Saturday, March 19, 2016

Maareeyihii garoonka Muqdisho oo la bedelay iyo mid cusub oo la magacaabay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho shalay u Magacowday Maareeye cusub, kadib markii kii hore xilka laga qaaday .Waxaana maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha loo Magacaabay Jen. Cabdi Abshir Jaamac, sida lagu sheegay Wareegto shalay ka soo baxday xafiiska Ra,iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, waxaana maareeyaha cusub laga dalbaday inuu wax badan ka qabto amniga iyo maamulka garoonka .
Dhinaca kale waxaa isla shalay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee magaalada muqdisho booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ,waxa uuna kulan looga hadlay dar-dar-gelinta amniga garoonka diyaaradaha la qaatay, qaar ka mid ah mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho,kuwaas oo uu ku jiro maareeyaha cusub ee garoonka Muqdisho.
Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen; wasiir ku-xigeenada amniga iyo duulista hawada, Taliyeyaasha ciidamada booliiska, Nabad-sugidda, saraakiil waaxda socdaalka ka tirsan iyo xubno ka tirsan shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI diiradda lagu saaray iskaashi dhexmara dhinacyada ka howlgala garoonka Muqdisho iyo in dib loo soo celiyo kalsoonida dadweynaha soomaalieed ee garoonku u adeego.
Madaxweynaha ayaa intii uu socday kulankaasi waxa uu tallooyin ka dhageystay saraakiisha Amniga ee ka qayb-galay kulankaasi, kuwaasoo sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyay tallaabooyinkii la qaaday si Amaanka guud ee Garoonka loo xoojiyo, kadib qaraxii ka dhex-dhacay diyaaradii Daallo Airlines bishii Feberaayo ee sanadkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaalia ay waqti dheer ku bixisay sidii looga hor-tegi lahaa falal ammaan-darro ah oo ka dhaca garoonka Aadan Cadde, khasaarena gaarsiisa shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale socdaalka ku yimaada.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa armay saraakiisha amniga ee garoonka inay ka hortagaan wax kasta oo nabadgelyada garoonka Aadan Cadde wax u dhimaya, isagoo kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/22vxaXH
via IFTTT

No comments:

Post a Comment