Saturday, December 31, 2016

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka caweyska ee ugu dambeeya sanadka 2016ka waxaad kaga boggan doontaan sheekooyin xiisa gaar ah leh

from VOA http://ift.tt/2hA6nqq
via IFTTT

Barn. Gaar ah: Dhacdooyinkii ugu Waaweynaa Dunida

Waa barnaamijka gaar ah oo aanu kaga hadlayno dhacdooyinkii waaweynaa ee ka dhacay dunida sanadkan dhamaanaya ee 2016, waxana inala socodsiinaya Xuseen Barre iyo Sahra Cabdi Axmed

from VOA http://ift.tt/2it28ll
via IFTTT

Toogasho Ka Dhacday Muqdishu

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday Qasriga madaxtooyada agagaarkiisa halkaasi oo lagu dilay sarkaal ka tirsan taaliska Villa Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2iQ0gn1
via IFTTT

Trump oo Ammaanay Vladimir Putin

Madaxweynaha la doortay ee dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin inaanu ka falcelinin tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweyne Obama ee ku aaddanaa cunaqabatayn uu ku soo rogay dalka Ruushka maalinimadii Khamiista.

from VOA http://ift.tt/2hEgYpz
via IFTTT

Friday, December 30, 2016

Soomaali Jago Sare Looga Magacaabay UNHCR

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Shire Warsame ayaa dhowaan loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha La-Tacaalidda Gurmadka Degdegga ah ee Hya'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

from VOA http://ift.tt/2iMVx1F
via IFTTT

Dhacdooyinkii Ugu Waa Weynaa 2016 ee Soomaalida

Barnaamijkan oo ah mid gaar ah waxaan aan ku eegayno dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee sannadkan dhacay kuna saabsan arrimaha Soomaalida.

from VOA http://ift.tt/2il2jMI
via IFTTT

Dowladda oo ka Hadashay Dagaalkii Afgooye

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ay Al-Shabaab kusoo qaadday magaalada Afgooye ay ku dishay sargaal ka tirsan mintiidinta Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2hBW1eG
via IFTTT

Hoggaamiyaha Boko Haram oo soo Hadlay

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa kasoo muuqday cajalad video ah, isaga oo inkiriyey sheegashada dowladda ee aheyd in ay maleeshiyaadkan ka xaaqday keymaha Sambisa.

from VOA http://ift.tt/2ix8GfK
via IFTTT

Brazil: Meyd Loo Maleynayo Safiirka Greece oo la Helay

Booliska dalka Brazil ayaa sheegay in ay heleen baabuur gubtay oo uu ku jiro qof meyd ah oo loo maleynayo inuu yahay safiirkii dalka Greece u fadhiyey Brazil, kaasi oo la la'aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

from VOA http://ift.tt/2iktNlK
via IFTTT

Obama oo Cunaqabateyn Saaray Ruushka

Madaxweynaha Barack Obama ayaa Khamiistii cunaqabateyn kusoo rogay laba hey'adood oo kuwa sirdoonla ah oo uu Ruushku leeyahay, isaga oo dalka Mareykanka ka ceyriyey ilaa iyo 35 sarkaal oo Ruush ah.

from VOA http://ift.tt/2ioORdz
via IFTTT

Thursday, December 29, 2016

Haweenka Soomaalida Kenya oo Halgan ugu Jira Kaalintooda Siyaasad

Waxaa ku soo badanayo gobalka Waqooyiga Bari ee Kenya loolanka ay haweenku ugu jiraan hanashada xillalka barlamaanka, ayadoo dastuurka dalkaasi uu siiyay kuraas ay haweenka kaliya ku tartamayaan.

from VOA http://ift.tt/2iwdYbi
via IFTTT

Hay'adda Heritage oo Daraasad ka Sameysay Colaadda Gaalkacyo

Daraasad ay soo saartay hay'adda Cilmi baarista ee Heritage Somalia ayaa digniin ku bixisay inaan la dhayalsan xal u helidda colaadda soo noqnoqota ee ka oogneyd magaalada Gaalkacyo.

from VOA http://ift.tt/2ilycax
via IFTTT

Guddiga Abaaraha oo la Kulmay Hay'ado

Guddiga gurmadka ee dowladda Soomaaliya ay u saartay abaaraha ayaa maanta la kulmay hay'addo, kana codsaday in lala dadajiyo gurmadka.

from VOA http://ift.tt/2iIfEOm
via IFTTT

Wareysi: Shariif Xasan Sheekh Aadan

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ayaa VOA uga warramay kuraasta lagu kordhiyey Aqalka Sare iyo eedaha musuq-maasuq ee hareeyey doorashada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2ibkQNL
via IFTTT

Ban Ki-Moon oo Soo Dhaweeyey Dhaarinta Xildhibaanada Somalia

Xogahayaha guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyey dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, isaga oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 'guushan taraiikhiga ah.

from VOA http://ift.tt/2ikFYS8
via IFTTT

Mareykanka oo Cunaqabateyn Saaraya Ruushka

Maamulka madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa inuu cunaqabateyn kusoo rogo dowladda Ruushka, taasoo uu uga jawaabayo faragelin la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashooyinkii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacay bishii November ee sanadkaan.

from VOA http://ift.tt/2hQ8LKL
via IFTTT

Madasha oo Dib u Dhigtay Kuraas lagu Kordhiyey Aqalka Sare

Xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya ayaa dib u dhigay fulinta 18 kursi oo dheeri ah oo ay horey u sheegeen ii lagu kordhiyey Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2hvxo1M
via IFTTT

Wednesday, December 28, 2016

Kenya oo Kordhisay Bandowgii Mandheera

Dowladda Kenya ayaa kordhisay Bandow hore oo muddo laba bilood ah ay ugu soo rogtay deegaanka Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari, kuna teedsan xuduudda Soomaaliya

from VOA http://ift.tt/2ihAo30
via IFTTT

Gabdhihii Kubadda Koleyga Banaadir oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay

Maalin ka hor, waxa Garoowe lagu soo gaba gabeeyay tartankii ciyaaraha kubadda koleyga Gabdhaha ee maamul goboleedyada dalka qaar iyo koox Banaadir mataleysay ay ka qeyb qaateen.

from VOA http://ift.tt/2hwzn7v
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 351

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 351-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2hoQOlp
via IFTTT

Maxaa Lagu Xusuusan Doonaa Obama

Madaxweyne Barack Obama ayaa soo gabagabeynaya xiligii uu xilka madaxweynenimo hayey, isaga oo ah madaxweynihii 44-aad ee Maraykanka soo mara.

from VOA http://ift.tt/2iEcrDu
via IFTTT

Shaqaale Gargaar oo lagu Dilay Galgaduud

Wararka ka imanaya degaanka Camaara ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in shalay toogasho lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka uu u shaqeynayey hay'adda ICRC.

from VOA http://ift.tt/2hNapNc
via IFTTT

Heshiis la Dhex Dhigay Beelo ku Dagaalamay Hiiraan

Mas'uuliyiinta dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa ku guulaystay inay ka miro-dhalaiyeen dadaal lagu heshiisiinayo laba beelood oo muddo dheer colaadi kasoo dhaxaysay kuwaasi oo wada dega Gobolka.

from VOA http://ift.tt/2iDOrAm
via IFTTT

Dhalinyaro Soomaali ah oo Kulan ku Qabsaday Virginia

Gobolkan Virginia ee dalkan Maraykanka waxaa ka dhacay kulan ay soo abaabuleen dhalinyaro ku bahoobay ururka Somali American Youth Forum kaas oo lagaga doodayey arrimo khuseeya dhalinyarada.

from VOA http://ift.tt/2iDDgU7
via IFTTT

Mareykanka oo Somali-Mareykanka Uga Digay Musuq-Maasuq

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.

from VOA http://ift.tt/2iDEi2J
via IFTTT

Israel oo Deegano Cusub ka Sameyneysa Jerusalem

Guryahan cusub oo laga dhisayo bariga Jerusalem ayaa la qorsheeyey maalmo yar un kadib markii golaha ammaanka ee QM uu ansixiyey qaraar cambaareynaya deegaameynta Israel ay ka waddo Jerusalem.

from VOA http://ift.tt/2i6HR49
via IFTTT

Tuesday, December 27, 2016

Caqabadihii Dhaqaale Afrika ee 2016

Sanadkan sii dhamaanaya ee 2016, waxa Afrika loo saadaaliyey in ay wajihi doonto caqabado dhinaca dhaqaalaha ah, taasi oo rumoowdey.

from VOA http://ift.tt/2icATc8
via IFTTT

Wareysi: Dareenka Xildhibaanada Cusub

VOA ayaa wareysatay laba ka tirsan xildhibaannada cusub ee maanta la dhaariyey oo kala ah Maxamed-Amiin Sheekh Cusmaan iyo Farxiya Muumin Cali oo labadooduba ku cusub baarlamaanka.

from VOA http://ift.tt/2iA7ED3
via IFTTT

Saameynta Baraha Bulshada ee Dhallinyarada

Adeegsiga warbaahinta bulshada ayaa noqday mid aad ugu sii baahaya bulshada Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan dhalinyarada. Warbaahinta bulshada ayaa leh faa'iidooyin iyo khasaaro intaba, taasoo saameyn ku yeelata noloshada isticmaalayaasha. Hadaba wariyaheena Haashim Sheekh Cumar Good ayaa saameynta adeegsiga shabakadaha bulshada ee dhinaca internetka ka wareystay qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Boorama.    

from VOA http://ift.tt/2i3dY50
via IFTTT

Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya oo la Dhaariyey

Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2i2M74R
via IFTTT

Beesha Caalamka oo ka Hortimid Go'aanadii Madasha

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay qaar ka mid ah go'aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya

from VOA http://ift.tt/2hjMnbt
via IFTTT

Maxkamad La Xiriirta Afgambigii Turkiga oo Billaabatay

Turkey ayaa billowday maxkamadeynta 29 sarkaal oo boolis ah kuwaas oo lagu eedeeyey inay gacan ka geysteen afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July, kaasi oo horseeeday dhimashada 270 qof.

from VOA http://ift.tt/2icWweC
via IFTTT

Monday, December 26, 2016

Muqdisho: Xildhibaannada oo la Filayo in Maanta La Dhaariyo

Magaalada Muqdisho, waxa maanta la filayaa in ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada baarlamanaaka cusub Soomaaliya ee lagu soo kala doortay xarrumaha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

from VOA http://ift.tt/2ic9FEL
via IFTTT

Banaadir oo Ku Guuleysatay Tartankii Kubadda Koleyga ee Garoowe

Gabdhaha gobolka Banaadir, ayaa ku guulaystay Koobka Kubadda Kolayga gabdhaha Soomaaliyeed ee ka soconayay magaalada Garoowe ee Puntland.

from VOA http://ift.tt/2iy1Ypd
via IFTTT

Al-Shabab iyo Xoolo Dhaqato ku Dagaalamay J/Hoose

Dagaal u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yaaq Bishaaro oo qiiyaastii 45 km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2hh2Ygc
via IFTTT

Uganda: 30 Qof oo ku Dhintay Doon Gaddoontay

Ilaa 30 qof ayaa dhintay kadib markii ay doon ay la socdeen koox ciyaarta kubadda cagta iyo taageerayaashooda ay ku gaddoontay harada Lake Albert ee dalka Uganda.

from VOA http://ift.tt/2ivUUNF
via IFTTT

Shirka Horumarka iyo Dhalinyarada ee Jabuuti

Magaalada Jabuti ee xarunta dalka Jabuuti waxaa todobaadki hore lagu soo gaba gabeeyey shir caalami ah loogaga hadlayey horumarka iyo dhalinyarada.

from VOA http://ift.tt/2ijzP5P
via IFTTT

Shirwac: Madasha Awoodda Ayey sii Ballaarsaneysaa

Cabdulaahi Maxmed Shirwac oo ah aqoonyahan si dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya, kana tirsan bulshada rayidka ayaa ku tilmaamay Madaxda Madasha Qaran ee Somalia kuwa awoodda sii ballaarsanaya.

from VOA http://ift.tt/2i9Zj8i
via IFTTT

Doorka Beesha Caalamka ee Siyaasadda Somalia

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa dhowaan soo saareyey warsaxaafadeedyo wada jira oo ay kaga jawaabayeen doorashooyinka dalka Soomaaliya ka socda. Beesha caalamka waxa ay si gaar ah uga jawaabeen wax isdaba marin ka dhacdey intii ay socotey doorashada xubnaha labada aqal ee baarlmaanka Somalia ee magaalooyinka Maamul-Goboleedyada lagu soo doortey, iyo dib u dhaca xiliga doorashada. Hasa yeeshee weli beesha caalamku si rasmi ah ugama aysan hadal kuraasta 18-ka ah ee xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ay ku kordhiyeen Aqalka Saree e dalka. Weriyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegaysaa doorka ay Beesha Calaamka ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.    

from VOA http://ift.tt/2ijxmZ2
via IFTTT

Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo

Wararka ka imanaya deegaanka Towfiiq ee u dhow degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay iska-horimaad dhex maray Ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

from VOA http://ift.tt/2i7rfri
via IFTTT

Russia oo ku Dhawaaqday Maalin Baroordiiq Qaran

Saraakiisha dalka Ruushka ayaa ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalin baroordiiq qaran, waxayna sheegeen inay baarayaan sabab kasta, oo ay ku jirto argagixisanimo, taasi oo laga yaabo inay ka dambeysay diyaarad soo dhacday, ayna ku geeriyoodeen 92 qof.

from VOA http://ift.tt/2iw5DUp
via IFTTT

Duufaano Dad ku Dilay Dalka Philippines

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen kadib marki ay duufaanta Nock-Ten garaacday xeebaha u dhaw magaalada Manila ee dalka Philippines.

