Wednesday, March 22, 2017

Xaaladda Abaarta Sanaag oo Sii Xumaaneysa

Xaaladda dadka ay abaaruhu saameeyeen ee gobolka Sanaag ayaa halis maraysa, waxaana guddoomiyaha gobolka Ahmed Cabdi Falaay uu VOA u sheegay in 25 qof ay abaaraha dartood gobolkaasi ugu dhinteen maalmihii la soo dhaafay. Guddoomye Falaay ayaa sheegay in haddii roobabka Guga ee la filayo dhawaan ay iman waayaan uu xaalka ka sii dari doono oo ay cabsidaasina qabaan. Weriyaheena Cabdicasiis Xuseen ayaa guddoomiye Falaay kula kulmay Hargeysa, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay xaalka abaaraha Sanaag.  

from VOA http://ift.tt/2o4ppsR
via IFTTT

No comments:

Post a Comment