Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegaya in shalay ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay isbitaalka guud ee magaaladaasi kala baxeen sedex wiil oo isbitaalkaasi ku hayey dhaawaca sarkaalkii dagaalka la galay ciidamada maamulka Ahlu Sunna ee Liibaan madaxweyne, kaas oo lagu qabtay dagaalkaasi, isla markaasna uu soo gaaray dhaawac dhinaca lugta ah
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlusunna ay Isbitaalka gudaha u soo galeen islamarkaana ay wateen seddex wiil oo la joogay sargaal dhaawac ah oo Gacanta ugu jira Ahlusunna kaas oo lagu magacaabo Liibaan Maxamuud Madaxweyne.
Sedexda wiil ee isbitaalka lagala baxay ayaa waxaa ku jira Wiil la dhashay Liibaan Madaxweyne oo dhaawaciisa isbitaalka ku hayey, waxaana jira warar kale oo sheegaya in Ahlu Sunna ay u qaaday dadkii ay Isbitaalka ka wadatay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ilaa ma jirto sababta 3-daasi ruux looga watay isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay sidoo kalena ehelada dadka la watay ayaan weli ka hadlin xaaladda dadkaasi.
Dhinaca kale ciidanka ururka Ahlu Sunna ayaa shalay rag badan ku xirxiray magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii howlgal ballaaran ay ka sameeyeen Magaaladaasi,waxaana dadkaasi oo u badnaa dhaliyaro laga qabqabtay, xaafadaha ay ka kooban tahay Dhuusamareeb, ayaa waxaa lala xiriirinayaa inay taabacsan yihiin Dowladda dhexe Somaliya iyo Maamulka Galmudug,waxaana la isugu geeyey Saldhiga Booliska, halkaasoo ay su'aalo ku weydiinayaan Saraakiisha ammaanka.
Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka tirsan Saraakiisha Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa sheegay in ragga laga soo qab qabtay qaybaha Magaalada, ay yihiin kuwo laga shakisan yahay, isla-markaana ay baaritaano ku wadaan,isagoo xusay in ciddii waxba lagu waayo la siideyn doono sida uu yiri.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21d01NK
via IFTTT
No comments:
Post a Comment