Taliyihii hore ee hey'adda nabad sugida Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wadamada dariska qaarkood aaney rabin in ciidamo xooggan loo dhiso Soomaaliya isla markaana adduunka arrintaas ay ka dhaadhiciyeen, isagoo ka qeybgalayay barnaamijka waxay ila tahay ee BBC-da ka baxay shalay Galabtiiayuu sheegay in uu ogyahay wadamada dariska qaarkood in caalamka ay ku qanciyeen in Soomaaliya aan loo dhisin ciidan xooggan.
"Anniga waxaan aaminsanahay inta AMISOM ay dalka joogto ma dhismayaan ciidamada Soomaaliya"ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi, Axmed Macallin Fiqi oo hadda madax u ah xisbi siyaasadeed ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisay dhismaha ciidamada qaranka iyo sugidda ammaanka dalka, taas badalkeeda ay ku mashquulsan yihiin siddii ay markale siyaasadda ugu soo laaban lahaayeen.
Wuxuu sheegay oo kale in madaxda AMISOM shirarka ay ka qeybgalaan u doodaan siddii dhaqaale fiican loo siin lahaa ciidamada ajnebiga ee Afrika ka socda iyadoo kuwa Soomaalida aan xittaa mushaar joogto la siinin,wuxuuna intaasi ku daray in ciidamo badan ay heysato Soomaaliya balse aan tayo ahaan iyo qalab ahaan aysan wanaagsaneyn isla markaana awood badan aanu lahayn ciidanka dowladda soomaaliya
"Madaxda Soomaalida ayaa qeyb ka ah in ciidamo qaran oo xooggan aan la dhisin ,waayo iyaga ayaa shirarka caalamiga marka ay ka qeybgalayaan u dooda dhaqaalaha AMISOM la siinayo in aan laga jirin sababtuna waa ciidamada AMISOM ayey isku haleeyeen" ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi oo dhinaca kale ugu baaqay dowladda in looga baahan yahay in ay la timaado siyaasad lagu dhisaayo ciidamada qaranaka Soomaaliya.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TglLcr
via IFTTT
No comments:
Post a Comment