Saturday, June 30, 2018

Xuska 1-da Luuliyo oo Muqdisho Lagu Qabtay

Magaalada Muqdisho waxaa lagu lagu qabtay munaasabad loogu dabbaal degayo xuska kowda Luulyo,oo ah maalintii ay xuroobeen gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo hadda ay ka soo wareegatay 58 sano.

from VOA https://ift.tt/2IGF4s1
via IFTTT

Ethiopia oo ONLF ka Saareysa Liiska Argagixisada

Golaha wasiiradda dowladda Ethiopia ayaa baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar ururka ONLF iyo ururo kale looga saaryo liiska kooxaha argagixisada.

from VOA https://ift.tt/2KwS59p
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijak Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington waxaa soo diyaarisay soona jeedineysa Sahra Ciidle Nur.

from VOA https://ift.tt/2IFTx7B
via IFTTT

Martida Makarafoonka: Ifrax Cumar Salad

Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa todobaadkaan marti innoogu ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Maamul Goboleedka Hirshabelle, Ifrax Cumar Salad.

from VOA https://ift.tt/2KnvCzK
via IFTTT

Mbappe iyo Faransiiska oo Daaqada ka Tuuray Messi iyo Argentine

Xulka France ayaa u noqday xulki ugu horreeyay ee gaara wareega siddeeda kooxood ee Koobka Aduunka ee sannadkaan 2018-ka, kadib marki ay maanta 4-3 ku garaaceen Argentina.

from VOA https://ift.tt/2IEqJMI
via IFTTT

Gud. Shabeelaha Hoose oo la Dhaawacay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maanta Qarax miino oo gaarigooda loogu xiray ay ka badbaadeen saraakiil ka tirsan maamulka Shabeelada Hoose. Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibrahim Barre iyo Gudoomiyaha deegaanka Ceelasha biyaha Ayaan Xassan Xuseen ayaa qaraxaasi ka badbaaday ka dib markii miino gaariga loogu xiray ay ku qaraxday xilli ay marayeen meel ku dhow deegaanka siinka dheer. Saraakiil ka tirsan maamulka shabeelaha Hoose oo ay VOAdu la hadashay ayaa sheegay in labada masuul ay soo gaareeen dhaawacyo fudud.  

from VOA https://ift.tt/2IF7R0c
via IFTTT

Cisbitaalka Dayniile oo ay Qeybi Qubatay

Dab xooggan oo ka kacay Koronto ayaa xalay baabi'iyay qeybo ka mid ah cusbitalka Deyniile ee Magaalada Muqdisho. Isbitalkan oo dadka si lacag la'aan ah ku daaweeya ayaa sameeya qaliimo u badan ahaweenka isku furma.

from VOA https://ift.tt/2NaCFtr
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo ay ka mid yihiin cusbitaal takhasuse ah, kaas oo lagu sameyn doono qalliinada waaweyn ee markii hore dibadda loo tagi jiray

from VOA https://ift.tt/2KjVmgh
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inala socodsiinaya Ibraahim Xasan Maxamuud iyo Jaamac Buulle Jaamac

from VOA https://ift.tt/2tJOtKQ
via IFTTT

Friday, June 29, 2018

Iskudhacyo Israel iyo Falastiin ku Dhexmaray Marinka Gaza

Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib isku-dhacdyo Jimcihi shalay Marinka Gaza ku dhexmaray ciidamada Israel iyo dad Falastiiniyiin oo mudaaharaad ka dhigay xadka Gaza.

from VOA https://ift.tt/2lG5wcu
via IFTTT

Dad laga celiyey Mareykanka oo la geeyey Muqdisho.

Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

from VOA https://ift.tt/2yWMWGk
via IFTTT

Faaqidaadda: Doorka dhallinyarada ee xoriyadda

Toddobaadkan waxaa Soomaaliya looga dabbaal degayaa 58 guuradii kasoo wareegtay markii dalka uu xoriyadda qaatay, oo ay midoobeen gobollada waqooyi iyo koonfur. Haddaba doorka dhallinyarada ee xornimada ayaan ku eegeynaa barnaamijka faaqidaadda. Waxaa soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.  

from VOA https://ift.tt/2lEvUDs
via IFTTT

Weerar lagu beegsaday sarkaal sare oo Shabaab ah

Warar aanu ka helnay hay'adaha amniga Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay maalintii Talaadada nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

from VOA https://ift.tt/2MwTzB6
via IFTTT

Midowga Yurub oo heshiis ka gaaray qaxootiga

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa maanta heshiis ka gaaray dadka muhaajiriinta ah ee qaaradda imanaya.

from VOA https://ift.tt/2yTngKH
via IFTTT

ONLF oo ka hadashay sii daynta Qalbi-Dhagax

Ururka ONLF ayaa ka hadlay sii daynta Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax, oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa, kaasoo kadib muddo uu dowlada Ethiopia gacanta ugu jirey la sii daayey shalay.

from VOA https://ift.tt/2lEsD7g
via IFTTT

Thursday, June 28, 2018

Senegal oo ka hartay koobka adduunka

Xulka kubadda cagta Senegal ayaa ka haray koobka adduunka, kadib markii laga adkaaya cayaartii ugu dambeysay ee ay caawa dheeleen Colombia ayaa 1-0 kaga adkaatay Senegal, waxaana dalkan uu noqday kii ugu dambeeyey ee Afrikan ah oo ka hara koobka adduunka, mana jiro dal qaaradda Africa matalaya oo ku haray koobka Group-ka H oo ay labadan dal ku wada jiraan ayaa waxaa 6 dhibcood kaalinta koowaad ku galay Colombia, halka Japan ay 4 dhibcood kaalinta labaad ku xaqiiqsatay. Japan iyo Senegal oo isku dhibco ahaa, ayaa waxaa Japan ay ku gudubtay cayaar wanaag, maadama ay qaateen 4 jaalle, halka Senegal ay qaadatay 6 jaalle.  

from VOA https://ift.tt/2lEylpB
via IFTTT

Cabdikariin Qalbi-Dhagax oo lasii daayey

Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Itoobiya ayaa maanta laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

from VOA https://ift.tt/2z16ObF
via IFTTT

Kulanka Trump iyo Putin oo ka dhacaya Helsinki

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah waxa ay 16-ka July ku yeelan doonan magaalada Helsinki ee dalka Finland.

from VOA https://ift.tt/2KtbSd1
via IFTTT

Maxay yihiin kooxaha qalalaasaha ka wada Mozambique?

Waxaa dhowaanahan sii kordhayayey qalalaasaha ka dhacay gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

from VOA https://ift.tt/2IyUYok
via IFTTT

Shir looga hadlay beeraha iyo deegaanka Somalia

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan shir gaar ah oo dhinaca beeraha iyo degaanka ah waxay ku yeesheen magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalkan Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2KvRc4f
via IFTTT

ICG oo ka digtay dagaal ka qarxa Tukaraq

Hay'adda ka faalloota Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa qortay warbixin ay kaga hadlayso cabsi laga qabo dagaal dhex mari kara Somaliland iyo Puntland.

from VOA https://ift.tt/2MwAzmt
via IFTTT

Wednesday, June 27, 2018

Garsoore Kennedy oo Shaqada ka Tagaya

Garsoore Anthony Kennedy, oo ah xubin ka mid ah sagaalka garsoore ee Maxkamada Sare ee dalkan Mreykanka ayaa shaley oo Arbaco ahayd shegay inuu shaqada howlgab ka noqon doono.

from VOA https://ift.tt/2N5Otx2
via IFTTT

ICG: Xasaradda Tukaraq

Hay'adda ka faalloota Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa qortay warbixin ay kaga hadlayso cabsi laga qabo dagaal dhex mari kara Somaliland iyo Puntland, iyada oo warbixintu ay qortay in labada dhinacba ay ciidan badan ku soo daabulayaan meel u dhow dhulka lagu dagaalamayo ee Tukaraq.

from VOA https://ift.tt/2Iz1WKa
via IFTTT

Qubanaha VOA, Jun. 28, 2018



from VOA https://ift.tt/2Ke8lQE
via IFTTT

Milan oo Laba Sano Laga Ganaaxay Tartannada Yurub

Xiriirka kubadda cakta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa muddo laba sano ah ka ganaaxay kooxda caanka ah ee AC Milan dhamaan tartannada Yurub, kadib marki lagu eedeeyay in ay jebisay Nidaamka Isku-dheelitirka Dhaqaalaha ee loo soo gaabiyo (FFP).

from VOA https://ift.tt/2yO44xZ
via IFTTT

Jarmalka oo laga reebay koobka adduunka

Xulka kubadda cagta Jarmalka ayaa markii ugu horeysay taariikhda tan iyo sanaddii 1938-kii lagu reebay wareegga koowaad ee koobka adduunka. Jarmalka oo caawa la cayaaray dalka Korea-da Koonfureed ayaa waxaa looga adkaaday 2-0, waxayna ku dhammeysteen kaalinta ugu hooseysay ee group-ka F, ayaga oo helay 3 dhibcood kaliya. Labada gool ayaa waxaa Jarmalka laga dhaliyey intii lagu guda jiray daqiiqadihii dheeriga ahaa ee cayaarta lagu daray kadib 90-ka daqiiqo. Korea-da Koonfureed ayaa sidoo kale soo hartay ayada oo kaalinta 3-aad ka gashay isla group-ka, oo ay ka heshay 3 dhibcood. Sweden oo iyana 3-0 kaga adkaatay xulka Mexico, ayaa kaalinta koowaad ku dhameysatay group-ka, halka Mexico ay gashay kaalinta labaad. Labadan dal oo leh min lix dhibcood ayaa waxaa xagga goolasha koowaad ku galay Sweden.  

from VOA https://ift.tt/2lBQZ1p
via IFTTT

Muhaajiriinta Ethiopian-ka ee Puntland oo la hadlay VOA

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo galayay deegaanada Puntland muhaajiriin badan oo ka timid dalka Itoobiya. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay inay gaadhayaan kumannaan haatanna ay sii kordhayaan. Safarka muhaajiriinta, oo doonaya inay tahriibana, ayaa ku soo beegmaya xili ay cimilada magaalada Boosaaso aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay maadaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka. Tiradii ugu badneyd ee tahriibayaasha ayaa shalay waxay lug ku mareen waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100 Km u jirta magaalada Boosaaso. Weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa booqatay mid ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin muhaajiriintaasi, warbixintan ayeyna nooga soo dirtay.  

from VOA https://ift.tt/2lApXY2
via IFTTT

Isbital fulinaya qalliinka maskaxda oo laga furay Hargeysa

Iyadoo inta badan dalalka dibedda loo tego daweynta xannuunada qaarkood, ayaa waxa magaalada Hargeysa maanta laga furay cisbital fulinaya adeegyadaas qaarkood. Isbitalka ayaa adeegyada uu fulin doono, waxaa ka mid ah qalliinada maskaxdu. Isbitalkan oo dhismihiisu wakhti qaatay, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye wuxuu ka waraystay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ah aasaasaha Cisbitalkan Haldoor.  

