Wednesday, March 2, 2016

Codsigii Soomaaliya ee ka mid noqashada urur gobaleedka Bariga Afrika oo dib loo dhigay

Kulankii 17aad ee Urur Gobaleedka Bariga Afrika ayaa lagu soo geba gebeyay Magaalada Caruushha ee Dalka Tanzania, iyadoo go'aan looga gaaray codsiyo ay ku biiritaanka ururkasi u dirsadeen dalalka Soomaaliya iyo K/Sudan.
Shirkan oo ay fadhiyeen Madaxda Wadamada Bariga Afrika ayaa waxaa sanadkan codsaday in ay ku biiraan Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan, balse fadhigaan ayaa lagu ogolaaday inay ka mid noqoto ururkaasi dowladda Koonfurta Sudan halka Soomaaliya dib loogu dhigay fadhiga 18-aad ee soo wajahan Sanadka soo socda sababo dhanka Nabadgelyada la xiriira sida ay sheegeen madaxdii ka qeybgalay.
Kulankaasi ayaa sanadkan xogga ku saareen Madaxda waddamada ku midoobay Arrimaha Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta dalalkaas, iyadoo sidoo kale ka hadlay sameynta hal Basabor oo ay yeelanayaan dadka ku nool dowladaha xubnaha ka ah dalalkaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay ee codsiga soomaaliya ee ka mid noqoshada dalalkaasi dib loo dhigo balse dhowr jeer ooh ore ayaa dib loo dhigay iyadoo markii ugu horeysay codsigaasi ay gudbisay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa sheikh shariif sheikh Axmed,waxyna tahay su,aasha isweydiinta mudan sidee k/sudan loo ogolaaday soomaaliyana lagu diiday,maadaama labada dalba dagaallo ka socdaan, iyadoo dhinaca kale loo baahan yahay in dowladda soomaaliya ka jirtaahi qudheeda looga baahan yahay inaysan ku deg degin dalabkeeda ku aaddan inay codsoto kamid noqoshada ururkaasi xilligan sababo badan owgood.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LAdkpG
via IFTTT

No comments:

Post a Comment