Wednesday, March 2, 2016

Dowladda Masar oo 25-sano kadib fasaxday in xoolaha Soomaaliya ay toos u tagaan dalkeeda

Dowladda masar ayaa mudo 25 sano ah kadib dib u fasaxday in dalkeeda si toos ah loogu dhoofiyo xoolaha Soomaaliya waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Chanalka Suways ay ka dhacdo xaflad balaaran oo lagu daahfurayo xoolaha soomaaliya ee Masar tagaya.
Xafladda lagu daah furayo dhoofka xoolaha Soomaaliya ee dalka Masar ayaa waxaa ka qayb-galayaha Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Masar iyo ganacsato masaari ah.
Wasiirka xanaanada xoolaha dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dedaal dheer oo ay sameeyeen kadib ay ku guulaysteen in Masar ay mudo 25 sano kadib ay dib u fasaxdo in xoolaha Soomaaliya ay toos u tagaan dalka Masar, xoolaha Soomaaliya ayaa tagi jiray dalka Masar oo kaliya marka ay soo maraan wadamada kale ee khaliijka waxaana uu sheegay wasiirku intaasi ay meesha ka baxday oo xoolaha Soomaaliya ay si toos ah u tagayaan dalka Masar.
Wasiirka ayaa dhankale ka waramay shir looga hadlayey sidii Imaaraadka carabtu uu xayiraada uga qaadi lahaa Xoolaha Soomaaliya oo uga qayb-galay Magaalad Dubia waxaana uu sheegay in shirkaasi lagu go,aamiyey in Imaaraadku uu xayiraada ka qaado xoolaha Soomaaliya waxaana loo saaray guddi labada dhinac ah oo arintaas ka shaqeeya sida uu wasiirku sheegay,wuxuuna intaasi ku daray in dhawaan ay dalka imaan doonaan dhaqaatiir ka socota dowladda Imaaraadka Carabta si ay baaris ugu sameeyaan Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Y3XRA9
via IFTTT

No comments:

Post a Comment