Ilaa 26 ka tirsan askarta Afghanistan iyo malayshiyaad taabacsan dowladda ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay lagu dilay weeraro ay kooxda Taliban ka fulisay dhanka koonfureed ee dalkaasi, si ay ay ku waramayaan saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo kuwa deegaanka ah. Dagaallameyaal ka tirsan Taliban ayaa habeenkii xalay weeraray saldhig ay ciidamada deegaanka ee Afghanstan ku leeyihiin degmada Khwaja Ghar ee gobolka Takhar. Mohammad Jawad Hijri, oo ah afhayeenka gudoomiyaha gobolka Takhar ayaa u sheegay VOA in dagaalku uu socday saacado islamarkaana islamarkaana dagaalamayaasha la iska caabiyey markii ciidan gurmad ah ay deegaanka soo gaareen. Wasaaradda difaaca ee Afghanisan ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in 17 ka mid ah askarta la dilay ay ka tirsan ciidamada milieriga ah ee deegaanka kuwaasi oo ka duwan ciidamada qaran ee dalkaasi. Docda kale, saraakiisha gobolka Balkh ayaa xaqiijiyey weerar kale oo ay Taliban qaadday Sabtidii kana dhacay degmada Shulgra, waxaana weerarkaasi lagu dilay 9 ka tirsan malayshiyaadka gacan saarka la leh dowladda kuwaasi oo ah malayshiyaad isku aruursaday iney la dagaalaan kooxda Taliban.
from VOA https://ift.tt/34OUUO0
via IFTTT
Monday, April 20, 2020
Weeraro ka dhacay Afghanistan oo lagu dilay 26 asari
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment