Thursday, July 25, 2019

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii xarunta gobolka Banaadir

Sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaa maanta Muqdisho tagtay dayuurad ambalaas ah oo qaadeysay gudoomiyaha gudoomiyiha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow). Guddoomiyaha ayaa shalay ku dhaawacmay weerar qarax ah oo lagu qaaday xaruntiisa oo ay ku dhinteen ilaa iyo sideed qof oo sadex ka mid ah ay ahaayeen gudoomiyeyaasha degmooyinka, Cabdul Casiis, Shangaani, iyo Waaberi iyo agaasimayaal. Gudoomiyaha ayaa loo qaadayaa dalka Qatar si loogu soo daweeyo. Warbixin ay qaraxii shalay dib ugu eegeyso waxaa Muqdisho nooga soo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.    

from VOA https://ift.tt/2YhiDBJ
via IFTTT

No comments:

Post a Comment