico, iyada oo dhulka dhigtay korntada iyo tubooyinka biyaha qaada taasoo saameyneysa boqollaal kun oo ruux.

from VOA http://ift.tt/2gIQpMo
via IFTTT

Mareykanka oo Weerar ku Dilay Saddex Shabaab Ah

Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2gNveg5
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 387

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 387-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2wGaPPo
via IFTTT

Wareysi: Mahad Salaad oo ka Jawaabay Heshiiskii Ethiopia

Sida lagu sheegay warka ka soobaxay dowladda, waxaa golaha la horgeeyay nuqulka heshiisyo ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Ethiopia 7-dii June 2015-kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka Muqdisho kula xiriiray Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad wuxuuna weydiiyay waxa uu ahaa heshiiska uu saxiixay.  

from VOA http://ift.tt/2gGuxkZ
via IFTTT

Guuleed oo ka Jawaabay Hadalkii Golaha Wasiirada

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay go'aanka Gollaha Wasiirada ee lagu sheegay in heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Go'aanka dawladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in Heshiiskan ay Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed. Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayuu u warramay isagoo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.    

from VOA http://ift.tt/2f3vLH0
via IFTTT

Al-Shabaab oo Afar Qof ku Gowracay Lamu

Ugu yaraan afar qof ayaa Arbacada maanta lagu gowracay deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

from VOA http://ift.tt/2eKGcSJ
via IFTTT

Dowladda: Qalbi-Dhagax Wuxuu Xiriir la lahaa Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay go'aankii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF, loogu dhiibay dowladda Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/2vLpauS
via IFTTT

Mourinho: Neymar ayaa beddelay suuqa kala iibsiga

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay  in ku biiritaankii Neymar ee kooxda PSG ay wax weyn ka beddeshay suuqa kala iibsiga cayaartoyda. Neymar ayaa kooxda ka dhisan magaalada Paris ugu biiray lacag 220 milyan oo Euro ah, oo ah lacagtii ugu badneyd ee abid cayaaryahan lagu iibsado. "Waxaan ahayn kuwo xariif ah. Waan ogeyn inay dhici karaan arrimo suuqa kala iibsiga beddeli kara, sidaas darteed waxaan cayaaryahanada lasoo saxiixanay goor hore" ayuu Mourinho u sheegay wargeyska The Times. Manchester United ayaa 75 milyan kusoo gadatay Lukaku, ayada oo 40 milyan kasoo bixisay Matic, halka ay 30 milyan ku qarash gareysay Lindelof. "Haddii aan soo iibsan lahayn kadib Neymar, Lukaku wuxuu noqon lahaa 150 milyan, Matic 70 Milyan. Neymar ayaa beddelay wax walba" ayuu yiri Mourinho.

from VOA http://ift.tt/2f3b9P9
via IFTTT

Kooxda Leicester oo 14 ilbiriqsi ku weysay Adrien Silva

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa diiday codsigii kooxda Leicester City ay dooneysay inay ku diiwaan gashato Adrien Silva, kadib markii ay 14 ilbiriqsi ay ka daba martay waqtigii uu xirmay suuqa kala iibsiga cayaartoyda. Kooxda Leicester ayaa cayaaryahankan qadka dhexe ka cayaara kasoo iibsatay kooxda Sporting Lisbon oo ay ku heshiiyeen 22 milyan oo gini. Diiwaan-gashiga Silva ayay Leicester kusoo geba gebeyn waysay waqtigii FIFA ay u baahneyd, taasi oo macnaheedu yahay inuusan safan karin illaa bisha Janaayo.  Kooxda Leicester ayaa sheegtay inay waddo qorshe ay racfaan uga qadaaneyso go'aanka FIFA. Afhayeen u hadlay Leicester ayaa yiri "Waxaan kala shaqeeneynaa Silva iyo kooxda Sporting Lisbon, sidii arrintan xal loogu heli lahaa, waxaana eegeynaa wax kasta oo suurta-gal ah"

from VOA http://ift.tt/2w5IazO
via IFTTT

Aung San Suu Kyi iyo Erdogan oo Wada-Hadlay

Hoggaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay in akhbaaraad been abuur ah laga faafinayo rabshadaha ka socda gobolka Rakhine ee dalkaas, kuwaas oo 125,000 oo ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya ku qasbay inay u qaxaan dalka deriska ah ee Bangladesh.

from VOA http://ift.tt/2w5I7E8
via IFTTT

Madaxweyne Trump oo Joojiyey Barnaamijkii DACA

Dowladda Mareykanka ayaa soo geba gebeysay barnaamij ka hor-istaagayey caruurta ama dhallinyarada aan sharciga haysan in la masaafuriyo, una ogolaanaey inay ka shaqeystaan waxna ka bartaan Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2j2JJNt
via IFTTT

Tuesday, September 5, 2017

Somalia oo Ka Qeybgaleysa Koobka Aduunka

Ciyaartooy mataleysa Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Koobka Aduunka ee Kubad cakyaraha caalamka (World Mini Football) oo sanadkaan lagu qaban doono dalka Tunizia.

from VOA http://ift.tt/2vKyI9I
via IFTTT

Spain 8-0 Liechtenstein

Waxaa galabnimadi Talaadada iyo habeenkeediba ka dhacay Qaarada Yurub kulamo ka tirsan isreebka koobka aduunka ee sanadka 2018-ka lagu qaban doono dalka Russia.

from VOA http://ift.tt/2wG2sBT
via IFTTT

Puntland iyo Galmudug oo Isugu Yimid Kulan Nabadeed

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furmay kullan ay ka qeyb galeen madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Puntland, issimo iyo waxgarad gobolka ka soo jeeda.

from VOA http://ift.tt/2f04FjY
via IFTTT

Dhadhaab: Dibadbax ka Dhan ah Dowladda Somalia

Dibadbaxyo ayaa la sheegay inay maanta ka dhaceen xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasi oo dadka halkaasi ku jira qaarkood ay ku dhalleecaynayeen go'aanka dawladda Soomaaliya ugu wareejisay dawladda Itoobiya xubin ka tirsan ururka ONLF. Jaamac Buulle Jaamac ayaa arrintan ka waraystay weriye Axmed Nuur Yogol oo ku sugan Dhadhaab.  

from VOA http://ift.tt/2gIIJgQ
via IFTTT

Kheyre oo Ethiopia Kala Hadlay Maxaabiista Soomaalida

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo ra'iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka wada hadlay sidoo maxaabiis Soomaali ah looga sii dayn lahaa xabsiyada dalka Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/2eYSTWN
via IFTTT

Wareysi: Senator Xuseen Xaaji oo Baabuurkiisa la Weeraray

Koox hubeysan oo gaari yar wadatay ayaa maanta weerar ku qaaday baabuur uu leeyahay Senator ka tirsan aqalka sare ee dowladda Soomaaliya. Weerarkan oo ka dhacay degmada Hodan agagaarka Isbitaalka Masaarida, ayaa dableyda fulisay waxa ay gaarigooda ku hor gooyeen midka Senator Xuseen Cali Xaaji iyagoo rasaasna huwiyay.  Weerarka waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo gaariga saarneyd. Jacfar Kuukay ayaa mudanaha ka tirsan aqalka sare ee baabuurkiisa la weeraray ka wareystay, sida ay wax u dheceen.  

from VOA http://ift.tt/2gHlJPo
via IFTTT

Gobolka Banaadir oo Shaqaaleynaya 1000 Dhallinyaro

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay maanta daahfureen barnaamij illaa 1000 qof oo dhalinyaro ah lagu shaqaalaynayo.

from VOA http://ift.tt/2eBzwme
via IFTTT

Simeone oo qandaraas cusub u saxiixay Atletico Madrid

Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa saxiixay qandaraas cusub oo kooxda kusii hayn doona illaa sanadda 2020, sida ay kooxda maanta ku dhawaaqday. Simeone oo xilli cayaareedkii tagay Atletico ku hogaamiyey kaalinta saddexaad ee horyaalka La Liga iyo afar dhammaadka koobka horyaalada Yurub, ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo laba sano ah oo beddelaya heshiiskii hore oo dhacaya sanadda 2018. Bayaan kasoo baxay kooxda ayaa lagu yiri "Heshiis kordhinta Digeo Pablo Simeone waa dhab. Macalinkeeena wuxuu saxiixay qandaraas kooxda kusii hayn doona ilaa bisha June 30, 2020". Simeone ayaa waxaa marar badan lala xiriiriyey qaar ka mid ah kooxaha ugu weyn Yurub, oo ay ku jiraan Paris Saint-Germain, Arsenal, Chelsea iyo Inter Milan. Simeone ayaa horey ugu cayaari jiray kooxda Atletico Madrid, wuxuuna sanaddii 1996-kii kula guuleystay horyaalka La Liga iyo koobka Copa del Ray.    

