Monday, March 19, 2018

Salah oo ku horreeya loolanka kabaha dahabka

Weeraryahanka kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa ku socda inuu ku guuleysto abaal marinta kabaha dahabka ah ee la siiyo xiddiga ugu gool dhaliska badan qaaradda Yurub. Salah ayaa sabtidii afar gool ka dhaliyey kooxda Watford, taasi oo goolasha uu sanadkan dhaliyey ka dhigeysa 28 gool. Waxa uu saddex gool ka horreeya oo uu abaalmarinta uga dhow yahay xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi oo isaga dhaliyey 25 gool, xilli cayaareedkan. Edinson Cavani oo u cayaara PSG, Ciro Immobile oo u dheela Lazio iyo xiddiga Tottenham Harry Kane, ayaa dhammaantood dhaliyey min 24 gool. Haddii Salah uu ku guuleysto kabaha dahabka, wuxuu noqon doonaa xiddigii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ee sidaas sameeya tan iyo sanaddii 2014, markaasi oo uu ku guuleystay Luis Suarez oo u cayaari jiray isla kooxda Liverpool.  

from VOA http://ift.tt/2tZwwdV
via IFTTT

No comments:

Post a Comment