Saturday, March 5, 2016

Sheekh Atam oo la sheegay inuu magangalyo ka helay mid kamid ah Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya

Sheekh Maxamed Saciid Atam oo kamid ahaa Horjoogayaashii ka goostay xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inuu magangalyo ka helay Dowlada Qadar oo saaxiib la ah dowlada Soomaaliya, sida warku sheegayo dowladda qadar ayaa ku xirtay inay magangelyo siiso shuruud ah inuusan inta uu dalkeeda jooga uusan wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah oo ka dhan ah dowladda soomaaliya ka sameynin dalkeeda.
Maxamed Saciid Atam ayaa Alshabaab ka baxay bishii juun ee sanadkii 2014-ka, waxana uu hadda ku sugan yahay dalka Qadar oo uu gaaray dhamaadkii bishii hore, Atam ayaa Al-shabaab wakiil uga ahaa Buuraaleyda Galgala, ka hor inta aan xilka laga qaadin,markaasi oo loo soowareejiyey dhinaca koofurta, inkastoo uu markii dambe isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, isagoo ugu dambeyn sida la sheegay magen gelyo ka helay dalka Qadar.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0DuUX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment