Sunday, March 6, 2016

Isimada Puntland oo markale ku baaqay in la bedelo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, fariinna u diray Banki Moon

Afhayeenka Isimadda Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo la hadlayay TV Somalichanel ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn sida uu Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating hadda u shaqeynayo, wuxuuna cadeeyey in uu talaabadaas tahay mid lagu kala fogeynayo Shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in Shaqadiisa dibu eegis lagu sameeyo.
Ergaygan oo dhawaan soo gaaray Puntland wuxuuna Isimadda Puntland la yeeshay kulamo kala duwan kuwaasi oo Gabagabadii ku soo dhammaaday is faham la'aan , ka dibna waxa ay ugu jawaabeen qoraal kulul oo ay ugu dhiibeen Madaxda isaga ka sareysa, Laakiin Afhayeenka ayaa sheegay in uu Ergaygan yahay mid aan dhexdhexaad ka noqon karin xaaladda Soomaaliya loona baahan yahay In Bedelaad lagu sameeyo si uu yiri.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UM7QtX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment