Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, kadib marki uu nin waday gaari kuwa xamuulka ah uu jiirsiiyay dad ku dhax socday waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalkaan Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2zWtfKw
via IFTTT
Tuesday, October 31, 2017
Nin Gaari Dad Ku Jiirsiiyay New York
Faah-faahinta Ciyaarihi Xalay ee CL
Waxaa xalay dhacay ciyaaro xiisa leh oo ka tirsan wareega koowaad ee koobka Horyaalada Yurub ee Champions League.
from VOA http://ift.tt/2gR9sET
via IFTTT
Kane oo safan doono kulanka Real Madrid
Tababaraha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa si aad ah ugu kalsoon in Harry Kane uu safan doono kulanka ay uga hortagayaan kooxda Real Madrid, habeenka arbacada. Weeraryahanka xulka qaranka England ayaa seegay kulankii ay kooxda sabtidii la yeelatay kooxda Manchester United, kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Liverpool. Si kastaba laacibkan ayaa kusoo laabtay tababarka kooxdiisa, waxaana la qiimeyn doonaa ka hor kulanka habeen dambe. Pochettino ayaa sheegay "Waxaan ku kalsoonnahay inuu safan doono, waan qiimeyn doonaa laakiin wuxuu hadda ku jiraa liiska" "Waxaan filaa in la heli doono habeen dambe, balse 100% ma ballan qaadi karno, taasna waxaan eegi doonnaa" ayuu yiri Pochettino.
from VOA http://ift.tt/2iOOtGT
via IFTTT
Lix Shabaab ah oo ku dhintay qarax ay aasayeen
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax ka dhacay deegaanka Danida ay ku dhinteen ugu yaraan lix ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2zVjqwu
via IFTTT
Daniel Sturridge oo Sugi La' Kulankiisii ugu horeeyey ee CL
Weerar-yahanka Liverpool Daniel Sturridge, ayaa sheegey in uu aad ugu kulul yahay in uu wacdaro ka dhigo kulanka Champions League ee kooxdiisa ay la dheeli doonto kooxda Serbia ee Maribor.
from VOA http://ift.tt/2htlzc2
via IFTTT
Odinga oo qaadacay natiijada doorashada Kenya
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa gaashaanka ku dhuftay naatiijada doorashadii toddobaadkii hore ka dhacday dalkaasi waxaana uu ku baaqay inaan la oggolaan inay sharci ahaato.
from VOA http://ift.tt/2zV5yCr
via IFTTT
Saameynta dhaqaale ee doorashadii Kenya
Dalka Kenya ayaa waxaa laga dareemaya hoos u dhac dhaqaale oo ay ku yeesheen arrimihii doorashada ee afartii bilood ee ugu dambeeyay soo jiitamayay. Doorashada Kenya oo lagu kala qeybsamay ayaa cabsi gelisay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ku nool, waxaana ay dhinaca kale saameysay dalxiiska dalka Kenya. Wariyeheenna Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi.
from VOA http://ift.tt/2z0wDod
via IFTTT
Muhiimadda shirka dowladda iyo maamul goboleedyada
Magaalada Muqdisho waxaa si si rasmi ah uga furmay oo ka socda shir u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
from VOA http://ift.tt/2iizuRC
via IFTTT
Xubno ka tirsanaa ololaha Trump oo dacwado lagu soo oogay
Madaxii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Trump, Paul Manafort ayaa isniintii lagu soo oogay dacwado ay ka mid ay ka mid yihiin shirqool ka dhan ah Mareykanka, been xalaaleyn lacag iyo inuu dowladda u been sheegay.
from VOA http://ift.tt/2iPzpcd
via IFTTT
Monday, October 30, 2017
Shir Xamar Uga Furmay Madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada
Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa xalay ka furmay magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2yhZCGY
via IFTTT
Sharciga Batroolka oo La Horgeeyay Baarlamaanka
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay u gudbisay baarlmaanka Somaliya nuqulka hindiso sharciyeedka Khayraadka dalka.
from VOA http://ift.tt/2lvwer7
via IFTTT
Inter oo Kusoo Laabatay Kaalinta Labaad
Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa kusoo laabatay kaalinta labaad ee horyaalka kadib marki ay xalay 2-1 uga adkaatay kooxda Hellas Verona.
from VOA http://ift.tt/2ih2d9o
via IFTTT
Kante oo Soo Laabanaya
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea N'Golo Kante ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto garoomada, kadib marki uu kasoo bogsaday dhaawac uu muddo todobaadyo ah la jiifay.
from VOA http://ift.tt/2gQ4FDu
via IFTTT
Bremen oo Eriday Tababare Nouri
Kooxda Werder Bremen ee dalka Jarmalka ayaa xilka ka xayuubisay macallinki kooxda Alex Nouri kadib guuldarooyin lasoo gudboonaay kooxda xilli ciyaareedkan.
from VOA http://ift.tt/2ihAFAI
via IFTTT
Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed oo La Xirey
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Axmed Cabdullaahi (Fanax) ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay ku sheegay inuu la kulmay handadaad iyo is hortaag, taasina ay ku qasabtay inuu xiro xafiiska.
from VOA http://ift.tt/2gP1bkE
via IFTTT
G.Banaadir oo Mamnuucey Gaadiidka Waaweyn iyo Xad-dhaaf U Raridda
Labo wareegta oo mamnuucaya gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaado in ay maraan gudaha magaalada Muqdisho iyo waliba xadka culeyska rarka ee ay qaadi karaan ayaa ka soo baxey xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.
from VOA http://ift.tt/2ie7s9K
via IFTTT
Shabaab oo Dishey NIn ay ku Eedeeyeen Basaasnimo
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda al-Shabaab ay degaanka Buq-Aqable ee gobolkaasi ku toogatay nin la sheegay inay ku eedeyeen in uu basaas u ahaa ciidamada Amisom, qeybta saldhiga ku leh degmada Jalalaqsi.
from VOA http://ift.tt/2iLsyR2
via IFTTT
Kenyatta oo La Sheegey inuu Ku Guuleystay Doorashada Kenya
Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, ayaa ku dhowaaqay in madaxweynaha Kenya ee xilligan talada haya ee Uhuru Kenya uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Khamiistii aynu soo dhaafnay ka dhacday waddankaasi.
from VOA http://ift.tt/2yXa9V9
via IFTTT
Natiijada Doorashada Kenya oo Lagu Dhawaqayo Goordhow
Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa la filayaa inay goor dhow ku dhowaaqaan natiijada doorashadii ku celiska ahayd ee Khamiistii ka dhacday dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2z4z0bO
via IFTTT
Shaqadii Dekadda Boosaasoo oo Hakad Gashay
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa xirnayd dekedda magalada Boosaaso, oo dhowaan lagu wareejiyey shrikadda P&O oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Boosaaso.
from VOA http://ift.tt/2zi6pkh
via IFTTT
Shirka DFS iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho Ka Socda
Hoggaamiyayaasha dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleed-yada ayaa la sheegay inay guda galeen ajandayaasha shirkooda ka socda magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2iMBJAJ
via IFTTT
Sunday, October 29, 2017
Wareysi: Nin la Dilay Xubno Qoysiiskiisa ka Mid ah
Digniin: Wareysigani waxa uu si qayaxan uga hadlayaa sidii dilalku u dhaceen, kuwaas oo uu ku jiray ilmo yar oo lix bilood jiray, markaa qofkii uu ku adag yahay dhageysiga wareysigani ha ka digtoonaado
from VOA http://ift.tt/2xxi3TO
via IFTTT
Faahfaahin: Xil-ka-qaadista Madaxda Amniga
Golaha wasiirrada Soomaaliya ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen taliyihii booliiska Cabdixakiim Daahir Saacid iyo Agaaismihii Nabadsugidda Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kadib qaraxyadii iyo weerarkii shalay ka dhacay badhtamaha Muqdishu oo lala beegsaday huteelka Naasa Hablood.
from VOA http://ift.tt/2gSYKBx
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Caafimaadka D. F. ee Somalia, Dr. Fowzia Abiikar, waxayna ka jawaabaysaa su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasheena oo meelo kala duwan oo dunida ah ku sugan.
from VOA http://ift.tt/2zh8WLJ
via IFTTT
Faahfaahinta Qaraxii Muqdisho
In ka badan 20 ruux ayaa la aamisan yahay inay ku dhinteen weerarkan sida ay ilo wareedyo kala duwan u sheegeen VOA,, iyada oo dadka dhintay ay ku jireen kuwo magac ku leh siyaasadda Somalia.
from VOA http://ift.tt/2hlAwg6
via IFTTT
Sambaloolshe iyo Saacid oo Xilkii laga Qaaday
Talaabadan ayaa timid ka dib markii labo weerar oo darani ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay huteelka Naasa Hablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, halka ka kalena uu ka dhacay meel u dhow Dal-jirka Dahsoon.
from VOA http://ift.tt/2lq9Fny
via IFTTT
Dhul-gariir ka Dhacay Dalka Afghanistan
Bishii October ee sanadkii 2015kii, ayaa isla goobta hadda waxa ku dhuftay dhulgariir ay awooddiisu ahayd 7.5, kaas oo dilay ugu yaraan 4 boqol oo qof.
from VOA http://ift.tt/2z1bjRV
via IFTTT
Saturday, October 28, 2017
Dhallinyaro Taageersan Kulmiye oo Weeraray Hoyga Cirro
Koox dhalin yaro oo tageerayaal u ah xisbiga Kulmiye, ayaa xalay isa soo hor dhoobey hoyga guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, kuwas oo lagu eedeyay inay dhagxaan ku tuureen hoyga guddoomiyaha oo xilligaasi ka maqnaa.
from VOA http://ift.tt/2zX7Ph1
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington. Sahra Ciidle Nuur, ayaa soo jeedinaysa.
from VOA http://ift.tt/2llX3Oa
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka
Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka. Maxamed Cabdi Xasan (Sandheere) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2ydluTU
via IFTTT
10 Ruux oo Ku Dhimatay Weeraro Ismiidaamin ah oo Muqdisho Ka Dhacay
Kooxo hubeysan ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday hotel Naasa-hablood Laba oo ku yaalla degmada Xamarweyne, gelinkii dambe ee maanta.
from VOA http://ift.tt/2gL9vlk
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barn. Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://ift.tt/2ybLoaE
via IFTTT
Soomaali Lagu Eedeeyay Argagixisanimo oo Jarmalka Lagu Xirey
Laba qof oo heysta dhalashada dalka Jarmalka oo midkood uu Soomaliya ka soo jeedo ayaa shalay ay maxkamad ku taala magaalada Frankfort ee dalka Jarmalka xukun ku ridday.
from VOA http://ift.tt/2zfNS80
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aan dib ugu falan qeyno dhacdooyinkii ugu doorka weynaa toddobaadkii tagay. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2iGG9c2
via IFTTT
Friday, October 27, 2017
Faaqidaadda: Doorashadii Kenya ka dhacday shalay
Dalka Kenya waxaa shalay mar kale ka dhacay doorasho ku celis ahayd, kadib markii maxkamadda sare ee dalkaas ay ku gacan seertay sharci ahaanshaha doorashadii dhacday sideeddii August, ee uu ku guuleystay madaxweyne Kenyatta. Doorashadii shalay ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, una sheegay taageerayaashiisa inaysan codeyn. Haddaba barnaamijka faaqidaadda toddoaadbka ayaan ku eegeynaa. Waxaa soo jeedineysa Caasha Ibraahim Aadan.