from VOA http://ift.tt/2hYWlTC
via IFTTT

Sunday, December 25, 2016

 Khatar Kusoo Wajahan Geedka Beeyada Soomaaliya

Ka ganacsiga beeyada oo ah wax soo saar muddo qarniya ah lagu yaqaanay Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in hadda ay soo food saartay khatar.

from VOA http://ift.tt/2hX0BDn
via IFTTT

 Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee todobaadkan wuxuu ku saabsanyahay iska hor imaadyo dhawaan deegaano ka mid ah koofurta Soomaaliya ku dhexmaray Al-Shabaab iyo dad xoola dhaqato ah

from VOA http://ift.tt/2i7Szba
via IFTTT

Xeer Ilaaliyihii Ciidanka Xooga Puntland oo la Diley

Xeer Ilaaliyihii guud ee maxkamada Ciidamada Xooga Puntland Kor. Cabdikariin Xasan Firdhiye ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso.

from VOA http://ift.tt/2hoVFbb
via IFTTT

Saturday, December 24, 2016

Qaraarka QM ee ka Dhanka ah Israel

Dawladda Maraykanka ayaa diidday inay adeegsado codka diidmada qayaxan ee VETO sidii horey looga bartay ee ay ku hor istaagi jirtay qaraarrada Golaha Ammaanka ee cambaaraynaya Israa'iil. Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuusan u hoggaansami doonin qaraarkaasi.

from VOA http://ift.tt/2hckan4
via IFTTT

Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Haatanna ku soo dhowaada barnaamijka Martida Mikrofoonka oo toddobaadkan uu magaalada London innoogu soo diyaariyey weriyaha VOA Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

from VOA http://ift.tt/2ioWYak
via IFTTT

Barnaamijka Cawayska Washington

Haatanna ku soo dhowaada barnaamijkii Cawayska Washington, waxaa innala socodsiinaysa Caasha Ibraahin Aadan.

from VOA http://ift.tt/2hcgEZZ
via IFTTT

Guddida Doorashada: 71 Kiis ayaa Nasoo Gaadhay

Guddiga madaxa banaan ee xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in mudadii ay shaqada hayeen ay soo gaareen 71 kiis oo cabasho oo la xiriira sidii loo maareeyay doorashad, laakiin baaritaan iyo cadeymo ay u raadiyeen kiisaskaa ay markii dambe ka soo reebeen 11 kursi.

from VOA http://ift.tt/2i5hHzl
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa si wadajira innoola socodsiinaya, Falastiin Axmed Iimaan iyo Ibraahin Xasan Daanduray.

from VOA http://ift.tt/2id95DT
via IFTTT

Keating oo Walaac ka Muujiyey Xiisada Gaalkacyo

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacayo, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof halka ay jiraan dhaawacyo kala geddisan.

from VOA http://ift.tt/2i4SpBv
via IFTTT

Israel oo Safiiradeedii kala baxaysa Senegal iyo New Zealand

Ra'iisal Wasaaraha dalka Isra'iil Benjamin Netanyahu ayaa qaadaya tallaabooyin diplomaasiyadeed oo ka dhan dalalkii horkacayey qaraarkii laga ansixiyey Qaramada Midoobay ee looga soo horjeeday dhismayaasha dadka Yuhuudda ah ee daanta galbeed iyo bariga Qudus

from VOA http://ift.tt/2iqx3ed
via IFTTT

Friday, December 23, 2016

Faaqidaadda: Abaaraha ka Jira Soomaaliya

Meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaaro darran oo dad iyo duunyaba galaaftay. Abaaraha Soomaaliya ayaa ah kuwo inta badan soo noqnoqda, ayada oo ay ugu wacan yiiin sababo dhowr ah. Arbacadii, ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa looga dhawaaqay guddi heer qaran ah oo la tacaala abaaraha. Haddaba barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegeynaa abaaraha dalka ka jira. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Maxamed Cabdi Sandheere.  

from VOA http://ift.tt/2hZR7VL
via IFTTT

Warbixin: Musharraxiinta Ugu Cadcad Doorashada Soomaaliya

Waxaa Soomaaliya socda ololaha musharraxiinta madaxweynaha oo billaabay inay kulamo gooni-gooni ah la yeeshaan xubnaha aqalka baarlamaanka. Haddaba waa kuwee musharrixiinta madaxweyne ee ugu cadcad doorashadan?

from VOA http://ift.tt/2hPHFX8
via IFTTT

Diyaarad Laga Leeyahay Libya oo la Afduubtay

Diyaarad laga leeyahay dalka Libya oo la afduubtay ayaa cago dhigatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla jasiiradda yar ee badda Mediterranean-ka ee Malta.

from VOA http://ift.tt/2hZQjjS
via IFTTT

Saddex Qof oo ku Geeriyootay Dagaal ka Dhacay Gaalkacyo

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, toddoba kalene waa ay ku dhaawacmeen israsaaseyn kooban oo magaalada Gaalkacyo ku dhax martay ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland.

from VOA http://ift.tt/2h91yUP
via IFTTT

UK oo 1.5 Milyan oo Gini ugu Deeqday Soomaaliya

Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee loo soo gaabiyo DFID ayaa 1.5 milyan oo gini ugu deeqday in lagu taageero mashruucyada kaabayaasha Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2hy7Tu6
via IFTTT

Ninka lagu Tuhmayo Weerarkii Berlin oo la Dilay

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Marco Minnitiayaa sheegay in ninkII looga shakisanaa inuu ka danbeeyey weerarkii argagixiso ee Berlin lagu dilay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

from VOA http://ift.tt/2ijB2NG
via IFTTT

Thursday, December 22, 2016

Djibouti oo Qaxooti Dib u Celineysa

Hay'adda dawladda Djibouti u qaabilsan arimaha qaxootiga ayaa ku guda jirtay beryahan hawlo dib loogu celinayo dalkooda dad qaxooti ah oo deganaa xeryo ku yaalla Djibouti, iyo dad kale oo tahriib ahaa oo laga so celiyey dalka Yaman, kuwaas oo la soo marsiyey Djibouti.

from VOA http://ift.tt/2hO9wXF
via IFTTT

3 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dimatay oo midi ka tirsan yahay ciidamada amniga, labaa kalena yihiin dad rayid ah kadib qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2hgGWiF
via IFTTT

Warbixin Gaar Ah: Jid Aan Jiho Lahayn

Muddo badan waxaa la aaminsanaa in kooxaha xagjirka ah ay duufsadaan dhalinyarada aan helin waxbarashada wanaagsan islamarkaana dayacan ama shaqo la'aantu haysato. Inkastoo fikraddaasi la xaqiijiyey inay dhab tahay, haddana waxaa dhinaca kale dhab ah in dhallinyarada ay kooxaha xagjiriintu soo jiiteen ay ku jiraan kuwo helay waxbarasho wanaagsan kana soo jeeda qoysas ladan. Haaruun Macruuf ayaa inoo haya qaybtii koowaad ee laba warbixinood oo ku saabsan laba dhalinyaro ah oo midi ku biiraya Daacish kan kalena Al-Shabab oo labaduba waxbarashada meel sare ka gaadhay ka hor intii aysan ku biirin ururrada xagjirka ah. Waxaa kale oo warbixinahani ay fallanqayn doonaan waxa xalka noqon kara ee dhalinyarada looga joojin karo in la marin habaabiyo. Waa tan qaybtii koobaad ee warbixin aan ugu magacdarnay "JID AAN JIHO LAHAYN" oo ku saabsan sheekada Rashiid Tugraal oo asal ahaan u dhashay Turkiga kuna biiray Daacish.  

from VOA http://ift.tt/2ijjJrY
via IFTTT

Wareysi: Safiirka Mareykanka ee Somalia

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka warramey hanaanka doorashada ee Soomaaliya, Caqabadaha jira iyo aragtida dowlada Mareykanka ee Doorashooyinka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2hL5v6q
via IFTTT

Baarlamanka Kenya oo Ansixiyey Sharci Muran Dhaliyey

Baarlamaanka Kenya ayaa maanta waxa uu meel mariyay sharci isbeddel lagu sameynayo xeerka doorashada 2017-ka.

from VOA http://ift.tt/2h5A4iX
via IFTTT

Hay'adda Culumada oo ka Digtay Cayaaraha Garoowe

Hay'adda Culumada Soomaalieed ayaa maanta ka digtay halis dhinaca diinta ah oo ay sheegtay inay ka imaan karto in gabdha Somaliyeed ay ciyaaraan kubadda Koleyga.

from VOA http://ift.tt/2hKVohY
via IFTTT

Miisaaniyadda Somaliland ee 2017 oo la Ansixiyey

Somaliland ayaa maanta asixisay Miisaaniyadda Somaliland ee sannadka 2017 taas oo gaadhaysa illaa 362 Milyan oo dollar.

from VOA http://ift.tt/2h5uu04
via IFTTT

Askari ka Tirsan AMISOM oo la La'yahay

Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah askartooda Soomaaliya joogta la la'yahay.

from VOA http://ift.tt/2hWF7V8
via IFTTT

Jammeh: Allah Kaliya ayaa iga Qaadi Kara Guusha

Hoggaamiyaha muddada fog talada haya ee dalka Gambia Yahya Jammeh, ayaa sheegay in "Allaha weyn" kaliya uu ka qaadi karo guusha, asaga oo isku dayaya inuu waxba kama jiraan kasoo qaado natiijada doorashadii madaxweyne ee dalkaas.

from VOA http://ift.tt/2hfOulG
via IFTTT

Wednesday, December 21, 2016

Djibouti oo uu Shir ugu Soo Dhamaadey Safiirro

Ergada diblamaasiyadeed ee dowladda Jabuuti ee caalamka u kala fadhiya, ayuu shir wadatashi ugu soo gaba gaboobey magaalada Jabuuti.

from VOA http://ift.tt/2hVxQVz
via IFTTT

Baasha Caalamka oo Baaq u Dirtay Madasha Qaran

War qoraal ah oo ay si wada jir ah usoo saareen dhinacyada Beesha Caalamka ayey ugu jeediyeen Hoggaamiyaasha Madasha Qaran in ay qabtaan doorasho ku fadhida daah furnaan, La-xisaabtan iyo sharci.

from VOA http://ift.tt/2hcSUtA
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 350

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 350-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2h9Ne1H
via IFTTT

Bulshada Rayidka oo ka Digtay Heerka Abaarta Somalia

Ururada bulshada rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegay in abaarta xilligan ka jirta dalka ay marayso marxaladdii ugu darnayd.

from VOA http://ift.tt/2hHqFSF
via IFTTT

Doon u Socotay Boosaaso oo Degtay

Dad sidatay calanka dalka Hindiya kuna soo socotay magaalada Boosaaso ayaa ku degtay meel xeebta u jirta ilaa 14 mayl.

from VOA http://ift.tt/2h1phGM
via IFTTT

Al-Shabaab oo Dilay 5 Qof oo Xoolo Dhaqato ah

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa shan ruux oo xoolo dhaqato ah ku diley meel 75 km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

from VOA http://ift.tt/2ia8p5C
via IFTTT

Erdogan iyo Putin oo Dib u Xaqiijiyey Xiriirkooda

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa sheegay in shirqoolki lagu dilay safiirki Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara aysan dhaawici doonin xiriirka ka dhaxeeya labada waddan.

from VOA http://ift.tt/2hZQVW5
via IFTTT

Qofkii Fuliyey Weerarkii Berlin oo Weli la La'yahay

Mas'uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa weli raadinaya qofkii mas'uulka ka ahaa baabuur xamuul oo lagu jiiray dad meel isugu yimid, maalin kadib markii ay sii daayeen qof lagu tuhunsanaa inuu mas'uul ka ahaa weerarkaas oo 12 qof lagu dilay.

from VOA http://ift.tt/2hUhYoH
via IFTTT

Tuesday, December 20, 2016

Saameynta Dilka Karlov ee Xiriirka Russia iyo Turkey

Danjire Cali Saciid Faqi oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Brussels ayaa ka hadlaya su'aalaha la iska weydiinayo dilkii shalay loo gaystay danjirihii Ruushka u fadhiyay Turkiga Andrey Karlov iyo saamaynta uu ku keeni karo xiriirka Ruushka iyo Turkiga. Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayuu u warrmay.  

from VOA http://ift.tt/2i6bpjk
via IFTTT

Boosaaso: Maamulihii Madaxtooyada Puntland oo la Dilay

Nin Baastoolad ku hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta ku diley magaalada Boosaaso maamulihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Aaden Gaas Huruuse.

from VOA http://ift.tt/2hW76DV
via IFTTT

Sanad Guurada 73-aad ee Boliiska Somalia oo la Xusay

Munaasabad lagu xusay aas aaska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2i5ijVZ
via IFTTT

Warbixin: Saameynta Weeraradii Ka Dhacay Yurub

Saddex iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay, dalal badan oo Yurub ah ayaa waxaa ka dhacayey falal argagixiso oo dhowr ah Isniintii shalay waxey ka mid noqotay maalmaha taariikhda bogga falalka argagixiso ee Yurub. Muddo saacado ah gudahood ayaa waxey saddex fal oo uu dhiig ku daatay ka kala dhaceen, Jarmalka, Turkiga iyo Switzerland. Jarmalka ayaa baabuur dad lagu jiiray waxaa ku dhintay 12 qof. Turkiga ayaa waxaa lagu dilay safiirkii Ruushka, halka dalka Switzerland la weeraray masjid. Hadaba wararkii ugu dambeeyay ee weraradii shalay iyo saameynta ay yeesheen waxaa warbixintan inooga diyaarisay wariyaheenna Sahra Cabdi Axmed.      

from VOA http://ift.tt/2hQpNfe
via IFTTT

Putin oo ka Hadlay Dilka Safiirkii Russia ee Ankara

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyey, kuna sheegay ficil argagixiso weerarkii lagu dilay safiirkii Ruushka ee magaalada Ankara.

