Wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa muujisay sida ay ugu xun yihiin nidaam la'aanta ka jirta shidaalka dalka soo gala oo mararka qaar ay dhibaatooyin ka dhashaan sida uu yiri.
Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah wasiirka batroolka iyo macdanta ayaa sheegay inay weli jirto nidaam la'aanta ku aadan qaabka lugu iibiyo shidaalka soo gala dalka,waxuuna inta ku darey inaysan sax ahayn qaabka lagu daabulo iyo meelaha lagu iibiyo,marar badanna lagala kulmay dab ka kaco goobaha oo dhibaato naf iyo maalba halkaasi lagu waayey.
Wasiirku waxuu sheegay wasaaraddu inay soo bandhigtay qaabka ku haboon booyadaha qaada shidaalka, haamaha lagu kaydiyo iyo kaalimaha lagu qaybiyo shidaalka,isagoo intaasi ku darey in golaha wasiiradu ay ansixiyeen qaabka ay soo bandhigeen ee lugu habeynayo shidaalka dalka soo gala.
"Baarlamaanka ayaan ka sugeyna hindisaha lugu hagaajinayo shidaalka dalka soo gala inay ansixiyaan,waxaana weli taagan nidaam la'aanta ka jirta shidaalka,qaabka loo iibiyo,"ayuu yiri wasiirka batroolka Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu hadalkani ka sheegay kulan gaar ah oo uu la qaatay maamulka gobolka banaadir, iyo guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka,kaaso ku aadanaa sidii looga wada-shaqeyn laha hagaajinta shidaalka soo gala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TglNB9
via IFTTT
No comments:
Post a Comment