Tuesday, March 22, 2016

Maxaa ka jira in saraakiil ka tirsan ciidamada Meletariga Soomaaliya loo xiray weerarkii Al-shabaab ku qaaday xerada Laanta buuro

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada Meletariga soomaaliya loo xir xiray weerarkii xarakada Al-shabaab ay dhowr habeen ka hor ku qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka laanta buuro oo duleedkaka ah degmada afgooye halkaasi oo ay fariisin ku lahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Sida uu sheegay afhayeenkii hore ee gobolka Sh/hoose waxaa la xiray qaar kamid ah saraakiishii ciidamadaasi hoggaaminaysay, kadib markii dhammaan gaadiidkii dagaalka ee xeradaasi yaallay iyo hub kale oo badan ay qaateen ciidamadii al-shabaab ee xeradaasi weerarka ku qaaday, waxa uu sheegay afhayeenkii hore ee gobolka sh/hoose in baaritaan ku socdo saraakiishaasi loona xiray tuhunno la xiriira sababta gadiidkaasi oo fuyaashii ka taagan yihiin xerada loo dhexdhigay,islamarkaasna sida uu yiri looga tagay bakhaarkii hubka oo furan ,sidoo kalena qaar ka mid ciidamadii ku sugnaa xeradaasi loo fasaxay weerarka ka hor ,isagoo intaasi ku sii daray in arrimahaasi iyo kuwo kale ay keeneen tuhun la xiriira inay jirto cid fududeeysay weerarkaasi.
Ma jiro cid ka madaxbanaan sarkaalkaasi oo xaqiijin karta warar sheegaya in saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya loo xir xiray weerarkii lagu qaaday habeeno ka hor xerada laanta buuro ee gobolka sh/hoose,ilaa haddana ma jirto wax war ah oo xaqiijinaya arrinta ku saabsan xarigga saraakiil la tuhmay oo ka soo baxay xukuumadda soomaaliya gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Doraad ayaa xarakada Al-shabaab oo dagaalkaasi ka hadashay waxa ay soo bandhigtay gadiid dagaal oo ay sheegtay inay kala wareegtay ciidamada dowladda soomaaliya kadib weerarkii laanta buuro,iyadoo sidoo kale sheegay in tiro kabadan 60 askari ay ku dileen weerarkii laanta buuro,inkastoo tirade ciidamada ay dileen ay beeniyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda soomaaliya



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S5ewym
via IFTTT

Ergeyga Qaramada Midoobey oo ka hdlay dagaalkii ciidamada Puntland iyo Alshabaab

Ergeyga gaarka ah ee Qaraada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa cambaareeyay duulaankii Al-Shabaab 14-kii bishan ku qaaday deegaanada xeebaha ee ka tirsan Puntland,isagoo dhinaca kale bogaadiyay jawaabta deg deg ah ee Ciidamada Puntland ka bixiyeen duulaanka Al-Shabaab ku galeen gudaha deegaanada Puntland.
"Waxaan bogaadinayaa jawaabta deg dega ah ee ay Ciidamada Puntland ka bixiyeen duulaanka Al-Shabaab, waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga hortageen weerarkaas"ayuu yiri Mr Keating.
Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale soo dhaweeyay taageerada dowladda Soomaaliya siisay Maamulka Puntland, intii ay socdeen dagaalada, isla markaana ugu deeqday saanad hub iyo sahay.

Mr Keating ayaa sheegay in wada shaqeyn dhex mara Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyadu inay horseedi karto in laga adkaado Al-Shabaab.
Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay dagaalkii ka socday Togga Suuj, ayna ku dishay lixdameyo dagaalyahan, halka ay ku qabatay illaa 31 maxbuus u badnaa wiilal yar yar.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VD52Qi
via IFTTT

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay weerarkii ka dhacay magaalada Brussels, sheegayna

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay ruxay magaalada Brussels ee dalka beljimka kuwaas oo ay ku dhinteen 34 ruux tiro labo jibaar ka badanna ay ku dhaawacmeen.
"Waxaan dunida la wadaageynaa cambaareynta looga soo horjeedo weerarada bahalnimada ah ee dadka shacabka ah lagu qaaday ee ka dhacay Brussels, waxaan murugada la qeybsaneynaa kuwa ehelkooda ku waayey qaraxyadaasi, inagoo sidoo kale u tacsiyeyneynaa qoysaska ay saameynta ku yeesheen weeraradaasi. Sidoo kalena Waxaan garab taaganahay dowladda Belguim-ka dedaalka ay ugu jirto inay gacan u fidiso dadkeeda falkan xun ku waxyeeloobay" ayuu yiri Xasan sheikh oo intaasi raaciyey in Soomaaliya ay ka xun tahay sii socoshada weerarada lagu beegsanayo dadka shacabka ah.
"Ururka Daacish waxaa uu mar kale laayey dad aan waxba galabsan. Waxaa kale oo uu weerarkan soo bandhigay in ururkan aanu u taagneyn wax aan ka ahayn inuu burbur iyo qarbudaad ka geysto caalamka. Si kulul ayaan u cambaareyneynaa falalkan guracan ee argagixisonimo ee Daacish ay ku kacayso. Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay dowladda Belgium," ayuu yiri Madaxweyne xasan sheekkh.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S5eshZ
via IFTTT

C/weli Gaas oo lagu wado inuu maanta tago deegaanka Garacad ee gobolka Mudug iyo maamulkiisa oo sheegay in deeganadooda ay ka gudbeen Ciidamadii Al-shabaab

Hogaamiyaha maamulka Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku tago deegaanka Garacad ee gobolka Mudug,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland.
Sarkaalkaasi ayaa waxa uu intaasi ku daray in waxyaabaha ku dhaliyey madaxweynaha inuu si dhaqso ah u tago Garacad ay tahay inuu hambalyo iyo dhiiri-galinna ugu tago ciidamada Puntland ee dagaalka la galay ciidamadii ka tirsan Al-shabaab.
"Madaxweynaha waxuu booqasho ugu tagayaa Ciidamadii dagaalka la galay Al-Shabaab, isago khudbad u jeedinaya ciidamada" sida waxaa u sheegay website-ka Raxanreeb sarkaal ka tirsan millitariga Puntland.
Sida warku sheegayo wafdi wasiirro ah ayaa ku sugan Garacad, kuwaas oo ka qayb-galaya soo dhaweynta madaxweynaha oo si weyn loogu diyaar garoobay deegaanka Garacad, guddoomiyaha gobolka Mudug iyo wafdi ka socda maamulka gobolka ayaa iyaguna xalay ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo kuwaaso ku sii jeeda deegaanka Garacad, halkaas oo la qorsheeyey inuu booqasho ku tago C/weli gaasi.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan maamulka puntland ayaa sheegay in ciidamadii dagaalka kula jiray ee Al-shabaab ay deegaanada Puntland ka baxeen una tallaabeen sida ay yiraahdeen dhinaca Galmudug, ilaa haddana ma jirto cid ka madaxbanaan saraakiisha Puntland oo xaqiijin karta warka ay ku sheegeen in dhamaan deegaanada Puntland ay ka baxeen Al-shabaab.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VD4WrV
via IFTTT

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo kulamo iyo shirar gooni gooni ah xalay kula yeeshay B/weyne odayaasha dhaqanka

Magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa markii ugu horeysay xalay ku hoyday Ra'iisal Wasaaraha Xukumadda soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke iyo wafdigii uu horkacayey,iyadoo halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah odayasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan iyo madaxda maamulka gobolkaasi.
Sida warku sheegayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa odayasha dhaqanka kala hadlay in la dhameeyo muranka siyaasadeed ee ka tagan dhismaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe kadib markii beellaha dega gobolka Hiiraan ay qaadaceen ka qeyb galka shirka maamul u sameynta labada gobol oo dhowr bilood ka hor uu Madaxweynaha Somalia Xassan sheikh maxamuud oo ka furay Magaalada jowhar ee gobolka sh/dhexe .
Lama oga in R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid inuu ku guuleysan doono xal uu helida muranka ka aloosan dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo beelaha dega labada gobol,intooda badan ay ka soo horjeesteen qaabka dowlada federaalka ay u wado dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maanta gelinka hore ay sii soconayaa Shirarka uu halkaasi ka wado Ra,iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ,iyadoo si gaar ah lagu wado inuu kulan u layeesho dubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magalaada,inkastoo ilaa hadda aan la ogeyn in odayaasha diidan ka qeybgalka shirka jowhar ay ogolaan doonaan inay tagaan shirka
Wafdiga Ra,iisulwasaaraha ayaa waxaa halkaasi uga sii horeeyey xubno ka tirsan golaha xukuumadda soomaaliya ,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kale Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo wasiirka batroolka iyo macdanta Maxamed Mukhtaar ibraahim iyo xubno kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S5euGI
via IFTTT

Monday, March 21, 2016

Dowladda Jabuuti oo xaafiis ka furatay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland

Dawladda Jabuuti ayaa markii u horeysay xafiis diblumaasiyadeed ka furatay magaalada Hargeysa ee xarinta Somaliland muddo shan iyo labaatan sanadood ah ,waxaana xaruntaasi oo uu ka howlgelayo wakiil cusub oo dowladda jabuuti u soo magacowday Somaliland si rasmi ah looga furay doraad magaalada Hargeysa.
Wakiilka dowladda Jabuuti u soo magacowday xaafiiskeeda hargeysa Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa khudbad uu ka jeediyey xafladdii furitaan waxa uu sheegay in adduunku waxa uu horumar ku gaaraa ay tahay wadatashi iyo wadashaqayn. Markaa aniguna waxaan ballanqaadaynaa in aanu ka shaqeyno sidii iskaashi iyo hormar dalalka gobolku u gaari lahaayeen.
Madaxweynahayaga Jabuuti wuxuu had iyo jeer fadilaa in waddanba waddanka uu inooga dhowyahay aannu wadashaqayno, sidii aynu ummaddeena ugu adeegi lahayn ee u horumarin lahayn iyo sidii shacabkeenu isku dhexgali lahayd ee badeecadaheenuna isku dhexmari lahaayeen aynu ka wadashaqayno ayuu yiri wakiilka jabuuti ee Somaliland



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1pZ7DYW
via IFTTT

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo kula yeeshay dalka Imaaraadka carabta madax ka tirsan dalka Imaaraadka

Madaxweynaha dowladda soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo booqasho ku jooga dalka imaaraadka carabta ayaa shalay galab halkaasi kulan kula yeeshay madax ka tirsan dalka imaaraadka carabta kuwaas oo ay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka soomaaliya iyo taageerada ay dowladda imaaraadku siiso dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo kulankaasi ay ku wehliyeen wasiiraka arrimaha dibadda soomaaliya C/salaan hadliye Cumar iyo safiirka soomaaliya ee imaaraadka C/qaadir sheikh ayaa waxay si gaar ah ula kulmeen dhaxalsugaha imaaradda abii dabai ahna ku xigeen taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi sheikh muxamed bini zaid alnahyaan ,waxaana kulankaasi diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu siiqaadi lahaa gaar ahaan arrimaha labada dal iyo labada shacab u adeegaya.
dhaxalsugaha imaaradda abuu dabai ahna ku xigeen taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi sheikh muxamed bini zaid Alnahyaan oo ugu horey kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda imaaraadka ay ka go,an tahay ballaarinta mashaariicda horumarineed ay soomaaliya ka waddo ayna garab istaagaan dadka soomaaliyeed six al loogu helo xasilooni waarta oo soomaaliya ka hanaqaadda.
dhinaca kale madaxweynaha soomaaliya oo isna kulanka ka hadlay ayaa dowladda imaaraadka ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto nabad iyo xasilooni soomaaliya ka dhalata iyo sidoo kale taageerada ay mar kasta la garab taagan tahay dadka soomaaliyeed isagoo xusay in hadda ay soomaaliya ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii xanuunka badnaa ee ay soo martay sida uu yiri



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZmWa1q
via IFTTT

C/weli Gaas: Puntland waxay xaq u leedahay in qaybteeda ka hesho deeqaha beesha caalamku ugu talo galeen xasilinta Soomaaliya

Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu laabtay magalada Garowe, kadib socdaal bil qaatay oo uu ku tagay dalal kala duwan ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanada Puntland gaar midka ka socda gobolada Nugal iyo Mudug ee u dhexeeya ciidamada maamulkiisa iyo kuwa Al-Shabaab.
Gaas ayaa sheegay in dagaalku uusan wali dhammaan islamarkaana ay soconayaan holwgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo sidoo kale ka hadlay qaabka ay Al-shabaab kusoo galeen Puntland wuxuuna tibaxaay inay tahay xeeladaha Al-shabaab ee markasta adeegsanaysa nidaam cusub markay ku fashilmaan kii hore, isagoo xusay in dowladdiisu wadayso la dagallanka Al-Shabaab sida uu yiri.
"Nasiib-wanaag Puntland waxay leedahay shacab iyo maamul isku duuban, una ah diyaar inay deegaanadooda difaacdaan.waxaan uga mahad-naqayaa ciidanka Puntland casharkii ay u dhigeen dagaal-yahanada Al-shaabab"ayuu mar kale yiri hogaamiyaha Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ciidamada Puntland oo keliya ay ka adkaadeen Al-shabaab, ayna yihiin kuwo ku filan in deegaanadooda ay ka difaacaan cid walba oo soo weerarta, "Ciidamada Puntland waxay u istaageen inay difaacaan dhulkooda, Diintooda & dadkooda, Alle waxaan uga baryayaa in Jannadiisa uu ka waraabiyo Ciidamadii geeriyooday iyagoo dhulkooda difaacaya, inta dhaawacan-tayna uu boogsiiyo" ayuu markale yiri C/weli Gaas.
Dhanka kale C/weli Gaas ayaa xusay inay Puntland xaq u leedahay inay hesho qaybta ay ku leedahay dhaqaalaha beesha caalamku ku bixiso Nabad-galyada iyo xasilinta Soomaaliya oo dhan, "Waxaan doonayaa inaan Beesha Caalamka u sheego inay Puntland xaq u leedahay inay ka hesho qaybteeda dhaqaalaha Soomaaliya loogu talo-galay, kaasoo magaca Soomaaliya lagu bixiyo, looguna talo-galay nabad-galyada iyo xasilinta Soomaaliya" ayuu hadalkiisa raaciyay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1pZ7DrY
via IFTTT

Qaramada Midoobay iyo Imaaraadka Carabta oo ka wadahadlay arrimaha Somaaliya iyo wadashaqeynta labada dhinac ee…

Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating iyo danjiraha dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa kulan khaas ah ku yeeshay xarunta dhexe ee Safaaradda Imaaraadka ku leeeyihiin magaaladda Muqdisho.
Labada Mas'uul waxay si qoto dheer uga hadleen Xaalladda Soomaaliya iyo xiriirka u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,sidaasina waxaa lagu baahiyey Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM, waxaana sida warka lagu sheegay uu Michael Keating uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta dedaalkooda ku aadan Taageradda kala duwan ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,isagoo sidoo kale ammaanay Taageeradda Imaaraadka ee dhinacyadda ammaanka iyo degananshaha Soomaaliya.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, Michael Keating waxa kale oo uu dib u xaqiijiyey inay ka shaqeyn doono Xiriir Iskaashi oo dhex mara Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya,kaas oo aan la fahfaahin waxa uu ku saabsan yahay
Dhinaca kale danjiraha dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya uga mahad celiyey, kuna bogaadiyey waxqabadkiisa ku aadan inuu taageero dedaalka Nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZmW8qk
via IFTTT

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay xerada Laanta Buuro iyo Al-shabaab oo sheegay inay askar badan iyo gadiid ay…

Iyadoo habeen hore weerar abaabulan ay ciidamado ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Ciidamada Millateriga Guutada Shanaad ee Xerada Ciidan ku leh deegaanka Laanta Buuro, ayaa Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab waxa ay su aad u kala fog uga kala hadleen dagaalkaasi.
Taliyaha ururka koowaad guutada shanaad ee ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed Gaashaanle Axmed Absuge Cabdulle, ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamado ka tirsan Al-shabaab ayna iska difaaceen,wuxuuse qiray in Shabaab ay gaadiid dagaal ka kaxeysteen Xerada Laanta Buuro oo weerarka qorsheysan ay ku soo qaadeen.
Wuxuu qiray Sarkaalkaan saddex Baabuur oo nooca Cabdi bilaha ah inay kaxeysteen Shabaabku, isaga oo sheegay ciidamada dowladda inay ka soo furteen Shabaab gaari noociisa uu yahay Cabdi Bille oo uu saaran yahay qoriga loo yaqaan 37 (Teedhi Saban).
"Waxaan joogaa Laanta Buuro xaalka waa caadi dagaal waa dhacay mid aad u abaabulan ayuu ahaa sida ay rabeen wax uma dhicin, Taliska laanta Buuro hadda aniga ayaa jooga, hal baabuur iyo labo la qaatay wax qiimo ah oo ay leeyihiin malahan, meesha dagaal ayaa ka dhacay, hadde dagaalkana waa lagu kala adkaadaa waa ku kedin iyo ka badin sida ay rabeen uma dhicin, durbadiiba gurmad ayaa na soo gaaray, wax ay naga gacmeesteen ma'ahanee oo ay la fakadeen wax kala ma qaadan, gaari uu saaran yahay Qoriga 37-ka waan ka soo ceshanay, saddex baabuur ayeey qaateen oo qoryihii kore laga furay oo dul banaan ah, laakiin nimankaasi kuma guuleysan ujeedkooda inay degaan ayeey rabeen, saacaan aan kula hadlaayo ciidan badan ayaa ku daba jira firxadkooda." Ayuu yiri Sarkaal Absuge.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo iyana ka hadashay dagaalkaasi ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen in kabada 70 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda soomaaliya ,sidoo kalena ay halkaasi ka wateen 9 gaari oo ku dagaalka ah, aynsa muddo saacado ah la wareegeen gacan ku heynta xerada laanta buuro sida ay yiraahddeen ,inkastoo saraakiisha ciidamada dowladda soomaaliya ay hadalkaasi beeniyeen. Ma jirto cid kamadaxbaan labada dhinac oo xaqiijinkarta khasaaraha dagaalkaasi inkastoo warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in ay jirto dhimasho soo gaartay ciidamadii dowladda ee halkaasi ku sugnaa wallow aan la xaqiijin karin inta ay la egtahay, sidoo kalena ay jirto gadiid dagaal oo ay Al-shabaab halkaasi ka wateen kaas oo aan isna la ogeyn inta uu dhan yahay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1pZ7zIA
via IFTTT

Saturday, March 19, 2016

Faahfaahin ku saabsan afar carruur ah oo ku dhimatay barkad ay ku dhaceen

Afar carruur ah oo seddex ka mid ah ay wada dhasheen ayaa ku dhintay barkad ay ku dhaceen deegaanka Shiilo-madow ee duleedka degmada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sida waxaa sheegay maamulka gobolka, barkadda oo ay biyo badan ku jiraan ayaa la sheegay carruurta inay isku dayeen inay ka cabaan, taas oo keentay inay gudaha ugu dhacaan, waxaana la arkay meydadka carruurta oo biyaha dul sabeynaya.
Qof ka mid ah dadka deegaanka wuxuu sheegay in carruurtaasi ay ahaayeen labo wiil iyo labo gabdhood, waxaana labada gabdhood da'dooda lugu qiyaasay 12-jiro, halka wiilashuna ay ka yaraayeen 10 sano kiiba, "Carruurtu way haraadsanayeen laakiin tii rabi ayaa u timid oo barkadda ayey ku dhaceen, sidaas ayeyna ku geeryoodeen Allaha u naxaristo" ayuu yiri Maxamed Saciid oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Shiilo-madow.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1T2yUoB
via IFTTT

Maareeyihii garoonka Muqdisho oo la bedelay iyo mid cusub oo la magacaabay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho shalay u Magacowday Maareeye cusub, kadib markii kii hore xilka laga qaaday .Waxaana maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha loo Magacaabay Jen. Cabdi Abshir Jaamac, sida lagu sheegay Wareegto shalay ka soo baxday xafiiska Ra,iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, waxaana maareeyaha cusub laga dalbaday inuu wax badan ka qabto amniga iyo maamulka garoonka .
Dhinaca kale waxaa isla shalay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee magaalada muqdisho booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ,waxa uuna kulan looga hadlay dar-dar-gelinta amniga garoonka diyaaradaha la qaatay, qaar ka mid ah mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho,kuwaas oo uu ku jiro maareeyaha cusub ee garoonka Muqdisho.
Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen; wasiir ku-xigeenada amniga iyo duulista hawada, Taliyeyaasha ciidamada booliiska, Nabad-sugidda, saraakiil waaxda socdaalka ka tirsan iyo xubno ka tirsan shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI diiradda lagu saaray iskaashi dhexmara dhinacyada ka howlgala garoonka Muqdisho iyo in dib loo soo celiyo kalsoonida dadweynaha soomaalieed ee garoonku u adeego.
Madaxweynaha ayaa intii uu socday kulankaasi waxa uu tallooyin ka dhageystay saraakiisha Amniga ee ka qayb-galay kulankaasi, kuwaasoo sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyay tallaabooyinkii la qaaday si Amaanka guud ee Garoonka loo xoojiyo, kadib qaraxii ka dhex-dhacay diyaaradii Daallo Airlines bishii Feberaayo ee sanadkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaalia ay waqti dheer ku bixisay sidii looga hor-tegi lahaa falal ammaan-darro ah oo ka dhaca garoonka Aadan Cadde, khasaarena gaarsiisa shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale socdaalka ku yimaada.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa armay saraakiisha amniga ee garoonka inay ka hortagaan wax kasta oo nabadgelyada garoonka Aadan Cadde wax u dhimaya, isagoo kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/22vxaXH
via IFTTT

20 ruux oo ku dhaawacmay shil ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay Shil khasaaro geystay uu ka dhacay degaanka Carbiska ee duleedka caasimadda Soomaaliya, shilkaasi ayaa dhacay kadib markii Gaari nuuca Xamuulka qaada uu wada ka baxay islamarkaana uu ku rogmay deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 ruux.
Mid ka mid ah Dadkii ka badbaaday ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gaarigaasi oo ay saarnaayeen dad aad u badani uu si kadis ah waddada uga baxay kadibna uu qalibmay ,halkaasna ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen dadkii gaarigaasi la socday,kuwaas oo uu sheegay in 3 Ruux oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Maamulka degaanka Carbiska ayaa gacan ka geystay samata bixinta Dadkaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, shilalka inta badan ka dhaca Dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneeyaa 3 arrimood oo kala ah wadayaasha gaadiidka oo qaarkood aysan laheyn khibrad ku filan oo xagga wadidda gawaarida ah ,xawaare aad u sareeya oo wadayaasha qaarkood ay gawaarida kuwadaan iyagoo aan wax mas,uuliyad ah iska saarin rakaabka saaran iyo waddooyinka ay gaadiidku isticmaalaan oo ah kuwo intooda badan burbursan ,islamarkaasna aan helin wax dayactira muddadii uu dalku ku jiray burburka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1T2yOxo
via IFTTT

Baarlamanka Jubba oo isbedel ku sameeyay qodob oo uu dalbaday Axmed Madoobe

Baarlamaanka maamulka Jubba oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa fuliyay codsi uu u gudbiyey hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kaas oo ahaa in isbedel lagu sameeyo qodobo ka mida dastuurka Jubbaland si loo furo golaha wasiirada loona helo madaxweyne ku xigeeno.
Qodobada la bedelay waxaa kamida: qodobka hogaamiye ku xigeenka maamulka Jubbaland: oo hore u sheegayey in hal hogaamiye ku xigeen uu yeelanayo maamulkaasi, waxaana uu codsaday Axmed Madoobe in loo bedelo laba madaxweyne ku xigeen, qodobka kale ee wax laga bedelay ayaa ah qodobka Golaha wasiirada oo u qornaa inay golaha wasiirada noqdaan 18, waxaana laga dhigay mid furan oo tiradii la rabo laga dhigi karo Golaha wasiirada maamulkaasi.
Fadhi ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka jubbaland ayaa ansixiyay codsiga Jubba Axmed Madoobe iyagoo Dastuurka Jubbaland ee dhowrka bilood jira loo bedelay sidii uu codsaday madaxweynaha jubba Axmed Madoobe kaas oo muddo ku dhow 8 bilood laga sugayey inuu dhiso Golihiisa Wasiirada.
Arrimaha wax kabedelka dastuurka jubbaland ayaa loo aaneynayaa kadib markii heshiis is afgarad ah ay gaareen maamulka jubba iyo siyaasyiinta Beesha Sade oo dhawaan heshiis la gashay Axmed Madoobe,waxaana lagu wadaa in dhawaan uu madaxweynaha maamulkaasi soo dhiso gole wasiiro oo uu yeesho maamulkaasi,kuwaas oo lagu wado inay xubno badan ka helaan siyaasiyiinta beesha sade ee uu maamulka jubba heshiiska la galay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/22vxaqx
via IFTTT

Dagaal culus oo ciidamada Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada hoose Al-shabaab oo sheegtay in ciidamo badan oo Kenyaan ah ay ku dishay dagaalka

Ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday kolonyo gadiid ah oo ay wareen ciidamada Kenya ku dishay ilaa 12-askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, waxaana weerarkaasi uu dhacay xilli ay marayeen deegaan u dhexeeya Qooqaani iyo degmada Afmadow oo kawada tirsan gobolka Jubbada hoose.
Wararka, ayaa intaas ku daraya in xoogagga Al-shabaab ay u suuro-gashay in ay nolosha ku qabsadaan laba ka tirsan ciidamadii Kenya ee ay ku qaadeen Weerarka gaadmada ah iyadoo la sheegay in dagaal muddo socday uu halkaasi ka dhacay
Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada Kenya looga gubay Weerarka lix gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo weerarkan uu noqonayo midkii ugu khasaare badnaa oo Al-shabaab ay la beegsato Ciidanka Kenya, marka laga reebo weerarkii 15-kii Janaayo lagu qaaday xerada ciidamada Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Al-shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamadooda, ayna cagta ku mariyeen ciidamadii Kenyaanka ahaa, qaar ka mid ahna ay nolosha ku qabsadeen, halka ay sheegeen inay ku dileen 12-askari,iyagoo aan soo hadal qaadin in dagaalkaasi dhicooda khasaare ka soo gaaray iyo in kale.
Dowladda Kenya ayaan illaa hadda ka hadlin Weerarka uu khasaaraha faraha badani kasoo gaaray ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee ka hawl-gala Gobolada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/22vw2Do
via IFTTT