from VOA http://ift.tt/2hD90eS
via IFTTT

Boliiska oo Baaraya Weerarkii Berlin

Booliska magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa maanta sheegay inay baarayaan aqoonsiga qof baabuur kuwa xamuulka ah xalay ku jiirsiiyey suuq ku yaala magaalada Berlin, halkaas oo ay ku dhinteen 12 ruux, 50 kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarkani ayaa ka dhacay banaanka suuqa laga dukaameysto ee Kaiser Wilhelm Memorial Church xilli ay dad badan oo Jarmal ah u dabaal dagayeen cidda masiixiiyiinta. Mid kamid ah laba ruux oo waday baabuurka dadka lagu jiiray ayaa la xiray, halka kan kalena laga dhex helay gaariga dhexdiisa isaga oo meyd ah.   Booliska ayaa weerarkaani jiirsiinta ah ku tilmaamay fal argagixiso. Illaa iyo hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas'uuliyadda weerarka.  

from VOA http://ift.tt/2h5sBnt
via IFTTT

Monday, December 19, 2016

Zurich: 3 Soomaali ah oo Ku Dhaawacantay Masjid La Weeraray

Xaley Salaadi maqrib kadib waqtiga bartamaha Yurub, ayaa waxaa la weerarey Musaajid ku yaala bartamaha magaalada Zurich ee dalka Switzerland, halkaas oo lagu dhawaacey saddex ruux oo ka mid yahay Imaamki tujiyey Salaadda Maqrib, kaas oo magaciisa lagu soo koobey Sheekh Mustafa.

from VOA http://ift.tt/2h4Iaf4
via IFTTT

Berlin: Gaari la Jiirsiiyay Dad Dukaameysanayay

Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, waxa fiidkii Isniintii ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada, kaas oo dad ka dukaameysanayay goob ku taalla magaaladaasi la jiirsiiyay.

from VOA http://ift.tt/2hCcVbY
via IFTTT

Ergada Electoral College oo Codadkii uu u Baahnaa Trump Siiyay

Waxaa xaley soogabagaboobey codbixinti ergada loo yaqaan Electrol college oo ah kuwa doorta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka kadib codbixinta guud.

from VOA http://ift.tt/2hNUpeC
via IFTTT

Safiirka Ruushka ee Ankara oo la Dhaawacay

Safiirka Ruushka ee magaalada Ankara, Andrei Karlov ayaa si darran loogu dhaawacay weerar ka dhacay caasimadda Turkiga.

from VOA http://ift.tt/2i7sKUU
via IFTTT

Buundada Luuq oo Dib loo Dhisayo

Mas'uuliyiinta magaalada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in deegaanka ay u suurto gashay inay dib u dhis ku samaynayaan buundada weyn ee magaalada Luuq oo halbowle u ah ganacsiga iyo isku socodka dadka.

from VOA http://ift.tt/2h3WUwe
via IFTTT

DF oo soo Dhoweysay Go'aanka Laga Gaaray Soma Oil

Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aankii Xafiiska Musuq Maasuqa Daran ee Boqortooyada Ingiriiska uu ku soo afjaray baaristii lagu hayay sharikadda Soma Oil & Gas Exploration Limited (SOMA).

from VOA http://ift.tt/2hZF9OH
via IFTTT

Warbixin Gaar ah: Qoondada Haweenka

Waxaa muuqata inaan lasoo dhamaystirin ama aan la soo buuxin qoondadii haweenka ee ahayd 30%, kana mid aheyd shuruudaha doorashada.

from VOA http://ift.tt/2gSl3RK
via IFTTT

Doorashada Aqalka Hoose oo Dib uga Billaabatay Muqdisho

Doorashada Aqalka Hoose ee xildhibanada Somaliland ayaa dib uga billaabatay Muqdisho kaidb markii dhawaan ay guddiga doorashooyinka ay u joojiyeen gacan ka hadal ka dhex dhacay xarunta dooarshada.

from VOA http://ift.tt/2hZBfp8
via IFTTT

Dagaal ka Dhacay Meel u Dhow Qandala

Dagaal ayaa ka dhacay meel 30 km koonfur kaga beegan degmada Qanadala ee gobolka Bari ee Puntland, oo dhowaan laga saaray maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish.

from VOA http://ift.tt/2gSmZtd
via IFTTT

Trump oo Si Rasmi ah Maanta Loogu Codeynayo

Ergo codeedka gobollada Mareykanka ee loo yaqaano Electoral College ayaa maanta lagu wadaa in ay si rasmi ah ugu codeeyaan in Donald Trump uu noqdo madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2gRyTUt
via IFTTT

Sunday, December 18, 2016

AMISON oo Gobolka Shabeellaha Hoose 11 oo Rayid ah ku Dishey

Sida uu VOA-da u xaqiijiyey gudoomiyaha Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali oo loo yaqaan Najax, ciidamada AMISON ayaa labo goobbood oo kala duwan ku kala diley 6 iyo 5 ruux oo shacab ah.

from VOA http://ift.tt/2hPuS4r
via IFTTT

Laba Gabdhood oo Wada dhashey oo Canada Lagu Diley

Magaalada Ottawa ee dalka Canada waxaa ku dhintey laba gabdhood oo walaalo ah lagu na kala magacabi Nasiibo Cabdiraxmaan iyo Asma Cabdiraxmaan

from VOA http://ift.tt/2hJ2odb
via IFTTT

Wareysi: Wasiirka Waxbarashada Somalia

Wasiirka Waxbarashada Somalia Dr. CabdulQaadir Cabdi Xaashi ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen wasiirada waxbarashada ee dalalka ku jira Jaamacada Carabta magaalada Camaan.

from VOA http://ift.tt/2hIMMWQ
via IFTTT

SH. Hoose: Weerar Lagu Dilay Lix Qof

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo saarnaa baabuur caasi ah ay dhinteen, ka dib markii weerar lagu qaaday gaarigaas oo marayay meel u dhow tuulada farxaanle oo hoostimaada degmada Qoryooleey.

from VOA http://ift.tt/2gZpuyJ
via IFTTT

Wicitaanka: Sheekh Xuseen Faarax (Sweden)

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa marti ku ah Sheekh Xuseen Faarax oo ah Imaamka Masjidka Al-Nur ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden

from VOA http://ift.tt/2i2VLB9
via IFTTT

Yemen: Qarax Lagu Dilay 49 Qof

Qof isa soo miidaamiyey ayaa dilay ugu yaraan 49 ka mid ah Askarta Yemen, weerarka oo ka dhacay magaalada xeebeedda koonfurta dalka ku taalla ee Cadan, iyada oo uu jiray weerar kale oo toddobaadkii horay dhacay, kaas oo ururka ISIS uu ku dilay 50 askari.

from VOA http://ift.tt/2hVeP8D
via IFTTT

Saturday, December 17, 2016

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington, oo aad maanta oo kale ka dhageystaan VOA. Caasho Ibraahim Aaden, ayaa la diyaar ah.

from VOA http://ift.tt/2hGbhGD
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxa nala socodsiinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Falastiin Axmed Iimaan

from VOA http://ift.tt/2hFLnjL
via IFTTT

Friday, December 16, 2016

J/Hoose: Dagaal Dhexmaray Al-Shabab iyo Shacab

Dagaallo ayaa maanta iyo shalay ka dhacay deegaanno dhinaca Galbeed iyo Waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, waxaana dagaalladan ay u dhexeeyaan maleeshiyada Al-Shabab iyo qabaa'ilaad sida ay goobjoogayaal ay noo sheegeen.

from VOA http://ift.tt/2hPoLAi
via IFTTT

Faaqidaadda: Kuraasta Aqalka Hoose ee Lagu Muransan Yahay

Dhowaan ayaa guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Soomaaliya waxa ay sheegeen in la laalay oo dib loogu noqon doono doorashada 11 ka mid ah xubnaha loo soo doortay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaaliya. Go'aankaas ayaa waxaa ku gacan seeray dhammaan guddiyada doorashooyinka maamul goboleedyada oo sheegay in xubno ay ayaga soo ansixiyeen aan laga joojin karin inay ka mid noqdaan baarlamanka cusub. Arrimahaas ayaan ku eegeynaa barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaana soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.    

from VOA http://ift.tt/2hWctlC
via IFTTT

Michael Keating oo ka Hadlay Xubnaha Muranka uu ku Jiro

Ergeyga QM ee Somalia ayaa sheegay in markii hore loo soo gudbiyey liiska 24 xildhibaan oo lagu muransan yahay, balse guddiga xalinta khilaafaadka ay kasoo reebeen oo kaliya 11 xildhibaan, loogana baahan yahay sharraxaaad.

from VOA http://ift.tt/2gSx2Sd
via IFTTT

Jaamac Saxardiid oo u Geeriyooday Dhaawacii Soo Gaaray

Taliye ku xigeen ka saddexaad ee ciidamada booliska Puntland oo dabley hubeysani ay dhaawac halis ah ugu geysteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa geeriyooday.

from VOA http://ift.tt/2gRmVio
via IFTTT

Daadgureynta Shacabka Xalab oo la Hakiyey

Daadgureynta shacabka magaalada Xalab ee dalka Syria ayaa la hakiyey, taasi oo macnaheedu yahay in kumanaan qof ay weli ku xaniban yihiin gudaha magaalada.

from VOA http://ift.tt/2h7Iasp
via IFTTT

Thursday, December 15, 2016

Saameynta Dhaca Loo Geystay Shirkadda Yahoo

Dhawaan ayaa waxaa ay burcada internetku jabsatey boga internetka ee shirkadda Yahoo, iyagoo heley xogaha malaayiin qof oo isticmaasha Iimeeylada iyo hababka kale ee isgaarsiinta ee shirkadu isticmaasho.

from VOA http://ift.tt/2hUvkOc
via IFTTT

Maamullo Diiday Go'aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Somalia ayaa diiday go'aanka guddiga khilaafaadka doorashada Somalia.

from VOA http://ift.tt/2hoySeu
via IFTTT

Boosaaso: Weerar Lagu Dhaawacay Taliye Sare

Taliye ku xigeen ka saddexaad ee ciidamada booliska Puntland ayaa maanta dabley hubeysani ay dhaawac halis ah ugu geysteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

from VOA http://ift.tt/2hJpMKn
via IFTTT

Muqdisho: 7 Askari oo ku Geeriyootay Qarax

Toddoba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2h3VRsm
via IFTTT

Qiimaha Saliida oo Mar Kale Hoos u Dhacay

Qiimaha Saliida ayaa mar kale hoos u dhacaya kadib markii dhowaan sare u kac uu ku yimid markaasi oo uu gaaray 56 dollar halkii barmiil, qiimihii ugu sarreeyey muddo 18 bilood ah.

from VOA http://ift.tt/2hzdkde
via IFTTT

Wednesday, December 14, 2016

Muusikiste Maclow oo Kulan Uga Qeyb Galay Washington

Maxamed Maclow Nuur, oo ka mid ah bahda fanka Soomaaliyed ahna muusigiste caan ah, ayaa Maktabadda weyn ee  Kongresska Mareykanka ee Washington uu uga qeyb galikulan dhinaca fanka iyo dhaqanka ku saabsan, kaas oo labadii sanaba mar la qabto.

from VOA http://ift.tt/2hHtqnR
via IFTTT

Talyaaniga: Nin Loo Xukumay Dhimashada 700 oo Tahriibayaal Ahaa

Dawladda Talyaaniga ayaa 18 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Tunisia oo lagu eedeeyay doorkii uu kulahaa dhimashada 700 oo qof oo tahriibeyaal ahaa.

from VOA http://ift.tt/2htOFcf
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 349

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 349-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2hvky1g
via IFTTT

Somalia: Hay'ado Lagu Eedeyey Musuq Maasuq

Warbixin ay qortay Hay'adda Transparency International ee ka shaqaysa Hufnaanta Caalamka ayaa sheegaysa inuu musuq maasuq ka jiro qaabka ay u shaqeeyaan hay'adaha aan dawliga ahayn ee ka hawlgala Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2hv5Uat
via IFTTT

Doorashada 11 Kursi oo Dib Loogu Noqonayo

Guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa shaaca ka qaaday in la laalay oo dib loogu noqon doono doorashada 11 ka mid ah xubnaha loo soo doortay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaaliya.

from VOA http://ift.tt/2gIgUVh
via IFTTT

Wefti ka Socda Jabuuti oo Tagey Hargeysa

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa maanta socdaal ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

from VOA http://ift.tt/2gAevqr
via IFTTT

Daacish oo Sheegtay Qaraxii Kaniisadda Qaahira

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee axaddii lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo lagu dilay 25 qof.

from VOA http://ift.tt/2huqAiC
via IFTTT

Tuesday, December 13, 2016

Koonfur Afrika: Soomaali Nolosha Lagu Gubay

Laba qof oo Soomaali ah ayaa nolosha lagu gubay saq-dhexe xaley oo Isniin aheyd, magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Africa, sida ay ehalladooda u sheegeen VOA.

from VOA http://ift.tt/2hJAJYm
via IFTTT

Dad Rayid ah Oo Dilay Taliye Sare oo Shabaab Ah

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in laba nin oo rayid ah ay toogasho ku dileen mid ka mid ah Taliyeyaasha Sare sare ee Al-shabab ee gobolka aad looga yaqaan oo la yirahdo Cabdiraxman Raaxaale.

from VOA http://ift.tt/2hrboms
via IFTTT

Magacyada Xildhibaanada Lagu Doortay Cadaado

Maamul goboleedka Galmudug ayaa dhowaan soo geba gebeeyey doorashadii xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka socotay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas.

from VOA http://ift.tt/2hARTLD
via IFTTT

Madaxweyne Xasan oo ka Hadlay Doorashooyinka

Madaxweynaha Soomalaia Xasan Sheekh Maxmauud ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay aqalka Madaxtooyada waxa uu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2gw2LFL
via IFTTT

Xildhibaanada Cusub oo La Diiwaangelinayo

Xoghayaha Baarlamanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay inay bilaabayaan diiwaangelinta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee la soo doortay.

