Saturday, March 5, 2016

Dowladda Soomaaliya oo diiday in ciidamo dheerad ah oo ka socda AMISOM dalka la keeno, sheegtayna…

Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta waqtigan inuu ku haboonyahay xilli la xoojiyo ciidamada Soomaalida si ay ula wareegaan ammaanka dalka, taas badelkeeda waxay diideen ciidamo dheerad ah dalka in la keeno, xildhibaan C/casiis C/laahi Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka sheegay shir ka dhacay dalka Koonfur Afrika inay xilligan aysan xamili karin Soomaaliya ciidamo kale oo dheerad ah, kuwaas oo lugu xoojiyo ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.
Wuxuu sheegay xildhibaan C/casiis C/laahi in looga bahanyahay Midowga Afrika dib u dhiska ciidamada Soomaalida oo loo arko inay wax ka badeli karaan ammaanka dalka, "Soomaaliya waxaa ku sugan labatan kun oo ciidan ah kuwaas oo u badan dalalka deriska, ma xamili karto ciidan kale oo dheerad ah, waxaase la jooga waqtigii ciidanka Soomaalida dib loo dhisi lahaa si ay ammaanka ula wareegan" ayuu yiri xildhibaan C/casiis C/laahi oo hadalka ka sheegay shir ay soo qaban-qaabiyeen gudiga amniga iyo xasiloonida ee ururka Midowga Afrika.
Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Afrika ayaa ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaadanaya dedaalada lugu soo celinayo xasiloonida Soomaaliya, Al-shabaab ayaa weli ka taliyo qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha, taas oo shaki gelinaysa inta ay ku qaadan karto ciidamada Midowga Afrika inay ururka ka xoog bataan si loo soo celiyo nabadda Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1SrqS8x
via IFTTT

No comments:

Post a Comment