from VOA http://ift.tt/2yWbxK2
via IFTTT
Ancelotti oo Baddalaya Conte
Iyadoo shaki weyn uu ka jiro mustaqbalka tababaraha kooxda Chelsea Anotinio Conte ayay Chelsea bilowday inay sii carbuunadto macalinka badalka u noqon doono Conte, haddii uu kooxda ka tago.
from VOA http://ift.tt/2y9aF5s
via IFTTT
Dad aad u yar oo ka codeeyey doorashadii Kenya
Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in 6.5 milyan oo qof, ama saddex meelood meel dadka u diiwaan gashan inay codeeyaan, ay codkooda ka dhiibteen doorashadii shalay dalkaas ka dhacday.
from VOA http://ift.tt/2gGWAkB
via IFTTT
Thursday, October 26, 2017
Sanbaloolshe oo dhaleeceeyay Beesha Caalamka
Agaasimaha Hay'adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka gaar ahana waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay'adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab.
from VOA http://ift.tt/2lky3af
via IFTTT
Al-shabaab oo gabar dhagax ku dilay
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa gabar 30-sano jir ah dhagax ku dilay magaalada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe kadib markii ay ku eedeeyeen in ay gogol-dhaaf sameysay.
from VOA http://ift.tt/2gFt924
via IFTTT
Arsene Wenger :Booskeyga Dib u Eegis Ayaa Lagu Sameynayaa
Arsene Wenger, ayaa caddeeyay in madaxda naadiga Arsenal ay dib u eegis ku sameyn doonaan booskiisa tababarnimo, marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.
from VOA http://ift.tt/2zGnD6R
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 394
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 394-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2hbneCH
via IFTTT
15 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay J/Hoose
Wararka ka imaanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku geeriyoodeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka.
from VOA http://ift.tt/2i63rnT
via IFTTT
5 Qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug
Dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka ka bilaabmay deegaanka Godad oo ku yaalla waqooyi bari gobolka Mudug.
from VOA http://ift.tt/2z8vIoK
via IFTTT
Barcelona oo Raadineysa Coutinho iyo Koulibaly
Kooxda Barcelona ee dalka Spain ayaa lagu wadaa in ay dalab u dirto Napoli si ay uga iibsato daafaceeda birta ah ee Kalidou Koulibaly.
from VOA http://ift.tt/2yNRygA
via IFTTT
Rabshado hareeyey doorashada Kenya
Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhaceysa dalka Kenya, ayaa waxaa hareeyey isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyo goobaha codbixinta oo aan la furan deegaanada mucaaradka ku xooggan yihiin.
from VOA http://ift.tt/2gDzk6M
via IFTTT
Wednesday, October 25, 2017
Jen. Maxamed Abshir Haamaan oo Geeriyooday
Alla ha u naxarariistee, waxaa shalay magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muse oo loo yaqaanay Haamaan, kana mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.
from VOA http://ift.tt/2i5xITQ
via IFTTT
Dadka Reer Kenya oo U Dareeray Goobaha Cod Bixinta
Dadka reer Kenya ayaa maanta soo dooran doono madaxweyne cusub xilli laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhashaan natiijada kasoo bixi doonto doorashadan oo uu muran badani ka jiro.
from VOA http://ift.tt/2gDqTZr
via IFTTT
Kulannadi Xalay ee Horyaalka Talyaaniga
Waxaa xalay dhacay ciyaaro xiisa lahaa oo ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga. Kooxda Napoli ayaa dib usoo ceshatay hogaanka oo ay si ku meel gaar ah u heysay Inter muddo hal maalin ah.
from VOA http://ift.tt/2i7ukro
via IFTTT
Mareykanka oo Baaq U Diray Shacabka Kenya
Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaaso isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2yQXQMm
via IFTTT
Odinga oo ku baaqay inaan berri la codeyn
Hoggaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u sheegay taageerayaashiisa inay guryahooda ku ekaadaan oo aysan u soo bixin doorashada ku celiska ah ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo berri.
from VOA http://ift.tt/2zD93NI
via IFTTT
Gianluigi Buffon oo Ciyaaraha ka Fariisanaya
Gool hayaha dalka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa ka fariisan doona ciyaaraha dhammaadka xilli ciyaareedkan, haddii kooxdiisa aysan kuguuleysan Champions League.
from VOA http://ift.tt/2h8H5m9
via IFTTT
Wararkii ugu dambeeyey doorashada Kenya
Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku guuldarraysatay inay dhagaysato dacwad ay soo gudbiyeen saddex muwaadin oo codsanaysay in dib loo dhigo doorashada madaxweynennimo ee ku celiska ah ee lagu wado inay waddankaasi ka dhacdo maalinta berrito ah.
from VOA http://ift.tt/2zCbi3S
via IFTTT
Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo xiran
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne oo halbowle u ah isku socodka Muqdishu iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xiran yahay laba maalmood kasib markii roobab da'day ay waxyeelleeyeen dhabbihii diyaaradaha ay ka kici jireen. Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xusene Xasan Dhaqane.
from VOA http://ift.tt/2h88fcT
via IFTTT
Laba qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Carbiska
Laba qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhintay qarax iyo rasaas ka dambaysay oo ka dhacday deegaanka Carbiska ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
from VOA http://ift.tt/2yN85AF
via IFTTT
Dowladda Kurdistan oo dib u dhigtay natiijada aftidii xoriyadda
Dowladda gobolka Kurdistan ayaa sheegtay inay dib u dhigeyso natiijada aftida xoriyadda gobolkaas, ayna wada-hadal la fureyso dowladda dhexe ee Ciraq, si looga hortago rabshado dheeri ah oo dhexmara labada dhinac.
from VOA http://ift.tt/2yNhOXX
via IFTTT
Tuesday, October 24, 2017
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkey Kadib Qarraxi Muqdisho
VOA-da ayaa marki ugu horreysay heshay warka sheegaya in weerarki 14-ki October ka dhacay Isgoyska Zoobe loola danlahaa in lagu gumaado saldhiga milatari ee uu Turkiga dhawaan ka furay Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2z4YtCH
via IFTTT
Inter oo Hogaanka u Qabatay Horyaalka
Kooxda Inter Milan ayaa si kumeel gaar ah u qabatay hogaanka horyaalka Talyaaniga kadib marki ay xalay 3-2 ku garaacday Sampdoria.
from VOA http://ift.tt/2zNpN5C
via IFTTT
Boosaaso: Dab ka kacay kaalin shidaal
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dab uu ka kacay kaalin shidaal oo ku yaalla Afar Irdoodka magaalada.
from VOA http://ift.tt/2yNwczE
via IFTTT
Gaas oo soo dhoweeyey wada-hadallada Farmaajo
Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay soo dhoweynayan wadahadalka uu ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo madaxda maamul gobaleedyada isla markana ay ka qaybgalayan.
from VOA http://ift.tt/2xlVwJD
via IFTTT
Warbixin: Muhiimadda dhiigga lagu deeqo
Soomaaliya ma laheyn Bangiga "Kayd-ka Dhiiga" taniyo burburkii waddanka, waxaana dadka ay fikrado khaldan ka haysteen qaarkood inay ku deeqaan dhiigooda, gaar ahaana xiliyo adag oo qaraxyo iyo dhibaatoyin xoogan ay jireen.
from VOA http://ift.tt/2gIHgaF
via IFTTT
Hal qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Boosaaso
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay lix kalena ay ku dhaawacmeen laba qarax oo galabta ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Bartamaha ee magaalada.
from VOA http://ift.tt/2gDTH7F
via IFTTT
Fallanqeyn: Muhiimadda socdaalka Farmaajo ee gobolka
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta tagay magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Djibouti ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar kamid ah dadlalka gobolka ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si uu taageero uga hello dagaal ay dowladdu qorsheyneyso inay kaga jawaabto weerarkii Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen. Horey madaxweynaha wuxuu u soo maray Uganda iyo Ethiopia. Hadaba Safarka Madaxweynaha ee dalalka gobolka ee markii horeba ay ciidamo ka joogeen Soomaaliya muxuu ku soo kordhin karaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maxaase ka duwan doorkoodii hore oo ay dalalkan ka qaadan karaan la dagaalanka Al-Shaabab.? Su'aalahaa iyo kuwo kale ayuu wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan Weydiiyay, Professor Cabwahaab Cabdi Samad oo ka faallooda arrimaha gobolka. Khadka taleefanka ee Nairobi ayuu kula xiriiray.
from VOA http://ift.tt/2yF0JQx
via IFTTT
Xiisad ka dhex oogan Mareykanka iyo Indonesia
Carrada ka dhalatay jeneral sare oo ka tirsan milatariga Indonesia oo loo diiday inuu soo galo dalka Mareykanka, ayaa dhaawac gaarsiisay xiriirka labada dal.
from VOA http://ift.tt/2zMKGhx
via IFTTT
Monday, October 23, 2017
Wiil Soomaali ah oo U Tartamaya Doorasho Ka Dhaceysa Gobolka Washington
Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Ismaaciil Cabdi ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cad cad ee doorashooyinka maamulka Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee gobolka Washington.
from VOA http://ift.tt/2i0UtZ2
via IFTTT
Uhuru Kenyatta: Doorashada Waxay Dhaceysaa Khamiista
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista, haddii mucaaradku diidaan iyo haddii kalaba.
from VOA http://ift.tt/2gwDhdI
via IFTTT
Ronaldo oo Loo Magacaabay Xidiga Aduunka
Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta Fifa ee laacibka ugu fiican kubada cakta aduunnka sanadkaan 2017.
from VOA http://ift.tt/2laSTJ7
via IFTTT
Everton oo Eriday Koeman
Kooxdxa Everton ee dalka Ingiriiska ayaa shaqada ka eriday tababarihii naadiga Ronald Koeman, kadib marki ay kooxda lasoo dirstay guuldarrooyin is-daba joog ahaa.
from VOA http://ift.tt/2xhMgpP
via IFTTT
Taliyayaasha milatariga Amisom iyo Soomaaliya oo kulmay
Taliyayaasha milatariga ee AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka shiray qorshayaasha milatari ee la sheegay inay socdaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2yDbTFl
via IFTTT
Somaliland: Taageerayaasha Waddani oo isu soo baxay
Iyadoo maanta ay ahayd maalintii saddexaad ee Ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay isu soo baxyo ka sameeyeen magaalooyinka. Masuuliyiinta xisbigaas u sarraysa ayaa goobo fagaarayaal ah kala hadlay meelo kala duwan oo magaalooyinka ah. Geesta kale, guddida doorashada ayaa soo saaray amarro cusub oo ku aaddan ololaha doorashada, waxaanay wax ka-beddel ku sameeyeen jadwalka ololaha. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2gysWxE
via IFTTT
Wareysi: Agaasimaha isbitaalka Medina
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee lagu xusuusan karo masiibadii dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ah sida ay bahda caafimaadka Soomaalidu uga jawaabeen iyo gurmadkii ay bixiyeen haddii ay yihiin adeegyada ambalaasyada iyo dhakhaatiirta. Dr. Maxamed Yuusuf waa agaasimaha cisbitaalka Medina, waxa uu idaacadda VOA u sheegay in qaar badan oo ka mid aha dhakhaatiirta wax badbaadiyey ay yihiin kuwii kasoo qalin jebiyey jaamacadaha waddanka. Haaruun Macruuf ayuu u warramay. Ugu horraynna waxa uu ka hadlayaa tirada dhakhaatiirta soo qalin jebisay ee hawlgasha.