from VOA http://ift.tt/2hozYHv
via IFTTT

Mandheera: Al-Shabaab oo Gubay Xarumo Isgaarsiin

Kooxda Al-Shabaab ayaa gubay laba xarumood oo ay shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku laheyd deegaano ka tirsan Gobolka Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya.

from VOA http://ift.tt/2hIMVsd
via IFTTT

Trump oo Magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa madaxa shirkadda ExxonMobil, Rex Tillerson u magacaabay xoghayaha cusub ee arrimaha dibedda.

from VOA http://ift.tt/2hsNBTK
via IFTTT

Wafti Caalami Ah Oo Maanta Tegaya Gambia

Hoggaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa maanta tegaya dalka Gambia ayaga oo billaabaya dadaal ay uga dhaadhicinayaan madxweynaha muddada fog talada haya ee Yahye Jammeh inuu xilka ka dego kadib markii looga adkaaday doorashadii dhacday 1-dii December.

from VOA http://ift.tt/2hhSOQd
via IFTTT

Monday, December 12, 2016

Ganacsiga Gaalkacyo oo Kala Xayiran

Ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya in weli ganacsigii Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo uu kala xiran yahay.

from VOA http://ift.tt/2hpyM48
via IFTTT

Muqdisho: Xildhibaano Hore oo Dib loo soo Doortay

Afar xildhibaan ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada, kuwaasi oo ka mida kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee beelaha Waqooyi.

from VOA http://ift.tt/2gDCQz5
via IFTTT

Al-Shabaab oo ka Baxay Ceelwaaq

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo weerartey degmada Ceelwaaq Soomaaliya ee gobolka Gedo ee ku taala xuduuda Kenya iyo Somalia, ayaa halkaas ka baxay xalay.

from VOA http://ift.tt/2gsemFC
via IFTTT

Dowladda Turkiga oo Xirtay Kurdiyiin Badan

Booliska Turkiga ayaa xiray ilaa iyo 118 sarkaal oo ka tirsan xibiga (HDP) ee taageero dadka Kurdiyiinta Turkiga, kadib markii ay Dowlada ku eedeysay in xisbigani uu xiriir la leeyahay kooxda fallaagada PKK ee dagaalka kula jirto dowladda Turkiga.

from VOA http://ift.tt/2gDbAkd
via IFTTT

China oo Walaac ka Muujisay Hadalka Trump

Dowladda China ayaa maanta sheegtay in "Walaac dhab ah" ay ka qabto hadal kasoo yeeray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo su'aal ka keenay in Mareykanka uu sii wado siyaasadiisa "Hal China" illaa dowladda China ay ka sameyso tanaasullo ganacsi.

from VOA http://ift.tt/2gD4TPc
via IFTTT

Sunday, December 11, 2016

Dad Badan oo ku Dhintay Qaraxa Dekedda Muqdisho.

25 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, in kabadan  40 kalena ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo saaka aroortii ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2gAqho6
via IFTTT

Turkiga oo Maanta Ku dhawaaqay Baroordiiq Qaran

Dowladda Turkiga ayaa waxaa maanta lagu dhawaaqay maalin qaran oo baroordiiq ah oo loo murugoonayo 20 qof oo ku dhintay qaraxyo mataanno ah oo habeenkii Sabtida ka dhacay garoon ciyaaraha lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Istanbul.

from VOA http://ift.tt/2hlTty3
via IFTTT

Magaalada Qaahira oo ay 25 Qof ku Dhinteen

Dalka Masar, Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay maanta kaniisad ku taalla magaalada Qaahira oo qarax bambaano lala eegtay. Dowladda Masar ayaa weerarkan ku eedeynsa inay ka danbeeyaan kooxo xiriir la leh ururkii Akhaanul-Muslimiinka.

from VOA http://ift.tt/2hlVpq1
via IFTTT

Barnaamijka Wicitanka: Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane

Barnaamijka Wicitanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay sida uu gobolka Banaadir ugu diyaargaroobayo marti galinta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka kala yimid gobolada dalka.

from VOA http://ift.tt/2hm2iI6
via IFTTT

Taxanaha Buugga: Africa's First Democrats

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota ee dalkan Maraykanka ayaa qoray buug uu ugu magac daray Africa's First Democrats

from VOA http://ift.tt/2gsnGy5
via IFTTT

Muqdishu: Qarax Dhimasho Badan Gaystay

Dad fara badan ayaa ku dhintay qarax saaka ka dhacay dekedda Muqdishu horteeda sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA Somali.

from VOA http://ift.tt/2hi4sed
via IFTTT

Saturday, December 10, 2016

Xaliimo Aadan oo tartanka quruxda ka qeybgashey

Xaliima Aadan oo ah gabar Somali Mareykan ah ay ay noqotey gabadhii ugu horeysay ee iyadoo xiran dhar asturan iyo Xijaab ay tartantey, Tartanka quruxda oo lagu qabtey magaalada Minneapolis.

from VOA http://ift.tt/2hhhGFf
via IFTTT

Laba Qarax oo ka Dhacay Dalka Turkiga

In ka badan labaatan qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

from VOA http://ift.tt/2gnPLl6
via IFTTT

Dhalinyaro Deeq u Uruurisay Abaaraha

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in loogu gurmado dadka abaartu saamaysay, Waiyaha VOAda ee gobolka Minnesota ayaa waraysi la yeeshay laba dhalinyaro ah oo olole u galay sidii qaaraan loogu ururin lahaa abaaraha Somalia.

from VOA http://ift.tt/2hyCdnZ
via IFTTT

Dhageyso Barn. Caweyska Washington

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington. Caasho Ibraahim Aaden, ayaa idin la socodsiinaysa ee dhageysi habboon.

from VOA http://ift.tt/2hxTbmx
via IFTTT

Martida: Garyaqaan Xaashi M. Xaashi

Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Garyaqaan Xaashi Maxamed Xaashi oo ah qareen ka hawlgalaha xafiisyada sharciga ee magaalada London

from VOA http://ift.tt/2hpUJ61
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha: Falastin Iman iyo Ibrahim Danduray

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxa inala socodsiin doona Ibrahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Falastiin Axmed Iimaan

from VOA http://ift.tt/2gMjIwk
via IFTTT

Ruushka oo lagu Eedeeyey inuu Jabsaday Doorashadii Maraykanka

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama ayaa amar ku siiyey hay'adaha wardoonka ee Maraykanka inay si sal-ballaadhan dib ugu eegaan wararka la xidhiidha in Ruushku uu jabsaday agabkii doorashooyinka Maraykanka ee sannadkan dhacay.

from VOA http://ift.tt/2h9HSE6
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen qarax gaari oomaanta ka dhacay kantoroolka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2hf4KQj
via IFTTT

Friday, December 9, 2016

Howlgal ka Dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay J/Hoose

Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2hbYdpB
via IFTTT

DF Somalia oo ka Hadashay Joojinta Xoolaha

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay warqad ka timid dhinaca Sucuudiga oo sheegaysa in si ku meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka xoolaha Soomaalida iyagoo taasina ay u sababeeyey arrimo caafimaad.

from VOA http://ift.tt/2hbQXcZ
via IFTTT

Barnaamijka Faaqidaada: Doorashooyinka Soomaaliya

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka labada Aqal ee Soomaaliya ka socda iyo tan madaxweynaha ee la filayo in dhamaadka bishan lagu qabto caasimada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2giJUh9
via IFTTT

Djibouti oo Dib u Celineysa Qaxooti Ethiopian ah

Dawladda Djibouti iyo hay'adaha qaabilsan muhaajirtiinta ayaa billaabey iney ka dhoofiyaan garoonka diyaaraddaha ee Djibouti dad tahriibayaal ah oo u dhashey Ethiopia oo laga so celiyey dalka Yemen.

from VOA http://ift.tt/2hmULMa
via IFTTT

Shacabka oo Dib ugu Laabanaya Qandala

Dadweynihii horey uga cararay magaalada oo muddo bil iyo 12 cisho ah ay haysteen maleeshiyada Daacish ayaa iminka billaabay inay magaalada dib ugu soo laabtaan.

from VOA http://ift.tt/2hel04i
via IFTTT

Baarlamanka K/Koonfureed oo Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha

Golaha Qaranka Korea-da Koonfureed ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaas Park Geun-hye.

from VOA http://ift.tt/2hsE1il
via IFTTT

Waqti Cusub oo Loo Qabtay Doorashada Madaxweynaha Somalia

Go'aankan ayaa waxaa lagu gaaray shir ay lahaayeen madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shalay lagu soo gebogebeeyey magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2haEtm7
via IFTTT

Thursday, December 8, 2016

Sacuudiga oo Hakiyey Xoolihii Soomaaliya

Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA la wadaagay qoraal ay sheegeen in lagu hakiyey xoolihii ka iman jiray Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2h7sAxp
via IFTTT

Shirka Madasha oo Maalintii Labaad ka Socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin hoggaamiayaasha madasha oo iyagu ka dooddaya arrimaha doorashada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2ha15mZ
via IFTTT

10 Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud

In ka badan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo maanta duleedka magaalada Baydhaba ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2gfjpOn
via IFTTT

Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo

Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.

from VOA http://ift.tt/2hnTGj4
via IFTTT

Kenya oo Lagu Eedeeyey Dilal Sharci Darro Ah

Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016, kuwaas oo muslimiin ah.

from VOA http://ift.tt/2hnTUXe
via IFTTT

Muqdisho: Kulan Looga Hadlay Tacaddiyada Haweenka

Sanad walba, laga soo bilaabo 25-ka November oo ah maalinta caalamiga ah ee dabar goynta tacadiyada ka dhanka haweenka ilaa iyo 10-ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, waxaa dunida lagu qabtaa mashaariic lagu taageerayo haweenka iyo wacyigelin ku aadan tacadiyada dhinaca Jinsiga ah. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa maanta qabatay munaasabad lagu soo gunaanaday 16-ka maalmood ee loo dhaqdhaqaaqo arrimaha haweenka. Wariyeheenna Jacfar Kukay ayaa warbixintan inoo so diray.      

from VOA http://ift.tt/2h9RY5Y
via IFTTT

Wednesday, December 7, 2016

Ilhan Omar: Wade Tagsi, ayaa i Handadey

Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka Sanet-ka ee gobolka Minnesota, ayaa hadallo handadaad ah waxa kula kacay wade Tagsi oo ay saarneyd, kaas oo u qaadi lahaa hotelkii ay degganeyd magaalada Washington, D.C.

from VOA http://ift.tt/2h8fsea
via IFTTT

Waraysi: Siyaad Maxamuud Cali

Xafiiska Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto ayaa sheegay inay soo gaadhay baaqyada ka imanaya Soomaaliya ee ku saabsan abaarta ku dhufatay degaanno ka mid ah Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2gCXrAZ
via IFTTT

Obama oo Jeediyey Khudbadda Amniga Qaranka

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.

from VOA http://ift.tt/2ga97PJ
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 348

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2h610Ro
via IFTTT

Dhalinyaro Muqdisho ka Bilaabay Wacyigelinta Nabada

Ururka Dhalinyarada ee Dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Qabyaalad diidka waa urur ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay London, hase yeeshee tan iyo sanadki hore waxay howlo wacyi gelin dhinaa bulshada ah, gaar ahaan dhalinyarada ay ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2h2Bv38
via IFTTT

Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay

Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

from VOA http://ift.tt/2hik51F
via IFTTT

Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah

Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.

from VOA http://ift.tt/2ga51ai
via IFTTT

Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala

Ciidamada maamulka Puntland ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Qanadala ee gobolka Bari oo maalmihii dhowaa ay kula dagaalamayeen maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish.

from VOA http://ift.tt/2hgbq3I
via IFTTT

Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/2gBMrny
via IFTTT

Indonesia: Ku Dhowaad 100 ku Dhimatay Dhulgariir

Tirada dhimashada dhulgariir xooggan oo aroornimadii arbacada ku dhuftay dalka Indonesia ayaa sare usii kaceysa.

from VOA http://ift.tt/2h5xKwD
via IFTTT

Tuesday, December 6, 2016

Diyaarado Duqeeyey Qandala iyo Dagaal ka Dhacay

Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in duqayn xalay ay ka dhacday meel u dhow magaalada Qandala, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo madax bannaan.

from VOA http://ift.tt/2hbKhef
via IFTTT

Iska Horimaad ka Dhacay Jubbada Hoose

Iska horimaad ayaa maanta ka dhacay deganaka Haawina oo u dhexeeya Dhoobley iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.  Iska horimaadka ayaa dhacay markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo baabuur milatari ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo saad u siday dhinaca magaalada Dhoobley. Baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga Kenya ayaa la sheegay inuu khasaare kasoo gaadhay weerarkaasi. Ilaa hadda ma cadda tirada askarta iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee wax ku noqday iska horimaadkan.  

from VOA http://ift.tt/2ggjBvi
via IFTTT

Doorashada Xidlhibaanda Waqooyi oo Muqdisho ka Billaabatay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobollada Waqooyi.

from VOA http://ift.tt/2gz1hLt
via IFTTT

Dowladda Somalia oo Ganaaxday Markab Kalluumeysi

Wasiir Ku xigeenka Kaluumaysiga Soomaaliya Saciid Jaamac Maxamed ayaa sheegay in markabkan uu yahay mid ay u diideen ruqsadda kalluumeysiga balse sameystay warqado been abuur ah.

from VOA http://ift.tt/2gLECif
via IFTTT

Liiska Xildhibaanada Lagu Soo Doortay Baydhaba

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa noqday maamulkii labaad ee soo geba gebeeya doorashada xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose ee baaralamaanka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2gfISFI
via IFTTT

Trump oo Magacaabaya Xoghayaha Difaaca

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah ugu dhowaaqo xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Mareykanka, marka uu booqdo gobolka North Carolina.

