Wednesday, March 16, 2016

Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxeysa dagaaladii u dhaxeeyay Puntland iyo Alshabaab

Waxaa isa soo taraaya wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland oo saacadihii la soo dhaafay uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Al-shabaab, dagaalka oo marba dhinac u badanayay ayaa waxa uu xoogiisu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Togga Suuj oo ah deegaan godod leh oo ku yaala duleedka deegaanka Garmaal oo ka tirsan gobolka Nugaal.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen xarumo ay si KMG ah usii degnaayeen dagaalyahanada gaaray deegaanadaasi ay ka taliso Puntland ee dhinaca ku haya xeebaha, maamulka Puntland ayaa guulo ka sheegtay Dagaalka ay la galeen xoogaga Al-shabaab, kadib markii ay sheegen in weerarka ay iyagu ku hormareen sidaana ay dhibaato ku gaarsiiyen dagaalyahaanada Al-shabaab, inakstoo aysan jirin cid ka madaxbanaan labada dhinac oo xaqiijinkarta khasaaraha dagaalkaasi ee soo gaaray labada dhinac.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 15 ruux, waxaana uu tilmaamay in khasaaraha dhankooda uu yar yahay.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde oo isna shalay warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay inay 72 saac ku soo afjarayaan dagaalkaasi,wuxuuna intaasi ku daray in dagaalku uu weli socdo,ayna dhinacooda dagaalka guulo ka gaareen sida uu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamo ku filan ay halkaasi u direen,isago dhinaca kale ugu baaqay ciidamada Al-shabaab in ay isu soo dhiibaan ciidamada puntland.
Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkaasi ayaa sheegaya in dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore uu istaagay maqribnimadii xalay iyadoo sida la sheegay dagaalkaasi loo adeegsaday madaafiic culus oo ciidamada puntland ay ku ridayeen dhul godod iyo buuro ah oo ay galeen Ciidamada Al-shabaab,ilaa haddana dagaalkaasi si rasmi ah ugama hadlin Al-shabaab, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalkaasi uu dib u bilowdo maanta mar kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ls3tTg
via IFTTT

No comments:

Post a Comment