from VOA https://ift.tt/2tFiVFf
via IFTTT

Wareysi: Xildhibaan Xuseen Carab Ciise

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala maqan dalka gudihisia iyo dibeddiisa iyadoo aan si rasmi ah loogu dhowaaqin inuu xiran yahay kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka. Aqalka Baarlamaanka ayaa kasoo kabanaya murankii siyaasadeed ee dhowaan dhacay iyo bisha Ramadaan oo soo dhexgashay hawshii baarlamaanka. Haaruun Macruuf ayaa arrimahan ka waraystay Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah baarlamaanka haatanna ku sugana Gobolka California ee dalkan Maraykanka.  

from VOA https://ift.tt/2lAmuJb
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 426-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 426-aad.​      

from VOA https://ift.tt/2tIRxWO
via IFTTT

Nigeria: 200 qof oo ku dhintay dagaal dhuleed

Barasaabka gobolka ku yaalla bartamaha dalka Nigeria ee Plateau ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee dadkii dabyaqaada toddobaadkii tagey ku dhintay iskudhacyo dhex maray xoolaley muslimiin ah iyo beeraley kirishtan ah.

from VOA https://ift.tt/2KrWnly
via IFTTT

Al-Shabaab oo beenisay inuu dhintay hogaamiyahooda

Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey warar laga soo xigtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo sheegay inuu geeriyooday hoggaamiyihii ururkaasi Axmed Diiriye Abu Cubayda.

from VOA https://ift.tt/2yLKNNH
via IFTTT

Tuesday, June 26, 2018

Hogaamiyihii Al Shabab oo La Sheegay in uu Geeriyooday

Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay VOA-da heshay ayaa sheegaya in hogaamiyihii ururka Al Shabab Ahmed Diriye (Abu Cubeyda) uu Isniinti aanu kasoo gudubnay ku geeriyooday koofurta Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2tHMkP0
via IFTTT

Saraakiil u Dhashay Myanmar oo Lagu Eedeeyay Gaboodfal

Hey'ada Xuquuqda Aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay heyso daliilo cad oo muujinaya in 13 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Myanmar ay galeen xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.

from VOA https://ift.tt/2lD2lC4
via IFTTT

Maxkamadda sare oo taageertay amarkii socdaalka ee Trump

Maxkamadd sare ee Mareykanka ayaa maanta si dirqi ah ku taageertay  amarkii madaxweyne Trump uu dalka kaga mamnuucay inay soo galaan dadka kasoo jeeda shan dal oo muslim ah.

from VOA https://ift.tt/2MsTsGX
via IFTTT

Maxkamadda sare oo ayidday amarkii socdaalka ee Trump

Maxkamadd sare ee Mareykanka ayaa maanta si dirqi ah ku ayidday amarkii madaxweyne Trump uu dalka kaga mamnuucay inay soo galaan dadka kasoo jeeda shan dal oo muslim ah.

from VOA https://ift.tt/2Ke3gbf
via IFTTT

Maxay ka dhigan tahay ceyrinta Gabre?

Sidii aad idaacadeennii saakay ku dhageysateen, urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre. Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim oo lagu baahiyay warbaahinta Geeska Africa ayaa si rasmi ah shaqada uga joojisey jeneraalkan oo shaqadiisa ay aheyd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD. Generalkan ayaa si weyn Soomaalida dhexdeeda looga yaqaan, isagoo galaangal u lahaa siyaasadda Soomaaliya, una kala dabqaadi jiray hogaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka. Haddaba, shaqo ka erinta sarkaalkan ayey Sahra Cabdi Axmed wax ka weydiisay Prof. Cabdi Ismaciil Samatar.    

from VOA https://ift.tt/2MZiHS0
via IFTTT

Dadka Caabudwaaq oo canshuur iska ururinaya

Maamulka iyo dadka ku nool degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa kullan ay yeesheen isku afgartay qaadista canshuurta si loogu horumariyo amniga iyo nolosha magaalada. Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray Gaalkacyo.      

from VOA https://ift.tt/2tBCTkc
via IFTTT

Maalinta 26-ka June oo laga xusay Muqdisho

58 sano ayaa laga joogaa maalintii ugu horeysay ee dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taago calanka Soomaaliya. Bishii June 26-keedii sanadkii 1960-kii ayey aheyd markii la taagay calanka. Sanad walbana Soomaalida ayaa meelo badan oo dunida ah ka xusa maalintan oo ka mid ah maalmaha ku weyn taariikhda jiritaanka Soomaaliya. Meelaha munaasabadaha lagu weyneynayo 26-ka June lagu qabtay waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.    

from VOA https://ift.tt/2MYUHP7
via IFTTT

Israel 'oo duqeysay magaalada Dimishiq'

Warbaahinta dowladda Syria ayaa maanta sheegtay in laba gantaal oo Israel ay soo tuurtay ay ku dhaceen bartilmaameedyo ku yaalla meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dimishiq.

from VOA https://ift.tt/2Movpsp
via IFTTT

Wafti ka socda Eritrea oo maanta tageya Ethiopia

Wafti ka socda dalka Eritrea ayaa maanta dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia u tagi doona wada-hadallo taariikhi ah, oo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika.

from VOA https://ift.tt/2MZcQwf
via IFTTT

Monday, June 25, 2018

Sacuudiga oo Lagday Masar iyo Urugauay oo Jajabsatay Russia

Xulka Sacuudiga ayaa soo xareeyay guushiisi ugu horreysay Koobka Aduunka ee 2018-ka, kadib marki ay maanta 2-1 ku garaacay Masar.

from VOA https://ift.tt/2MX9UQL
via IFTTT

Wafti ka socda Eritrea oo tageya Ethiopia

Ethiopia ayaa sheegtay in wafti ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay toddobaadkan magaalada Addis-Ababa u iman doonaan wada-hadallo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika.

from VOA https://ift.tt/2tCkt2z
via IFTTT

Ardayda Beledweyne oo u fariisaty imtixaanka

Ardayda dhigata dugsiyada sare ee magaalada Baledweyne oo la sheegay in aanay ka qayb  galin Imtixaankii Shahaadiga ahaa, ee bishii hore ka qabsoomay Koonfurta iyo badhatama Somalia sababo xidhiidha  fatahaadii ku dhufatay magaalada ayaa shalay  u fariistay Imtixaanka. Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee maamulka Hirshabelle Muumin Tuure C/laahi oo loo yaqaano Safaroow ayaa VOA uga waramay tirada Guud Ardayda HirShabelle ee Imtaxaanka Sanadkan u fariistay iyo Gaar ahaan kuwa  Baledweyne ee ka qeybgalay Imtixaanka.      

from VOA https://ift.tt/2Mk0EoG
via IFTTT

Qalliin nooc cusub oo laga sameeyey Hargeysa

Qalliin noociisu ku cusub yahay dalka oo xagga indhaha ah, ayaa xalay lagu sameeyay magaalada Hargeysa.

from VOA https://ift.tt/2KaKu4x
via IFTTT

Tahriibayaal Ethiopian ah oo ku qulqulaya Puntland

Waxaa deegaannada Puntland ku soo qulqulaya tahriibayaal badan oo ka imanaya dhinaca Itoobiya, safarkooduna ku beegsanaya magaalo xeebeedka Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.

from VOA https://ift.tt/2yHRPTE
via IFTTT

Falastiiniyiinta oo u jawaabay Jared Kushner

Falastiiniyiinta ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Jared Kushner, oo la-taliye sare u ah, islamarkaana soddog uu u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

from VOA https://ift.tt/2Ioqsh5
via IFTTT

Erdogan oo loo doortay madaxweynaha Turkey

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay xilka madaxtinnimo ee dalkiisa doorasho cusub oo waqtigeeda laga soo hormariyay, taas oo madaxtooyada siineysa awood dheeraad ah.

from VOA https://ift.tt/2K7tsnO
via IFTTT

Sunday, June 24, 2018

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadan waxaa marti ku ah Cabdullaahi Xaaji Xasan, Agaasimaha Hay'adda Cilmibaarista iyo Wadatashiga ee CRD oo ka jawaabaya su'aalo la xiriira sameynta golayaasha deegaanka ee magaalooyinka Somalia

from VOA https://ift.tt/2tt7HUa
via IFTTT

Somalia oo M. Hawada la soo Wareegtay

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka sheegtay in si buuxda ay hadda u maamulayso Hawada dalka, iyada oo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Khayre uu sheegay in maamulka hawadu uu hadda gacanta Somalia ku wada jiro

from VOA https://ift.tt/2lwNYPG
via IFTTT

Xhaka iyo Shaqiri oo Ganaax Wajahaya

Xirirka kubadda cakta FIFA ee maamulaya ciyaaraha Koobka Aduunka ayaa bilaabay baaritaan dhinaca anshaxa ah oo ka dhan ah laba laacib oo u ciyaara xulka Switzerland kuwaas oo kala ah Granit Xhaka iyo Xherdan Shaqiri.

from VOA https://ift.tt/2MVBeyH
via IFTTT

Jarmalka oo Guul Layaab Leh Ka Gaaray Weden

Xulka difaacanaya horyaalnimada Koobka Aduunka ee Jarmalka ayaa soo nooleeyay rajadiisa ah inuu noqdo dalki ugu horreeyay ee koobka ku guuleysta laba jeer tan iyo sannadki 1962-ki markaas oo ay Brazil koobka ku guuleysatay laba jeer oo is-xigtay, kadib marki ay xalay 2-1 uga badiyeen Sweden.

from VOA https://ift.tt/2KixxBE
via IFTTT

Saturday, June 23, 2018

Saraakiil loo xir xirey qarixii Itoobiya

Dowlada Ethiopia ayaa xirxirtey ilaa iyo 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

from VOA https://ift.tt/2KkQJ52
via IFTTT

Warkii ugu Dambeeyay ee Qarixii Zimbabwe

Qarax kale aya isna ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha dalkaasi Emmerson Mnangagwa, oo dad isku soo baxay u lahadlayay.

from VOA https://ift.tt/2IiNKol
via IFTTT

Wiil Soomaali ah oo ka mid noqdey koox ku guulesatay tartanka sameynta Robot-yada

Yuusuf Maxamed Amiin Sheekh Caddow, waa wiil dhalinyaro ah Soomaali ah oo dhigta fasalka siddeedaad ee iskuul ku yaalla dalka Sweden oo uu deggan yahay.

from VOA https://ift.tt/2K5rT9S
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington waxaa soo diyaarisay soona jeedinaya, Sahra Ciidle Nur.

from VOA https://ift.tt/2Kfpf0A
via IFTTT

Martida Makrafoonka: C/raxman D. Beyle

Barnaamijka Martida Makrafoonka waxaa marti inoogu ah todobaadkan, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxman Ducaale Beyle.

from VOA https://ift.tt/2Im3ZRH
via IFTTT

Belgium oo 5-2 uga Badiyay Tunisia

Xulka Belgium ayaa qarka u saaran inuu u gudbo wareega 16-ka ee Koobka Aduunka 2018, kadib marki ay maanta 5-2 uga badiyeen xulka Tunisia.