Xasan Sheekh: Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay barnaamijka qaran ee dhismaha maamulada dowladaha hoose ee loo yaqaano Wadajir, barnaamijkan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa ujeeddadiisu ay tahay dejinta qorshaha qaab dhismeedka dowladaha hoose, taas oo qeyb ka ah barnaamijka baahinta maamulka ee isku xiraya maamulka dhexe iyo gobolada dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay dowlad goboleedyada dalka ka jira, gobolka Banaadir, gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muddo saddex maalmood ah Muqdisho ku yeeshay shir ay ku gorfeynayaan qaabka loo dhaqan gelin karo hannaankan oo ah mid ay Soomaali leedahay, khubaro Soomaali ahna ay soo diyaariyeen.
"Waxan qirayaa shaqada adag ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka kuna aaddan ka guul gaarista barnaamijkan. Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka ka kala yimid degaannada kala duwan ee dalka ee ka xaajoonayey sida uu u shaqeyn karo barnaamijka Wadajir, isla markaana su'aalo iska weydiiyay, go'aannana ka gaaray abuurista nidaam hufan oo shaqo, oo taageeraya hannaanka shaqada ee dowladaha hoose''.
Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya isku raacday loo baahan yahay in si wanaagsan loogu baahiyo degmooyinka iyo heerka gobolada, taasina ay keenayso inay fududaato baahinta adeegyada muhiimka ee shacabku u baahan yahay.
"Shacabku xaq bay u leeyihiin inay talo ku yeeshaan waxa ay doonayaan in loo qabto.Taas ayaa muhiim ka dhigeysa jiritaanka maamullada dowladaha hoose, lana xaqiijiyo inuu jiro isla xisaabtan, dhanka kale waa in maskaxda lagu hayaa in horumar kasta oo lagaaro oo loo baahan in amnigu uu sal u yahay, Si amni iyo xasilooni loo helana ay lagama maarmaan tahay in maamul la sameeyo" ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shacabka kula dardaarmay inay maamullada dowlada hoose ee la soo dhisayo ay u dhiibtaan dad xilkas ah oo ammaanada ku wanaagsan, garanna kara baahida shacabka.
Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka tirsan labada gole, iyo marti sharaf kale, ayaa waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdi Xayir iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Maxamed Xiddig.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/25cA5XB
via IFTTT

Friday, March 18, 2016

Cadde Muuse: Puntland haddii aan la difaacin natiijadu waxay noqoneysaa inay burburto, waana in la…

Hogaamiyihii hore ee maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa ka hadlay weerarka xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku qabsadeen deegaanada xeebaha ee maamulka Puntland ayaa sheegay in haddii aan la difaacin Puntland ay baaba'i doonto, Cadde Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanay aheyn markii u horreysay oo Puntland la soo weeraro, wuxuuna shacabka Puntland ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan sidii loo difaaci lahaa Puntland.
"Ma ahan markii u horreysay oo Puntland la soo weeraro, cadowgii horay u soo weerarayna waa la baabi'iyey, waana laga saaray, weerarkana ma ahan mid nagu cusub, maanta waa in la difaaco Puntland, haddiise aan la difaacin way baaba'eysaa" ayuu yiri Cadde Muuse oo sidoo kale sheegay in duulaanka Puntland lagu soo qaada ay tahay mid siyaasadeed, lana doonayo Al-shabaab iyo kooxaha kale loo tuso inay Puntland tahay mid daciif ah oo aan awood u laheyn inay is-difaacdo.
"Duulaanka socota way ku jiri karaan arrimo siyaasadeed, waxaana la rabaa in kooxahan weerarka soo qaaday loo tuso inay Puntland tahay daciif, dad baa been u sheegaya oo ku oranaya ciidanka waa kala daadsanyihiin iyo waxyaabo kale oo been laga dhaadhiciyey" ayuu Cadde Muuse hadalkiisa ku daray.
Cadde Muuse oo la weydiiyay su'aal aheyd in duulaankan uu yahay mid la xiriira 4.5-ka oo ay horay u diiday Puntland, wuxuuna uga jawaabay inaanay aheyn taas keliya, laakiin loo baahanyahay in Puntland laga difaaco Al-shabaab, wuxuuna intaas ku daray in Al-shabaab ay meel walba oo dalka ka tirsan ay dhibaatooyin ka geysaneyso.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R4V8Ff
via IFTTT

Madaxweynaha Masar: Beesha caalamka ayaa faragelin ku baabi’isay Somaliya, Al-shabab-na waxay ka dhalatay faragelinta shisheeyaha ay ku hayaan Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al-Ziisi oo wareysi siiyey wargeyska The Ripaplica ee ka soo baxa dalka Tayaaniga ayaa ku eedeeyay wadamada beesha caalamka inay faragelin ku baabi'iyeen wadamo ay Soomaaliya ka mid thy 30 sano ee la soo dhaafay.
M/weyne Aziisi oo ka hadlay dhibaatada ka taagan wadanka Liibiya ayaa sheegay in Libiya ay ku socoto wado burbur ah sida uu yiri haddii faraglinta shisheeye laga joojin waayo, in sodonkii sano ee la soo dhaafay ay farin gelinta shisheeye burburisay wadamada Soomaaliya iyo Afghanistan ayuu sheegay M/weynaha Masaarida natiijadda laga dhaxlayna la arkay sida uu yiri.
"Waa in maskaxda lagu hayaa casharada laga bartay Ciraaq, Soomaaliya iyo Afghanistan markii faragelin shisheeye lagu burburiyey iyo natiijada laga dhaxlay meesha ay maanta taagan yihiin wadamadaasi" ayuu yiri M/weynaha Masar C/fitaax Al-Asiisi.
Madaxweyne Aziisi ayaa sheegay in faragelinta Soomaaliya lagu hayo ay keentay in Soomaaliya uu ka dilaaco ururka hubeysan ee Al-shabab oo maanta aan xal loo heyn dhibaato badan oo dhanka amaanka ah oo uu geysanayo ururkaasi, waxaana uu ku macneeyay in Al-shabab ay yihiin mirihii ka soo baxay faragelinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pi4HLq
via IFTTT

Hogaamiyaha Galmudug oo baaq u diray ciidamada NATO, kana hadlay dagaalka Al-shabaab iyo Puntland

Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Xueen Guuleed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ayaa uga hadlay Al-shabaabka ee qabsaday deegaano ka tirsan Puntland, Mr. Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay inay Puntland ka caawiso dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan iyo sidii looga adkaan lahaa.
Sidoo kale Guuleed ayaa sheegay in qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee dhawaan halkaas galay, taas oo uu xusay inay khatar u yihiin maamulkiisa, "Waxaa ayaan-darro ama nasiib-darro ah oo aan ka xunnahay in Al-shabaab ay duulaan ku qaado deegaanada Puntland oo aanu walaalo nahay, innagu waxaan diyaar u nahay inaan la yeelano iskaashi dhanka la dagaalanka Al-shabaab ah" ayuu yiri C/kariin Guuleed.
Dhanka kale madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Somaaliya inay mas'uuliyad ka saaran tahay la socodka dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee dhinaca badda ah, ayna waajib tahay inay tallaabo ka qaadaan, wuxuu Guuleed xusay inuu aaminsanyahay in duqeymihii ka dhacay koonfurta Soomaaliya ee la beegsaday xoogagga Al-shabaab ay ugu wacan tahay inay u cararaan dhanka Puntland iyo Galmudug.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R4V5cH
via IFTTT

Dowladda Itoobiya oo sheegtay inaysan aqoonsaneyn maamulka Khaatumo State

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig Gen. Mr. Berhe Tesfaye, ayaa shaaca ka qaaday in adkaynta iyo xoojinta iskaashiga amaanka u yahay muhiimada koowaad madaxda Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana wadaxaajood dheeraad ah oo la xiriira arrintaasi uu dhawaan ka dhici doono Magaaladda Hargeysa.
wakiilka Itoobiya ee Somaliland oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Horn Tribute, waxa uu ku yiri "Xoojinta iskaashiga amaanku waa muhiimada koowaad ee Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, waxaana lagu heshiiyey in la kobciyo iskaashiga xilligan uga dhexeeya, isla markaana sii balaarintiisa loo adeegsado xag dhaqaale iyo is-dhaafsi macluumaad sirdoonkaba,"wuxuuna intaasi ku daray in dalkiisu xilligan diyaar u yahay bilaabida isticmaalka adeegyada dekeda Berbera, taasina caddeyn u tahay siday uga go'an tahay iskaashi dhex mara labad dhinac sida uu yiri.
"Xukuumadda Itoobiya ma aqoonsana Khaatumo, weliba waxaan si joogto ah u raadinaa maleeshiyaadkooda, si aan u qabano marka laga helo deegaamada Itoobiya dhammaantood" ayuu ku jawaabay mar la weydiiyey su,aal aheyd in xukuumadiisu taageersan tahay maamulka Khaatumo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pi4F68
via IFTTT

C/weli Gaas oo Itoobiya ka dalbaday in Puntland ay ka taageerto dagaalka Al-shabaab ay kula jirto

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali {Gaas} oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la kulmay saraakiil sare oo ciidanka Itoobiya ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya Jen. Samora Yonis iyo taliyaha Sirdoonka millatariga itoobiya Jen. Gabredela.
C/weli Gaas ayaa saraakiisha ciidamada Itoobiya kala hadlay sidii qalab ciidan ay Puntland ugu caawin lahaayeen, ayna ka gacan ka siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo weerartay sida uu yiri deegaano katirsan Puntland, kuwaasoo uu sheegay inay doonayaan inay isku ballaariyaan Geeska Afrika oo dhan.
Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa Saraakiisha u sharaxay muhiimada ay leedahay inay Puntland iyo Itoobiya iska-kaashadaan is-dhaafsiga xogaha la xiriira Al-shabaab iyo cid walba oo wax u dhimaysa nabad-galyada iyo xasilooni ka hana-qaaday Puntland iyo Itoobiya, maadaama buu yiri inay wadaagaan xuduud dheer.
Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray inay Puntland isaga filan tahay cid walba oo isku-dayda inay amnigeeda qal-qal-geliso, ayna Amni-darro ka abuurto deegaanada Puntland, isla markaana aanay jirin baahi loo qabo ciidamo shisheeye oo la keeno, balse ay Ciidamada Puntland u baahan yihiin in laga caawiyo tababarada iyo taakulaynta.
Dhanka kale saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda ballan-qaaday inay kala shaqeyn doonaan Puntland dhanka tababbarka ciidamada, ayna siindoonaan wixii ay uga baahdaan oo taakuleyn ah, waxay saraakiishu xuseen inay Itoobiya diyaar u tahay inay kala shaqeyso Puntland is-dhaafsiga xogaha Al-shabaab, kaas oo ay sheegeen inay yihin cadowga keliya ee ay leeyihiin shacabka Soomaliyeed iyo kuwa Itoobiya sida ay yiraahdeen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R4V4Fx
via IFTTT

Maamulka Khaatumo oo si adag uga soo horjeestay hubka dowladda Soomaaliya siisay maamulka Puntland, sheegayna in….

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka khaatumo abshir cabdicasiis ayaa xalay sheegay inuu maamulkiisu ka walaacsan yahay hubka ay dowladda soomaaliya siisay maamulka Puntland, kaas oo sida uu yiri loo adeegsankaro si ka duwan sidii markii hore loogu talo galay.
Wasiirka ayaa ka digay in hubkaasi loo adeegsado dadka ku nool deegaanada ay khaatumo ka taliso amam dad kale oo ka mid ah dadweynaha degan gobolada puntland ,wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale ay dhici karto in hubkaasi suuqyada la soo geliyo oo la arko iyadoo suuqa madow lagu iibsanayo kadibna uu galo gacamo kale.
"waa lagu deg degay bixinta hubkaasi dowladda soomaaliya waxaa laga rabaa inay ka fiisato bixinta hub aysan hadhowdii ogaan karin qaabka loo adeegsaday haddii kale iyadaa la eedayaa marka hubkaasi loo adeegsado dad shacab oo ay dhicikarto in maamulka puntland u adeegsado haddii la isqabto.
Wasiirku waxaa uu sheegay in hubkan khatar ku yahay dhanka khaatumo oo xligan ayba wadaan dulaan dhulkooda lagu soo qaaday wuxuuna intaasi ku daray in khaatumo aysan ka tirsaneyn puntland ayna ishayaan khaatumo iyo labada maamul ee dhinacyada ka xiga ee kala ah Somaliland iyo puntland sidaa owgeed ay mar labaad ka digayaan in hubkaasi lagu waxyeeleeyo dad shacab,haddii kale iyaga hub la mid ah kan la siiyey Puntland oo kale la siiyo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pi4EiA
via IFTTT

Jabuuti oo lagu wareejiyay maxaabiis looga qabsaday dagaalkii ay la gashay dowladda Eritrea 8 sano ka hor

Dowladda Qadar ayaa Afar maxbuus oo dalka Jabuuti looga qabsaday dagaalkii ay la gashaya dalka Eritrea shalay ku wareejisay xukuumadda Jabuuti, kuwaasoo muddo 8 sanadood ah maxaabiis ku ahaa dalka Eritrea, maxaabiistan ayaa waxaa xukuumadda Jabuuti ku wareejiyey Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Qadar iyo danjirayaasha labada waddan ee Jabuuti iyo Qadar, iyadoo maxaabiistaan muddo ay gacanta ku haysay xukuumadda Eritrea.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ayaa maxaabiistaasi Jabuutiyaanka ah waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirada Difaaca iyo arrimaha arrimaha dibadda iyo saraakiilka tirsan ciidanka Jabuuti.
Wasiirrada arrimaha dibadda Jabuuti iyo Qadar oo Shir jaraa'id ku qabtay Garoonka ayaa Faahfaahino ka bixiyay sida ay Maxaabiistaan Jabuuti kusoo gareen, iyagoo xusay in sii-deyntoodu ku timid dedaal ay xukuumada Qadar ku bixisay sidii loo sii dayn lahaa, iyadoo ugu dambeyn ay ku guuleysatay dhax-dhaxaadintii ay ka dhax-waday Eritrea iyo Jabuuti.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay hadalkiisa in askarta Jabuuti dagaalka looga qabsaday ay ahaayeen 22-Askari, Maantana ay soo gaareen Afar ka mid ah, wuxuuna intaas ku daray in 13- askari ay weli gacanta Eritrea weli ku jiraan, labo kalana ay ka baxsadeen jeelka ama xabsigii lagu hayey.
Qaar ka mid ah Maxaabiistaasi oo dareenkooda ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan dalkoodii hooyo oo muddo siddeed sano ah ay ka maqnaayeen, caafimaadkooduna uu wanaagsan yahay.
Ugu dambeyn, Xukuumadda Doxa ayaa waxay ciidammo ka joogaan Xadka labada Dal ee Jabuuti iyo Eritrea u dhexeeya, iyadoo xukuumadda qadar ay weli waddo dedaal ku adddan sidii ay dalalka jabuuti iyo Eritrea u dhex-dhexaadin laheyd.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R4V48t
via IFTTT

