Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska oo shalay dhageysatay Dacwad u dhexeysay Xukuumadda Jabuuti iyo Ganacsadaha u dhashay Jabuuti, C/raxmaan Boorre, kaasoo horay u ahaa Madaxa Shirkadda Maamusha Dekedaha dalka Jabuuti.
Dhageysiga dacwaddan kadib ayuu xaakimka Maxkamaddii qaadeysay dacwaddaasi waxa ku dhawaaqay go'aankii ay ka gaareen dacwaddii u dhexeysay C/raxmaan Boorre iyo Xukuumadda Jabuuti, isagoo ku dhawaaqay in lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay ganacsadaha iyo shirkadihiisa.
Ganacsadahan reer Jabuuti ayaa dambiyadii lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ahaa; Musuq-maasuq, lunsashada hantida qaranka Jabuuti, si uu arrimo isaga u gaar ah ugu adeegsado, falal la xiriira waxa loogu yeero Argagaxisada iyo kuwo kale, kuwaas oo ay makamadu dhammaantood ku tilmaantay waxba kama jiraan.
Sidoo kale, Qareenkii dacwaddan ku metelayay dowladda Jabuuti ayaa markii uu shlay soo xaadiray makaxmadda wuxuu sheegay inaysan wax dood ah ka qabin go'aannada xaakimka maxkamaddu uu soo saaray, ayna aqbalayaan natiijo walba oo soo baxda.
"Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay xukunkan soo baxay, muddo siddeed sanadood ah ayay arrintan soo socotay, dhibaatooyin badan ayaana Shakhsiyan iga soo gaaray," ayuu yiri Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre oo u Waramayay BBC-da, kadib Xukunkii uu kaga guuleystay xukuumadda Jabuuti.
C/raxmaan Boorre ayaa Hadalkiisa raaciyay, inuu u mahad-celinayo dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay iyo Maxkamadda Britain ee go'aankaan gaartay inay wax badan ka barteen sidii ay dacwadda u soo wadday muddada sanadaha ah.
"Waxaan kaloo doonayaa in aan halkaan uga mahad-celiyo ehelladayda oo iyaga laftooda ay dhibaato badan kasoo gaartay dacwaddan. Waxayna maxkamaddu u dhacday sidii aanu filaynay, waayo inaan horumarka Jabuuti ka shaqeeyo mooyee ma jirin wax dhibaato ah oo aan dalkeyga iyo dadkeyga u geystay, arrimahaana waxaa caddeysay maxkamadda," ayuu mar kale yiri Ganacsade Boorre.
Su'aal ahayd; Maxaa xigi doona go'aanka maxkamadda, maadaama la sheegay in uusan ku lug lahayn eedihii loo heystay oo ay ka mid ahaayeen Musuq-maasuq iyo Argagaxisonimo, ayaa wuxuu yiri "Wallaahi waxay ku xiran tahay hadba sida ay go'aankan kasoo baxay maxkamadda ay u cabirto, Waxaana maleynayaa inay Xukuumadda Jabuuti mar kale wax dood ah ka keeni karin hantidayda oo dunida oo dhan iiga xayiranayd".
Ugu dambeyn go'aanka Maxkamadda Ingiriisku ay shalay soo saartay ayaa lagu xusay in la fasaxo dhammaan hantidii ganacsade C/raxmaan Boore uga xayirnayd caalamka, waxaana dacwaddaan intii ay socotay ku baxay lacag dhan 90-milyan oo doolarka Mareykanka ah.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LAaYaj
via IFTTT
No comments:
Post a Comment