from VOA http://ift.tt/2i1cKVY
via IFTTT
Fallanqeyn: Socdaalka Farmaajo ee dalalka gobolka
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya qaar ka mid ah waddamada gobolka toban maalmood kadib qaraxii Zoobe ee Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2gBlG7Z
via IFTTT
'Daacish oo 128 shacab ah ku dishay Qaryateyn'
Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha dalka Syria ayaa sheegtay in mintidiinta kooxda Daacish ay 128 qof ku dileen magaalada Qaryateyn ka hor inta aysan ciidamada dowladda la wareegin magaaladaas.
from VOA http://ift.tt/2xZiElx
via IFTTT
Trump: Twitter la'aantiis madaxweyne ma noqon lahayn
"Xaqiiqdii shaki ayaa igaga jira inaan madaxweyne ahaan lahaa, baraha bulshada la'aantood" ayuu yiri.
from VOA http://ift.tt/2h25xFH
via IFTTT
Sunday, October 22, 2017
Farmaajo oo Uganda u Socdaalay
Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisan ee dalkaasi Uganda uu imanayaa maalin kadib markii uu cidamada u sheegay inay dawladdu dagaal qaadayso.
from VOA http://ift.tt/2zEvNNX
via IFTTT
Qarax Miino oo Dilay ugu Yaraan 6 Qof
Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Daniga oo u dhaxysa Magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, iyada oo dadkii qaraxa ku dhintay ay saarnaayeen baabuur BL ah.
from VOA http://ift.tt/2ztVaRO
via IFTTT
Saturday, October 21, 2017
Taliyaha Booliska Puntland oo Dhaawacay Kuxigeenkiisa
Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugal.
from VOA http://ift.tt/2gA25VC
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka
Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka, waxa toddobaadkan soo diyaariyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
from VOA http://ift.tt/2l8d76i
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Sahra Ciidle Nuur, ayaa soo jeedineysa.
from VOA http://ift.tt/2zrVLDF
via IFTTT
Manchester United oo Dhulka la Dhigey; Man City iyo Chelsea oo Badiyay
Kooxda Manchester United ayaa guul darro naxdin badan kala kulantay kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan horyaalka Ingriiska.
from VOA http://ift.tt/2hXKZO2
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aan markan diiradda ku saari doonno mashaqadii ka dhacdey Muqdisho 14-kii October, iyo sidoo kale doorashada Kenya. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2yyJ8tK
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasho Ibraahim Aadam (Cuud)
from VOA http://ift.tt/2gVqthw
via IFTTT
Friday, October 20, 2017
Juventus oo 1-aad Noqotay Naadigii ugu Qarshka Badnaa CL Sanadkii Tagay
Kooxdii Finalka looga adkaaday Champions League, ayaa noqotay naadigii ugu faa'idada qarashka badneyd horyaalkaasi, iyagoo heley lacago gaaraya 110.4 million oo euro ($130.3 million), sida ay EUFA sheegtay Jimcahii maanta.
from VOA http://ift.tt/2gpdfsD
via IFTTT
Conte: Wax Dhib ah Kama Taagna Tababarka Chelsea
Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa meesha ka saaray inay jiraan qalalaase ka taagan hababka uu naadiga u tababaro.
from VOA http://ift.tt/2xc3lRO
via IFTTT
Musharaxiinta Somaliland oo dood loo qabtay
Somaliland, waxaa xalay ay dood dhinacyo badan taabanaysaa ku dhex martay magaalada Hargeysa saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxtooyada oo ay innaga xigto muddo saddex toddobaad ah.
from VOA http://ift.tt/2gx8gde
via IFTTT
Barnaamijka Faaqidaadda: Qaraxii Zoobe ka dhacay
Magaalada Muqdisho waxaa 14-kii bishan October ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo qof, islamarkaana boqolaal kale ay ku dhaawacmeen. Barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxaas. Waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA http://ift.tt/2zDfvVC
via IFTTT
Jamhuuriga oo ansixiyey miisaaniyadda dowladda
Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Senate Mareykanka ayaa cod 51-49 ku ansixiyey miisaaniyadda dowladda, taasi oo dhabbaha u xaareysa waxa uu madaxweyne Trump ugu yeeray "isbeddel weyn iyo cansuur dhimis"
from VOA http://ift.tt/2guYg47
via IFTTT
Thursday, October 19, 2017
R.W Kheyre: Sabtiga Dalku Wuxuu Gali Doonaa Xaalad Dagaal
Ra'isulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqday in wixi ka danbeeya Sabtida birrito ah uu dalka geli doono xaalad dagaal.
from VOA http://ift.tt/2l1bZ45
via IFTTT
Dhaawacyadi La Geeyay Sudan oo Cabanaya
Dadka ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdishu ee daaweynta loo geeyey dalka Suudaan ayaa sheegaya inaysan saacado badan helin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa kadib markii lagu daadiyey goob cisbitaal ah oo aan ku habboonayn baahidooda.
from VOA http://ift.tt/2xSkxjH
via IFTTT
Sacuudiga Iyo Ciraaq oo Kulmaya
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa maanta lagu wadaa inuu tago bariga dhexe, si uu uga qeybgalo kulan magaalada Riyad ku dhexmari doona Sacuudiga iyo Ciraaq.
from VOA http://ift.tt/2ioeeh2
via IFTTT
Sidoo Loo Kala Badiyay Xalay Europa League
Waxaa xalay dhacay kulamo xiisa leh oo ka tirsan koobka Europa Leage oo ah tartanka labaad ee ugu xiisaha badan Qaarada Yurub.
from VOA http://ift.tt/2yBqTBu
via IFTTT
Dib u dhis lagu billaabay isgoyska Zoobe
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billowday dib u dhis lagu sameynayo laamiga isgoyska Zoobe oo qaraxii dhowaan ka dhacay uu burburiyey.
from VOA http://ift.tt/2xQPjEU
via IFTTT
Banaanbax baroordiiq ah oo ka dhacay Gaarisa
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyiga Bari Kenya, si ay ugu baroor diiqaan dhacdadii 14-kii October ee Isgoyska Zoobe.
from VOA http://ift.tt/2yAkjN7
via IFTTT
Hab cusub oo lagu soo kordhinayo xawaaladaha
Lacagta xawaaladaha ee laga diro dibadaha ayaa qeyb muhim ah kaga jira dhaqaalaha dalal badan oo soo koraya, gaar ahaan Soomaaliya, oo deeqaha shisheey, iyo lacagaha maalgashiga labadaba lagu diro xawaalad. Laakiin dadka fallanqeeya arrimaha dhaqaalaha ayaa ka digaya ahmiyadda adeegga xawaaladda aaney si wanaagsan u fahamsaneyn hey'adaha shisheeye ee dejiya xeerarka lacagta iyo Bangiyada, taasoo halis gelineysa baraaraha iyo nolosha malaayiin qof. Sida uu London kaga soo waramayo Henry Ridgwell farsamo cusub oo casri ah ayaa balaarineysa suuqa xawaaladaha iyadoo yareyneysa lacagta wax lagu xawillo. Ibrahim Xassan Dandurey ayaa inoo haya warbixinta.
from VOA http://ift.tt/2xQL3Fl
via IFTTT
Hooyo iyo ilmaheeda oo lagu dilay Qandala
Kooxo hubeysan ayaa xalay Tuulada Canjeel ee ka tirsan degmada Qandala waxay ku dileen Haweeney iyo Ilmo ay dhashay.
from VOA http://ift.tt/2l1zutI
via IFTTT
Daalibaan oo weerar ku dishay 43 askari
Wasaaradda gaashnaadhigga Afghanistan ayaa sheegtay in ugu yaraan 43 askari la dilay kadib markii Daalibaan ay maanta weerar ku qaadeen saldhiga milatari oo ku yaalla koonfurta dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2xRLgNl
via IFTTT
Wednesday, October 18, 2017
Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho ee lagu lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira.
from VOA http://ift.tt/2gQ7jd1
via IFTTT
Tillerson: Waan La Xisaabtami doonnaa Millatariga Myanmar
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Arbacadii sheegay in gaboodfallada dalka Myanmar loogu geystay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ay mas,uuliyaddeeda qaadi doonaan hogaanka millatari ee dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2x63mGV
via IFTTT
Barca, Bayern, PSG Iyo Juve oo Wada Badiyay
Waxaa xalay dhacay kulamo kale oo ka tirsanaa wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub Uefa Champions League.
from VOA http://ift.tt/2gQYQq3
via IFTTT
Ronald Koeman: Kalsooni ayay Kooxda Igu Qabtaa
Tababaraha kooxda Everton Ronald Koeman, ayaa sheegey in uu kalsooni buuxda uu ku qabo maamulka kooxda, inkastoo ay si aan wanaasagneyn ku billowdeen xilli ciyaareedkan.
from VOA http://ift.tt/2yxKsMD
via IFTTT
Wareysi: Cumar Cabdirashiid
Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlaya qaraxii Muqdisho iyo baaq kasoo yeeray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
from VOA http://ift.tt/2yxy9zO
via IFTTT
Banaanbax ka Dhan ah al-Shabaab oo Muqdisho Ka Dhacay
Magaalada Muqdishu iyo magaalooyin kale oo waddanka ahba waxaa maanta ka dhacay bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo kooxda al-Shabaab iyo qaraxii weynaa ee maalintii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2xOhzYJ
via IFTTT
Puntland oo gurmad gaarsiisay Muqdisho
Maamulka Puntland ayaa Muqdisho u soo diray gurmad isugu jira daawooyin iyo dhaqaatiir gacan ka gaysanaya dadaalka loogu jiro daryeelka dadkii ku waxyeeloobay qaraxi Sabtidi ka dhacay Isgoyska Zoobe. Daawadan oo dhan 4 tan ayaan ahayn taageerada kaliya ee ka imaaneysa Puntland. Wariyaha VOA-da ee Garowe, Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan inoo haya.
from VOA http://ift.tt/2gr8cfa
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 393
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 393-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2yy8YgJ
via IFTTT
Banaanbax ka billaabmay Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxa ka billaabmay banaanbax ayay dadweynuhu ku muujinayaan dareenkooda, islamarkaana ay uga soo horjeedaan ciddii gaystay qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2ywD1oA
via IFTTT
Ciidamada Israel oo weeraray xarumo warbaahineed
Ciidamada Israel ayaa xalay weerar ku qaaday xarumaha shirkadaha warbaahinta Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, taasi oo ay ku sheegeen howlgal looga jawaabayo hurinta rabashado ka dhan ah Israa'iiliyiinta.
from VOA http://ift.tt/2x3Yrqf
via IFTTT
Tuesday, October 17, 2017
Wasiirka Caafimaadka oo Ka Warbixisay Khasaaraha Qaraxii Zoobe
Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah ee Somalia Drs. Fowsiyo Abiikar ayaa ka warbixisay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee qaraxii isgoyska Zoobbe ee Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2gpD6nZ
via IFTTT
Diyaarado Duqeeyay Shabeelaha Hoose
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqayn dhinaca cirka ah ay ka dhacday gelinkii danbe ee Isniinta meel u dhow Bariire.