Wednesday, March 16, 2016

Qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya

Qarax xooggan ayaa xalay ka dhacay magaalada muqdisho kaas oo la sheegayo inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala duwan, sida warku sheegayo Kooxo hubeysan ayaa xalay waxey bam ku weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Isgooyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bambaano nuuca gacanta laga tuuro, taasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uu sheegay in ciidamada la qarxiyay ay Rasaas xoogan dhinacyada u fureen, inkastoo Kooxihii weerarkaasi geystay lagu soo waramayo in ay halkaasi ka baxsadeen.
Ciidamadan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa bilbaabay howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii weeararkaasi ka dambeeyey lamana oga in weerarkaasi cid loo soo qabtay iyo in kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1WshOQ2
via IFTTT

Dad u dhintay abaaraha saameynta ku yeeshay gobolada ku yaala galbeedka maamulka Somaliland

Inta la xaqiijiyey ilaa afar qof ayaa abaarta baahsan ee ka jirta gobolka Awdal ku geeriyooday, iyadoo uu socdo gurmad xoog leh oo la doonayo in dadkaasi lagu gaarsiiyo biyo iyo cunto,inkastoo xaaladda halkaasi ka taagan la sheegay inay baaxad weyn tahay gargaar kooban oo halkaasi la geeyo loona baahanyahay in loo wada istaago badbaadinta dadkaasi inta suurtagalka ah allaah ayaa wax badbaadinkaree.
Dhinaca kale maamulka gobolka Awdal ayaa xaalad degdeg ah kaga dhawaaqay gobolka, isla markaana sheegay in abaartii ka jirtay gobolka ay sababtay inay dadku u geeriyoodaan ka dib markii xoolihii ay abaartu ka laysay, dadka dhintay ayaa isugu jiray haween iyo caruur ay abaartu saameyn daran ku yeelatay, iyadoo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Cali Saleebaan [Ramaax] uu baaq qaylo-dhaan ah kasoo jeediyay deegaanada abaartu ku dhufatay, isagoo xusay inay dadku socon kari waayeen gaajo iyo haraad darteed.
Guddoomiyuhu ayaa sheegay in abaartu ay saameysay reer guuraa badan oo iminka kasoo hayaamaya dhulka xeebaha ah, kuwaasoo keentay in qaarkood ay carruurtoodii isaga soo yaaceen markii ay soo qaadi kari waayeen, guddoomiye Ramaax ayaa sheegay inuu inta badan kormeer ku soo maray deegaanada ay abaartu ku dhufatay oo u badan deegaanada buuuraha iyo xeebaha, kuwaas oo dadkii socon kari karayey ay wadooyinka tuban yihiin.
"Illaa afar qof ayaanu haynaa oo u geeriyooday abaarta jirta, waxaana meelaha qaarkood laga sheegayay inay shan qof yihiin, dadkan waxaa ka dhamaaday xoolihii, abaartuna waa mid aad u baahday oo gobolka Awdal, Gabiley iyo waqooyiga Hargeysaba dadkii waxay la socon kari waayeen waa gaajo iyo haraad"ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Awdal Ramaax oo ka hadlayey abaarta ka jirta gobolka.
Waxaanu intaas ku daray, "Dadkaani markii ay carruurtii soo qaadi kari waayeen ayey kala dhaqaaqeen oo intii soo gaari karaysay waxay yimaadeen wadooyinka hareerahoodda, inkastoo gurmad badan u fidinay oo ilaa hadda raashin u qaybinay hadana abaartu waxay saamaysay 99% dadkii reer guuraa ahaa".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ls3wOP
via IFTTT

Diyarado lagu arkay hawada sare ee goobaha ay ku dagaalamayaan Puntland iyo Al-shabaab iyo wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkaasi

Wararka laga helayo Deeganka Garmaal ee Bariga Nugaal ayaa sheegaya in hawada sare ee agga dagaalka lagu arkay Diyaradaha Dagaalka wixii ka dambeeyay gabal dhicii shalay,diyaaradahaasi oo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo dalalka laga leeyahay midna.
Dadka deeganka ayaa u sheegaya qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha Puntland inay arkeen diyaarado maraya hawada goobihii shalay lagu dagaalamay kuwaas oo aysan garaneynin waxa ay yihiin iyo waxa ay ka sameynayaan hawada deegaanka dagaalku ka dhacay.
Dhinaca kale weli waxa Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ay isku horfadhiyaan meel aan sidaas uga fogeyn degmada Godabjiraan ee gobalka Nugaal, waxana wararka ay sheegayan in Ciidamada Al-Shabaab ee ku sugan agga Godabjiraan ay yihiin tiro ahan kuwa ugu badan marka loo eego Ciidamada Shabaab ee ka soo degay Xeebaha Puntland, waxaana sida warku sheegayo Ciidamada Puntland ee fadhiya agga Godabjiraan ay doonayaan in ay ka hortagan in Ciidamada Al-shabaab ay u gudban qaybaha kale ee Puntland,iyadoo warar kale ay sheegayaan in puntland aggaasi u dirtay ciidamo cusub oo xoojinaya kuwii halkaasi horey uga joogay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1WshQHv
via IFTTT

Farmaajo: Dhaqaalaha ugu badan ee dowladda soo gala, haddii aan lagu bixin ciidanka, lama gaaraayo in la helo

Ra'iisal Wasaarihii hore Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa uu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee Dowladda soomaaliya ee hadda jirta ,wuxuuna madaxda dowladda soomaaliya ku eedeeyey inaysan laheyn siyaasad sal fadhisa, wuxuuna ku tilmaamay dowlad un guur guur ku jirta.
"Wax la taaban karo oo ay gaartay dowladda malaha, saddex Ra'iisal wasaare ayaa la bedelay, saddex Guddoomiye gobolka Banaadir ayaa la bedelay. Siyaasadda dowladda waxaad moodda inaysan fadhin, marba guur guur ayay ku jirtaa, siyaasad sal fadhiso maba lahan." Ayuu yiri Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya.
Wuxuu soo hadalqaaday amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay haddii dhaqaalaha ugu badan ee Dowladda Soomaaliya soo galaa aan lagu bixin Ciidamada Qalabka Sida, in aan la heli doonin nabadgelyada la doonayo.
"Dhaqaalaha ugu badan ee dowladda soo gala, haddii aan lagu bixin ciidanka, lama gaarayo in la helo ammaanka loo baahan yahay. Askariga wuu dhimanayaa, wuu dhaawacmayaa, dhibaatadaa soo gaareyso, waana in laga warqabaa." Ayuu mar kale yiri Maxamed C/laahi oo la hadlay Radio Goobjoog ee magaalada muqdisho
Farmaajo waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Somaliya uu masuul ka saaran yahay daryeelka ciidamada qalabka sida, ayna ka warqabto qoyska askariga u dhimanaya Qaranka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ls3uGA
via IFTTT

Wasiir Odawaa: Waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu qanciyo beelaha ka carooday shirkii Jowhar

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo saddexdii cisho ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Beledweyn ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay ku howlan tahay sidii loo qancin lahaa dhamaan beelaha ka carooday shirkii Jowhar.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu magaalada Beledweyn kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furay Jowhar, waxaana uu rajo ka muujiyay in kulamadaas ay ka soo baxaan yididiilo wanaagsan, sidoo kale wasiir Odawaa ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo walba oo lagu qancinayo odayaashii ka carooday shirkii Jowhar, isla markaana qorshuhu yahay in dib loo bilaabo shirkii dhismaha maamul u sameynta.
"Waxaan qaadi doonnaa talaabo kasta oo lagu qanciyo beelaha ka carooday shirka, waxaa is bedel ku sameyn doonaa qaabka Wasaaraddu markii hore ugu talo gashay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe"ayuu mar kale yiri Wasiir Odawaa.
Kulamadii maalmihii u dambeeyay Wasiirku kula lahaa magaalada Beledweyne odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa wali wax natiijo ah ka soo bixin, inkastoo Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay wali ku adkeysanayaan in aanay diyaar u aheyn inay tagaan shirka Jowhar.
Qaar ka mid ah Beelaha ku dhaqan Hiiraan ayaa horay u qaadacay shirka Jowhar, waxaana beelaha qaarkood ay saluugeen qaabkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qeybisay odayaasha soo xulaya ergooyinka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hakad ku yimid habsami u socodkiisa, tan iyo markii shirka la furay 12-kii bishii Janaayo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1WshPU1
via IFTTT

Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxeysa dagaaladii u dhaxeeyay Puntland iyo Alshabaab

Waxaa isa soo taraaya wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland oo saacadihii la soo dhaafay uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Al-shabaab, dagaalka oo marba dhinac u badanayay ayaa waxa uu xoogiisu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Togga Suuj oo ah deegaan godod leh oo ku yaala duleedka deegaanka Garmaal oo ka tirsan gobolka Nugaal.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen xarumo ay si KMG ah usii degnaayeen dagaalyahanada gaaray deegaanadaasi ay ka taliso Puntland ee dhinaca ku haya xeebaha, maamulka Puntland ayaa guulo ka sheegtay Dagaalka ay la galeen xoogaga Al-shabaab, kadib markii ay sheegen in weerarka ay iyagu ku hormareen sidaana ay dhibaato ku gaarsiiyen dagaalyahaanada Al-shabaab, inakstoo aysan jirin cid ka madaxbanaan labada dhinac oo xaqiijinkarta khasaaraha dagaalkaasi ee soo gaaray labada dhinac.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 15 ruux, waxaana uu tilmaamay in khasaaraha dhankooda uu yar yahay.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde oo isna shalay warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay inay 72 saac ku soo afjarayaan dagaalkaasi,wuxuuna intaasi ku daray in dagaalku uu weli socdo,ayna dhinacooda dagaalka guulo ka gaareen sida uu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamo ku filan ay halkaasi u direen,isago dhinaca kale ugu baaqay ciidamada Al-shabaab in ay isu soo dhiibaan ciidamada puntland.
Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkaasi ayaa sheegaya in dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore uu istaagay maqribnimadii xalay iyadoo sida la sheegay dagaalkaasi loo adeegsaday madaafiic culus oo ciidamada puntland ay ku ridayeen dhul godod iyo buuro ah oo ay galeen Ciidamada Al-shabaab,ilaa haddana dagaalkaasi si rasmi ah ugama hadlin Al-shabaab, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalkaasi uu dib u bilowdo maanta mar kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ls3tTg
via IFTTT

Tuesday, March 15, 2016

Madaxweynaha Yugandha: Ciidamadeena waxaan Soomaaliya ugu dirnay inay difaacaan Itoobiya oo ay xaaladda markaasi ku xumeyd

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Musaveni oo khudbad dheer ujeediyay xildhibaanada cusub ee xisbigiisa NRM ayaa ka hadlay arrimo badan oo isugu jiray siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha dalka Uganda iyo kan qaarada Afrika, madaxwayne Musaveni ayaa khudbadiisi kusoo daray sababta uu ciidamada Uganda ugu diray Soomaaliya,wuxuuna yiri sidan.
Sababta aanu ugalnay Soomaaliya ugana mid noqonay AMISOM waxaa qayb ka ahayd inaanu caawino Ethiopia oo markaas la wiiqayey, madaxweyne Musaveni oo hadalkiisi sii wata ayaa sheegay in hogaamiyaha Afrikaanka ahi looga baahan yahay inuu noqdo mid u adeega labada shay ee Afrika ubaahan tahay oo ah in la gaarsiiyo barwaaqoo iyo istaraatijiyad amniyadeed.
Aakhirkii sanadkii 2006 ayay ciidamo aad ufara badan oo Itoobiyaan ah gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho iyo inta badan magaalooyinka muhiimka ee Koonfurta soomaaliya,iyadoo Ciidamada Itoobiya ay muqaawamo xoogan kala kulmeen kooxo Islaamiyiin ah oo isbahaystay oo taageeero ka helaya shacabka gaar ahaan magaalada Muqdisho,waxaana dagaaladii dhexmaray ciidamadii Itoobiya iyo kooxihii Soomaaliyeed uu dhaliyay khasaare aad ubadan oo isugu jiray naf iyo maal iyo barakac,waxaana Ra,iisulwasaarihii Itoobiya ee waqtigaasi Meles Zenawi oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Addis Ababa ka hor intuusan amar kubixinin in ciidamadiisu kasoo baxaan Soomaaliya uu qiray in ciidan badan looga dilay Soomaalia isagoo markaas sheegay in ilaa 500 oo askari looga dilay dagaaladii muqdisho
Sida uu Musaveni khudbadiisa ku qiray ciidamada Uganda waxay Somalia utageen hiilo ay uhiilinayeen ciidamdii Itoobiya ee xiligaas ku cakirnaa Soomaaliya,inkastoo aysan arrintaasi itoobiya weli ka hadlin.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S3pLK0
via IFTTT

Hay’adda nabadsugidda Soomaaliya oo sheegtay in Al-shabaab ay qorsheynaysay weeraro lagu qaado dekedaha kala ah…

Ammaanka dekadaha dalka ayaa la adkeeyay kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in xarakada Alshabaab ay qorsheynayaan in ay weeraraan dekedaha dalka Soomaaliya qaarkood, sida ay qortay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA sarkaal ka tirsan hay'ada Sirdoonka iyo Nabadsugiida NISA ayaa sheegay in dagaalyahanada gaaray shalay deegaanka Garacad ay qorsheynayeen inay weeraraan dekedo ku yaal dalka kadib markii warkooda la helayna ay dib u laabteen.
Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Hay'adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Soomaaliya Ee NISA ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee lagu arkay shalayto deegaanka Garacad oo qiysaas ahaan gaaray ku dhawaad 500 ay qorsheynayeen weerar lagu qaado qaar kamid ah Dakadaha Soomaaliya markii xogtooda laga war helayna ay dib u laabteen.
NISA ayaa sheegtay in la qaaday talaabooyin amni oo dheeraad ah kuwaas oo looga hortagayo qorshe kasta oo Alshabaab ku dooneyso in ay ku carqaladeeyo ilaha dhaqaalaha ee dalka, sarkaalka u waramay SONNA ayaa xusay in bartilmaameedka Al-shabaab ay ka mid ahaayeen dekadaha Muqdisho,Boosaaso iyo kuwo kale oo muhiim ah.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QWHKD0
via IFTTT

Qodobo la sheegay in siyaasyiinta beesha sade ay hor dhigeen shirka u socda iyaga maamulka Jubbaland iyo warar sheegaya in..

