Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalkii habeen hore illaa duhurnimadii shalay ka soconaayay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyadoo dhanka kalana uu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dagaalkaasi.
Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Galmudug Cali C/laahi Warsame (Galawac), ayaa si adag u beeniyay in Ciidanka Galmudug ay ka qayb qaateen dagaalka, isla markaana aanay ka barbar dagaalamin maleeshiyadii Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne), wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inaanu go'aanka maamulka Galmudug ahayn in la weeraro magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu xushmeynayey dadaaladii lagu doonaayay in labada dhinac lagu wadahadasiiyo.
Wasiir ku xigeenka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in dagaalku uu u dhaxeeyay ciidamada Ahlu Sunna iyo dadka deegaanka, sida uu yiri, ka dib markii uu Ahlu Sunna ku eedeeyay inay caburisay dadka reer Dhuusamareeb.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in dadka deegaanku ay ka dhiidhiyeen hujuumka uu sheegay inuu kaga imaanaayay Maamulka Ahlu Sunna, taasina ay keentay inay la dagaalamaan, sida uu yiri, mar la weydiiyay halka ay dadka deegaanka ka heli karayaan hub intaa le'eh, oo ay ugu babac-dhigayaan Maamulka Ahlu Sunna, ayuu sheegay in dadku ay hubeysan yihiin, iyaguna ay go'aansadeen inay iska dulqaadaan.
Su'aal ahayd waxa ay Galmudug kaga jawaabeyso in Ciidanka Galmudug ay qayb ka ahaayeen dagaalka, ayuu hoosta ka xariiqay Ciidanka Galmudug inaanay amarba u haysan inay la dagaalamaan Ahlu Sunna, Cali C/laahi Warsame ayaa waxaa uu tibaaxay in Galmudug ay ka xun tahay in lagu dul dagaalamo dadka rayidka ah, isla-markaana sida uu hadalka u dhigay ay cambaaraynayaan waxyeelada rayidka ka soo gaartay dagaalka.
Galawac ayaa ugu dambeyn ka dhawaajiyey in Galmudug ay kaalin weyn ka qaadan doonto xasiloonida Magaalada Dhuusamareeb, si loogu heshiiyo inay noqoto Xarunta Maamulka Galmudug uu ku howlgalo.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Y3XOUN
via IFTTT
No comments:
Post a Comment