from VOA https://ift.tt/2MfIHYm
via IFTTT

Abiy Ahmed oo Qarax ka Badbaaday

Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta ka badbaaday weerar bamba gacmeed oo lagu weeraray goob uu dad isu soo baxay kula hadlayay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

from VOA https://ift.tt/2tnvF42
via IFTTT

Puntland: Shirkii Golaha Wakiilada oo Qabsoomay

Magaalada Growe waxaa maanta ka furmay kalfadhigii 41-aad ee Golaha wakiillada Puntland, iyada oo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kalfadhigan furay uu ku dheeraadaady colaadda Sool ee Puntland iyo Somaliland

from VOA https://ift.tt/2Me8j7V
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo ay ku jiraan muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya iyo qubanayaal kale.

from VOA https://ift.tt/2tnNujk
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)

from VOA https://ift.tt/2ty7TBw
via IFTTT

Friday, June 22, 2018

Pentagon oo ka Hadashay Xakameynta Muhaajiriinta

Ciidanka Navy-ga Maraykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in xarumaha ciidanka Maraykanka uu ka dhiso goobo waaweyn oo dadka muhaajiriinta sharci-darrada ah lagu hayo, muhaajiriintaas oo ah kuwa ka soo gudbaya xuduudda koonfureed ee Maraykanka.

from VOA https://ift.tt/2KeOFYV
via IFTTT

Mareykanka oo bogaadiyey xiriirka Ethiopia iyo Eritrea

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in horumarka ay Ethiopia iyo Eritrea ka sameeyeen xal u helista murranka muddada dheer ka dhex oognaa iyo caadiyeynta xiriirkooda uu dhiirigelinayo.

from VOA https://ift.tt/2IfEly7
via IFTTT

Faaqidaadda: Heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia

Heshiiskaas oo dhowr qodob ka koobnaa waxaa ugu muhiimsanaa qodobka ka hadlaya in la wada maal-gashto afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2tkuSAX
via IFTTT

Mareykanka: 40 milyan oo qof ayaa sabool ah

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo ku saabsan saboolnimada darran iyo xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in 40 malyuun oo qof oo ku nool dalka Mareykanka ay ku noolyihiin faqiirnimo ba'an.

from VOA https://ift.tt/2MhGLyj
via IFTTT

3 nin oo loo haysto weerarkii masjidka Minnesota

Saddex nin ayaa waxaa lagu soo oogay dambi naceyb kadib markii lagu eedeeyey inay bombaano ku weerareen masjid ku yaalla gobolka Minnesota.

from VOA https://ift.tt/2KbAZB8
via IFTTT

Turkiga oo ka aargutay canshuurtii Trump

Turkey ayaa sheegtay in canshuur dhan 1.8 bilyan oo dollar ay saari doonto badeecadaha lagu soo sameeyo Mareykanka, ayada oo ka aargudaneysa canshuur madaxweyne Trump uu saaray biraha iyo alumuuniyaamta dalkaas.

from VOA https://ift.tt/2MNcN6D
via IFTTT

Turkiga oo xiray 14 tuhmane oo Daacish ah

Wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta ay xireen 14 qof oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin kooxda Daacish, kuwaasi oo diyaarinayey weeraro ka dhan ah doorashooyinka dalkaas ka dhacaya axadda.

from VOA https://ift.tt/2K7num7
via IFTTT

Thursday, June 21, 2018

Faransiiska oo u gudbay wareega 16-ka Koobka Aduunka

Xulka kubadda cakta Faransiiska ayaa u gudbay wareega 16-ka ee Koobka Aduunka, kadib marki ay maanta 1-0 uga badiyeen kooxda qaranka ee Peru.

from VOA https://ift.tt/2tfKju2
via IFTTT

Muranka Deeqaha Somaliland

Waxaa soo baxday inuu muran u dhexeeyo dawladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ku saabsan heshiis gaar ah oo qayb ka ahaa Hiigsiga Cusub iyo deeqaha la siinayo Somaliland

from VOA https://ift.tt/2MOxRd0
via IFTTT

Dilal ka dhacay Diinsoor oo la isku khilaafsan yahay

Mas'uuliyiinta gobolka ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen Al-Shabaab, balse ehallada dadkaas ayaa ku dooday inay ahaayeen dad rayid ah.

from VOA https://ift.tt/2MJeB0x
via IFTTT

Cayaaraha adduunka iyo dhallinyarada muqdisho

Dalka Ruusha waxaa si xiisa leh uga socda tartanka Koobka kubadda cagta Aduunka. Ka sokow taageerayaasha dalalka ka qeyb galaya iyo xamaasadda garoomada Ruushka ee ay cayaaraha ka dhacayaan malaayiin qof  oo kale ayaa maalin walba ka daawata shaashadaha. Somalia cayaarta kubadda cagta waa cayaarta ay dhalinyaradu ugu jecelyihiin. Laakiin sanado badan oo amni xumi ay ka jirtay magaalada Muqdisho ayaa sanadkaad waxaa la dareemayaa dhalinyaro koox koox u daawanaya cayaaraha Aduunka. Wariyaha VOA-da Xassan Kaafi Qoyste ayaa tagay goobo lagu daawanayay cayaaraha Aduunka warbixintan ayuuna noo soo diray.      

from VOA https://ift.tt/2tdKYfG
via IFTTT

Booliska isku dhafka ah ee Gaalkacyo oo dad xiray

Waxaa soo kordhaya wada shaqeynta ay muujinayaan ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca suggidda ammaanka iyo ka hor tagista rabshado mar kale magaaladaa ku soo celin kara dagaallo ku dhex maray dhinacyada Galmudug iyo Puntland. Wada shaqeyntaas waxaa ugu dambeeyay booliska Galmudug oo maanta rag soo qabqabteen ku wareejiyay booliska maamulka Puntland. Wariyeheenna Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Gaalkacyo..      

from VOA https://ift.tt/2tsI9GH
via IFTTT

Spain oo dirqi uga badisay Iran

Mid ka mid ah kulannadi ugu xiisaha badnaa todobaadkaan ciyaaraha Koobka Aduunka ayaa waxay xalay uu dhexmaray xulalka Spain iyo Iran oo ka wada tirsan Group B. Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Kazan ee Koofurgalbeed Russia ayay xulka Iran kusoo bandhigeen ciyaar wadna-xanuun ku ridday xulka Spain kadid marki ay Iraaniyiintu dheeleen ciyaar difaac iyo weerar rogaal celis aheyd.  Hase yeeshee guushu waxay 1-0 ku raacday Spain, waxaana goolka guusha u dhaliyay Diego Costa oo weerarka ka ciyaara. Qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Spain ayaa saakay bogooda hore kaga hadlay ciyaarti Spain iyo Iran. Wargeyska Mundo Deportivo ayaa kulanki ka dhacay magaalada Kazan ku tilmaamay "Ciyaar wadnaqabad aheyd" wargeyska Marca ayaa isna bogiisa hore ku daabacay "Waanu dhibtoonnay laakin waanu jebinnay derbiga". Jariirada AS ayaa ku magacowday xulka Spain "Hogaamiyaasha kubadda kuceliska" halka wargeyska Sport uu u mahadceliyay jiritaanka tiknoolojiyada loogu magac-daray VAR ee saacido garsoorayaasha kaasoo Iran ka diiday gool ay dhaliyeen. "Wargeyska wuxuu yiri muddo badan sii nooloow VAR!" 

from VOA https://ift.tt/2yv2Yaf
via IFTTT

Portugal oo Uruguay oo guulo gaaray

Xulka kubadda cagta Portugal ayaa waxuu 1-0 uga badiyay Morocco. Goolka guusha waxaa saxiixay Ronaldo oo hadda hogaaminaya gooldhalinta ciyaaraha aduunka, isaga oo leh 4 gool labadi kulan ee uu ilaa hadda dheelay. Uruguay waxay 1-0 ku jajabsadeen Saudi Arabia. Goolka guusha waxaa saxiixay Suarez. Ilaa iyo hadda waxaa xaqiijiyay inay usoo gudbeen wareega labaad ee 16-ka xulalka Russia iyo Uruguay, halka Masar iyo Sacuudiga iyo Morroco ay noqodeen kuwi ugu horeeyay ee ka haray tartanka. Maanta iyo caawa saddex kulan oo ka kala tirsan Group-yada C iyo D ayaa dhici doona. Ciyaarta ugu soo horreysay waxay 3-da galabnimo xilliga Geeska Africa dhexmari doontaa Denmark iyo Australia, tan ku xigtana waxay lixda galabnimo dhexmari doontaa France iyo Peri.  Ciyaarta ugu danbeysa waxaa caawa fiidkii isku haleeli doona Argentina iyo Croatia.    

from VOA https://ift.tt/2lnIBSY
via IFTTT

Turkiga oo helaya diyaaradaha F-35

Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay u sheegeen VOA.

from VOA https://ift.tt/2totrAH
via IFTTT

Wednesday, June 20, 2018

Wareysi: Wareegtada Madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii shalay soo saaray wareegto uu ku joojinayo go'aan uu isagu horay u soo saaray, kaas oo qaxootiga qaangaarka ah lagaga horjoogsanayo inay Maraykanka soo galaan, caruurtoodana laga reebayo si loo xanaaneeyo.

from VOA https://ift.tt/2MciN7V
via IFTTT

Qubanaha VOA, Jun. 21, 2018



from VOA https://ift.tt/2I7uLx2
via IFTTT

Gabdho lagu kufsaday jidka Muqdisho iyo Baydhaba

Todobaadyaddii u dambeeyay waxaa qeyla dhaan ay ka soo yeereysay dadka rakaabka ah ee ku safra wada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

from VOA https://ift.tt/2tj17k3
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 425-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 425-aad.​        

from VOA https://ift.tt/2tpKS3w
via IFTTT

'Awoodda Al-Shabaab ma sii kordheyso'

Qiimeyn la sameeyey ayaa sheegeysa in kooxda Al-Shabaab aysan sii xoogeysan, inkasta oo ay dhowaanahan fulisay weeraro dhimasho badan, oo uu ku jiro mid lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2K13OAj
via IFTTT

Afghanistan: 30 askari oo weerar lagu dilay

Ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dalka Afghanistan ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo la tuhunsan yahay inay yihiin Taliban ay weerar ku qaadaeen laba bar kontorool maanta.

from VOA https://ift.tt/2MFXEE7
via IFTTT

Tuesday, June 19, 2018

Mareykanka oo Ka Baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha QM

Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in Golahani uusan hadda kadib u qalmin magaca uu wato.

from VOA https://ift.tt/2JPxUHA
via IFTTT

Muqdisho: Askarti dilay Mid ka Mid ah Ciidamada Taraafikada

Askari ka tirsan ciidamada dowladda, ayaa dil toogasho u geystay askari ka mid ahaa ciidamada ilaalinta nidaamka waddooyinka ee taraafikada, xilli la sheegey in uu shaqadiisa ku guda jiray askariga la dilay.