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo oo hadda ah xarunta maamulka jubbaland ayaa sheegaya in siyaasiyiinta beesha Sade ee horey uga soo horjeeday maamulka Jubbaland kuwaas oo hadda uu shir uga socdo magaalada kismaayo iyaga iyo maamulka Axmed madoobe qodob ay doonayaan in uu maamulka wax ka qabto kuwaas oo ay dalbanayaan in maamulku fuliyo ka hor inta aan la saxiixin heshiis lagu gaarayo dib uheshiisiin ay dhinacyada shirku u dhexeeyaahi wadagaaraan
Sida warku sheegayo ilaa 14 qodob ayey siyaasiyiinta beesha Sade ugu gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam,kuwaas oo jawaabteeda laga sugayo madaxweynaha jubba, waxaana qodobadaasi ka mida ahaa
In gudomiyaha Dagmada Kismaayo loo magacaabo shaqsi ka so jeeda beesha Sade, in taliyeyaasha Ciidamada mid ahaan loo magacaabo beesha Sade, in wasiirka Arimaha gudaha Jubbaland laga dhigi siyaasi ka so jeeda beesha Sade, in Agaasimeyaasha iyo Agaasime waxeedtayada Jubbaland si siman loo qaybsado iyo 6 qodob oo kale.
In Ceel Cade iyo Buurdhuubo ay yihiin Dagmoyin lana siiyo Xildhibanadii ay la hayeen iyo qodobo kale,waxaana jira warar sheegaya in shir ay shalay labada dhinac isugu yimaadeen qaar kamid ah qodobadaasi uu maamulka Axmed Madoobe u ogolaaday,iyadoo dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha ay dalbadeen siyaasiyiinta beesha dhawaan la magacaabay sida maareeyaha dekedda kismaayo iyo xubno kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S3pJSz
via IFTTT

Golaha wasiirada Puntland oo xalay mar kulan aan cadi aheyn yeeshay iyo C/raxmaan Faroole oo ka qaybgalay

Golaha Wasiiarada maamulka Puntland ayaa xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Garoowe kaas oo sida lasheegay looga hadlayay Jawaabta ay Puntland ka bixinayso qabsashada Al-shabaab ee deeganada Xeebaha Puntland sida ugu dhaqsiyaha badan iyo howlgalo uu maamulku hadda gacanta ku hayo sida warka lagu sheegay,kuwaas oo looga hortagayo tagitaanka Al-shabaab ee deegaano katirsan maamulka Puntland.
Sida warku sheegayo kulankaasi waxaa ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxman Faroole oo sida la sheegay halkaasi ka jeediyey Talooyin ku aaddan qorshaha Puntland ee ku wajahan wejiga cusub ee ay gashay Puntland,inkastoo aan la faahfaahin waxyaabaha uu sida gaarka ah uga hadlay.
Kullanka aan caadiga ahayn ee ay yeesheen Golaha wasiirada Puntland ayaa qayb ka ah kulamo Xiriir ah oo ilaa habeen hore ay ku yeelanayeen Magaalada Garoowe golaha wasiirada puntland kaaso uu shir Gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaji Cumar Camey isla markana ah kusimaha Madaxweynaha.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QWHGTU
via IFTTT

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo magaalada Roma ee dalka talyaaniga gaaray

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Roma ee caasimada Talyaaniga. waxaana wafdiga ra'iisul wasaaraha soo dhoweyn u sameeyay safaaradda Soomaaliya iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga,waxaana wafdiga ra'iisul wasaaraha ka mid ah xubno ka tirsan xukuumaddiisa.
Hadal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro kulamo uu Roma kula qaadanayo madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa,mana bixin faahfaahin intaasi dheer



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Uy9M9g
via IFTTT

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo Ugaas ka hadlay

Saraakiil ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu Hoggaaminayay wakiil ka soday Danjiraha Qaramada Midoobay ee soomaaliya , ayaa kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee deegaanka Ceel-jaale oo ku yaalla dulleedka Beledweyne, ayaa waxaa ka qeyb-galay duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo kala hadlay saraakiishii Qaramada Midoobay aragtidooda ku aadan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sidoo kale sheegay in si wadajir ah ugu sheegeen saraakiishii ay la kulmeen in marka hore kulan dib-u-hishiisiin ah loo qabto bulshada ku nool Gobolka, madaama muddo dheer bulshadu aysan fursad u helin inay arrimaha dhaxdooda ah kawada hadlaan.
"Maamul waxaa la dhisi karaa marka bulshadu is-ogoshahay, sidaas darteedna saraakiisha Qaramada Midoobay waxaan ka dalbanay – in marka hore kulan dib-u-hishiisiin ah loo qabto beelaha ayna kawada hadlaan arrimaha dhax-dooda ah, waqtigii la doono ayuuna kulanku qaadan karaa, markaa kadib ayaa laga wadahadli karaa dhisme maamul, inta ka horeysana wax jiri kara ma lahan," ayuu yiri Ugaas Xasan oo hadalkiisa ku daray in mowqifka iyo rabitanka ay hor dhigeen saraakiisha Qaramada Midoobay uu ahaa midkaas.
Ugaas Xasan oo si gaar ah ula hadlay website-ka hiiraan Online , ayaa sheegay in marka maamul la dhisayo loo baahan yahay in talada lagu soo celiyo gacmaha bulshada sameynaya maamulka, wuxuuna yiri "Marka la leeyahay 4.5, dabcan waxa laga hadlayo waa qabiil, bulshada ayaana laga rabaa inay go'aannadooda gaaraan ee ma aha in go'aanka loo gaaro. Sidaa daraadeed waa in loo ogolaadaa dadka inay wada-hadlaan, fursadna isku helaan, isna cafiyaan, dib u hishiisiin laga dhax-abuuro, markaas kadib ayaa laga hadli karaa dowladnimo iyo maamul".
Sidoo kale, Ugaaska ayaa xusay in shirka labada dhinac duubabka dhaqanka iyo xubnaha Qaramada Midoobay uu kusoo dhammaaday is-faham, madaama ujeeddada kulanka laga lahaa oo kaliya ay ahayd in saraakiisha Qaramada Midoobay ay dhageystaan dareenka bulshada ay wakiilka ka yihiin dubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn kulankan ayaa imaanaya xilli khilaaf uu ka tagan yahay qorshaha dhismaha maamulka loo dhisayo gobolada Hiiraan & Sh/dhexe, kadib markii ay dhawaan si wadajir ah u qaadaceen shirka Jowhar duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, sidoo kalena waxa uu kulankaasi ku soo aadayaa iyadoo wasiiro ka tirsan xukuumadda soomaaliya ay weli ku sugan yihiin magaalada B/weyne ee xarunta gobolka hiiraan kuwaas oo halkaasi u tagay inay la kulmaan maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1XuhCjp
via IFTTT

Sunday, March 13, 2016

Askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo is dilay kadib markii dalkiisa dib loogu celiyey

Askari ka soo jeeda dalka Kenya, kana tirsanaa ciidamada AMISOM ee ka howlgalayey gudaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dhex dilay gurigiisa oo ku yaala magaalada Busiya oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Yugandha.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa wax ka qoray sheekadan ku saabsan askariga Kenyanka ah ee isku dhex dilay gurigiisa, waxa uuna wargeysku sheegay in askarigan uu dhawaan ka laabtay Soomaaliya uu ka mid ahaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, askariga Kenyanka ah ee is dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Joash Ochieng Magar, waxa uu ahaa 52-sano jir ka tirsanaa ciidamada milatariga dalka Kenya, askarigan ayaana eheladiisa sheegeen in maalmo kahor uu kasoo laabtay gudaha Soomaaliya.
Gabar la dhalatay askariga is dilay ayaa wargeyska u sheegtay inuu walaalkeed isku dhex dilay qolkiisa, waxayna tilmaantay inuu ka tirsanaa ciidanka milatariga Kenya, gaar ahaan kuwa AMISOM ee ka howglayey gudaha Soomaaliya oo uu malamo yar ka hor ka laabtay.
Askarigan is dilay ayey sheegeen eheladiisa inuu hayey isku buuq ayna jirto dhibaato dhinaca maskaxda ah oo u horeesady inuu askarigan is dilo, welina lama cadeyn sababta ka dambeysa in uu is dilo askarigan, warar soo baxaya ayaa sheegaya in askarigan is dilay uu kamid ahaa xubno saraakiil ah oo la soo saaray liiskood howlgabka, waxaana dadka qaar aaminsan yihiin in uu ka xumaa tilbaadaasi ayna keentay in uu is dilo.
Ciidamada booliska magaalada Busiya uu dilku ka dhacay ayaa sheegay inay wadana baaritaano ku aadan kiiska askarigan is dilay, ayna shaacin doonaan sababta ka dambeysa in uu askarigan noloshiisa is dhaafiyo marka baaritaanku soo dhamaado.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TZXiJ4
via IFTTT

Maamulka Galmudug oo ku hanjabay inay dhawaan tagi doonaan magaalada Dhuusamareeb, sheegayna…

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Cismaan Cisie Nuur (Taar-dhuleed) oo la hadlay xildhibaanada Galmudug ayaa ka hadlay arrimaha amniga ee deegaanada Mudug iyo Galgaduud iyo dagaalo maalmihii la soo dhaafay ay la galeen Al-shabaab.
Mr Taar-dhuleed ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay ku doonayaan inay ku tagaan xarunta maamulka Galmudug oo ah magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ururuka Ahlu Sunna, wuxuuna yiri Taar-dhuleed "Galmudug waxay qorsheyneysaa inay si degdeg ah u tagto caasimaddeeda Dhuusamareeb, cid aan kala xaajoneyno ma jirto, xoog ayaana ku tageynaa dhawaan".
Ma sheegin qaabka ay ku tagayaan Dhuusamareeb inay tahay awood milateri iyo in kale, hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa dagaalo dhexmara labada dhinac oo muddooyinkii u dambeeyay hadalo kulul hawada isu marsiinayay, ciidamada ururka Ahlu Sunna ayaa Dhuusamareeb ku sugan, waxayna labo todobaad ka hor ay dagaal kula galeen sarkaal horay uga falaagoobay ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana maalmihii la soo dhaafay jiray xiisado u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1YPN50P
via IFTTT

Qaraxyo khaasre geystay oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wararka ka imaanaya degmadda qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka dhacay qaraxyo xoogan oo khasaare kala duwan geystay, sida warku sheegayo ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, 5 kalena dhaawac kala duwan ayaa ka soo gaartay qaraxaasi oo la sheegay in lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa nawaaxiga suuq qaadka lagu iibiyo oo ku yaala degmada Qoryooleey.
Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cismaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dadka qaraxaasi ku dhaawacay ay yihiin labo askari iyo 3 kale oo shacab ah sida uu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in qaraxaasi uu fuliyey nin watay bambaano ah nooca gacanta laga tuuro,kaas oo sida guddoomiyuhu sheegay baxsaday markii uu weerarka geystay kadib.
Degmada Qoryooley ee gobolka Sh. hoose ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ,waxaana marar badan sidan oo kale ka dhacay qaraxyo lala beegsado ciidamadaasi, ilaa haddana ma jirto cid sheegatay qaraxii xalay ka dhacay degmada Qoryooley.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TZXfgj
via IFTTT

Dowladda Kuwait oo sheegtay inay Soomaaliya ka taageeri doonto La-dagaalanka Alshabaab

Ra'isul-wasaare-ku-xigeenka Koowaad, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwayt, Sheekh Sabaax Khaalid Alaxmed Alsabaax ayaa sheegay in dalkiisu ay dowladda soomaaliya gacan ka siinayaan dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-shabaab,waxaana uu hadalkaasi ka sheegay kulan uu shalay kula yeeshay magaalada Kuwait Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dowladda Federalka soomaaliya , C/salaam Hadliye Omar oo haatan booqasho ku jooga dalkaasi.
Wakaalladda wararka Kuwait ee KUNA oo Warkani baahisay ayaa sheegtay inuu Kulankaasi ka dhacay Qasriga Alsayf oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kuweyt City, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada wadan, xaaladaha gobalka iyo guud ahaan caalamka, Sheekh Sabaax Khaalid Alaxmed Alsabaax waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kuwayt ka go'an tahay inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo deganaanshaha soomaaliya
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federalka Soomaaliya C/salaam Hadliye Omar waxa uu ka mahadceliyey taageeradda ay dowladda Kuwayt la garab tagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhaweeyey Shirweynaha Caalamiga ee lagu taageerayo nidaamka waxbarashadda Soomaaliya, taasi oo ay Dowladda Kuwait marti-gelinayso bartamaha sanadkan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1YPMYSV
via IFTTT

Axmed Madoobe: Waxaa jira ka gaabis aad u weyn iyo dib u dhac ka jira howlgallada AMISOM iyo guud ahaan ciidamada Soomaalida

