Ra'iisal Wasaarihii hore Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa uu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee Dowladda soomaaliya ee hadda jirta ,wuxuuna madaxda dowladda soomaaliya ku eedeeyey inaysan laheyn siyaasad sal fadhisa, wuxuuna ku tilmaamay dowlad un guur guur ku jirta.
"Wax la taaban karo oo ay gaartay dowladda malaha, saddex Ra'iisal wasaare ayaa la bedelay, saddex Guddoomiye gobolka Banaadir ayaa la bedelay. Siyaasadda dowladda waxaad moodda inaysan fadhin, marba guur guur ayay ku jirtaa, siyaasad sal fadhiso maba lahan." Ayuu yiri Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya.
Wuxuu soo hadalqaaday amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay haddii dhaqaalaha ugu badan ee Dowladda Soomaaliya soo galaa aan lagu bixin Ciidamada Qalabka Sida, in aan la heli doonin nabadgelyada la doonayo.
"Dhaqaalaha ugu badan ee dowladda soo gala, haddii aan lagu bixin ciidanka, lama gaarayo in la helo ammaanka loo baahan yahay. Askariga wuu dhimanayaa, wuu dhaawacmayaa, dhibaatadaa soo gaareyso, waana in laga warqabaa." Ayuu mar kale yiri Maxamed C/laahi oo la hadlay Radio Goobjoog ee magaalada muqdisho
Farmaajo waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Somaliya uu masuul ka saaran yahay daryeelka ciidamada qalabka sida, ayna ka warqabto qoyska askariga u dhimanaya Qaranka.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ls3uGA
via IFTTT
No comments:
Post a Comment