Saturday, March 5, 2016

Ganacsade ahaa siyaasi caan ah oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi iyo madaxweynaha soomaaliya oo ka hadlay

Siyaasi Maxamed Abshir Welde sidoo kalen ahaa ganacsade iyo saxafi ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ,waxaana la sheegay in xanuun hayey todobaadyadii tagay uu markii dambe u geeriyooday isagoo la dhigay mid kamid ah cusbitaalada magaalada Nairobi, sida warku sheegayo Maxamed Abshir ayaa mudooyinkii ugu dambayay ahaa Ganacsade haddana ka warhaya Siyasadda Soomaalida iyo tan Puntland iyadoo sidoo kale kamid ahaa Weriyaashi ugu horeeyay Idaacadda BBC-da Sanadihii Lixdamaadkii ka soo shaqeeyey.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo oo uu sheegay in dalka soomaaliya uu xilal kala duwan ugu soo adeegay.islamarkaasna uu ahaa shakhsi dhismihii hay'adaheena dowliga kaalin weyn ka soo qaatey, lana tebi doono doorkiisa''ayuu yir xasan sheikh .
Dhinaca kale waxaa tacsi u diraya marxuumka xubnaha kala ah Dr. C/raxmaan Max'ed Cabdi Xaashi, Caasho Axmad C/lla, Cali C/llahi Cadaawe, Xaaji Max'ed Yaasiin Ismaaciil.Cali Axmad Fataax, Ismaaciil Xasan Ibraahim, Max'ed Xaaji Ibraahim, Axmad C/qaadir Axmad



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1YhutX4
via IFTTT

No comments:

Post a Comment