Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xalay ka hortageen weerar malayshiyo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xarun boolisku ku leeyahay deegaanka Olla oo u dhow magaalada Mandera ee gobolka waqooyi-bari Kenya. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku burburiyeen saldhig boolis iyo xarun is-gaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Safaricom. Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa adkeeysay ammaanka basaska u safra inta u dhexeysa deegaanka Lamu iyo ismaamulka Tana Riva kaddib markii ay kordheen weerarrada lagu qaado basaska rakaabka. Warkan waxaa Nairobi ka soo dirtay Intisaar Saalax Xuseen.
from VOA https://ift.tt/2tRdPt6
via IFTTT
Saturday, January 11, 2020
Kenya: Waxaan ka hortagnay weerar Al-Shabaab
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment