Friday, March 4, 2016

Shirkii Pan Africa ee ka dhacay dalka Koonfur Afrika oo looga hadlay arrimaha amniga Soomaaliya

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Kulanka Baarlamaanada Afrika ee Pan African ayaa looga dooday warbixin ay soo diyaarisay Waaxda Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Nabadgalyada iyo Amniga ayaa lagu sheegay in weerarro joogto ah ay Sanadkan Al-shabaab ku qaadeen Saldhigyada ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena qaraxyo lala beegsaday goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen.
Dooda oo ay ka qayb-qaateen ku dhawaad 60 Xildhibaan ka mid ah xubnihii shirkaasi ka qeybgalayey, ayaa wax ka weydiiyay Waaxda Amaanka iyo Nabadgalyada ee Ururka Midowga Afrika xilliga la soo Gunaanadayo Howl-galka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga iyo sida looga hor-tagi karo inay hub iyo dhaqaaleba helaan kooxaha Afrika ka dagaallamaya.
Agaasimaha waaxda ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika danjire Ismail Gergui oo Warbixin u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika ayaa wuxuu Jawaabay su'aalaha ay Weydiiyeen Xildhibaanada, isagoo ku bilaabay Xaalada Amni ee Soomaaliya wuxuuna sheegay inay illaa iyo xad ay kasoo rayneyso soomaaliya , isagoo intaas ku daray inay ka Shaqeynayaan sidii loo tababari lahaa loona xoojin lahaa ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya,isagoo aan soo hadalqaadin waqtiga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya uga Qayb-galay shirka Pan Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan Xamili karin Ciidamo kale oo lagu soo kordhiyo Ciidamada hadda jooga Soomaaliya, wuxuuna walaac ka muujiyay in ciidanka Dalalka dariska ah ka Qayb-qaataan nabad dhalinta Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika Roger Nkodo Dang oo shir gudoominayey kulan ay safiirada Qaaradda Afrika la yeesheen, ayaa sheegay inay isla soo hadal qaadeen qodobo ay ka mid ahaayeen dhibaatooyinka muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku dhaqan Wadanka Koonfur Afrika lagu hayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin; sharci siinta, dhaca Dukaamada iyo Jir-dillada iyo dilalka joogtada ah ee loo geysanayo.
Sidoo kale Nkodo ayaa intaas ku daray in looga hadlay shirka Arrimaha waxa loogu yeero Argagixisada iyo amaan-darada Qaaradda Afrika ku baahday iyo sidii la isaga kaashan lahaa. Waxaana kulankaasi uga qeybgalay Soomaaliya sii-hayaha safiirka soomaaliya ee Koonfur Afrika, ahna xoghayaha 2-aad ee safaaradda Axmed Maxamed Khayre.
Ugu danbeyn kulanka Baarlamaanada Afrika oo furmay horraantii Toddobaadkii hore ayaa la soo gunaanaday iyadoo lagu ballamay in kulanka Abriil iyo May ee Sanadkan ay isugu imaan doonaan Xildhibaanada guud ee Pan Afrika lagu sii xoojiyo qodobadii shirkan ka soo baxay.

from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21d00cD
via IFTTT

No comments:

Post a Comment