from VOA http://ift.tt/2yy74Nl
via IFTTT
Qaraxii Zoobe oo La Ogaaday in Loola Dan Lahaa Saldhiga Milatari ee Turkigu Ka Furay Muqdisho
Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2kXLhJR
via IFTTT
Faah-faahinta Kulamadi Caawa ee Koobka Yurub
Waxaa caawa fiidkii xilliga Yurub dhacay ciyaaro xiiso leh oo ka tirsan wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub.
from VOA http://ift.tt/2yv8GXG
via IFTTT
Italy Ma Usoo Bixi Doonta Koobka Aduunka
Waxaa galabta lagu dhawaaqay isku aadbka ciyaaraha lagu kala soocayo xulalka ugu danbeeya ee Qaarada Yurub ee aadi doona koobka aduunka ee sanadka danbe ka dhici doona dalka Russia.
from VOA http://ift.tt/2ginhf9
via IFTTT
Marcelo oo Loo Heysto Eedeymo Canshuuro La Xiriira
Xiddiga Real Madrid, Marcelo, ayaa masuuliyiinta Spain waxay ku eedeynayaan in uu ku lug yeeshay wax isdaba marin xagga canshuuraadka ah oo ku dhow €490,000 (£436,000; $576,000).
from VOA http://ift.tt/2x3nGsC
via IFTTT
Leicester City oo Erisey Tababarihii Kooxda
Leicester City ayaa shaqadiika erisay tababarihii kooxdaaasi Craig Shakespeare, afar bil uun ka dib markii uu saxiixay heshiis seddex sano ku kacayay.
from VOA http://ift.tt/2ysyTo3
via IFTTT
Amina Maxamed oo ka hadashay Qaraxa Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Aamina Maxamed ayaa ka hadashay kaalinta Kenya ee gurmadka loo fidinayo dadkii wax ku noqday qaraxii Muqdisho. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay 281 qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr boqol oo kale. Wariyeheenna Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.
from VOA http://ift.tt/2x1Je8Y
via IFTTT
App-ka Cusub ee VOA laga Dhageysto.
Dhageysayaasha VOA waxaa loogu bishaareynayaa in VOA Somali ay soo saartay app cusub oo bilaash ah oo lagu shuban karo taleefonnada, tabletyada iyo aaladaha kaleba.
from VOA http://ift.tt/2yrX6Ld
via IFTTT
Gurmad ku qulqulaya magaalada Muqdisho
Waxaa sii socda gurmadka caalamiga ah ee gaaraya magaalada Muqdisho, iyadoo ay maanta gaareen dayuurado sida dawo iyo qalab caafimaad, kuwaa oo qaakood dib u qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2x3mjdl
via IFTTT
Puntland oo ka qeyb galeysa gurmadka Muqdisho
Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dayuurad iyo dhaqaatiir u soo dirayaan Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho. Wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan ka soo dirtay magaalada Boosaaso.
from VOA http://ift.tt/2ytrLI6
via IFTTT
Monday, October 16, 2017
Xus Minnesota Loogu Sameeyay Dhibbanayaashii Weerarki Zoobe
Munaasabad loogu baroor-diiqay dadki ku dhintay weerarki 14-ki bishaan October ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnasota.
from VOA http://ift.tt/2ypxXkh
via IFTTT
35 Ka Mid ah Dhaawacyadi Qaraxi Zoobe oo Xalay La Gaaray Turkiga
Dhaawacyada 35 ruux oo ka mid ahaa dadki si daran ugu dhaawacmay weerarki Sabtidi hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay fiidkii ka dagay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
from VOA http://ift.tt/2gnBATy
via IFTTT
Mareykanka oo Cambaareeyay Qarraxi Muqdisho
Waxaa isa soo taraya cambaareynta caalamiga ah ee loo soo jeedinaya kuwi ka danbeeyay qaraxi uu dhiiga badani ku daatay ee 14-ki October.
from VOA http://ift.tt/2ytZ4wJ
via IFTTT
Kulamada Caawa ee Tartanka Yurub
Waxaa caawa dib u bilaaban doona koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Eufa Champions League.
from VOA http://ift.tt/2yo17mu
via IFTTT
Milan: Montella Meelna Uma Socdo
Maamulka sare ee kooxda AC Milan ayaa ku hagoogtay tababaraha naasigaasi Vincenzo Montella kadib marki ay kooxda ku jabtay kulanki ay Axadi la dheeshay naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Inter Milan.
from VOA http://ift.tt/2gp3wGl
via IFTTT
Leicester 1-1 West Bromwich
Ciyaar xiisa laheyd oo caawa dhex martay kooxaha Leicester City iyo West Bromwich Albion ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1.
from VOA http://ift.tt/2zudtas
via IFTTT
Warbixin: Aabbe laba ilmo ku waayey qaraxii Muqdisho
Aabahan ayaa qaraxa ku waayey 2 canug oo uu dhaley oo gadeyey tabakaayadii uu ku gadanayey ganacsiga markii qaraxa uu dhacayay.
from VOA http://ift.tt/2yrhmg3
via IFTTT
Jabuuti oo dhaqaatiir usoo dirtay Muqdisho
Dhakhaatiir iyo xirfadlayaal kale oo caafimaad oo ka socda dalka Jabuuti ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, si ay u caawiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.
from VOA http://ift.tt/2yn212l
via IFTTT
Fallanqeyn: Maxaa laga baran karaa qaraxii Muqdisho?
Su'aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu hordhigay Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo horeyna usoo noqday agaasimaha nabads-ugidda Soomaaliya iyo Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare oo isna horey usoo ahaa madaxa sirdoonka ee Punland.
from VOA http://ift.tt/2gfw55q
via IFTTT
Somaliland oo cambaareysay Qaraxii Muqdisho
Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaanay tacsi u direen shacabka ay waxyeelladu soo gaadhay iyo dawladda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo VOA la hadlay ayaa qaraxyadaasi ku tilmaamay kuwo murugo leh. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2ylmaGn
via IFTTT
Qaar ka mid ah dhaawacyadii Muqdisho oo loo qaaday Turkiga
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii October ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.
from VOA http://ift.tt/2gIwRbN
via IFTTT
Sunday, October 15, 2017
Dadkii ku Dhintey Qaraxii Muqdisho oo Gaarey 276 Qof
Wasaarada Warfaafinta ayaa warsaxaadeed ay soo saartey ku sheegtey in dhimashadu tahay 276 halka dhaawacana uu gaarayo 300 oo qof.
from VOA http://ift.tt/2ylpsJn
via IFTTT
Wareysi: Shan Wiil oo Hal Qoys ah oo Ku Dhintay Weerarkii Muqdisho
Dadka kale ee dhintay waxaa ka mid ah qoys ay ka baxeen shan qof kuwaasi oo iskugu jiray laba wiil oo wada dhalatay iyo laba wiil oo kale oo ay abtiyaal u ahayeen oo iyagu laftoodu wada dhashay.
from VOA http://ift.tt/2ibweuR
via IFTTT
Bannaanbax Ka Dhan ah al-Shabaab oo Muqdisho ka Dhacay
Waxa xilligii fiidka ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay banaanbax ay dhigayeen dadweynaha magaalada muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2gFZq9J
via IFTTT
Wareysi: Hooyada Dhashey Dhakhtarad Dhawaan Dhameysay Barashada Caafimaadka
Waxaa si weyn u korodhay tirada dadka ku dhintay qaraxii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdishu. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo booqaday cisbitaallada waxay sheegeen inay inay dhinteen dad ka badan 230 qof boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen.
from VOA http://ift.tt/2ier80U
via IFTTT
Dhageyso Wareysiga Cabdiqaadir OK oo Ku Dhaawacmey Weerarkii Muqdisho
Weerarkii shalay ee Muqdisho ka dhacay waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ahaa wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle. Waxa dhaawac ka soo gaaray madaxa iyo gacanta, isagoo hadda lagu daweynayo Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2ypxujV
via IFTTT
Dhageyso Warbixinno iyo Wareysi Dheeraad ah oo ku Saabsan Qarixii Muqdisho
Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71.
from VOA http://ift.tt/2gahKqM
via IFTTT
Turkiga oo Gargaar Direysa Iyo Beesha Caalamka oo Cambaareysay Qaraxii Muqdisho
Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay dadka rayidka ah lagu laayay, waxaanay tacsi u dirtay dowladda, shacabka, ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaasi.
from VOA http://ift.tt/2zawoWC
via IFTTT
Xildhibaanno Sheegey in 218 Ruux ay Ku Dhinteen Weerarkii Muqdisho
Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 218 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71.
from VOA http://ift.tt/2gdmqMW
via IFTTT
Saturday, October 14, 2017
Washington: Shirka Bangigga Adduunka iyo IMF
Magaalada Washington waxaa lagu soo afjaray shir bangigga addunka iyo hay'adda IMF ay soo qaban-qaabiyeen oo ay ka qeybgaleen madaxda hay'ddaha maaliyadda adduunka iyo shirkaddaha ganacsiga.
from VOA http://ift.tt/2gGQocS
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo ku Dhawaaqay Baroordiiq Qaran
Madaxqweynaha Somalia ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay isgoyska Zobe. Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in hoos loo dhigo calanka Jamhuuriyadda
from VOA http://ift.tt/2zoPzwL
via IFTTT
Liverpool iyo Manchester United oo Isku-garab Dhacay
Kooxaha Liverpool iyo Manchester United, ayaa kulan ka tirsan horyaalka dalka Ingriiska ku kala baxay goolal la'aan bar-baro ah, kadib markii ay ku kulmeen gegada Liverpool ee Anfield.
from VOA http://ift.tt/2yK8c1e
via IFTTT
Crystal Palace oo Garaacdey Chelsea
Naadiga kubadda Cagta Chelsea, ayaa guul daro naxdin leh kala kulantay kooxda kubadda cagta ee Crystal Palace, kulan ka tirsanaa horyaalka dalka Ingriiska.
from VOA http://ift.tt/2gEXP4b
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka
Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka oo aad Sabtida ka dhageysataan VOA. Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2iaDt6w
via IFTTT
Dhageyso Bar. Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington oo aad xilliyadan oo kale nooga barateen. Sahra Ciidle Nuur, ayaa soo diyaarisey soona jeedineysa.
from VOA http://ift.tt/2gEXkXR
via IFTTT
Warkii ugu Dambeeyay Qaraxa Muqdisho
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta.
from VOA http://ift.tt/2yo0gld
via IFTTT
Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhawaada dhageysatayaal barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha. Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden, ayaa la diyaar ah.
from VOA http://ift.tt/2ynFzW5
via IFTTT
Dhageyso Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo maanta aynu ku soo qaadan doonno falanqeynta shirkii Kismaayo iyo is casiladdii wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2yjuDXS
via IFTTT
Islamabad oo Shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka oo Lagu Soo Geba-gabeeyay
Magaalada Islamabad ee dalka Bakistaan waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii 64-aad ee hay'adda Caafimaadka Aduunka ay sanadkiiba mar u qabato qabato howl-wadeennada caafimaad ee wadama dhaca Bariga Badda Medhiterraniyanka.
from VOA http://ift.tt/2yndv59
via IFTTT
Qarax Dhimasho Sababay oo Muqdisho ka Dhacay
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta.
from VOA http://ift.tt/2wWgbUb
via IFTTT
Friday, October 13, 2017
Dhageyso Xubinta Ciyaaraha ee Saakay
Galabta iyo caawa ayaa waxaa dhici doona ciyaaro xiisa leh oo ka tirsan horyaalada kubada cakta ee dalalka Yurub.
from VOA http://ift.tt/2iawR7S
via IFTTT
Warbixin: Maxay Tahay Ahmiyadda Istaraatiijiyadeed ee Jabuti?
