Wednesday, March 16, 2016

Wasiir Odawaa: Waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu qanciyo beelaha ka carooday shirkii Jowhar

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo saddexdii cisho ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Beledweyn ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay ku howlan tahay sidii loo qancin lahaa dhamaan beelaha ka carooday shirkii Jowhar.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu magaalada Beledweyn kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furay Jowhar, waxaana uu rajo ka muujiyay in kulamadaas ay ka soo baxaan yididiilo wanaagsan, sidoo kale wasiir Odawaa ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo walba oo lagu qancinayo odayaashii ka carooday shirkii Jowhar, isla markaana qorshuhu yahay in dib loo bilaabo shirkii dhismaha maamul u sameynta.
"Waxaan qaadi doonnaa talaabo kasta oo lagu qanciyo beelaha ka carooday shirka, waxaa is bedel ku sameyn doonaa qaabka Wasaaraddu markii hore ugu talo gashay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe"ayuu mar kale yiri Wasiir Odawaa.
Kulamadii maalmihii u dambeeyay Wasiirku kula lahaa magaalada Beledweyne odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa wali wax natiijo ah ka soo bixin, inkastoo Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay wali ku adkeysanayaan in aanay diyaar u aheyn inay tagaan shirka Jowhar.
Qaar ka mid ah Beelaha ku dhaqan Hiiraan ayaa horay u qaadacay shirka Jowhar, waxaana beelaha qaarkood ay saluugeen qaabkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qeybisay odayaasha soo xulaya ergooyinka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hakad ku yimid habsami u socodkiisa, tan iyo markii shirka la furay 12-kii bishii Janaayo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1WshPU1
via IFTTT

No comments:

Post a Comment