from VOA https://ift.tt/2MGdleD
via IFTTT

Koobka Adduunka: Japan iyo Senegal oo guul gaaray

Xulka kubadda cagta Japan ayaa guul ku billowday cayaaraha koobka adduunka ayaga oo 2-1 kaga adkaaday dalka Columbia. Cayaartan oo ahayd tii koowaad ee maanta dhacday ayaa waxaa Columbia calaamadda casaanka ah laga siiyey Carlos Sanchez daqiiqaddii saddexaad ee cayaarta. Isla group-ka H waxaa dalalkan kula jiray dalalka Poland iyo Senegal oo ayagana cayaar xiiso leh ay dhex-martay fiidkii caawa xilliga geeska Afrika. Senegal ayaa 2-1 kaga adkaatay Poland, waxaana dalkan uu noqday kii ugu horreeyey Afrika ee guul ka gaara cayaaraha koobka adduunka illaa hadda.

from VOA https://ift.tt/2ljuwWE
via IFTTT

Galka Baarista: Dilkii askarta Soomaaliya ee 1978

Intii uu dagaalkii Somalia iyo Ethiopia 1978-kii waxa dhacay fal ay saraakiisha sare ee ciidamada dawladda Soomaaliya ku khaarajiyeen askartii ugu badnayd ee Soomaali ah ee hal mar lagu laayo goob keliya.

from VOA https://ift.tt/2ylTcaz
via IFTTT

Kheyre oo furay shirka Madasha Oslo

Magaalada Oslo ee dalka Norway waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta xasaradaha caalamka. Shirkwan ayaa waxaa si wada jir ah u furay, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,  xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide. Wariyaha VOA-da ee London ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Baashe Maxamed Muuse oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Oslo, waxaana uu wax ka waydiiyay shirkaasi maanta ka furmay magaalada Oslo.      

from VOA https://ift.tt/2t9Rkwh
via IFTTT

Soomaaliya ma ka maarantaa Amisom?

Waxaa isguraya waqtiga la qorsheeyay in ugu dambeys ay ciidamada AMISOM uga baxaan dalka Somalia marka la gaaro sanadka 2020-ka.

from VOA https://ift.tt/2lhAKq7
via IFTTT

Qaxootigii ugu badnaa oo barakacay 2017

Hay'adda qaxootiga QM ayaa sheegtay in dadkii ugu badnaa abid oo gaaraya 68.5 milyan oo qof lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan sanadii tagtay, sababo la xiriir dagaallo, rabshado iyo dhibaateyn.

from VOA https://ift.tt/2MF4gT1
via IFTTT

Muxuu ahaa hadalkii Abiy ee Addis-Ababa?

Tan iyo markii ay gaareen heshiis ganacsi ku qotomo labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya markii uu dib ugu noqdey dalkiisa, waxa uu u sheegay mid ka mid ah warbaahinta layska arko ee wadankaasi in heshiis ku qotomo ganacsi iyo soo nooleyn xariir uu lasoo galey dowladda Soomaaliya.   Ra'iisul Waaraha Itoobiya ayaa sida oo kale ka hadlay in ay muhiim tahay in layska hilmaamo colaadii soo jireenka aheyd ee labadan dal dhex taaley, sida oo kalena lagu soo dabaalo xariir qoto dheer iyo maalgashi. Ugu dambeyntiina, sida dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Imaaraatka ay midoobaan wadamada Geeska Afrika, Soomaaliya iyo Itoobiya.   Warbixinta hadalka ra'iisul Wasaaraha iyo waxa uu ka dhigan yahay waxaa inoo haysa Sahra Cabdi Axmed.    

from VOA https://ift.tt/2M5R8oP
via IFTTT

Ciidamada Yemen oo weeraray garoonka Xudeyda

Ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu ay tagaeeraan ayaa weerar culus maanta ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada mucaaradku ay haystaan ee Xudeyda.

from VOA https://ift.tt/2HZfHl7
via IFTTT

Monday, June 18, 2018

Muxuu Ahaa Hadalki Abiy Axmed uu ka Jeediyey Addis ka Dib Muqdisho?

Tan iyo markii ay gaareen heshiis ganacsi ku qotomo labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa Raysal Wasaaraha Itoobiya markii uu dib ugu noqdey dalkiis, waxa uu u sheegay mid ka mid ah warbaahinta layska arko ee wadankaasi in heshiis ku qotomo ganacsi iyo soo nooleyn xariir uu lasoo galey dowlada Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2tkXKIe
via IFTTT

Somalia oo gudbisay jawaabta dacwada badda

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gudbisey dokumenti ay uga jawaabeysey eedo cusub oo ay ku soo dartey jawaabteedii ugu danbeysey ee dacwada badda ee Kenya iyo Somalia.

from VOA https://ift.tt/2K3F2iI
via IFTTT

Belgium-ka oo ku baashaalay Panama

Xulka Biljimka ayaa maanta baashaalaay Panama, kadib marki ay ku garaaceen 3-0 Ciyaar galabta ka dhacay garoonka Fisht Stadium ee magaalada Sochi.

from VOA https://ift.tt/2ys7hTA
via IFTTT

Sweden oo guul ka gaartay Korea-da Koonfureed

Xulka kubadda cagta dalka Sweden ayaa guul ku billowday cayaarahooda koobka adduunka ee ka socda dalka Ruushka. Sweden ayaa 1-0 kaga adkaatay xulka dalka Korea-da Koonfureed, oo ay ku cayaareen garoonka Nizhny Novgorod, waxaana goolka oo ahaa gool ku laad u dhaliyey Andreas Granqvist, daqiiqaddii 65-aad. Labada dal ayaa ka wada tirsan group-ka F, oo ay sidoo kale ku jiraan dalalka Germany iyo Mexico. Mexico iyo Sweden ayaa hadda min saddex dhibcood ku hoggaaminaya group-ka. Mexico waxay shalay 1-0 kaga adkaatay Germany.

from VOA https://ift.tt/2ynWSsk
via IFTTT

Xisbiga Dimoqraadiga oo taageeray Ilhan Omar

Xisbiga Demoqraadiga ayaa aqbaley soona dhaweeyey in kursiga Congress-ka oo uu baneynayo Keith Ellison oo Minnesota laga soo doorto ay u tartanto Ilhan Omar oo ka mida congress-ka Gobolka Minnesota. Keith Ellison ayaa kursiga baneynaya wuxuuna u ordayaa inuu noqdo xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota. Wariyaheena Maxamuud Mascade ayaa inoo haya warbixin arrintaas ku saabsan.  

from VOA https://ift.tt/2t4TLAf
via IFTTT

Somaliland: Nama khuseeyo heshiiska Muqdisho

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan ka la xidhiidha dekeduhu aanu khusaynin Somaliland. Somaliland waxa ay sheegtay in dekedda Berbera aanay ka mid ahayn meelaha lagu heshiiyay. Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) oo u waramay weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay u arkaan heshiiska labadaasi dhinac wada galeen iyo socdaalka Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho.  

from VOA https://ift.tt/2leSEtq
via IFTTT

Dowladda oo faahfaahisay heshiiska Ethiopia

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay heshiiskii ay maalintii sabtidii la gaaray dawladda Itoobiya.

from VOA https://ift.tt/2MBaa7Y
via IFTTT

Brazil oo dhaafi weyday Switzerland

Ciyaar xalay dhexmartay xulalka Brazil iyo Switzerland ayey labada dal isku dhaafi waayeen, waxaana ay kusoo gaba gabowday 1-1,  Brazil oo ka mid ah dalalka loo saadaalinayay koobka ayaa ka badinweysay Switzerland. Goolka waxaa la hormaray Brazil, waxaana u saxiixay Phillipe Coutinho, laakin waxaa ka daba tagay Switzerland kadib marki uu goolka barbaraha u keenay Steven Zuber. Ciyaar kale oo Axadi shalay dhexmartay Costa Rica iyo Serbia ayaa waxaa 1-0 ay guushu ku raacday Serbia.

from VOA https://ift.tt/2yjUv9R
via IFTTT

Koobka adduunka: Mexico oo ka naxsatay Germany

Xulka difaacanaya horyaalnimada koobka aduunka ee Jarmalka ayaa shalay ku dhacay inuu badiyo ciyaartiisi ugu horreysay ee tartanka sannadkaan kadib marki uu xulka Mexico ku garaacay 1-0. Goolka guusha waxaa Mexico u saxiixay laacibka weerarka ka ciyaara ee Hirving Lozano.  Tababaraha kooxda qaranka Jarmalka Joachim Loew oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in ay si dhaqso ah uga soo kaba doonaan jabka soo gaaray. "Cashar ayaan ka qaadannay guuldarradan, ciyaarta xigto ayaanan wax wanaagsan qaban doonnaa" Ayuu yiri macalinkan 58 jirka ah. Jarmalka ayaa si wanaagsan u ciyaarayay tan iyo marki xulka loo dhiibay macallin Low sannadki 2006-di. Sannadkaas wuxuu gaarsiiyay semi-finalka, halka ciyaarihi aduunka ee sannadki 2014-ki uu qaaday koobka.

from VOA https://ift.tt/2MCcwn5
via IFTTT

Dalka Macedonia oo magaca laga beddelayo

Wasiirada arrimaha dibedda dalalka Greece iyo Macedonia ayaa saxiixday heshiis taariikhi oo horudhac ah oo ku saabsan in magac laga beddelo dalka Macedonia.

from VOA https://ift.tt/2JVAeZE
via IFTTT

Sunday, June 17, 2018

Faahfaahinta Heshiiskii Somalia iyo Ethiopia

Dr. Axmed Maxamed Kheyre oo bartay Qaanuunka Caalamiga ah ayaa sharxaya qodobada heshiiskii shalay ay gaareen dawladaha Somalia iyo Ethiopia

from VOA https://ift.tt/2tjMJqW
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia, waxaana uu ka jawaabayaa su'aalo ku saabsan heshiiskii shalay ay galeen dalalka Somalia iyo Ethiopia.

from VOA https://ift.tt/2tco87e
via IFTTT

Saturday, June 16, 2018

Afghanistan: 25 Qof oo Qarax Lagu Dilay

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay bariga Afghanistan Sabtidii kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen.

from VOA https://ift.tt/2yrDf2H
via IFTTT

Jabuuti: Dowladda oo Billowdey Barnaamijyo Dadka Lagu Taageerayo

Wakaaladda dowladdaJabuuti u qaabilsan horrumarka bulshada ayaa baryahan dambe kordhisey hawlaha ay ku gacan qabato dadweynaha kadib markii la dareemey iney liitaan qeybo ka tirsan bulshada iyo inaan horumarka loogu fidin bulshada sidii la rabey.

from VOA https://ift.tt/2t3L7Cl
via IFTTT

Croatia oo Garaacdey Nigeria, Peru oo Laga Adkaaday iyo Warar Kale

Xulka dalka Croatia ayaa guul muhim ah ka gaaray groupka D oo la sheego in uu yahay kan ugu adag group-yada koobka kubadda cagta aduunka ee Ruushka ka soconaya. Croatia ayaa 2 gool iyo waxba dirtay xulka dalka Nigeria.

from VOA https://ift.tt/2tfFPTl
via IFTTT

Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya Muxuu Ka Dhiganyahay?

