Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle oo shalay galab la hadley dadweynaha reer Jabuuti ayaa ugu hanjabey in dawladdu ay soo roggi doonto Bandow, haddii la yareyn waayo dhaq-dhaqaaqqa lagu dhex socdo magaalada. Talaabadan ayaa timid ka dib markii ay dowladdu aragtay iney sii kordheyso tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 oo xogtii ugu dambeysay ee dowladda ay bixisay ay muujisay inay tahay 846 qof. Mid ka mid ah sababaha uu faafitaanka cudurka ugu kordhayo dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay inay tahay shacabka oo aan dhageysan talooyinka dowladda ee ah inay joojiyaan isu-imaatinada. Wariyaheena Jabuuti Ramadan Muse ayaa warbixntan inoo haya.
from VOA https://ift.tt/2Vsia1w
via IFTTT
Tuesday, April 21, 2020
Madaxweyne Geelle oo bandow ugu hanjabay shacabka
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment