Wednesday, March 9, 2016

Mareykanka oo sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkii Aw-dheegle, Al-shabaab iyo dowladda Somaliya oo gooni gooni uga hadlay

Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamadiisa gaarka ah ay ka dambeeyeen weerarkii habeen hore saqdii dhexe lagu qaaday deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose, sarkaal u hadlay dowlada Mareykanka ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacada Codka Maraykanka ee VOA-da in ay weerarkaas ay ka qeyb qaateen ciidamo Soomaali ah, ayna beegsadeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.
Dhinaca kale afhayeenka Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamo ajnabi oo labo diyaaradood Helicopter watay ay soo weerareen ciidamadooda ku sugnaa deegaanka owdheegle, balse ay iska caabiyeen ayna dib u laabteen, iyagoo khasaare gaaray sida uu yiri.
Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada ay labada diyaaradood soo dhigteen banaanka degmada, ayna gudaha u soo galeen Awdheegle, waxaa uu tilmaamay in halkaas iska hor imaad muddo socday ay kula galeen, waxa uu xaqiijiyey mid ka mid ah dagaalyahanadooda uu weerarkaas ku dhintay, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhanka Ciidamada shisheeye ay khasaare gaarsiiyeen, isla markaana goobihii ay ka soo dageen ku arkeen dhiig iyo rasaas ay adeegsadeen.
Waa weerarkii labaad ee ay dowlada Maraykanka sheeganayso inay ku lug lahayd muddo toddobaad ah,iyadoo horey u sheegtay in duqeyn dhinaca cirka ah ay u geysatay saldhig ay Alshababa ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Buuloburte taas oo ay dowladda Mareykanku ku sheegtay inay ku dishay 150 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.
Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya oo iyana ka hadashay weerarkii ka dhacay degmada Awdheegle ayaa sheegtay in weerarkii lagu qaaday degaanka Awdheegle ay wadajir u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaalida iyo kuwa Mareykanka.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/salaam Caato ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay in ciidamada gaarka ee kumaandooska Soomaalida ee Danab iyo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ah wadajir u fuliyeen weerarkii ka dhacay Awdheegle, wuxuuna af hayeenku intaasi ku daray in howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay, isagoo aan faahfahin kale ka bixin.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Tv1IHg
via IFTTT

No comments:

Post a Comment