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku gaaray heshiis dhinacyo badan taanayay, kadib marki uu Muqdisho ka dagay Ra'isulwasaare Abiy Ahmed.

from VOA https://ift.tt/2JRF0Ht
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington waxaa soo diyaarisay soona jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.

from VOA https://ift.tt/2t2H4pM
via IFTTT

 Faransiiska oo Badiyay iyo Argentine oo Kuftay

Waxaa galabta dhacay kulanno ka tirsan ciyaaraha Koobka Aduunka 2018-ka ee ka socda dalka Russia.

from VOA https://ift.tt/2JTzhB8
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Dhageyso barnaamijka xiisaha leh ee Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Ibrahim Daandurey iyo Falastin Axmed Iman.

from VOA https://ift.tt/2ydNPKp
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Jamal Axmed Cisman.

from VOA https://ift.tt/2JWXOrZ
via IFTTT

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis Gaaray

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta isla gaaray heshiis ay dowlada Itoobiya ku maalgashaneyso afar dekedood oo ku yaalla Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2LTKGS4
via IFTTT

Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo Muqdisho Tagay

Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2sZUBys
via IFTTT

Friday, June 15, 2018

Iran oo Garaacdey Morocco

Xulka dalka Iran, ayaa guul dirqi ah oo ka gaarey xulka dalka Marocco, kulan ka tirsan koobka kubadda cagta adduunka ee Ruushka ka soconaya.

from VOA https://ift.tt/2yg0xIp
via IFTTT

Dhulka Soomaalida oo si weyn looga ciidey

Dalalka Islaamka,  ayaa maanta la xusay dabbaaldegga ciidul-fitriga, kadib markii ay Muslimiintu soo dhammeysteen waajibaadka soonka ee bisha Ramadaan.

from VOA https://ift.tt/2t7ylBG
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Ciidda

Ku soo dhawaadda barnaamij gaar ah oo aan ugu talagalnay xuska maalinta Ciidul-Fitriga.

from VOA https://ift.tt/2t1mvtJ
via IFTTT

Uruguay oo ka Adkaatay Masar

Xulka Dalka Uruguay ayaa guul muhiim ah ka gaarey ciyaartii kowaad ee ay la dheeleen xulka dalka Masar, kulan ka tirsanaa koobka adduunka.

from VOA https://ift.tt/2HTEV4b
via IFTTT

Dagaalka Xudeyda oo Galay Maalintii Saddexaad

Maalinti saddexaad ayuu galay dagaalka ay Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ku doonayaan in ay maleeshiyada Xuutiyiinta uga qabsadaan magaalada Xudeyda ee dalka Yemen.

from VOA https://ift.tt/2sZOYQJ
via IFTTT

Yaa Badin Doona Masar iyo Uruguay?

Waxaa goordhaw lagu wadaa in ay billaabo ciyaarti dhexmari doonta xulalka kubadda cakta Masar iyo Uruguay, taasoo ka tirsan ciyaaraha Koobka Aduunka, ee shalay ka billowday dalka Russia.

from VOA https://ift.tt/2ybfRpZ
via IFTTT

Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay Mullah Fazlullah

Saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka sameeyeen gobolka Kunar ee dalka Afganstan ay ku dileen hogaamiyihii Taalibaanka Pakistan.

from VOA https://ift.tt/2t9TXxq
via IFTTT

Thursday, June 14, 2018

Koonfur Afrika: Soomaali weeraray masjid

Jaalliyadda Soomaalida ee Koonfur Africa ayaa sheegtay in nin Soomaali ah oo madaxa looga jiray oo middi sitay uu laba qof oo mid uu Soomaali kale yahay ku dhex-dilay masaajid ku yaalla degmada Malmesbury oo u dhow magaalada Cape town. Ninkan ayaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacay 2 qof oo kale, ka hor intii aanay boolisku toogasho ku dilin. Haddaba Jamaal Osman ayaa shilkan ka wareystay Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxmed oo ah saxafi ku sugan magaalada Cape Town.  

from VOA https://ift.tt/2JL4kij
via IFTTT

Duqeymo weli ku socda magaalada Xudeyda

Dadka deegaanka magaalada Xudeyda ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay duqeymo xoog leh u geysanayaan dhowr meel oo ka mid ah deegaanada u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada.

from VOA https://ift.tt/2JSf6qk
via IFTTT

Britain oo ka digtay u safarka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinta u dhashay Britain in ay u safraan Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo wasaaraddu ay sheegtay in iyaguna muwaadiniintu ka baaqsadaan ilaa safarro muhiim ah mooyee.

from VOA https://ift.tt/2JByLvd
via IFTTT

Koobka Adduunka oo maanta furmaya

Koobka kubadda cagta adduunka ayaa maanta si rasmi ah u billaabmaya, ayada oo dalka marti-gelinaya ee Russia uu ka hortagi doono dalka Saudi Arabia.

from VOA https://ift.tt/2MrqUhR
via IFTTT

Wednesday, June 13, 2018

TPLF oo ka Cabanaya Isbeddelada Ethiopia

Xisbiga TPLF ee qowmiyadda Tigreyga ee Ethiopia ayaa sheegay in isbeddelada toddobaadkii uu Ra'iisal Wasaaraha dalka Abiy Axmed ku dhawaaqay ay meel mareen iyada oo si wadajir ah aan looga tashan.

from VOA https://ift.tt/2LJRwJu
via IFTTT

Qubanaha VOA, Jun. 14, 2018



from VOA https://ift.tt/2l6GX8b
via IFTTT

Wareysi: Saameynta fatahaadda ee beeraha

Fataahadii ku dhuftay qeybo ka mid ah gobalada uu maro wabiga Shabelle waxa ay saameyn dhaqaale mustaqbalka dhow iyo midka fogba ah ku reebtay wax soo saarkii beeraha. Fatahaadu waxa ay dishay geed miroodyo aan looga baran in ay si fudud biyaha ku dilaan. Guud ahaan aanfada ay fatahaadu reebtay waxaa VOA uga waramay C/Xakiin Cumar Yuusuf, oo ah aqoonyahan dhinaca beeraha ah, islamarkaana barre ka ah kuliyadda beeraha ee Jaamacada Hiiraan.  

from VOA https://ift.tt/2sRVSaq
via IFTTT

Gaas oo xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas ayaa maanta xilkii ka qaaday agaasimayaashii hay'adda sirdoonka PIA Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo agaasimaha Guud ee Hay'ada kale ee Amniga ee Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

from VOA https://ift.tt/2JydTVQ
via IFTTT

Waqooyiga Amerika oo marti-gelinaya koobka adduunka 2026

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo wada-jir ah ayaa ku guuleystay marti-gelinta koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, kadib codbixin maanta ka dhacday dalka Ruushka, oo berrii u ka furmayo koobka adduunka. Saddexdan dal ayaa ka adkaaday dalka Morocco, oo ah kan kaliya ee la loolamayey. Waxay haleen 134 cod oo ka mid ah codadka guddiga wakiilada xiriirada dunida ee doorashada sameynayey, halka Morocco ay ka heshay 65 cod. "Tani xaqiiqdii waa daqiiqad muhiim u ah kubadda cagta Waqooyiga America" waxaa sidaas yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta  Mareykanka Carlos Cordeiro. Koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, ayaa waxaa markii ugu horrreysay ka qeyb gali doona 48 dal, halka iminka ay ka qeyb-galaan 32 dal.      

from VOA https://ift.tt/2HNV2QK
via IFTTT

Tababarahii xulka Spain oo la eryey

Xiriirka kubadda cagta Spain, ayaa maanta shaqada ka ceyriyey macallinka xulka qaranka dalkaas Julen Lopetegui, maalin ka hor billowga koobka adduunka. Julen Lopetegui, oo shalay loo magacaabay tababaraha Real Madrid, ayaa lagu eedeeyey inuu wada-hadal la galay naadiga Bernabeu, isaga oo aan u sheegin xiriirka. Tallaabadaas ayaa la sheegay inay aad uga carreysiisay xiriirka Spain. Spain ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo hanashada koobka adduunka, waxaana tani ay qalalaase ku abuuri kartaa habcayaareedka kooxda. Illaa iyo hadda xiriirka kubadda cagta Spain kuma aysan dhawaaqin cidda beddeli doonta Julen Lopetegui, waxaase la filayaa inay deg deg u magacaabaan macallin cusub.

from VOA https://ift.tt/2t5Qu33
via IFTTT

Isbaheysiga Sacuudiga oo weeraray Xudeyda

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee taageeraya dowladda dibed-joogga ah ee dalka Yemen ayaa maanta billaabay weerar ka dhan ah magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Xudeyda.

from VOA https://ift.tt/2MojuvO
via IFTTT

Tuesday, June 12, 2018

Labo Askari oo lagu Dilay Qansaxdheere

Dhinaca kalena askari katirsan ciidamada Puntland ayaa xalay saqdii dhexe Dablay hubaysani toogasho ku dileen xili uu marayey meel u dhaw Suuqa wayn ee magaalada Boosaaso

from VOA https://ift.tt/2t383k9
via IFTTT

Taliban oo qabsaday degaan cusub

Dagaalyahannada kooxda Taliban ee dalka Afghanistan ayaa dulmaray degmo, islamarkaana halis geliyey mid kale, kadib markii xabbad joojin ay si iskeed ah ugu dhawaaqday dowladda ay dhaqan gashay maanta.

from VOA https://ift.tt/2JFp9LW
via IFTTT

Madaxweyne Trump oo wareysi siiyey VOA

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday dalka Singapore, waxaana kadib Trump uu wareysi siiyey VOA.

from VOA https://ift.tt/2sOQzsE
via IFTTT

Rajo laga muujiyey mustaqbalka gacanka Korea

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha Qaarada Asia iyo kuwo kale oo caalamka ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka gobolka, kadib kulankii taariikhiga ahaa ee Talaadada maanta dalka Singapore ku dhexmaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

from VOA https://ift.tt/2JEjMwD
via IFTTT

Monday, June 11, 2018

Kulan Taariikhi ah oo Dhexmarey Trump iyo Kim

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa yeeshey kulankoodii ugu horeeyey abid oo ka dhacay Singapore, subaxnimadan saaka.

from VOA https://ift.tt/2HHyK31
via IFTTT

Trump iyo Kim oo Kulan Yeeshay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kulmay dalka Singapore, kaddibna is-gacan qaaday. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee labada hoggaamiye yeeshaan.

from VOA https://ift.tt/2MiwdA1
via IFTTT

Maxaa Laga Filan Karaa Kulanka Trump iyo Kim Jong-Un

Saacado kooban ayaa inaga xiga kulanka taariikhiga ah ee lagu wado in ay dalka Singapore ku yeeshaan madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong UN.

from VOA https://ift.tt/2HEAuKv
via IFTTT

Mas'uul ka Digay Lacagta Cusub ee Soomaaliya

Xildhibaan ka digay lacagaha cusub ee ay dooneyso in ay soo daabacdo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2sN4b7A
via IFTTT