Dalka Jabuti ayaa lagu sheegaa inuu yahay mid ka mid ah dalalka ugu istaraatiijisan Africa sababtoo ah waxaa mara marin biyoodka Baabal Mandab ee Badda Cas ee u baxa dhinaca Kanaalka Suweys.
from VOA http://ift.tt/2gDWcUn
via IFTTT
Maxay Ciidanka Turkiga u Galeen Suuriya
Ciidamada milatariga Turkiga ayaa Jimcihi shalay gudaha u galay dalka ay deriska yihiin ee Suuriya, si ay goob xasaradaha ka caagan uga hirgeliyaan gobolka Idlib ee dalka Ciraq.
from VOA http://ift.tt/2iawPwM
via IFTTT
Trump oo Istaraatiijiyad Adag Ka Qaatay Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay istaraatiijiyad cusub oo adag oo ku wajahan Dowlada Iran.
from VOA http://ift.tt/2gCVeHU
via IFTTT
Tababarii Xulka K.Cagta Mareykanka oo Is-casliley
Bruce Arena, ayaa iska casiley xilka tababarnimo ee xulka kubadda cagta dalka Mareykanka, kadib markii ay ku guul dareysteen Mareykanka in ay u soo baxaan koobka adduunka ee sanadka 2018 lagu qaban doobo dalka Ruushka.
from VOA http://ift.tt/2xD7bI5
via IFTTT
N'Golo Kante oo 3 Bil Garoomada Ka Maqnaan Doona
Ciyaar-yahanka qadka dhexe ee Chelsea N'Golo Kante ayaa seddex isbuuc garoomada uga maqnaan doona dhaawac soo gaaray darteed, sida ay naadiga Chelsea shaacisay.
from VOA http://ift.tt/2kK52Eq
via IFTTT
Siyaasiyiin Lagu Xirey Garoowe
Magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland ayaa galabta lagu xiray afar ka mid ah rag siyaasiyiin, ganacsato iyo wargarad isugu jira.
from VOA http://ift.tt/2z5Y6UH
via IFTTT
Dibadbax ka dhan ah Shirkii Kismaayo oo ka Dhacay Garbahaarey
Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii dhawaan magaalada Kismaayo ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada.
from VOA http://ift.tt/2z5eZP8
via IFTTT
Faaqidaadda: Loolanka Turkiga iyo Imaaraadka ee Somalia
Barnaamijka faaqidaadda waxa uu ku saabsan yahay loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku wajahn Soomaaliya, kaasi oo warbaahinta caalamiga ah ay aad uga hadlayaan. Waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan.
from VOA http://ift.tt/2zl1pba
via IFTTT
Bandhig Dhaqan oo ka Socda Muqdisho
Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay Carwo dhaqameed ay haweenka degmooyinka gobolka ku soo bandhigayaan agabka hidaha iyo dhaqanka iyo farshaxanka. Bandhiggan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Banaadir ayaa loogu talagalay in shaqo abuur loogu sameeyo laguna kobciyo wax soo saarka farsamada gacanta ee dumarka. Wariyeheenna Seynab Abuukar oo Carwadaasi tagtay ayaa warbixintan inoo soo dirtay.
from VOA http://ift.tt/2z53PtF
via IFTTT
Trump oo Taageerada Kala Noqonaya Heshiiska Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta taageerada kala noqdo heshiiska Nuclear-ka Iran, hase yeeshee lama filayo inuu baabi'iyo heshiiska.
from VOA http://ift.tt/2yeVdE6
via IFTTT
Thursday, October 12, 2017
Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo Wali Cakiran
Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.
from VOA http://ift.tt/2yfRUN7
via IFTTT
Kulamada Sabtida ee Horyaalka Ingiriiska
Birri galab iyo habeen danbe waxaa dib u bilaaban doona horyaalada kubada cakta ee Yurub, kadib marki 10-ki maalmood ee lasoo dhaafay ay dunida ka dhacayeen ciyaaraha is-reeb-reebka loogu soo baxayo koobka aduunka ee 2018-ka lagu qaban doono Ruushka.
from VOA http://ift.tt/2i74Zlj
via IFTTT
Laacib 16-jir ah oo Laga Yaabanyahay
Horyaalka Talyaaniga ee Seria A-da ee xilli ciyaareedkan waxaa aad looga hadal hayaa laacib 16 sano jir ah oo u ciyaara kooxda Genoa kaasoo lagu magacaabo Pietro Pellegri.
from VOA http://ift.tt/2i8s07w
via IFTTT
Man City oo Wali Rabta Alexis
Kadib marki ay xagaagi lasoo dhaafay ku guuldarreysatay in ay soo xero geliso Alexis Sanchez ayay kooxda Manchester City qorsheyneysaa mar kale inay isku daydo bisha Janaayo ee soo socota.
from VOA http://ift.tt/2gzUnYC
via IFTTT
Warbixin : "Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha Da'da Yar"
11 ka bisha October oo Arbacadii shalay ku beegneyd, ayaa sanadkasta dunida laga xusaa "Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha yar yar," iyada oo maalintaasi la xoojiyo wacyi galinta, caafimaadka, waxbarashada iyo daryeelka hablaha.
from VOA http://ift.tt/2xBpOYd
via IFTTT
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
Waxaa galabta ah iscasilay wasiirkii Gaashaandhigga iyo taliyihii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2z2i2aF
via IFTTT
Dekadda Boosaaso Si Rasmi ah Loogu Wareejiyay Shirkad Shisheeye
Waxaa maanta si rasmi ah maamulka dekedda magaalada Boosaaso loogu wareejiyey shirkad lagu magacaabo P&O oo laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
from VOA http://ift.tt/2i6xFLb
via IFTTT
Wareysi: Maalinta Calanka Soomaaliya, 12-ka October
Maanta oo kale 12kii bishii October 1954tii oo laga joogo 63 sanadood waxey ku beegan tahay malinta aas'aska calanka Soomaaliya ee Buluugga ah ee Xidigga Cad ee shanta gees ay dhexda kaga taallo.
from VOA http://ift.tt/2i6C28S
via IFTTT
Xamas iyo Fatax oo Heshiis Gaaray
Kooxda Xamas ee Falastiin ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay kooxda ay iska soo horjeedaan ee Fatax, kaasi oo ku saabsan dib u heshiisiin siyaasadeed.
from VOA http://ift.tt/2zix6lB
via IFTTT
Wednesday, October 11, 2017
Dhageyso Xubinta Ciyaaraha
Ciyaartooy caan ah ayaa sanadka danbe ka maqnaan doona koobka aduunka, kadib marki ay hareen xulalkooda.
from VOA http://ift.tt/2i6Smqt
via IFTTT
Warbixin: Alaab Dhaqe Isu Baddalay Milyaneer
Tashita Tufaa, oo ah nin Ethiopian ah balse dagan Mareykanka ayaa noloshiisa ku sameeyay isbadal weyn, kadib marki uu shaqo kasoo bilaabay alaab dhaqid kadibna noqday milyaneer.
from VOA http://ift.tt/2gx5v8w
via IFTTT
RW Kheyre: Nalama Cabsigelin Karo
Raysal wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay xuska munaasabada maalinka calanka Somaliya uga hadlay xaaladaha adag ee siyaasadeed ee uu hadda dalka marayo.
from VOA http://ift.tt/2i6KyEZ
via IFTTT
IS oo Lagu Eedeeyay Inay Dishay Askar Mareykan ah
Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda ISIS ay mas,uul ka aheyd weerar todobaadki hore ka dhacay dalka Niger oo lagu dilay afar askari oo Mareykan ah.
from VOA http://ift.tt/2yG39Pf
via IFTTT
Kaka oo Ka Tagaya Orlando
Laacibki hore ee aduunka Ricky Kaka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda kubadda cakta Orlando City ee dalkan Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2kHCwDD
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo ku Baaqay Midnimo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo saaray warsaxaafadeed ku aadan shirkii madaxda maamul goboleedyada ugu soo dhammaaday Kismaayo ayaa ku baaqay midnimo.
from VOA http://ift.tt/2gwtzbE
via IFTTT
Goolkii Sababay in Mareykanka uu Haro oo Muran uu ka Jiro
Haddii FIFA ay qarashaad badan gelin laheyd tignoolajiyadda sheegta in kubaddu ay dhaaftay xariiqinta goosha, maanta Mareykanka waxay ka mid noqon laheyd dalalka ka qeyb galaya koobka adduunka ee sanadka 2018.
from VOA http://ift.tt/2yEk84u
via IFTTT
Figo oo La Taliye Loogu Magacaabay UEFA
Ciyaar-yahankii hore ee Burtaqiiska Luis Figo, ayaa UEFA u magacowday in uu noqdo lataliyaha UEFA ee dhinaca kubadda cagta, sida ay hay'addaasi sheegtay Arbacadii.
from VOA http://ift.tt/2guYQf2
via IFTTT
Fallanqeyn: Maxay ka Dhigan yihiin Go'aanada Shirka Kismaayo
War-murtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Ksimaayo waxayna ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay kala tashato arrimaha masiiriga ah ee taabanaya shacabka ku nool gobollada. War-murtiyeedkaas ayaa gobolladu waxay walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helaan kaalmada caalamiga, waxay kalsoo sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida dawladda federaalku u maamulayso arrimaha federaalaynta, dastuurka iyo xeerarka kale ee kasoo baxa dawaladda dhexe. Hadaba War murtiyeedkan Maxaa nuxur ah oo ku jira? Muxuuse uga dhigan yahay khilaafka dowladda iyo Maamul goboleedyada? Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa su'aalahaas iyo kuwo kaleba weydiiyay Professor Liibaan Ciise oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, khadka taleefanka Muqdisho ayuu kula xiriiray.
from VOA http://ift.tt/2ybqjMG
via IFTTT
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
War martiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Ksimaayo waxaana lagu aas-aasay gole ay ku mideysan madaxda. Gaas ayaa uga warramay VOA.
from VOA http://ift.tt/2yFZalX
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 392
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 392-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2hAVnex
via IFTTT
War-murtiyeed kasoo Baxay Shirka Maamul Goboleedyada
War-murtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Ksimaayo waxayna ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay kala tashato arrimaha masiiriga ah ee taabanaya shacabka ku nool gobollada.
from VOA http://ift.tt/2gbymT0
via IFTTT
Doorasho Maanta ka Dhacday Degmada Xudur
Degmada Xudur ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii u horaysay yeelatay gole deegaan iyo maayar ay iska soo dhex doorteen. Doorashadan oo maanta ka dhacday degmadaasi ayay xubnaha golaha deegaanku cod qarsoon oo sanduuq ah ugu codeeyeen guddoomiyaha degmada iyo labadiisa ku xigeen. Xildhibaan Maxamed Macalin Aadan oo ku magac dheer "Mad Muran" waa guddoomiye ku xigeenka guddida arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo dawladaha hoose ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uu ka mid ahaa masuuliintii qaybta ka qaatay waxaana uu waxyar kadib markii doorashadu ay dhacday isagoo jooga Xudur uu u waramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, waxaana uu ugu horeyn sharaxayaa sida ay ku soo bilaabantay.