from VOA http://ift.tt/2h15hWg
via IFTTT

Monday, December 5, 2016

Shirka Madasha oo Berri Loo Ballansan Yahay

Waxa beri la filaya in maalinta berrito (Arbacada) uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka madasha wada-tashiga qaran, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2h0g96E
via IFTTT

Qareenka Qoyska C/risaaq Cartan oo la Hadlay VOA

Kadib toddobaad ay aamusnaayeen qoyska Cabdirisaaq Cali Cartan oo ahaa wiil Soomaaliyeed oo la sheegay inuu weerar ka geystay jaamacadda Ohio State ee magaalada Columbus, ayaa waxaa markii ugu horeysay hadlay qareenka difaacaya qoyskan.

from VOA http://ift.tt/2havIvB
via IFTTT

Ololaha Doorashada Madaxweyne oo Xoogeystay

Ololaha doorashada madaxweyne ayaa xoogeystay, xilli doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya oo ka socday dhowr magaalo oo dalka ka mid ah ay marayaan heer gebo gebo ah.

from VOA http://ift.tt/2gY8INk
via IFTTT

Dagaallo Goosgoos ah oo ka Socda Qandala

Iska horimaadyo goosgoos ah ayaa weli ku dhex maraya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada taabcsan Daacish dhulka buuralayda ah ee Koonfur kaga toosan magaalada Qandala.

from VOA http://ift.tt/2gY2WeA
via IFTTT

Isbitaalkii Ugu Horeeyey oo Laga Hirgeliyey Maxaas

Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horraysay laga hirgeliyey cibsitaal adeegyada caaifmaad u fidiya dadka halkaas ku nool.

from VOA http://ift.tt/2h5UcC6
via IFTTT

Mid ka Mid ah Ergada Wax Doortay oo La Dilay

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah magaalada Muqdisho ugu geystay, C/qaadir Cabdi Sheekh Cali oo ka tirsanaa ergooyinkii soo doortay qaar ka tirsan xildhibaannada cusub ee sanadkan.

from VOA http://ift.tt/2g23wWN
via IFTTT

Madaxweyne Xasan oo Tagey Kismaayo

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in madaxweynaha uu magaalada Kismaayo kula kulmayo mas'uuliyiinta gobolka iyo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2h5tARs
via IFTTT

Hadalka John Kerry oo Laga Dhibsaday Israel

Hadal uu jeediyey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa warbaahinta Israel waxa ay si deg deg ah ugu qeexeen dhalleeceyn xooggan iyo kuwa aan diblomaasiyad ahayn.

from VOA http://ift.tt/2fZoc6u
via IFTTT

Sunday, December 4, 2016

Walaaca Soomaalida Columbus, Ohia iyo Dadaalkooda Kadib Weerarki Isniinti Hore

Kadib markii uu dhacay weerarki lagu eedeeyey Cabdirisaaq Cali Cartan ee Jaamacada Ohio, magaalada Columbus todobaadki hore ayaa Soomaalida ku nool gobolkaasi Ohio, gaar ahaan magaalada Columbus waxaa ay muujiyeen cabsi ay ka qabaan in dhacdadaasi ay sameyn ku yeelato iyaga.

from VOA http://ift.tt/2gX1oUu
via IFTTT

Wicitaanka Dhageystaha: Naceybaka ku soo kordhaya waddamada reer galbeedka

Wicitaanka dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay dhibaatooyinka naceybka ku saleysan ee ku soo kordhadhaya meelo ka mid ah waddamada reer galbeedka

from VOA http://ift.tt/2gQrFRu
via IFTTT

Warbixin: Caqabadaha Doorashada Aqalka Hoose ee Somalia

Meello ka mid ah Soomaaliya waxaa gabo-gabo maraya doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqonaya, waxaa jira in meelaha qaarkood ay doodo iyo murano ka dhasheen xulista iyo doorashada xildhibaannada.

from VOA http://ift.tt/2h2hJDK
via IFTTT

Puntland: Taliska Ciidanka oo ka Hadlay Hawlgalka Qandala

Taliyaha ciidamada Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo wareysi gaar ah siiyay VOA isagoo ku sugan meel aan ka fogeyn Qandala ayaa sheegay in ciidankoodu aanu wali gaarin degmada Qandala, balse ay dhawaan filayaan inay Qandala dib uga qabsadaan kooxda Daacish.

from VOA http://ift.tt/2gD3ubx
via IFTTT

Afti ka Dhacaysa Talyaaniga oo Saamayn ku Leh Midawga Yurub

Waxaa maanta Talyaaniga ka dhacaysa afti doorasho taas oo shacabka dalkaasi ay ugu codeynayaan arrimo taabanaya xidhiidhka ay la leeyihiin Midawga Yurub iyo weliba awoodda dawladda.

from VOA http://ift.tt/2h23vDd
via IFTTT

Wararkii ugu Dambeeyey ee Hawgalka Qandala

Warar ka imanaya duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta xaaladdu dagan tahay, kadib dagaallo xooggan oo shalay dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish.

from VOA http://ift.tt/2fW5Gfg
via IFTTT

Saturday, December 3, 2016

Dhageyso Aabaha Walaalo Soomaali ah oo Stockholm, Sweden lagu Diley

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa xalay toogasho lagu dilay magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden.

from VOA http://ift.tt/2gzHnTC
via IFTTT

Martida: Sh. Cabduraxmaan Sh. Muxyadiin Celi

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Martida: Sh. Cabduraxmaan Sh. Muxyadiin Celi oo ka mid ah culumada Suufiyada, waxana uu barnaamijka ka qeyb galayaa isaga oo jooga dadlka Sweden

from VOA http://ift.tt/2glExi4
via IFTTT

Barnaamijkii Cawayska Washington

Haatanna ku dhowaada barnaamijkii Cawayska Washington oo aad ku maqli doontaan sheekooyin xiiso leh, waxaa innala socodsiinaysa Caasha Ibraahin Aadan

from VOA http://ift.tt/2gzL1wx
via IFTTT

Labo Soomaali ah oo Lagu Dilay Sweden

Labo wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo la sheegay in dadka dilka geystay ay ahaayeen kuwo wajiga soo duubtay

from VOA http://ift.tt/2glrhtN
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxa inala socodsiinaya Falastiin Axmed Iimaan iyo Ibrahim Xasan Maxamuud (Daanduray)

from VOA http://ift.tt/2gzzgqa
via IFTTT

Maraykanka iyo Ruushka oo ka Wada-hadlaya Xaaladda Syria

Maraykanka iyo Ruushka ayaa haatan baadi-goobaya jidad cusub oo looga gudbi karo is-mari-waaga diplomaasiyadeed ee dhexyaalla Maraykanka iyo Ruushka ee ku aaddan habka loo joojinayo dagaalka magaalada Xalab ee dalka Syria, sidaana waxaa laga soo xigtay Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2gzgfUM
via IFTTT

Puntland oo Ka Hadashay Howlgalka Ciidan ee Qandala

Mas'uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay hawlgalka milatari ee ka dhanka ah maleeshiyada taabcsan ururka Daacish ee muddada 37-ka maalmood ah gacanta ku haysa magaalada Qandala ee gobolka Bari.

from VOA http://ift.tt/2fSBRw7
via IFTTT

Friday, December 2, 2016

Cabdirisaaq Cali Cartan oo Lagu Aasay Columbus

Cabdirisaaq Cali Cartan oo ah nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey weerarkii Isniintii ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ayaa shalay lagu aasay magaalada Columbus.

from VOA http://ift.tt/2fP8eM7
via IFTTT

Faaqidaadda: Maxaa Sababa Xagjirnimada?

Toddobaadkii tagay ayaa wiil Soomaali ah waxa uu weerar ka fuliyey Jaamacadda Ohio State ee ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay dadka Soomaalida ah iyo kuwa muslimiinta Mareykanka oo ka cabsanaya Islaam naceybka ay arrintan sii kordhin karto. Haddaba barnaamijka faaqidadda toddobaadka waxaan ku eegeynaaa maxaa keena xagjirnimada?    

from VOA http://ift.tt/2fT4apq
via IFTTT

Daraasad Laga Sameeyey Abaaraha Soomaaliya

Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee CPA oo warbixin ka qortay arrimaha abaaraha soo noqnoqda ayaa sheegtay inay jirto qorshe xumo ku aaddan sida wax looga qabanayo abaaraha ka jira dhulka Soomaalida.

from VOA http://ift.tt/2fOebcc
via IFTTT

Sharmaarke: Waxaa Loo Baahan Yahay Isbeddel

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay isbeddel dhinaca hoggaanka ah.

from VOA http://ift.tt/2gHJPVu
via IFTTT

Ciidamada Puntland oo ku Dhowaaday Qandala

Wararka ka imanaya Gobolka Bari ee Mamaul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada maamulku ay kusii dhowaanayaan magaalada Qandala oo dabayaaqadii bishii October ay qabsadeen maleeshiyada ururka Daacish taabacsan.

from VOA http://ift.tt/2fZWMfk
via IFTTT

Muslimiinta Jakarta oo ka Dibadbaxaya Barasaab Kirishtan Ah

Tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo ururay caasimadda dalka Indonesia ayaga oo dalbanaya in lasoo xiro barasaabka Jakarta.

from VOA http://ift.tt/2gu1mTK
via IFTTT

Thursday, December 1, 2016

Puntland oo Eedeyasay Dowladda Federaalka ah

Maamulka Puntland ayaa sheegay in la dhinac maray heshiiskii Madasha ay horay uga gareen arrimaha doorashooyinka. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo soo direy wariyaheena Nuux Muuse Birjeeb.

from VOA http://ift.tt/2gSp34M
via IFTTT

Wareysi: Buugga Dimuqraaddiyaddii Ugu Horeysay ee Afrika

Buugga Dimuquraadiyiintii ugu horeeyey ee Afrika, waxaa qorey Professor Cabdi Ismaciil Samatar oo madax ka qaybta Juquraafiga, Bay'ada iyo Bulshada ee Jaamacadda Minnesota.

from VOA http://ift.tt/2fMty59
via IFTTT

Xiisad ka Dhalatay Doorashada oo ka Taagan Baydhaba

Xaaladda magaalada Baydhaba ee gobolka Baay ayaa kacsaneyd 24-kii saac ee la soo dhaafay, kadib markii xiisad ay ka dhalatay doorashada Aqalka Hoose.

from VOA http://ift.tt/2fITBtE
via IFTTT

Guddoomiyaha Jalalaqsi oo Dil ka Badbaaday

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa ka bad-baaday isku day dil kadib markii maleeshiyo ay ku weerareen gaadiid uu la socday meel u dhow degmadaas.

from VOA http://ift.tt/2fViUXX
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 347

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2gClh0k
via IFTTT

Maalinta AIDS-ka oo Laga Xusay Somaliland

Waxaa xuska ka qayb galay mas'uuliyiin ka socda dawladda, dadka xanuunkan la nool, hay'adaha caawiya iyo ururada bulshada.

from VOA http://ift.tt/2fVcacR
via IFTTT

Trump Oo Iska Wareejinaya Hantidiisa

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu faraha kala baxayo ganacsigiisa si uu oga fogaado inay is-qabtaan dantiisa iyo tan dalka, marka xukunka uu la wareego 20-ka bisha January ee sanadda 2017.

from VOA http://ift.tt/2gCoXPC
via IFTTT

Dadka Gambia oo Dooranaya Madaxweyne Cusub

Dadka reer Gambia ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxweyne, halkaasi oo madaxweynaha talada haya Yahya Jammeh oo xukunka hayey tan iyo sanaddii 1994-kii uu markii shanaad ordayo.

from VOA http://ift.tt/2gOpg9j
via IFTTT

Wednesday, November 30, 2016

Caasho Xaaji Cilmi oo Eedeysay Madaxweyne Guuleed

Shalay ayaa waxaa magaalada Cadaado ka dhacdey doorashada mid ka mid ah kuraastii ugu adkeyd oo la filaayey in ay ku tartanto xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi.

from VOA http://ift.tt/2gAz6w5
via IFTTT

Eedeymo Musuq-Maasuq Cusub oo Hareeyey Doorashooyinka

Waxaa weli jira eedo la xiriira in siyaasiyiinta ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Soomaaaliya.

from VOA http://ift.tt/2fEkKy3
via IFTTT

Dowladda Mareykanka oo Maxkamad Lagula Koray Kiiska Guuleed Duraan

Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah ee Maraykanka oo fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa maanta xaraysay dacwad ka dhan ah dawladda Mararykanka ayna ku diidan yihiin sii socoshada xarigga Guuleed Xasan Duraan oo 43 sano jir ah, ahna ninka keliya ee Soomaaliga ah ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.

from VOA http://ift.tt/2glhLcU
via IFTTT

Shir Abaaraha Looga Hadlayo oo Muqdisho ka Furmay

Shirweyne looga hadlayo arrimaha abaaraha ee ku soo noq noqda dalka ee dhibaatada ku haya dadka iyo duunyadaba, gaar ahaan dadka reer miyiga ah, ayaa maanta ka furmay Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2fQFpNZ
via IFTTT

Doorashada Aqalka Hoose oo Muqdisho ka Billaabatay

Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ka bilaabatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuraasta Beelaha Banaadiriga. Doorashadan ayaa ka bilaabatay Xarunta Gaadiidka Booliska Ee Magaalada Muqdisho oo amaankeeda si weyn loo adkeeyay. Wariyeheenna Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan goor dhow warbixintan Muqdisho nooga soo diray.    

from VOA http://ift.tt/2gJtZZG
via IFTTT

Ra'iisul Wasaaraha: NISA Faraha Ha Kala Baxdo Doorasho

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa faray  uddiga Amniga Doorashooyinka inay ilaaliyaan faragelin kasta oo lagu sameeyo odyaasha dhaqanka, murashixiinta iyo ergooyinka.

