Kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Soomaaliya uga socday Muqdisho saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uuna ka qeybgalay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, isla markaana loogu kuur-galayay Xaaladda Ammaan ee dalku ku sugan yahay ayaa xalay laga soo saaray go'aanno dhawr ah.
Waxaa lagu sheegay go'aannada kasoo baxay shirkan in la isku raacay baahida loo qabo in hoos loo daadajiyo sugidda Amaanka dalka, sidii ay horeba u ahaan jirtay iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed inay kaalin ka qaataan sidii Ammaanka loo sugi lahaa, loona helo isla xisaabtan dhab ah, go'aannadii kasoo baxay Shirkaasi ayaa Waxay u qornaayeen Sidaan:
Waxaa la dajiyay qorshe dhammeystiran oo lagu sugayo ammaanka iyo Nabad-galyada guud ee dalka, gaar ahaana caasimadda dalka ee Muqdisho, in talisyada ciidamada Nabad-gelyada, sida Booliiska iyo Nabad-sugidda ee Heer Gobol, fadhigooduna yahay gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ku hawlgalaya amarrada maamulka si loo adkeeyo Amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Si loo fuliyo qorshaha nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay, in ciidan aan ahayn kuwa loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo aan shaqo la og-yahay lagu qabaneynin aysan ku dhex-qaadan karin degmooyinka Gobolka Banaadir, in ciidanka ilaalada u ah Wasiirada, xildhibaanada iyo Mas'uuliyiinta kale ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay sitaan caddeyn lagu aqoonsado oo u gaar ah.
In ciidamada iyo hubka ay leeyihiin Shirkadaha Amaanka ee gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha, Haddii ay Dhaq-dhaqaaqyo sameynayaana ay ku Wargeliyaan Maamulka Degmada ay ka baxayaan iyo degmada ay Tagayaan, guud ahaan Dalka, Waxaa ka reeban heysashada Hub sharci-darro ah oo aan ka Diiwaan-gashanayn Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, golaha wasiirada Somalia waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo hay'adaha caalamiga ah ee Somalia ka Hawlgala, si ay uga Qayb-qaataan horumarka iyo nabad-gelyada dalka.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21BTn9f
via IFTTT
No comments:
Post a Comment