from VOA http://ift.tt/2ygyKG3
via IFTTT
Xiisad ka Dhex Oogan Mareykanka iyo Turkiga
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay "inay aad uga niyad jabtay" go'aanka dowladda Turkiga ay ku xirtay laba ka mid ah shaqaalada safaaradda Mareykanka, xilli ay sare usii kaceyso xiisad ka dhex oogan labada dal.
from VOA http://ift.tt/2hAHD3r
via IFTTT
Tuesday, October 10, 2017
Argentina oo Usoo Baxday Koobka Aduunka iyo Mareykanka oo Haray
Xidiga caanka ah ee Lionel Messi ayaa u suura geliyay xulkiisa Argentine in ay usoo baxaan ciyaaraha koobka aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Russia, kadib marki ay xalay 3-1 ugu awood sheegteen xulka Ecuador.
from VOA http://ift.tt/2xy5lna
via IFTTT
Robben oo Ka Fariistay Ciyaaraha
Kabtanka xulka qaranka dalka Holland Arjen Robben ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, kadib marki xalay uu xulkiisa ku guuldareystay inuu usoo baxo koobka aduunka.
from VOA http://ift.tt/2i0yEMX
via IFTTT
Portugal iyo France oo Soo Gudbay
Xulalka kubadda cakta ee Portugal iyo France ayaa usoo gudbay ciyaaraha koobka aduunka ee sanadka 2018-ka lagu qaban doono dalka Russia.
from VOA http://ift.tt/2i4Hl9b
via IFTTT
Odinga oo Qaadacay Doorashada 26-ka October
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inaanu ka qaybgeli doono doorashada ku celiska ah ee madaxtinnimada oo lagu waday inay dhacdo 26-ka October.
from VOA http://ift.tt/2kDTfYt
via IFTTT
Mombasa: Weerar lagu Dilay Shaqaale Jaamacadeed
Laba ka mid ah shaqaalaha Jaamacad ku taalla Mombasa ee dalka Kenya ayaa dhimatay, markii rag hubeysan rasaas ku fureen gaari iyaga iyo arday kale u siday Jamacadda maanta oo Talaada ah. Heybta dableyda weerarka geysatay ayaan weli la garaneyn, laakiin booliska deegaanka xeebta Mombasa ee Kwale, ee ay ku taala jaamacadda Farsamada ee Mombasa ayaa sheegay inay noqon karaan burcad ama mintidiin. Wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa arrintan ka wareystay, Maxamed Cabdi Bootaan oo ah wariye ka tirsan Radio Salaama.
from VOA http://ift.tt/2i0WsQK
via IFTTT
Shabaab Rayid ku Dilay Sh/Hoose oo Iyagiina la Dilay
Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ku rasaaseeyay afar qof oo rayid ah oo saarnaa gaari, halkaas oo ay ku dileen saddex ka mid ah, mid kalena ay ku dhaawaceen. Maleeshiyadaa oo watay gaari iyo mooto oo shan qof ahaa ayaa markii dambe waxay dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku raad joogay, kuwaa oo markii dambe dilay afar ka mid ah maleeshiyada. Wariyeheenna Sahra ciidle Nuur ayaa dhacdadan ka wareysatay Cali Nuurre oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka Shabeellaha Hoose.
from VOA http://ift.tt/2zc1wpI
via IFTTT
Kooxo Soomaali ah oo Tartan ugu Soo Dhamaaday Virginia
Tartan ciyaareed oo kubadda cagta ah ayaa lagu soo gaba gabeeyay gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington. Waxana tartankaani ka qeyb galay kooxo ka kala yimid Mareykanka iyo Kanada. Jamaal Axmed Cismaan ayaa warbixinan ka diyaariyay.
from VOA http://ift.tt/2wKfuxa
via IFTTT
Tirada Dadka Qaatay Kaadhka Codbixinta Somaliland oo la Shaaciyey
Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay tirada dadka qaatay kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda, iyagoo sheegay inay qaateen 704,089 oo cod bixiye kuwaasi oo ka codayn doona 1642 goobood oo ku yaalla 21 degmo doorasho.
from VOA http://ift.tt/2y87CXQ
via IFTTT
Liberia oo Madaxweyne Cusub Dooraneysa
Codbixiyayaasha dalka Liberia ayaa maanta codadkooda ka dhiibanaya doorashada madaxweyne ee dalkaas, oo astaan u noqon doonta markii ugu horeysay ee si dimqoraadi ah xukunka dalkaas lagula kala wareego, muddo 70 sano ah.
from VOA http://ift.tt/2yDCpPC
via IFTTT
Monday, October 9, 2017
Xaaskii Hore ee Trump oo Ku Kajantay Inay Tahay Marwada 1-aad
Xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump ee Ivana, ayaa ku kaftantay inay tahay marwada koowaad maadaama ay ahayd xaaskii u horreysay ee Donald Trump.
from VOA http://ift.tt/2g7DO9a
via IFTTT
Dab Xoog Leh oo Hadda Ka Soconaya California
Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo badan oo ka mid ah gobolka California ee dalka Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2yB3iU6
via IFTTT
Xulka Iceland oo Taariikh Sameeyay
Xulka kubadda cakta Iceland ayaa marki ugu horreeysay taariikhda u soo baxay ciyaaraha koobka aduunka ee sanadka danbe ka dhici doonta dalka Russia, kadib marki ay xalay 2-0 ku garaaceen xulka Kosovo.
from VOA http://ift.tt/2yUm6tF
via IFTTT
Musharraxiinta Ballon d'Or oo La Shaaciyay
Majallada ka foolloota ciyaaraha kubadda ee France Football ayaa Isniinti ku dhawaaqday 30-ka laacib ee u dharraxan abaalmarinta sanad laha ah ee Ballon d'Or ee la siiyo xidiga ugu wanaagsan aduunka dhinaca kubadda cakta.
from VOA http://ift.tt/2gqdsMx
via IFTTT
Argentine, Holland, Portugal; Qarka Ayay saaran Inay Ka Haraan K.Adduunka
Dhageyso Xubinta CIyaaraha, oo qodoobada aad ku maqli doontaan ay ka mid yihiin, dalal magac weyn ku leh koobka kubbadda cagta adduunka oo qarka u saaran inay sanadkan seegaan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya,
from VOA http://ift.tt/2goPvFF
via IFTTT
Soomaaliya oo Guul Darro Xooggan kala Kulanta Ruushka
Xulka Kubad Caga-yaraha Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya tartanka koobka kubbad caga-yaraha adduunka ee dalka Tunisia ka soconaya, ayaa guul darro xanuun badan kala kulmay dhiggooda Ruushka.
from VOA http://ift.tt/2yBl3Ts
via IFTTT
Kenya oo Sheegatay in ay Dileen Shan Shabaab Ah
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegey in ay dileen maleeshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab ayna sidoo kale saanado ciidan ku soo qabteen, howl gal ay ciidankoodu sameeyeen.
from VOA http://ift.tt/2ybgFJN
via IFTTT
Shil Dhimasho Sababay oo Ka Dhacay Duleedka Gabilley
Afar qof ayaa dhintay oo uu ka mid yahay guddoomihii magaalada Kala-baydh oo 75Km dhinaca galbeed ka xigta Hargeysa, shan kalena waxa soo gaaray dhaawac ka dib markii laba baabuur ay isugu dhaceen jidka u dhaxeeya Gabilley iyo Kala-baydh.
from VOA http://ift.tt/2yU78Ut
via IFTTT
Weerar Ka Dhacay Duleedka Boosaaso oo Dhimasho Sababay
Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa weerar ay xalay maleshiyada ururka Al-Shabab ku qaadeen bar kontorool oo ku taalla duleedka magaalada Boosaaso.
from VOA http://ift.tt/2z9Q8dP
via IFTTT
Wareysi: Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga, Diini
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Cabdul-qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya inay si wadajir ah u shaqeeyaan iyo in la deddejiyo dhammaystirka dastuurka, si ayuu yidhi ay u yaraadaan is-qab-qabsiga mas'uuliyiinta.
from VOA http://ift.tt/2ySXxx8
via IFTTT
Kheyre: Ugu Dambeyn Sanadkan Waa la Bixinaya Mushaaraadka
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale ballan qaaday in dawladdiisu ay bixin doonto mushaharaadka ciidanka iyo shaqaalaha dawladda ugu dambayn dhammaadka sannadkan.
from VOA http://ift.tt/2zahAZ6
via IFTTT
Sunday, October 8, 2017
Shirka madaxda Maamul-goboleedyada oo Kismaayo ka furmay
Magaaladsa Kismaayo waxaa caawa fiidkii ka furmay shir ay leeyihiin hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2y8qF5V
via IFTTT
Dooni Lagu Qabtay Xeebta Puntland
Mas'uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay inay soo qabteen doon si sharci-darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Soomaaliya oo laga leeyahay dalka Iiraan kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamadu
from VOA http://ift.tt/2gmgHVB
via IFTTT
Nin Lagu Dilay Degmada Waajid
Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inay dileen nin watay gaari dameer oo u socday magaalada Waajid,iyada ilo lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegayeen in gaari dameerkaasi ay cunto saarnayd .
from VOA http://ift.tt/2wGxXdZ
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xildhibaan Cabdi Qeybdiid oo xubin ka ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, waxana uu ka jawaabayaa su'aalaha dhageystayaasha VOA.
from VOA http://ift.tt/2fTIziX
via IFTTT
Saturday, October 7, 2017
Shirka Dib-u-eegista Dastuurka oo Baaqday
Dowladda Somalia ayaa dib u dhigtay shirweynaha dib u eegista dastuurka oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii guddiga madaxa bannaan iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee baarlamaanku ay qaadaceen.
from VOA http://ift.tt/2yPakko
via IFTTT
Shirkii Kismaayo oo Baaqday
Shirkii lagu waday in maanta uu magaalada Kismaayo uga furmo madaxda maamul-gobolleedyada ayaa baaqday oo dib u dhacay kadib markii ay soo dhameystirmi waayeen madaxdii maamullada ee shirka ka qeyb gali lahaa.
from VOA http://ift.tt/2gkuonK
via IFTTT
Nigeria oo Usoo Baxday Koobka Aduunka
Xulka qaranka Nigeria ayaa noqday dalki ugu horeeyay oo Afrikaan ah oo usoo baxa koobka adduunka ee sanadka danbe lagu qaban doono dalka Russia, kadib marki ay 1-0 uga badiyeen xalay xulka Zambia.
from VOA http://ift.tt/2wF2qt0
via IFTTT
London: Baabuur Dhaawacay 11 Qof
Adeegga gurmadka ee London ayaa sheegay in dadkii dhaawacmay laga daweynayo lugaha iyo madaxa, iyada oo sagaal ka mid ah cisbitaalka loo qaaday, booliiska ayaa intaas ku daray in mid ka mid ah dhaawacyadu uu aad u daran yahay.