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay oo Axad aheyd kulan xasaasi ah isugu yeerey dhammaan saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo saraakiisha ugu sarsareysa ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada kismaayo, kulankaasi oo uu goobjoog ahaa madaxa AMISOM ee soomaaliya
Kulankan oo ahaa mid looga hadlayey sidii loo billaabi lahaa howlgal loogu magacdaray wabiga Jubba oo maamulka jubba uu sheegay in deegaanada hoosyimaada maamulkaasi looga saarayo xarakada Al-shabaab oo inta badan deegaanada gobolada uu ka kooban yahay maamulkaasi gacanta ku haysa ayaa waxaa hadal ka jeediyey hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxmed Islaam waxaana uu sheegay in saraakiisha Ciidamada kala duwan looga baahan yahay sidii waji cusub loogu wajihi lahaa ladagaalanka Al-shabaab sida uu yiri.
Axmed madoobe waxa uu sheegay inuu jiro kagaabis aad uweyn iyo dib udhac ka jira howlgallada AMISOM iyo guud ahaan ciidamada soomaalida kuwaas oo sida uu sheegey umuuqata mid aan daacad laga ahayn ladagaalanka Al-shabaaab.
Sidookale Axmed madoobe wuxuu sheegeyn inaysan Qaramada Midoobey aysan karun sheegin dhisitaanka iyo tababaridda ciidamada xooga dalka soomaaliyeed ee ay horey ubalan qaadeen arrintaasna uu jiitan badania uu ka jiro,wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay in la dhiso Ciidamada dowladda soomaaliya,isagoo xusay in ciidamo uu maamul kastaahi gooni u sameysto aysan wax xal ah keeneeynin.
Axmed Maxamed islaam waxaa kale oo uu sheegay inaysan waxba tareyni in la yiraahdo horumar ayaa laga sameeyey dhinaca siyaasadda mar haddii aanu amni jirin sidaa owgeed loo bahan yahay in la iska kaashado sidii amni buuxa dalka looga dhalinlahaa ammaanka dalka laga dhigo mid la isku haleyn karo sida uu yiri.
"Markasta waxaa soo baxa go,aano la,isla gaaro oo ah in dalka laga xoreeyo nabadiidka Al-shabaab, haddana majiraan cid fulisa oo karun sheegta" ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jubbaland, markaan si dhab ah uga hadleyno tirada ciidamada AMISOM ee dalka kusugan qalabkooda tababarkooda iyo tirada wiilasha Alshabaab ma ahan wax isu dhow, mana aaminsani in halmaalin ay Alshabaab kusii jiri lahaayeen dalka haddii laga run sheegi lahaa ladagaalanka Al-shabaab" ayuu yiri hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.
Gabagabadii Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulankaasi ka sheegay in ay ka Jubbaland ahaan ciidamadoodu diyaar yihiin howlgalkoodana ay bilaabi doonaan iyaga oo garabsanaya sedexda dal ee ciidamadu ka joogaan Kismaayo ee kala ah Burundi, Itoobiya iyo Kenya.
"Ciidamadanadu waxay udiyaarsanyihiin howlgal anaga oo kaashaneyna ciidamada AMISOM ee kusugan deegaanada Jubbaland , sidookale waxaan diyaariney Booliiskii sugi lahaa amaanka deegaanada lagala wareego iyo sidookale nidaamkii maamul u sameynta ee deegaanada aan kala wareegno Alshabaab"ayuu yiri Axmed Madoobe.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TZXgkd
via IFTTT

Odawaa: Safarkeenu wuxuu la xiriira sidii loo amba-qaadi lahaa la tashiyada ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliyia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo shalay gaaray Beledweyne, ayaa sheegay inay jiraan caqabado ku hor-gudban dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in socdalkooda magaalada Beledweyne la xiriiro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan dhismaha maamulka labada gobol.
"Anniga iyo xubnaha socdaalka igu wehliya, safarkeennu wuxuu la xiriira sidii loo amba-qaadi lahaa la tashiyada ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol, dabcan caqabado wey jiraan, waxaan isku dayi-doonnaa in aan dhameyno wixii khilaaf ah ee jira," ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in mudada ay joogaan kulamo kala duwan la qaadan doonaan qeybaha bulshada iyo duubabka dhaqanka gobolka oo ay ka wadahadali doonaan siddii loo soo afjari lahaa is-mari-waaga siyaasadeed ee taagan.
"Waanu sii joogaynaa magaalada Baladweyne illaa inta laga af-jarayo muranka ka taagan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, wada-tashiyo kala duwan ayaaan la yeelan doonaa qaybaha bulshada iyo duubabka dhaqanka" ayuu wasiirku mar kale yiri yiri.
Socdaalkan ayaa waxaa wasiirka ku wehlinaya wasiirka batroolka Soomaaliya, Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo xubin ka tirsan xafiiska Ra'isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdiga wasiirka ay hor dhac u yihiin wafdi kale oo uu hoggaaminayo R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo sidoo kale la filayo in maalmaha soo socda ay gaaraan Beledweyne.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1YPMX1b
via IFTTT

Saturday, March 12, 2016

Ras’isul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ku wajahan magaalada B/weyne iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya socdaalkiisa

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan si ay dadka gobolkaas kulo kala duwan ula yeeshaan
Safarka Ra'iisul Wasaaraha oo ay ku wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka kale oo katirsan dowladda soomaaliya ayaa ujeedkooda lagu sheegay inay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada gobolkaasi ka hadlaan sidii ay uga qeybgeli lahaayeen shirka jowhar ee la doonayo in maamul loogu sameeyo labada gobo lee kala ah Hiiraan iyo Sh/dhexe kaas oo in muddo ah hakad ku jiray kadib khilaafyo hareeyey shirkaasi.
Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaaan madaxda maamulka hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada AMISOM ee gobolkaasi ku sugan, iyadoo sidoo kale lagu wado inay kulan gaar ah la qaataan bulshada rayidka ah eek u nool B/weyne.
Socdaalka wafdiga R/wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowr maalmood ka hor ay inta badan odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan sheegeen inaysan ka qeybgaleynin shirka Jowhar, isla markaasna ay aayaha dadka gobolka hiiraan iyagu go'aan ka gaari doonaan, ilaa haddana lama oga in wafdiga ra,iisulwasaarahu ay ku guuleysan doonaan inay odayaashasi ku qanciyaan inay shirka tagaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RXAd5Q
via IFTTT

Dad gaajo ugu dhintay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose iyo faahfaahino ka soo baxaya

Xaalad aad u adag ayaa laga soo sheegaya deegaano katirsan gobolka Shabeellaha hoose, waxaana la xaqiijiyay geerida hal qof oo dumar ah, halka dad badan u il daranyihiin gaajo ka taagaan deegaanada gobolkaasi, haweeynayda dhimatay ayaa maamulka gobolka Shabeellaha hoose sheegeen inay uur laheyd, iyagoo tilmaamay inay u dhimatay baahi soo wajahday.
Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xusay in hooyadaasi ku qurbaxday tuulada Ambareeso oo hoos timaada degmada Baraawe, iyadoo 30 qoys oo isla deegaankaas degganna ay khatar ugu jiraan xaaladdan oo kale.
Cali Nuur Maxamed oo ah guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca amniga, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in dhimashadan keentay abaaro baahsan oo gobolka ka taagnaa muddooyinkii dambe, isagoo xaqiijiyay in gabi ahaanba uu guray Wabiga Shabeelle oo ahaa isha dad badani ku tiirsanaayeen.
Gudoomiyuhu wuxuu cadeeyay inaysan lahayd awood dadkaasi loogu gurmado, balse gurmad u dirsadeen dowladda Soomaaliya,ilaa haddana dowladda soomaaliya weli kama hadlin arrintaasi.
Xaaladdan ayaa timid xilli dhowr jeer oo hore laga dayriyay xaaladda deegaanadaasi, iyadoo shacabku dalbadeen gargaar banni-aadanimo kadib markii ay wayeen xilli roobaadyadii la soo dhaafay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TEW19P
via IFTTT

Yugandha: Dhimista mushaarka ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya waxay saameyn ku yeelan doontaa…

Dowladda Yugandha ayaa walaac xoogan ka muujisay dhimista mushaaraadka ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, taas oo dhawaan ka soo yeertay Midowga Yurub oo ka mid ah dalalka bixiya Mushaaraadka Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in 20% uu jarayo mushaaraadka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan dowladda Yugandha ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay tallaabada Midowga Yurub uu ku dhimeyso mushaaraadka ciidamadooda ka howlgala Soomaaliya, isagoo intaas sii raaciyey in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto niyadda ciidamadooda oo uu sheegay inay ku shaqeeyaan xaalad halis ah.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RXA8PL
via IFTTT

Itoobiya oo xirtay xadka ay la wadaagto maamulka Somaliland iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

Dowladda Itoobiya ayaa xirtay 24-kii saac ee tagay xudduudda u dhaxeysa iyada iyo maamulka Somaliland sababo ilaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn,waxaana jira warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xiraanka ay dowladda Itoobiya xirtay xadka, iyadoo dhinaca kale ay Itoobiya ay hakisay bixinta visaha lagu galo dalkeeda gaar ahaan dadka ka baxaya dhinaca Somaliland ee tagaya dalka Itoobiya.
Iyadoo la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbaysa inay dawlada itoobiya xadido fiisaynta baasaboorka somaliland madaama Bulshada somaliland ay aad ugu safraan haseyeeshee xukuumadda Somaliland oo ka hadashay arintan ayaa ku sifeysay mid dawlada itoobiya ku adkaynayso sharciga isku gudubka labada dhinac.
Waxaa jira warar aan si rasmi ah loo shaacin oo sheegaya in dowladda itoobiya ay xadka u xirtay islamarkaasna ay u xadidday bixin visaha ama dal ku galka dalkeeda ay la xiriirto arrimo amni ama dhinaca nbadgalyada ah,halka warar kale ay sheegayaan in arrimaha xadka loo xiray ay ugu weyntahay iyadoo goob xudduudda ku yalla ay ka dhacayaan diiwaangelin uu maamulka Somaliland u sameynayo dadka ka qeybqaadanaya doorashooyinka soo socda taas oo ka socota hadda qaar ka mid ah gobolada hoosyimaada maamulka Somaliland.
Dhinaca kale wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegtay in dowladda itoobiya ay diiday in gawaari aan taargada itoobiya wadani uu soo galo dalkeeda taasina ay qeybtahay qorshe ay wasaaraddu ku sheegay inay sharcigeeda fulineyso,waxayna wasaaradda intaasi ku dartay in wixii badeecad ah ee labada dhinac u kala gudbaya ay xadka ku kala wareegayaan oo dhinac kastaga uu gadiidkiisa adeegsanayo,islamarkaasna gadiidka itoobiya ka yimaadaa aanu xadka soo dhaafeynin balse ay gadiidka Somaliland halkaasi badeecadaha ka soo qaadayaan sida wasaaraddu sheegtay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TEVYut
via IFTTT

C/weli gaas: Soomaaliya dan uguma jirto ciidamada AMISOM ee Soomaalidu ha tashato, hana…

Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihaan ku sugnaa Dalka Maraykanka ayaa habeen hore kumannaan Soomaali ah kula kulmay Xarunta Shirarka ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay Bulshada Soomaaliyeed sida Culumada, odayaasha, Waxgaradka, haweenka iyo Arday, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas, Wuxuuna khudbadii uu ka jeediyay uga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; socdaalkiisa Maraykanka, go'aankaii ay Puntland ku qaadacday Nidaamka 4.5-ka iyo Qodobbo kale.
Sidoo kale wuxuu u soo bandhigay Qurba-joogta Soomaaliyeed inay maal-gashadaan Guud ahaan Soomaaliya, wixii maamulkiisu qabatay iyo waxa ay doonayaan inay qabataan, sidoo kale Gaas ayaa ka hadlay sida qurba-joogta Somaliyeed ay uga qayb qaadan karaan dib u dhiska dalka.
C/weli Gaas ayaa soo hadal qaaday in Shacabkii soo doortay aysan ogolayn 4.5-ka. Sidaas daraadeedna, uusan isagu xaq u laheyn inuu u qaado Shacabkiisa wax aysan Raalli ka ahayn. Isagoo yiri "Kuma ayaan ahay, markaan u soo qaadayo dadkaygii i doortay wax aysan ogolayn?"
Intaas kuma ekayn, ee wuxuu Madaxweynaha Puntland mar kale soo hadal-qaaday Joogitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya, isagoo xusay inaysan Soomaaliya wax dan ah ugu jirin joogitaanka ciidamadaas. Isagoo ku booriyay Shacabka Soomaaliyeed inay iyagu isku tashadaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RXA6r8
via IFTTT

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaaban doona Jubbooyinka iyo madax ka socotay Midowga Yurub iyo midowga Afrika oo tagay…

Xilli mudooyinkii u danbeeyay magaalada Kismaayo ay ka soconayeen shirar ay lahaayeen madaxda Jubaland, iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka islamarkaana uu qeyb ka ahaa wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, kuwaa oo looga arinsanayay howlgalka loogu magacdaray webiga Jubba oo la sheegay in uu dhawaan biloowdo ayaa waxaa shalay magaalada Kismaayo gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone kaas oo oo uu qeyb ka ahaa iyo wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Francisco Madeira, waxaana ujeedada imaatinka wufuuddan ay qeyb ka tahay howlgallada la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada ay uga suganyihiin gobolada jubbooyinka sida warka lagu sheegay.
Masuuliyiintaasi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeennada Jubaland, xubno ka tirsan labada gole ee maamulkaasi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubaland ee ku sugan Kismaayo.
Soo dhaweyn ka dib waxaa madaxdani loo gelbiyay guriga martida oo ku yaal nawaaxiga dekedda Kismaayo, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).
Masuuliyiintan ayaa ka gaabsaday in ay warbaahinta faahfaahin ka siiyaan ujeedada imaatinkooda, haseyeeshee wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in arimaha ugu muhiimsan ee ay u tageen kismaayo inay tahay howlgallada ka bilaaban doona deegaanada Jubooyinka, kuwaa oo la qorsheynayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada Jubaland.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TEVXaa
via IFTTT