from VOA http://ift.tt/2g6i48z
via IFTTT

Doorashadii Aqalka Hoose ee Hirshabelle oo la Hakiyey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Gudiga Doorashada dadban ee Heer Federaal uu gaaray go'aan dib loogu joojinaayo doorashada 11 Kursi oo ka harsanaa Xubnaha Aqalka Hoose qeybta Maamulka Hirshabelle.

from VOA http://ift.tt/2gk2ybV
via IFTTT

Aqalka Cad oo Diiday in la Ciqaabo Dadka Guba Calanka

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa diiday soo jeedinta ka timid madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee ahayd in la ciqaabo dadka guba calanka Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2gI6AJq
via IFTTT

Tuesday, November 29, 2016

Jaalliyada Soomaalida ee Columbus oo Shirjaraaid Qabatey

Sida aad idaacadahanagi daraad iyo shaleyba aad ku maqleyseen, wiil Soomaaliyeed ayaa lagu eedeynayaa falki weerarkii ahaa ee Jaamacada OHIO, magaalada Columbus ee dalkan Mareykanka. Sidaa daraadeed ayey Jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaasi waxaa ay qabteen shir jaraa-id.

from VOA http://ift.tt/2gEi03b
via IFTTT

Muhaajiriintii Ugu Badnaa oo Sanadkan Gaaray 2016

Dadkii ugu badnaa ee tahriibayaal ah ayaa Sanadkan 2016-ka gaaray dalka Talyaaniga, sida lagu sheegay macluumaad-ururin dhowaan la sameeyay.

from VOA http://ift.tt/2gCrIDf
via IFTTT

Ururada Islaamiga oo Cambaareeyey Weerarkii Ohio

Ururada u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dadka Islaamka ee dalkan Maraykanka ayaa cambaareeyey weerarkii shalay ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus dalkan Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2gEmJhZ
via IFTTT

Garsoorka Somaliland oo Yeelanaya Nidaam Casri Ah

Hay'adaha garsoorka Somaliand ayaa markii ugu horaysay yeelanaya nidaam casri ah oo xogta maxkamadaha lagu kaydinayo koombuyuutaro.

from VOA http://ift.tt/2gRHWJ8
via IFTTT

Ciidamada Somalia oo Weeraray Saldhig Al-Shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran, ay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay kooxda al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Tooratoorow, oo u dhow degmada Awdheegle.

from VOA http://ift.tt/2fxCMBO
via IFTTT

Ciidamada Puntland oo Qarax Lagula Beegsaday Galgala

Wararka ka imanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta magaalada Boosaso ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lala beegsaday ciidamada badda ee Puntland.

from VOA http://ift.tt/2gs3Pv8
via IFTTT

Diyaarad Sidday Cayaartoy oo Burburtay

Saraakiisha dalka Colombia ayaa sheegay in shan qof oo kaliya ay ka badbaaday diyaarad ay saarnaayeen 81 qof oo sidday koox kubadda cagta oo ka dhisan dalka Brazil, taasi oo dhacday ayada oo kusii jeeda garoonka diyaaradaha caalamiga ah Medellin.

from VOA http://ift.tt/2gDQUpn
via IFTTT

Monday, November 28, 2016

Cumar Dhegay: Doorashada Dib Ayay u Dhacdey

Guudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashada dadban ee Somaaliya Cumar Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in doorahsada madaxweynaha Soomaaliya ay ka dib dhici doonto waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 30ka bishan.

from VOA http://ift.tt/2gqQaEJ
via IFTTT

Dhageyso: Warkii Ugu Dambeeyay ee Weerarkii Ohio

C/risaaq Cali Cartan, oo 20 sano jir Soomaali ah, ayaa weerar ku qaaday shalay Jaamacaddii uu isagu dhiganayay ee Ohio State University, ee magaalada Colombus ee gobolka Ohio.

from VOA http://ift.tt/2fKR9Bt
via IFTTT

Weerar Ka Dhacay Jaamacadda Ohio

Wararka ka imanaya magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegaya in weerar uu ka dhacay jaamacadda magaaladaasi oo ay dhigtaan dad badan oo Soomaali ah. Wararka ayaa sheegaya in sagaal qof la dhaawacay kuwaasi oo midkood halis yahay.

from VOA http://ift.tt/2gpMbIP
via IFTTT

Mareykanka oo Ballaariyey Sharciyadda Lagula Dagaalamayo Al-Shabab

Maamulka madaxweyne Obama ayaa ballaariyey awoodda sharciyeed ee lagu weerarayo kooxda Al-Shababa ee dalka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2gzTlcv
via IFTTT

Puntland: Ciidamo u Ruqaansaday Qandala

Wararka ka imanaya maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo badan oo hubaysan ay u ruqaansadeen dhinaca magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen maleeshiyada taabacsan ururka Daacish. Dadka ku nool degaannka Timirshe oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Boosaaso ayaa VOA u sheegay in ciidamadan oo wada gawaari gaashaamaan ay kusii jeedaan dhinaca magaalada Qandala. Ilaa haatan ma jiro wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada Qandala. Waxaa magaaladaasi qabsaday maleeshiyada taabacsan Daacish dabayaaqadii bishii October.  

from VOA http://ift.tt/2ft9qVc
via IFTTT

Midowga Yurub oo Sii Dheereeyey Howlgalka Xeebaha Somalia

Howlgalka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ilaalinta xeebaha Soomaaliya illaaa laba sano oo kale, si ay uga hortagaan weeraro kale oo dib usoo cusboonaada.

from VOA http://ift.tt/2gaQnyk
via IFTTT

Dagaallo ka Dhacay Gobolka Mudug

Dagaallo ayaa lagu soo waramayaa in shalay iyo maanta ay deegaanno ku yaala koonfurta Mudug oo ku dhow Xarardheere ay ku dhex mareen dadka deegaanka iyo maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2gaA8RO
via IFTTT

Dabley Gudaha u Gashay Jaamacadda SIMAD

Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaaraya ilaa 6 nin ayaa maanta gudaha u galay xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay guddoomiyaha jaamacadda Daahir Xasan Cabdi.

from VOA http://ift.tt/2fWz690
via IFTTT

Diyaarad Somalia ka Tagtay oo Shil ku Gashay Nairobi

Warkan oo ahaa qoraal ka soo baxay hey'adda maamusha Garoomada Kenya ee marka la soo gaabiyo la yirahdo KAA ayaa lagu sheegay in shilkaasi uu saameeyay dayuuradihii halkaas ka duuli lahaa ama ka soo degi lahaa.

from VOA http://ift.tt/2gaulf4
via IFTTT

Midowga Afrika: Castro Wax Badan Ayuu Ku Leeyahay Afrika

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in taariikhda casriga ah ee Afrika ay wax badan ku lee yihiin Cuba iyo hoggaamiyaheedii geeriyooday ee Fidel Castro.

from VOA http://ift.tt/2gaaMmS
via IFTTT

Sunday, November 27, 2016

Dhadhaab oo Carruurta Lagu Shaqeysto

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa ku soo badanaya caruurta lagu shaqeysto, kuwaasi oo ka hara waxbarashdooda si ay u helaan lacag ay cuno ku iibsadaan

from VOA http://ift.tt/2fBs8Wb
via IFTTT

Wicitaanka: Cabdirxaman C. Cusmaan (Eng. Yariisow)

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo horay u soo noqday wasiir iyo afhayeenka Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud

from VOA http://ift.tt/2gv5Xpa
via IFTTT

Roobab ka Da’ay Somaliland iyo Jabuuti

Qeybo ka tirsan Somaliland iyo Jambhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ka curtay roobab xooggan oo ka da'ay meelaha ay abaaruhu saameeyeen. Roobabkan ayaa biyo-dhigay deeggaannada qaarkood, halka meello kalena uu hadda wali da'ayo

from VOA http://ift.tt/2fSW1SC
via IFTTT

Uganda: 20 ku Dhimatay Dagaallo Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo Hubeysan.

Dalka Uganda, in kabadan 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaal labo maalmood socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Uganda iyo maleeshiyo beeleed hubeysan, kaasoo ka dhacay degmo ku taala meel u dhow xadka Uganda ay la wadaagto wadanka Congo.

from VOA http://ift.tt/2gv4bkb
via IFTTT

Masaajidyo Ku Yaalla California oo Helay Farriin ah in Muslimiinta la Xasuuqayo

Golaha xiriirta Muslimiinta iyo Maraykanka ee loo soo gaabiyo CAIR ayaa booliska gobolka California ka codsatay inuu ilaaliyo masaajidyo gobolkaasi ku yaalla oo helay waraaqo lagu taageerrayo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, sidoo kalena Musliminta loogu hanjabay in la xasuuqi doono

from VOA http://ift.tt/2gLZ9DP
via IFTTT

Saturday, November 26, 2016

Jaamacadda Umadda oo Furtey Xarrunta Kulliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyadda

Magaalada Muqdisho shalay waxa xarriga laga jaray xarrunta kulliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Umadda. Hormuudka Jaamacaddaasi, Dr. Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa sheegey in ay Jaamacaddu hadda ay dhigtaan 1400 oo arday, ayna doonayaan inay xarrumo ka furaan gobollada dalka oo idil.

from VOA http://ift.tt/2gtPi1B
via IFTTT

Warbixin Gaar ah: Fidel Castro iyo Soomaaliya

Waxaa geeriyooday Fidel Castro, hoggaamiyihii hore ee dalka Cuba, kaas oo dalkaas oo xukumayey nus-qarnigii ugu dambeeyey. Fidel Castro wuxuu ka qayb qaatay dhaqdhaqaaqyo badan oo ka dhacay qaaradda Afrika oo ay ka mid ahayd dagaalkii Soomaalida iyo Ethiopia dhex maray.

from VOA http://ift.tt/2gK9iRw
via IFTTT

Fidel Castro oo 90 Sana Jir Ku Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday isagoo ay da'adiisu tahay 90 sana jir, walaalkii oo hadda madaxweyne ka ah dalkaa, Raul Castro ayaa ku dhawaaqay geerida walaalkiis.

from VOA http://ift.tt/2fyUkJ9
via IFTTT

Qarax Xooggan oo ka Dhacay Muqdishu

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax xooggan uu maanta ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaan degmada Waaberi. Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay inay dad badan ku dhinteen qaraxa.

from VOA http://ift.tt/2g2NQpM
via IFTTT

Friday, November 25, 2016

Faaqidaadda: Doorashooyinka Aqalka Hoose

Doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa ka socda magaalooyinka Baydhaba, Garoowe, Cadaado iyo Jowhar, halka tii magaalada Kismaayo ay soo idlaatay. Si katsaba, waxaa jira eedyenmo la xiriira musuq maasuq iyo wax is-daba marin oo hareeyey dooroashooyinka. Barnaamijka Faaqidaadda ayaan ku eegeynaa arrimahaas, waxaa Muqdisho kusoo diyaariyey Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.      

from VOA http://ift.tt/2fyEr8O
via IFTTT

Magacyada Xildhibaanada Lagu Doortay Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyey ee soo dhameystira doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2ffZcaL
via IFTTT

Dagaal Beeleed ka Dhacay Duleedka Beledweyne

Dagaallo beeleed ayaa maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

from VOA http://ift.tt/2fZiW1u
via IFTTT

Diyaarado Weeraray Saldhiga Al-Shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in diyaaraddo helicopters ah oo loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay xalay beegsadeen oo weerar ku qaadeen saldhig al-Shabaab

from VOA http://ift.tt/2ffH7ts
via IFTTT

Erdogan oo u Digay Midowga Yurub

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay Midowga Yurub in haddii ay sii wadaan u hanjabaadda dalkiisa, inuu boqolaal kun oo muhaajiriin ah u ogolaan doono inay ku qul-qulaan dalalka Midowga Yurub.

from VOA http://ift.tt/2gbnnDY
via IFTTT

Thursday, November 24, 2016

Obama oo Abaalmarin Siiyey Wiil Soomaalia ah

Axmed Maxamed Cumar waa wiil Soomaali ah oo haysta dhalashada dalkan Maraykanka, wuxuu ka mid yahay aasaasayaasha urur lagu magcaabo Muslim American Leadership Alliance, kaas oo ka dhisan Magaalada Chicago ee gobolka Illinois.

from VOA http://ift.tt/2gkZey1
via IFTTT

Kismaayo: Doorashada Aqalka Hoose oo Soo Dhamaatay

Doorashadaan xildhibaanada aqalka hoose ee qeybta Jubbaland oo soo billaabatay sideedii bishaan ayaa maanta lagu soo geba gabeeyay magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2fbfkKK
via IFTTT

Somaliland oo la Wareegtay Howshii Sahanka Shidaalka

Somaliland ayaa sheegtay inay la wareegtay hawshii sahanka shidaalka oo hore ay gacanta ugu hayeen shirkado debedda laga leeyahay.

from VOA http://ift.tt/2gjwOR4
via IFTTT

Warbixin Laga Soo Saaray Doorashooyinka Aqalka Hoose

Guddigga Xalinta Khilaafaadka doorashada dadban ee Somalia ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ka hadleen guulaha ilaa iyo hadda laga gaaray doorashada Aqalka Sare iyo kan hoose.

from VOA http://ift.tt/2gE5j9b
via IFTTT

Dilal Dhowr Ah oo Xalay ka Dhacay Hargeysa

Illaa shan qof ayaa siyaabo kala duwan ugu dhintay xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

from VOA http://ift.tt/2gjAZfA
via IFTTT

Muqdisho: Qarax Lagu Dilay Sarkaal ka Tirsanaa Safaaradda Imaaraadka

Sarkaal ka tirsanaa illaalada safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta lagu diley qarax la gula beegsaday gaari uu watay magaalada Muqdisho

from VOA http://ift.tt/2fuSvAl
via IFTTT

NATO oo Soo Afjartay Howlgalkii Xeebaha Soomaaliya

Gaashaanbuurta NATO ayaa soo geba gebeysay howlgalkii ay ugu magac dartay Ocean Shield ee xeebaha Soomaaliya, kadib markii hoos u dhac xooggan uu ku yimid weerarada burcad badeedda.