from VOA http://ift.tt/2xLzn8g
via IFTTT

Barcelona oo sheegtay in Messi uu saxiixay heshiis cusub

Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa u sheegay wargeyska Diario Sport in heshiiska cusub ee Messi la saxiixay, wuxuuna diiday cabsida ah in koox ay bixin karto 300 oo Euro oo ah heshiis nasakhiisa, si ay ula wareegto. Bartomeu ayaa sheegay in heshiis kordhiska Messi oo lagu dhawaaqay bishii July uu ka maqan yahay kaliya sawiradii muujinayey in la saxiixay, balse uu yahay heshiis rasmi ah. Musharaxii hore ee madaxweynaha Barcelona Agusti Benedito ayaa billaabay mooshin ka dhan ah Bartomeu, oo uu doonayo in xilka laga qaadyo, wuxuuna ku eedeeyey arrimo ay ka mid yihiin in Messi uu si bilaash ah kooxda uga tagi karo. Heshiiskii hore ee Messi iyo kooxda Barcelona ayaa dhacaya kadib dhammaadka xilli cayaareedkan. Wararka qaar ayaa sheegaya in heshiiska Messi iyo Barcelona la isku raacay kaliya, balse aan weli si rasmi ah loo saxiixin, taasi oo walaac ku abuurtay taageerayaasha Barca. Haddii ay run tahay in heshiiska aan weli la saxiixin, islamarkaana Messi uu diido inuu saxiixo, wuxuu si bilaash ah uga tagi karaa kooxda kadib dhammaadka xilli cayaareedkan.

from VOA http://ift.tt/2gINUxu
via IFTTT

Boko Xaram oo Boqolaal Qof ku Dishay Galbeedka Afrika

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegay in ku dhowaad 400 qof oo rayid ay ku dhinteen weeraro ismiidaamin ah oo ay koxoda Boko Xaram ka fulisay dalalka Cameroon iyo Nigeria, tan iyo bishii April ee sanadkan.

from VOA http://ift.tt/2xLppDA
via IFTTT

Monday, September 4, 2017

Wariye Axmed Jaakat oo Ku Dhaawacmay Shil Ka Dhacay Mareykanka

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Asli Cabdi Xayir ayaa ku geeriyootay halka wariye Axmed C/raxmaan Jaakat oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dagan Mareykanka uu ku dhaawacmay kadib marki baabuur ay la socdeen uu ku dhacay tareen gudaha magaalada Barron ee gobolka Wisconsin ee dalkaan Mareykanka Sabtidii.

from VOA http://ift.tt/2gAHU65
via IFTTT

Shirkado Ay leeyihiin Soomaalida Minnesota oo Laga Goystay Qandaraasyo

Shirkado ay leeyihiin qaar ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota ayaa qandaraasyo ay ka heysteen shirkadaha caymiska ee Blue Cross Blue Shild iyo U care laga goostay.

from VOA http://ift.tt/2eF0xJk
via IFTTT

Kenya oo Laga Qaban Doono Doorasho Ku Celis Ah

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa sheegay in doorasho kale oo cusub oo ay ku tartami doonaan madaxweyne Uhurru Kenyata iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga la qaban doono 17-ka bisha October.

from VOA http://ift.tt/2w0r9qK
via IFTTT

Qaxootiga Ugu Da,da Weyn Aduunka oo Laga Masaafurinayo Sweden

Haweeneey 106-sano jir ah oo loo maleynayo in ay tahay qaxootigi ugu da,da weynaa caalamka ayaa lagu wadaa in laga masaafuriyo dalka Sweden kadib marki la diday codsigeedii magangalyo.

from VOA http://ift.tt/2wzF4aw
via IFTTT

Warbixin: Dowladda Soomaaliya iyo Arrinta Qalbi-Dhagax

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo wajahay culeysyo siyaasadeed iyo bulsho oo is xig-xigey, waxaana ugu dambeeyey mid ka dhalatay sarkaal ka tirsan ONLF oo la sheegay in loo dhiibay Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/2eyoZYS
via IFTTT

Ciidamada Puntlnad oo Qabtay Nin Dadka Tahriibin Jiray

Ciidamada booliska ee magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah ragga ugu waa weyn ee magafayaasha dhallinyarada ka tahriibiya Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2wAcxA9
via IFTTT

Haweeney Soomaali ah oo lagu Dhaawacay Ohio

Wararka naga soo gaaraya magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalkan Mareykanka ayaa sheegaya in xalay haweeney Soomaaliyeed uu dhaawac nin la sheegay inuu uu ahaa caddaan xilli ay ka soo baxeysay shaqo. Dhacdadan ayey wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ka wareysatay, wariye Xaashi Xersi oo ah wariye madax banaan oo magaalada ku suggan.    

from VOA http://ift.tt/2vFr5kV
via IFTTT

Lix dal oo usoo baxay koobka adduunka 2018

Xulka qaranka dalka Belgium ayaa shalay noqday xulkii lixaad ee usoo baxa koobka kubadda cagta adduunka ee sanadka 2018 ka dhacaya dalka Russia. Belgium ayaa cayaar ka tirsaneyd is reeb reebka koobka adduunka ee qaarada Yurub waxay xalay 2-1 kaga adkaadeen xulka Greece oo ay marti u ahaayeen, waxaana group-ka H ay ku hoggaaminayaan 22 dhibcood. Labada gool ee Belgium waxaa kala dhaliyey Vertonghen iyo Lukaku. Belgium ayaa ku biiraya dalalka Ruushka, Mexico, Japan, Iran iyo Brazil oo horey ugu soo baxay koobka adduunka. Ruushka ayaa marti-gelinaya koobka, sidaas darteedna uma baahnaa inay galaan wax isreeb reeb ah, hase yeeshee dalalka Mexico, Japan, Iran iyo Brazil ayaa kasoo baxay isreeb reebka qaaradahooda.  

from VOA http://ift.tt/2eVgsji
via IFTTT

Wenger: Waan ka laba labeeyey heshiiska Arsenal

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ka laba labeeyey inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda xilli cayaareedkii tagey, sababtoo ah wuxuu shaki ka qabay inuu kooxda hoggaamin karo. Si kastaba Wenger ayaa heshiis laba sano ah Arsenal la galay bishii May, bil ka hor inta uusan dhicin qandaraaska uu kooxda kula jiray. Macallinka Arsenal ayaa u sheegay barnaamijka Telefoot ee TV-ga French inay jireen sababo shaqsi oo ka dambeeyey go'aanka uu dib ugu dhigay heshiiska uu la galay Arsenal. "Muddo ayaan Arsenal macallin u ahaa, sidaas darteed mar walba waxaana is weydiiyaa inaan awood u leeyahay in kooxda gaarsiiyo heerka xiga" ayuu yiri. Taageeryaasha Arsenal ayaa ku baaqay in Wenger ka tago kooxda, kadib markii ay xilli cayaareedkii tagey ku dhameystay kaalinta Shanaad, oo ahaa heerkii ugu xumaa inta uu macalinka u ahaa Wenger. Horyaalka cusub ayey Arsenal sidoo kale ku billaabatay si hoose, ayada oo laga adkaaday laba ka mid ah saddexdii kulan ee ugu horreeyey.

from VOA http://ift.tt/2eCeeIG
via IFTTT

Heshiis Dhexmaray Hezbollah iyo Daacish

Hoggaamiyaha kooxda Hezbollah ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Syria Bashar Assad, si uu ugala xaajoodo heshiis boqolaal ka tirsan maleeshiyada Daacish looga daadgureeyey xuduudda Syria iyo Lebanon horraantii toddobaadkan.

from VOA http://ift.tt/2gy034t
via IFTTT

Duqeymaha Mareykanka oo Shacab ku Laayey Afghanistan

Laba duqeyn oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay toddobaadkan ka fuliyeen dalka Afghanistan ayaa dilay 28 qof oo shacab ah, islamarkaana dhaawacay 16 kale, oo dhammaantood ah haween iyo caruuur, sida ay maanta xaqiijisay QM.