Friday, March 11, 2016

Xiisad iyo isku hub urursi ka taagan deegaano u dhaxeeya degmada Buuhoodle iyo magaalada Laascaanood

Xiisad colaadeed ayaa ka aloosan deegaano u dhexeeya Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, kadib markii Ciidan ka tirsan Somaliland ay fariisin ka Samaysteen deegaanno u dhexeeya tuulooyinka Ceegaag iyo Hor u fadhi.
Wararka ayaa sheegaya in Xiisaddaasi ay ka dhalatay Xildhibaano ka Tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowr maalmood ka hor safar ku tagay tuulada Ceegaag oo qiyaastii100-KM waqooyi galbeed kaga aaddan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
C/kariin Cali Abokor oo ka tirsan Ganacsatada Deegaanka Ceegaag ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in Ciidamo badani ay soo gaareen Magaalada, Wuxuuna intaas ku daray inay u dhaafeen dhinaca Hor-u-fadhi, in aanay wax dhib ah gaarsiin deegaanka, marka laga reebo cabsi ku aadddan in dagaal uu ka dhaco, sidoo kale deegaanka Hor u fadhi ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan inay soo gaareen Ciidamo wata Gaadiid dagaalka oo Magaalada Buuhoodle ka yimid, si ay uga hortagaan ciidamada Somaliland.
"Ciidamadani waxay noo dhaafeen dhinaca deegaanka Ceegaag, waxaana cabsi Xooggan laga qabaa in isku dhac dagaal uu ka dhaco, deegaankaas waxaana xilligan ay ku sugan Kumannaan Qoys oo reer guuraa ah, Abaarana deegaanadoodii ka kiciyeen" ayuu yiri Cali C/llaahi oo ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Hor-u-fadhi oo Buuhoodle 50-km kaga beegan dhinaca Waqooyi-bari.
Dhanka kale Xildhibaanadda xiisadani ka billaabatay oo Maalmihii lasoo dhaafay Safaro ku marayay deegaanno ka tirsan Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ay hadda si nabad ah ugu laabteen Magaalada Buuhoodle.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RFiiON
via IFTTT

Taliyaha Africom: Ammaanka Soomaaliya waa mid quus laga taaganyahay, ciidanka Somalayana waxaa heysta…

Taliyaha guud ee taliska ciidanka mareykanka ka jooga qaraadda Afrika ee loo yaqaano Africom Jeneral David Rodriguez oo la hadlay guddiga senedka Mareykanka ugu qaabilsan adeegyada hubeysan ayaa sheegay in xaalladda ammaanka ee Soomaaliya ka taagan uu yahay meel quus ah oo aan horar laheyn, waxa uu tilmaamay in lagu guul-daraystay in la xaqiijiyo qorshaha lagula dagalamayo Alshabaab, wuxuuna arrintaasi ku sababeeyay iyadoo ciidanka AMISOM laga badiyey culeyska, iyadoo ciidanka Somaaliya heysato yaraanshaha dhinaca tasiilaadka.
Taliyaha waxa uu tilmaamay inay ciiddanka dowladda Somaaliya weli ay ku tiirsan yihiin AMISOM oo ay kala qeyb galaan howlgaladda, waxa uu intaasi ku daray inay ciidanka dowladda Somaaliya ka dhex jirto loolan dhinacyada hogaanka, taageerada Lojistikadda iyo is-kooxeysiga qabaa'ilka, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Jeneral David Rodriguez waxa kale oo warbiixnta uu u jeediyey guddiga senedka Mareykanka ugu qaabilsan adeegyadda hubeysan ku muujiyey inay Alshabaab weli dhaqaale iyo taageero ka helaan deegaanadda ay weli ku sugan yihiin oo aysan dowladda maamulin, waxa uu intaasi ku daray inay Al-shabaab lumiyeen sanadkii hore dhul badan, isla markaana laga naafeeyey meelihii ay ka heli jireen Kharajka ay ku hawlgalaan, waa sida u uhadalka u dhigay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LY1plN
via IFTTT

Ciidamo cusub oo la wareegay ammaanka magaalada magaalada Kismaayo, maxay yihiin ciidamadaasi?

Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay ciidamo cusub oo sugaya ammaanka magaalada Kismaayo oo saldhig u ah maamulka, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, waxaa la sheegay ciidamadan cusub inay ka howlgali doonan dhammaan xaafadaha magaalada Kismaayo si ay u xaqiijiyaan ammaanka magaalada, kadib falal amniga wax u dhimaya oo ku soo laab laabtay qaybo ka mid ah xarunta gobolka Jubbada hoose.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamadan cusub in laga doonayo xaqiijinta ammaanka, waxuu ugu baaqay bulshada in looga bahanyahay maalgashi inay dalka ku sameyntaan, isagoo marka tilmaamay maamulka inuu siinayo dhul dadka doonaya inay maalgaliyaan.
"Dadku waxay barteen dhul baan u baahanahay annaga dhul u heyna,waxaa bulshada looga bahan-yahay maalgasi inay ku sameeyaan goobaha ganacsi iyo dib u soo celinta warshadihii hore" ayuu yiri wasiir Darwiish oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay maalgalinta dalkooda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RFigqc
via IFTTT

C/weli Gaas: Rubuc bilyan dollar ayaa sanad kasta uga baxa safarada diyaaradaha hay’adaha Soomaaliya ka howlgal

Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa sheegay in sanadkasta hay'adaha Soomaaliya ka howlgala safaradooda gudaha ee ay ku tagaan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Hargeysa, Kismaayo iyo Cadaado ay uga baxdo rubuc balynuun dollarka Maraykanka ah (250.000.000USD).
Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya sanadkii ma aha lacagta uga baxda hay'adaha safarada, Puntland iyo Somaliland oo la isku darayna ma aha, haddii safarkii keliya intaas ku baxeyso, maxay noqon shaqaalaha iyo kharashka kale oo lagu bur-burinaayo dalka Kenya iyo xerada Xalane.
Sanadkasta Soomaaliya waxay xumaanta musq-maasuqa ka gashaa kaalinta kowaad , iyada oo aan la soo hadal qaadin dhaqaalaha Soomaaliya loogu soo dhiibey hay'adaha. Haddaba waxaa la is weydiinayaa xilliga iyo goorta hay'adaha calamiga ah lagu eedeyn karo musuq-maasqu.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LY1mqa
via IFTTT

Shir looga hadlayey horumarka dalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Kulan looga hadlayey horumarinta dalka ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kulanka oo ay qaban-qaabisay wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin ka kala tirsan dowladda iyo maamulka Galmudug, ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu aruuruyo fikradaha dadweynaha gobolka Mudug ee ku aaddan horumarinta dalka.
Mas'uuliyiin ka hadashay kulanka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in bulshada iyo dowladdu ay isla meel-dhigaan hannaanka loo marayo horumarinta dalka, si looga baxo dhibaatooyinka taagan, shirka ayaa qayb ka ah shirar ay dowladdu shacabka kula yeelaneyso wadatashiyo ku aaddan horumarka dalka, waxaana horay loogu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RFieyC
via IFTTT

Wararkii ugu dmabeeyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Godin-labe ee gobolka Galgaduud

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada NISA ee ka howlgala deegaanada maamulka Galmudug ka taliyo iyo kooxo burcad ah ayaa gelinkii dambe ee shalay waxuu ka dhacay deegaanka Godinlabe ee gobolka galgaduud, waxaana dagaalkaasi oo ahaa mid aad u xooggan uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac soo gaaray dhinacyadii dagaalku dhexmaray iyoi dad shacab ah intaba.
Dagaalka oo mudadii uu socday leyskuna adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay,kaas oo wararka qaar ay sheegayaan in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinmatay tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka oo wakhti badan qaatay ayaa yimid kadib markii Ciidamada Nabadsugidda ay weerar ku qaadeen isbaarooyin ay dhigteen kooxo hubeysan degaanka Godinlabe, oo qiyaas ahaan 28-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Cadaado.
Ciidamada Nabadsugida ee weerarka qaaday ayaa waxa ay wateen ilaa Seddex gaari nooca dagaalka ah, waxa ayna mudada uu Dagaalka socday gacanta kusoo dhigeen tiro kamid ahaa Burcada, waxaana jira warar sheegaya in dhowr ruux oo ka mid ah dadweynaha deegaankasi in waxyeelo ka soo gaartay rasaastii ay adeegsanayeen dhinacyada dagaalku dhexmaray.
Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadal dagaalka, inkastoo la sheegay in Saraakiisha amaanka ay wareysanayaan kuwa gacanta lagu soo dhigay,mana ahan markii ugu horeysay ee deegaankaasi ay ciidamada NISA kula dagaalamaan kooxo jidgooyin dhigtay, iyadoo jiraan dhowr jeer oo hore oo ay halkaasi ka dhaceen iska horimaayo kan la mid ah.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LY1iXv
via IFTTT

Booliiska dalka Talyaaniga oo xabsiga dhigay Imaam Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay falal la xiriira waxa loogu yeero…

Booliiska dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Imaam Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inuu damacsanaa inuu qarxiyo xarunta tareenada laga raaco ee magaalada Roma ee dalkaas Talyaaniga.
Imaamka Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin laakiinse lagu sheegay inuu yahay 22 sano jir ayey booliisku xabsiga u taxaabeen dhawaantan ,iyagooka qabtey xero qaxooti oo ku taala magaalada Campobasso dalkaas Talyaaniga.
Sida warku sheegayo Imaamkaasi ayaa waxaa kale oo lagu eedeeyey inuu ereyo naceyb ah uu dhalinyarada kaamkaas ku faafinaayey islamarkaana uu faraayey inay ku jihaadaan gaalada oo laga bilaabo dalka Talyaaniga ka dibna loo dhaadhaco oo la caawiyo walaalaha ka dagaalamaya dalka Siiriya, waxayna booliska talyaanigu ku doodeen in Imaamkaasi qorshihiisu ahaa inuu qarxiyo xarunta Tareenada ee magaalada Roma ee dalkaas Talyaniga,inkastoo aysan boolisku wax caddeyn oo ku saabsan eedeymahooda soo bandhigin,haddana waxay ku doodeen inay ninkasi soomaaliga ah ay muddo badan sirdoonkoodu dabasocday ayna ugu xireen qolkiisa Kaamiro Qarsoon ayagoona sidoo kale dhageysanaayey teleefoonada ninkaas.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RFie1s
via IFTTT

Wednesday, March 9, 2016

Faarax Macalin: Waa in la bedelaa ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya, waayo

Faarax Macalin oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Kenya horeyna u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka dalka Kenya ayaa si adag uga hadlay siyaasada Soomaaliya ee xilligan wuxuuna sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka cabsanayaan dalalka deriska la ah dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in hogaanka Soomaalida aysan laheyn awood ay si dhab ah kaga hadlaan xaalada dalka Soomaaliya islamarkaana aysan qaadan karin go'aan dhisaya dalka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la badelo hogaanka Ciidamada dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo uu sheegay ineysan daacad ka aheyn howlgalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
"dalka Soomaaliya wuxuusan ka hagaageyn dalalka deriska, haba ugu darnaadeenee Kenya iyo Ethiopia, madaxda Soomaalidana go'aan ma qaadan karaan oo waxay ka cabsanayaan madaxda dalalkaasi" ayuu mar kale yiri Faarax Macalin, "Jabuuti deris ayay la tahay Soomaaliya, laakiin go'aan ma qaadan karto sababtoo ah waa wadan yar oo awood badan aan laheyn" ayuu yiri Faarax Macalin.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1M8fQyr
via IFTTT

Dowladda Kenya oo eedayn ku aadan arrimaha Soomaaliya u jeedisay hay’adaha samafalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababta dib u dhaca ku keentay qorshihii qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waxayna dib u dhacaasi ku eedaysay inay mas'uul ka yihiin siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood iyo hay'adaha samafalka.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa ku eedeeyay hay'adaha samafalka iyo siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood inaysan daacad ka aheyn dib u celinta qaxootiga, iyagoo buu yiri dadka u sheegaya inaan la isku haleyn karin amaanka Somaliya
"Waxaan u baahanahay inaan howsha dhaqaajino, dad badan oo Soomaali ah ayaa doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan, laakiin waxaa arrintaas ka hortaagan hay'adaha samafalka oo ku leh dalkiina nabad ma noqon weli" ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo guddiga amniga iyo maamulka baarlamaanka Kenya ka codsaday in dowladda ka caawiyaan sidii qaxootiga Dhadhaab dib loogu celin alahaa Somaaliya, isagoo xusay haddii guddigu wakhti kama dambays ah uqabto dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ay dowladdu fulin doonto.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in hay'adaha samafalku dhaqaale badan ku qabaan qaxootiga Dhadhaab, sidaas darteedna ay isbaarro u dhigteen qorshihii dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, mana uusan magacaabin wasiirku magacyada hay'adaha uu arrinkaasi ku eedaynayo.
Dhanka kale wasiirku wuxuu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka baqayaan in haddii qaxootiga dib loogu celiyo Somaaliya ay saameyn ku yeelan karaan natiijada doorashada lagu wado in sanadkan ay ka dhacdo dalka, sababaha kale ee wasiirku sheegay waxaa ka mid ah inay jiraan dad u dhashay dalka Kenya oo qaxooti isaga diwaan geliyey xeryaha qaxootiga, kuwaas oo doonaya inay quudintu u sii socoto ama dib u dejin ka helaan dalalka reer galbeedka, waxaa la sheegay in xeryaha Dhadhaab ay ku jiraan dad Kenyaan ah oo tiradoodu lagu qiyaasay 15 kun iyo 50 kun oo ruux.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Tv1Q9O
via IFTTT

