Friday, March 4, 2016

Maamulka Somaliland oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay u soo saxiixdo heshiiska Xujaajta tagaya dalka Sucuudiga

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta ee maamulka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa shaaciyey in dowladda soomaaliya heshiiska dadka xujaajta ah la saxiixato dawladda Sucuudiga, maadaama aanay boqortooyadu aqoonsanayn madaxbanaanida Somaliland.
Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo hadal ka jeediyey shir Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaaftu ku qabatay magaalada Hargeysa oo lagaga hadlay sida ugu haboon, uguna fiican ee dadka reer Somaliland u gudan karaan waajibaadka xajka, ayaa sheegay in aan la isku halayn heshiiska dhinaca xujaajta ee dhexmara Soomaaliya iyo Sucuudiga, balse loo baahan yahay sidii Somaliland wax gaar ah u qorshaysan lahayd sida uu yiri.
"Somaliland ma aha dal la aqoonsan yahay, isla markaana ma saxeexno heshiiska xujaajta oo Dawladda Sucuudigu waxay aqoonsan tahay dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu heshiiskaas saxeexda, balse waa in aynaan arrintaas isku halayn oo aynu iskeen wax u qorsheysano, waxaanan isugu yeernay dadkii aannu bidaynay fikir iyo talo," ayuu yiri Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TglQgd
via IFTTT

No comments:

Post a Comment