Taliyihii booliska ee qaybta gobolka Saaxil Kabtan Cabdirisaaq Yuusuf Casayr, ayaa dablay hubaysani shalay ku dileen inta u dhaxaysa degmada Sheekh iyo Berbera, sida saraakiil ciidanka katirsan Somaliland ay warbaahinta u xaqiijiyeen, lama garanayo cidda dilka gaysatay sababta loo dilay taliyahaasi, waxaase jira warar sheegaya in taliyaha dhintay uu qayb ka ahaa wafti ku howlanaa daminta shaqaaqo ka dhalatay dhismaha dekedda macmalka ah ee Ceel-garde.
Taliyaha waxaa lasocday markii la dilayey xubno ay kamid ahaayeen gudoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil oo isagu weerarkaasi ka badbaaday, inkastoo la sheegay in askari ka mid ahaa ilaaladii taliyaha la dilay uu isna weerarkaasi ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay.
laamaha ammaanka gaar ahaan booliska maamulka Somaliland oo ka hadlay dilka sarkaalkaasi ayaa sheegay inay kudabajiraan maleeshiyadii dilkaasi geysatay,iyadoo dhinaca kale la xaqiijiyey in ciidamo badan oo Boliis ah iyo saraakiil xukuumadda Siilaanyo ka tirsan ay u ambabaxeen dhinaca magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, dilka taliyahan ayaa kusoo beegmaya xilli muddo ka hor isla-gobolka lagu toogtay taliye sare oo ciidanka Boliiska ka tirsanaa, inkastoo askarigii dilkaas geystay muddo kadib laftiisa la toogtay.
Dhanka kale madaxweynaha maamulka Somaliland oo ka hadlay dilka sarkaalkaasi ayaa amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/217CUUY
via IFTTT
No comments:
Post a Comment