C/weli Gaas: Haddii caalamka oo dhami isku yimaadaan xittaa ma aqbaleyno 4.5, arrintaasina waxaa wata siyaasiyiin ku fashilmayhogaankadalka

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayey oo dhawaan magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio ee dalka mareykanka ayaa waxa uu si weyn u sharaxay marxalada dalka Soomaaliya iyo halka ay mareyso, isaga oo dadka ku booriyay in la joogo xilligii Soomaalidu aayahooda ka tashan lahaayeen isla markaana la dareemi lahaa in aysan jirin cid dibada is badal ka keeni karta haddii Soomaalidu aysan la imaan.
Arrinta 4.5 ayuu ku tilmaamay mid aan u cuntamin shacabka Soomaliyeed isla markaana ay wataan sida uu hadalka u dhigay Siyaasiyiin ku fashilmay Hogaanka dalka,wuxuuna intaasi ku daray, in la gaaray waqtigii dadka iyo maamulka Puntland ay go'aan mideysan qaadan lahaayeen.
"Haddii caalamka oo dhan isa soo raaco iilana yimaadaan in aan qaato 4.5 ma qaadan doono ayuu yiri "C/weli gaas oo dhinaca kale ka hadlay, horumarka baaxad leh oo sheegay inuu ka jiro Puntland, wuxuuna uu ugu baaqay jaaliyada dibadda in ay ku laabtaan Puntland isla markaana Ilmahooda iyo Hantidooda geeyaan si ay dalkooda u bartaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1M8fPKS
via IFTTT

Madaxweyne Xasan Sheekh: Tiknolojiyada iyo Sayniska waa furaha horumarka Soomaaliya

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka qayb galay munaasabad lagu dhagax dhigayay xarunta Kulliyadda Sayniska oo lagu qabtay Muqdisho ayaa xusay in horumarinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda ay tahay tallaabada keliya ee Soomaaliya ay kula tartami karto caalamka intiisa kale, xaruntan Culuunta Sayniska iyo tiknolojiyadda ayaa waxaa laga hir-gelinayaa Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, waxaana ka qayb-galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo marti-sharaf kale oo lagu casuuumay.
"Dib u dhiska Wadankeena waa waajib na saaran, mana ahan in horumarkeena aan cid kale ku halayno, waa wax lagu faano in baaqii ahaa (Dalkaaga dhiso) oo dad badan ay u is-taageen inay Waddankooda dhisaan, culuunta Sayniska iyo Tiknoloojiyada waa muhiim waana aasaaska horumarka. Waxaana Jaamacadda Ummadda ku bogaadinayaa tallaabadan lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo adeeggan muhiimka ah" ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhiska soomaaliya ka socda ee Bulshadu ay qabanayaan uu ka mid yahay mashruuc waddo dhererkeeda lagu qiyaasayo ilaa 500-km oo isku xiri doonta Muqdisho & Hobyo, taasoo qayb ka ah horumarinta kaabeyaasha Xeebaha Soomaaliya, noqona doonta waddadii gu horeysay ee nooceeda ah oo laga fuliyo Soomaaliya, isla markaana Aqoon-yahanno Somaliyeed ay wax ka dhisayaan.
Khudbada Madaxweynaha ka hor ayaa waxaa hadalo ka jeediyay munaasabaddan wasiirka waxbarashada Qadro Bashiir Cali, Wasiirka Howlaha Guud Injineer Saalax Sh. Cusmaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Maxamed Axmed Jimcaale.
Xubnahan ayaa khudbadahooda ku sheegay in dib u hawl-gelinta Kuliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ay qayb ka yihiin baaqii Madaxweyne Xasan ee ahaa in dib loo soo celiyo hantidii iyo adeegyadii ay lahayd Jaamacadda Ummadda.
Ugu dambeyn, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Sanadkii 2013-kii dib loo hawl-geliyay ayaa waxay ka kooban tahay lix kulliyadood, waxaana wax ka barta ilaa iyo 750 arday.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Tv1LCV
via IFTTT

Mareeyeyaashii dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo oo xilalka laga qaaday iyo kuwo cusub oo la magacaabay

Sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo gaadiidka maamulka Jubbaland waxaa xilalkii laga qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha Kismaayo Cabdullaahi Dhubad Shiil (Xadhuun) iyo maareeyihii dekadda Kismaayo Cabduqaadir, wasiirka warfaafinta iyo gaadidka Jubbaland, Cabdinuur Aadan Cali ayaa isla xilkaas u magacaabay labo mas'uul kale kuwaasoo sida lagu sheegay wareegtada leh aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta xilalka loo magacaabay.
Maareeyaha cusub ee dekadda Kismaayo ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Xaaji Aadan, halka Maareeyaha garoonka diyaaradaha Kismaayo loo magacaabay C/laahi Aadan Jagadoon, lamana sheegin sababaha xilka looga qaaday maareeyeyaashii hore ee xilalkaasi horey u hayey.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1M8fMyD
via IFTTT

Mareykanka oo sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkii Aw-dheegle, Al-shabaab iyo dowladda Somaliya oo gooni gooni uga hadlay

Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamadiisa gaarka ah ay ka dambeeyeen weerarkii habeen hore saqdii dhexe lagu qaaday deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose, sarkaal u hadlay dowlada Mareykanka ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacada Codka Maraykanka ee VOA-da in ay weerarkaas ay ka qeyb qaateen ciidamo Soomaali ah, ayna beegsadeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.
Dhinaca kale afhayeenka Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamo ajnabi oo labo diyaaradood Helicopter watay ay soo weerareen ciidamadooda ku sugnaa deegaanka owdheegle, balse ay iska caabiyeen ayna dib u laabteen, iyagoo khasaare gaaray sida uu yiri.
Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada ay labada diyaaradood soo dhigteen banaanka degmada, ayna gudaha u soo galeen Awdheegle, waxaa uu tilmaamay in halkaas iska hor imaad muddo socday ay kula galeen, waxa uu xaqiijiyey mid ka mid ah dagaalyahanadooda uu weerarkaas ku dhintay, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhanka Ciidamada shisheeye ay khasaare gaarsiiyeen, isla markaana goobihii ay ka soo dageen ku arkeen dhiig iyo rasaas ay adeegsadeen.
Waa weerarkii labaad ee ay dowlada Maraykanka sheeganayso inay ku lug lahayd muddo toddobaad ah,iyadoo horey u sheegtay in duqeyn dhinaca cirka ah ay u geysatay saldhig ay Alshababa ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Buuloburte taas oo ay dowladda Mareykanku ku sheegtay inay ku dishay 150 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.
Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya oo iyana ka hadashay weerarkii ka dhacay degmada Awdheegle ayaa sheegtay in weerarkii lagu qaaday degaanka Awdheegle ay wadajir u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaalida iyo kuwa Mareykanka.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/salaam Caato ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay in ciidamada gaarka ee kumaandooska Soomaalida ee Danab iyo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ah wadajir u fuliyeen weerarkii ka dhacay Awdheegle, wuxuuna af hayeenku intaasi ku daray in howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay, isagoo aan faahfahin kale ka bixin.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Tv1IHg
via IFTTT

Sunday, March 6, 2016

Maamulka Jubbaland oo sheegtay in weerarkii Ceelcadde oo kale uu ka dhici karo degmada Afmadow

C/rashiid C/laahi Cali (Gooni), Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ee Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay in Degmada Afmadow uu ka dhici karo weerar lamid ah weerarkii Degmada Ceelcadde, haddii aanay wada shaqayn Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Amisom, gudoomiyaha oo booqasho ku joogga Degmadaasi Afmadow Ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa uu Ciidamada Somalida uu ku booriyay inay la shaqeeyaan Amisom, maadaama ay Amisom u soo gurmatay Sooomaaliya sida uu yiri.
"Amisom waxay u timid inay anaga na difaacaan, mana ahan in loogu abaal gudo in la dhibaateeyo, waxaa loo baahan yahay in lala shaqeeyo Amisom." Ayuu yiri Gudoomiyaha, si aysan Degmada Afmadow kaga dhicin weerar lamid midkii Degmada Ceelcadde oo Amisom lagu dhibaateeyay, waa inay wada shaqeeyaan Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Amisom,islamarkaasna aad xoojisaan wada shaqaynta, kala war qaadashada, xogaha aad wadaagtaan" ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu
Gudoomiyaha oo la hadlaayay Ciidamada Soomaalida ee ku sugan Afmadow, ayaa waxaa uu mar kale yiri "Anaga oo dhan hal cadow ayaan leeyahay, waa in meel looga soo wada jeestaa oo lala dagaalamaa cadowgaas, lagana hortaggaa weerarada ay maleygayaan".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ylayqm
via IFTTT

Isimada Puntland oo markale ku baaqay in la bedelo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, fariinna u diray Banki Moon

Afhayeenka Isimadda Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo la hadlayay TV Somalichanel ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn sida uu Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating hadda u shaqeynayo, wuxuuna cadeeyey in uu talaabadaas tahay mid lagu kala fogeynayo Shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in Shaqadiisa dibu eegis lagu sameeyo.
Ergaygan oo dhawaan soo gaaray Puntland wuxuuna Isimadda Puntland la yeeshay kulamo kala duwan kuwaasi oo Gabagabadii ku soo dhammaaday is faham la'aan , ka dibna waxa ay ugu jawaabeen qoraal kulul oo ay ugu dhiibeen Madaxda isaga ka sareysa, Laakiin Afhayeenka ayaa sheegay in uu Ergaygan yahay mid aan dhexdhexaad ka noqon karin xaaladda Soomaaliya loona baahan yahay In Bedelaad lagu sameeyo si uu yiri.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UM7QtX
via IFTTT

Faahfaahin ku saabsan duqeyn loo geystay saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaan ka tirsan Buuloburte

Duqeyn gantaalo loo adeegsaday ayaa saqdii dhexe ee habeen hore lagu qaaday saldhig ay xarakada Alshabaab ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Buuloburte.Xerada duqeyntu ay ka dhacday ayaa la sheegay inay ku dhowdahay tuulo lagu magacaabo Dhariyow oo ilaa 60 km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Buulo Barde.
Sida ay sheegtay idaacada codka Maraykanka ee VOA duqeyntaasi ayaa jug xoog leh laga maqlay iyadoo 7 jeer la garaacay xeradaasi ,waxayna Wararku ay intaasi ku darayaan in xerada la duqeeyay ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabab oo goobta u tagay in ay tababarka soo xiraan.
Duqeyntaasi ayaa loo malaynayaa inay ahaayeen mid ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee itoobiya iyadoo holac iyo qiiq ka dhashay duqeyntan la arkayay illaa waaberigii hore ee shalay, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xarakada Alshabaab taas oo la xiriirta weerarka la sheegay in lagu qaaday xero ku taal gobolka Hiiraan,ilaa haddana lama oga in weerarkaasi uu wax khasaare ah geystay iyo in kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1YlatD7
via IFTTT

Axmed Madoobe: Waa dumineynaa gurrigii laga dhiso goob iskuul ah xittaa haddii uu yahay 10 biyaano

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in maamulkiisu uu burburin doono dadka guryaha ama dhismooyinka ka dhista dhul loogu talagalay ama ahaan jirtay Iskuul, Axmed Madoobe oo shalay ka hadlaya dhaggax dhigii Iskuulka la dhisaayo xaafadda Farjano ayaa shacabka Kismaayo ugu baaqay in aysan dhisan goobaha waxbarashada ee magaalada ku yaalla
"Waan dumineynaa gurrigii laga dhiso dhul iskool loogu talogalay, xittaa haddii uu yahay 10 biyaano, waayo ayuu yiri waxbarashadu waa muhiimadeena koowaad" ayuu yiri Axmed Madoobe oo intaasi ku daray in dhulkii dowladda aan cidna laga ogolaaneynin inay dhisato ama degto.
"Haddii la yiraahdo ka wareeg dhulka dowladda dadweynaha ayaa loogu adeegayaaye waxaad arkeysaa qaar ku leh waa la isoo weeraray iyo labaatan sano ayaan deganaa marka hadda kadib dhulka dowladda dowlad ayaa iska leh ama 20 sano deganow ama halagaa iibsado markasta dhul dowladeed cid sheegan karta ma jiro"ayuu mar kale yiri Axmed madoobe.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay magaalada Kismaayo ay tageen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub kuwaasoo dhaggax dhigay Iskuul la jiifto oo wax kasta uu dhan yahay oo laga dhisaayo xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UM7Mut
via IFTTT

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sheegay inay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsanaa dagaalyahanada Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano hoos taga degmada Qoryooley, taliyaha amniga degmada Qoryooley Axmed Gaabow Buulle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada dowladda ay shalay gacanta ku dhigeen Sargaal ka tirsanaa Al-Shabaab, waxa uuna taliyaha tilmaamay in mudo ah in ay baadi goob ugu jireen sargaalkan ayna hada gacanta ku hayaan.
Axmed Gaabow Buulle ayaa xusay in sarkaalka Al-shabaab ka tirsanaa ee ay qabteen uu Amiir ka ahaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose, waxa uuna magaca sarkaalka magaciisa ku sheegay Maxamed Cali Geelle, ciidamada nabadsugidda degmada Qoryooley oo baaritaano ka sameeyay ayaa la sheegay inay gacnata ku soo dhigeen sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabaab.
Al-shabaab ayaan ka hadlin sarkaalkan la sheegay in uu katirsanaa ciidankooda ee lagu qabtay degmada Qoryooley, mana jiro warar kale oo ka madaxbanaan maamulka Qoryooley oo xaqiijinaya qabashada sarkaalkan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ylaqah
via IFTTT