Faah-faahinta Dagaal ka Dhacay Gobolka Bakool

Mas'uuliyiinta dawladda Somaaliya ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in afar ka tirsan Askarta Dawladda lagu dilay weerar ay maanta Al-Shabab ku qaadeen saldhig ku yaalla deegaanka Teed ee gobolkaasi.

from VOA https://ift.tt/2JEXlY0
via IFTTT

Xaaladda Baar-Sanguuni oo Xasilloon

Xaalada deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose ayaa dagan kadib weeraro is-xigxigay oo Sabtidi ay Al Shabab ku qaadeen saldhiga ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee halkaasi ku yaalla.

from VOA https://ift.tt/2MhQzcw
via IFTTT

12 Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Kabul

Ugu yaraan 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib marki qof naftiis dile ah uu isku qarxiyay maanta magaalada Kabul ee caasimadda Afghanstan.

from VOA https://ift.tt/2LCVqEb
via IFTTT

Brazil oo 3-0 Ku Garaacday Austria

Xulka kubadda cakta Brazil ayaa si xarago leh kusoo gaba gabeeyay Axadi shalay, ciyaaro saaxibtinimo oo uu isugu diyaarinayay koobka aduunka ee Khamiista ka furmi doona dalka Ruushka.

from VOA https://ift.tt/2y1WoIb
via IFTTT

Salah iyo Xulkiisa Masar oo Gaaray Russia

Mohamed Salah ayaa shalay kasoo dhexmuuqday tababarki ugu danbeeyay ee ay xulka Masar ku qaateen magaalada Qahira, ka hor inta aysan isla shalayba u duulin magaalada Grozny ee Russia oo xarun u noqon doonto xulka Faraacinada inta ay socodaan ciyaarah aaduunka.

from VOA https://ift.tt/2Mkmid0
via IFTTT

Sunday, June 10, 2018

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin, waxana uu ka warbixinayaa xaalka magaalada Beledweyne kadib fatahaadihi dhowaan dhacay

from VOA https://ift.tt/2sL9swB
via IFTTT

UNICEF: Cuduro ayaa ka Dhalanaya Fatahaadaha

Hey'adda Daryeelka Carruurta ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa ka digtay in roobabkii cuslaa iyo fatahaadihii ku dhiftay Soomaaliya ay khatar aad u sarreysa oo cudurro iyo dhimasho ah u keenayaan boqolaal kun oo carruur Soomaaliyeed ah.

from VOA https://ift.tt/2HCvTbA
via IFTTT

Muqdisho: Waddooyinka oo la Furayo

Meelaha laga soo galo Muqdisho waxaa la dhigay kontaroolo adag waxaana guud ahaan ay ciidamdu joojiyeen gaadiidka soo gala magaalada waxaana abuurmay goobo gaadiidku ay ku kala wareegaan.

from VOA https://ift.tt/2JuHn6T
via IFTTT

Dr. Beyle: Horumar Ayaan ka Sameynay Maaliyadda

Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa shalay faahfaahin ka bixisay yabooh lacageed oo ay ka heshay Bankiga Adduunka iyo Midowga Yurub, iyada oo wasaaraddu soo bandhigtay naqshadda sida ay u ekaan karto lacagta la sheegay in Soomaaliya loo soo daabacayo.

from VOA https://ift.tt/2LDOjva
via IFTTT

Saturday, June 9, 2018

Madaxweyne Trump oo Dhalleeceyay RW Trudeau

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxiixan war martiyeedka  dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Kanada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirk aka soo tagay.

from VOA https://ift.tt/2JxuJQL
via IFTTT

Taliban oo Dagaalka Hakineysa Maalmaha Ciidda

Kooxda Taliban ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay joojin doonto muddo seddex maalmood ah weeraradii ay ku heysay dowladda Afghanistan inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda, kadib bil la soo soomayay.

from VOA https://ift.tt/2McD4uQ
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Dhageyso barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Jacfar Maxamed Kuukaay.

from VOA https://ift.tt/2xV8tP6
via IFTTT

Martida Makrfoonka: Wasiirka Batroolka iyo Macdanta DFS

Martida Makrfoonka waxa ku marti ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowlada Federaalka, Cabdirishiid Maxamed Axmed.

from VOA https://ift.tt/2LzMlfk
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa qoddobo ay ka mid yihiin shirkii Amniga Qaranka ee Somalia iyo geeridii Alle ha u naxariistee wariye Maxamed Aadan Terra oo magaalada London ku geeriyooday

from VOA https://ift.tt/2Mek4Mf
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijyada Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaakan waxaa inoo haya Falastiin Axmed Iimaan iyo Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray)

from VOA https://ift.tt/2JsI3G0
via IFTTT

Friday, June 8, 2018

Falanqeyn: Doorka Maraykanka ee Soomaaliya

Kooxda al shabaab ayaa weerar ku dishay hal asakari oo Maraykan ah, sidoo kale afar askari oo kale oo Maraykan ah ku dhaawacday weerarkaasi. Ugu yaraan laba askari oo Soomaali ah ayay al-shabaab isla weerarkaasi ku dhaawacday

from VOA https://ift.tt/2sPUmFb
via IFTTT

Shabaabka oo Dilay Askari Maraykan ah

al Shabaab ayaa weerar ku dilay hal askari oo Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay afar askari oo maraykan ah, ugu yaraan laba askari oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerarka.

from VOA https://ift.tt/2y5wWBJ
via IFTTT

Q.M. oo Sheegtay in Deganaanshiyaha Soomaaliya ay Muhiim Tahay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.

from VOA https://ift.tt/2kVDE3u
via IFTTT

Bar. Faaqidaadda: Kulanka Trump iyo Kim

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo maanta aynu diiradda ku saareyno wada hadalka la filayo in Talaadada soo socota uu dhex maro madaxweyne Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un.

from VOA https://ift.tt/2xTSsJd
via IFTTT

Canada: Faysal Xasan oo ku Guuleystay Xildhibaannimo

Gobolka Ontario ee dalka Canada oo ay ku noolyihiin Soomaali badan waxaa xalay lagu dhawaaqay natiijada doorashooyin ka dhacay.

from VOA https://ift.tt/2kXNcLD
via IFTTT

Shirka Dhaqanka oo Paris Lagu Soo Gagaba-gabeeyay

Magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirweynihii dhaqanka ee hay'adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay.

from VOA https://ift.tt/2M8ZBc2
via IFTTT

Nabil Fekir oo Ku Biiraya Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran in ay lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Lyon ee dalka Faransiiska Nabil Fekir.

from VOA https://ift.tt/2JtRCEG
via IFTTT

Douglas Costa oo Si Rasmi ah Ugu Biiray Juventus

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah u iibsatay laacibka garabka bidix ee khadka dhexe uga ciyaara xulka Brazil Douglas Costa, kaasoo sannadki lasoo dhaafay Juve si amaah ugu ciyaaray.

from VOA https://ift.tt/2sHRoTT
via IFTTT

35 Ruux oo ku Dhimatay Duqeyn Suuriya Ka Dhacdey

Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobaneeyo kale oo ay caruur ku jiraanna ku dhaawacmeen, weerar dhinca cirka ah oo lagu qaaday deegaannada ay maamulaan mucaaradka ee gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

from VOA https://ift.tt/2M7ABBK
via IFTTT

Soomaali Guul ka Gaaray Doorasho ka Dhacday Canada



from VOA https://ift.tt/2JpsEWF
via IFTTT

Thursday, June 7, 2018

Wariye Maxamed Aadan Teerra oo London ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee, Maxamed Aaden Xirsi Teerra oo ka mid ahaa weriyayaasha rug caddaaga ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada London.

from VOA https://ift.tt/2JzYm7g
via IFTTT

Wajeer: Dad u dhintay Xumada Rift Valley

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo afar qof ayaa u dhimatay xumada Rift Valley Fever oo ka dillaacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya.

from VOA https://ift.tt/2kTVgNb
via IFTTT

Somaliland: Xeerka doorashada oo la ansixiyay

Golaha xukumadda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka doorashada iyo diiwaangelinta, iyadoo xeerkan oo kuraas baarlaman u qoondeynaya haweenka iyo beelaha laga tira badanyahay.

from VOA https://ift.tt/2xRfLDw
via IFTTT

Haweenka Iyo Waajibaadka Soonka

Waxaa la gudagalay tobankii maalmood ee u dambeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan, taasoo ay muslimiintii soo soomanaa 20 kii maalmood ee la soo dhaafay ay u diyaar garoobayaan inay ka faa'iideystaan khayrka ka buuxa tobanka dambe ee bisha Ramadaan.

from VOA https://ift.tt/2sOWvAN
via IFTTT

3 Ruux oo ku Dhimatay Dagaal ka Dhacay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ka tirsan askarta maamulka Koonfur Galbeed ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal xooggan oo saakay aroortii ka dhacay tuulada Daynuunaanay oo ku dhow magaalada Baydhabo.

from VOA https://ift.tt/2xMB5do
via IFTTT

Wariye Aadan Teerra oo London ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee, Maxamed Aaden Xirsi Teerra oo ka mid ahaa weriyayaasha rug caddaaga ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada London.

from VOA https://ift.tt/2JgS5ha
via IFTTT

Axmed Maxamed oo Dib Ugu Laabtay Minneapolis

Axmed Burhaan Maxamed oo ah wiil 16 jir ah ayaa kaalinta koowaad ku soo guuleystay tartan caalami ah oo Qur'aan Akhris ah kaas oo ka dhacay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

from VOA https://ift.tt/2HteMZT
via IFTTT

Golden State Warriors oo Qarka u Saaran Hanashada Koobka NBA-da

Naadiga kubadda koleyga ee Golden State Warriors ayaa qarka u saaran inay hanato koobka NBA-da Mareykanka mar kale, kadib markii guusheedii 3-aad ee is xiga ay ka gaartay ciyaaraha finalaha koobkan kooxda Cleveland Cavaliers.

from VOA https://ift.tt/2M56V8c
via IFTTT

46 Ruux oo Itoobiyaan ah oo Ku Dhintay Doon la Degtay

Afartan iyo lix ruux oo Itoobiyaan ah ayaa ku qaraqmay badda Gacanka Cadmeed horraantii Arbacada xilli ay ku safrayeen doon u socotay dalka Yemen, sida ay sheegtay hay'adda Q.M. u qaabilsan muhaajiriinta ee (IOM).

from VOA https://ift.tt/2sOr61s
via IFTTT

Wednesday, June 6, 2018

Trump oo Muslimiinta Afur u Sameeyey

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Cad afur ugu sameeyey diblomaasiyiin ka socda qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Islaamka.

from VOA https://ift.tt/2Jnf6er
via IFTTT

40 Dhalinyaro ah oo lagu Xirxiray DDSI

Dadka deegaanka ayaa arinkaasi cabasho xoogan ka muujiyey oo sheegay in dhalinyaro aanan siyaasad ku shuqul lahayn laga dhex qabqabtey magaalada iyo guryahooda.