from VOA http://ift.tt/2y0QAxj
via IFTTT
Gen. Badmeceeye oo Muqdisho lagu Aasay
General Badmeceeye oo Maraykanka ku geeriyooday ayaa maanta laga dejiyey gegida caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan, lagu aasay Degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
from VOA http://ift.tt/2y3mKpk
via IFTTT
Soomaaliya oo Ka Qeyb Galeysa Koobka Caalami ah
Dalka Tunisia waxa si rasmi ah uga furmey tartanka kubbad caga yaraha adduunka, oo markii labaad taariikhda la qabanayo. Wax aka qeyb galaya 24 dal oo ay Soomaaliya ku jirto. Tartankii hore waxa lagu qabtay dalka Mareykanka waxana ku guuleystay isla Mareykanka
from VOA http://ift.tt/2y3wIr7
via IFTTT
Aar Maanta iyo Fiisaha Maraykanka
Fanaanka Soomaaliyeed, Xasan-Nuur Sayid, oo loo yaqaano Aar Maanta, iyo kooxdiisa - the Urban Nomads- ayaa la filayay in todobaadkan ay bandhig faneedyo toos ah iyo siminaaro ay kaga qeyb galaan gobolka Minnesota, hase yeeshee ka baaqday fiisihii oo laga daahiyey dartii.
from VOA http://ift.tt/2y0ATGo
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaa marti ku ah fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan (Hilaac) iyo qubanayaal kale.
from VOA http://ift.tt/2y3jV7R
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka waxaa marti ku ah Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo bartay xiriirka caalamiga ah, horayna Wasiirka Waxbarashada uga soo noqday Dawladda Federaalka ee Somalia.
from VOA http://ift.tt/2y0nJZW
via IFTTT
Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha
Ku Soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha oo toddobaadkan ay la diyaar yihiin Ibraahim Xasan Maxamuud (Daandurey) iyo Caasho Ibraahim Aaden (Caasho Cuud).
from VOA http://ift.tt/2z5wNuo
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka oo qodobbo xiiso badan aad ku dhageysan doontaan. Waxan ku falan qeyn doonnaa Booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Sacuudiga iyo Suudaan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://ift.tt/2wDXsNl
via IFTTT
Kulan Amniga Looga Hadlayay oo Muqdisho Lagu Qabtay
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay arrimaha aminga ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa daba socday kulankii horey uga dhacay magaalada London ee xoojinta aminga dalka.
from VOA http://ift.tt/2z5wekg
via IFTTT
Gaarisa oo Dadkii Abaartu ay Saameysay Mashruuc Loo Furey
Maamulka Garissa oo kashaneyso dowladda dhexe ayaa bilaabay mashruuc loogu gar-gaarayo dadka iyo duunyada ay abauruhu ay saameyeen.
from VOA http://ift.tt/2yOm1rl
via IFTTT
Friday, October 6, 2017
Sacuudiga oo Is-Hubeynaya
Dowladaha Ruushka iyo Sacuudiga ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis dhinaca hubka ah oo ay Moscow uga iibineyso gantaalada nidaamka difaaca cirka xukuumadda Riyadh.
from VOA http://ift.tt/2xnFrqX
via IFTTT
K.Waqooyi oo Tijaabineysa Gantaal Kale
Dowlada Mareykanka iyo khubarro kale oo caalami ah ayaa isku raacay in ay u badantahay in Waqooyiga Kuuriya ay maalmaha fooda nagu soo hayo ay tijaabin doonto gantaalkeedi ugu danbeeyay ee ah kuwa riddada dheer.
from VOA http://ift.tt/2y0nZph
via IFTTT
Xulka Iceland oo Qarka u Saaraan Inuu Taariikh Sameeyo
Xulka kubadda cakta ee dalka Iceland ayaa u qarka u saaran inuu marki ugu horreysay taariikhda u soo baxo ciyaaraha koobka adduunka, kadib marki ay xalay 3-0 uga badiyeen xulka Turkey.
from VOA http://ift.tt/2gjb4qU
via IFTTT
Iniesta oo Noloshiisa u Hibeeyay Barcelona
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa Jimcihi maanta saxiixay qandaraas cusub oo uu kooxda kula joogayo inta noloshiisa ka harsan.
from VOA http://ift.tt/2fQBCiF
via IFTTT
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Iscasilay
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa iska casilay safiirnimada sababo la xiriira arrimo isaga u gaar ah.
from VOA http://ift.tt/2xZey9z
via IFTTT
Ricardo Carvalho oo 7 Bilood Xabsi ah Lagu Xakumay
Difaacii hore ee kooxaha Chelsea iyo Real Madrid Ricardo Carvalho, ayaa lagu xakumaya toddobo bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 142,882 euros ($167,000).
from VOA http://ift.tt/2yuLr18
via IFTTT
Jupp Heynckes oo Leylin Doona Bayern Munich
Jupp Heynckes, ayaa mar kale dib ugu soo laabanaya howsha macalinnimo, isagoo tababari doono kooxda Bayern Munich illaa iyo inta ka harsan xilli ciyaareedkan, naadiga Bundesliga ayaa sidaasa sheegtay Jimcaha.
from VOA http://ift.tt/2y0bN8a
via IFTTT
Faaqidaadda: Khilaafyada Maamullada Soomaaliya
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, waxa uu ku saabsan yahay xiisadda ka dhex ooggan maamul goboleedyada Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyey dowladda Soomaaliya ee ah inay ku lug leedahay ayna faro-gelin ku hayso maamul goboleedyada Soomaaliya. Barnaamijka waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.
from VOA http://ift.tt/2xY9RiO
via IFTTT
Soomaaliya iyo Sudan oo Heshiisyo kala Saxiixday
Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa heshiisyo ku kala saxiixday magaalada Khartoum ee dalka Sudan oo uu booqasho ku tagey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
from VOA http://ift.tt/2yL3GeU
via IFTTT
Thursday, October 5, 2017
Wasiirka Maaliyadda: Waxaa Naga Go,an Daabacaadda Lacag Cusub
Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay inay ka go'an tahay inay soo daabacdo lacag cusub oo iskugu jirta shilimaad iyo waraaq ka hor inta uusan dhammaanin sannadkan.
from VOA http://ift.tt/2gfIsiu
via IFTTT
Warbixin: Saboolnimo Baahsan oo Ka Jirta Soomaaliya
Bankiga Adduunka ayaa sheegay in labadii qof ee Soomaali ahba uu mid ku nool yahay nolol saboolnimo ah.
from VOA http://ift.tt/2xm3Ckq
via IFTTT
Trump oo Burrin Doona Heshiiskii Niyukleerka Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu burriyo heshiiskii Niyukleerka ee Iran, isaga oo dib ugu celin doono aqalka Congareeska si cunaqabateyn cusub loo saaro Iran.
from VOA http://ift.tt/2z0mSWN
via IFTTT
Mareykanka oo Xaqiijiyay In Askar Looga Dilay Niger
Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in saddex askari looga dilay waqooyigalbeed ee dalka Niger, kadib marki ay la kulmeen weerar gaadma ah xilli ay wadeen howlgal roonda ah.
from VOA http://ift.tt/2kpR0HT
via IFTTT
England Iyo Germany oo U Soo Baxay Koobka Aduunka
Xulalka kubadda cakta ee Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa u usoo baxay ciyaaraha Koobka Aduunka ee ka dhici doona dalka Russia bartamaha sanadka soo socda ee 2018.
from VOA http://ift.tt/2hQLxJm
via IFTTT
Syria oo Rajo Ka Leh Koobk Aduunka
Xulka Qaranka ee ay la dageen dagaalada sokeeye ee Suuriya ayaa rajo ka qaba inuu ka mid noqdo 32-ka dal ee ka qeybgali doona Koobka Kubadda Cakta Aduunka ee sanadka soo socda ka dhici doona dalka Russia.
from VOA http://ift.tt/2wANwnE
via IFTTT
Andres Iniesta oo Wada Hadal ugu Yeerey Catalonia iyo Dowladda Spain
Kabtanka Barcelona iyo xiddga qadka dhexe ee Spain Andres Iniesta, ayaa wada hadal ugu yeerey dowladda Spain iyo hoggaamiyayaasha Catalonia, si ay u xalliyaan khilaafaadkooda.
from VOA http://ift.tt/2gdtk56
via IFTTT
Hakad ku Yimid Ganacsigii Suuq Bacaad
Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa hakad ku jira guud ahaan ganacsigii suuqa kadib dil shalay ka dhacay.
from VOA http://ift.tt/2xY2ju8
via IFTTT
Shabeel Weerar ku Qaaday Wanlaweyn
Weerarkaasi ayaa Shabeelka waxa uu ku dhaawacay ilaa iyo todoba qof oo ay caruur ku jirto.
from VOA http://ift.tt/2xY8Xk8
via IFTTT
Warbixin: Xaaladda Degmada Warsheekh
Degamada Warsheikh waa magaalo ku taala koonfur Bari Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Soomaaliya. Waa magaalo taariikh ku leh xillgii gumestaha reer yurub iyo faafintii Diinta Islamka. Magaalada oo magaalo kaluumeysi ah waxaa lagu tiriyaa meelaha leh mustaqbalka dalxiis haddii horumarin ay hesho. Wariyeheenna Xuseen Xassan Dhaqane ayaa booqday magaalada Warbixintan ayuuna nooga soo diray.
from VOA http://ift.tt/2y2T79F
via IFTTT
Liberia: Haween Badan oo Xilal Sare u Tartamaya
Qaar badan oo ka mid ah haweenka hogaamiyeyaasha ah ee dunida ayaa sanadahan dambe indhaha caalamka soo jiitay kadib markii ay horumar muuqda ka sameeyeen dhinacyada nabad gelyada, horumarka iyo dhaqalaha dalalka ay madaxda ka yihiin.
from VOA http://ift.tt/2y3cjnP
via IFTTT
Ciidamada Ciraq oo Qabsaday Magaalada Hawija
Ciidamada Ciraq ayaa magaalada Hawija iyo xaafadaha ku hareereysan ka qabsaday kooxda Daacish, inkasta oo weli dagaalo kooban ay ka socdaan bariga iyo waqooyiga magaalada, sida ay sheegeen milatariga.
from VOA http://ift.tt/2fKWwQm
via IFTTT
Wednesday, October 4, 2017
Argentina, Uruguay iyo Paraguay oo Fifa Dalab U diraya
Dalalka Argentina, Uruguay iyo Paraguay ayaa sheegay in ay doonayaan in ay si wada jir ah u marti geliyaan koobka aduunka ee sanadka 2030-ka la qaban doono.
from VOA http://ift.tt/2y1L2Cu
via IFTTT
Heynckes Miyaa Kuso laabanaya Bayern?
