Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka qayb galay munaasabad lagu dhagax dhigayay xarunta Kulliyadda Sayniska oo lagu qabtay Muqdisho ayaa xusay in horumarinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda ay tahay tallaabada keliya ee Soomaaliya ay kula tartami karto caalamka intiisa kale, xaruntan Culuunta Sayniska iyo tiknolojiyadda ayaa waxaa laga hir-gelinayaa Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, waxaana ka qayb-galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo marti-sharaf kale oo lagu casuuumay.
"Dib u dhiska Wadankeena waa waajib na saaran, mana ahan in horumarkeena aan cid kale ku halayno, waa wax lagu faano in baaqii ahaa (Dalkaaga dhiso) oo dad badan ay u is-taageen inay Waddankooda dhisaan, culuunta Sayniska iyo Tiknoloojiyada waa muhiim waana aasaaska horumarka. Waxaana Jaamacadda Ummadda ku bogaadinayaa tallaabadan lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo adeeggan muhiimka ah" ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhiska soomaaliya ka socda ee Bulshadu ay qabanayaan uu ka mid yahay mashruuc waddo dhererkeeda lagu qiyaasayo ilaa 500-km oo isku xiri doonta Muqdisho & Hobyo, taasoo qayb ka ah horumarinta kaabeyaasha Xeebaha Soomaaliya, noqona doonta waddadii gu horeysay ee nooceeda ah oo laga fuliyo Soomaaliya, isla markaana Aqoon-yahanno Somaliyeed ay wax ka dhisayaan.
Khudbada Madaxweynaha ka hor ayaa waxaa hadalo ka jeediyay munaasabaddan wasiirka waxbarashada Qadro Bashiir Cali, Wasiirka Howlaha Guud Injineer Saalax Sh. Cusmaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Maxamed Axmed Jimcaale.
Xubnahan ayaa khudbadahooda ku sheegay in dib u hawl-gelinta Kuliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ay qayb ka yihiin baaqii Madaxweyne Xasan ee ahaa in dib loo soo celiyo hantidii iyo adeegyadii ay lahayd Jaamacadda Ummadda.
Ugu dambeyn, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Sanadkii 2013-kii dib loo hawl-geliyay ayaa waxay ka kooban tahay lix kulliyadood, waxaana wax ka barta ilaa iyo 750 arday.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Tv1LCV
via IFTTT
No comments:
Post a Comment