from VOA http://ift.tt/2faFKMJ
via IFTTT

Wednesday, November 23, 2016

Dadka Deegaanka iyo Al-Shabaab Dagaal ku Dhexmarey Duleedka Xarardheere

Todobo ruux oo shan ka mid ah la sheegay in ay Shabaab ka tirsanaayeen, ayaa ku geeriyoodey dagaal duleedka Xarardheere ee gobolka Mudug shalay gelinkii dambe ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab iyo kuwa degaanka ah.

from VOA http://ift.tt/2gCVgBm
via IFTTT

Dagaallo Culus oo Maanta ka Dhacay Goofguduud

Faahfaahin dheer ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus oo maanta ka dhacay deegaanka Goofguduud ee Gobolka Bay.

from VOA http://ift.tt/2fFxaS2
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 346

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso. ​  

from VOA http://ift.tt/2glTwcB
via IFTTT

Obama oo Abaalmarin Siiyey Wiil Soomaali Ah

Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Barack Obama ayaa abaal-marin guddoonsiiyey wiil Soomaali Mareykan ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cumar.

from VOA http://ift.tt/2forwD8
via IFTTT

Mareykanka oo Beeniyey in Askari uu Uga Dhintay Somalia

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa beeniyey sheegasho ay ururka Al-Shabaab sheegteen in askari Maraykan ah uu ku dhintay duleedka magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2gluHgI
via IFTTT

Pakistan: 11 Qof Ayaa ku Geeriyootay Weerarka India

Pakistan ayaa sheegtay in weerar ay soo qaaday India uu ku dhacay baabuur rakaab oo marayey xuduudda Kashmir, halkaasi oo 11 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

from VOA http://ift.tt/2fqDmj9
via IFTTT

Tuesday, November 22, 2016

Dareenka Soomaalida Mareykanka ee ku Aadan Doorashada

Waxaa qeybaha kala duwan oo Soomaaliya ka socda soo xullista xubnaha labadda aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Xullista xubnaha labadda aqal waxaa ka soo baxaya dhalliilo baddan.

from VOA http://ift.tt/2g1FpZB
via IFTTT

Al-Shabab oo Galay Tuulda Haluqa ee Gaarisa

Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan Gobolka Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in maleeshIyada Al-ShabAab ay Galeen muddo kooban.

from VOA http://ift.tt/2fZIIjT
via IFTTT

Warbixin: Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar iyo Baydhaba

Dooarshadii Aqalka Hoose ayaa maanta dib uga billaabantay magaalada Jowhar, halka doorashada ay weli ka socoto magaalada Baydhaba.

from VOA http://ift.tt/2ggW2RG
via IFTTT

Madaxweyne Xasan: Waxaan Bixinay Deymihii Somalia Qaarkood

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay bixisay qaar ka mid ah daymihii lagu lahaa dalka.

from VOA http://ift.tt/2f2pcGv
via IFTTT

Warar ka Cusub Soomaali ku Dhimatay South Africa

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxay dhimashada afar qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday markii uu ku gubtey dukaankii ay ku lahaayeen gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

from VOA http://ift.tt/2fl7FVt
via IFTTT

Wareysi: Xiriirka Dhaqaale ee Jabuuti iyo Ethiopia

Dawladdaha Djibouti iyo Ethiopia ayaa sheegay inay sii xoojinayaan is dhex galka dhaqaale ee ay wadaaggaan labada dal.

from VOA http://ift.tt/2f2npS0
via IFTTT

Maxkamadda Sare ee Masar oo Laashay Xukunkii Morsi

Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta laashay xukunkii xabsi daa'inka ahaa ee lagu riday madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalkaas Mohamed Morsi oo ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

from VOA http://ift.tt/2f1Vu4u
via IFTTT

Turkey oo Ka Noqotay Sharci La Xiriira Guurka Caruurta

Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in dowladdiisa ay dib uga laabaneyso hindise, dadka wax dhaliila ay sheegeen inuu shraciyeynayo guurka caruurta, taa beddelkeedna ay u direyso guddi ka tirsan baarlamanka inay dib u eegis ku sameeyaan.

from VOA http://ift.tt/2f1Ozs2
via IFTTT

Monday, November 21, 2016

Dhageysiga Dacwada Dhadhab oo Dib Loo Dhigay

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta mar kale dib u dhigtay dhageysiga dacwad ka dhan ah xiritaanka xeryaha Dhadhaab ee qaxootiga.

from VOA http://ift.tt/2gdqcp8
via IFTTT

Dadaallo Nabadeed oo Ka Socda Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo waxaa weli ka socda dadaalo la doonayo in lagu nabadeeyo magaalada oo ay dhawaan ku dagaalameen maamulada Galmudug iyo Puntland.

from VOA http://ift.tt/2fUbOB8
via IFTTT

Afar Soomaali Ah oo Ku Geeriyootay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Afar qof oo ganacsato Soomaali ah ay dhinteen ka dib markii dab uu qabsaday goobtooda ganacsi.

from VOA http://ift.tt/2gaxWdj
via IFTTT

Wasiirka Waxabashada oo ka Hadlay Maalinta Macallinka

Maanta oo Bisha November ay tahay 21,  waxa ay ku beegan tahay maalinta macallinka Soomaaliyeed.

from VOA http://ift.tt/2fxgJXU
via IFTTT

Kabul: 33 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Masjid

Mas'uuliyiinta dalka Afghanistan ayaa sheegay in qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid shiicada ay leeyihiin oo ku yaalla magaalada Kabul ay ku dhinteen ugu yaraan 33 qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

from VOA http://ift.tt/2fx0MkF
via IFTTT

Sunday, November 20, 2016

Beesha Caalamka Oo Baaq Ujeedisay Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqdey Madasha Hogaamiyayaasha Qaran in ay awoodooda u isticmaalaan in ay wax uga qabtaan ugana hortagaan xad gudubka iyo cadaalad darada ka dhex jirta hanaanka doorashada.

from VOA http://ift.tt/2g7gfrw
via IFTTT

Wicitaanka: Sheekh Cabdiraxman Sharif

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah Sheekh Cabdiraxmaan Sharif\ oo ah Imaamka Masaajidka Daarul Hijra

from VOA http://ift.tt/2fRBO06
via IFTTT

Hindiya: Ku Dhowaad 100 Qof oo Ku Dhintay Shil Tareen

Tareen nooca dheereeya ah oo ka baxay khadkii uu ku socday ayaa woqooyiga dalka Hindiya ku dilay ugu yaraan 97 qof dhaawacna uu ka soo gaaray in ka badan 100 qof oo kale.

from VOA http://ift.tt/2garnFS
via IFTTT

Putland oo Xukuntay Shan Qof

Maxkamadda ciidamada Putland ayaa maanta magaalada Bossaso waxay xukunno dil ah iyo xabsi daain ah ku xukuntay 5 qof oo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Daacish taageersan ee ku sugan gudaha Puntland.

from VOA http://ift.tt/2gan2lK
via IFTTT

Hibada iyo Waraysiga Nagiib Cabdiraxmaan

Dhalinyaro kala duwan ayaa xiiseeya inay heesaan isla markaana noqdaan fanaan ay bulshadu wada taqaan, taas oo sababtay in sannadahan ugu dambeeyey ay saaxadda fanku noqoto mid soo jiidata dhalinyaro kala duwan.

from VOA http://ift.tt/2gxyXOa
via IFTTT

Saturday, November 19, 2016

Doorashada Soomaaliya Ma Aha Ansax

Doorashada Soomaaliya ee labada aqal ee Hoose iyo kan Sare ma aha mid lagu kalsoonaan karo oo ansax ah sabatoo ah waxaa jira laaluush qaadasho, codad la kala iibsanayo iyo cabsigelin, sidaasi waxaa yidhi Hanti-Dhowraha Qaranka.

from VOA http://ift.tt/2g8yNZW
via IFTTT

Martida Makarafoonka: Xagjirnimada Yurub

Barnaamijka Martida Makarafoonka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay xagjirnimada iyo dalka Sweden. Barnaamijka waxaa soo jeedinaya weriyahayaga Ridwaan Xaaji Cabdiweli

from VOA http://ift.tt/2eRtzEg
via IFTTT

Dhageyso Caweyska Washington

Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington. Caawa waxa idin la socodsiinaysa barnaamijkaasi Caashi Ibraahim Aaden.

from VOA http://ift.tt/2g835M9
via IFTTT

Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Barnaamijka waxa idin la socodsiinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Falastiin Axmed Iimaan.

from VOA http://ift.tt/2gv2BDt
via IFTTT

Friday, November 18, 2016

Ciidamadii Iska Horfadhiyey Gaalkacyo loo la Kala Qaaday

Guddigayada loo aasaay meel marinta xabbadjoojintii magaalada Gaalkacyo iyo kala qaadista ciidanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay kala fogeeyaan ciidamada labada dhinac ee isku horfadhiyey magaalada.

from VOA http://ift.tt/2gnI4Qm
via IFTTT

Trump oo Magacaabay Dhowr Xil oo Sare

Madaxweyne la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex xil oo muhiim ah oo ka mid noqon doona maamulkiisa cusub.

from VOA http://ift.tt/2gnzotA
via IFTTT

Afar Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Buulogaduud

Afar qof ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhacay Buulo Gaduud iyo Miino la qaraxday Babauur ay leeyihiin Ciidamada Ethiopian-ka ah, sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhaya gobolka.

from VOA http://ift.tt/2eNvRnV
via IFTTT

Faaqidaadda: Doorashooyinka Aqalka Hoose

Barnaamijka Faaqidaada Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka Aqalka Hoose iyo cabashooyinka hareeyey.

from VOA http://ift.tt/2eNzdaB
via IFTTT

Obama oo La Kulmay Hogaamiyayaasha Yurub

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa maanta hogaamiyayaasha dalalka ugu weyn Yurub kula biiray kulan looga hadlayo caqabadaha dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee ay wajahayaan dalalka saaxiibada ah.

from VOA http://ift.tt/2fCotL6
via IFTTT

Thursday, November 17, 2016

Kulan Looga Hadlayay Joojinta Muslim Naceybka oo Minneapolis Ka Dhacay

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota waxa gelinkii dambe ee Khamiistii shalay lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaasi.

from VOA http://ift.tt/2g3TrdZ
via IFTTT

Dadka Kenya oo Doonaya in Ciidamadooda Laga Soo Saaro Somalia

70% dadka Kenya ayaa doonaya in ciidamada dalkooda laga soo saaro dalka Soomaaliya, sida lagu ogaaday ra'yi ururin cusub.

from VOA http://ift.tt/2fZtNFB
via IFTTT

Qaxootiga Dhadhaab oo soo Dhoweeyey Go'aanka Kenya

Qaxootiga ku nool xarayaha Dhadhaab ayaa soo dhaweeyay go'aanka wasarada arrimha gudaha dalka Kenya aa mudo lix bilod ah dib ugu dhigtay in 30-ka bishan November ay albaabada u xirto xaryaha Dhadhaab.

from VOA http://ift.tt/2fk68Q7
via IFTTT

Sanad Guuradii Koowaad ee Geerida Cawke oo la Xusay

Xalay magaalada Nairobi waxaa lagu soo bandhigay Film la magac baxay Qab iyo Iil oo uu akatar ka ahaa wariyaha Caanka ee Soomaaliyeed Axmed Xassan Cawke. Bandhigga Filimkan oo la duubay maalmihii u dambeeyay ee nolosha Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cowke ayaa lagu soo beegay sanad guurada ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday. Wariyaha VOA-da ee Nairobi Yaasiin Ciise Wardhere ayaa warbixintan soo diray.    

from VOA http://ift.tt/2eJs8I6
via IFTTT

Dhallinyaro u Istaagay Wax ka Qabashada Abaaraha Somaliland

Deegaano badan oo ka mida dhulka Soomaalidu degto waxaa xilligan ka jira abaaro daran, taas oo saamayn ku yeelatay xoolihii iyo weliba bulshadii ku dhaqnayd dhulka baadiyaha ah. Waxaa isa-soo taraya baaqyada ay jeedinayaan madaxda Soomaalida iyo waxgaradka bulshada oo ku aaddan in dadkaas la kaalmeeyo. Somaliland waxay ka mid tahay meelaha abaaraha darani ka jiraan, waxaana jira dhalinyaro isu-abaabulay inay door ka qaataan abaarahaas, weriyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakiin Maxamuud Shirwac ayaa qaarkood la kulmay.    

from VOA http://ift.tt/2fk9kew
via IFTTT

Hillary Clinton: "Waxaan Wajahay Maalmo Adag"

Musharaxii hore ee madaxweynaha Mareykanka Hillary Clinton ayaa sameysay muuqaalkeeda ugu horreeyey ee dadweyne tan iyo markii ay qiratay in Donald Trump uu kaga adkaaday loolanka madaxweynaha.

from VOA http://ift.tt/2gl9aJ2
via IFTTT

Wednesday, November 16, 2016

Dhageyso: Dhalinyaro Soomaali-Mareykanka Ah oo La Maxkamadeeyay

Arbacadii shalay waxa lagu soo gaba gabeeyey magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka, maxkamadeynta 9 dhalinyaro ah oo 8 ka mid ahi ay Soomaali ahaayeen, halka ka kalena uu u dhashay qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.

from VOA http://ift.tt/2fyHq1z
via IFTTT

Muqdisho: Bam Lagu Weeraray Guriga Askari Boolis ah

Kooxo hubeysan, ayaa xalay bamb gacmeed ku weeraray guri uu deganaa askari ka tirsanaa booliska Soomaaliyeed, gudaha degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

from VOA http://ift.tt/2g0AEQC
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 345

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay buraanburka. Waxaa soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2fWziVn
via IFTTT

