Tuesday, March 1, 2016

Guddiyada Baarlamaannada Afrika oo shir gaar ah uu uga furmay magaalada Johannesburg

Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika ee ku Mideysan Pan African oo sanad walba kulma afar jeer, ayaa waxaa magaadala Johannesburg si Rasmi ah uga furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan Sanadkaan 2016-ka, Guddiyada Baarlamaanada Afrika.
Kulankaan oo socon doono muddo laba Todobaad ah, ayaa Waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Pan African, Eduardo Mulembwe, isagoo faahfaahiyay Ajandaha shirka oo noqon doona in looga hadlo nabadgelyada iyo amaanka Qaaradda Afrika, miisaaniyad-sanadeedka 2017-ka, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hay'ad cusub oo ceymis ah oo ay yeelanayaan xubnaha ku jira Pan African, taas oo lagu magacaabo CIGNA.
Xildhibaan C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun) oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ku metelaya Shirkaasi oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay qodobada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka khuseeya kulanka, wuxuuna sheegay in Shirkaan looga hadlayo Amaanka iyo nabad-galyada Qaaradda Afrika, si gaar ahna looga hadlayo amaan-darida Soomaaliya ka jira.
Ugu dambeyn kulanka Sanadkaan ayaa waxaa dhanka kale lagu eegi doonaa Go'aanka uu Ururka Midowga Afrika ku gaaray in sanadkan 2016 uu u Aqoonsado Sanadkii Xuquuqda Aadanaha iyo Horumarinta Haweenka Qaaradda Afrika, ayaa la filayaa inay si gaar-gaar ah u Kulmaan; Guddiyada Haweenka, dhallinyarada iyo Danjireyaasha Qaaradda ee Koonfur Afrika ku sugan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/217CYDY
via IFTTT

No comments:

Post a Comment