Wednesday, March 16, 2016

Dad u dhintay abaaraha saameynta ku yeeshay gobolada ku yaala galbeedka maamulka Somaliland

Inta la xaqiijiyey ilaa afar qof ayaa abaarta baahsan ee ka jirta gobolka Awdal ku geeriyooday, iyadoo uu socdo gurmad xoog leh oo la doonayo in dadkaasi lagu gaarsiiyo biyo iyo cunto,inkastoo xaaladda halkaasi ka taagan la sheegay inay baaxad weyn tahay gargaar kooban oo halkaasi la geeyo loona baahanyahay in loo wada istaago badbaadinta dadkaasi inta suurtagalka ah allaah ayaa wax badbaadinkaree.
Dhinaca kale maamulka gobolka Awdal ayaa xaalad degdeg ah kaga dhawaaqay gobolka, isla markaana sheegay in abaartii ka jirtay gobolka ay sababtay inay dadku u geeriyoodaan ka dib markii xoolihii ay abaartu ka laysay, dadka dhintay ayaa isugu jiray haween iyo caruur ay abaartu saameyn daran ku yeelatay, iyadoo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Cali Saleebaan [Ramaax] uu baaq qaylo-dhaan ah kasoo jeediyay deegaanada abaartu ku dhufatay, isagoo xusay inay dadku socon kari waayeen gaajo iyo haraad darteed.
Guddoomiyuhu ayaa sheegay in abaartu ay saameysay reer guuraa badan oo iminka kasoo hayaamaya dhulka xeebaha ah, kuwaasoo keentay in qaarkood ay carruurtoodii isaga soo yaaceen markii ay soo qaadi kari waayeen, guddoomiye Ramaax ayaa sheegay inuu inta badan kormeer ku soo maray deegaanada ay abaartu ku dhufatay oo u badan deegaanada buuuraha iyo xeebaha, kuwaas oo dadkii socon kari karayey ay wadooyinka tuban yihiin.
"Illaa afar qof ayaanu haynaa oo u geeriyooday abaarta jirta, waxaana meelaha qaarkood laga sheegayay inay shan qof yihiin, dadkan waxaa ka dhamaaday xoolihii, abaartuna waa mid aad u baahday oo gobolka Awdal, Gabiley iyo waqooyiga Hargeysaba dadkii waxay la socon kari waayeen waa gaajo iyo haraad"ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Awdal Ramaax oo ka hadlayey abaarta ka jirta gobolka.
Waxaanu intaas ku daray, "Dadkaani markii ay carruurtii soo qaadi kari waayeen ayey kala dhaqaaqeen oo intii soo gaari karaysay waxay yimaadeen wadooyinka hareerahoodda, inkastoo gurmad badan u fidinay oo ilaa hadda raashin u qaybinay hadana abaartu waxay saamaysay 99% dadkii reer guuraa ahaa".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Ls3wOP
via IFTTT

No comments:

Post a Comment