Minnesota: Maxamed Faarax oo Lagu Xukumay 30 Sano

Maxamed Cabdulxamiid Faarax waxaa lagu helay dambi ah inuu doonayey inuu ku biiro ururka Dacaish iyo eed labaad oo ahayd inuu maleegayey inuu dil ka gaysto dalka dibeddiisa ayaa maxkamadi ku xukuntay 30 sano oo xarig ah iyo in kormeer daa'im ah.

from VOA http://ift.tt/2fVUuMt
via IFTTT

5 Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Caabudwaaq

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed maanta ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

from VOA http://ift.tt/2fh0ZIv
via IFTTT

Somalia oo Ka Qeyb Gashay Shirka Wakaaladaha Wararka

Waxaa maanta magaalada Baku ee xarunta dalka Azerbaijan ka furmay shirweynihii shanaad ee Wakaaladaha Wararka Aduunka.

from VOA http://ift.tt/2eGbNDH
via IFTTT

Cadaado: Qof Ka Mid Ahaa Ergada Doorashada oo La Dilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in muddo kooban maanta uu khalkhal gashay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee halkaa ka socotay.

from VOA http://ift.tt/2fwRvMg
via IFTTT

Kenya: Dhadhaab Lama Xiri Karo 30-ka November

Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in Kenya aysan suuragal u aheyn in xeryaha Dhadhaab ay ku xirto waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay horey u qabsatay oo ku beegan 30-ka bishan November.

from VOA http://ift.tt/2fgoCRJ
via IFTTT

Doorashada Aqalka Hoose oo ka Billaabatay Jowhar

Doorashada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka Hirshabelle ayaa maanta ka billaabatay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

from VOA http://ift.tt/2fX71Sg
via IFTTT

Qarax Maanta ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax maanta barqadii ka dhacay makhaayad ku taalla meel u dhow xarunta maamulka Gobbolka Jubada Hoose ee magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2ggt8nf
via IFTTT

Trump: Wax Walba Si Hagaasan Ayey u Socdaan

Ayada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa Mr. Trump waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay in wax walba ay u socdaan si hagaagsan.

from VOA http://ift.tt/2fEQ106
via IFTTT

Tuesday, November 15, 2016

MN: Xukunno Dheeraad ah oo Dhacay

Xamza Axmed oo 21 jir ah, Cadnaan Faarax oo 19 jir ah iyo Hanad Muuse oo 21 jir ayey maxkamadu Talaadadii ku riddey xukuno 10 ilaa iyo 15 sano ah, iyaga oo lagu eedeeyey inay doonayeen inay ISIS ku biiraan

from VOA http://ift.tt/2ff6CXB
via IFTTT

Minnesota: Qof Afaraad oo Xukun Lagu Riday

Nin Afraad ayaa magaalada Minneapolis loo xukumay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish.

from VOA http://ift.tt/2eXcVOx
via IFTTT

Somaliland oo ka Jawaabtay Hadalkii SafiirkaTurkiga

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso doorka dawladda Turkigu ay ku leedahay wada-hadallada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia.

from VOA http://ift.tt/2fUBv7w
via IFTTT

Air Djibouti oo Dib u Bilowday Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha ee Air Djibouti ayaa markii ugu horraysay in ka badan 25 sano dib u bilwoday duulimaadkeedii magaalada Muqdisho. Mas'uuliyiinta Jabuuti ayaa sheegay in tallaabadani wax ka taraysodib u dhiska Soomaaliya. Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.  

from VOA http://ift.tt/2fcKGfM
via IFTTT

Amnesty: Qaxootiga Dhadhaab Qasab Ayaa Lagu Celinayaa

Hay'ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in saraakiisha dowladda Kenya ay ku qasbayaan dadka Soomaalida qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadabaab inay dib ugu noqdaan Soomaaliya,

from VOA http://ift.tt/2ftPtfM
via IFTTT

Dagaal ka Dhacay Agagaarka Tiyeeglow

Dagaallo culus ayaa maanta ka dhacay agagaarka magaalada Tiygelow kadib markii maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay iska caabin culus kala horyimaadeen ciidamada dawladda Soomaaliya oo doonayey inay dib u qabsadaan magaalada kadib ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ee bishii hore. Khasaaraha dhabta ah ee dagaallada maanta dhacay ayaan weli caddayn. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa dagaalladan ka waraystay Taliyaha ciidamada dawladda ee Gobolka Bakool Jeneral Xasan Isaaq Cumar "Xasan Baydhaba".  

from VOA http://ift.tt/2fVg2cq
via IFTTT

UNICEF: 20,000 Carruur ah Ayaa ku Barakacay Gaalkacyo

Hay'adda UNICEF aya asheegtay in dad tiradoodu ay ka badan tahay 90,000 qof, oo ay ka mid yihiin ugu yaraan 20,000 carruur ah oo dugsiyo dhiganayey ay ku barakaceen dagaaladii magaalada Gaalkacyo.

from VOA http://ift.tt/2fSmlfm
via IFTTT

Giuliani oo Hogaaminaya Loolanka Xoghayaha Arrimaha Dibedda

Ilo-wareedyo ku dhow Trump auaa waxa ay sheegayaan in duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani uu hogaaminayo musharaxiinta xilka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka

from VOA http://ift.tt/2fTM8qY
via IFTTT

Monday, November 14, 2016

Dhageyso: Dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo La Xakumay

Xaakim ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka ay soomaalidu u badanyihiin ee dalkan Maraykanka ee Minnesota xukun ku riday dhalinyaro Soomaali-Maraykan ah oo lagu eedeeyay inay taageerayeen isla markaana qorshaynayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.

from VOA http://ift.tt/2ga0S6t
via IFTTT

Obama oo Ka Hadlay Siyaasadda Trump

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in inta badan aan ereyada quruxoon ee lagu dhawaaqaa aanay samaynin ama aanay noqon siyaasad wanaagsan.

from VOA http://ift.tt/2fPoauv
via IFTTT

Minnesota: Nin Soomaali ah oo la Xukumay

Nin oo lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf ayaa ah kii ugu horreeyey ee xukunka uu ku dhaco, iyada oo xaakimka Michael Davis uu ku xukumay waqtigii uu hore xabsiga u soo qaatay oo ku dhow laba sano, iyo 20 sano ah oo uu ku jirayo kormeer joogto ah.

from VOA http://ift.tt/2frqauU
via IFTTT

Yurub oo ka Walaacsan Donald Trump

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub oo kulmay magaalada Brussels ee dalka Beljimka ayaa ka hadlay saamaynta ay ku yeelan karto guusha uu doorashada Maraykanka ka gaaray Donald Trump xiriirka Yurub iyo Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2fSHAz8
via IFTTT

Mudaharaadka Midnimada Bulshada ee Minnesota

Minnesota waxaa ka socda isu-soo baxyo kala duwan, kuwaas oo lagu taageerayo wada-jirka bulshada ku dhaqan gobolkaas, waxaana ka qayb galay bulshada Soomaalida iyo qaybo kale oo ka mida bulshooyinka gobolkaas ku nool.

from VOA http://ift.tt/2exNiZw
via IFTTT

Qaraxyo ka Dhacay Buur Hakaba

Wararka ka imanaya degmada Buur Hakaba ayaa sheegaya in qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen magaaladaasi shalay iyo maanta, iyada oo qaraxyadaasi ay geysteen dhaawacyo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka mid ah kuwa magaalada.

from VOA http://ift.tt/2eXgnfE
via IFTTT

Wareysi Gaar ah: Wasiirka Arr. Gudaha Somalia

Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Cabdirissak Cumar Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda amniga ee Soomaaliya xilli ay dalka ka socoto doorasho isla markaana dhinaca kale ay meelo ka mid ah waddanka ka baxeen ciidamo Itoobiyaan ah.

from VOA http://ift.tt/2f8KD4G
via IFTTT

Maxkamadeyn Maanta ka Bilaabanaysa Minnesota

Saddex dhalinyaro oo qirtay fal dmabiyeedka lagu soo eedeeyey, kana mid ahaa sagaal lagu eedeeyey inay doonayeen inay ururka ISSI ku biiraan, ayaa maanta xukunka ugu horreeya ku dhici doonaa.

from VOA http://ift.tt/2f8IvK8
via IFTTT

MN: Bulshooyin Taageero Isu Muujiyey

Gobolka ay Soomaalidu ku badantahay ee dalkan Maraykanka ee Minnesota, ayaa waxa xalay ka dhacay isu-soobax lagu muujinayo midnimada bulshooyinka kala duwan ee gobolka ku dhaqan.

from VOA http://ift.tt/2f8yXPn
via IFTTT

Sunday, November 13, 2016

Puntland iyo Galmudug oo 2 Guddi Dhisay

Madaxda Puntland iyo Galmudug oo mar kale Gaalkacyo ku kulmay ayaa soo magacaabay laba guddi oo ka shaqeyn doona heshiiskii xabbad-joojinta iyo sidii colaadda xal kama danbeyn ah loogu heli lahaa.

from VOA http://ift.tt/2eQBGMB
via IFTTT

Wicitaanka: Sh. Nuur Baaruud Gurxan

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa marti ku ah Guddoomiyaha Golaha Samafalka iyo Horumarinta Somalia oo ka hadlaya kaalinta laga qaadan karo abaaraha ka jira meelo Somalia ka mid ah.

from VOA http://ift.tt/2fK2Bvq
via IFTTT

Abaaraha ka Jira Geyiga Soomaalida

Meelo ka mid ah Somalia ayaa waxaa ka jira abaarro ba'an oo dhibaato ku haya dadka iyo duunyadaba. Madaxwynaha Somalia ayaa shalay Soomaalida iyo beesha caalamkaba ka codsaday in gargaar deg-deg ah lala gaaro meellaha ay abaaruhu ka jiraan.

from VOA http://ift.tt/2etYAhh
via IFTTT

Dadweynaha: Ha Laga Dhabeeyo Heshiiska Gaalkacyo

Dadka dagan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland oo shalay kala saxiixdeen heshiis xabbad-jojin ah ugu baaqay inay heshiiska ka dhabbeeyaan cidiamada magaalada isku hor-fadhiyana kala qaadaan.

from VOA http://ift.tt/2f5ueOD
via IFTTT

Saturday, November 12, 2016

Wareysi Safiirka Somalia ee Mareykanka

Safiirka Somalia oo ka hadlaya saameynta doorashada Trump iyo xiriirka Somalia

from VOA http://ift.tt/2eP9R75
via IFTTT

Doorashada Trump iyo Soomaalida Gobolka Ohio

Hogaamiyeyaasha Muslimiinta Mareykanka ayaa bilaabay inay dadka Muslimiinta ah u sheegaan inaysan niyad jabin, todobaad ka dib markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump.

from VOA http://ift.tt/2g6H1EC
via IFTTT

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baaq Ka Soo Saarey Abaarta

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Baaqey in La Caawiyo Dadka Abaaraha ay Saameyeen.

from VOA http://ift.tt/2fN2oIl
via IFTTT

Dhageyso Caweyska Washington

Kusoo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington, oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Waxa idin la socodsiinaysa Caasho Ibraahim Aadan.

from VOA http://ift.tt/2fHc2vz
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka

Barnaamijka Martida Makarafoonka, toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Tansaaniya. Waxa London ka soo diyaariyay wariyaha VOA Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

from VOA http://ift.tt/2g0npT6
via IFTTT

Puntland iyo Galmudug oo Heshiis Gaadhay

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya inay is-afgarad gaadheen dhinaca colaaddu ku dhexmartay magaalada. Weriyahayaga Gaalkacayo oo ku sugnaa goobta shirka ayaa sheegay in dhinacyadu ay isku afgarteen saddex qodob

from VOA http://ift.tt/2fL6WgD
via IFTTT

Madaxda Galmudug iyo Puntland oo Kulmay

Magaalada Gaalkacayo waxaa gaadhay wefti uu horkacayo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating iyo madax kale.

from VOA http://ift.tt/2fKNTTG
via IFTTT

Friday, November 11, 2016

Aragtida Soomaalida London ee Doorashada Trump

Donald Trump ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Mareykanka kadib markii uu ka adkaaday Hillary Clinton.

from VOA http://ift.tt/2fDMZK4
via IFTTT

Faaqidaadda: Doorashadii Donald Trump

Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa talaadadii loo doortay inuu noqdo madaxweyhnaha cusub ee dalka Mareykanka kadib markii uu ka adkaaday Hilary Clinton. Haddaba barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa doorashada Trump oo dad badan layaab ku noqotay maadaama aan horey loo saadaalin. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://ift.tt/2fIqNi5
via IFTTT

Gabar Soomaali ah oo ka Mid Noqotay Booliisk Edmonton

Gabar asalkeedu yahay Soomaali, haysatana dhalashada dalka Canada ayaa ka mid noqotey Booliska magaalda Edmonton ee gobolka Alberta ee dalkaaasi.

from VOA http://www.voasomali.com/a/3592044.html
via IFTTT

Dibadbaxyada ka Dhanka Ah Trump oo Weli Socda

Tobanaan kun oo qof oo ku nool New York illaa California ayaa maalintii saddexaad buuxiyey waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka si ay uga dibadbaxaan doorashada madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka Donald Trump.

from VOA http://ift.tt/2fCJ00j
via IFTTT

Thursday, November 10, 2016

Mareykanka: Weerarkii Gaalkacyo, Ma Ahayn Mid Shabaab Lagu Beegsaday

Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweyay baaritaanno horudhac ah oo ay ciidamada taliska Mareykanka ee Afrika ku sheegeen in weerarkii lagu qaaday duleedka Gaalkacyo 28-kii bishii September ee sanadkan aanu ahayn mid al-Shabaab lagu beegsaday, sida ay markii hore Mareykanku ku andacoonayeen.

from VOA http://www.voasomali.com/a/3591891.html
via IFTTT