from VOA http://ift.tt/2wxWNiH
via IFTTT

Sunday, September 3, 2017

Wicitaanka: Waxaa Marti Ku Ah Macallim Cabdisalam Sharif

Barnaamijka Wicitaanka dhageystaha waxaa todobaadkaan marti noogu ah macallim Cabdisalam Sharif Adan.

from VOA http://ift.tt/2ezOCMG
via IFTTT

Falanqeyn: Maxaa Lagu Maagayaa Muslimiinta Myanmar

Kumannaan kun oo ka mid ah Muslimiinta dalka hadda loo yaqaano Myanmar balse la oran jiray Burma ayaa gaaray dalka Bangladesh kadib marki ay guryahoodii kasoo barakiciyeen ciidamada dalka Myanmar.

from VOA http://ift.tt/2wvsqtn
via IFTTT

Faah-faahinta Ciyaaraha Loogu Soo Baxayo Koobka Aduunka

Waxaa Sabtidi iyo Axadi dhacay kulamo ka tirsan ciyaaraha is-reebreebka loogu soo baxayo Koobka Aduunka ee sanadka 2018-ka ka dhici dhoona dalka Russia.

from VOA http://ift.tt/2eRFLmq
via IFTTT

Mushkilad Soo Food Saartay Soomaalida Columbus

Magaalada Columbus ee gobolka Ohio oo ka mid ah meelaha ay sida aadka ah u dagaan Soomaalida Mareykanka ayaa waxaa bilooyinki ugu danbeeyey ka dilaacay kooxo isugu jira Soomaali iyo ajnabi oo is dilaya.

from VOA http://ift.tt/2ezDjnK
via IFTTT

Dagaal Khasaaro Sababay oo Ka Dhacay Deegaanka Buulo Guduud

Ugu yaraan 7 asari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada Al-Shabab ku qaadeen deegaanka Buulo Guduud oo 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2vCF2jw
via IFTTT

Saturday, September 2, 2017

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Jaamac Buulle Jaamac

from VOA http://ift.tt/2vTrXgN
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka oo xiiso gaar ah leh. Jamaal Axmed Cismaan ayaa la diyaar ah.

from VOA http://ift.tt/2vAo2KP
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Cayaaraha

Dhageyso warar goos goos ah oo ciyaaraha ku saabsan, gaar ahaan nattiijooyinka kulamo xiiso badan oo la dheelay iyo kuwa dhacaya. Maxamuud Mascadde ayaa la diyaar ah.

from VOA http://ift.tt/2x0niPe
via IFTTT

Friday, September 1, 2017

Warbixin: Xajka Sanadkan iyo Kuwii ka Horeeyey

Xajka sanadkan ayaa waxyaabo dhowr ah kaga duwanaa kuwii sanadihii hore, iyada oo waxyaabaha gaarka ahaa ay ka mid ahaayeen Muslimiin ka timid dalka Britain oo baaskiilo ku xajiyey

from VOA http://ift.tt/2wrop9h
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Tuullada Af Urur ee Nawaaxiga Carmo

Wararka ka imanaya degaanka Af-Urur oo ku yaalla buuralayda Galgala ayaa sheegaya in manata qarax uu ka dhacay halkaasi isla markaana ay jirto waxyeello naf ah oo ka dhashay weerarkaasi oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen maleeshiyada Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2vwVEsO
via IFTTT

Soomaaliya oo Mareykanka ka Codsatey Ciidan Dhulka iyo Sirdoon si Deg Deg ah

Dowlada Somalia ayaa Mareykanka si deg deg ah uga codsatey in ay Soomaaliya usoo diraan ciidamo dhulka ka dagaalama iyo sirdoon, si looga gacan siiyo waxa ay ku tilmaameen qatar ku soo socota Mareykanka, Somalia iyo guud ahaan caalamka.

from VOA http://ift.tt/2woY6R2
via IFTTT

Kenya: Maxkamadda Sare Oo Laashay Natiijada Doorashadii Madaxtinnimo

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee bishii la soo dhaafay, taas oo la sheegey in uu ku guuleystay madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta.

from VOA http://ift.tt/2vwYyxO
via IFTTT