Tuesday, March 1, 2016

Galmudug oo sheegtay in Ahlu Sunna diiday waanwaan ay ka dhexwadeen IGAD iyo dowladda Soomaaliya

Maamulka Galmudug, ayaa waxaa uu Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna) uu ku eedeeyay in ay is hortaageen wafdi gobolada dhexe u tagilahaa inuu waan waan ka dhexsameeyo labada dhinac si loo soo afjaro khilaafka labada dhinac u dhexeeya
Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in markii ay fashilmeen wada hadaladii labada dhinac laga dhex waday, ay Ahlu Sunna bilowday inay baqdin ku abuurto bulshada deegaanka sida uu yiri, "Ka dib markii ay fashilmeen wada hadaladii ay IGAD ka dhex waday Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxay Ahlu Sunna bilowday inay cabsi geliso dadka deegaanka." Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.
Wasiirka, ayaa Maamulka Ahlu Sunna ku eedeeyay inay Dhuusamareeb u diideen dad doonaayay inay soo nooleeyaan wada hadaladii la isugu soo dhaween lahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug, "Dad u istaagay inay soo nooleeyaan wada hadaladii labada dhinac, ayay Ahlu Sunna u diiday inay yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb. Ciidan badan ayay soo dhoobeen Magaalada, waxay cabsi ku abuurtay dadkii deegaanka, qaarkood way barakaceen, inta hadda ku hartayna cabsi ayay ku jooggaan." Ayuu yiri Wasiirka oo aan sheegin dadka loo diiday kuwa ay yihiin.
Maamulka ahlu sunna ee gobolada dhexe ee soomaaliya ayaan ka hadlin hadalka wasiirka amniga Galmudug oo sheegay in wadahadalo la doonayey in laga dhexsameeyo labada dhinac ay fashilmeen kadib markii Maamulka Ahlu sunna uu diiday in wadahadal la isugu yimaado.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21BTrpv
via IFTTT

No comments:

Post a Comment