Saturday, March 5, 2016

Puntland oo Faahfaahin ka bixisay dooni ka fakatay dekadda magaalada Boosaaso

Waxaa habeen hore dekedda Bosaso xarunta gobolka Bari ka furatay doon laga leeyahay dalka Iiraan taasi oo lagu soo qabtay howgal xeebaha Puntland ka sameeyeen ciidamada Baadda ee PMPF 01 December, 2015, doontaasi oo xilli dambe oo habeen hore ah furatay, ayaa waxaa ka dhashay rasaas ciidamda goobta ku sugnaa rideen kuwaasi oo laga maqlay magaalada Bosaso, waxaana faah faahin ka bixiyay wasiirka Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad-beeda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax.
Wasiirka ayaa xusay inay baarayaan sida falkaasi u dhacay isagoo eedeeyay ciidamada Badda Puntland, oo uu sheegay inay rideen rasaasta, wuxuuna xusay inaysan awood u lahayn ka howl galidda dekedda Bosaso, Saalax ayaa xusay inaysan wasaaradiisu hayn dukumenti la xiriira eedaha lagu soo qabtay isagoo sheegay inay xogteeda haysay wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, isagoo intaasi raaciyay inaysan shaqo ku laheyn wixii ku saabsan doonta fakatay.
Wasiirka mar wax laga weydiiyay qaabka doontaasi loogu ogolaaday naakhuudayaasha, wuxuu tilmaamay inay tahay khalad dhacay, balse ay socdaan baaritaano ku aadan sida falkaasi u dhacay isagoo sheegay in ciidamadii goobtaasi ku sugnaa rasaastana riday la weydiin doono.
Doonta baxsatay ayaa la sheegay inuu mas'uul ka yahay nin lagu magacaabo Siciid Guulle oo inta badan soo kiraysta doonyaha Iraaniyiinta ka jariifta xeebaha Puntland, waxaana wararka intaasi ku darayaan in naakhuudayaasha labadaasi doonyood muddo dhan Saddex bilood iyo 15 casho lagu hayay magalada Bosaso, ayna gacanta ugu jireen ciidamda Boliska kuwaasi markii dambe lahaa amarka doonyaha lagu saaray naakhuudayaasha.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1SrqTt3
via IFTTT

No comments:

Post a Comment