Qaar ka mid ah wargeysyada ka faallooda ciyaaraha ee dalka Jarmalka ayaa maanta daabacay in tababarihii hore ee Bayern Munich Jupp Heynckes uu ka laaban doono go,aankii uu uga fariistay tababaranimada sanadki 2013-ki.
from VOA http://ift.tt/2fRBEub
via IFTTT
Dalalka Somaliland Taageera oo ka Hadlay Doorashada
Dalalka Somaliland ka taageera doorashada ayaa hannaanka kaadh-qaybinta codbixiyaha iyo sidoo kale doorashada ku tilmaamay mid u socda si sax ah.
from VOA http://ift.tt/2xUhrZn
via IFTTT
Barcelona oo Ka Gadoodsan Dowladda Spain
Barcelona, ayaa ku biireysa gadood sameyn ka dhan ah dowladda Spain, taas oo ku aaddan tallaabooyinkii ay dowladdu kaga jawaabtay intii ay socotey codeyntii madax bannaanida Catalonia.
from VOA http://ift.tt/2hLWGex
via IFTTT
Layvin Kurzawa oo Laga Saaray Liiska Xulka Faransiisk
Difaaca Paris Saint-Germain, Layvin Kurzawa, ayaa laga saaray liiska xulka dalka Faransiiska kulamada ay Faransiiska la dheeli doonaan xulalka dalka Bulgaria iyo Belarus, is reeb reebka koobka adduunka.
from VOA http://ift.tt/2xgVJBW
via IFTTT
Abdulahi Sharif oo la Sheegay inuu ku Noolaan Jiray Mareykanka
Mas'uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in Cabdullaahi Xasan Shariif oo habeennimadii sabtidii weerar ka gaystay magaalada Edmonton ee dalka Canada kadib markii uu baabuur jiidhsiiyey shan qof, isla markaana toorriyeeyey sarkaal booliis ah uu ku noolaan jiray magaalada San Diego ee gobolka California.
from VOA http://ift.tt/2xTzsai
via IFTTT
Kalluumeysatada Ceel-Macaan oo Cabanaya
Kalluumaysata deegaanka Ceel Macaan oo waqooyi kaga toosan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya biro daxalaystay oo ku jira biyaha badda kuwaasi oo halis ku ah naftooda iyo shabaqa ay ku kalluumaystaan. Waxay sheegeen in birahaasi ay degaankaais yimaadeen xilligii ay shaqayan jirtay dekedda macmalka ee Ceel-Macaan sanandihii sagaashameeyada dabayaqaadeedii iyo horraantii labada kun. Weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane ayaa tagay Ceel Macaan, Falastiin Axmed Iimaan ayuu uga warramay dhibaatada haysata kalluumaysata.
from VOA http://ift.tt/2xg2e7Z
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 391
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 391-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2xTKNqE
via IFTTT
Muslimiinta iyo Yahuuda Mareykanka oo Isbaheysi Sameystay
Isbaheysi ay sameysteen Muslimiinta iyo Yahuudda Mareykanka si uu ula dagaalamo naceybka ka dhanka ah bulshooyinkaas, una aas-aaso xiriir wanaagsan oo dhex-mara, ayaa sii ballaaranaya
from VOA http://ift.tt/2xgkrlI
via IFTTT
Tuesday, October 3, 2017
Baariyaasha oo Ku Jah-wareersan Weerarki Las Vegas
Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Las Vegas Joseph Lombardo ayaa sheegay in ay rumeysanyihiin in baarayaasha ay heli doonaan sababaha keenay toogashi ugu xumeyd ka dhacda Mareykanka taariikhdan casriga ah.
from VOA http://ift.tt/2y0eM2o
via IFTTT
Chelsea oo Ku raad Joogta Alex Sandro
Kadib marki ay ku hungowday xagaagi hore helitaanka daafaca dadabka bidix ee kooxda Juventus Alex Sandro, ayey Chelsea hadda diyaar la tahay in ay mar kale dalab u dirto.
from VOA http://ift.tt/2xYn5vK
via IFTTT
Morata oo Muddo Maqnaanaya
Weeraryahanka koxda Chelsea Alvaro Morata ayaa lagu wadaa inuu ka maqnaado garoomada wax ka badan 5 todobaad kadib marki uu dhaawac kasoo gaaray muruqaha cajirka.
from VOA http://ift.tt/2yHkEKS
via IFTTT
Ozil oo Lala Xiriiriyay Inter
Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la sheegayaa in ay isu diyaarineyso dalab xoogan oo ay bisha Jannaayo u diri doonto laacibka khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Jarmalka Mesut Ozil.
from VOA http://ift.tt/2xRlgOW
via IFTTT
Daacish oo Sheegatay Dil ka Dhacay Boosaaso
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii caawa waxay toogsho ku dileen hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso.
from VOA http://ift.tt/2klz1Ci
via IFTTT
Maxkamadda Sare ee Galmudug oo Go'aan soo Saartay
Maxkamadda ayaa shaacisay inay sharci tahay xil ka qaadistii saddexda mas'uul ee ugu sarraysa maamulkaasi ee kala ah Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carrabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
from VOA http://ift.tt/2yG0Mry
via IFTTT
Maxay ka Dhigan Tahay Deeqda Sacuudiga ee Soomaaliya?
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in boqortooyada Sacuudiga ay ugu deeqday lacag gaareysa 50 milyan oo dollar. Hadalkan ayaa waxaa sheegay Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
from VOA http://ift.tt/2ylrtGe
via IFTTT
Wareysi: Will Aragga La' oo ka Shaqaysta Hargeysa
Inta badan dadka araga naafada ka ah ayay soo waajahaan duruufo xaga nolosha ah oo saamayn ku yeesha nolol maalmeedkooda caadiga ah, hasa yeeshee waxa jira xubno kooban oo aan niyad jabin isla markaana sii wata nolosha intii karaankooda ah. Mawliid Yuusuf Colow waa wiil araga naafo ka ah waxaana uu magaalada Hargeysa ku haystaa kaalin biyaha laga dhaamiyo oo uu in mudo ah ku xoogsanayay. Mawliid oo u waramay barnaamijka dhalinyarada ee VOA ayaa sheegay inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan isaga iyo asxaabtiisa kale ee araga naafada ka ah urur u gaar ah oo ka shaqeeya danahooda. Wariyaha VOA Haashim Shekh Cumar Good ayaa magaalada Boorama kula kulmay isla markaana ka waraystay sida ay ugu suurtogasho inuu xoogsado isagoo aan waxba arkayn.
from VOA http://ift.tt/2g8jQIl
via IFTTT
London: Fal Argagax Leh oo ka Dhacay Tareen
Rakaab saarnaa tareen marayey magaalada London ayaa si argagax leh uga baxay tareen xilli mashquul badan lagu jiro ka dib markii ay aad uga cabsadeen erayo ka mid ah kutaabka beybalka Christianka oo uu aqrinayay nin rakaabka ka mid ahaa. Arrintaasi ayaa ka dhacday boosteejada tareenka laga raaco ee Wimbledon ee koonfurta-galbeed ee magaalada London. Dadkan ayaa xoog ku furay albaabkii tareenka ka dibna yaacay, markii ninkaasi uu billaabay in uu dhaho "geeridu kama dambays ma aha", sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii saaraa tareenka. Wariyeheenna London Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixitan inoo soo diray.
from VOA http://ift.tt/2ylrie2
via IFTTT
Ninka Fuliyey Weerarkii Las Vegas oo Haystay 42 Qori
Boliiska gobolka Neveda ee dalka Mareykanka ayaa 23 qori ka helay qolkii uu weerarka ka fuliyey ninkii dadka ku toogtay magaalada Las Vegas, ayada oo sidoo kalena 19 qori oo kale laga helay gurigiisa.
from VOA http://ift.tt/2g7oJ4l
via IFTTT
Monday, October 2, 2017
Mudaaharaadyo Ka Dhacay Gobolka Catalonia
Boqollaal ruux ayaa Isniinti shalay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Barcelona si ay uga madaaharaadaan gacanta adag ee ay ciidanka booliska Spain kula dhaqmeen dadki usoo baxay aftidi gooni isu taaga ee Axadi hore ka dhacay gobolka Catalonia.
from VOA http://ift.tt/2kfCy56
via IFTTT
Higuain oo Iska Waayay Liiska Xulka Qaranka
Todobaadkaan waxaa iyo kan xiga waxaa laga nasa doonaa horyaalada kubadda cakta ee Yurub iyo waliba kuwa kale ee aduunyada kale, taasi badalkeeda waxay kubadda cakta caalamka ku mashquuli doontaa isreeb reebka koobka aduunka ee 2018-ka.
from VOA http://ift.tt/2yEtuJE
via IFTTT
Milan oo La Xiriirtay Tababarayaal
Kooxda AC Milan ayaa lagu soo warramayaa in ay bilowday baadi-goobka tababarihi beddeli lahaa macalinka hadda kooxda leyliya ee Vincenzo Montella.
from VOA http://ift.tt/2wtqIWZ
via IFTTT
Pique oo Ka Tagaya Xulka Qaranka
Laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa sheegay inuu ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga ah ee xulka qaranka haddii taageerddi uu taageeray in gobolka uu kasoo jeedo ee Catalonia uu noqdo gobol ka madax bannaan Spain inteeda kale ay dhibaato ku noqoto xulka.
from VOA http://ift.tt/2fGuhlA
via IFTTT
Taliyihii Ciidamada Garoonka Gaalkacyo oo la Dilay
Taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuususf Axmed ee magaalada Gaalakacayo iyo qof kale oo rayid ah ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday garoonka.
from VOA http://ift.tt/2hHWBbN
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Xaaladda Dalka
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si kooban uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan waddanka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2xMFvNG
via IFTTT
Nin Soomaali ah oo lagu Tuhmayo Weerarkii Edmonton
Booliiska dalka Canada ayaa sheegay inay eedo dhinaca argagixisada ah kusoo oogi doonaan nin Soomaali ah oo waddankaasi qaxooti ku ahaa. Ninkan ayaa ku eedaysan inuu ka dambeeyey baabuur la jiidhsiiyey dhowr qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah, kaasi oo ninka weerarka gaystay uu sidoo kale toorriyeeyey habeenkii Sabtida. Warbaahinta Canada ayaa daabacay magaca ninkaasi hase yeeshee weli booliisku rasmi ahaan uma aysan shaacin. Warbixintan waxaa Canada nooga soo diray Jaamac Buulle Jaamac.
from VOA http://ift.tt/2xMEViY
via IFTTT
Weerar Dhimasho Badan oo lagu Qaaday Las Vegas
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob uu ka socday bandhig faneed, magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2g4y8d8
via IFTTT
Daacish oo Sheegatay Weerarkii Marseille
Nin la tuhunsan yahay inuu laba haween ah ku dilay toorey, magaalada Marseille ee dalka Faransiiska axaddii, ayaa waxaa xiray oo sii daayey booliiska laba maalin ka hor falkan.
from VOA http://ift.tt/2hFvqOB
via IFTTT
Sunday, October 1, 2017
Muqdisho: Saraakiil Xilal laga Qaaday
Wasiirka Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Taliyayaashii Booliiska iyo Nabadsugidda ee degmada Xamarweyne kadib kadib dilkii maalintii Arbacada ka dhacay magaalada Muqdishu
from VOA http://ift.tt/2xKAB3H
via IFTTT
Madaxweyne Gaas oo Qodobo Kala Duwan ka Hadlay
Madaxweynaha Puntland CabdiweliMaxmed Cali Gaas ayaa waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA wuxuuna kaga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid tahay Wareejinta Dekedda Boosaaso, Lacagaha la daabaco, Xiisadda Galmudug iyo weliba Shirka Kismaayo ka dhacaya.
from VOA http://ift.tt/2yi7Pec
via IFTTT
Alshabab oo Weeraray Teed, Bakool
Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen 3 askari mid kalana ay kooxdii weerarka soo qaadday nolol ku wateen, hase ahaatee, guddoomiyaha degmada Xuddur ayaa beeniyay warkaasi
from VOA http://ift.tt/2xLEA00
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhegaystaha
Barnaamijka Wicitaanka ee Dhegaystaha toddobaadkan waxaa marti ku ah Xildhibaan Sacdiya Salaad Xaaji iyo Xildhibaan Ikraan Yuusuf.
from VOA http://ift.tt/2yPmoTt
via IFTTT