Wednesday, March 2, 2016

Ciidamada Kenya oo loo diiday saldhig ay doonayeen inay ka sameystaan deegaanka

Guddoomiyaha gobalka Laamu Ciisa Timaami ayaa ku gacan sayeray qorshe ay Ciiddanka Kenya ku doonayeen inay kaga dhistaan Saldhig lagu sugayo ammaanka gobalka Lamu, kaas oo sheegeen saraakiisha Kenya inay kaga hor-tagayaan Weeraradda Alshabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan dhulka Keymaha ee Boni.
Waxa uu sheegay inuusan oggolaan karin in dadka Deegaanka laga bara kiciyo goobta la qorsheeyey in laga dhiso Saldhigga Milliteriga, iyadoo Saraakiisha Ciiddanka Kenya ka codsadeen dhul cabirkiisu dhan yahay 10 KM oo isku wareeg ah.
"Dhismaha Saldhigaasi waxay la micno tahay in Dadka Deegaanka laga barakaciyo guryaha ay isirka u leeyihiin" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Laamu oo ka hadlayey sababta ay ciidamada ugu diideen saldhiga ay ka dalbadeen deegaankaasi.,waxaana Go'aankiisa ka carooday hogaamiyayaasha gobalka Laamu, oo uu ku jiro Senator Abu Jiyaaba oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Kenya, lagana soo doortay galbeedka gobalka Laamu.
Senator Abu Jiyaaba oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn go'aanka uu Guddoomiyaha Gobalka Laamu ku diiday Codsiga ka yimid dowladda dhexe ee Kenya oo uu tilmaamay inay hooyo u tahay dhamaan 47-ka Gobal ee dalka Kenya,wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay in Ammaan ku filan loo helo gobalka Laamu, oo uu tilmaamay inuu yahay Gobal u nugul weeraradda Alshabaab, iyadoo weeraro hore lagu dilay dad badan, laguna dhaawacay tiro kale.
Bishii Janaayo ee sanadkan, Alshabaab waxay 6 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya ku dileen Laamu, kadib, markii qarax loo aasay gaariga ay la socdeen Saraakiishaasi, iyadoo ay kuwo kalena ku dhaawacmeen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LAdnli
via IFTTT

No comments:

Post a Comment