from VOA https://ift.tt/2sBm2y7
via IFTTT

Qubanaha VOA, Jun 07, 2018



from VOA https://ift.tt/2JpkLk6
via IFTTT

Itoobiya: Shirkado Dowladeed oo La Madax-bannaaneynayo

Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay oggolaayay hirgalinta heshiiskii nabadda ee la kala dhex-dhigay iyagda iyo dowladda Eritrea, kaasoo oo dhigayay in Ethipia ay Eritrea ku wareejiyo magaalada Badwe ee xadka oo labada dhinac ay ku muran sanaayeen.

from VOA https://ift.tt/2JrPArV
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 424-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 424-aad.​        

from VOA https://ift.tt/2sK7J9P
via IFTTT

Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagu dilay

Shan ka tirsan ciidamada dalka Kenya ayaa maanta ku dhintay qarax lala eegtay baabuur ay wateen oo marayay degmada Liboi ee u dhow xadka Kenya iyo Somalia.

from VOA https://ift.tt/2kRjQyd
via IFTTT

Ilhaan Cumar oo tartameysa Congress-ka

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tiran baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa shaaca ka qaadday inay u tartami doonto Aqalka wakiilada Maraykanka.

from VOA https://ift.tt/2M0svLc
via IFTTT

Guatemala: Folkaano qarax cusub sameysay

Foolkaanaha Fuego ayaa mar kale ka qarxay buuraleyda dalka Guatemala, kaasoo shaqaalaha gurmadka iyo dad kalaba ku khasbay in ay goobta isaga cararaan. Hey'adda Masiibooyinka Qaranka ee dalkaasi ayaa amartay in laga daadgureeyo dadka dagan meelaha u dhaw dhaw halka ay foolkaanadu ka ololeyso. Qaraxa cusub ee foolkanaha ayaa yimid xilli dadka ku nool meelaha u dhaw foolkaana aysan helin wax digniin ah taasoo keentay argagax iyo kala carar. Talaadadi shalay, Dowlada Guatemala ayaa bilowday aaska qaar ka mid ah 72 ruux oo ku dhintay foolkaanadi koowaad, kadib marki la aqoonsaday heybtooda. Shaqaalaha gurmadka ayaa wali sii wada howlaha samatabixinta, waxaana sii kordhaya tirada dhimashada dadka ku dhintay foolkaanadan.  

from VOA https://ift.tt/2JlMgv4
via IFTTT

Ethiopia oo dhul lagu murunsanaa siisay Eritrea

Dowladda Ethiopia ayaa talaadadii ku dhawaaqday in ay Eritrea siin doonto dhul muddo lagu murunsanaa.

from VOA https://ift.tt/2xMgwxX
via IFTTT

Tuesday, June 5, 2018

Shirkii Amniga Qaranka oo soo Gabagaboobay

Qodobadii culeyska lagu saaray ayaa ahaa dhinacyada amniga, doorashooyinka 2020ka iyo qeybsiga kheyraadka. Dhinaca amniga ayaa lagaga hadlay tayeynta ciidanka iyo isku dhafkooda.

from VOA https://ift.tt/2HqKTcy
via IFTTT

United oo Heshiis Ka Gaartay Fred, Qarkana u Saaran Diogo Dalot

Manchester United ayaa heshiis la gaartay naadiga Shakhtar Donetsk oo ku aaddan ciyaartoyga reer Brazil ee Fred. Heshiiska ayaa ku kacaya £47m.

from VOA https://ift.tt/2M25qrn
via IFTTT

Al-Shabaab oo weeraray xildhibaano ka tirsan HirShabelle

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo ciidamo galbinayey.

from VOA https://ift.tt/2sHMyFw
via IFTTT

Galka Baarista: Dhibaatada Shabaabka u goosta dowladda

Qaar ka mid ah dadka kasoo goostay Al-Shabab waxay dileen madax iyo ciidan, halka kuwo kale ay dib u laabtaan muddo marka ay joogaan.

from VOA https://ift.tt/2LY4EvA
via IFTTT

ICG: Xiisadda Khaliijka halis ayay ku tahay Somalia

Muddo ku dhow 30 sanadood Somalia waxey aheyd mid tabardaran, kala qeybsan oo argagixiso iyo burcad badeed ay halis ku hayeen ammaanka guud ee gobolka Geeska Africa. Beesha Caalamka, oo uu Mareykanka ku jiro iyo Midowga Africa oo kumanaan ciidamo ah ay ka joogaan Soomaaliya, ayaa isku dayayay inay kobciyaan awoodda dowladda Soomaaliya, si looga hortago in mar kale ay Soomaaliya ku noqoto godkii mugdiga ahaa ee ay ka soo baxday ama ay gacanta u gasho kooxda argagixisada ee Al-Shabaab . Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga ayaa Soomaaliya u fidiyay taageero, laakiin khilaafka muddada sanadka ah u dhaxeeya awoodahaas Bariga Dhexe ayaa haatan halis weyn ku haya Soomaaliya, waxaana laga digayaa inay burburiyaan guulaha ilaa iyo iminka laga gaaray soo kabashada Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay kooxda Xasaradaha ee Caalamiga ah ee marka la soo gaabiyo la yirahdo ICG. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo koobaya warbixintaas.    

from VOA https://ift.tt/2JlMwdD
via IFTTT

Ethiopia oo laga qaaday xaaladdii deg degga

Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey go'aanka ay dowladda ku qaadday xaaladdii deg degga ahayd ee dalkaas saarneyd muddo lix bilood ah, laba ka hor xilligii la qorsheeyey, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana.

from VOA https://ift.tt/2LYJxcB
via IFTTT

Mareykanka iyo Turkiga oo is-faham gaaray

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo iyo wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa dib u xaqiijiyey sida ay uga go'an tahay inay wax ka qabtaan walaacyada ay wada qabaan, oo ay ku jiraan argagixisada. Labadan dal ee isbaheysiga NATO ka wada-tirsan ayaa shalay wada-hadallo ku yeeshay magaalada Washington. Kadib wada-hadallada ayaa qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waxay ku sheegeen inay is-dhaafsadeen aragtidooda ku aaddan danaha labada dhinac iyo arrimaha gobolka iyo inay dib u xaqiijiyeen inay si wada-jir ah ula dagaalamaan aragagixisada. Waxyaabaha ku jiray ajandaha wada-hadalka waxaa ka mid ahaa taageerada Mareykanka uu siiyo jabhadda Kurdish-ka Syria ee YPG, oo xukuumadda Ankara ay u aragto urur argagixiso. Labada dhinaca ayaa isku raacay inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida magaalada Manbij, oo ay haystaan kooxda YPG.

from VOA https://ift.tt/2LmLPB3
via IFTTT

Netanyahu oo madaxda Yurub kala shiraya Iran

Ra'iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta magaalada Paris kula kulmaya hogaamiyayaasha Faransiiska, isaga oo weli wada dadaal uu madaxda Yurub uga dhaadhicinayo in wax laga beddelo heshiiska Nuclear-ka Iran.

from VOA https://ift.tt/2kN2jY5
via IFTTT

Monday, June 4, 2018

Fadliga iyo Faa'iidooyinka 10-ka Danbe ee Ramadan

Muslimiinta caalamka intooda badan ayaa waxaa maanta u billowday maalinta 1-aad ee 10-ka maalmood ee ugu danbeeya bishaan barakeysan ee Ramadan.

from VOA https://ift.tt/2Jgm194
via IFTTT

Ciidamada Mareykanka oo howlgal ka fuliyey Bari

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ayada oo la shaqeyneysa dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

from VOA https://ift.tt/2J9Z1Nj
via IFTTT

Puntland: Waan ka adkaanay Al-Shabaab

Maamulka goboleedka Puntland, ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka adkaadeen Al-Shabaab kadib markii labadii cishe ee ugu dambesay ay weeraro ku qaadeen saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel aanan ka fogeyn buuraha gobolka Barri ee Galgala.

from VOA https://ift.tt/2JocQXL
via IFTTT

Shirka amniga qaranka oo ka furmay Baydhaba

Magaalada Baydhaba waxaa maanta ka furmay shirkii golaha amniga qaranka Soomaaliya oo ka kooban madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo taliyayaasha ciidamada dawladda. Shirkan ayaa imanaya xilli Al-Shabaab ay weeraro culus ka fuliyeen meelo ka mid ah waddanka. Warkan waxaa Baydhaba nooga soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.  

from VOA https://ift.tt/2Lk4vkY
via IFTTT

Hiiraan: Al-Shabaab oo laba qof gowracay

Mas'uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dileen laba dhallinyaro ah oo xalay ay ka afduubteen degaan lagu magacaabo Weylo-wad oo hoostaga magaaladaasi.

from VOA https://ift.tt/2xC8HKW
via IFTTT

Qarax lala beegsaday culimada Afghanistan

Ugu yaraan toddobada qof ayaa ku geeriyootay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday kulan ay isugu yimaadeen culimada dalka Afghanistan, meel u dhow magaalada Kabul.

from VOA https://ift.tt/2kQ7c2p
via IFTTT

Liiska xiddigaha Croatia ee koobka adduunka

Tababare Zlatko Dalić ayaa si rasmi ah u magacaabay xiddigaha dalka Croatia uga qeyb-galaya koobka adduunka ee bishan 14-keeda ka furmaya dalka Ruushka, waxayna kala yihiin: Goolhayeyaasha: Danijel Subasic (Monaco), Lovre Kalinic (Gent), Dominik Livakovic (Dinamo). Daafacyada: Vedran Corluka (Lokomotiv Moscow), Domagoj Vida (Besiktas), Ivan Strinic (Sampdoria), Dejan Lovren (Liverpool), Sime Vrsaljko (Atletico Madrid), Josip Pivaric (Dynamo Kiev), Tin Jedvaj (Bayer Leverkusen), Matej Mitrovic (Club Brugge), Duje Caleta-Car (Red Bull Salzburg). Qad-dhexleyaasha: Luka Modric (Real Madrid), Ivan Rakitic (Barcelona), Mateo Kovacic (Real Madrid), Milan Badelj (Fiorentina), Marcelo Brozovic (Inter), Filip Bradaric (Rijeka). Weeraryahanada: Mario Mandzukic (Juventus), Ivan Perisic (Inter), Nikola Kalinic (Milan), Andrej Kramaric (Hoffenheim), Marko Pjaca (Schalke), Ante Rebic (Eintracht).

from VOA https://ift.tt/2kMou0n
via IFTTT

Netanyahu oo raadinaya cadaadiska Yurub ee Iran

Ra'iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta billaabay safar uu ku bixinayo saddex dal oo Yurub, isaga oo taageero u raadinaya in wax laga beddelo heshiiska nuclear-ka Iran.

from VOA https://ift.tt/2kN72sX
via IFTTT

Fred oo ku biiraya Manchester United

Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donetsk ayaa la filayaa in 24-ka saac ee soo socda uu ku biiro kooxda Manchester United. Xiddiga reer Brazil ayaa maanta mari doona tijaabada caafimaad ee kooxda United, ka hor inta uusan soo geba gebeyn ku biiristiisa naadiga Old Trafford. Kooxaha United iyo Shakhtar ayaa lagu warramay inay isku raaceen heshiis lacageed dhan 55 milyan oo Euro, si uu qad-dhexlahan u noqdo saxiixa koowaad ee tababare Mourinho, xagaagan. 25 jirkan ayaa Shakhtar kaga soo biiray naadiga dalka Brazil ee Internacional, sanaddii 2013, waxaana uu kooxda dalka Ukraine ka dhisan u saftay 150 kulan.    

from VOA https://ift.tt/2xF7lPz
via IFTTT

Sunday, June 3, 2018

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington. Waxaa soo jeedinaya Jacfar Kuukaay.

from VOA https://ift.tt/2JdvIp5
via IFTTT

Martida Makrfoonka: Dr. Maxamed Dahir Afrax

Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa marti noogu ah Gudoomiyaha Akadeemiyad-Goboleedka Af Soomaaliga Prof.Maxamed Daahir Afrax.

from VOA https://ift.tt/2JcPl0q
via IFTTT

Wicitaanka: Waxaa Marti ku ah C/raxman Diriye Samatar

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, Cabdiraxman Diiriye Samatar.

from VOA https://ift.tt/2LSBrCe
via IFTTT

Shirka Amniga Soomaaliya oo Baydhabo Ka Furmaya

Waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Baydhabo shirka Golaha Amniga Qaranka Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2Lil2pH
via IFTTT

Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Kulbiyow

Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa habeenkii xalay ahaa la sheegay inay weerar ku qaadeen deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose una dhow xuduudda dalka Kenya.

from VOA https://ift.tt/2JrbH1r
via IFTTT

Diyaarad Hore loogu Diidey Garoonka Hargeysa oo Maanta ka Degtey

Diyaarad sidday 50 muhaajiriin ah ayaa oo ka soo qaadday Muqdishu ayaa la sheegay in shalay ay ku degtay magaalada Garoowe, ka dib markii ay ku guuldarraysatay inay ogolaansho degitaan ka hesho masuuliyiinta garoonka magaalada Hargaysa, sida ay idaacadda VOA u sheegeen warar lagu kalsoon yahay.

from VOA https://ift.tt/2kHPCh0
via IFTTT

Saturday, June 2, 2018

RW Kheyre oo la Kulmay Dhalinyaradii Liibya Ka Soo Laabatay

Reysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay la kulmay  dhalinyaro badan oo dhawaan laga soo sii daayay xabsiyada magafayaasha Liibiya.

from VOA https://ift.tt/2ssCwbL
via IFTTT

Wareysi: Doorashada Ka Dhaceysa Canada

Gobolka Ontario ee dalka Canada waxa Khamiista ka dhic doonta doorashada gobolka, waana mid muhiimad ballaaran u leh Soomaalida Kanada maadaama ay gobolkaasi ugu badana yihiin

from VOA https://ift.tt/2sxeI5K
via IFTTT

Puntland iyo Somaliland oo Isu Jawaabay

Puntland ayaa ku eedeeysay Somaliland in ay qeyb ka aheyd dagaal ay xalay Al Shabaab ku qaadeen xerada Bali Khadar oo u dhaw Buuraha Galgala ee gobolka Bari, laakin Somaliland ayaa beenisay.

from VOA https://ift.tt/2LcLy3N
via IFTTT

Alshabab oo Weerarary Bari iyo Bakool

Dhinaca kalena, bartamaha Somalia ayaa lagu soo waramayaa in ciidmada dowladda Somalia ay dib maanta u qabsadeen degmada Moqokori o ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii shalay galab ay halkaasi maamulkeeda la wareegeen maleeshiya al-Shabaab.

from VOA https://ift.tt/2kGGvNF
via IFTTT

Maraykanka oo Diiday Qaraar Falastiin Taageraya

Dowladda Maraykanka ayaa shalay is-hortaagtay qaraar ay dowladda Kuwait u gudbisay golaha amniga ee QM, kaasi oo lagu dalbanayay in lagu bad-baadiyo shacabka Falastiin

from VOA https://ift.tt/2HbiJlH
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa dhalinyaradii toddobaadkan laga soo celiyey dalka Libya, kuwaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho

from VOA https://ift.tt/2xy5c8p
via IFTTT

Dhageyso Hambalyada Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Sahra Ciidle Nuur

from VOA https://ift.tt/2LSekaU
via IFTTT

Itoobiya oo Qaadeysa Xaaladda Deg Degga ah

Golaha Wasiirrada Ethiopia ayaa maanta ansixiyay sharci ogolaanaya in la qaado xaaladda dag daga ah ee dalkaasi saarneyd tan iyo bishii Febraayo ee sannadkaan.

from VOA https://ift.tt/2kGcPAq
via IFTTT

Al-shabaab oo weerar ku qaaday ciidan ka tirsan Puntland.

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland oo ku yaala deegaanka Bali Khadar oo u dhow buuraha Galgala.

from VOA https://ift.tt/2sA6TfW
via IFTTT

Friday, June 1, 2018

Al-Shabaab oo weeraray Moqokori

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday galinkii dambe ee maanta degaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan, halkaas oo hore ay ugu sugnaayeen ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2LPCgM4
via IFTTT

Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi oo isku soo dhawaanaya

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa maanta sheegay in wadahadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ay ku socdaan dariiq sax ah. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli saacadaha soo socda uu mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi uu kusoo wajahanyahay magaalada Washington. Safiirka Dowlada Mareykanka u fadhiya dalka Filibiin, Sung Kim, sidoo kalana ah diblamaasi khabiir ku ah arrimaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Koofureed Kang Kyung-hwa, in wadahadalka xukuumadaha Washington iyi Pyongyang ay u socdaan si habsami leh. Wuxuu sheegay in kulamo New York ku dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Pompeo iyo Ergayga sare ee ka socda Kuuriyada Waqooyi Kim Yong Chol ay ahaayeen kuwo miro dhal ah. Kulan la qorsheeyay inuu maanta Aqalka Cad ku dhexmaro madaxweyne Donald Trump iyo Kim Yong Chol, oo ah gacanta midig ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ah ayaa aad indhaha loogu hayaa. Kim Yong Chol, ayaa u gacan gelin doono madaxweyne Trump warqad dhambaal uu uga wado madaxweyne Kim Jong-un. Labada hogaamiye ayaa isku dayaya in ay yeeshaan kulan muhiim ah oo aad loo wada sugayo. Kulanka Trump iyo Kim ayaa la qorsheeyay inuu 12-ka bishaan ka dhaco dalka Singapore. Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Pyongyang in ay burburiso hubkeeda niyukleerka, inaskta oo uu Trump Khamiistii shalay sheegay in taasi ay u baahnaan doonto kulanno kala duwan oo toos ah.      

from VOA https://ift.tt/2kK2QKx
via IFTTT

Canada: Soomaali loo dhiibayo Mareykanka

Maxkamad Canada ku taalla ayaa aqbashey codsi dowlada Mareykanka uga yimid oo ku saabsanaa in lagu soo wareejiyo wiil Soomaalida Canada ah. Wiilkan ayey Mareykanka ku eedeynayaan in uu ku lug lahaa dhallinyaro ka qayb gashey dagaalka Suuriya ay ka wadaan kooxda Daacish. Hasa yeeshee qareenka Wiilkan ayaa wali ka biyo diidan go'aankaas. Jaamac Buulle Jaamac ayaa inoo haya.  

from VOA https://ift.tt/2xxHkBH
via IFTTT

Faaqidaadda: Isbeddelada xilalka sare ee Somalia

Toddobaadkan waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaariyey guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Soomaliya Baashe Yuusuf. Arrintan ayaa qeyb ka ah isbeddelo dhowr ah oo ku imanayey xilalka sare ee dowladda. Haddaba maxay yihiin sababta isbeddeladan, mase yihiin kuwa dhabbo sax ah loo maray. Waa qodobka barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaana soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.  

from VOA https://ift.tt/2LNj2qq
via IFTTT

Real oo raadineysa tababare cusub

Real Madrid ayaa baadi goob ugu jirta sidi ay u heli laheyd tababare bedela booska uu banneeyay macalin Zinedine Zidane, oo shalay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka tagay kooxda. Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Madrid, ayuu Zidane ku sheegay in kooxda ay u baahan tahay is-badal iyo jiho kale oo cusub, kadib saddex sano oo uu leylinayay. Zidane mudadaasi wuxuu qaaday saddex koob oo ah kan Yurub oo uu waliba isku xiriiriyey. Kiisi ugu danbeeyay wuxuu qaaday lix maalmood ka hor. Tababarayaal dhowr ah ayaa lala xiriirinayaa Real Madrid, waxaana ka mid ah macallinka kooxda Tottenham Mauricio Pochettino. Macalinkan da'da yar ayaa waxa uu  toddobaadki hore saxiixay heshiis kordhin kale oo uu sannado kale kula sii joogayo Tottenham. Tababarayaasha kale ee ay Real indhaha ku heyso ayaa waxaa ka mid ah macalinka xulka Jarmalka Joachim Low iyo tababaraha hadda wata Chelsea Antonio Conte. Conte ayaa aad loo saadaalinayaa inuu ka tagayo kooxda toddobaadyada foodda nagu soo haya.  

from VOA https://ift.tt/2LOWo0X
via IFTTT

Liiska xiddigaha Morocco ee koobka adduunka

Macallinka reer France ee layliya xulka kubadda cagta dalka Morocco, Hervé Renard ayaa magacaabay cayaartoyda dalkaas u matalaya koobka adduunka, oo dalka Ruushak ka furmaya 14-ka bishan. Goolhayeyaasha: Mounir El Kajoui (Numancia), Yassine Bounou (Girona), Ahmad Reda Tagnaouti (Ittihad Tanger). Daafacyada: Mehdi Benatia (Juventus), Romain Saiss (Wolves), Manuel Da Costa (Basaksehir), Badr Benoun (Raja Casablanca), Nabil Dirar (Fenerbahce), Achraf Hakimi (Real Madrid), Hamza Mendyl (LOSC). Qad-dhexleyaasha: M'barek Boussoufa (Al Jazira), Karim El Ahmadi (Feyenoord), Youssef Ait Bennasser (Caen), Sofyan Amrabat (Feyenoord), Younes Belhanda (Galatasaray), Faycal Fajr (Getafe), Amine Harit (Schalke 04). Weeraryahanada: Khalid Boutaib (Malatyaspor), Aziz Bouhaddouz (Saint Pauli), Ayoub El Kaabi (Renaissance Berkane), Nordin Amrabat (Leganes), Mehdi Carcela (Standard de Liege), Hakim Ziyech (Ajax).  

from VOA https://ift.tt/2xuIpdD
via IFTTT

Netanyahu oo ammaanay dadka Iran

Ra'iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa baahiyey muuqaal uu ku ammaanayo dadka Iran, isaga oo isku dayaya inuu soo nooleeyo saaxiibtinimada taariikhiga ah ee dadka Iran, balse sidoo kale dhalleeceynaya hoggaamiyayaasha dalkaas.

from VOA https://ift.tt/2J99DHY
via IFTTT