Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah ilaalada isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo shalay loo diiday inuu gallo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ilaaladan laga xiray Isbitaalka Digfeer ayaa su'aallo kala duwan waxaa lagu weydiinayaa Xabsiga godka Jilacoow, oo gacanta ay ku hayaan ciidamada Nabadsugidda iyo sirdoonka soomaaliya,halkaasi oo sida la sheegay lagu hayo ilaalada la xiray
Xiraga waardiyeyaasha Isbitaalka Digfeer ayaa yimid kadib markii shalay ay u diideen Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf xeyle jimacaale in uu gudaha u galo Isbitaalkaasi,si uu u soo booqdo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay muqdisho iyo baydhabo kuwaas oo qaarkood ay yaallaan isbitaalka digfeer ee magaalada muqdisho
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan is hortaaga lagu sameeyay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo qorsheenayay gelida Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku heyso hay'ad laga leeyahay dalka Turkiga.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21cZZ8G
via IFTTT
No comments:
Post a Comment