Friday, March 18, 2016

C/weli Gaas oo Itoobiya ka dalbaday in Puntland ay ka taageerto dagaalka Al-shabaab ay kula jirto

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali {Gaas} oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la kulmay saraakiil sare oo ciidanka Itoobiya ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya Jen. Samora Yonis iyo taliyaha Sirdoonka millatariga itoobiya Jen. Gabredela.
C/weli Gaas ayaa saraakiisha ciidamada Itoobiya kala hadlay sidii qalab ciidan ay Puntland ugu caawin lahaayeen, ayna ka gacan ka siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo weerartay sida uu yiri deegaano katirsan Puntland, kuwaasoo uu sheegay inay doonayaan inay isku ballaariyaan Geeska Afrika oo dhan.
Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa Saraakiisha u sharaxay muhiimada ay leedahay inay Puntland iyo Itoobiya iska-kaashadaan is-dhaafsiga xogaha la xiriira Al-shabaab iyo cid walba oo wax u dhimaysa nabad-galyada iyo xasilooni ka hana-qaaday Puntland iyo Itoobiya, maadaama buu yiri inay wadaagaan xuduud dheer.
Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray inay Puntland isaga filan tahay cid walba oo isku-dayda inay amnigeeda qal-qal-geliso, ayna Amni-darro ka abuurto deegaanada Puntland, isla markaana aanay jirin baahi loo qabo ciidamo shisheeye oo la keeno, balse ay Ciidamada Puntland u baahan yihiin in laga caawiyo tababarada iyo taakulaynta.
Dhanka kale saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda ballan-qaaday inay kala shaqeyn doonaan Puntland dhanka tababbarka ciidamada, ayna siindoonaan wixii ay uga baahdaan oo taakuleyn ah, waxay saraakiishu xuseen inay Itoobiya diyaar u tahay inay kala shaqeyso Puntland is-dhaafsiga xogaha Al-shabaab, kaas oo ay sheegeen inay yihin cadowga keliya ee ay leeyihiin shacabka Soomaliyeed iyo kuwa Itoobiya sida ay yiraahdeen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R4V4Fx
via IFTTT

No comments:

Post a Comment