Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal la sheegay in loo geystay taliyaha Nabadsugidda degmada Cadalle ee gobolka Shabeelada dhexe iyo ku xigeenkiisa, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Labada Taliye ee geeriyootay la rumeysan yahay in midba midka kale uu dilay, halka warar kale ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka uu marka hore dilay Taliyihii isaga ka sareeyay kadibna ay ciidamadii ilaalinayey ay iyaguna dileen sidaana ku xigeenkiisii oo ay ku eedeeyeen inuu dilay taliyihiisii.
Warar kale oo aan si ramsi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in sababaha ay labada sarkaal isku dileen ay salka ku heyso khilaaf iyo muran aan la xaqiijin waxa uu salka ku hayo oo labada sarakaal u dhaxeeyey,inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in khilaafkaasi uu salka ku hayey muran lacago la isku maandhaafay la xiriira laakiin ma jirto cid xaqiijin karta.
Dilka saraakiishaasi ayaysan weli ka hadlin Hay'adaha Nabadsugida iyo madaxda gobolka sh/dhexe oo ay qeyb ahaan ka tirsanayeen saraakiishaasi la sheegayo in ay iyagu is dileen.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Quj9Ec
via IFTTT
No comments:
Post a Comment